
WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 24-KA NOVEMBAR 2016-KA
Hay’adda UNICEF waxay Maxamed ku guddoonsiiyeydalka Giriigga Abaalmarinta "Lambros Kanellepoules”, kadib, markii la qiimeeyey Kartidiisa iyo Taageeradda dhinaca Turjumaadda ee uu ku caawiyo Samafalayaasha iyo dadka Qaxootiga.
Wiilkaasi oo 13 jir ah ayaa ku hadli kara 6 Luqadood, wuxuuna noqday Gacanta Midig ee Dad ka iskooda isku xilqaamay ee taageera Qaxootiga ku sugan gudaha dalka Giriigga.
Waxa uu si caadi ah Samafalayaasha taageera Qaxootiga ugula shaqeeya Turjumaan ahaan.
Wiilkaasi yar waxaa la sheegay inuu Luqadaha Ajnabiga ka bartay isagoo si gaar ah u dheg eysta Dadka Caawiya Qaxootiga iyo qaar ka mid ah Dadka Qaxootiga ee uu la nool yahay.
Luqadda Giriigga ayaa la sheegay inuu ku bartay muddo 6 bilood oo keliya.
Maxamed iyo Hooyadiisa iyo 5 carruur oo la dhalatay waxay 3 sanno ka hor ku noolaayeen dal ka Turkiga, wuxuuna Luqadaha Turkishka iyo Englishka ku bartay inta ay ku jireen Xeradda Qaxoot iga iyo marka uuy la ciyaarayey carruurta Qaxootiga ee ka soo jeeda dalalka kale.
Xigasho: Balkaneu
NIN SOMALIGERMAN LA SHEEGAY INUU DADKA U KALA TAHRIIBIN JIREY DALALKA EUROPE OO LA QABTAY.
Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Maodi C/salaam Khaliif ayaa la sheegay in shalay lagu qabtay dalka Jarmalka, waxaana lagu eedeeyey inuu madax u yahay Shabakad ka kooban 13 nin, kuwasi oo Tahriibyasha ka tageera inay ka soo baxaan Talyaaniga, si ay u gaaraan dalalka ku yaa lla Waqooyiga Europe.
Hadal ka soo baxay Boliska Talyaaniga ayaa lagu sheegay Mukhalskaasi isagoo kaashanayo 2 Gacanyarayaashiisa oo ku sugan magaalladda Milaan ay Tahriibayaasha Soomalida u sameeya an Dukumentiyo Been Abuur ah iyo Tikidhda Tareendd ku soo jeeda dalalka Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Denmark iyo Norway.
Tommaso Niglio oo ah Sarkaal ka socday Boliska magaalladda Salerno ee Koonfurta Talyaan iga ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA inuu Khaliif madax u ahaa Koox Dembiilayaal ah, waa sida uu hadalka u dhigay.
Eedeysanaha Maodi C/salaam Khaliif ayaa la sheegay inuu ku noolaa Degmadda Karlsruche ee K/galbeed Jarmalka, halkaasi oo laga soo qabtay, kadib, markii loo jaray Warqadsda Europe ee soo qabashadda dadka la raadinayo.
Toban Eedeysane oo uu ku jiro Maodi C/salaam Khaliif iyo saaxiibadiisa u joogay magaalladda Milan ayaa la amray in lagu sii hayo Xabsiga, halka 3 kale la sheegay in lagu hayo Xabsi Guri.
Boliska Talyaaniga ayaa la sheegay inaysan weli soo dhamystiran Hawlgalka sooqabashadda ee ay ka fulinayaan magaalladda Florence, Brescia, Bergamo, Catania iyo Bari ee dalka Taly aaniga.
DIB U DHAC KU YIMID WAQTIGII LOO BALANSANAA DOORASHADA GUDDOONKA BAARLAMAANKA
Waxaa dib u dhac ballaaran uu ku yimid xilligii loo asteeyay inay dhacdo Doorashada Guddoo miyaha Baarlamaanka cusub iyo Ku xigeenadiisa.
Shalay oo Arbaco ah taariiqduna ay ku beegan tahay 23112016, waa maalintii loo balamay in la qabto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka iyo Kuxigeenadiisa, hayeeshe sida muu qata waxaa ku yimid dib u dhac Jadwalkaasi.
Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ayaa horay u shaaciyay in 23ka Bishan la qabanaayo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, halka 30ka Bishaan la qabanaayo Doorashada Madaxwe ynaha, laakiin jadwalkaasi dib u dhac weyn ayaa ku yimid.
In la qabto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, iska daaye waxaa weli socota oo aanan soo dhameystirmin Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka oo ay hareysay Musuq maasuq xoogan.
Sida muuqata iyana dib u dhac ayaa ku imaan doono Doorashada Madaxweynaha dalka oo 30-ka Bishaan loo madalsan yahay inay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.
Guddiga Doorashooyinka Dadban ee dalka ayaa dhowr mar dib u dhigay Doorashada, iyadoo sababta ugu weyn ee dib u dhacana ay ka imaaneysay Madaxtooyada Somaliya oo ku howlan uruu rsashada Kuraasta Baarlamaanka dalka.
INA WARAABE: HADDII XASAN SHEEKH UU SOO NOQDO, WAA BAABA’A SOOMAALI
Siyaasiga Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u weeraray Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dhinaca kalana uu ka digay in markale la doorto.
Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu Madaxweynaha Somaliya uu ku eedeeyay in uu dalka iibsaday, haddii doorashada sanadkaana uu ku soo baxo, ay taasi horseedi doonto baaba’a Som aliya.
"Soo maaha ninkii dhulka oo dhan iibsaday? Maalintuu meesha qabsaday shilin muu haysa nin, maantana dhulkii oo dhan buu iibiyay. Haddii uu idinku soo noqdana waa baaba’iina.” Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Shabelle, ayuu yiri "Soo iminka Jubbaland muu bixin? Jubbal and yaa bixiyay? Yaa Aqalka Sare sameeyay? Yaa tirada badan siiyay Garoowe iyo Boosaaso? Yaa maqaamkii Banaadir duudsiiyay?”
Waraabe, ayaa ku waramaya in dadka Somaliyeed ay ka dheregsan yihiin dhibaatada uu gay stay, oo uu ku sheegay mid aanay ka soo kaban doonin Soomaali.
"Dadkoo dhan waa ogyahay, Xasan dhibaataduu Soomaali u gaystay, weligeyd ka soo kaban mayso. Haddaad ugu celisaana waa Soomaali baaba’eeda.”
Xigasho.dhacdo.com
PUNTLAND OO KA SHIRTAY ABAARAHA KA JIRA DEGAANADEEDA
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay waxa uu shir aan ca adi ahayn isugu yeeray golaha wasiirada Puntland, waxaana shirkaas oo ka dhacay xarunta mada xtooyada looga arrinsaday xaaladaha abaareed ee ka jirta Puntland iyo sidii qorshe deg deg ah lo oga yeelan lahaa gurmad loo fidiyo dadka ay abaartu saameeyeen.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Eng. Cabdix akiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha Puntland isagoo gol aha uga warbixiyay xaaladaha abaareed ee ka jira Puntland.
Xubnaha golaha wasiirada Puntland ayaa dhankooda dood adag ka yeeshay sidii loo heli lahaa qorshayaal loogu gurmanayo dadka iyo xoolaha nool ee ay abaaruhu dhibaatada u geysteen.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Dawladdu ay fidinayso gurmad deg deg ah maadaama ay abaartu daba dheeraatay loona baahan yahay in si dhakhso ah loogu gurmadu dadka ay abaaruhu sameeyeen,
Mudane Gaas ayaa sidoo kale sheegay inuu magcaabay guddiyo kala duwan oo ka shaqayn doona qorshayaasha ay Puntland u dejisay in loogu gurmado dadka ay abaartu saamaysay, gud diyadaas oo si deg deg ah ugu howl gali doona gurmadka abaaraha.
C/wali Gaas ayaa caddeeyey in waqtigan la joogo aysan daawan karin dhibaatada ay abaartu ku hayso dadka iyo duunyada balse Puntland iyo shacabkeedu ay isku tashanayaan si deg deg ah na ay ugu gurman doonaan dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Gudiyada uu magcaabay in ay ka shaqeeyaan qorshayaasha ay Dawladdu u dejisay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saamaysay.
MASAR OO DIB U FUREYSA GOOBAHEEDA WAXBARASHO EE SOOMAALIYA
Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay dib u hirgelineyso goobihii waxbarashada Soomaaliya ee ay gacanta ku heysay markii hore.
Iskuuladaii waxbarsho ee ay Dowladda Masar gacanta ku heysay ayaa waxa ay isugu jireen kuwo ka dhisan Magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo ku yaalla Gobolada Dalka.
Dowladda Masar ayaa 25 sano kadib waxa ay ka howlgali doontaa Soomaaliya gaar ahaan dhanka waxbarashada, waxaana hada waxbarashada ay si toos ah uga bilaabi doontaa Dugsiyada Sheekh Xasan Barsame iyo 15ka May.
15 xubnood oo ka socda Dowladda Masar, kuwaas oo isugu jira Macalimiin iyo Mamulayaal ay aa waxa ay ka howlgali doonaan Dugsiyada Sheekh Xasan Barsame iyo 15ka May.
Safiirka Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay Dadka Soomaaliyeed in ay yihiin dadkooda, si doo kalena ay ka taageeri doonaan dhan walbo.
MAGACYADA XUBNAHA LAGU DOORTAY KISMAAYO
Magaalada Kismaayo shalay waxaa la filayay in lagu soo gaba gabeeyo Doorashada Aqalka Hoose, maadaama ay harsanaayeen Saddex kursi, sidoo kalena horey loo doortay 40 Mudane.
Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu doortay Labo kursi, waxaana dib loo dhigay hal kursi oo maanta ah la filayo in la doorto.
Labada xubnood ee shalay la doortay ayaa waxa ay kala yihiin C/laahi Maxamed Aadan Sha aciye oo helay codad gaaray 44 cod iyo Sagal Cabdirisaaq Isaaq oo heshay 27 cod.
Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ilaa iyo hada waxaa lagu door tay 42 xildhibaan, waxana harsan hal kursi oo maanta la dooran doono, maadaama 43 xildhibaan ay ka imaanayaan Degaanada Jubbaland.
MAGACYADA XUBNAHA AQALKA HOOSE EE KU SOO BAXAY JOWHAR
Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe shalay waxaa ka dhacday Doora shada wajigii Saddexaad xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Hirshabeelle.
Doorashadan shalay ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo baxay Saddex Mud ane oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub.
Xubnaha shalay la doortaya ayaa waxa ay kala yihiin Cumar Cusmaan Waasuge (Cumar Rii nge), Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Farxiyo Muumin Cali.
Maanta ah ayaa sidoo kale la filayaa in Doorashada Aqalka Hoose ay ka sii socoto Magaalada Jowhar, waxaana Doorashada ay tahay mid si habsami leh ku socota.
NATIIJADA: DOORASHADA KA DHACDAY BAYDHABO
Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay shalay waxaa lagu qabtay Doorashada xubn aha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada koonfur Galbeed.
Doorashada oo shalay ku socotay si Habsami leh ayaa waxaa ku soo baxay dhowr Mudane oo ka mid noqday xubnaha cusub ee Aqalka Hoose, waxaana la doortay ilaa 4 xildhibaan.
Xubnaha shalay lagu doortay Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay kala yihiin Cali yuusuf Cus maan oo helay 41 cod, Isaaq Maxamed Maxamuud 51 cod, Cusmaan Xaaji Cali 48 cod iyo Xamze Zayid Xamze 49 cod.
Ergada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa soo dooranaya xubna ha ay u arkaan in ay u qalmaan xilkan.
DOORASHADA AQALKA HOOSE OO KA DHACDAY GAROWE
Doorashadii Aqalka Hoose ee ka socotay Magaalada Garowe ee dowlgoboleedka Puntland ayaa shalay loo tartamay ilaa saddex kursi.
Doorashada shalay oo ku dhacday sidii loogu talo galay ayaa Xildhibaanadii ku soo baxay wa xa ay kala ahaayeen Daa’uud Maxamed Cumar, Fersal Cabdulle Guuleed iyo Cabdi Maxamuud Maxamed.
Kuraasta ilaa iyo hadda laga soo doortay Puntland ayaa Doorashada xildhibaanada shalay soo baxay waxay ka dhigaysaa 22 Mudane, iyadoo tirada guud Kuraasta Puntland laga rabo ay ta hay 37kursi.
MICHEAL KEATING'' SOOMAALIYA LAMA ORAN KARO WAX WALBA WAQTIGOODA HA KU DHACAAN
Danjiraha QM ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaki ka muujiyay in doorashada Somaal iya ku dhici karto waqtigii loo qabtay, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in uu rajo badan ka qabo in doorashada sidda ugu dhaqsiyaha badan u dhici doonto.
Danjiraha oo wareysi siinayay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in marar badan oo hore doorashadu dib u dha cday hasse ahaatee warka wanaagsan uu yahay in 40%, la soo dhameystiray xubnihii aqalka sare iyo hoose, taasoo mu ujineysan ayuu yiri in muddo gaaban gudaheed la qaban doo no doorashada guddoonka baarlamaanka.
''Marka Soomaaliya laga hadlayo lama oran karo wax walba waqtigooda ha ku dhacaan, waqtiga Soomaaliya la qabsado la mid ma'aha kan Switzerland, hasse ahaatee waxaan rajeynayaa in muddo 10 cisho wax walba ku soo dhamaan doonaan'' ayuu yiri danjire Keating.
Waxaa uu sheegay danjiraha QM in arinta doorashada Soomaaliya soo jiitameysay ilaa laga soo bilaabo bishii August, laakiin kalsoonida ugu ballaaran ee la qabo ayuu sheegay in ay tahay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo qaban doono doorashada.
Hadalka danjiraha ayaa imanaya xili musharixiinta madaxweyne qaarkood walaac ka qabaan dib u dhacyadan is xig xiga, iyaga oo ka dalbanaya guddiga doorashada dadban in ay cadeeyaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada madaxweynaha cusub ee sanadkan 2016ka
MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO MUQDISHO KULA KULMAY SAFIIRKA MIDOWGA YURUB EE SOOMALIYA..
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa shalay Magaa lada Muqdisho kula kulmay Safiirka EU Soomaaliya Ambassador – Ms Veronique LORENZO.
Kulanka labada Mas’uul ayaa loogu hadlay colaadiii xalka laga gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Mudug, arrimaha doorashooyinka, iyo sidii mamulka Galmudug loogu gacan siin dhinac yada amniga, iyo hormarka.
Arinta magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sixoogan looga hadlay waxaa na EU ay sheegeen in ay gacan kageysanaan sidii colaadaas loo soo afjari lahaa madaxweynaha Maamulka Galmudud Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in Galmudug ay markasta u taagantahay nabada kuna baaqeyso.
CIIDAMADA ETHOPIA OO LA WAREEGAY DEEGAANKA GOOFGADUUD SHABEELOW EE GOBOLKA BAAY
Wararka ka imaanaya deegaanka Goofgaduud Shabeelow ee Gobolka Baay ayaa ku war amaya in ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika Amisom in ay la wareege en deegaankaas, waxaa gabiahaanba isaga baxay Ciida mada Xarakada Alshabaab oo duhurnimadii shalay la wareegay.
Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka noocyadi isa kala duwan ayaa gudaha u galay gudaha degaanka as, waxaa jiro meydadka Ciidamada Koonfur Galbeed Soo maliya, kuwa Dowladda Soomaliya iyo Xarakada Alshaba ab oo daadsan gudaha deegaanka, waxaase hawada ka maqan isgaarsiinta degmadaas.
Korneel Muqtaar Maxamed Axmed oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada Malatariga Ethopia ay gud aha magaaladaas galeen islamarkaana dagaalyahanadii Alshabaabna ay isaga baxeyn 32-askar inna loogu dilay dagaalka.
Dagaalkii ka dhacay deegaanka Goofgaduud Shabeelow ee gobolka Baay oo soo bilowday saqdii dhexe ee habeen hore ayaa soo gaaray ilaa duhurnimadii shalay waxaa jiro qasaaro dhima sho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.
SHEEKH BASHIIR "DHAQAALAHA BADAN EE JAADKA KU BAXA, HAL MAALIN DADKA ABAARTA HAYSA WAX HALOOGU QABTO”
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Somaliyed, ayaa ka qaylo dhaamiyay xaalada Abaareed ee haatan ka taagan qaar ka tirsan Gobolada dalka Somaliya.
Sheekha ayaa isweydiiyay sababta, iyadoo ay taagan tahay xaaladahan Abaareed ee adag dadka ay isugu gar gaari la’yihiin, waxaana uu sheegay in arintaan aanan la dhayalsan oo loo kaco.
Waxa uu ka hadlay Qarashka faraha badan ee maalin waliba ku baxa qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya, waxaana uu ku baaqay hal maalin oo kaliya in dhaqaalahaasi faraha badan loo weeciyo dadka ay abaarta hayso si wax loogu qabto.
"Dadkeenii abaar bay u dhimanayaan ayaa hadane dhaqaalaheenii iyo xoolaheenii waxaa la siisanayaa wax sun ah oo iyadoo loo jeedo aan wax laga qabaneyn, qaadka oo kale qarashka maa lin walbo ku baxa haddii maalin kaliya loo weecin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaarta hayso wax badan bay u qaban lahayd.” ayuu yiri Sheekh Bashiir.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah masuulka dalka ugu sareeya iyo Dowladiisa ayaa ku mashquulsan olole Xoogan oo raadinta Kuraas Baarlamaan ah, waxaana Madaxtooyada arintaasi ay ku bixinaysa Dhaqaale xoogan, laakiin Abaarta cidna wax iskama weydiin.
Dowladda Somaliya oo eeganaysa danaheeda gaarka ah iyo mida shaqsiyaadka ku xeeran Dowladda, ayaanan xitaa baaqyo ka soo saarin xaaladaha abaarta ee ka taagan Somaliya, iskaba daa kaalmo ay ka qayb qaadato.
Somaliya xilligan waxaa ka taagan xaalad abaar ah oo dadka hadii aysan helin gurmad Bini ’aadinimo waxa ay ku jiraan xaalad Qatar ah.
MADAXWEYNE XASAN OO KA HADLAY DOORASHOOYINKA DALKA KA SOCDA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Golaha Shacabka oo si habsami leh uga socda caasimadaha dow lad gobolleedyada dalka, dhowaanna ka bilaaban doona magaalada Muqdisho
"Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dad ban (GFHDD), Guddiga Dowlad Goboleedka Hirg elinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaan ku ammaanayaa sida hufnaanta leh oo ay u maamulayaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda. Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxay kalsooni buuxda ku qabaan guddiyadda madaxa bannaan, waxaana ku dhiirragelineynaa inay sii labalaa baan dedaalkooda ku aadan howlaha loo igmaday oo ay si habsami leh doorashooyinka ugu soo gabagbeeyaan waqt igii loogu talagalay.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Madax da Dhaqanka Beelaha iyo Guddiyadda doorahsooyinka dadban inay xaqiijiyaan doorka kootada haweenka ee lagu heshiiyey oo ah Sodon Boqolkiiba (30%).
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo doorashooyinka Aqalka Sare iyo kan Golaha Shacabka ee Gobollada Woqooyi ee loo qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacaan iyada oo la ilaalinayo habraaca doorashooyinka ee horey loogu heshiiyey lagana foga anayo wax walba oo wax u dhimayo habsami u socodka doorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa yiri "Doorashooyinka ka dhacaya dalka waa guulo weyn oo ay Soomaali ya gaartay oo tusaale u noqon doonta adduunka iyo taariikh cusub marka loo eego wadamada dag aalka ka soo kabsaday sida Soomaaliya oo kale.”
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey, Beesha Caalamka, dowlad Gobolle edyada dalka ka jira iyo shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan qabsoomida doorashooyinka Dadban ee 2016.
R/WASAARAHA OO KA HADLAY ABAARAHA DALKA KA JIRA
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka digay saameynta ay Abaaruhu sababi karaan ee ka jira Dalka, hadii aan gurmad deg deg ah loo helin.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisl Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay xubno ka tirsan Qaramada Midoobay in ay kala hadlayaan sidii gar gaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay Abaaruhu saameeyeen.
Ra’iisul Wasaraaha ayaa wuxuu sheegay Abaarta jirta dalka hadii aan waxba laga qaban in ay saameyn xoogan yeelan doonto, islamarkaana dadka iyo duunyada ku nool dalka Abaarta ay waxy eeleyn doonto.
Xaalad qatar ah oo dhanka abaaraha ayaa ka taagan qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaa liya, waxaana dalka uu u diyaar garoobayaa Doorasho.
ABWAAN MAXAMED JAAMAC KAYD OO KA MID AHAA HOBOLLADA WAABERI OO KU GEERIYOODAY HARGEYSA
ALLAHA u naxariistee waxaa shalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan, macalin, Mu’aluf, Maxamed Jaamac Kayd oo Muddooyinkan dambe bukaan jiif ahaa.
Abwaan Kayd ayaa Muddooyin dambe u Xanuunsanayay FAALUG uga dhinacay dhinaca, kaa soo waayadan dambe bukaan socod ka dhigay, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday faalugii oo mar kale ku soo noqday.
Abwaan Kayd oo Dadka Taariikhdiisa haya waxay sheegeen inuu ku magacdheeraa Kayd Dhegoole, Wuxuu ahaa Ruux dhinacyo badan kaga jiray Nolosha, Waxaanu ahaa Macallin arday badan wax baray, waxaanu macalinimada ku darsaday inuu noqdo hal abuur mufakir ah oo same eyey Riwaayado iyo heeso badan oo ay ku luuqeeyaan Fannaaniin Caan ah sida Khadra Daahir Cige, Cabdiqaadir Macalin Juba, Axmed Cali Cigaal,Saynab CIge iyo kuwo kale oo faro badan.
Marxuum Abwaan Maxamed Jaamac Kayd waxaa la sheegaa in uu dhashay hiilaadii 1952kii oo ku dhashay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer, waxaanu waxbarashaddiisii iyo hoose iyo dhexeba kusoo qaatay isla magaalada Burco, isagoo xilli dambe usoo wareegay magaaladda Muqd isho oo uu ka bilaabay macalinimadiisii.
Marxuum Kayd, Wuxuu Cilmiga Suugaanta ka soo bartay Dalka Masar, Markii dambana Maca llin ka noqday jaamacadii Lafoole.
Abwaan/Macalin Kayd wuxuu ka mid noqday hobolada Waaberi oo uu noqday rukanaddii ay ku dhisnayd, isagoo hal abuuray heeso faro badan iyo Riwaayaddo wakhtigaasi aad loo jeclaa uu sameeyey.
Sannadkii horaantii kun sagaal boqol sideetamaadkii Abwaanku Ruwaayado uu hal buuray waxa ka mid ahaa riwaayad aad loo jeclaystay oo la magac baxday ‘Nin Ilaahay wakiishay nasiibki isa ma waayo, taasi oo ay ku jireen heeso aad u caan baxay sida Heesta, "Marti ee ay qaado Kharo Daahir Cige erayadeedana ay ka midka yihiin; "Cudurka kaagalafardaha, Haddi laga gubo dameer dawada lama gaadhayoo.”
Abwaan Kayd sidoo kale isla sannadahaasi waxa uu Allifay heeso kale oo ay ka mid tahay he esta Adduunyo oo ay qaado Fanaanada Saynab Cige Maxamed iyo Heeso kale oo u kala dhiibay hobolada Aamino Cabdulaahi , iyo waliba Axmed Cali Cigaal oo uu isna u dhiibay heesta Walaa shay Gacalisooy.
Ugu dambeyntii, Abwaan Kayd Wuxuu ahaa nin dabeecad, dhaqan iyo qalbi fiican sida ay sheegeen Fannaaniintii ay soo Wadashaqeeyeen, Waxaanay EEBBE u waydiinaynaa inuu janaddii Fardawso ka waraabiyo, ummadda Soomaaliyeed uu samari iyo iimaan ka siiyo
BOGGA CAYAARAHA
WARBIXIN: KADIB KULANKII TAARIIKHDA CHAMPIONS LEAQUEGA GALAY EE AY HABEEN HORE BORUSSIA DORTMUD 84 KU XASUUQDAY LEGIA, WAA KUWEE KULAMADII CHAMPIONS LEAQUEGA UGU XUSUUSTA BADNAA?
Kulankii habeen hore ee Borussia Dortmund iyo Legia Warzaw ee Germany ka dhacay ayaa noqday kulankii taariikhda Champions Leaquega ugu horeeyay ee ay laba kooxood iska dhaliyeen 12 gool. Dormund ayaa 84 ku xasuuqday kooxda ree Poland ee Legia waxayna rekoodhka kulanka Champions leaquega ugu goolasha badan ay kala wareegeen kulankii Monaco 83 Deportivo La Coruna ee sanadkii 2003.
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa kulamadii ugu xusuusta badnaa Champ ions Leaquega ee galay taariikhda tartankan ee wali la sii xusuusto. Halkan ayaanad kaga bogan kartaa.
Juventus 23 Manchester United (1999)
Sanadkii 1999 kii Manchester United ayaa guul soo laabasho cajiib ahayd ka soo gaadhay koo xda Juventus oo ay marti ugu ahayd Turin, waxaana Man United dhiiro galiye u noqday Roy Keane kaas oo goolkii furitanka Red Devils u saxiixay halka Dwight Yorke uu goolka barbraaha Man United udhaliyay waxaana goolkii guusha Man United u saxiixay Andy Cole, waana mid ka mid ah kulamada sida gaar ah loogu xusuusto Champions Leaquega.
Monaco 83 Deportivo La Coruna (2003)
AS Monaco forward Dado Prso (L) celebrates after scoring a hattrick, 05 November 2003 at Lo uis II stadium in Monaco, during his UEFA Champions League group C soccer match against Depo rtivo la Coruna. (R) forward Ludovic Giuly. Waxa uu kulankani ahaa goolkii haystay rekoodhka Champions Leaquega ee kulan ay laba kooxood goolasha ugu badan iska dhaliyeen laakiin kulankii Dortmund iyo Legia ayaa habeen hore dhaafay. Monaco iyo Deportivo ayaa iska dhaliyay 11 gool iyada oo Dado Prso oo aad sawirkiisa dhinaca sare ka aragtaa uu saddexley dhaliyay.
Manchester United 43 Real Madrid (2003)
Habeen kale oo xusuus ku lahaa taariikhda Champions leaquega ayaa ahayd kulankii Old Traf frod ee sanadkii 2003 markaas oo ay Real Madrid guuldaro 4:3 ahayd kala laabtay Manchester Uni ted. Inkasta oo ay Real Madrid guuldaro la kulantay haddana waxaa Old Traffrod neefta ku celiyay oo saddexley ka dhaliyay Red Devils halyaygii ree Brazil ee Ronaldo.Ruud Van Nistelrooy oo mar barbareeyay goolasha Ronaldo iyo laab gool oo ka yimid David Beckham oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa rajadii Man United soo celiyay halka gool uu iska dhaliyay Ivan Helguera uu Manchester United guushan taariikhiga ah uu u horseeday.
Monaco 31 Real Madrid (2004)
Monaco's Spanish forward Fernando Morientes jubilates after scoring the second goal during their Champions League quarterfinal second leg football match agaisnt Real Madrid, 06 April 2004 at Louis II Stadium in Monaco.
Kulan kale oo taarikhi ahaa isla markaana Champions Leaquega xusuus ku leh ayaa ahaa kulankii ay kooxda AS Monaco ay 3:1 ku dubatay Real Madrid isla markaana uu Fernando Morient es ku ugaadhsaday kooxdiisii Madrid. Monaco ayaa celcelis ahaan 5:2 ku garaacday Real Madrid.
Deportivo 40 AC Milan (2004)
Juan Valeron (r) of Deportivo celebrates his goal with Victor during the UEFA Champions Le ague match between Deportivo La Coruna and AC Milan at the Estadio Municipal de Riazor on April 7, 2004 in La Coruna.
Waa kulan kale iyo xusuusta habeenadii madoobaa Champions Leaquega ee kooxda AC Mil an waxaana ka yaabsaday kooxda Deportivo oo 4:0 ku xasuuqday AC Milan. Inkasta oo ay mar kaas AC Milan hayd koox looga cabsado kulamada tartamada Yurub, haddana kooxda Deportivo oo markaas shidnayd ayaa Milan ciida ku rogtay.Waxaana kooxda Milan ee sidan loogu tuntay ku jiray Cafu, Alessandro Nesta, Paolo Maldini, Andrea Pirlo, Kaka iyo Andriy Shevchenko.
Chelsea 42 Barcelona (2005)
John Terry scores Chelsea's fourth goal against Barcelona during the Champions League first knockout round second leg match at Stamford Bridge on March 8, 2005
Kulan kale iyo taariikhda Champions Leaquega ayaa ahaa kulankii Chelsea ay 4:2 ku dubtay Barcelona kaas oo sanadkii 2005 kii ka dhacay Stamford Bridge. Waxay ahayd markii ay Chelsea ka mid noqotay kooxaha Yurub waxayna Chelsea ku soo baxday celcelis ahaan 54 ahayd. Barc elona ayaa kulankii hore ee Camp Nou 2:1 ku soo garaacday Chelsea laakiin kulankii lugtii danbe ayay Blues 4:2 ku garaacday kooxdii Barcelona ee uu Ronaldinho hor kacayay.
AC Milan 33 Liverpool (2005)
Steven Gerrard scores Liverpool's first goal against AC Milan in the Champions League final on May 25, 2005
waxaa lagu tilmaamaa kulankii ugu cajiibsanaa uguna layaabka badnaa taariikhda Champions Leaquega kadib markii ay Liverpool waqtigii nasashada ee kulankii finalkii Istanbul ay isragtay iyada oo AC Milan hogaanka ciyaarta ku ahsyay 3:0 laakiin qaybtii danbe ee kulankii finalka Champions Leaquega ayay kooxdii Rafael Benitez ee Liverpool wacdaro la soo baxday waxayna keensatay sad dexdii gool iyada oo ugu danbayn rekoodhayaal ku qaaday koobkii Champions Leaquega ee san adkii 2015kii.
Paolo Maldini ayaa AC Milan goolka furitaanka udhaliyay halka Hernan Crespo uu laba gool kaga yaabsaday Reds laakiin qaybtii danbe waxaa Liverpool dhiiro galiye u noqday kabtankii waq tiga dheer soo maray Anfield ee Steven Gerrard kaas oo goolka furitaanka Liverpool udhaliyay ka hor intii aanu Vladimir Smicer goolka labaad raacsan, waxaana Reds ciyaarta dib ugu soo celiyay Xabi Alonso oo goolka barbaraha rekoodhe ugu dhaliyay.
Rekoodhayaashii lagu kala baxay ayuu goolhaye Jerzy Dudek ka badbaadiyay Andrea Pirlo iyo Andriy Shevchenko.wuxuuna ilaa hadda kulankani yahay kulan xamaasada Champions Leaq uega astaan u ah isla markaana si khaas ah loogu xusuusto habeenadii wacnaa ee Liverpool.
Chelsea 44 Liverpool (2009)
Kulan kale oo xiiso gaar ah lahaa isla markaana Champions Leaquega xusuustiisa ku jira ayaa ahaa kulankii ay Liverpool iyo Chelsea iska dhaliyeen 8 gool iyada oo Liverpool dhigeeda Chelsea ku reebtay natiijo uu cel celiskeedu ahaa 75. Waxaana kulankan goolal ka dhaliyay Fabio Aurelio, Xabi Aurelio, Frank Lampard ,Lucas Leiva, Dirk Kuyt, Didier Drogba iyo Alex. Waxayna Liverpool Inter 31 Barcelona (2010)
Bayern 42 Juventus (2016)
CHAMPIONS LEAGUE GROUP A
Arsenal 2 2 Paris Saint Germain
Ludogorets Razgrad 0 0 Basel
N0 |
koox |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1 |
Paris Saint Germain |
5 |
3 |
2 |
0 |
11 |
5 |
6 |
11 |
2 |
Arsenal |
5 |
3 |
2 |
0 |
14 |
5 |
9 |
11 |
3 |
Ludogorets Razgrad |
5 |
0 |
2 |
3 |
4 |
13 |
9 |
2 |
4 |
Basel |
5 |
0 |
2 |
3 |
2 |
8 |
6 |
2 |
CHAMPIONS LEAGUE GROUP B
Besiktas 3 3 Benfica
SSC Napoli 0 0 Dynamo Kyiv
N0 |
koox |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1 |
SSC Napoli |
5 |
2 |
2 |
1 |
9 |
7 |
2 |
8 |
2 |
Benfica |
5 |
2 |
2 |
1 |
9 |
8 |
1 |
8 |
3 |
Besiktas |
5 |
1 |
4 |
0 |
9 |
8 |
1 |
7 |
4 |
Dynamo Kyiv |
5 |
0 |
2 |
3 |
2 |
6 |
4 |
2 |
CHAMPIONS LEAGUE GROUP C
Borussia Moenchengladbach 1 1 Manchester City
Celtic 0 2 Barcelona
N0 |
koox |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pt |
1 |
Barcelona |
5 |
4 |
0 |
1 |
16 |
4 |
12 |
12 |
2 |
Manchester City |
5 |
2 |
2 |
1 |
11 |
9 |
2 |
8 |
3 |
Borussia Moenchengladbach |
5 |
1 |
2 |
2 |
5 |
8 |
3 |
5 |
4 |
Celtic |
5 |
0 |
2 |
3 |
4 |
15 |
11 |
2 |
CHAMPIONS LEAGUE GROUP D
FC Rostov 3 2 Bayern Munich
Atletico Madrid 2 0 PSV Eindhove
WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 24-KA NOVEMBAR 2016-KA
UNICEF OO ABAALMARISAY WIIL YAR OO SOOMAALI AH, KUNA HADLI KARA 6 LUQADOOD. Hay'adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF waxay munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Xuquuqda Carruurta abaal marin guddoonsiiyey Wiil Soomaali ah oo lagu