Waxgarad Iyo Odayaal Dhaqameed Ashtako Degdeg Ah U Gudbiyay Guddiga Doorashooyinka (War-Murtiyeed)

0
Wednesday November 16, 2016 - 09:29:58 in Wararka by
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgarad Iyo Odayaal Dhaqameed Ashtako Degdeg Ah U Gudbiyay Guddiga Doorashooyinka (War-Murtiyeed)

    Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay Kulan dhex maray odayaasha iyo waxgaradka mid ka mid ah beelaha soo xulaya xubnaha aqalka sare iyo kan hoose, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan saami qeybsiga kuraasta ee beelaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay Kulan dhex maray odayaasha iyo waxgaradka mid ka mid ah beelaha soo xulaya xubnaha aqalka sare iyo kan hoose, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan saami qeybsiga kuraasta ee beelaha degan gobolada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlay kulankaasi waxaa ka mid ah: in la musuqmaasuqay xulitaanka kuraasta beesha Wacaysle uga soo aaday labada aqal kaddib markii qof haween ah la geeyay kursiga aqalka sare.

 

Nabadoon Ciise Macallin Maxamuud oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka 135-ta isla markaana ah mid ka mid ah odayaasha beesha Wacaysle ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug inay dib u eegaan xubnaha beesha u matalaya kursiga aqalka sare.

War-murtiyeedka ka soo baxay kulanka odayaasha beesha Wacaysle waa kan hoos ku qoran:-

War-murtiyeed iyo go’aan ka soo baxay Beesha Wacaysle

15 /11/2016

Ku: Guddidiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Qaran

Ku: Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Gobol (Galmudug)

Ku: Dowlad Goboleedka Galmudug

Og: Dhammaan Xubnaha beesha Caalamka

Og: Europian Union/UN/IGAD

Og: Danjirayaasha wadamada Dowlaha caalamka u fadhiya Somaliya

Og: Dowlada Somaliya

Anigoo ah Nababadoon Ciise Macallin Maxamud kana mid ah 135ta oday-dhaqameed ahna mid ka mid ah labada oday ee beesha Wacaysle u matesha 135-ta Oday-dhaqameed waxaan cadeynayaa in odaygii kale ee Maxamed Cabdi Shido uu sameystay astaan, shaabad iyo Suldaannimo been-abuur ah, Kadibna uu iskii u gaarayo go’aano uusan aniga iyo Gudiga Dhaqanka ee beesha Waceysle midna kala tashan.

Doorashadii xildhibaanada ee dhacday sanadkii 2012 Jufada Maxamed Cabdi Shido ee Absuge kama helin xubin baarlamaan laakiin Jufada Caligaaf ayaa ku wareejisay Xubintii Barlamaanka oo ay ayagu ku guuleysteen.

Anigu ma ihi labada Jufo midkoodna, Laakin waxaan ahay odey beesha Waceysle ku mala 135-ka oday. Ma jirto meel beesha weceeysle ay ku go’aamisay in xubin gaar ah la siiyo Jufo gaar ah laakin

Maxamed Cabdi Shido oo ah Jufada Absuge ayaa go’aankaas si kalinimo ah ugaaray, go’aan ah in xubintii dumarka uu Jufo gaaro u asteeyo, taas oon abuuri karto khilaaf beesha dhaxdeeda ah.

Sidaa daraadeed anigoo ah midkamida labada oday- dhaqameed ee besha Wacysle ku metesha 135ta, isla markaana ka mida Gudiga odayaasha Dhaqanka Waceysle ,ma jiro go’aan guud ee naga soo baxay. Mana jirto cid u wakiilatay Nabadoon Maxamed Cabdi shido go’aan ka uu gaaray.

Sidaa daraadeed waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa Gudiga Doorashooyinka Dadban ee xulidda xubnaha Barlamaanka Hoose iyo maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug in doorashada xildhibanada beesha Waceysle ay go,aan ka gaaraan iyadoo la tixgelinayo saami qaybsiga soo jireenka ah ee Beesha,si looga hortago khlaaf beesha dhaxdeeda ah.

Nabadoon : Ciise Macallim Moxamuud ee Beesha Wac-eysle… 

Saxiixa: …… … Goobjoogayaasha:

1. Axmed Maxamud Sabriye

2. Xusen Maxamud (Xidig)

3. Abdullaahi Abukar Xasan (Fayfle)

4. Abdi Suudi Hiraabe (suusac)

5. Ali Maxamud Axmed (Faranko)

6. Xasan Maxamed Jimcaale

7. Dowli Cali Axmed

8. Cabdullaahi Xasan Maxamed

9. Muxumad Axmed Abtidoon

10. Xasan Muse Daqare

11. Maxamud Xaaji Axmed Caddawe

12. Abdulle Xassan Maxaad Cali

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip