WAA WARARKA WARGEYSKA MGADISHUN TIMES DAILY NEWS PAPPER EE MAANTA OO AH ARBACO 9-KA 9-KA NOVEMBAR 2016-KA

0
Wednesday November 09, 2016 - 12:04:33 in Wararka by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MGADISHUN TIMES DAILY NEWS PAPPER EE MAANTA OO AH ARBACO 9-KA 9-KA NOVEMBAR 2016-KA

    TRUMP OO LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA MAREYKANKA Trump ayaa xilka kala wareegi doono madaxwey ne Obama kaddib markii uu Hillary Clinton uga guuleyst ay 276 cod.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TRUMP OO LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA MAREYKANKA Trump ayaa xilka kala wareegi doono madaxwey ne Obama kaddib markii uu Hillary Clinton uga guuleyst ay 276 cod.

Guusha Trump ayaa loo arkaa mid taariikhi ah wa xa ayna ka fajicisay dad badan oo filayay in Hillary Clin ton ay ka guuleysan doonto maadaama uu ku cusub yah ay siyaasadda isla markaana lagu bartay hadallo qall afsan oo ka care ysiiyay dad badan oo Mareykan ah.

 

Trump ayaa ku guuleystay codbixinta gobollada muhiim ka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa.

 Waxa uu sidoo kale codad badan ka helay gobollada kale ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.

Taageerayaasha Trump ayaa dabbaaldegyo ka dhigayay qaybo badan oo ka tirsan dalka Mareyk anka halka xarunta olol aha doorashada ee Clinton ay murugo ka muuqatay.Xisbiga jamhuuriga ayaa sidoo kale ku guuleystay inta badan kuraasta aqalka wakiilada iyo kan sare ee "senetka".

Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada New York.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO BOGAADIYEY DOORASHOOYINKA KA BILOWDAY KISMAAYO IYO BAYDHABO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka bilowday magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka shalay ka billowday Dowlad Gobolleedyada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ay yihiin tallaabooyin muujinaya horumarka dalka ee dhanka u bisla ashaha dowladnimadda iyo dimu quraadiyada. Sidoo kale Madaxw eynaha ayaa bogaadiyey sida ay shacabka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay uga go’antahay in doorashooyinka ay ku dhac aan waqtigii loo qorsheeyey.

"Doorashooyinka shalay ka billowday Baydhabo iyo Kism aayo waxay muu jineysaa sida ay uga go’an tahay shacabka iyo madaxda dowlad gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed in doorashooyinka ay ku soo qabsoomaan watigii loo qorsheeyey” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Dowlad Gobo lleedka Koonfur Galbeed hergelinta doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaa lka oo shalay ka biloowday Dowlad Goboleedyadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal oo in muddo ah waday qorshaha Hannaanka Door ashooyin ka 2016 oo shalay ku guuleystay in doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ay ka bilo wdaan goobi hii lagu ballamay.

"Hannaanka Doorashooyinka 2016 waa qorshe qaran oo dalka looga hirgelinayo dooras hoo yin dadban si 2020 aan u wada gaarno doorashooyin hal qof iyo hal cod ah. Bilowga doora shooyin ka xubnaha Baarlamaanka waxey ka dhigantahay in aan ka dhabeynay ballanqaadkii ahaa in doora shooyinka ay ku dhacayaan waqtigii loogu talo galay.”

RA’IISUL WASAARE SHARMARKE IYO WASIIRKIISA AMNIGA OO LAGU EEDEEYAY DAGAALKA GAALKACYO

Nabadoon Maxamuud Cali Nuur Barre oo ka mid ah Waxgaradka Sooma aliyeed aaya sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Wasiirkiisa Amniga Cabdirisaaq Caumar Maxam ed ay Masuul ka yihiin Colaadda Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Nabadoonku in aanu xal keeni Karin gacmo Shisheeye loona baahan yahay in lala Xisaabtamo dadka hurinaya Colaadda Ma gaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Nabadoon Maxamuud Cali Nuur Barre ayaa Madaxda labada maamul ee Punt land iyo Galmudug ku eedeeyay in ay yihiin Dambiilayaal Dagaal. Colaadda Gaalkacyo ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dareysa iyadoona ay bureen Heshiisyo horay look ala dhex dhi gay labada maamul.

WASAARADDA AWQAAFTA IYO CULIMADDA KU NOOL MUQDISHO OO KU BAAQAY IN LA JOOJIYO DAGAALKA GAALKACYO

Kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaa liya islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Dagaalka Magaalada Gaalkacyo iyo Abaaro daran oo ka ji ra inta badan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Kulanka ayaa waxaa warbaahinta u Akhriyay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad,waxaana Bayaanka ka mid ahaa in Dadka Soomaaliyeed ee Gudaha Dalka ku nool ay Is Cafiyaan oo ay Soomaan Afar Maalin oo ka bilaabata Jimcada Soo socota kuna Eg illaa Isniinta.

Sidoo kale Bayaanka waxaa ka mid ahaa in Maaalinta Isniintaa la isugu soo baxo Salaad Roobdoon ah Gobolada Dalka oo dhan si loo helo Raxmadda Alle.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Culimada ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah in Deg Deg loo joojiyo Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

ROOBAB QASAARE GEYSTAY OO KA DA’AY DALKA MONTENEGRO

Magaalada Montenegro degaano ee dalka Albania degaano ku dhow dhinaca xadka uu la wa daago wadanka Serbia ayaa laga soo sheegayaa inay ka da’een roobab dabeylo wata muddo laba maalin ah.

Wakaaladaha wararka dalkaasi ayaa sheegay in qasaaraha ka dhashay ilaa iyo iminka aan si rasmi ah loo caddeyn karin maadaama waxyeelada roobabkaasi ay weli socdaan.

Ciidamada Dowladda Albania ayaa bilaabay gurmadka qoysaska ay saameeyeen roobabka, iyadoo waddooyinka waaweyn ay ku qulqulayaan daadad xoog leh.

Wararku waxay intaasi ku darayaan roobabka inay boholo waaweyn ka jeexeen masaafo ka badan 100 Mitir, iyadoo boqolaal gaadiid ah ay la tageen daadkaasi.

Dhinaca kale waxaa xarumaha caafimaadka loo qaaday qoysas isugu jira dad da’ ah, caruur iyo haween, iyadoo tirada kuwa ku geeriyooday ay haatan gaareyso ku dhowaad toban ruux.

C/RASHIID XIDIG OO KU GUULEYSTAY KURSIGII 1AAD EE XILDHIBAANNIMADA AQALKA HOOSE EE JUBBALAND

C/rashiid Maxamed Xidig oo hada ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee Aqalka Hoose laga soo doorta Jubbaland, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Mr Xidig oo horay uga soo mid ahaa Baarlamaanadii hore ayaa mar kale ku fariistay kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa, kadib markii uu helay 37 cod oo ka mid ah 51 Ergo ee dooranayay Xildhibaanada Aqalka hoose.

Doorashada ka dhaceysa magaalada Kismaayo ee Aqalka hoose ayaa shalay kaliya waxaa la dooranayaa illaa lix Xildhibaano, waxaana ay noqoneysaa wajigii koowaad ee doorashada Aqalka hoose ee deegaanada Jubbaland.

C/rashiid Xidig oo ah dadka aad ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan ka sheegay Muqdisho inuu isku soo sharaxayo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, wax aana la rumeysan yahay inuu yahay xulashada koowaad ee Shariif Xasan u wato inuu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha, si uu u meesha uga saaro in Digil iyo Mirifle u tartamaan xilkaas.

Si kastaba ha ahaatee doorashooyinka Aqalka hoose ee ka bilowday xarumaha maamul gob oleedyada ayaa waxay waxooga rajo u tahay in horay loogu qaado doorashada Madaxweynaha Soo maaliya ee lagu wado inay dhacdo 30ka bisha November.

ICRC OO UGU BAAQDAY GALMUDUG IYO PUNTLAND IN LA BADBAADIYO RAYIDKA IYO SHAQAALAHA CAAFIMAADKA.

Hay’adda Calaamiga Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ugu ba aqday dhamaan Kooxaha ku dagaalamayo gudaha magaalladda Gaalkacyo inay qaadaan Tallaabooyin Taxadir leh si loo badbaad iyo dadka Rayidka, Shaqaalaha Daryeelka Caadimaadka iyo Tashi ilaadka Daawooyinka.

Madaxa Ergadda Hay’adda ICRC ee Somalia, Jordi Raich Curco ayaa sheegay in qoysaska, hooyooyinka iyo carruurtada gaalka ku qabsaday Gaalkacyo in loo oggolaado inay tagaan De egaano ammaan ah.

Waxa uu tilmaamay inaysan Shaqaalaha khibradda u leh Daaweynta ka mid ahayn Kooxaha dagaalamayo, loona baahan yahay inaan la beegsanin.

Isbuucii la soo dhaafay, Hay’adda ICRC waxay gargaar degdeg ah gaarsiiyeen 60,000 oo Bar akacayaal ah, kuwaasi oo loo qeybiyey cunto iyo biyo ku filan muddo hal bil ah.

Dhinaca kale, Isniintii la soo dhaafay, Hay’adda ICRC waxay qalab caafimaad gaarsiiyeen Isb itaalladda, kuwaasi oo qaabilay 140 qof oo ku soo dhaawacantay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalladda Gaalkacyo.

LABO KAMID AH BURCAD BADEED SOOMAALIYEED OO LAGU XUKUMAY XABSI DAA’IN DALKA MAREYKANKA

Labo kamid ah burcad badeeed Soomaaliyeed ayaa lagu xukumay xabsi daa’in halka shaqsi saddexaad lagu riday 33 sano oo xabsi ah oo lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal burcad badeed nimo oo kale.

Qaaliga Dagmo ku taalo Gobalka Virginia oo lagu magacaabo Raymond Jackson ayaa soo sa aray maalinimadii Isniinta xukun xabsi daa’in ah kadib markii maxkamada federalka ee Gobolka Vir ginia ay codsatay in maxkamad la soo taago dhalinyaradaasi.

Sanadkii ugu dambeeyay maxkamada Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa si qalad ah xabsi daa’in ugu riday 5 nin oo lala soo xiriiriyay falal burcad badeednimo.

Sanadkii 2010kii Burcad badeeda soomaalida ayaa weeraray markab dagaal oo mareynka la ga leeyahay oo ku socdaalayay gacanka cadmeed halkaa oo ciidamadii markabka saarnaa ay dile en mid kamid ahaa burcadaasi halka intii kale la qabtay.

Sharci aan dastuuri aheyn oo mareykanka daabacday ayaa qoraya in burcadbadeeda lagu ri day xabsi daa’in.

Qaar kamid ah congress dalkaasi ayaa ah kuwo aan ku raacsaneen Xeerkan maxkamada ku soo afmeertay burcad badeeda oo ay ku riday xabsi daa’in.

AVV MAXAMED SHEEKH GABYOW OO GEERIYOODAY IYO MADAXDA DALKA OO GEERIDIISA KA TACSIYEESAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Qareen Maxamed Sheekh Gabyow oo ku geeriyood ay magaalada London ee dlaka UK.

Madaxweynaha ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka gee riyooday Allaha u naxariistee Marxuum Avv Gabyow. Madaxwey Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri "Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariistee Qareenki qoray dastuurkii ugu horeey ay ee Qaranka Soomaaliyeed. Marxuum Maxamed Sheekh Gabyow samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Maxamed Sheekh Gabyow uu ah aa shaqsi karti, hufnaan iyo shaqo wanaag ku caan baxay oo talooyinka dhanka sharciga uu bixiya na si qabiirnimo ku dheehan ula talin jirey madaxdii dalka. Marxuumka Avv Gabyow waxuu ka mid ahaa xildhibaanada dalka ee 60kii ahaana shaqsi aad uga dhex muuqday siyaasada. Madaxweyna ha ayaa sidoo kale sheegay in Avv Gabyow uu ahaa shaqsi dadku jecel yihiin, waddani ah, waxuuna ka mid ahaa Qareenadii dalkan u sameeyey dastuurkii ugu horeeyey ee Soomaaliya.

KOOX KENYAN AH OO DAMBIYADA KA DHACA DOORASHADA MARAYKANKA DIIWAAN GELINAYA

Malaayiin qof oo Maraykan ah ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashadanImage copyrightAFP

Malaayiin qof oo Maraykan ah ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashadan

Website laga leeyahay dalka kenya ayaa soo ururin doona isla markaana kaydin doona falal dam biyeedka ka dhaca doorashada dalka Maraykanka ee ay ka midka yihiin caga juglayntu.

Laba kooxood oo midkood joogto Maraykanka ta kalena Kenya ayaa ka shaqaynaya haw shan.

Maareeyaha horumarinta ee Websitekan oo la yidhaa Ushahidi ayaa BBCda u xaqiijiyay talla aba dan ay qaadeen.

Website kan waxa loo adeegsadaa in lagu soo ururiyo macluumaad ila markaana lagu kala shaandheeyo macluumaadkaas oo marka dambe loo gudbiyo hay'do la shaqeeya Website ka si talla abada ku haboon ay u qaadaan.

Musharaxa Jamhuuriga Donald Trump ayaa hore u sheegay in uu rumaysanyahay in doora shada lagu shuban doono. Waxaana jirta cabsi ay dadka qaar ka qabaan baaqiisii uu u diray tageera yaashiisa ee aha in ay ilaaliyaan doorashadu in uu keeni karo in ay handadaan dadka codka dhiiba naya.

DUQA MAGAALLADDA MINNEAPOLIS OO DONALD TRUMP KU TILMAAMTAY NIN JAAHIL AH OO ISLAAMKA NECEB.

Haweeneyda Duqa ka ah magaalladda Minneapolis, Betsy Hodges oo ka tirsan Xisbiga Dim quraadiga, ahna Taageeraha Hillary Clinton ayaa hadalkaasi soo dhigtay Barta ay ku leedahay Face book.

Waxay soo xulatay qaar ka mid ah Hadalkii uu Donald Trump Axadii la soo dhaafay ka jeediy ey Gobalka Minnesota

Waxayna Donald Trump sheegtay Nin Jaahil oo Islaamka nacayb iyo inuu meel kaga dhacay Qiimaha Minnesota.

"Wax kasta oo aad soo qabatay Noloshaada, laga soo bilaabo Ganacsigaaga ilaa weerarkii Galmada ilaa Islaamnacaybkaada ilaa eedeymahaaga dadka kale ee mashaakilka aad adiga abuur tay iyo khiyaanadda Jahligaga ee Qiimahaas” ayey Duqda magaalladda Minneapolis ku qortay Barta Facebookeeda.

Waxay kaloo qortay: "Halkan waa Amerika, Donald iyo dadka Soomaalida ee Minnesota iyo Minneapolis waa Bulshadeenna, wayna dhisayaan” .

Haweeneyda Duqa ka ah magaalladda Minneapolis, Betsy Hodges waxay sheegtay inay sha raf u tahay inii Maayar ka noqoto magaallo ay ku nool Jaalliyadda Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka.

Waxayna sii raacisay in Jaahilnimadda iyo Nacaybka Donald Trump iyo cabsidiisa soo xusuu sinayso iyada sida ay ugu nasiib badan yihiin inay yeshaan Deris aad u weyn.

PUNTLAND OO KA DIGTAY IN CIIDAMO AMISOM KA SOCDA LA GEEYO GAALKACYO.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Mudug kana mid ah Saraakiisha Ciidanka maa mulka Puntland ee ku sugan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo Axmed Muuse Nuur oo la hadlay Ida acadda Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in beesha Caalamka ay wadaan dadaallo ku aadan in Cii damo kuwa AMISOM ka socda la kala dhex dhigo maamullada Puntland iyo Galmudug.

Mr Axmed Muuse Nuur ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax xal ah soo kordhin doonin ha ddii Ciidamo kuwa Midowga Africa la geeyo Magaalada Gaalkacyo.

" waxaa loo baahan yahay in Wadahadal ay wada yeeshaan maamullada ku diriraya Magaala da Gaalkacyo ee Gobolka Mudug”ayuu yir Mr Axmed Muuse Nuur.

Shalay ayey ahayd markii Heshiis la kala dhex dhigay maamullada Puntland iyo Galmudug ka dib markii Magaalada Boosaaso uu booqday Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabil san Soomaaliya Ambassador Michel Kating.

MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO KA HADLAY DOORASHADA AQALKA HOOSE

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddex cisho ka dib ay magaalada Jowhar ay ka dhici doonto doorashada xubnaha Aqalka Hoose, xilli Maan ta lagu wadaa in Magaalada jowhar ay ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle ay ku dadaali doonaan sidii doorashada Aqalka Hoose iyo sidoo kale Aqalka Sare ay ugu dhici laheyd sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale ugu baaqay xildhibaanada iyo sidoo kale Ergooyinka dooranaya labada gole ee baarlamaanka in ay doortaan dad wax u qaban kara bul shada kunool gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeellaha Dhexe.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in ay xaqiijinayaan qoondada ay haween ka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin labada gole baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay bulshada kunool deegaanada maamulka Hirshabeelle in ay kalsooni ay u muujiyaan maamulkiisa.

JOWHAR OO SAAKA LAGU DOORANAYO XUBNAHA AQALKA SARE

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle oo shalay dib u dhaca ku yimid ayaa Maanta lagu wadaa in ay ka bilaabato magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabee laha Dhexe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa sheegay in maanta ay bilaaban doono Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay xildhibaanada in ay soo xaadiraan madaam uu sheegay in maamulka Hirshabeelle uu yahay maamulka ugu dambeeya maamulada hoos taga dowladda Soo maaliya oo aan wali soo gudbin xildhibaanada Aqalka Sare.

Inkabadan 20 musharax ayaa u taagan Qabashada xubnaha Aqalka Sare ee deegaanada ma amulka Hirshabeelle u matali doona dowladda Soomaaliya.

HOWLGAL KA DHACAY BELEDWEYNE

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xalay ka dhacay Howlgal dad lagu soo qab qabtay, kadib markii kooxo hubeysan ay Magaaladaasi ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Ciidanka Amaanka oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray sidoo kalena Howlgal ka sameeyay ayaa waxa ay soo qab qabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaas oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyhiin fal kan dilka ah.

Ciidanka Amaanka ayaa dadkii Howlgalkan ay ku soo qab qabteen waxa ay ula dhaqaaqeen xarumahooda baaritaanada ee Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si halkaasi lo ogu kala saaro.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Howlgalkan in lagu soo qab qabtay dad tiradooda ay kor u dhaafeyso ilaa iyo 10 Qof, kuwaas oo ka mid ah dadka Deegaanka.

Xaalada Magaalada Beledweyne ayaa saakay ah mid degan, inkastoo Ciidanka Dowladda weli ay ku sugan yihiin wadooyinka waa weyn ee Magaalada.

HAYADA IFJ OO CAMBAAREYSAY DILKII LOO GEYSTAY WARIYE MAHAD CALI

Hayada u dooda xaquuqda saxafiyiinta ee caalamiga ah ee IFJ ayaa cambaareysay dilkii loo geystay wariye Mahad Cali Maxamed.

Wariye Mahad ayaa xabad wiifto ah ay ku dhacday guda ha magaalada Gaalkacyo oo indhawaaleba ay colaadi ka taagn eyd. Ururka qaran ee saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ayaa xaqiijiyay in Wariye Mahad ay xabadaasi dhaawac halis ah u geystay kadibna uu dhaawacaa u geeriyooday.

Wariye Mahad wuxuu u shaqeyn jiray Radio Codka Mu dug (Voice of Mudug Radio) waxaana xabadu uga dhacday mad axa.

Waxaa loola cararay isbitaalka Gaalkacyo kadib markii uu dhaawacmay Axadii halkaa oo uu dhaawicii ugu geeriyooday.

In dhawaaleba waxaa dagaalo soo noqnoqonaayay ay ka dhacayeen magaa ladaasi Gaalkacyo. Waxaa jirtay xabad joojin kumeel gaar ah oo shalay lagu dhawaaqay.

Si kastaba ha ahaatee, saaka ayaa dagaal uu mar kale ka qarxay Gaalkacyo ayadoo uu ku bilowday madaafiic kadibna ra saas ay isweydaarsanayeen labada ciidan ee Puntland iyo Galm udug.

GUDDIGA DOORASHOOYINKA OO MAAMUL GOBOLEEDYADA UGU BAAQAY IN AY XQIIJIYAAN QOONDADA HAWEENKA..

Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban ee Heer federaalka ayaa ugu baaqay Madaxda maamul goboleedyada in ay ka shaqeeyaan sidii Haweenka ay u helilahaayeen qoondada ay leyihiin.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee federaalka Abuukaate Cumar Dhegey, ayaa sheegay in waajib ay tahay In la cadeeyo qoondada haweenka ay ku leyihiin xubnaha aqalka sare iyo aqalka hoose taasi hadii la waayana la raaci doono qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxda Madasha wadatashiga Qaran.

"Xaqiijinta Qoondada kuraasta Haweenka ee golayaasha dalka waxa ay kamid tahay go’a anadii madaxda madasha wadatashiga ay kuwada heshiiyeen 4tii ilaa 14kii September ee lagu cadeeyay in hadii odoyaasha ay iskooda u keeni waayaan, in madashada Wadatashiga Qaran iyo Guddiga hergalinta doorashooyin heer dowlad goboleed ay xaq u yeelanayaan in ay cadeeyaan qodondada haweenka”, ayuu Abuukaate Cumar Dhegey.

GUDDOOMIYIHII DEGMADA BUURHAKABA OO GEERIYOODAY..

Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay oo 15kii Bishii 10aad ee sanadkaan ku dhaawacmay qarax miino oo lagu xiray meel u dhaw gurigiisa, ayaa la sheegayaa inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe dhaawaca Guddoomiyaha geeriyooday, ayaa waxaa lagu daaweyna ayay Isbitaalka Xalane ee ciidamada Amisom, hayeeshe Saraakiisha ciidamada Booliska Buurhaka ba ayaa sheegay in la xaqiijiyay geerida Guddoomiyaha.

Laba Xidigle Maxamed Ibraahim Cabdule oo ah Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Maam ulka Degmada Buurhakaba ayaa Idaacada Risaala Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay geerida Gud oomiyihii Degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed oo dhawaan ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha degmadaas.

Waxa uu sheegay ehelada marxuumka qaar ka tirsan oo Isbitaalka Xalane ku haayay inay xaqiijiyeen geerida Guddoomiyaha, wuxuuna u dhintay dhaawaca soo gaaray.

Qaraxa miino ee hooygiisa meel ku dhaw lagu xiray Degmada Buurhakaba ayaa waxaa ka da mbeeyay Ururka Al Shabaab oo horay u sheegtay inay iyaga masuul ka ahaayeen dhaawaca Gudd oomiyaha geeriyooday.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Buurhakaba iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyade eyay geerida ku timid Guddoomiyihii Buurhakaba.

MAXAA HORTAAGAN OOFINTA BALLANTII KAALMOOYINKA DHAQAALE EE LOO QORSHEEYAY SOOMAALIYA?

 

Beesha caalamka oo ka duulaya burburkii dhinaca xukuumadda ee soo gaaray dalka Soomaaliya,waxa ay dhowr iyo labbaatankii sano ee u dambeeyay ay kaalin firfircoon ka geysteen soo nooleynta adeegyadii umadda ee lagama maa rmaanka u ahaa jiritaanka dadka iyo dalka.

Waxqabadkii beesha caalamka, waxaa dadka Soomaaliyeed ay sanado badan ula muuqdeen kuwo ujeeddo badan ah oo laga lahaa dano gaar ah sab abtoo ah waxaa sameysmay mashaariic gaar ah oo ay maamuleen hey’ado sam ofal iyo ururo dowli ah oo gacan ka helaya caalamka,

Afartii dsno ee u dambeysay,dalalka daneeya Soomaaliya, waxa ay ku an dacoodeen in ay bixiyeen lacago taakuleyn ah oo aad u farabadan isla markaana loogu talagalay in lagu saacido xukuumadda iyo shacbiga Soomaaliya,hasa yeeshee dooddasi ma aha mid xaqiiqo ah oo ay ku qanci karaan dadka Soomaalioyeed, ,marka laga reebo lacagaha la siiyo ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee jooga Soomaaliya.

Lacagaha samofalka ee ay bixiyaan wadamada reer Galbeedka waxaa inta badaqn ay ku bex een hey’ado gaar ah oo aan la ogeyn cidda ay u shaqeyaan iyo waxa ay qabteen,inkastoo mararka qaar ay jireen tababarro iyo waxqabad kooban oo ay sameeyeen hey’adahaasi.

Kaalinta beesha caalamka ee Soomaaliya,waxaa la oran karaa waa mashruuc ganacsi, waa yo lacagaha loo yabooho dadka Soomaaliyeed waxa ay ku noqdeen gacanta dalalkaasi,kuwaas oo deeqaha lacagaha ah u soo dhiibay hey’ado lagu tilmaamay in ay dowladda ka taageerayaan hor umarka adeegyada bulshada iyo dhameystirka kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Bilowgii dowladda Soomaliyeed ee la aqoonsan yahay kadib beesha caalamka gaar ahaan dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya waxa ay la yimaadeen tallaabooyin dhiiri gelin ah oo horay u sii riixay waxqabadka dowladda oo xilligaan ah mid laga dareemi karo caasimadda iyo gobolada dal ka,laakiin taageeradaasi ma noqon mid sii jirta oo ay ku qanceen umaddu

Xukuunadda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa dhismaha iyo dhameystirka,adeegyada do wladda,iyo kuwa bulshada ,inkastoo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ay bixiyeen lacago ko oban oo aan dabooli Karin baahida dadka iyo dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan ka hadlay gaabiska ku yimid Waxqabadka beesha caalamka iyo sida ay lama huraanka u tahay ka mirodhalinta qorshayaasha kutalagal ee ay dowladdu ugu jirto gaaritaanka hadafka guud ee dalka,wuxuuna ku celiyay in dalalka daneeya Soo maaliya iyo kuwa bixiya deeqaha ay ka dhabeeyaan ballan qaadkii dhinaca dhaqaalaha oo aas aas u ah socodsiinta howlaha xukuumadda iyo dhismaha hey’adaha dalka

Dhibaatooyinka ugu weyn ee heysta Xukuumadda Sooomaliya ayaa lagu micneeyay in ay la xiriiraan maqnaashaha lacagihii laga filaayey caalamka iyo sii socoshada dhaqaalaha ku baxa hey ’adaha samofalka ee ka howlga gudaha dalka,kuwaas oo aysan jirin cid xisaabisa iyo kuwo baara qaabka ay u maareeyaan ama u isticmaalaan lacagahaasi.

Illaa hadda ma cadda waxa hortaagan in beesha caalamka ay ku dhiiradaan bixinta lacagihii taakuleynta ee ay horay u ballanqaadeen ,waxaana muuqata quuddareyn iyo saluug laga qabo hogaamiyaasha dalka,taas oo lagu fasiran karo in madaxda dalka laga waayey danaha ay leeyihiin reer galbeedka ama in ay jiraan tuhunno qalad ah oo ku aadan musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Dowladda Soomaaliyeed waa in ay isku daydaa sidii looga maarmi lahaa ku tiirsaanaanta xad dhaafka ah ee muujinnaya in wax kasta laga sugo beesha caalamka,waana in ay ku xisaabtamaan waxa ay heystaan iyo waxa soo galaya,iyadoo la yareynayo kharashyada ku baxa safarada aan mi cnaha laheyn iyo howlaha kale ee aan danta ugu jirin dadka iyo dalka.

Si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo sal adag waxaa habboon in beesha caalamku ay la yim aaddaan siyaasad cad iyo qorshe kutalagal oo gacan ka geysan kara in la daboolo baahida dowla ddda Soomaaliya iyoshacabkaba.

Shire Xasan Kulmiye

BOGGA CAYAARAHA

ARSENAL OO £ 80 MILYAN DALAB AH KA GUDBISAY PIERREEMERICK AUBAMEYANG IYO KOOXDIISA OO DURBA KA JAWAABTAY

Borussia Dortmund ayaa hoos u dhigtay wararka sheegaya in Arsenal £ 80 milyan oo dalab ah ay kasoo gudbisay weeraryahankooda PierreEmerick Aubameyang xagaagan, sida uu sheegay wakiilka Talyaaniga ah ee Vincenzo Morabito.

Xiddiga caalamiga ah ee Gabon ayaa u dhaliyay 39 gool kooxdiisa Dortmund xilli ciyaareedkii hore, waxaana si weyn loola xiriirinayaa inuu ka dhaqaaqo kooxda ka dhisan Westfalenstadion, iyadoo uu xiiseynayo ku biirista Real Madrid.

Morabito ayaa ka jaawabay sheekooyinka xanta ah ee Aubameyang sidookale la xiriirinaya kooxda Arsenal isagoo sheegay in uu waqtigaan sii joogi doono kooxdiisa.

Morabito ayaa sheegay in Aubameyang qiimo intaas ka badan lagu doonayo xili £ 76 milyan Gonzalo Higuain ugu biiray kooxda Juventus.

in kastoo xiisaha weeraryahanka Dortmund sare ay u qaaday Arsenal, kooxda Bundesliga ayaa diiday qiimo lacagta ay soo bandhigtay kooxda Arsene Wenger.

"Waqti hore, Michael Zorc, Agaasimaha Dortmund oo ka hadlayay xaalada Aubameyang waxa uu sheegay in gabi ahaanba uusan ka tagi doonin kooxda.

"Waan ogahay in xagaagan, Arsenal usoo bandhigtay € 90m oo u dhiganta (£ 80m), laakiin Borussia waxay ku rabtaa qiimo intaas ka badan ayuu yiri.

Aubameyang ayaa shaki weyn la geliyay mustaqbalkiisa kooxda reer Germnay markii laga ganaaxay kulankii Champions League oo ay kooxdiisa kaga badisay Sporting, laakiin waxa uu ku soo laabtay kulankii Hamburg isagoo dhaliyay afar gool.

Aubameyang ayaa dhaliyay 14 gool 14 kulan oo uu usaftay tartamada oo dhan kooxdiisa.

ORODYAHANKA REE JAMAICA EE USAIN BOLT OO KU DOODAY IN HADDII UU KUBBADA CAGTA CIYAARI LAHAA UU NOQON LAHAA ISKU DARKA LIONEL MESSI IYO CRISTIANO RONALDO

Ninka aduunka ugu dheereeya ee Usain Bolt ayaa ku dooday in haddii uu ahaan lahaa ciya artoy kubbada cagta ah uu noqon lahaa isku darka Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Orody ahanka ree Jamaica oo caan ku noqday rekoodhkiisa waalida ah ee orodka ayaa hore u sheegay in uu si fiican u ciyaari karo kubbada cagta isaga oo si wayn u taageera kooxda Manchester United.

Bolt oo si xun u dhaliili jiray Louis Van Gaal ayaa hore u sheegay in xataa Man United oo uu jecel yahay aanu u ciyaareen waqtigii Van Gaal balse waxa uu hadda sheegay in haddii Man United looga yeedho in uu diyaarada xigta England u raacayo.Usain Bolt oo la hadlayay Viva magazine ay aa sheegay in haddii uu kubbada cagta ciyaari lahaa uu aduunka haysan lahaa ciyaratoygii abid ugu fiicnaa.

Usain Bolt arintan ka hadlaya ayaa yidhi: "Haa, Ronaldo iyo Messi waa isku dar fiican, anigu waxaan isku darsan lahaa hibada labadooda oo lagu daray xawaarahayga iyo qalbigayga kadib waxaad haysan lahaydeen ciyaartoygii abid kubbada cagta ugu fiicnaa”.

Intaa kadib Usain Bolt ayaa sheegay in haddii Manchester United ay la soo hadasho oo ay u sheegaan in ay u baahan yihiin in uu isla markaaba diyaarada England soo raacayo wuxuuna yidhi: "Haddii ay aniga iga soo wacaan Manchester United oo ay ii sheegaan: ‘Hadda ayaanu kuu baah anahay’, diyaarada xigta ayaan England u raacayaa”.

BLAISE MATUIDI OO KA HADLAY HESHIISKII FASHILMAY EE UU UGU BIIRI KARAY JUVENTUS

Laacibka qadka dhexe ee kooxda PSG Blaise Matuidi ayaa ka hadlay heshiiskii fashilmay ee uu ugu biiri rabay kooxda Juventus.

Blaise Matuidi ayaa sheegay inuu go’aansaday ka tagista kooxda reer France kadib markii ay dhagihiisa ku soo dheceen warar uusan la dhicin oo ku aadan booskiisa kooxda PSG.

"Waxaan u diyaar garoobay inaan u dhaqaaqo Juventus suuqii xaggaaga” ayuu yiri Blaise Ma tuidi maruu la hadlay wargayska L’Equipe.

"Fasax ayaan ku jiray, waxaanan maqlay warar aan dhibsaday, su’aalo badan ayaan way diiyay naftayda, jawaabta ku soo dag dagtay madaxayga ayaa noqotay "waxaa la gaaray waqtigii aad bixi lahayd”.

Photo published for Juventus, Matuidi ora chiude: "Voglio rinnovare con il Psg"

"Wadahadaladii aan la yeeshay Juventus ayaa sii kordhisay rabitaankayga, lagayaabee waqt igaas in aanan dareemayn jacaylka ay ii qabtay PSG”.

Blaise Matuidi ayaa intaa ku daray inuu aad u jecelyahay haatan kooxdiisa PSG isla marka ana uu ku fikirayo inuu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

THIBAUT COURTOIS OO BEENIYAY INUU DIB UGU LAABANAYO HORYAALKA SPAIN

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa beeniyay inuu dib ugu laabanayo hor yaalka dalka Spain oo uu xili ka soo ciyaaray.

24 jirkaan reer Belgium ayaa mar ka dhawaajiyay inuu doonayo dib ugu laabashada horyaal ka Spain, waxaana aad loola xiriiriyay kooxda Real Madrid.

Laakiin Thibaut Courtois ayaa si cad u sheegay inuu ku faraxsanyahay kooxdiisa Chelsea isla markaana aysan jirin sabab ku riixi karta inuu dib ugu laabto Spain.

"Waxaan ku faraxsanahay Chelsea, ma jirto sabab iga dhigaysa mid aan ku faraxsanayn halk aan” ayuu u sheegay Partidazo Cope.

"Kama hadlin suurogalnimada dib ugu laabashada Atletico, waxaas waa warar aan waxba ka jirin, laakiin ma jiro qof ogaan kara wixii dhici doona mustaqbalka”.

CHELSEA OO KU RAAD JOOGTA GEOFFREY KONDOGBIA

Kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska ayaa ku raad joogta laacibka qadka dhexe ee kooxda Int er Milan Geoffrey Kondogbia.

Chelsea ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato xaalada liidata ee laacibka reer France ku hay sata kooxda Inter sida ay baahisay Mirror.

Tababarihii lagacayriyay Inter ee Frank de Boer ayaa shaxdiisa ka saaray 23 jirka reer France kadib markii uu ku fashilmay inuu fuliyo falsafada tababaraha reer Holland.

Laakiin Blues ayaa ku qasbanaan doonta inay dhagaysato ra’yiga tababare Stefano Pioli uu ka qabo Geoffrey Kondogbia ka hor inta aysan dalab ka gudbin suuqa kala iibsiga ee janaayo.

Laaib kaan ayaa 30 milyan oo euro uga soo dhaqaaqay kooxda Monaco suuqii xaggaaga ee 2015, markaas oo ay ka dul qaadeen dhigooda AC.Milan.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip