WAA WARARKA WARGEYSKLA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA NOVEMBAR 2016-KA

0
Thursday November 10, 2016 - 10:02:01 in Wararka by
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKLA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA NOVEMBAR 2016-KA

    AKHRISO: MAGACYADA IYO BEELAHA AY KA SOO JEEDAAN XUBNAHA AQALKA SARE EE HIRSHABEELLE Waxaa xalay fiidkii la soo gaba gabeeyay doorashadii xubnaha Aqalka sare u matalaya Maamulka Hirshabeelle, kaddib doorasho saacado badan qaadatay oo ka dhacday ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AKHRISO: MAGACYADA IYO BEELAHA AY KA SOO JEEDAAN XUBNAHA AQALKA SARE EE HIRSHABEELLE Waxaa xalay fiidkii la soo gaba gabeeyay doorashadii xubnaha Aqalka sare u matalaya Maamulka Hirshabeelle, kaddib doorasho saacado badan qaadatay oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Doorashada oo aheyd midu dhacday hab qarsoodi ah ayaa Xildhibaanada waxay u codeynayeen Musharaxiin ku tartamayay kuraasta Beelaha dega labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose ee ka soo gaaray qoondada Aqalka sare ee Hirshabeelle.

Afar ka mid ah kuraasta Aqalka sare ayaa lagu guuleystay, iyadoo aan la tartamin, kaddib markii ay tanaasuleen qaar ka mid ah Musharaxiintii tartami lahaa.

8-da xubnood ee Aqalka sare ayaa labo ka mid ah waxay yihiin Haween oo keligood ku tartamayay, waxayna ahaayeen doorashadii ugu xiisaha badneyd, marka loo eego doorashada ragga.

Halkan hoose ka akhriso magacyada 8da xubnood ee Aqalka sare u matalaya Hirshabeelle.

1. Cismaan Maxamed Macow Gugundhabe Jajeelle

2. Prof. Cismaan Maxamuud Dufle Udeejeen

3. Muuse Suudi Yalxow Abgaal Wacbuudhan

4. Maxamed Xuseen Raage Xawaadle

5. Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) Xawaadle

6. Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Abgaal Harti Abgaal

7. Fartuun C/qaadir Faarax (Karaama) Jareer Saddex Cumaroow

8. Naciima Ibraahim Yuusuf. Gaaljecel Caloofi

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO LACAGO KU WAREEJIYAY MAAMULKA DEGMADA HODAN

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jim aale Madaale ayaa shalay boqolkun oo dollar ku wareejiyay maamulka Degmada Hodan iyo Gud digii ka shaqeeyay dib u dhiska lagu sameeyay Wadad 26ka Juun ee isku xirta isgoysyada Kaasa bobolaare (KPP) iyo Shaqaalaha ee Degmadaasi.

Guddoomiyaha Gobalka ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu xusay in lacagahaasi ay san ka imaan gacan shisheeye, isla markaana dib u dhiska lagu sameeyay waddooyinka magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo loo adeegsaday qarashaadka laga qaaday muwaadiniin Soomaaliyed

Guddoomiyaha Degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim oo warbaahinta la hadlay ayaa duqa magaalada Muqdisho ugu mahad celiyay dhismaha wadada Shaqaalaha.

Waa wadadii afaraad oo uu maamulka Gobalka Banaadir ku sameeyay howlo dib u dhis ah, is la markaana laami lagu saaray waddooyinkaasi iyadoo uu Gudoomiyaha Gobalak Banaadir sheegay in dhismayaasha wadooyinkaasi ay ku baxday in ku dhaw 10milyan oo Dollar.

AFHAYEENKA AMISOM OO SHEEGAY IN XAALAD BANI’AADANIMO AY KA JIRTO SHABEELLADA HOOSE

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda SON NA ayaa sheegay in xaalad bani’aadanimo oo aad u liidato ay ka jirto deegaanka Numbar Konton ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay soo gareen kumanaan qoys oo ka soo carary dhibaatoo yinka maleyshiyada Alshabaab ay kawadaan deegaanada Shalaanbood iyo Ceel Jaale ee gobolkaas.

"Ku dhawaad 3,000 oo qoys oo barakacayaal ayaa soo gaaray xero ku taal deegaanka Nam bar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dadkaasi maheystaan cunno, biyo iyo meel ay ka galaan kuleelka qoraxda iyo qabowga habeenkii” ayuu yiri, Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet.

Afhayeenka ayaa ugu danbeyntii hey’adaha deeqaha bixiya iyo dowladda Soomaaliya ugu baa qeynaa in gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah lala soo gaaro dadka barakacayaasha ah ee ku dhib aateysa Shabeellaha Hoose.

Hadaslkan ka soo baxay afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmayo xilli abaaro ba’an ay ka jiraan qaar ka mid ah gobollada dalka.

R/WASAARAHA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA JUBBALAND

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/Rashiid Cali Sharma arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xaunta Gobolka Jubbada Hoo se.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaala da Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo xubno kale.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/Rashiid Cali Shar maarke iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa ay qaateen kulan mudo saacado ah socday, kaas oo ay uga hadleen arrimaha Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan kuwa ka dhacaya Deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa she egay in ay soo dhaweynayaan booqashada Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena ay ka wadaan howlaha Doorashada.

Ugu dambeyntii Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la dar dar geliyo Doorashada Aqal ka Hoose ee Deegaanada Jubbaland.

AF-HAYEENKA AMISOM OO SHEEGAY IN XAALAD BANI’AADANIMO AY KA JIRTO SHABEELLADA HOOSE

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda SON NA ayaa sheegay in xaalad bani’aadanimo oo aad u liidato ay ka jirto deegaanka Numbar Konton ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay soo gareen kumanaan qoys oo ka soo carary dhibaato oyinka maleyshiyada Alshabaab ay kawadaan deegaanada Shalaanbood iyo Ceel Jaale ee gobo lkaas.

"Ku dhawaad 3,000 oo qoys oo barakacayaal ayaa soo gaaray xero ku taal deegaanka Nam bar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dadkaasi maheystaan cunno, biyo iyo meel ay ka galaan kuleelka qoraxda iyo qabowga habeenkii” ayuu yiri, Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Mr. Joe Kibet.

Afhayeenka ayaa ugu danbeyntii hey’adaha deeqaha bixiya iyo dowladda Soomaaliya ugu baa qeynaa in gurmad bani’aadanimo oo deg deg ah lala soo gaaro dadka barakacayaasha ah ee ku dhib aateysa Shabeellaha Hoose.

Hadalkan ka soo baxay afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmayo xilli abaaro ba’an ay ka jiraan qaar ka mid ah gobollada dalka.

MUUSE SUUDI OO KU GUULEYSTAY KURSIGII SADDEXAAD XUBNIMADA AQALKA SARE EE MAAMULKA HIRSHABEELLE

Iyadoo wali magaalada Jowhar ay ka socto doorashada xubnaha aqalka sare ku matallaya,

ayaa kursigii afraad xubnimada aqalka sare waxaa ku guuleystay Muuse Suudi Yalaxoow.

Muuse Suudi ayaa ku guuleystay 91 cod, halka xildhibaankii la tartamayay oo lagu magacaabo Xassan Cali Caadle uu hellay 4 cod, waxaana xildhibaannada codeysay tiradooda gaarayeen 95 xil dhibaan.

Horey waxaa u guuleystay oo ku soo baxay kuraasta aqalka sare labada xildhibaan ee kala ah Cismaan Axmed Macoow, iyo Prof Cismaan Max'uud Dufle oo cod aqlabiyad ah labadaba uga guuley stay musharixiinta la tartameysay.

Waxaa harsan oo lagu wadda in xildhibannada ay soo doortaan shanta kursi ee wali dhiman oo lagu waddo in shalay la soo dhameystiro.

Wixii warar ah ee ka soo kordha mar walba waan idin soo gudbin doonnaa...

UGAAS C/RAXMAAN UGAAS C/LLAAHI OO EEDEEYAY MAAMULKA HIRSHABEELLE

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi oo ka mid ah ugaasyada Soomaaliyeed kanaa mid ahaa duubab dhaqameedyadii ka qeybgalay shirka maamul u sameynta Hirshabeelle ayaa ku ee deeyay madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamulka Hirshabeelle inay balan ka bax ku same eyeen.

Ugaas Cabdiraxmaan oo ka hadlay shalay kulan ay ugaga dhowaaqeysay musharax Aqalka Sare Xabiibo Nuur Gendi inay ka tanasushay musharaxnimadeeda ayna ka soo qeybgaleen duubab dhaqameedyo,xildhibaano iyo waxgarad kale.

"Waxaan ka mid ahaa duubabkii dhaqankii u dhabar adeygay shirka Hirshabelle waxaan la kul may saddex shir madaxda Hirshabelle heer baarlamaan iyo heer Madaxweyne saddex mar ayaan bal lan galnay waxbana kama soo bixin.”ayuu yiri Ugaas Cabdiraxmaan.

Ugaaska ayaa sheegay in Madaxweynaha dowlada Federalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ay hore ugu ballameen in beesha Gaaljecel 2 kursi laga siin doono Aqalka Sare balse balantii loogaga baxay.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadashay Marwo Xabiibo Nuur Gendi oo xilal kala duwan hore ug aga soo qabtay gobolka Sh/dhexe kana mid ahayd baarlamaankii dowladii Carte iyadoo sheegtay in oday dhaqameedyada beesheeda ay ka codsadeen in ay ka harto tartanka doorashada Aqalka Sare iyadana ay aqbashay.

Sidoo kale munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Daahir AMiin Jeesow oo kamid ah xildhi baanada dowlada Soomaaliya ayaa ku dhaliilay in dowlada aysan beesha uu ka soo jeedo oo degta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ayna 2 kursi ku lahaayeen Aqalka Sare balse laga duudsiyay xaq ooda.

Warkan ka soo baxay duubka dhaqanka beesha Gaaljecel iyo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay ka socoto magaalada Jowhar doorashada xubnaha Aqalka Sare.

DOWLADDA SOMALIA OO HAMBALYO U DIRTAY MADAXWEYNAHA 45AAD EE MAREYKANKA DONALD TRUMP

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha la doortay ee Wa ddanka Mareykanka Donald Trump oo noqonaya madaxweynihii 45aad ee Mareykanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Somalia ay la shaqeynayso Trump oo loo doortay Madaxw eynaha cusub ee Mareykanka.

Sidoo kale, Hadliye ayaa intaas ku daray in Mareykanka uu Somalia gacankasiinayay la dagaa llanka Argagixisada, ayna rajaynayaan wali arrimahaasi inay iska kaashan doonaan.

C/salaam Hadliye ayaa xusay in in go’aanka Donald Trump lagu soo doortay uu ahaa mid ka yimid shacabka Mareykanka, sidaa awgeedna ay dhankooda soo dhaweynayaan, isla markaana la shaqaynayaan madaxweynaha Cusub ee la doortay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana hamblayo u di ray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, isagoo sheegay in ka dowlad ahaan ay soo dhawey nayaan doorashada madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Doland Trump.

Ugu dambeyntii, Wasiir Hadliye ayaa walaac ka muujiyay Hadallo dhawaan kasoo yeeray Tru mp oo ahaa in Qoxootiga Soomaalida ah ee ku Nool Gobolka Minnesota ay Geystaan dhibaatooyin dhanka xagjirnimaad ah, Wuxuuna intaas ku daray inaysan habboonayn in mas’uul uu hadal noocaas ah kasoo yeero.

AQRISO XUBNAHA KU GUULEYSTAY KAMID NOQOSHADA AQALKA HOOSE EE BAARLAMANKA DALKA QEYBTA JUBALAND

Doorashooyinkii xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo, ayadoo shalay ay soo baxeen ilaa lix xildhibaan oo kamid no qon doonta xildhibaannada baarlamanka dalka.

Xubnaha shalay guuleeystay waxa ay kala yihiin;

Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi

Cabdiqaadir Sheekh Cali Ibraahim

Farxiyo Xasan Axmed

Axmed Cismaan Ibraahim

Sheekh Nuur Maxamed Xassan

Sacdiyo Muuse Cabdullaahi

Gudiga ayaa sheegay in doorashadu ay ilaa hadda si wanaagsan u socoto, ayagoo xusay in maalinta berito ahna ay qabsoomi doonto doorashada, xubno kalena la dooran doono.

QM OO KU EEDEYSAY MADAXWEYNAHA PUNTLAND INUU DAABACAYO LACAGO SHILLIN SOOMAALI OO KHALKHAL GELINAYO DHAQAALAHA SOMALIA.

Kooxda QM ee Kormeerka Cunqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea wa xay ku eedeeyeen Madaxweynaha Maamulgobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas inuu daabacayo Lacago cusub oo Shillinka Soomaalida, si uu u naafeeyo Dhaqaalaha iyo Maciishada dadka Soomaaliyeed.

Warbixinta oo ay Guddiga soo saareen bishii October 31dii ee sannadkan ayaa lagu sheegay inuu C/weli Gaas Wershado lagu farsameeyo Lacagta Soomaaliga ku rakibay Bangiga Dhexe ee Pun tland, taasi oo uu ugu talagalay inuu ku bixiyo Mushaaraadka Shaqaalaha Maamulkiisa iyo Ciiddanka Ammaanka.

Baarayaasha QM waxay sheegeen in Dibadbaxyadii rabshadaha watay ee bilowgii bishii May ee sannadkan ka dhacay magaallooyinka Garowe iyo Bosaaso inay ka dhalatay sicir bararka ay kee neen Lacagaha uu Maamulka C/weli Gaas daabacdeen.

shillinsomaliBaarayaasha waxay sheegeen inay Lacagaha cusub ka heleen Suuqa Sarifka Lac agaha ee Bosaaso, iyadoo Daabacadda Shillin Soomaaliga Rasmiga ugu dambeeysay ka hor inta ay san burburin Dowladda Dhexe ee Somalia sannadkii 1990kii.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirkiisa Maaliyadda waxay beeniyeen Eedeym ahaasi, halka Guddoomiyaha Bngiga Dhexe ee Puntland, Abddi Ismail "Boos: ka gaabsaday si ay QM uga helaan Xarunta Bangigaasi oo ku taalla Bosaaso.

SOOMAALIYA OO SAFAARADEEDII YEMEN KA RARTAY SANCA OO GEYSAY CADAN

Dawlada Soomaaliya ayaa safaaradeedii Yemen ka rartay caasimadii Yemen ee Sanca una rartay Cadan.

Cadan ayaa haatan ah caasimada kumeel gaarka ah ee Yemen ee dawlada sida waziirka arim aha dibada ee Yemen uu asbuucaan sheegay. Dawlada Yemen ayaa wakaalada wararka ee dalkaa ee SABA u sheegtay in tillaabada Soomaaliya ku dhaqaaqday lagu taageerayo dawlada xaqa ah ee Yemen.

Dawlada Yemen ayaa haatan waxaa madaxweyne ka ah Cabdu Rabbi Mansuur Haadi waxa ana arinkaasi muujinayaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal u dhexeeya.

Caasimadii dalkaa ee Sanca ayaa waxaa qabsatay fallaagada shiicada ah ee Xuutiyiinta sa nadkii 2014.

Dawlada Soomaaliya ayaan wali faahfaahin dheeraad ah ka bixin tillaabadaa lagu geeyay saf aaradii Soomaaliya magaalada Cadan.

Sanadkii hore ayaa wadamo badan oo Carbeed sida Sacuudiga, Qatar, Kuwait, Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn iyana safaaradahooda geeyeen Cadan si loo taageero dawlada madaxweyne Cabdu Rabbi Mansuur Haadi.

Dalka Yemen ayaa colaadi ka jirtay laga soo bilaabo dhammaadkii sanadkii 2014 markii Xuuti yiintu qabsadeen Sanca.

DOWLADDA ETHIOPIA OO XAYIRAADII SOCDAALKA KA QAADAY DIPLOMAASIYIINTA SHISHEEYAHA.

Wasiirka Difaaca ee dalkasi, Siraaj Fegesa ayaa ku dhawaaqay inay Diplomaasiyiinta shishe eyaha loo fasaxay Dhaqdhaqaaqooda, isla markaana ay tegi karaan meel kasta oo ka mid ah dalka asi.

safaaradahaHadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii ay Dowladda Ethiopia bishii hore Xukun Degdeg ku soo rogtay dalkaasi, iyadoo diplomaasiyiinta lagu amray inaysan fasax la’aan u safri Karin in ka badan 40KM ee duleedka caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa sheegtay in Bandowga loo soo rogay si loo sugo Ammaanka Diplomaasiyiinta Shisheeyaha.

Ilaa 500 oo qoF ayaa lagu dilay Dibadbaxyada rabshadaha lahaa ee ka dhacay tan iyo sannad kii hore.

DIL KA DHACAY MUQDISHO

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegay aan in halkaasi lagu dilay Nabadoon caan ka ah Magaalada Muqdisho.

Dilka Nabadoonka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo watay mid ka mid ah Gawaarida raaxada ah, waxaana nabadoonka lala dilay Oday kale oo xilligaasi la joogay.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Axmed Rooble (Safaari), waxa ana kooxihii dilka geystay ay ka baxsaadeen goobta uu falka ka dhacay.

Ciidanka Amaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilka, waxaana ay halkaasi ka sameey een baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay.

Maalmihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan, kuwaas oo lala beegsanayay Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka soo socda.

AMB. AFEEY OO BOOQDAY XERYAHA DHADHAAB ..

Xeryaha Qaxootiga ee dhadhaab ee ku yaala Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa daraad wa xaa kormeer shaqo ku tegay Ergayga gaarka ah ee Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxo otiga UNHCR ee u xil saaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed Ambasador Maxamed Cabdi Afey.

Ujeedada safarkiisa shaqo ayaa aheyd sidii uu ugu kuurgali lahaa xalaadda nololeed ee ka jir ta Xeryahaasi,waxa uuna soo kormeeray xerada Qaxootiga ee Xagardheer, isagoo si gaar ah u booq day Cisbitaalka weyn xeradaasi, waxaana uu halkaasina ku soo indha indheyay meelaha Dadka bukanka ahi ay jiifan.

Amb: Afeey waxaa kaloo uu booqday Xafiska hey’adda UNHC ee Xerada Xagardheer, kadib waxa uu Xarunta hey’addaasi ee Degmada dhadhaab kula kulmay Gudiga Xeryaha Qaxootiga ee dhadhaab, isagoo sheegay in dhawaan loo magacabay Eryga gaarka ah ee hey’adaasi u xilsaran arr imaha Qaxootiga Soomaaliyed ee Gobolka.

"waxaan dhawaan booqday xeryaha qaxootiga ee Dalka Jabuuti ayna ku jiraan Qaxooti Soom aaliyeed shalayna dhadhaab ayaan joogaa, maantana waxaan aadi doonaa Dalka Ugandha waxaa xi ga oo aan taki Wadamada Itoobiya iyo Yemen” ayuu yiri Ergayga Amb:Afeey.

Ergayga gaar ah ee u xlisaaran arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxa uu ugu damb eyntii sheegay in uu ku dadaali doono sidii wax looga qaban lahaa xaalada Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Dalalkaasi,isagoo xusay in uu kala hadli doono Wadamadaasi qaxootiga ay hayaan inta soomaaliya ka xasilaaneeyso, ciddii doontana ay iskeed u noqon karto.

CIIDAMADA JABUUTI OO 80 QOF KU XIRAY MAGAALADA BALEDWEYNE

Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo ay wehlinay an Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa shalay hawlgal ballaaran ka sameyay xaafadda Buundo weyn ee Magalada Baledweyne, xilli habeen hore xaafadaasi lagu dilay laba askari.

Labada ciidan, ayaa gacanta ku soo dhigay 80 qof oo lala xiriirinayo dilka ka dhacay xaafadda Buundoweyn, waxaana laga shaki qabaa in dadkan ay qaarkood xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab.

Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Booliska Baledweyne, Xasan Nuur Bidaar, ayaa xaqiijiyay in hawlgalkan lagu xiray 80 qof, oo qaarkood lagu tuhmayo dilka laba ka mid ah askarta dowladda.

Waxaa Taliyaha uu intaasi ku daray intii uu hawlgalku socday in labada ciidan, ay dhaawaceen ganacsade sitay bistoolad, ka dib markii uu sheegay inuu diiday awaamiirta ciidamada. Taliye Bidaar oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa xusay in dadkii la soo xaray lagu kala saarayo Saldhiga Booliska Baledweyne, isagoona qeexay in la sii deyn doono ciddii dembi lagu waayo.

WARBIXIN: WAA KUMA MADAXWEYNAHA CUSUB EE DALKA MAREYKANKA

 DONALD TRUMP (SAWIRRO)

Madaxweynaha cusub ee Waddanka Mareykanka Donald John Trump wuxuu dhashay 14kii Juun 1946kii, isagoo ku dhashay kuna koray Magaalada New York ee Dalka Mareyknaka, Wuxuu ah cunuggii afaraad ee Aabbihii oo ahaa hantiille ka ganacsan jiray guryaha oo lagu Magacaabi jiray, Fred Trump.

Inkastoo Qoyskiisu Hanti lahaayeen, ayaa waxaa la filayay inuu ka shaqeeyo shaqooyinka ugu hooseeya ee Shirkadda Aabihiis, Laakiinse waxaa loo diray kuliyad ciidan isagoo 13jir ah, kaddib markii uu si xun u dhaqmay.

Donland Trump, Wuxuu Waxbarasho ku qaatay Dugsiga Wharton School ee Jaamacadda Pennsylvania, taasoo keentay in Aabihiis uu u noqdo shakhsi uu la dhacsan yahay ee beddeli doona maamulka ganacsigooda, maadamma uu walaalkiis ka wayn lagu magacaabi jiray Fred oo doortay in uu noqdo duuliye diyaaradeed.

Fred Trump, wuxuu ku dhintay isagoo 43-jir ah, isagoo sababsaday cudurro ka dhashay cab ista khamriga, taasoo keentay in Donald Trump uu noloshiisa oo dhan gees ka maro cabista khamr iga iyo sigaarka.

Sidoo kale, Trump wuxuu sheegay inuu ku bilaabay ganacsiga guryaha dayn lacageed oo yar oo aabbihiis uu ka amaahday, ka hor intii aannu ku biirin shirkadda Aabihiis. Wuxuu ka caawiyay Aab bihiis Mashaaruiic ballaaran oo guryo looga dhisay degmooyinka Magaalada New York, isagoo markii dambe la wareegay maamulka shirkadda sannadkii 1971kii, wuxuuna ka beddelay magaca oo uu ka dhigay Trump Organization.

Aabihiis wuxuu dhintay 1999-kii isagoo 93-jir ah. "Aabbahay aad ayuu iigu dhiirrigeliyay ganac siga,” ayuu yiri Donald Trump oo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka ka dib markii uu tartan adag kaga guuleystay Musharraxadii la Tartamaysya oo ahayd Hillary Clinton.

MAALQABEEN;

Sidoo kale, Trump wuxuu Ganacsigii Qoyskooda ee dhismaha Guryaha ee degmooyinka Bro oklyn & Queens uu u rogay mashaarciida Manhattan isagoo dhisay Hotelka wayn Grand Hyatt, wuxu u taagay wadada shanaad dhismaha caanka ah waxaa sidoo kale uu dhisay dhismayaal kale oo caan oo ay ka mid yihiin Trump Place, Trump World Tower, Trump International Hotel and Tower, iyo waliba kuwa kale oo badan.Magaalooyinka Mumbai {Hindiya}, Istanbul {Turkey} iyo Philippines ayuu ka sameeyey dhismayaal caan oo ah oo lagu magacaabo Trump Towers.

Trump waxaa kaloo uu dhisay Hoteello iyo goobaha lagu Qamaaro ee loo yaqaan casinos, waxaase afar jeer uu diiwaangaliyey inuu khasaaray ama masilafay oo ah dhanka ganacsiga balse aan ahayn musalif shakhsi ah.

Wuxuu kaloo aasaasay barnaamijyo ganacsi oo warbaahineed sanadihii 1996 ilaa 2015, wuxuu ahaa mulkiilaha masraxiyadda Miss Universe, Miss USA, & Miss Teen USA beauty pageants oo ah bandhig lagu caleemo saaro gabadha ku guulaysata quruxda.

Sanadkii 2003-kii wuxuu ka bilaabay Telefishinka NBC barnaamij tartan ah oo loo galayo sha qo maamul oo laga qabanayo shirkadda Trump. Barnaamijkaas oo uu daadihiye ka ahaa 14 goor wu xuu sheegtay in ay uga baxday dhaqaale aan shaaca laga qaadin oo gaaraya 213 milyan oo doolar intii uu socday Barnaamijku.

Waxaa laga qoray buugag fara badan, waxaa kale oo jira waxyaabo ganacsi ahaan loo iibiyo oo magaciisa lagu iibiyo ka bilow Garafaati ilaa dhalada biyaha, sida uu qabo wargeyska Forbes hant ida Trump waxaa lagu qiyaasay 3.7 bilyan oo doolar, laakiin isagu wuxuu ku adkeysanayaa in hant idiisu ku qiimaynsan tahay 10 bilyan oo doolar.

NOLOSHII GUURKIISA;

Trump wuxuu guursaday sadex goor, inkastoo ay ugu caansanayd ,oo ahayd gabar ciyaaraha fudud ciyaari jirtay isla makaana ahayd, sidoo kalena dharka xayeysiisa, waxay isku dhaleen sadex caruur ah oo kala ah Donald Jr, Ivanka & Eric ka hor intii aanay diiwangashan furiin sanadkii 1990-kii, waxana ay gaartay in maxkamadda la iska dacweeyo taasi oo soo jiidatay saxaafadda arimaha gaa rka ah ee dadka caanka ah ka faaloota.

Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah eedeymo sheegayay in Trump uu si xun ula dhaqmay Ivana inkastoo markii dambe ay sheekada xoogaa qaboojisay.

Trump wuxuu guursaday sanadkii 1993-kii Marla Maples oo ay isku dhaleen gabar lagu maga caabo Tiffany balse waxay isfureen Marla sanakdii 1999-kii.

Sannadkii 2005-tii, auu wuxuu is guursaday xaaska hadda u dhaxda oo lagu magacaabo Mel ania Knauss, waxay isku dhaleen hal wiil oo lagu magacaabo Barron William Trump.

Ilmaha guurkiisii hore ayaa hadda waxay ka caawiyaan hawlaha socodsiinta shirkadda Trump Organization, inkastoo uu wali yahay madaxa shirkadda.

MUSHARRAXNIMADIISII;

Donald Trump wuxuu muujiyey dareen ah in uu u isu sharaxo Madaxweyne horaantii sanadkii 1987-KII, wuxuuna is sharaxay sanadkii 2000 isagoo ahaa musharaxa xisbiga Reform Party.

Ka dib Sannadkii 2008-kii wuxuu noqday dadka sida wayn uga hadla goobta dhalasha ee mad axweynaha haatan xilka ka degaya, waxay dhaqdhaqaas su'aalo ka keeneen in Madaxweyne Obama uu ku dhashay Mareykanka iyo inkale, laakiin sheekooyinkaas waxaa markii dambe ay daciifeen og aanshaha in Obama uu ku dhashay Hawaii.

Mr. Trump wuxuu ugu dambeyn qirtay inaanay waxba ka jirin eedeymahaas intii lagu jiray ola laha doorashada laakiin si guud uma jirin raaligalin sidii caadiga ahayd.

Ilaa bishii June ee 2015 Mr Trump si rasmi ah uguma dhawaaqin inuu u tartamyo tartanka aqalka cad.

"Waxaynu u baahannahay qof si rasmi ah oo dalkan kor u qaada dibna uga dhiga wadan we yn" ayuu ku yiri Trump hadalkiisii uu ku shaacinayey inuu isagu taagayo doorashada.

Hadalkaas wuxuu ku balanqaaday in musharaxnimadiisa aannu uga baahnayn wax dhaqaale loo ururiyo, wuxuu ku jawaabay inaanay jirin wax dano gaar ah oo uu leeyahay isla markaana uu ya hay musharax siyaasadda dibad joog ka ah.

Halkudhegga uu caanka ku yahay ee "Ameerika dib u waynee" wuxuu Trump xiliyo kala duw an jeediyey hadalo iska soo horjeeda oo ku dhisan balanqadyo ah lagu xoojinayo dhaqaalaha Ameeri ka, inuu ka dhisi doono darbi xuduudda dalka Mareykanku la leeyahay Mexico, isla markaana uu mud do cayiman dadka Muslimiimta ee imaanaya Mareykanka ilaa buu yiri "wakiiladda wadankeennu ay xaqiijin karaan sida wax u socdaan".

Inkastoo ay dhaceen dibadbaxyo iyo kulamo waa wayn oo ka soo horjeeday olalihiisa oo ay saameeyeen musharaxiintii ay iska soo horjeedeen ee xisbiga Jamhuuriga sida Ted Cruz iyo Marco Rubio, Trump wuxuu noqday musharaxa rasmiga ee xisbiga Jamhuuriga .

GUUSHII DOORASHADA;

Olalaha doorashada Mr Trump waxaa si wayn ula degay dood iyo fadeexado ku ay ugu damb eysay cajalad laga duubay sanadkii 2005-tii isagoo hadalo anshax la'aan ah u gaystay haweenka, wa xaana ay taasi keentay in xitaa qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ay ku tilmaameen nin aan qalmin xafiiska.

Laakiinse, wuxuu u sheegayay taageerayaashiisa inuu hareer mari doono saadaasha doora shooyinka kuwaasi oo badankoodu muujinayey in Hillacry Clinton ay ku guulaysanayo doorashada.

Trump wuxuu ka qaatay dhiirigalinta guusha olalahii UK ay kaga baxday Midowga Yurub.

Inuu ku guulaysto waxay ka dhigan tahay wax aanay saadaalin ku bixin dadka arimahan ka doo dayey inkastoo olalihiisu uu helay taageero xoogan oo la xiriirtay eedeymihii cusbaa ee dhanka emailada ee wajahay Hilliary Clinton maalmihii ugu dambeeyey ee olalaha doorashada.

Ugu dambeyn, Donland Trump Wuxuu noqon doonaa madaxweynihii 45aad ee Dalka Marey kanka kaas oo aan waligiis loo dooran xafiis ama aan ka soo shaqayn ciidamada, taasi waxay ka dhi gan tahay inuu mar hore taariikh dhigay ka hor inta aan loo dhaarin xafiiska madaxweynaah 45aad ee Mareykanka bisha January ee fooda inagu soo haysa.

XIGASHO BBC

BOGGA CAYAARAHA

WARBIXIN: KA DIB IN HORYAALKA PREMIER LEAQUEGU UU TODOBAADKAN GAADHAY GOOLKISII 25,000 KUMAAD, WAA KUWEE KOOXAHA GOOLASHA UGU BADAN DHALIYAY? IYO XOG KALE OO DHEERAAD AH

Todobaadkan horyaalka Premier Leaquega ayaa u debaal degaya in gaadhay 25,000 kun oo gool oo ay dhaliyeen kooxihii ka soo ciyaaray horyaalka Ingiriiska waxaana goolka tirada 25,000 ka kun buuxiyay dhaliyay Zlatan Ibrahimovic markii uu goolkiisii hore ka dhaliyay kulankii Swansea City.

Haddaba waa kuwee kooxaha goolasha ugu badan ka soo dhaliyay Premier Leaquegu? Miyuu Jiraa hal usbuuc oo dhamaan kooxaha Premier Leaquegu ay goolal iska wada dhaliyeen? Iyo Che lsea oo kulamada soo socda jabin karta rekoodh u khaas ahaa Manchester United. Arimahan oo faah faahsan halkan kaga bogo.topfive

Mancheste United ayaa ilaa hadda ah kooxda goolasha ugu badan ka dhaliyay Premier Lea quega waxayna 25000 kun ee gool ku leedahay 1818 gool waxaana ku soo xigta Arsenal oo dhalisay 1645 gool oo Premier Leaquega ah halka Chelsea ay kaalinta saddexaad ugu jirto 1586 gool oo PL, waxaana kaalinta afraad ku jirta Liverpool oo Premier Leaquega ka dhalisay 1553 gool iyada oo shan ta kooxood ee ugu sareeya ay dhamaystirtay Tottenham oo PL ka dhalisay 1335 gool. Manchester Ci ty ayaa ku jirta kaalinta 8 aad waxayna dhalisay 1118 gool.

HALKAN KAGA BOGO LIISKA GOOLASHA AY KOOX KASTAABA KA DHALISAY PREMIER LEAQUEGA:

Manchester United 1818

Arsenal 1645

Chelsea 1586

Liverpool 1553

Tottenham Hotspur 1335

Everton 1212

Newcastle United 1168

Manchester City 1118

Aston Villa 1117

West Ham United 928

Blackburn Rovers 927

Southampton 826

Leeds United 641

Middlesbrough 631

Sunderland 592

Bolton Wanderers 575

Fulham 570

Leicester City 481

West Bromwich Albion 413

Sheffield Wednesday 409

Coventry City 387

Wimbledon 384

Norwich City 365

Charlton Athletic 342

Queens Park Rangers 339

Stoke City 335

Wigan Athletic 316

Crystal Palace 295

Portsmouth 292

Birmingham City 273

Derby County 271

Swansea City 243

Nottingham Forest 229

Ipswich Town 219

Wolves 156

Hull City 154

Reading 136

Sheffield United 128

Watford 119

Oldham Athletic 105

Burnley 81

Bradford City 68

Bournemouth 58

Blackpool 55

Swindon Town 47

Barnsley 37

Cardiff City 32

Markale kooxda Manchester United ayaa haysata rekoodhka kooxaha aan wax gool ah laga dhalin kulamada Premier Leaquega ugu badan ee hadda si xidhiidh ah u guulaystay. Man United ayaa 9 kulan oo xidhiidh ah guulaystay xili ciyaareedkii 2008/09 kii iyada oo waliba shabaqa ilaashat ay waxaana min 8 kulan oo xidhiidh ah guulaystay kooxaha Chelsea iyo Liverpool inkasta oo ay wal iba Chelsea laba xili ciyaareedkan samaysay tiradan.Chelsea ayaa hadda shan kulan oo xidhiidh ah soo guulaysatay iyada oo aan wax gool ah laga dhalin.

LIISKA KOOXAHA KULAMADA UGU BADAN EE XIDHIIDHKA AH SHABAQA ILAASHADAY EE HADDANA GUUL GAADHAY:

Xili Ciyaareedka Kooxda Guulaha

2008/09 Manchester United 9

2004/05 Chelsea 8

2006/07 Chelsea 8

2005/06 Liverpool 8

Xili ciyaareedkan ayaa kooxaha Premier Leaquega lagu abaal mariyay 37 rekoodhe 11kii kulan ee ilaa hadda la ciyaaray iyada oo 28 ka mid ah goolal lagu dhaliyay halka 9ka kale la qasaariyay tas oo la micno ah in boqolkiiba 75.68% laga faa’iideeyay rekoodhayaashii la tuuray. Haddaba halkan kaga bogo xogta rekoodhayaashii la tuuray todobaadkii xili ciyaareed ee ugu danebeyay.

Xili Ciyaareeka Rekoodhe Goolal Heerka Rekoodhaha Guulaystay %

2001/02 73 48 65.75%

1992/93 92 61 66.30%

1994/95 97 67 69.07%

1998/99 73 51 69.86%

2011/12 100 72 72.00%

2005/06 76 57 75.00%

2016/17 (so far)37 28 75.68%

TODOBAADKII ABID KULAMADA PREMIER LEAGUEGA EE AY DHAMAAN KOOXUHU SHABAQA WADA TAABTEEN – NOVEMBER 27/28, 2010:

Aston Villa 24 Arsenal

Everton 14 West Brom

Bolton 22 Blackpool

Fulham 11 Birmingham

Stoke 11 Man City

Man Utd 71 Blackburn

Wolves 32 Sunderland

West Ham 31 Wigan

Newcastle 11 Chelsea

Tottenham 21 Liverpool

JUVENTUS OO JANNAAYO SOO QAADANAYSA AXEL WITSEL (IMISA AYAY U QOONDAYSAY?)

Juventus ayaa sida lasoo werinayo €6m ilaa €8m oo euro kula soo saxiixanaysa Axel Witsel oo u safta Zenit St Peters burg marka la gaaro Jannaayo.

Laacibkan ayaa xagaagii qarka u saarnaa inuu ku biiro Bianconeri, balse naadigan Ruushanka ah ayaa heshiiska bin ka ka siibay daqiiqaddii ugu dambeeyay kaddib markii ay bid daal waayeen.

Witsel ayaa horay u xaqiijiyay inuu ku biirayo Juventus, balse waxay haatan u muuqataa inay kooxda Old Lady doonayso inay heshiiska soo hormariso.

Khadka dhexe ee kooxda Juve ayaa aad loo dhaliilay jeer ay ku tala jirto inay janjalka ku dheg to koobka Champions League. Sida uu sheegayo Gazzetta dello Sport, Juve ayaa €6m€8m u qoond eeynaya Witsel bisha Jannaayo, waloow ay Zenit diidi karto.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip