Mr Jeesow ayaa ku guuleystay 30 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay uu helay 21 cod, waxaana markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada bilowday rasaas dabaal deg aheyd oo cirka loo ridayay.
Dahir Amiin Jeesow ayaa taageero ka helayay Ugaaska Beesha, waxaanalagu eedeeyay Ugaaska inuu meesha ka saaray Ergadii labo jilib oo ka mid ahaa Beesha Gaaljecel.
Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Hirshabeelle ayaa heer gabo gabo maraya, iyadoo ay harsan yihiin illaa saddex kursi.
Daahir Amiin Jeesow oo ku guuleystey doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar ka dhacday(Sawiro)
Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow ayaa ku guuleystay Doorashada Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gaaljecel oo goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar, iyadoo kursigan uu maalmahan ka taagnaa muran iyo khilaaf ka dhashay xulista ergooyinka.