
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA DICEMBAR 2016-KA
Qiimaha Euribor ayaa loo isticmaalaa in lagu qiimeeyo ammaahyo badan oo balaayiin euro ah.Guddiga Yurub ayaa ganaaxay siddeed bangi oo ay ku jiraan HSBC, JPMorgan iyo Credit Agricole iyagoo si sharci daro ah u wadaagay xog ku saabsan Euribor, si ay u sameeyaan faa'iido ayuu sheegay guddiga. Laba ka mid ah bangiyada, Barclays iyo UBS, ayaa laga cafiyay ganaaxa kadib markii ay sheegeen arrinta qaladka ah ee ay bangiyada samaynayaan.
JPMorgan iyo HSBC ayaa beeniyay inay qalad sameeyeen, waxayna sheegeen in laga yaabo inay racfaan ka qaataan go'aanka.
Barclays, Deutsche Bank, RBS iyo Societe Generale ayaa la ganaaxay 2013 qaybtii ay ku lahaayeen badalida dulsaarka iyagoo bixiyay £1.4 bilyan.
Gudoomiyaha, Margrethe Vestager, ayaa sheegay: "Bangiyada waa inay xushmeeyaan sharciyada Midowga Yurub ee tartanka sida shirkadaha kale ee ka shaqeeya suuqa Yurub".
Guddiga ayaa ku ganaaxay JPMorgan Chase €337m, Credit Agricole €115m, iyo HSBC €34m.
SHAQO JOOJINTA DHAKHAATIIRTA DALKA KENYA OO GASHAY MAALINTII SADDEXAAD
Shaqo joojin ay sameeyeen dhaqaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka dalka Kenya ayaa maalintii saddexaad gashay shalay waxaana saameyn weyn ay ku yeelatay howlaha adeegaa caafimaadka guud ahaan dalka Kenya.
Xaalada isbitaalada dalka Kenya ay meel halis ah ay gaareen kadib markii ay dowlada Kenya ay ku guuldareysatay in ay heshiis la gaarto ururka dhakhaatiirta dalka Kenya.
Wadahadalo ay galeen dowlada Kenya iyo ururka dhaqaatiirta ayaa ku dhamaaday guuldaro kadib markii ay diideen ururada dhakhaatiirta qorshe loo soo bandhigay oo sare loogu qaadayo mushaaraadka boqolkiiba soddon
Inkabadan toban ruux ayaa ugu dhimatay isbitaalada dowlada tan iyo markii ay bilaabeen dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha dalka Kenya shaqo joojinta.
Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Cleopa Mailu ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan sidii ay xal kama dambeys ah ula gaari lahaayeen ururada dhakhaatiirta oo shaqo joojinta bilaabay.
WERIYE CAAN AH OO LAGU DILAY WAQOOYIGA DALKA IRAQ.
Boliska magaalladda Kirkuuk ayaa sheegay in Kooxo aan la aqoonin oo watay gaari ay toogteen Weriyahaasi oo lagu magacaabi jirey Taabit Alcubaydi, xilli uu ku sii jeeday Xaruntiisa shaqo oo ku taalla Bartamaha Kirkuuk.
Taabit Alcubaydi waxa uu Madax ka ahaa Idaacad Deegaanka (A local Radio Station) oo lagu magacaaboBaba Gurgur,oo baahiya Warar iyo Barnaamijyo ku baxa Luqadaha Carabiga, Kurdishka iyo Turkmenka.
Marxuumka oo 38 jir ahaa waxa kale oo u shaqeynayey Shabakadda Wararka ee Iraqi Media Network.
Geerida Weriyahaasi ayaa ah tii labaad oo maalmo gudaheeda lagu dilo Weriye, iyadoo maydka Saxafi kale laga helay agagaarka Deegaanka Dohuk ee Maamulgobaleedka Murdistaanka ee Waqooyiga Iraq.
ABUUKAATE ILKA XANAF: " GUDDIGA DOORASHOOYINKA MA AQOONSANA RA'IISUL WASARAHA..
Xilli Doorashooyinka Beelaha Dirta Waqooyi ee labada Aqal ay ka soconayaan Xarunta Xero Gaadiid taas oo duubabka dhaqanka beelahaasi iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo horjeesteen ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.
Abuukaate Ilka Xanaf ayaa shaaca ka qaaday in sharci ahaan ay haboontahay in la raaco go’aanka Ra’iisul Wasaaraha oo hormuud ka ah Hay’adaha fulinta dalka.
Dhinaca kale Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Dalka oo soo hadal qaaday Cabashada ku saabsan Doorashooyinka ee ku aadan Musuqmaasuqa hareeyay ayuu carabka ku adkeeyay in ay jirto ku shubasho loona baahan yahay in wax laga qabto , haddii kale dalka bur bur ay u horseedi doonto.
Sidoo kale Ilka Xanaf ayaa arrin lala yabao ku tilmaamay in isagoo soo qabtay Xilka 3aad ee ugu awood badan dalka maadaama uu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Sare laga hor istaagay in uu isku soo taago doorashada Aqalka Sare, sababo uu ku sheegay iyadoo lagu xujeynayo cadeymo xilli uu dowladdda intaas oo dhan ku guda jiro.
Hanaanka doorashooyinka haatan socda ayaa Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ku tilmaamay in ay yihiin Xulasho balse aan la dhihi karin doorashooyin maadaama ciddii la rabo la soo saaro kuwa kalana la cadaadiyo in aysan ka qeyb galin ama marka ay ka qeyb galaan la gacan bidixeeyo.
XASAN SHEEKH OO MARKII UGU HOREYSAY KA HADLAY WEERARKII AFKA AHAA EE DONALD TRUMP UU KU QAADAY SOMALIDA MAREYKANKA
Iyadoo Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka dhawaan weerar afka ah uu ku qaaday dadka Somalida ah ee ku nool dalka Mareykanka, kadib markii Wiil Somaliyed uu weerar ka geystay Jaamacada Ohio University, ayaa Madaxwe yne Xasan wuxuu ka hadlay arintaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay Donald Trump inuusan waxba ka sheegin dadka Somaliyed, balse uu wax ka sheegay dad haysta dhalashada dalka Mareykanka, balse asalkooda uu yahay Somali.
Waxa uu sheegay dadka Somalida ah ee degan dalka Mareykanka inuu masuul uga yahay Somalinimada, balse qadiyadaha Mareykanka ee Donald Trump uu ku weeraray Somalida inuusan taasi masuul ka aheyn oo ay tahay arin Mar eykanka u taal.
"Arintaas wax badan ayaa la iska weydiiyay waxaan rabaa inaan cadeeyo hal mid dabcan isku xirnaanta Somalida iyo dhiiga aan isla leenahay aad ayuu muhiim u yahay, laakiin dadka Somalida ah waxaan rabaa inay hal mid gartaan Do nald Trump dadka uu wax ka sheegay horta waa koow dad Mareykan ah waa Somali, balse waa Somali Mareykan, qad aayaadka America ka jira dhexdeeda ayuu wax uga sheegay Somalida, Somaliya degan iyo dalkaan wax kama sheegin, kuwaas Somalinimada ayaan masuul uga ahay, laakiin Somalida uu wax ka shegay dadka madowga ah ayuu wax ka shee gay howshaas howl oo Mareykanka dhexdiisa ka jirto waaye.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siinaayay Tvga Jubbaland ayaa sheegay Dadka ku nool Jamhuuriyada Feder alka Somaliya inuusan Trump wax ka sheegin.
Donald Trump ayaa tan iyo markii uu ku guda jiray ololaha Madaxtinimada dalka Mareykanka, waxa uu weerar afka ah ku haayay dadka Somalida ah ee ku nool dalkaasi Mareykanka oo qaarkood uu ku tilmaamay inay gacan saar la leeyi hiin Xoogaga Daacish.
AFARTAMEEYO QOF OO KU GEERIYOOTAY DIYAARAD RAKAAB OO KU BURBURTAY BUURAHA WAQOOYIO EE DALKA PAKISTAN.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen Diyaaradda oo ka sii hoobanaysay Buuraha, isla markaana aysan filaynin in dad ka samatabaxaan Shilkaasi.
Shirkadda Diyaaradaha Pakistan ee PIA ayaa sheegtay inay waayeen xiriirka Diyaaradaasi oo ku soo jeeday caas imadda dalkaasi ee Islamabaad.
Kooxaha Gurmadka ee Milliyteriga ayaa sheegay inay heleen 20mayd, waxaana socda gurmadka lagu baadigoob ayo dadkii la socday Diyaaradaasi.
Sarkaal lagu magacaabo Raaj Maxamed Khaan ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka REUTERS inay wada gub teen dadkii la socday Diyaaradaasi.
Telefishinadda guud ee dalka Pakistan iyo Warbaahinadda Bulshadda waxaa la soo dhigay Muuqaallada burburka Diyaaradaasi.
Dhinaca kale, Diyaaradaasi waxaa la socday 43 Rakaab iyo 5 shaqaale iyo Hal Injineer.
Fannaan caan ka ah dalkaasi oo lagu magacaabo Junayd Jamsheed ayaa la sheegay inuu saarnaa diyaaradaasi.
Ilaa 3 qof oo shisheeye ah ayaa ka mid yihiin rakaabkii saarnaa Diyaaradaasi burburtay.
DOONI AY SAARNAAYEEN TAHRIIBAYAAL SOOMALIYA AY KU JIRTO OO KU GUDOONTAY XEEBAHA DALKA YEMEN..
Ugu yaraan 40 qof, oo ay ku jiraan dumar iyo carruur, ayaa maqan kadib markii doon ay ku gadoontay Badda Carab ta oo 350km u jirta koonfurta Yemen.
Doonta xamuulka ayaa waxaa saarnaa ilaa 60 qof , markii la waayay iyadoo ka timid gobolka Hadramawt una soc otay jasiirada Socotra.
Dowladda ayaa sheegtay in doonta ay gadoontay shan maalmood ka hor, laakiin la xaqiijiyay oo kaliya Talaadadii.
Ugu yaraan 19 ayaa la badbaadiyay shalay, ayuu sheegay wasiirka kaluu maysiga ee Yemen Fahd Kavieen.
Sababta ay doonta u gadoontay wali lama oga.
Jasiirada Socotra ayaa hadda lagu tagi karaa oo kaliya doon
Jasiirada Socotra, oo ay degan yihiin 50,000 oo qof ayaa ku taal 350km meel u jirta koonfurta Yemen iyo 240km bariga Soomaaliya.
Duulimaadyadii Yemen iyo jasiirada ayaa la joojiyay bishii Maarso 2015, markii dagaalka dowladda Yemen iyo Xuu tiga mucaaradka uu kordhay.
Sacuudi Carabiya iyo isabahaysiga ay hogaamiso ayaa xiray hawada Yemen, kadib markii ay dagaal ku qaadeen Yemen.
M jiro doomo joogto ah oo la raaco, taasoo dadka jasiirada degan ku qasbaysa inay raacaan doonyaha xamuulka.
MAS’UUL LOO XIRAY DIYAARADDII KU BURBURTAY MAGAALADA MEDELLIN DALKA COLOMBIA…
Dowladda Bolivia ayaa xabsiga dhigtay madaxii shirkaddii lahayd diyaaraddii ku burburtay dalka Colombia ee dhi shay 71da ruux, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inta badan ciyaartoyda kooxda kubadda cagta ee reer Brazil ee Chapec oense.
Gustavo Vargas, oo ah Jeneraal hore oo ciidammada cirka ah ayaa loo xiray baaritaan ku saabsan burburkii diya aradda ee ku burburtay dalka Colombia, xili hawada dalkaas ay roobab badan ay ka socdeen.
Diyaaradaan oo ay maamulaysay shirkadda yar ee diyaaraddaha ee LaMia airline ayaa kooxda u sii qaaday Colom biya ka dib na waxaa ka dhamaaday shidaalkii, sida baaritaano hordhac ah ay sheegaayaan, burburka kadib waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 71qof oo ay u badnaayeen ciyaartooda kooxda Kubada Cagta Chapecoense ee Horyaalka Brazil.
WIIL SOOMALI AH OO KA DAMBEEYAY DILKA MUWAADIN SOOMALI AHAA IYO HAWEENEY U DHALATAY NORWAY
Booliska dalka Norway ayaa shalay oo arbaco ah Warbaahinta usoo bandhigay wiil Soomali ah oo qirtay in uu ka dambeeyay dilka Haweeney dalkaas u dhalatay iyo wiil Soomali ahaa oo sidoo kale la dilay.
Wiilkaan Soomaliga ah oo 15sano jirka ah ayaa qirtay in uu ka dambeeyay dilka wiil Soomaali ah oo lagu magac aabo Yacquub Cabdullaahi oo 14 jir ah iyo haweeney u dhalatey dalka Norway oo 40 jir ah mindi lagu diley isla goob, lab ada qof ee la diley wax xiriir ah oo ka dhxeeyey ma jirin, sida ay warbaahinta Norway qortey, kuwaas oo dilkooda la wada xiriirin karo.
Wiilka dilka geystey ee 15 sano jirka ah ayaa la qabtey habeenimadii xalay ee Salaasada sida uu qorey Raadiyaha Norway ee NRK. Waraysigii ugu horeeyey ee lala yeeshay ayuuna ku qirtey in uu isagu diley labada qof, sida uu sheegay Terje Skaar oo u hadley Booliska.
Booliska waxa ay sidoo kale sheegeen In wiilka dilka geystay in Macluumaadkii ugu horeeyay uu bixiyay kadib mar kii gacanta lagu dhigay
AHLUSUNNA OO SHALAY DHUUSAMAREEB KU XIRTAY MAS’UULIYIIN KA YIMID MAGAALADA CADAADO
Ciidanka Maamulka Ahlusunna ayaa Shalay Magaalada Dhuusamareeb ku xiray Labo Mas’uul oo mid kamid ah uu la soo shaqeeyay Maamulkood,kuwaas oo Maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galm udug.
Labada Mas’uul ee shalay lagu xiray Dhuusamareeb ayaa lagu kala Magacaabaa Burhaan Axmed Rooble oo soo noqday Guddoomiye Kuxigeenkii Magaalada Dhuusamareeb Maamulka Ahlusunna iyo Duraan Cali Maalin.
Labada Mas’uul ayaa la sheegay in Maalmahaan ay joogeen Magaalada Cadaado,balse Shalay ay dib ugu soo noqdeen Dhuusamareeb,waxaana lagu xiray Xabsiga Nabad Sugidda Ahlusunna ay ku leeyihiin dhuusamareeb.
Sidoo kale Isla shalay ayey Ahlusunna Magaalada Dhuusamareeb ku Xirtay Siddeed Ruux oo ka mid ahaa Ergadii Cadaado ku soo doortay Xubnaha Aqalka Hoose.
Ahlusunna ayaa si weyn uga soo horjeeda Maamulka Galmudug ee Xaruntiisa KMG ah ay tahay Magaalada Cada ado
PUNTLAND OO KA HADASHAY TALLAABADA AY DIB UGU QABSATAY DEGMADA QANDALA …
Maamulka Puntland, ayaa guulo ka sheegtay hawlgalka la magacbaxay Danab 2, oo ahaa mid Ururka Daacish looga saaraayay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Puntland, ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday hawlgalkan, ka dib muddo bil ah oo Daacish ay si buuxdo uga arrimineysay Degmadaasi Qandala.
Wasiirka Qorshaynta Puntland, Shire Xaaji Faarax oo ka mid ah masuuliyiinta Puntland ee ku sugan Qandala, ayaa sheegay in guul uu ugu soo idlaaday hawlgalka Danab 2, oo yoolkiisu uu ahaa in Daacish laga eryo Degmadaasi iyo deegaanada kale ee hoostagga.
Wasiirka, ayaa tilmaamay in dagaaladii ay maalmihii la soo dhaafay la galeen maleeshiyada Daacish, inay kaga dileen 30 nin, halka 35 kalana ay kaga dhaawaceen, sida uu yiri.
Wasiirka, ayaa intaa ku daray in Daacish ay ka qabsadeen saddex gaari, oo sida uu sheegay ay isticmaali jirtay, iyadoo kii ugu dambeeyayna ay shalay gacanta kaga dhigeen. Wasiirka oo la hadlay VOA, lana weydiiyay inay gacanta ku dhigeen dhaawacyada mintidiinta, ayaa wuxuu xaqiijiyay inaysan wax dhaawac ihi ka qaban.
Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Qorshaynta Puntland, ayaa waxaa uu bidhaamiyay in firxadkii Daacish, ay gaareen tuulooyinka Gurur iyo Casha, ayna arkayn dadka deegaanka, iyagoo dhaawacyadooda wata.
Su’aal ahayd inay wax maxaabiis ah ka qabteen Daacishta Somaliya, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay illaa iyo hadda inaysan jirin wax maxaabiis ah, oo ay gacanta kaga dhigeen.
Mar la weydiiyay khasaaraha dagaalkan ka soo gaaray Ciidamada Puntland, ayuu sheegay in shan askari oo keliya looga dhaawacay dagaalka, kuwaa oo laba ka midda uu dhaawacoodu culus yahay.
MADAXWEYNAHA OO UGU BAAQEY BEELAHA GOBOLLADA WAQOOYI XAQIIJINTA QOONDADA HAWEENKA EE 30%
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalye eyey Guddiyada Doorashooyinka Dadban, Madaxda Dhaqanka Gobollada Woqooyi , Ergooyinka Gobollada Woqooyi doorashada Golaha Shacabka oo maalintii daraad ka billowday magaalada Muqdisho.
" Doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka billowday ee Muqdisho, waxay sii adkeneysaa sida dhammaan umm adda Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka gudbaan marxaladaan Tariikhiga ah ee ay ku dhismeeyso Soomaaliyada cusub, oo si wadajir ah ugu diyaarsan horusocod iyo u bislaashiyaha dowladnimada iyo raadinta midnimada Qarannim ada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya , wuxuu u mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Doorashooyinka 2016 oo ku guuleystay in doorashooyinka Golaha Shacabka in ay qabsoomaan in ka badan intooda badan.
Madaxweynaha, ayaa ugu baaqay Madaxda Dhaqanka Beelaha Gobollada Woqooyi , Guddiyada Doorahsooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Kan Gobollada Woqooyi inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).
Madaxweynaha ayaa ka digaya faragelin lagu sameeyo guddiyada badaxa banaan ee Doorashooyinka Dadban, wuxuuna ku baaqayaa inla ilaaliyo habraaca doorashooyinka ee horrey loogu heshiiyey lagana fogaado wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanaya Shacabka, ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwa AMISOM, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha caalamka dulqaadkooda iyo ka qeyb qaadashadooda ku aadan in la soo gaaro shalay, in heer gabagaba ah ay marayaan Doorashooyinka Dadban ee ka dhacay 6 magaalo oo dalka Soomaaliya ka mid ah.
DHAMMAAD
DOORASHADA AQALKA SARE EE XUBNAHA GOBOLLADA WAQOOYI OO KA BILAABANAYSA MUQDISHO
Guddiga fulinta ee doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ee u gaarka ah Goballada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in doorashada xubnaha Aqalka Sare ay bilaaban doonto berri oo Khamiis ah taariikhduna ay ku beegantahay 08/12/2016. Saacadu markay tahay 10ka Subaxnimo.
Doorashada ayaa waxay ka dhici doontaa xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho sida Guddigu ay shaaciyeen.
Wuxuu sidoo kale guddigu uu sheegay in doorashadaan ay ka qaybgali doonaan oo kaliya Xubnaha buuxiyay shuruudaha Musharaxnimo ee doorashada Aqalka Sare.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa haatan waxaa si habsami leh kaga socota Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa soo gaba gabeeyay Doorashooyinka Golayaasha Qaranka, iyadoo sidoo kale heer gabo gabo ah ay marayaan doorashooyinka wali ka soccda magaalooyinka kale ah ee dalka.
Doorashada Sanadkaan wali ku socota si nabad galyo ah ayaa muujinaysa hormarka iyo isbadalka ay soomaaliya gaartay, iyadoo qorshuhu uu yahay in marka la gaaro 2020ka ay soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
QODOBADA LOOGA HADLAYO SHIRKA MADASHA EE MUQDISHO
Qodobada Looga hadlayo:
In La Cayimo waqtiga doorashada la soo afjarayo
Dhameystirka Hannaanka Doorashada Dadban
Dedejinta Doorashada Aqalka Hoose Iyo Midda aqalka Sare
Xal Ka Gaarista Muranka Puntland iyo Gobollada Waqooyi ee Ku aadan aqalka sare
QOONDADA HAWEENKA .
Xallinta Kuraasta muranka ka jiro ee aqalka hoose
In doorashada madaxtinnimada lagu qabto 2016ka gudaheeda.
In la fududeeyo Tashiilaadka ay doorashada u baahan tahay.
Mas’uul shirka sugan oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid iyo Ra’isul Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ay dusha saarteen xal ka gaarista arrinta Aqalka sare ee Somaliland.
Waxaa kaloo lagu wadaa in maalmaha Axadda iyo Sabtida la soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose taas oo ka socota meelo badan oo ka tirsan gobollada dalka.
SOSCENSA OO WALAAC KA MUUJISEY DIB U DHACA DOORASHOOYINKA
Guddoomiyaha jilayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA C/laahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in dhankooda walaac ay ka qabaan qaabka ay doorashada u socoto iyo sidoo kale dib u dhacyada ku imaanaya.
Shirwac ayaa sheegay in si loo dardargeiyo qaabka ay hadda doorashada u socoto ay safaaradaha Turkiga iyo Ingiriiska ay madaxdooda kala hadleen sidii ay gacan kaga geysan lahaayeen hannaanka doorashada ay hadda u socoto.
"Waxaan la kulannay madaxda safaaradaha Ingiriiska iyo Turkiga, waxaan u geynay qaabka aan u aragno in loo wajaho doorashada hadda socota, waxaan ka codsannay in codsigaasi loo gudbiyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey” ayuu yiri Shirwac.
Guddoomiye Shirwac ayaa dhanka kale tilmaamay in muhiim ay ahayd doorashada iney ku dhacdo waqtigii loogu talogalay, iyadoo la ogyahay iney jiraan culeyso badan oo dhanka doorashada ah.
Doorashada madaxtinimo ee dalka ayaa marar badan dib uga dhacday waqtigeeda, iyadoo ururada bulshadana ay arrintaasi walaac ka muujiyeen.
OGEYSIS OGEYSIIS OGEYSIIS
SHIRKADDA ISGAARSIINTA NATIONLINK TELELCOM OO SOO KORDHISAY ADEEGYO CUSUB
December 1st 2016
Mogadishu, Somalia
XIRMOOYINKA BILLAHA AH EE NATIONLINK
Shirkadda isgaarsiinta Nationlink oo aad uga barateen adeeg telefoon oo taya leh, waxay idin kugu bishaaraynaysaa in ay soo kordhisay xirmooyinka DURD UR 3 & DURDUR 5 oo ah xirmooyin kaa haqabtiraya baahidaada telefoon.
1. DURDUR 3 hadii aad rukumato waxaad helaysaa:
1) Wicitaanada gudaha oo 30 maalmood
2) 300 oo SMS oo gudaha ah.
Qiimaha xirmada DURDUR 3 waa 3 Dollar oo kaliya. Si aad u rukumato xirmadaan:
* Iibso oo ku shubo 3 dollar oo kaarka hadalka ah (Scratch / ETopUp / EMAAL)
* Laxiriir xarunta kuugu dhow ama soo wac rugta adeegga macaamiisha Tel: 100 / 333.
2. DURDUR 5 hadii aad rukumato waxaad helaysaa:
1) Wicitaanada gudaha oo 30 maalmood ah
2) 50 Daqiiqo oo dibadda ah dalalka: USACanadaChinaIndiaPakistanBangl adeshMalaysiaSwedenGermanySouth Africa.
3) 500 oo SMS oo gudaha ah.
Qiimaha xirmada DURDUR5 waa 5 Dollar oo kaliya. Si aad u rukumato xirmadaan:
* Iibso oo ku shubo 5 dollar oo kaarka hadalka ah (Scratch / ETopUp / EMA AL)
* Laxiriir xarunta kuugu dhow ama soo wac rugta adeegga macaamiisha Tel: 100 / 333.
DURDUR ADEEG LAGU DIIRSADAY
NOLOL DADBAN AAA?
Aniga saakay sinahaa i xanuunay saan qalqalooc iyo dadab ugu socday,Waa in somalida la baraa sidii nolol dadban ay ugu noolaan lahaayeen, dadab loo ximbaaryaye. Waaxa leeyna barayaa sidda Dadab loo gu socdo, dadab loogu seexdo, dadab loogu shaqeeyo, waa duni caloosha laga rarayo.
Sida dadab loogu noolaado u diyaar garoow.illeyn Erga dadban ayaa loo diray DOORASHO DADBAN, wa xaa ay dhashay xildhibaan dadban, kadibna baarlama an dadban oo dooranaya afhayeen baarlamaan oo dad ban, kadibna Madaxweeyne dadban wuxuu magacaa bayaa Ra’iisul wasaare dadban,wuxuu soo dhisayaa xukuumada dadban,oo leh shaqaale iyo ciidan dadban, waxaa la magacaabayaa safaarada dadban oo caala mku ku wareeri dooni. Kadibna dhibkii ayaa bilaabana yo oo waxaa nalaga rabaa in aan noqono shacab dad ban!!!!! Taa ayaa nagu adag,oo anaaba sintu i xanu unee caawa markaan is iri bal is tijaabi in aan ku noo laa karto nolol dadba iyo dariiq dadban.
17 rakco oo aan maalintii tukanno waxaan aqrinaa faataxada,waxaana ku duceeysanaa( ihdina siraadal mustaqiima) Alloow wadada toosan nagu hanuuni. Ha dda wadda dadban aa dig soo tiri,ad lee waaye hadaad dadab u noolaa karto,aniga waa igu adagtahay.
Qore: Yahya Amir
BOGGA CAYAARAHA
HOOYADA AUBAMEYANG OO CADEYSAY HALKA UU KA CIYAARI DOONO WIILKEEDA
Emerick Aubameyang hooyadiis ayaa sheegtay in wiilkeedii uu doonayay inuu u ciyaaro Re al Madrid tan iyo yaraa.
Xiddiga Borussia Dortmund ayaa qandaraaskiisa garoonka Signal Iduna Park waxa dhacaa ilaa 2020, laakiin waxa uu dhowr jeer muujiyay jaceylka uu u qabo Madrid.
Waxaa sidookale kamid ah kooxaha lala xiriirinayo Barcelona, laakiin haddii mar ka ta gayo kooxdiisa kunja biirayo kooxaha reer Spain waxa uu u ciyaarayaa Real Madrid sida ay sheegtay hooyada Aubameyang Margarita Crespo.
"Waxa uu ballan ka qaaday awoowihiis taasoo ah in uu ka ciyaari doono Real Madrid maalin maalmaha kamdi ah,” ayay u sheegay AS.
PierreEmerick Aubameyang ayaa si weyn waxa isha ugu haya kooxada Real Madrid, inkastoo Manchester City lacago waali ah ku dalbaneyso.
ARSENAL OO QARKA U SAARAN SAXIIXA WIILKA UGU QURXOON KOOXDA WEST HAM
Arsenal ayaa si dhow isha ugu heysa Xiddiga kooxda West Ham Declan Rice, sida laga soo xigtay wargeyska The Sun.
waxaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee ugu wanaagsan waqtigaan England iyo guud ahaan dunida.
Declan Rice ayaa ah mid ka ciyaara daafaca dhexe waana 17sano jir kaliya kaasoo ko oxda koowaad ee Slaven Bilic dhawaan usoo dhaqaaqay.
Gunners ayaa, si kastaba ha ahaatee, waxaa la sheegay in ay muddo dheer xiise yneysay daafacaan lagu magcaabo Rice, kaasoo usaftay xulka 21jirada Republic of Ireland.
Arsenal aya wadahadalo waxay kula jiraan wakiilada Rice oo saddex sano uga hartay qandaraaskiisa West Ham, taasoo la micno ah inay keenaan dalab ay ku burburinkaraa qand araaskiisa Hammers.
Arsene Wenger ayaa hore kaga doonayay kooxda West Ham wiilka dhalinyarada ah ee Reece Oxford, kaasoo sidookale soo jiitay kooxaha Manchester United iyo Chelsea.
MARCELO BROZOVIC OO HESHIIS CUSUB U SAXIIXAY INTER
Kooxda Inter Milan ee dalka talyaaniga ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis cus ub ka saxiixday laacibkeeda reer Croatia ee Marcelo Brozovic.
24 jirkaan reer Croatia ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa bilowgii xiliciyaareed kan markaas oo tababarihii hore ee Frank de Boer uusan la dhicin qaab ciyaareed kiisa.
Laakiin Marcelo Brozovic ayaa dib ugu soo laabtay safka hore ee Inter markii uu koo xda la wareegay tababare Pioli, kooxda ayaana shaacisay in laacibkooda uu qalinka ku dug ay heshiis ku eg ilaa 2021.
"Marcelo Brozovic wuxuu saxiixay heshiis cusub oo ah ilaa 2021” ayaa lagu yiri war qor aaleed ay soo dhigtay kooxda Boggeeda Twitterka.
Qandaraaska laacib kaan ee Inter ayaa ku ekaa 2019, wuxuuna ku sii kordhiyay laba sano oo dheeraad, Inter ayaa albaabka ka xiratay Arsenal iyo Chelsea oo doonayay Marcelo Brozovic.
KLOPP OO WAR WANAAGSAN HELAYA KA HOR KULANKA WEST HAM UNITED
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa helaya war wanaagsan kadib mar kii tababarkii shalay lagu arkay ciyaartoy dhawr ah.
Daafaca reer Cameroon ee Joel Matip ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Liverpool kadib markii uu seegay kulankii 43 looga adkaaday axadii.
Sidoo kale Sadio Mane, Adam Lallana iyo Roberto Firmino ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda ka hor kulanka axada ee West Ham United.
Tababare Klopp ayaa ku faraxsan inuu dib u helo ciyaartoy lafdhabar u ah kooxdiisa, waxaana xusid mudan inuu laba maalin fasax ku geeyay ciyaartoydiisa magaalada Barcelo na ka dib guul daradii Bournemouth. hampions
CHAMPIONS LEAGUE GROUP E
Bayer Leverkusen 3 0 Monaco
Tottenham Hotspur 3 1 CSKA Moscow
# |
Team Name |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1 |
Monaco |
6 |
3 |
2 |
1 |
9 |
7 |
2 |
11 |
2 |
Bayer Leverkusen |
6 |
2 |
4 |
0 |
8 |
4 |
4 |
10 |
3 |
Tottenham Hotspur |
6 |
2 |
1 |
3 |
6 |
6 |
0 |
7 |
4 |
CSKA Moscow |
6 |
0 |
3 |
3 |
5 |
11 |
6 |
3 |
CHAMPIONS LEAGUE GROUP F
Legia Warszawa 1 0 Sporting CP
Real Madrid 2 2 Borussia Dortmund
# |
Team Name |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1 |
Borussia Dortmund |
6 |
4 |
2 |
0 |
21 |
9 |
12 |
14 |
2 |
Real Madrid |
6 |
3 |
3 |
0 |
16 |
10 |
6 |
12 |
3 |
Legia Warszawa |
6 |
1 |
1 |
4 |
9 |
24 |
15 |
4 |
4 |
Sporting CP |
6 |
1 |
0 |
5 |
5 |
8 |
3 |
3 |
CHAMPIONS LEAGUE GROUP G
Club Brugge 0 2 FC Koebenhavn
FC Porto 5 0 Leicester City
# |
Team Name |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1 |
Leicester City |
6 |
4 |
1 |
1 |
7 |
6 |
1 |
13 |
2 |
FC Porto |
6 |
3 |
2 |
1 |
9 |
3 |
6 |
11 |
3 |
FC Koebenhavn |
6 |
2 |
3 |
1 |
7 |
2 |
5 |
9 |
4 |
Club Brugge |
6 |
0 |
0 |
6 |
2 |
14 |
12 |
0 |
CHAMPIONS LEAGUE GROUP H
Juventus 2 0 Dinamo Zagreb
Lyon 0 0 Sevilla
# |
Team Name |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1 |
Juventus |
6 |
4 |
2 |
0 |
11 |
2 |
9 |
14 |
2 |
Sevilla |
6 |
3 |
2 |
1 |
7 |
3 |
4 |
11 |
3 |
Lyon |
6 |
2 |
2 |
2 |
5 |
3 |
2 |
8 |
4 |
Dinamo Zagreb |
6 |
0 |
0 |
6 |
0 |
15 |
15 |
0 |
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA DICEMBAR 2016-KA
SADDEX BANGI AYAA LA GANAAXAY Guddiga Yurub ayaa ku ganaaxay saddex bangi £413 oo milyan, kadib markii ay badaleen qiimaha lacagta dulsaarka Euribor ee bangiyada yurub ay lacagta ku kala ammaahdaan.