Boqolaal arday ah oo imtixaanaatka aan galin xeryaha Dhadhaab

0
Friday November 25, 2016 - 18:51:37 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal arday ah oo imtixaanaatka aan galin xeryaha Dhadhaab

    Dib u celinta qaxootiga ee la hadal hayo darteed ayaa waxaa imtixaanaatka kama dambeysta ah ee dugsiyada sare iyo kuwa hoose ka baaqday boqolaal arday ah oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dib u celinta qaxootiga ee la hadal hayo darteed ayaa waxaa imtixaanaatka kama dambeysta ah ee dugsiyada sare iyo kuwa hoose ka baaqday boqolaal arday ah oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab.

Ilaa 289 ardaydaa ah oo gali lahaa imtixaanaadka KCSE iyo KCPE ayaan u fariisan imtixaanaatkaas. 169 arday oo KCSE u fariisan lahaa ayaa imtixaanka ka baaqdeen maadaama noqosho qaxootigu iskii Soomaaliya ugu noqonayo ay socoto.

Cali Budul waa masuulka ugu sareeya dhanka arimaha waxbarashada ee Dhadhaab. Cali wuxuu warbaahinta u sheegay in xataa inta ay u suurta gashay ee samaynaya imtixaanaatka ee ah ardayda qaxootiga ay iska samaynayaan ee aysan niyad u heyn.


Wuxuu sheegay inay og yihiin in 6 bilood kadib xeryaha Dhadhaab la xiri doono. Sidoo kale ayayba iska caddahay in shaqooyin inay helayaan durba xataa hadii ay aad wax u bartaan aysan qabin.

Dad ayana waaweyn oo imtixaankaa samayn lahaa ayaa iyana daruufahaa dartood uga baaqsaday inay imtixaankaa sameeyaan.

Cali Budul wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya hadii ay ardaydu kulaabtaan ay waxbarashadoodu wareer gali doonto maadaama manhaj mideysan uusan Soomaaliya ka jirin.

Dawlada Kenya ayaa dhawaan dib u dhigtay xiridda xeryaha Dhadhaab ilaa bisha 5aad ee sanadka soo socda ee 2017


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip