Madaxweynaha oo kulan dhiirigelin ah u sameeyay Farxaan Hadaafoow+Sawirro

0
Sunday November 13, 2016 - 12:58:34 in Wararka by
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo kulan dhiirigelin ah u sameeyay Farxaan Hadaafoow+Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirigelin ah u sameeyey Farxaan Hadaafoow oo ah ciyaaryahankii Soomaaliya uga qeyb-galay tartanka Olombikada adduunka ee ciyaaraha naafada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirigelin ah u sameeyey Farxaan Hadaafoow oo ah ciyaaryahankii Soomaaliya uga qeyb-galay tartanka Olombikada adduunka ee ciyaaraha naafada.

Farxaan Hadaafoow Maxamuud waa ciyaaryahan Soomaali ah oo sannadkaan uga qeyb-galay dalka Brazil ciyaaraha naafada ee Olombikada adduunka isagoo matalaya dalka Soomaaliya, madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku casuumay madaxtooyada Soomaaliya si uu u dhiiragaliyo, waxa uu la qaatay madaxweynaha kulan farxad iyo niyad sammi u lahaa Farxaan oo uu wehliyey Siid Cali Kuukaay oo ah xog-hayaha guddiga ciyaaraha naafada Soomaaliyeed.

 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Farxaan u sheegay in uu muujiyey dedaal, isla markaana uu ku ammaanayo magaca uu Soomaaliya u soo hoyay, maadaama tartankii uu Brazil uga qeyb-galay uu ka galay kaalinta shannaad oo aysan marnaba keenin ciyaartooyadii kale ee Soomaaliya uga qeyb-gashay ciyaaraha olombikada adduunka.
 
 
Siid Cali Kuukay oo ah xog-hayaha guddiga ciyaaraha naafada Soomaaliyeed, ayaa dhankiisa sheegay in Farxaan Hadaafoow uu la kulmay dhiiragelin weyn, madaxweynuhuna uu ballan-qaadey in uu gacan siin doonno ciyaaraha Naafada Soomaaliyeed gaar ahaan.
 
Sannadka soo socda ayuu magaalada London ee dalka Ingariiska uga qeyb-geli doona ciyaaraha naafada adduunka.
 
Farxaan Hadafow ayaa ku tartamayay qeybta baaskiillada ee 100-ka mitir, isagoo ku orday 18.49 sec halka orodyahanka kaalinta 1aad galay oo ka soo jeeda Dalka Maraykanka uu ku orday 17.20 sec.
IB0A9399IB0A9400IB0A9411IB0A9412IB0A9415IB0A9417IB0A9419IB0A9423IB0A9429IB0A9433

​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​​ ​​​​​​​​​​​​​​​​





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip