
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA NOVEMBAR 2016-KA
Doonmaleyko oo 7-KM u jira Mag aalada Beledeyne oo xalay ay ku daga alameen Maleeshiyaad hubeysan in ay saaka degan ta hay.Xalay ayaa dagaal Saacado badan qaatay waxa uu ka dha cay degaanka Doonmaleyko oo ku dhow Magaalada Baledweyne.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo wada dega Deg aankaasi.
Sheekh Xuseen Cusmaan Cali Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya gobolka Hiiraan in ay dagaalka Joojiyaan , isla markaana ay nabada Qaataan.
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO FURAY MADASHA TALOQARAN.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir hal maalin ah oo loogu mag ac daray TaloQaran, kaasoo ay dadweynaha ku dhiibanayaan talooyinkooda.
Shirka TaloQaran waxa uu tilmaamayaa Lix tiir ama qodob, sida Amniga Cadaaladda, Wax barashada, Caafmaadka, Dhaqaalaha iyo Waddaniyadda, siyaasadooduna waxaa lagu lifaaqayaa talooyinka ay bixiyaan dadweynihii Soomaaliyeed ee Madashaasi isugu yimid.
Dadka ka soo qeybgalay waxa ay ahaayeen saraakiisha Ciidammada, Khabiirro Cadaaladda bartay, Aqaaoonyahanno, Dhaqaatiir, Siyaasiin iyo dadweyne kale. madasha Talo Qaran waxaa soo agaasimey Qaasim Maxamed Cali oo ah La taliyaha Madaxweynaha.
Madaxweynaha J..F Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Daahfuray Madasha TaloQaran, waxa uu ka jeediyey khudbad ka hadleysay Lixda Qodob ee talooyinka u baahan, ahna kuwa ugu muhiimsan dal ama dowlad jirta leeyihiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey Madasha TaloQaran dhall inyaradii soo agaasintay, waxa uuna ka hadlay muhiimadda ay u leedahay wadatashiga iyo talo uruu rinta dadka Soomaaliyeed, si ay ugu tadashadaan siyaasadda ay u degsadeen hey’adaha kala duw an ee dowladda.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladdiisu ay mar walbaa ka go’an tahay in wadatashi ay ku saleyso Hay’ad walba, Soomaaliyana ay noqon doonto dal dhibaatooyinkii soo maray uga soo baxa wadatashi.
WASIIRKA BATROOLKA OO LAGA JOOJIYAY TARTANKA MUSHARAXNIMADA KURSIGA AQALKA HOOSE
Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa diiday inuu u tartamo Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka mid ahaa Musharaxiinta u tart amayay Kursiga Beesha Gaaljecel ee yaalla Jubbaland.
War saxaaadeed shalay ka soo baxay Guddiga ayuu ku eedeeyay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka inuu ku xadgudbay dhamaan shuruucdii iyo hab raacii u degsanaa hanaanka doorashooy inka, isla markaana uu jabiyay qodobada anshaxa xeerarka Musharaxiinta ee uu horay u saxiixay.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu isku dayay inuu laaluush siiyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland iyo inuu habeen hore ergadii do oraneysay uu Hotel ku soo xirtay, kana qaatay taleefanadoodi gacanta.
Doorashadii kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gaaljecel ayaa daraad dib u dhac ku yimid, ka dib is qab qabsi ka yimid ergooyinkii wax dooran lahaa, kaddib markii mid ka mid ah Guddigii doora shooyinka ay isku dayeen inay ergo aan sax aheyn ay soo geliyaan hoolka doorashada, iyadoo Nabadoonkii beesha uu ka horyimid.
BOQORADDA BRITAIN OO CASUUMAAD U FIDISAY MADAXWEYNAHA LADOORTAY EE MARAYKANKA.
Wargeyska Axadlaha ee The Sunday Times ee ka soo baxa London ayaa shalay qoray in Bo qoradda Britain, Queen Elizabeth ku casuumi doono Donald Trump inuu sannadka soo socdo booqa sho rasmi ah ku yimaado dalka Britain.
Wargeyska ayaa ka soo xigtay Labo Wasiir iyo Sarkaal Sare oo ku dhow Xafiiska Downing Street ee looga taliyo Britain ayaa sheegay in Wadaxaajood u dhexeeya Saraakiisha Britain iyo Koo xda Donald Trump si degdeg ah lo oqaban doono, si loogu shaaciyo taariikhda rasmiga ee ay Booqa shadiisa dhacayso.
Waxaa la hadalhayaa in la isku raaci doono in booqashadda Madaxweynaha cusub ee Maray kanka ku tegayo Britain noqoto bisha june ama July ee sannadka soo socda.
U.S. Presidentelect Donald Trump speaks to members of the news media from the front steps at the main clubhouse at Trump National Golf Club in Bedminster, New Jersey, U.S., November 19, 2016. REUTERS/Mike Segar
Britain waxay doonayaan inay xoojiyaan Xiriir Khaas oo ay la yeeshaan Dowladda Maraykan ka, iyadoo Xukuumadda Ra’isulwasaare Theresa May u diyaar garoobayso sidii ay Britain uga bixi lahayd Ururka EUda.
Dhinaca kale, Ra’isulwasaare Theresa May waxay isbuucan khadka Telefoonka kula ha dashay Donald Tump oo ay ka wada hadleen booqashadiisa soo socota.
Donald Trump ayaa sheegay in hooyadiisa oo ka soo jeedo Scotland ay taageero weyn u ah ayd Boqoradda Britain, wuxuuna ka codsaday Theresa May inay Boqorada ka gaarsiiso salaantiisa wanaasgan.
DUQA MUQDISHO GURIGIISA DIB UGU WAREEJIYAY MUWAADIN MUDO LAGA HEYSTAY.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa shalay muwaadin Somaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Abuukar Axmed oo Mudo ka badan 20 sano si sharci darro ah looga haystay gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee Gobalka Banaa dir ku wareejisay kadib markii laga saaray koox ciidamo ah oo la sheegay in ay xoog ku daga nay een.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo wareejinta kadib goob ta ka hadlaya ayaa sheegay in aan la aqbali donin in xoog laysaga heysto hantida dadka shacabka.
Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya Ciidanka Ammaanka ayaa horey dad si sharci darro ah looga haystay gurayahooda ugu wareejiyey.
RAG LAGU EEDEEYAY IN AY KA TIRSAN YIHIIN DAACISHTA SOOMALIYA OO LAGU XUKUMAY BOOSAASO
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland Xarunteeda Magaalada Maga alada Boosaaso ayaa shalay xukuno ku riday 5nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Daacish Soomaliya.
Laba ka mid ah raggan, ayaa waxay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, iyadoo ay xabsi daa’in ku xukuntay laba kale, halka midka shanaadna ay amartay in lagu wareejiyo Wasaaradda Ca daaladda puntland, si ay dhaqancelin ugu samayso, maadaama aanu weli gaarin da’da qaangaarka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee shanta Gobolka Puntland , C/fitaax Xaaji Aadan, oo ku dhawaaqay xukunadan oo shalay ka dhacay xabsiga wayn ee Magaalada Boosaaso ayaa sidaan u aqriyay xukunada ‘’Axmed Aadan C/laahi Aw Cabdi oo 26 jir ah iyo C/laahi Maxamed Aadan Cabdi oo 22 jir ah, ayay Maxkamaddu ku xukuntay xukun dil ah, Saalax Xuseen Ibraahim Miidow oo 25 jir ah iyo C/fitaax Jamaal oo 19 jir ah, ayay sidoo kale Maxkamaddu ku xukuntay xabsi daa’in, Farxaan C/laahi Faarax oo aan qaangaar ahayn, ayay Maxkamaddu xukmisay in lagu war eejiyo Wasaaradda Cadaaladda, si ay dhaqancelin ugu samayso.
BEESHA CAALAMKA OO KU BAAQDAY IN TALLAABO ADAG LAGA QAADO DHACDOOYINKA KU TAKRIFALKA HANAANKA DOORASHADA
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ururgoboleedka IGAD, Dowladaha Ito obiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Madasha Hogaanka Qaran inay awooddooda iyo saameyntooda adeegsadaan si ay uga hortagaan falalka ku takrifalka iyo caddaalad darrada ka dhaca hanaanka doorashada. Fal alkan waxaa ka mid ah kadeedidda iyo cagajugleynta loo geysto musharaxiinta, ku feegaaridda liis aska ergada iyo musharaxiinta, iyo adeegsiga ciidamada amniga iyo hantida kale ee dowladda si musharax baarlamaan loogu roonaado loogana hormariyo mid kale.
Saaxiibada beesha caalamku waxay hay’adaha Soomaaliyeed iyo gaar ahaan guddiyada doo rashada ee gaarka ah ee dalku leeyahay ugu hambalyeynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaar ay doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee soo socda. Codeyn ayaa loo qabtay 43 kursi ee 54ka kursi ee Aqalka Sare ee baarlamaanka. Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada 112 kursi ee 275ka kursi ee Golaha Shacabka.
Waxaa muhim ah in baarlamaanka cusub iyo dowladda federaalka ee soo socota loo soo do orto si waafaqsan xeerarka ay dejisay Madasha Hogaanka Qaran ayna hirgeliyaan Guddiga Feder aalka ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GFHDD) iyo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelin ta Doorashada Dadba (GDGHDD). Sharciyadda iyo xalaalnimada dhabta ah iyo sida loo arko hana anka ayaa muhim u ah in la aqbali karo lagu kalsoonaan karo baarlamaanka iyo dowladda federaal ka ee soo socota.
Beesha caalamku waxay hoosta ka xariiqaysaa muhimadda ay leedahay shaqada Hanaanka Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (HXKHDD) oo dib u eegid ku sameynaya cabashooyin ba dan ee ka soo gaara musharaxiinta diiwaangashan si ay qof qof ugu qiimeeyaan in la rumeysan karo cabashooyinkooda. Waxay sidoo kale aqoonsantahay kaalinta mugga leh ee ay odey dhaqameedyo badan ka cayaarayaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya beesha dhexdeeda.
Waxaa arrin lagu farxo ah in banaanka lasoo dhigay qaladaad farabadan lana saxay. Si kast aba ha ahaatee, saaxiibadu waxay aad uga welwelsanyihiin tiro dhacdooyin ah oo heerkoodu sarre eyo oo la iska dhegatiray xeerarka iyo nidaamyada. Waxaa kamid ah musuqmaasuq, codiibsasho, kadeed iyo cagajuglayn loo geysto musharaxiinta, ergada doorasho, odayaal dhaqameedyada iyo dad kale.
Saaxiibada caalamku waxay sii wadaan inay walaacooda la wadaagaan madaxda ku hab boon oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha maamulgoboleedyada. Waxay si buuxda u taage erayaan go’aanada ay guddiyada GFHDD iyo HXKHDD ku hakiyeen codaynta kursi gaar ah ama reebid musharax guulaystay iyadoo loo cuskanayo caddayn buuxda oo xaqiijinaysa cabasho wax isdabamarin halis ah oo la xiriirta geedisocodka doorashada.
Waxay ku boorrinayaan GFHDD iyo GDGHDD inay u hogaansanaadaan waajibaadyadooda shaqo iyagoo u danaynaya daahfurnaanta iyo islaxisaabtanka. GDGHDD waa inay waqtiga loogu talagalay usoo gudbiyaan GFHDD liisaska ergada iyo musharaxiinta, qoondada kuraasta u gaarka ah musharaxiinta haweenka ah iyo natiijada codbixinta hordhaca ah. GFHDD waa inuu daabacaa liisaska musharaxiinta baarlamaanka uuna u faafiyaa si ballaaran.
"Geedisocodkan doorasho wuxuu u socdaa si aad uga wanaagsan sidi dad badan ay saa daalinayeen saddex ama lix bilood kahor. Arrinta waxaa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun haddii dhacdooyin kutakrifal, sharci jebin iyo anshax xumo ah ay dhaawacaan wax haddii la hagaajiyo noq on lahaa guul ballaaran,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ee XoghayahaGuud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. "Waxaa lagama maarmaan ah in HXKHDD uu baaritaan ku sameeyo warbixinnada lagu kalsoonaan karo ee ku saabsan kuxadgudubka xeerarka iyo nidaamyada geedisocodkan, iyo in tallaabada ku habboon la qaado si loo ilaaliyo sharciyadda geedisocodka”
NATIIJADA: DOORASHADA SHALAY KA DHACDAY BAYDHABO
Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, shalay waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Koonfur Galbeed.
Doorashada shalay ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay Xildhibaan Macallin Cali Aadan Caddow iyo Xildhibaan Axmed Xaaji Axmed, kuwaas oo ka mid noqday Baar lamaanka cusub.
Labada Xildibaan ee shalay la doortay ayaa ka mid ahaa Barlamaanka waqtigiisa dhamaa day, kuwaas oo mar kale ku soo baxay Barlamaanka cusub.
Tirada ilaa iyo hadda loo doortay kuraasta Maamulka Koonfur Galbeed xubnaha u matalaya Golaha Shacabka ayaa gaaraya 29mudane iyadoo tirade guud kuraasta Koonfur Galbeed ay tahay 69kursi.
100 QOF OO KU DHIMATAY SHIL KA DHACAY WADANKA INDIA
In ka badan 100 qof, ayaa ku dhimatay shil tareen oo shalayy ka dhacay Waqooyiga Wad anka India, halka in ka badan 150 kalana ay ku dhaawacantay.
Tareenkan oo ka mid ah kuwa xawaaraha dheereeya ku socda, ayaa ka amba baxay Maga alada Indore, iyadoo uu ku sii jeeday Magaalada Patna, waxaana uu shilkan ku galay meel u dhow Magaalada Kanpur ee Gobolka Uttar Pradesh.
Ciidamada Qalabka Sida iyo shaqaalaha gurmadka oo goobo kala duwan isaga kala yimid, ayaa u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi, waxaana hadda socda hawlo lagu soo samata bixinayo, haddii ay jiraan dad ku hoos jira burburka tareenka.
Meydadka iyo dhaawacyada oo siyaabooyin kala duwan looga daad gureeyay goobtaasi, ayaa waxaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaalada Kanpur.
Ra’iisal Wasaaraha India, Narendra Modi, ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi, oo noqonayo mid ka mid ah shilalkii ugu xumaa ee ebid ka dhaca dalkaasi.
Sarkaal u hadlay Maamulka Kanpur, ayaa sheegay haddii dhimashada dadka ku waxyeeloo bay shilkan, ay ka badato 100 ruux, uu shilkaasi noqon doono mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee India ka dhaca
MICHEAL KEATING OO LA KULMAY M/WEYNAHA HIRSHABEELLE
Micheal Keating oo ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo shalay gaa ray magaalada Jowhar ayaa la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle, Guddiga doorashooyinka heer gobol.
Mr. Micheal Keating ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, waxaana ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo hirgelin lahaa shuruucda doorashooyinka.
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle ugu baaqay in la dar dar geliyo doorashada Aqalka Hoose, isagoo sidoo kale sheegay muhiim in ay tahay in la xaqiijiyo Qoondada Haweenka.Micheal Keating ayaa waxaa kulanka ku weh liyay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya.
Waxaa kaloo Ergeyga Qaramada Midoobey uu la kulmay Guddiga doorashooyinka heer gobol, isagoo kala hadlay shaqaaqadii dhowaan dhacday, isagoo xusay in muhiim tahay in la adkee yo nabadgelyada halka ay ka dhaceyso doorashada.
WAREEGI KOWAAD EE DOORASHADA MUCAARADKA FRANSIISKA OO SOO IDLAATAY.
Labo nin oo horay xilka Raisul wazaaraha kasoo qabtay dalka Fransiiska ayaa wareega lab aad ku tartami doona si go'aan looga gaadho Musharaxa doorashada sanadka dambe ugu tartami doono xisbiga midigta dhexe.
Francois Fillon and Alain Juppé ayaa kala noqday Musharaxa kowaad iyo kan labaad ee doo rashooinka xisbiga Republikanka.
Madaxweynihii hore ee dalka Fransiiska Nicolas Sarkozy ayaa isagu na meesha ka baxay , kaddib markii uu noqday qofka sedexaad , Waxaana uu kamid ahaa Murashixiintii taageerada u fidi yay Mr Fillon si uu uso gallo wareega labaad ee codbixinta axada dambe dhici doonto.
Balse waxaa hadda taageeradiisu korortay oo loolanka kula jira ra'iisal wasaarihii hore, Mr Francois Fillon. Musharaxa ku guuleysta doorashada xisbiga dhexdiisa ayaa la filayaa in xilka Mada xtinimada dalka Fransiiska kula tartamo hogaamiyaha midigta fog Marine Le Pen .
WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DALY NEWS PAPER OO 24 JIRSADAY 18-
KA NOVEMBAR 2016-KA MAALINTA AY AHEYD
Siood kale waxaa hambalyo u diraya wargeyskaan Siyaasiga Ciise Ax med Dalabeey, waxaana uu bahda wargeyska mogadishu times u rajeeyey in sanad kaan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo horumar waxaan uu she egay in wargeyskaan xilli badan uu shaqeynayey maanta uu yahay wax lagu farxo waxaan biibto leeyahay waxaa tahay qof qiimo leh oo dhibka dalka ka ji ra ku shaqeysay dhammaan bahda wareyskan waxaan leeyahay guuleysta
Dhan kale waxaa xafladaasi qoraal dheer ka oo la xiriira howlah 24sano jirsaday ee wargeskaan soo bandhigtay ka qeyb galayaasha munaasbadda waxayna ku biowd ay qudbadeeda Milkiilaha wargeyskan Marwo.Xabiibo Axmed Jimcaale [Biibto} Taariikhihii taxanaha wargeyska wixii dhibaato la soo gudboo naatay iyo wixii horumar ah oo uu gaaray iyo waxyaabaha uu hiigsanayaan mustaqbal ka dhaw.Maamulka wargeyskan Waxaayna hadaladeeda ku bilowday Ugu horeyn waxaan u ma had ceinayaa all alaha weyn ee awoodda waqabad ee lagu gaaray maanta oo kale howlaha aan soo bilownay nagu gaarsiiyey nabad iyo dulqaad badan 24 sano oo howlahaas adagna gu kaalmeeyey al xamdullilaahi rabbil caalmiin.
Sidoo kale waxay u mahad celisay dhammaan intii gacanta ku laheyd in wargeyskaan abuurmo ,waxayna dhammaanba u rajeysay in dadaalkii 24 sano la soo galay in guul uu yahay oo aan weli ho wlihii wadno ,allena ugu bariday in sanadkaan kiisa kale nabad iyo qeyr badan nagu gaarsiiyo ina goo caafimad qabno insha allaah, haddii aan alle nagu saacidin idina aad wax ila qabalaheyn uma maleynaayo inaan soo gari lahyeen xillgaan waxaan la soo maray xill iyo badan oo inta badan waqtiyadii adkaa waan idinkaaga mahad Celinayaa walaalayaal. Ayey tiri Marwo Biibto
Dhinaca kale Marwo Biibto ayaa ka qey bgalayaasha min bilow ilaa haatan howlaha wargeyska warbixitiisa halkaa ka soo jeedisay waxaana ay tiri”`Wargeyskani waxaa cadadkiisa ugu horeyey uu soo bax ay Maalin Isniin ah iyadoo 2 Sano oo kale ay aheyd Maamulka Wargeyskaan dadaal ka la gu doonayey in lagu yagleelo goob ku haboon iyo agab ka aan laga maarmin sidii loo unki lahaa alla mahadii Juhdigii iyo Diyarintii Agabyadii lagu howlgelilahaa xilli 2 sano ah ayey inagu qaataya wa ayoo dalka wuxuu ku jiray macluul iyo baahi waxana ahyen aniga garab rarato oo hanti meel nooma oollin ayey tiri Milkiilaha wargeyska 24 jirsaday ee mogadishu times Marwo Biibto.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey misna raacisay taariikhda jiritaanka Wargeyskanka ayey ka dhigeysaa haatan 24 sano jir, waayoo howlihiisa uunbaan heynay 2 sano hase yeeshee cadadkiisa waa 24 Gu’jir maantana aan u da baalda geyno ayey tiri Marwo Biibto” Dhinaca kale Wargeyskaan ayaa waxaa ka howlgalay dhallinyaro badan oo Aq oon yahano u badanaa maadmaa uu xilli dheer shaqeynaayey daruufo kala duwan ku shaqeynayey hase yeeshee yoolkeeka oo ahaa inaan ka dha beyno hamigeyna si aan u ad keyno howlaha aan ummada u heyno aan u wajhno dhibaato badan iyo kala duwnaansho aragtiyeed iyo xilliyada adag ee dalkeyna soo maray inagun aan u aheyn ku wa markastaab dhibaatada ku dhaceyso maadaama aan aheyn indhaha bulshada si aan u baahi ti rno balse alle inagu guuleeyey ayey tiri Marwo Biibto.
Waxayna xafladda ka sheegtay in wargeyskaan howlihiisa ay ku kala danbeeyeen marxaladaha uu soo marayna ay ka la duwanaayeen Taariikhda wargeyska ayaa ah sida tan: "in Wargeys Maal inle ah aan sameeyo waxaa fekerkiisa lahaa Marxuum C/dir Axmed Jimcaale {Boison} oo Geeriy ooday inta aan la sameyn Warg eyskaani Alle ha u Naxariistee.
Dhan kale Marwa Biibto oo hadalkeeda wargeyskaan waxaa uu ku yimid dadaal ay galeen howl adeenada wargeyskaan ka howl bilaabay inta badan waxaana ay aheyd maalin maalma ha ka mid ah anig oo hore ugu diray in magacbixin loo sameyo wargeyska la soo fekero taasoo la ii 6 Magac oo la soo Alifay waxaayan sheeg tay inay ka xulatay magaca wargeyskaan iyadoo w liba qeyb ku lah eyd fekerka magaca wargeyskan anigoo ku darsaday Times waxan uu yahay magacaasi mid tilmaa may saacadda ama xilliga muqdisho waxaana niyadeyda ku jiray inaan soosaarno haddii waq tiga ii saamaxo wararka saacadlaha ah in wargeys qoraayo aan sameeyo kuna saa’I dino xillyada uu soo baxayo taasina weli la ma gaarin oo waxaay ii tahay rajo filasho insha allaah. Xilgaas ayaa ahaa xilli ga wargeysyada oo wax idaacad ah ma asyan jirin”.
Magacyadii kale qaar baan dad siiyey qaar kalena dib ay aan u howlgeliyey iyana waxaay ka mid yihiin wargeysada aan lee yahay ayey tiri Marwo Biibto ayaa tiri wax aan judi badan u galay anigoo jeclaa in muqdisho oo dhibaatooyin badani ka dhacyeen inaan u gudbi yo shacabka ku dhaqan qor aallo aan is leeyahay waa looga gudbi karaa marxaladdaan adag dad kana ay helaan qoraallo ma skax gal ah oo ay ku mashquulaan oo maadaama dadka ay u badnaayeen kuwa meel ay wax ku Aq ristaan iyo wax ay Aqristaanba yareyd haddii loo eego deegaanka Wargeyska aan ka sameeyey ma gaalada muqdisho oo kala xirneyd awgeed colaadina ay ka jirtay”.
Wargeyskaan waxaa uu ahaa haatan yahay mid nabadda dalka iyo dadkaba ka shaqeeya waxa an laga heli jiray lagan helaa haatanba qoraalo wax wanaag ah ku badan yihiin waxaana xilliyadii uu soo baxay dalka ka jiray dhibaato baaxad laheyd waxaan uu qeyb ka qaatay sidii nabadda looga sha qeyn lahaa waxaana uu kaalinta 1aad ka galay saxaafadda iyo dalka isagoo warar xaqiqo ah ka qo ra dal iyo dibadba waxan laga xigan jiray wakaaladaha wararka caalmka waxaan xusuustaa dad ka muqdisho sida nabadda ay ugu ooman yihiin haddii waddadeeda la tuso wargeyska maalintii uu u no qday saaxiibka bulshada ee dhabta ahaa wargeyskaan waxa ay aheyd maalin qoraal lagu qoray uu run noqday oo ay bulshada oo dhan u gu cleeyeen HOTEL RAMADAAN oo aheyd midkii ay ku kul mayeen Madaxweyne Cali Mahdi oo SSA ahaa iyo Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo ahaa SNA iyagoo yeelanyey kulankooda ugu horeyey masuuliyiintaasi taasoo 3 Saac subax qoralka uu cadd eynayeyayna shacabka soomaaliyeed ku sugayeen waddooyinka gala HOTEEL RAMADAAN iyagoo caleemo qoyan lulayayaan iyo Wargeyskani oo ay Bogga ku dhejiisteen iyadoo ay xusuus mudan ta hay in xarunta wargeyska ay ku soo xoomeen iyagoo wargeyska qofkastaab leh I sii wargeyska ru nta sheegaya iyadoo in tabadani dadweynaha nabadda u oonnaa ay wateen wargeyskaani iyagoo xabadka ugu dhegan yahay korna u siteen qaar ka mid ah dhallinyaro iyo haweenba bulshada muq disho oo dagaa adu diloodeen oo qaati 4 bila ahi ka taagnaa dagaal aan dhameyneyn ee sookeeye is dilaya Ayey tiri Marwo biibto oo warbixin dheer ka soo jeedsay munaabadda 24 Guurada war gey sk aan .
Waxaan xuustaa habeen 10 saac in wariiye cali Muuse ii sheegay warkaa wargeys ka oo diy aars an aan dib u daabacay anigu maadaama dhallinyaru howlaha wargeyska ay dhameeyeen howsh oodu ayna guryahooda u hoydeen waxaan anigoo aqoonta iyo xirfadda wargeyska hore ua lahaa xill ikastaan diyaar u ah danta shacabka iyo dalkaba inaan 24 sano soo jeedo maalin iyo habeen wax aan habeenkast soo saaray wargeyska oo nabad xanbaarsan taasoo aheyd in kulankaas madax da muqdisho isku heysatay ee qadka cagaaran kala dhigteen inay ku heshiiyeen inay furan magaalada la isu maro sidaasina ay colaaddii 2 dhinaca ay xaliyeen kulan kooda uu ahaa id ummada u hamuun qabtay, wargeyskaana uu ahaa midka kaliya ee maalintaas helay warkaas farxad geliyey bulshada muqdisho isagoo waliba tilmaamay xilliga iyo goobta taasoo dadweynaha u rumowday warkii warg eyska qoray marka wargeyskaani waa mid kaaliweyn ka galay nabadda iyo isku kenka bushada mu qdiosho hadan rajeynay in dalka oo dhan nabdiisa uu ka qeyb qaato waxaan tixgelin nagu siisay ka dib markii iyagoo farxsan oo nabada muqdiho ku naalonaya xaruuntanagu soo booqden noogana ha mblayeyeen dadaalkena xilligaas. Iyadoo Dad kii isku howlay garabkana igu siiyey sameynta Warge yskaan oo ay ugu horeysay magacu sameyntiisa kana qeyb qaateen dhallinyarada ka howlbilo wday wargeyskaan ayaa waxay kala ahaayeen sida tan:"Al-Ustaad Aweys Xuseen Xasan {A.Shiino} oo lagu xusuuto qoraalada sheekooyinka wargeyskan ku bila abay sheeka dii 1aad oo Jaceylka ah lana magac baxday JAMAAKA, Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe Tifaaftirihii Wargeyskaan ugu hor eyey Guddoomiyahii wargeyskaan Muddo gaban hayey waa CXM Alle ha u naxariistee iyad oo gudd oomiyaha wargeyskaan Dr.Cismaan Axmed Jimcaale, Maxamed Xasan Gaar weyn {Jeeri Alle ha u Naxariistee} oo lagu xusuusto {QORAALADII RAADIYO REER HEBEL IYO MA SHEEXOOW XAA LA SHE EGAY iyo sheekooyin Jaceyl ahaa iyo Riwaayad Siyaasadeedyo badan oo uu Allifay},Maxamed Maxamuud Nuurrey {Jimcale} ,qorayasha waaweyn ka mid ahaa, Jabriil Maxamuud Nu ur {Jabra} Farsamayaqaanka Wargeyskan ee u gu horeyey qoraafaal looy in,wargeyska ,Craxmaan Cabdul laahi Cabdiraxamaan Yariiso {alif} artiista ha we yn ee wargeyskaani uu ku caanbax ay la haa sawirada caanka ah ee looga bartay ee uu wargeyskaani caanka ku ahaa oo ah doolli hadlaya oo fa rta u taagan tahay marxladda la taagan yahana ka shee keeyna ya.Madiino Axmed Jimcaale, sheekooyin Riwaayadeedka iyo wararka, wargeyska u qo ri jirtay Sh.Cali Cumar Maxamuud qoraalada Diiniga iyo faallooyinka Marxal adaha ka duwan looga bartay ee Sid oo kale Qoraa sare Maxamed Shiil Xasan {Shiil} oo wararka iyo fallooyinka lahaa,Wariiye Cali Muuse Cabdi oo ahaa Taageerihii ugu horeyey xagga agabaka xilligii wargeys kaan uu sha qeynayey isagoo 8 Cadad ah ka dib inagu saaciday Matoor iyo Kobiyu uter ahaana laf dhabrka howlaha wargeyska xagga Warar ka Siyaasadda xilligaa maadaama uu ahaa wariiye caalami ah qeyb libaax ayuu ka qaatay howlah wargeyska oo isagoo Teyb lag u garaacayo ayuu taageeradiisa darteed u gu tallownay inaan Kubiyuuter howlgalno mar na ma ilo obidoono isa ga iyo inta la mid ah sida Xaaji Muxuddiin Yuusuf oo ganacsade ahaa inagu taageeray qalab ka wa rgeyska sida waraaqaha iyo Qadda oo gacan ballaaran inagu siiyey inuusan baaqan wargeyskan. Maamulka Hey’adda Adra Saacid, waxaan u heynaa iyana abaal aan du ugoonin ka dib markii aywe erar naloo maleegay hadaanu nahay maamulka iyo howld eennada wargeyskan waxaana agaga ar ka xarunta dableey inoo gashay Milkii lha wargeyskan Marwo Biibto, Tifaaftira ha wargeykan ee ho re Md, Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe,Nasro Cali Cumar saxaafiyad da’yar ah oo tabar ku jirtay how laha saxa fadda dhanka maamulka loo ta babarayey heysay, Xuseen Cagafey oo is na dhaa wac may ayaa ahaa ilaalada Ga ariga aan saran eynay oo uu la haa warii yaha soomaalieed cali mu use cabdi how laha wargeyska kaa lin mug leh ku lahaa
Waxayna maamulka wargeyska oo is ku duuban u mahad celinayaa illaalda Adr a Saacid oo na gaalle idinkii inga soo gaa ray dableydii wadda naloo galshay maal intaa oo aheyd 30ka juun 1997-dii maalin jimco aheyd halkaasina gurmad ugu sam eeyeen
Dhinaca kale ’ Cismaan Xuseen Axmed {Cismaan Waryeel} oo dhanka qalab ka wargeyska kaalin inga siin jiray xilliyda aan u bahanno.maamulka Wabsetyada Balcad.com Iyo Somaliweyn.com Iyana Ugu Mahad Celinayaa In Boogaggooda Warg eyskaani Laga Akhrisan Jiray Xilliyadii Uu Cusbaa Ee Hore Waana Kaga Mahad Celinayaa Gacanta Ay I Siiyeen In Waregyska Laga Dheeh do Wabse dyadooda
Sh.Cali Cumar Maxamuud oo ahaa Qoraa Dhanka diiniyadda wax ka qoro,sidoo kale Maxamed Maxamuud Nuureey {Jimcaale} xagga wararka iyo faallooyinka ah, Qoraa Sare Prof. Yexye Sh .Ca amir oo qo ray maqaalkaugu dheeraa Abid ee wargeyskan soo mara oo ahaa mid siyaasadda dalka la xiriira ahaana JUUJ VS WA MAA JUUJ kaa oo ahaa maalmo gaara oo ahaa mid dadka ugu jacl aayeen maamulka wargeyskana uu ka sameeyey Buugaag ilaa 3 qeyb ahaa oo bilow ilaa dha mma an ah qoraalka Profka.
Sidoo Dr.Cismaan Axmed Jimcaale ayaa qoraallo macluumaadka Beerahaah ku soo badhi gijiray dhibaatooyinka heysta iyo sababaha iyo sidoo kale sababaha dhalinkara cudrrada beeraha iyo daw eyntoodba isagoo ahaa Qabiir Cilmiga Beeraha ku Taqasusay,sh.Maxamed Kulmiye Axmed oo dhin ka Qoraalada Diiniyadda u qaabilsanaa wargeyska,Qoraa sare Cawil Daahir Salaad sheekooyin ka Jaceyka ah oo badan, Bogga Fanka iyo Fannaan ka Alustaad Fannaan Bashiir Cali Xuseen, bogga fanka iyo fanaanka ku qori jiray ,C/haahi Maxamed Cumar {Mucjis} warar ka,qoraallada Diinigaiyo faallooyinka, Qoraa sare Muuse Maxamed Cismaan {Muuse Kimiko}, wararka iyo faallooyinka iyo howldaeennada ka mid ah aa, wariiye Falastiin Axmed Xaaji {PLO} qoraallo maqaalaad iyo sheeko oyinka jac eylkaba, Maxamuud Cali Maxamuud {Mad ka}, fallooyin ka iyo wararka iyo sheekooyin kaba,C/laahi Maxamed Jiroow, wararka iyo fallooyinka, Xasan Maxamed Geeseey maqalaadka, Aad an Dheere arrimaha Diiniya da, Abshir Cali Warsame,faallooyinka iyo arrimaha Diiniyadda, C/qaadir Maxamed Calsoow {Calas} Wararka iyo maqaalaad ka, Muqtaar Nuur Maxamed {Lovey} shee koo yinka Jaceylka ah, C/laahi Muuse Xuse en {Galkacal} qoraa sheekooyinka jaceyl ka ah,C/lle Nurad diin Axmed Alla ha u Naxari istee sheekooyin badan oo ay ka mid aheyd ANIGA IYO JACEYL I,Cali Sh.Cabdi {Cali Fareey},Allaha u Naxariistee sheekooyin ba dan oo jaceyl ah ku qori jiray wargeysk an C/qaadir C/lle Nuur {Sh abaabul Caashaqi inQalbi Dahab} qoraa sheekadii NAAG U SHEED WAA NAAG KALE iyo mid kale oo la magac baxday NAAG IYO NASIIB RAG WAA EY KA FARXIYA AN oo haatan ku socota wargeyskaani},Cabdi Xasan {Aqlaaq} Qoraal taxane ahaa ee Siyasaddu waa Muraayad uu Siyaasigu iska Arko,Qadro C/hi Cali Hagre ey,qeybta farsamada iyo Riportar, Nu urto Cali Cumar Diyaarinta Qorallada wararka, Shukri Axmed Leyte Diyaarinta Ra’yiga iyo halxiraal aha, Cali Muuse Sh. {Jeebalaaha weyn} Alle ha u Naxariistee Qeybta Ra’iy ga iyo Halxiraalaha iyo warar ka,Aadan, Shuuke maqaalaadka,Nasro Cali Cumar howl wadeen ka wargeyska xagga maam uka iyo maareynta ,Muxuddiin Cabdi Calsoow Qoraalada maqalaadka Tooshka Siyaasadda iyo Tal ada Dalka, Cali Mu xuddiin {Cali Gaas} garaacista qoraalada wargeys kan, Cabdullaahi Maxamed Salaad {Dalle}, faramayaqanka daabacaddaa wargeyska, qor aa Boggaci yaaraha,faallooyinka iyo howlwadeenka xarunta,C/fitaax Maxamuud Salaad {Diyeeshe} farsamaya qaanka wargeyskan Qor aalka wargeyska, faallooyinka iyo Sportga,Najiib Cali Cumar {Shuvichionco} Far samaya qaanka ah na qoraalka maqaalad ka iyo wararka iyo daa ba cadda, mid qe yb lixaad leh ku leh, Naa sir Cali Cu mar Fa rasamya qaanka haatan howlaha warg eyska haya qoraalka faallo oyinka iyo fars amayaq aan ka guud ee war geyskakana ah,Badrudiin Sh. Cabdullaahi, qoraa ma qaalaad iyo warar kaba, u ahaa howlaha wargeyskaani, Barre sh.C/laahi {Bangala Deesh} Qoraa Sheekadii GUUM EYSTII GEELBADAN, C/risaaq Axmed Ab suge {Waayeel} Qore Faalloyin ka, Sac diyo Sh. Axmed {VIP} qor aallo sheekooyin jaceyl ah, Aad an Macaallin C/laahi {Aadaamo} qoraallo faallooyinka iyo kuwa She ekoo yin Jaceyl ah, sida {GOBEEY YAA GUURSA NAYA? } iyo kuwa kaleba ku lahaa Bogga wargey skaani ahaana nin rug caddaa sa xa afadeed ah oo qiimo badan aan u heyno, maamul ahaan ,Sacd iyo Xuseen Ma coow {Sacduuni} Qoraa She ekooyin Jacey lah, Cabdi Ganeey qoraa maqaalaad, Sh. Xuseen Koof ile Qoraa Ma qalada Diin yadda ah,Qoraa Ibraahin Da a’uud Muud eey {Weynax} Alle hana xarii stee sheekadii ugu dheereyd ee wargey skan soo mar aytay ayuu qoray oo la oran jir ay CAAN SHAQII CIRROOL AHA, Cedi id Abukar oo ahaa Qo raha Sheekadii RO OMA,,Mahad Car aboow Cali wariiye warg eyska wararka u keeni jiray, Cali Maxa med Cismaan {Cali Ameeri ko} qora alada sheekooyinka Jaceylka ah, Yaaquub C/l aahi Guure Qoraa Faallooyin, Daa’uud Maxamed Sa laad Farsamayaqa an Iyo Qoraalada Wargeyskan, safiyo Cali Sh. {Safoon} Qooraa Bogga Caafi ma adka, Fowsiyo Sh.Xasan Qoraa Bogga haween ka, Nimco Cali Cumar Qoraa Bo gga ila Tali, La Yaa bka Adduunka,Leylo Cali Saa lax wararka,Farxiyo Cali Qaajo Maqalaad ka Siyaasad da, C/laahi Maxamed Xuseen {Baarbe} howlaha adeegga wargeys ka, haatan ah mid Naafa ah oo u baahan ga rgaar beni’aadminnim o ah ka dib mar kii Tu ug waxyeello u geyestay isagoo guri giisa joogo haatan naaf ah Md.Axmed C/ lle Xa dhuun {Axmed Shiine} Alla ha u nax arii stee} masuul u qaabilsn warge yskan xagga qalabka daabacaadda Stetionry ga,Maxa muud Maxamed Aadan {Kuurdo} oo ahaa is agan raga sida weyn u gu sha qeynayey dh anka adeegga wargeys ka ee qalab daa bacaadda ee waraaqaha soo iibin jiray, sidoo kale NuurMaxamed Cali {Nuur Qam adi} oo is agana kaalin wa xku ool ah u gal ay howlaha wargeyska xili yadii dhibaat ada jirtay, sidoo kale Sh. Xasan oo ahaa isaga na mid aan si doo kale xilliyada coladaha oo uu wargeys ku u oomanaa in meelo lagu daabaco ku dhiiri gelin jiray maamulka in adeegeeda ay sii wadato iya ganana ay garab ku siin jireen .Shariif Maxamed Maye {shariifTe ssi} Alle ha u Ra xmadee oo ah aa mid dhawaan geeriyooday ahaan nin dhinaca waraaqaha inoog daabici jiray una qa abils anaa xilliyadaan dhawaa adeegga sti onryga dhinaca wargeyskaani sidoo kale wax aan marna iloobi Karin Macallin Da ahir iyo saaxiibkiis oo dad aal weyn u gal ay inay fhinaca fars mada qalabka qoraal ka ka saacidaan wargeyska ee dhinaca kubiyuut erka iyo aaladaha Elec taron cada
La soco Berri
BOGGA CAYAARAHA
UEFA OO SHAACISAY GARSOORAYAASHA DHEX DHEXAADIN DOONA KULAMADA SHANAAD EE CHAMPIONS LEAQUEGA EE TALAADADA LA CIYAARI DOONO
Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sidii caadada ahayd shaacisay garsoo rayaasha dhex dhexaadin doona kulamada shanaad ee heerka Groupyada Champions Leaquega ee talaadada la ciyaari doono. Kulamada ugu xiisaha badan ee talaadada la ciyaari doono ayay ka mid yihiin Sporting Lisbon – Real Madrid, Sevilla FC – Juventus Turin iyo waliba Borussia Dortmund – Legia Warszawa.
Real Madrid ayaa booqan doonta kooxda ree Portugal ee Sporting waxaana kulankan dhex dhexaadin doona garsooraha ree Scotland ee William Collum halka kulanka adag ee Sevilla iyo Juventus loo doortay garsoore ree England isla markaana UEFA ay sida wayn u aaminsan tahay ee Mark Clattenburg.
Halkan Kaga Bogo Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin doona Kulamada Talaadada ee Champions Leaquega:
Group E,
AS Monaco – Tottenham Hotspur
Garsoore: Björn Kuipers (NED)
Caawiyaha Kowaad: Sander van Roekel (NED)
Caawiyaha Labaad: Erwin E.J. Zeinstra (NED)
Group E,
CSKA Moskva – Bayer Leverkusen
Garsoore:: Alberto Undiano Mallenco (ESP)
Caawiyaha Kowaad: Raúl Cabañero Martínez (ESP)
Caawiyaha Labaad: Diego Barbero Sevilla (ESP)
Group F,
Sporting CP – Real Madrid
Garsoore: William Collum (SCO)
Caawiyaha Kowaad: Francis Connor (SCO)
Caawiyaha Labaad: Douglas Ross (SCO)
Group F,
Borussia Dortmund – Legia Warszawa
Garsoore:Martin Strömbergsson (SWE)
Caawiyaha Kowaad: Daniel Gustavsson (SWE)
Caawiyaha Labaad: Joakim Amri Nilsson (SWE)
Group G,
Leicester City – Club Brügge
Garsoore: Ruddy Buquet (FRA)
Caawiyaha Kowaad: Guillaume Débart (FRA)
Caawiyaha Labaad: Frédéric Cano (FRA)
Group G,
FC København – FC Porto
Garsoore: Milorad Mažić (SRB)
Caawiyaha Kowaad: Milovan Ristić (SRB)
Caawiyaha Labaad: Dalibor Djurdjević (SRB)
Group H,
Dinamo Zagreb – Olympique Lyon
Garsoore: Pavel Královec (CZE)
Caawiyaha Kowaad:Roman Slyško (SVK)
Caawiyaha Labaad: Ivo Nadvornik (CZE)
Group H,
Garsoore: Mark Clattenburg (ENG)
Caawiyaha Kowaad: Jake Collin (ENG)
Caawiyaha Labaad: Simon Bennett (ENG)
OGEYSIIS SIMINAAR CAAFIMAAD MUHIIM AH.
Xarunta Hormarinta iyo shaqo abuurka Rajo waxay ogeysiineysaa dhammmaan ardayda barata caafimaadka iyo kuwa daneeyaba in xarunta Rajo iyo hay'ada Maternal Mercy and Development (MMD) oo is kaashanaya ay qabanayaan Workshop caafimaad oo muhiim ah.
casharada waxaa bixinaya dhaqaatiir caan ka ah dalka kana hawlgala cisbtaalada magaaalada Muqdisho baryaalna ka ah jaamacadaha magaalada, hadaba isdiiwan galinta waxay kasocotaa xafiiska dhexe ee Xarunta Rajo.
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiririir Taleefan Number +25261889700/+252695981000
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA NOVEMBAR 2016-KA
WARARKII UGU DAMBEEYAY DAGAAL XALAY KA DHACAY DULEEDKA BALEDWEYNE Wararkii ugu dambeeyay ee Saaka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada Degaanka