
Nairobi Kenya: Diyaar garow xooggan oo loogu jiro bandhigga Maalinta Dhaqanka Soomaaliyeed
dhaqanka, farshaxanka, barnaamijyada wacyi gelinta iyo is dhexgalka, jiheynta dhalinyarada iyo barnaamijyada tababarada.
Eastleighwood ayaa ku qabaneysa Maalinta Dhaqanka Soomaaliyeed xarunta Liberty Shopping Centre, ee xaafada Pangani ee caasimada Nairobi taariikhdu marka ay ku beegan tahay 26-ka Nofeembar, 2016-ka, taasoo halku dhigeedu yahay "Bulsho Gaar ah, Dhaqan Gaara ah”.
Aqoon is weydaarsiga ay hey’adda Eastleighwood u sameyso dhalinyarada ayaa ujeedadiisu waxey tahay ilaalinta iyo horumarinta dhaqanka iyo arrimaha la xiriira, iyadoo loo adeegsanayo habab kala duwan, bandhigan Maalinta Dhaqanka Soomaalida oo qeyb ka ah talaabooyinkaas, ayey hey’addu jecleysatey iney idinla wadaagto, kaasoo isu soo dumi doona dad kuxeeldheer xambaarsanna dhaqanka Soomaaliyeed iyo bulshada, culumada diinta Islaamka, hoggaamiyayaasha bulshada, madax ka socota dowladda iyo dad kale oo madasha ka jeedin doona talooyin iyo afkaar dhaxal gal ah, ku darso teendhooyin ku sharaxan cuntooyinka Soomaalida oo kala duwan ayaa iyana goobta laga heli doonaa, filimaan, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo waxyaabo kale.
Kuwaasoo idil dhammaantood waxaa loola jeedaa soo ban bixinta hodantinimada hidaha dhaqanka Soomaaliyeed ee ab laga soo gaarka ah, halka dhan kale la isaga moosi doono ku xardhista iyo ka aaminista bulshada Soomaaliyeed fikradaha qaldan ee aan salka iyo raadka laheyn, loona muujiyo bulshadeena iney tahay wehel addag oo loo maciin sado dhisidda iyo taban taabinta nabadda.
Waxyaabaha dhacdada lagu soo gudbin doono waxaa kaloo kamid ah gabayada, sawirada gacan ku sameyska ah oo aad loo qurxiyey iyo riwaayado ka turjamaya is dhexgalka, wadajirka, iyo nabad ku wada noolaanshaha qowmiyadaha kala duwan.
Waa xaflad furan oo ay kasoo qeyb gali karaan dhammaan dadweynaha, oo ka dhaceysa Liberty Shopping Centre, Pangani, Nairobi Kenya, aqoon isweydaarsi bartilmaameedkiisu yahay 100 qof oo ka qabsoomi doona Grand Royal Hotel, xaafada Islii ee Nairobi iyo gelinta xafladda marka la duubo kadib baraha internet-ka ee ay bulshadu ku kulanto, si dad cadadiisu balaaran tahay ay u daawadaan.
Dhalinyaro Soomaali ah oo gaaraya boqol kuwaasoo si toos ah u wadaaga afkaarta iyo rayiga ka dhex guuxaya maankooda iyadoo ay barbar socdaan ku soo bandhigidda hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed..
Maalinta Dhaqanka Soomaalida shan boqol oo qoof oo aan Soomaali aheyn kuwaasoo iyana kasoo qeyb gala bandhigga, si ay u arkaan Dhaqanka Soomaaliyeed..Laba kun oo qof oo katirsan bulshada ayaa iyana kasoo qeyb galaya bandhigga.
Sidoo kale, konton qof oo ah dadkii ka kaalmeeyey mashruuca dhaqaalaha iyo habsami u socodka, ayaa qeyb ka noqon doona barnaamijka.
Hey’adda Eastleighwood ayaa aaminsan in wada shaqeynta bulshada Soomaaliyeed ee kunool Nairobi iyo Kenya guud ahaan ay xoojin doonto sarena u qaadi doonto dhisida bilic samida muuqaalka guud ee bulshada Soomaaliyeed, hirgalinta mashaariicda, shuruucda iyo arrimaha kale ee baritaari kara kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed.
Nairobi Kenya: Diyaar garow xooggan oo loogu jiro bandhigga Maalinta Dhaqanka Soomaaliyeed
Hey'adda Eastleighwood waa hey'ad dhalinyaro oo aan macaash doon aheyn, waxey ka shaqeysaa xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, si ay u dhiiri galiso una soo saarto kartida iyo hibooyinka Ilaahey ku maneystay dhalinyarada, halka dhanka