Jamaahiirta Real Madrid Oo Markale Ku Oriyay Rafa Benitez Iyo Macalinkaan Oo U Jawaabay, Muxuuse Ka Yiri Qaab Ciyaareedkii Liitay Ee Madrid Ay Kala Hortagtay PSG ?

0
Wednesday November 04, 2015 - 12:13:53 in Sports News by
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaahiirta Real Madrid Oo Markale Ku Oriyay Rafa Benitez Iyo Macalinkaan Oo U Jawaabay, Muxuuse Ka Yiri Qaab Ciyaareedkii Liitay Ee Madrid Ay Kala Hortagtay PSG ?

    Rafa Benítez ayaa saxafaada la hadlay kadib markii ay xalay kooxdiisa guul ka gaartay PSG, marka laga soot ago in PSG ay kubad sidey doonto umaamushay, argagaxna ay ku abuurtay daafac mideysnaa oo ay Madrid la soo shirtagtay, jamaahiirta kooxd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rafa Benítez ayaa saxafaada la hadlay kadib markii ay xalay kooxdiisa guul ka gaartay PSG, marka laga soot ago in PSG ay kubad sidey doonto umaamushay, argagaxna ay ku abuurtay daafac mideysnaa oo ay Madrid la soo shirtagtay, jamaahiirta kooxda ayaana taasi ka calool jilcin waxayna orin iyo qeylo ay ugu dareen maclainkooda Rafa Benitez, iyagoo aan la dhicin habka maamul ee macalinkaan

Jamaahiirta Real Madrid Oo Markale Ku Oriyay Rafa Benitez Iyo Macalinkaan Oo U Jawaabay, Muxuuse Ka Yiri Qaab Ciyaareedkii Liitay Ee Madrid Ay Kala Hortagtay PSG ?

Jamaahiirta oo horeba u waday orin, foori iyo seeriyo ay yeeriyaan ayuu hadana macalinkaan badal ku sameeyay mid kamid ah xidigihii ugu fiicna ee garoonka ku jiray kulnakii xalay, Jese Rordriguez, taas ayaana kasii dartay qeyladii markii horeba layaabka aheyd eek u socotaya Rafa Benitez.

Isagoo hadlayay kulanka kadib wuxuu yiri "Orin ? anaga waxaan u so baxnay inaan guul gaarno waana aan gaarnay, waad ogtihiin dhaawacyo ayaa na hareeyay dhibaatooyin badan ayaa jira, marka waa inaan ka fakarnaa kaliya guul, waa inaan fiirinaa heerka xiga, waxaan haatan joogna halka ugu sareysa guruubka inagoo aan wax gool ah la inaga dhalin, taasina waa wax aad u fiican marka aad la ciyaartay kooxo adag”.

Dhanka kale macalinkaan ayaa ka hadlay qaab ciyaareedkii aadka u xumaa ee Madridoo waliba ka sii xumaa kii Paris ka dhacay wuxuuna yiri"Taasi kaliya waa qiimeynta ciyarta aad guuldareysato, waxaan la ciyaarnay koox fiican, waana ka adkaanay, Paris si fiican ayaan u ciyaarnay dhibic ayaana soo helnay, halkaan guul ayaan ku gaarnay, kooxdu waa ay ogeyd iney dhibtooneyso, si fiican ayeeyna u shaqeeyeen”.

Marcelo:” Marcelo wuxuu ciyaaray kulan kasta, layaabna ma aha inuu xanuun muruqa ka dareemay, ciyaariyahan waliba ayeeyna ku dhacdaa, waxaan rajeyneenay inuu nasiino qaato waqtiga kulmada caalamiga ah, laakin nasiib daro ma aysan dhicin taasi, laakin nasiib wanaag waxaa jira ciyaartooy badan oo soo laabanaya sida Pepe, James, Bale iyo Carvajal laakin wali si rasmi ah uma ogin xaalada Marcelo”.

Marcelo

Muxuusan u soo galin James Rodríguez?"Marka aad qiimeyso qaabka ay ciyaarta u socotay, waxay u baahneyd awood jireed, sidaasi darteed ma aysan ciyaari karin ciyaartooy aanan waqi badan ciyaarin”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip