WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TI ES DAI;Y NEWS PAAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 2-DA NOVEMBAR 2016-KA

0
Wednesday November 02, 2016 - 08:33:16 in Wararka by
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TI ES DAI;Y NEWS PAAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 2-DA NOVEMBAR 2016-KA

    MADAXWEYNAYAASHA MAAMULADA PUNTLAND IYO GALMUDUG OO HESHIIS HORDHAC AH KA GAARAY COLAADA GAALKACYO Warbaahinta Sky News Arabi ayaa goordhaw sheegtay in heshiis-kaasi ay wada saxiixeen madaxwey-nayaasha Puntland iyo Galmudug oo ku sugan Magaalada A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAYAASHA MAAMULADA PUNTLAND IYO GALMUDUG OO HESHIIS HORDHAC AH KA GAARAY COLAADA GAALKACYO Warbaahinta Sky News Arabi ayaa goordhaw sheegtay in heshiis-kaasi ay wada saxiixeen madaxwey-nayaasha Puntland iyo Galmudug oo ku sugan Magaalada Abuu Dhabi ee isugu tagga imaaraatka Carabta. Heshiiskaani ayaa la sheegay in ugu horeyn ay ka bilaabaneyso Xabad Joojin rasmi ah oo ay wada sameeyaan madaxweynaha Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas iyo Mada-xweynaha Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed.

Heshiiskaani waxaa Goob joog ka ahaa madax ka kala socota maa-mul goboleedyada dalka, Dowlada Federaalka iyo Dowladda Imaaraatka Carabta.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa labada dhinac waa Puntland iyo Galmudug ka cod satay in lasoo afjaro colaada dheeraatay ee labada maa-mul u dhax mareysa G/Mudug, talaa-booyinka xigane ay noqon doonto in lakala qaado ciidamada is hor fadhiya si magaalada ay dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay.

Imaaraatka ayaa ugu dambeyn ka tacsiyeeyey dadkii ku geeriyooday, kuwii dhaawacmay, iyo waliba kuwii ka barakacay dagaalkii bartamaha bi-shii tagtay ee Oktober ku dhexmaray magaalada gaalkacyo maamulada Pu-ntland iyo Galmudug.

Wali ma jiro wax war ah oo ka-soo kala baxay maamulada Puntland iyo Galmudug hase yeeshee hesh-iiskaani ayaa ah mid la hadal haye ayna dabada ka riixeyso dowladda Im-aaraatka Carabta maadaama ay tag-eero iyo siyaasad fur-furan ay ku lee-dahay Soomaaliya.

SHABAAB OO AMAR KU SIIYAY DADKA KU NOOL DEGMADA CEEL CALI INAYSAN BIXIN XOGTA SHABAAB

Ururka Al Shabaab ayaa amaro dul dhigay dadka ku nool Degmada Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan, kadib muddo isbuuc ah oo kulan uu De-gmadaasi ku dhexmaray Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab iyo Oda-yaasha Dhaqanka ee Degmadaasi.

Qodobadii ka soo baxay kula-nkaasi, ayaa waxaa ka mid ahaa in dadka ku nool Degmada Ceel Cali aysan bixin macluumaadka Ururka Al Shabaab ee Degmadaasi, sida Sara-akiisha ku sugan degmada iyo ciid-amada jooga inta ay la eeg yihiin.

Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa sheegay Odayaasha Dhaqanka inay isla garteen inaysan faafin macluumaadka Shabaabka, si-doo kalena qodobada ay isla fahmeen ay ka mid tahay inay soo sheegaan ragga ka tirsan ciidanka Dowladda ee suuragal ay tahay inay dhuumasho ku tagaan Degmada Ceel Cali.

Qodobada sidoo kale Shabaab ay ku amreen Dadka ku nool Deg-mada Ceel Cali inay fuliyaan waxaa ka mid aheyd inay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka ciidamada Do-wladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom ee Gobolkaasi ku sugan.

Guddoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan Gobolka Hiiraan Sheekh Guuled Abuu Nabhaan oo ka hadlay goobtii lagu soo gaba gabeeyay kul-ankaasi, ayaa wuxuu ammaanay Oda-yaasha Dhaqanka ee u hogaansamay qaadashada awaamiirta Al Shabaab.

Waxa uu sheegay in Oday-aasha looga baahan yahay inay si wanaagsan u bixiyaan Zakada, islam-arkaana dhalinyaradooda muddo sad-dex bilood ah ay ku baraan diinta Isl-aamka oo macaahid ay ka furaan Degmada.

Dadka ku nool Degmooyinka ay maamulaan Ururka Shabaab ayaa waxaa haysta culeesaad ku aadan fulinta awaamiirta kala duwan ee Sh-abaabka ay dul dhigaan dadkaasi.

WARARKII UGU DANBEEYAY EE DEGMADA QANDALA OO AY LA WAREEGEEN XOOGAG KA TIRSAN DAACISH

Wararka naga soo gaaraya de-gmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in wali halkaa ku sugan yihiin xoogag sheegtay in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish oo dhawaantan la wareegay.

Guddoomiyaha degmada Qa-ndala Jaamac Maxamed Kaarshe ay-aa isaga oo jooga magaalada Boos-aaso warbaahinta u sheegay in wali ay joogaan kooxihii dhawaan qabsa-day, waxaana labadii maalmood ee la soo dhaafay siweyn halkaa uga bar-akacay dadkii rayidka ahaa ku noolaa degmada.

"Waxaan joogaa Boosaas, wali waxaa deegaanka gacanta ku haya oo maamula kooxihii dhawaan qabs-aday, inta badan dadkii degnaa waa ay isaga soo carareen, iyaga oo cabsi qaba wax yeello ka soo gaarta koo-xaha degmada qabsaday''ayuu yiri gu-ddoomiyaha.

Guddoomiyaha Qandala ayaa sheegay in maraakiib dagaal ay ku sugan yihiin xeebta Qandala, kuwaa oo la socda dhaq dhaqaaqa deeg-aanka iyo guud ahaan xoogagga hal-kaa ku sugan.

Ciidammo ka tirsan maamul gobolleedka Puntland oo isku diyaa-rinaya dagaal ay la gallaan kooxaha degmada la wareegay ayaa lagu war-amayaa in aysan wali gaarin.

Demada Qandala ayaa u jirta magaalada Boosaaso 77km, waana magaalo xeebeed istiraatiji ah.

XEER ILAALIYAHA QARANKA: 1,220 SOOMAALI AH AYAA BURCAD BADEEDNIMO UGU XIRAN 22 DAL

Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa shaaciyay dad ka badan kun ruux oo Soomaali ah inay ku xiran-yihiin xabsiyadda 22 dal oo caalamka ku yaalla.

Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalka in maxaabiistaasi ay-san heysan cid u doodda islama-rkaana lagu rido xukun dheer, wux-uuna ka codsaday madaxda dowladda iyo bulshada in ay iska kaashadaan sidii loogu gurman lahaa maxaabi-istaasi Soomaaliyeed.

"Kun Laba boqol iyo Labaatan qof ayaa waxey ku xiranyihiin 22 dal oo caalamka ah oo loo heysto bur-cadbadeed, hindiya oo kaliya ma aha waa 22 wadan hadii ay tahay Sishelis, Malta, Kenya Iran, Baxreyn, Cuman, Imaaraadka, Filipin Japan, Vietnam, America, caalamka oo dhan ayeey ku xiranyihiin dad Soomaaliyeed, dadka-asi anagey naga sugayaan iney cad-aalad helaan” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha qaranka.

Dr. Axmed Cali Daahir oo had-alkiisa sii wata ayaa yiri "Dadkaasi intooda badan burcadbadeednimo ay-aa lagu xukumaa Xuquuq maleh, Loo-yar looma qabto, isma difaacaan, mar-qaati looma keeno 15 sano ama 20 sano ayaa lagu xukumaa”.

Xeel ilaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimaddu ay tahay in da-dkaasi ay helaan cid u doodda oo xu-quuqdooda difaacda iyo in kuwa la xukumay ay helaan xabsiyo leh nolol wanaagsan, wuxuuna xusay in xabsi-yada hindiya ay yihiin kuwa ugu liita caalamka.

Tan iyo markii ay bur burtay do-wladdii dhexe ee dalka maaliyiin Soo-maali ah ayaa dalkooda isaga barak-acay,iyagoo raadinaya nolal ka wana-gsan mida taalla dalkooda.

CIIDAMO KA TIRSAN AMISOM OO LA WAREEGAY AMMNIGA XARUNTA MADAXTOOYADA GALMUDUG

 Wararka naga soo gaaraya ma-gaalada Cadaado ee gobolka Galgu-duud, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AM-ISOM si rasmi ah shalay looga war-eejiyay xarunta madaxtooyada maa-mulka Galmudug.

Dhawaan ayeey aheyd markii degmada Cadaado la geeyay ciidamo ka socda dowladdaha Burundi iyo Ja-buuti ee qeybta ka ah AMISOM si ay u ilaaliyaan ammniga doorashada xuba-ha aqalka hoose.

Ciidammada shalay lagu wa-reejiyay xarunta madaxtooyada Gal-mudug ayaa fariisimo malitari ka sam-eystay daafaha xarunta, iyaga oo dhamaanba xiray jidadka soo galla.

Horay ayeey ciidammadan fari-isin uga sameystay garoonka diyaara-daha degmada Cadaado, iyaga oo shalayna si rasmi ah loogu waree-jiyay xaruntii maamulka Galmudug.

Ciidamada AMISOM ee la geeyay Cadaado ayaa taradooda lagu sheegay 400 oo askari kuwaa oo loo-gu tala-galay oo kaliya in ay sugaan nabad-galyada deegaanka mudada lagu guda jiro howlaha doorashada.

Ugu danebeyntii, magaalada Cadaado ayaa isku diyaarineysa door-ashada aqalka hoose, iyadoo magaa-lada ay ku sii qul qulayaan mushara-xiin xildhibaan oo dadaal ugu jira sidii ay ugu guuleysan lahaayeen kursiga aqalka hoose.

KULAMADII MADAX GOBOLEEDYADA SOOMAALIYA IYO IMAARAADKA CARABTA U SOCDAY OO LA ISKU FAHMI WAAYAY (WARBIXIN)

Waxaa la soo gaba-gabeeyay Kulamada qarsoodiga ahaa ee ka soconayay dalka Isutagga Imaara-adka Carabta ee ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha Maamul gobol-eedyada Puntland, Galmudug, HirSh-abeelle, Koonfur Galbeed iyo Jub-alland, ayna sidoo kale ka qeyb noq-deen Madax, diblomaasiyiin iyo sar-aakiil ka tirsan sirdoonka dalkaasi oo aan magacyadooda la shaacin.

Kulamadan oo qaatay muddo ku dhowaad afar "4” maalmood ayaa warar soo baxay ay sheegeen in la isku fahmi waayay jaan goynta siya-asadda iyo taageeridda shakhsi ay dowlad shisheeye ku hanweyneyd.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegeen in Safiirka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Ax-med Cusmaan Alxamaadi oo aan lagu aqoon xilkasnimo diblomaasiyadeed iyo xushmad uu ku wargeliyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida inuu soo afjari doono waxa uu ugu yeeray sii heysashada Beesha Hawiye ee Madaxtinimada Soomaaliya, isaga oo cadeeyay in dowladdiisu maalgelin doonto ololaha doorasho ee Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda waqtigeedii sharciga ahaa idlaaday Cumar Cab-dirashiid Cali Sharma’arke .

Danjiraha Imaaraadka oo soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin magacyada taageerayaasha Mada-xweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee u tartamaya Golaha Shacabka ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in dadka tilmaaman ka xanibo helidda xubinnimda baarlamaanka, waxaana shakhsiyaadkaasi laga xusi karaa Fa-arax SheekhC/qaadir , Mahad Max-amed Salaad, Cabdiraxmaan Maxam-ed Xuseen "Odowaa” iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxaa liiskaas ku jira xubno kale oo ka tirsan urur dii-meedyo iyo xisbiyo siyaasadeed, wax-aana qorshaha Imaaraadka uu yahay sidii aanay Baarlamaanka wax xubin ah uga noqon laheyn xubnihii ka midka ahaa dhaq dhaqaaqyada urur diimeedyada Soomaaliya ee haatan saameynta ku leh siyaasada dalka.

Inkastoo xubnaha Baarlamaa-nka Aqalka hoose ay soo doorana-yaan ergo gaareysa 14 kun ayaa Ma-daxda maamul goboleedyada waxay u gudbiyeen Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta in aanay wax saameyn ku laheyn doorashadaas, maadaama ergo la soo xulay ay wax doorana-yaan.

Imaaraadka Carabta oo dano dhaqaalle , mid siyaasadeed iyo mid ammaan ka raadsanaya Soomaaliya , si uu u fuliyo mashruuca Shirkadda DP World ay kula heshiisay Maamulka Somaliland ee maamulidda iyo hour-marinta dekadda Berbera uu quud-dareynayo inuu rajo dilo musharixiin u loolamaya Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya , kuwaasi oo uu u arko kuwa hor istaagi kara damaciisa.

Kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Muqdisho bishii June, 2016 ayaa la iskula soo qaaday in dalka laga ceyriyo Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo ku xadgu-dbay anshaxa iyo xeerka diblomaasi-yadda u degsan, si toos ahna u far-ageliyay siyaasadda gudaha, iyadoo xabsi loo dhaa dhiciyay Afar ruux Soo-maali ah oo xogta dalka iyo amniga qaranka gudbin jirtay , hayeeshee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa-muud ayaa ku gacan seyray xilligaasi in la soo saaro warqadda "Persona non grata” , waxa uuna cafis u fidiyay shakhsiyaadkii lagu helay dembiga .

Dowladda Isutagga Imaara-adka Carabta oo ah dowlad yar oo curdan ah marka loo eego taariikhda facaweyn ee jiritaanka dadka iyo dhu-lka Soomaaliyeed ayaa ku xeel dheer abuuridda qalaanqal siyaasadeed iyo mid ammaan, iyada oo adeegsaneysa lacagaha ay ka hesho iibgeynta shi-daalkeeda.

Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku yaalla dhul saxare ah , balse leh keyd shidaal oo iibgal ah, ayaa waxaa la ogsoon yahay in Soomaaliya ay taageeri weyn ka geysatay dhism-aha ciidanka cirka ee dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay Magaalada Abu Dhabi bishii Ja-nuary 1972 ku dhowaad 150 askari oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka Soom-aaliya si ay tababarro xirfadoodu sare-yso ay u siiyaan ciidamada cirka dal-kaasi , kadib Soomaaliya waxaa taba-baridda ciidamada Cirka Imaaraadka la wareegay Dowladda Pakistan .

Soomaaliya waxa ay sidoo kale caawinaad milatari, mid diblomaasi-yadeed, gargaar bani’aadannimo iyo deeq maaliyadeed u fidisay dalalka Saldanada Cumaan, Boqortooyada Saudi Arabia, Iraq , Kuwait, Namibia , Mozambique , South Africa, Zimba-bwe iyo kuwa kale .

WASIIRKII MAALIYADDA EE SACUUDIGA OO XILKA LAGA QAADAY.

Wareegto ka soo baxday Boq-orka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud ayaa lagu sheegay in xilka laga xayuubiyey Wasiirkii Ma-aliyadda ee dalkaasi, Ibrahim C/casiis Al-asaf, kaasi oo xilkaasi hayey mu-ddo 20-sanno ah.

Wakaalladda Wararka Sacuudi-ga ee SPA ayaa sheegtay in Wasiirka cusub ee Maaliyadda loo magacaabay Maxamed Al-jadaan, oo ahaa Madaxa Maamulka Suuqa Saamiyadda Lacag-aha ee Sacuudiga.

Isbedelkaasi ayaa yimid xilli ay Dowladda Sacuudiga haysato dhiba-ato dhaqaale oo ka timid hoos u dha-ca ku yimid Sicirka Shidaalka Caa-lamiga.

RA'IISAL WASAARAHA ITOOBIYA OO XILKII KA QAADAY WASIIRKII ARRIMAHA DIBADA

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mas'uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa dhinaca kalana siyaasad ahaan aad ugu dhawaa.

Ra'iisal wasaaraha ayaa is badal looga gon leeyahay in lagu daj-iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan dalkaa ku sameeyay gollihiisa wasiir-ada isaga oo shaqdii ka eryay wasiiro aan laga fileyn.

Ra'iisal wasaare Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub, waxaana xil ka qaadis lagu sameeyay wasiirradii arri-maha dibada iyo maaliyada.

Ku dhawaad hal sanno waxaa dalka Itoobiya ka soconaya dibad-baxyo ay dhigayaan qaar ka mid ah qowmiydaha dalkaas, waxaana dalka lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo lagu sugayo ammniga.

Xil ka qaadista Wasiirka Arri-maha Dibadda Itoobiya Tedros Adh-anom ayaan aheyn mid layaab ah, maadaama la sheegay in uu u tart-amayo qabashada xilka madaxa hay'-adda caafimaadka aduunka WHO, waxaana uu ka mid ahaa wasiirada ugu miisaanka cuslaa xukuumada.

Waxaa lagu bedelay Tedros Adhanom Hoggaamiye ku-xigeenka Ururka Dimoqraadiga Oromada, kuw-aasoo qeyb ka ah isbaheysiga tallada haya.

Ugu danbeyntii, waxaa la fila-yaa in la sameeyo is badallo kale oo dowladda hadda jirta si looga jawaabo cabashada qowmiyadaha dalkaas ee dibadbaxyada dhigaya oo ku eedey-naya dowladda in maamulkii lagu koobay qowmiyadu gaar ah.

MUSHARAX XILDHIBAAN OO WEERAR HUBEYSAN GEYSTAY OO LAGA MAMNUUCAY INUU U TARTAMO XILKAASI.

Guddiga Federalka ee Hirge-linta Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay inay Xil-doone weerar gey-stay ka qaadeen Tallaabooyin Sharci-yeed, isla markaana laga xayuubiyey inuu Xildhibaanimo ugu tartamo Do-orashadda sannadkan 2016-ka.

War-saxaafadeed ay Guddiga-as soo saareen oo loo cuskaday Ans-haxa Musharixiinta.ayaan lagu xusin magaca Musharaxa geystay Weerar-kaasi.

Dhowr maalmood ka hor, Mal-eeshiyo kala taabacsan 2 Musharax Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Bashiir Maxamed Aadan "Xabashow” iyo Musharax Raabico Sheekh Nuu-row ayaa isku rasaaseeyey magaall-adda Baydhabo.

Ilaa Afar qof ayaa ku geeriyoo-tay Iska hor-imaadkaasi, iyadoo ay tiro kalena ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Guddiga Feder-alka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban waxay ka digayaan dhamm-aan tallaabo walba oo culeys iyo carqaladeyn ku keeni karta ama cag-ajugleyn loogu geysanayo ergooyinka doorashooyinka, musharraxiinta, oday dhaqameedyada iyo howlwadeennada loo xil saaray hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban 2016ka.

Sidoo kale sida ku cad war murtiyeedkii uu Guddigu soo saaray 23/10/2016 ee looga digayay arrimaha dhaawici kara daahfurnaanta doora-shooyink.

Guddigu wuxuu mar labaad ugu baaqayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee ay khusayso doora-shadu in laga fogaado isla mar ahaan-taasna si wadajir ah looga hortago arrimaha musuqmaasuqa, qof jeclay-siga, iyo faragelinta doorashooyinka.

Guddigaasi waxaa kaloo War-baahinta Madaxa Bannaan ugu baa-qeen inay door wax ku ool ah ka qaat-aan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo cadaalad ah taas oo shacabka Soomaaliyeed ku kalsoon-aan karo.

Ugu dambeyn Guddigu waxay u mahad celiyeen dhamaan shac-abka Soomaaliyeed, Dowladda Feder-alka Somalia, iyo Dowlad Goboleed-yada taageerada ay la garab taagan yihiin doorashooyinkan taariikhiga ah ee 2016-ka.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO XARIGA KA JARAY XARUNTII CIIDAMADA CIRKA EE MAGAALADA MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyad-da Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xariga ka jaray xaruntii ciida-mada cirka ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dib u howlgalinta Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada xoogga dal-ka, taliyaha ciidamada cirka, taliyaha Nabad SugiddaQ, Xeer ilaaliyaha gu-ud ee Qaranka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa munaas-abada ka hadlay taliyaha ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya, Gen. Maxamuud Shiikh Cali waxa uuna ku dheeraaday taariikhda ay soo martay xarunta ciidamada cirka oo uu shee-gay in ay aheyd meeshii ugu horeysay ee lagu aasaasay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale taliyaha waxa uu bogaadiyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay dib u dayactirka xarunta ciidamada ci-rka oo in muddo ah aanan lagu shaq-eyn.

Sidoo kale, waxaa munaasa-badda ka hadlay, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Maxamed Aadan Ax-med,waxa uu sheegay in dhismaha xarunta ciidamada cirka ay tusaale u tahay horumarka ciidamada qalabka sida uu ka gaaray dib u howlgalinta goobihii taariikhiga ahaa ee ay ku shaqeyn jireen ciidamada dowladda.

waxa uu taliska ciidanka cirka kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howlaha baaxadda leh ee ay u haayaan dalka iyo dadka Sooma-aliyeed maadaama ay heleen xarun ay ku shaqeeyaan.

Ugu danbeyn waxaa munaasa-badda soo xiray Madaxweynaha Jam-huuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ugu horeyntii u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay ka muuqatay bur bur xoogan, waxa uuna taliska ciidamada cirka kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan howlaha baaxadda leh ee ay u hayaan dalka iyo dadka, si dalka looga samata bixiyo dhibaatada mud-ada dheer soo jiitameysay.

QARAMADA MIDOOBAY OO SARE U QAADAYSA LACAGAHA GARGAARKA EE LA SIIYO QAXOOTIGA ADUUNKA OO DHAN

Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), ayaa sheegtay in ay laba jibbaareyso lacagaha gargaarka cad-aanka ah ee lagu taageerayo qaxo-otiga aduunka oo dhan marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Madaxa Hay’adda QM ugu qa-abilsan Arrimaha Qaxootiga (UNH-CR), Filippo Grandi ayaa ku sheegay war qoraal ah in sanadihii la soo dhaafay gargaarka lacagaha cadda-anka ah ee la siiyo Dadka Qaxootiga uu saameen wanaagsan ku yeeshay nolosha qaxootiga iyo dadka bar-akacayaasha ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo kuwa dalka horey u joogay.

Waxa uu sheegay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UN-HCR), Filippo Grandi in marka la siiyo qaxootiga lacagta caddaan ah, waxay ku iibsan karaan waxa ay u baahan yihiin iyo sidoo kale go’aan uga gaari karaan sida loo maareeyo miisaan-iyadda qoyskooda.

TACSI TIIRAANYO LEH INNAALILLAAHI WA INAY ILAAHI RAAJICUUN

Cali Maxamed Jimcaale Cigalle {Cali Maraq} iyo aruurtiisa, Xaliimo Maxamed Jimcaale Cigalle iyo Caruurteed, Faadumo Maxamed Jimcaale Cigalle Iyo Carruurteeda ,Aamino Maxamed Jimcaale Cigalle Caruurteeda, Ilmo Axmed Maxamed Jimcaale Cigalle iyo Caruurt ooda, Ilmo Faarax Maxamed Jimcaale Cigalle iyo Caruurtiisa, Ilmo Madiino Maxamed Jimcaale Cigalle iyo caruurteedda Mako Maxamed Jimcaale Cigalle iyo Caruuteeda, Maxamuud Axmed Jimcaale [Xaaji Shaataar} iyo Carruurtiisa, Xuseen Axmed Jimcaale iyo Caruurtiisa,Dr. Cismaan Axmed Jimcaale iyo Caruurtiisa, Muxuddiin Axmed Jimcaale {Tusbax}, Salaado Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda, Madiino Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda, Xaawo Axmed Jimcaale iyo Carruurteeda, Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto},Yuusuf Cismaanciil Axmed{Carrabeey} Ruqiyo Axmed Jimcaale iyo Caruurtteeda,Maryan Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda, Safiyo Axmed Jimcaale iyo Caruurteeda, Ilmo Cabid Axmed Jimcaale, Ilmo Maxamed Axmed Jimcaale, Ilmo Xaliimo Axmed Jimcaale, Ilmo Faadumo Axmed Jimcaale, Ilmo Muslimo Axmed Jimcaale , Ilmo Sayid Cismaan Axmed Jimcaale iyo Cauurtiisa, Muxumud Xasan Jimcaale iyo Caruurtiisa,C/qaadir Xasan Jimcaale iyo Carruurtiisa, Ilmo Maxamed Xasan Jimcaale,Ilmo Cabdulle Xasan Jimcaale, Madiino Xasan Jimcaale iyo Caruurteeda, Luuleey Xasan Jimcaale iyo Caruurteeda, Muxuddiin Xasan Jimcaale iyo Caruurtiisa, Cumar Xasan Jimcaale iyo Carruurtiisa, Ilmo Mako Xasan Jimcaale Ilmo Seynab Xasan Jimcaale, Ilmo Khadiijo Xasan Jimcaale Ilmo Maryan Xasan Jimcaale .Cumar Muxumud Jimcaale ito Carruurtiisa, C/lle Muxumud Jimcaale iyo Carruutiisa, C/Kariin Muxumud iyo Carruutiisa, Xaawo Muxumdu Jimc aale, Madiino Muxumud Jimcaale iyo Caruurteeda, Maryan Muxumud Jimcaale, Ilmo Xuseen Jimcaale Cigalle, Drs.Luuleey Xuseen Jimcaale Careeteeda,Dr.C/qaadir Xuseen Jimcaale {Sheekha} iyo Carruutiisa, Nuur Xuseen Jimcaale iyo Caruurtiisa, xAKIIMO xUuseen Jimcaale iyo Carruurteeda, Qaa sin Xuseen Jimcaale iyo Carrutisa, C/shakuur Xuseen Jimcaale iyo Caruurtiisa,Shariifo Xuseen Jimcaale iyo Caruurteeda, Sacdiyo Xuseen Jimcaale iyo Carrur teeda, Deeqo Xuseen Jimcaale iyo Caruurrteeda,Mako Xuseen Jimcaale iyo Carruuteeda,Ru-qiyo Xuseen Jimcaale iyo Carurteeda,

Dhammaan Reer xuseen jimcaale, iy o Ilmo Nuurto Jimcaale Cigalle, Maana Maxamed Abuukar iyo Caruurt eeda, Prof.Cali Maxamed Abuukar {C.Wolf}iyo Carruutiisa Guud ahaan Reer jimcaale Cigale,Maxamuud Cigalle ,Rooble Cigalle Maxamuud Cigalle waxaay Tacsi u Dirayaan Reer Xaaji Geeddoow Cigalle iyadoo ugu Tacsiy adeynayaan Geeridii ku Timid Faadumo Cabduule Xaaji Geddow Cigalle {Sokoreey Cabdulle} oo daraad ku Geeriyootay Magaalada Neyroobi ee dalka kenya waxayna Alle ugu baryayaan inuu Naxariistiisa Janno ugu Bishaareeyo Qoyski iyo Qaraabadii ay ka Geeriyootayna Samir iyo Iimaan Saa daq ah ka siiyo

Aamiin Aamiin.


TACSI TIIRAANYO LEH

Dhammaan Reer Axmed Jimcaale, Reer Xasan Jimcaale Raeer, Muxum ud Jimcaale, Rareer Xuseen Jimcaale ,Ilmo Madiino Jimcaale, Ilmo Muumi nio Jimcaale, Ilmo Aamino Jimcaale, Ilmo Nuurto Jimcaale iyo maamulka wargeyska Mogadishu TimesDaily News Paper Xabiibi Axmed Axmed Jimcaale Biibto} Naasir Cali Cumar, Nuurto Cali Cumar, Qadro Cabdullaahi Ca li, Maxamed Xasan Xuseen Najiib Cali Cuamr Sh. Cali Cumar Maxamuud, Ci smaan Xuseen {Waryeel}, Maxamed Xuseen {Suufi},Nuur Maxamed Nuur,Macalin Xasan Faadumo Maxamed Cilmi, Xaawo Maxamed Cilmi, Maxamuud Maxamed Cilmi, Axmed Maxamed Cilmi Muxuddiin Rooble Cig ale , Maxamed Cali Nuur , waxaay Tacsi u dirayaan Cabdulqaadir Cabduule Xaaji {Qamarjiga }, Binti Cabdulle Xaaji, Xaawo Cabdulle Xaaji, Maryan Cabdulle Xa aji Abuukar Cabdulle Xaaji Walaashooda{ Faadumo Cabdulle Xaaji {Sokoreey Cabdulle} daraad 31 oktoobar 2016-ka ku geeriyootay Magaalda Neynoo bi ee Dalka Kenya sidoo kalena Dhammaan Carruuta Marxuumad Faadumo Cabdulle Xaaji Geeddoow waxayna Alle ugu Baryayaan inuu Naxariistiisa janno ka waraabiyo carruutii ay ka tagtay iyo walaalaha iyo guud ahaan Ehelkana uu samir iyo iimaan daaq ah ka siiyo Aamiin Aamiin.

INNAA LILLAAHI WA INAY ILLAAHI RAAJUCUUN

BOGGA CAYAARAHA

 

NATIIJOOYINKII KULAMADII XALAY EE CHAMPIONS LEAGUE

CHAMPIONS LEAGUE - GROUP A

BASEL 1 - 2 PARIS SAINT GERMAIN

Ludogorets Razgrad 2 - 3 Arsenal

1

Arsenal

4

3

1

0

12

3

9

10

2

Paris Saint Germain

4

3

1

0

9

3

6

10

3

Basel

4

0

1

3

2

8

-6

1

4

Ludogorets Razgrad

4

0

1

3

4

13

-9

1

 

CHAMPIONS LEAGUE - GROUP B

Besiktas 1 - 1 SSC Napoli

Benfica 1 - 0 Dynamo Kyiv

1

SSC Napoli

4

2

1

1

9

7

2

7

2

Benfica

4

2

1

1

6

5

1

7

3

Besiktas

4

1

3

0

6

5

1

6

4

Dynamo Kyiv

4

0

1

3

2

6

-4

1

 

CHAMPIONS LEAGUE - GROUP C

Borussia Moenchengladbach 1 - 1 Celtic

Manchester City 3 - 1 Barcelona

1

Barcelona

4

3

0

1

14

4

10

9

2

Manchester City

4

2

1

1

10

8

2

7

3

Borussia Moenchengladbach

4

1

1

2

4

7

-3

4

4

Celtic

4

0

2

2

4

13

-9

2

 

CHAMPIONS LEAGUE - GROUP D

Atletico Madrid 2 - 1 FC Rostov

PSV Eindhoven 1 - 2 Bayern Munich

 

1

Atletico Madrid

4

4

0

0

5

1

4

12

2

Bayern Munich

4

3

0

1

11

3

8

9

3

PSV Eindhoven

4

0

1

3

4

9

-5

1

4

FC Rostov

4

0

1

3

3

10

-7

1

kulamada caawa ee Champions League

CHAMPIONS LEAGUE - GROUP E

November 2

22:45 Monaco ? - ? CSKA Moscow

22:45 Tottenham Hotspur ? - ? Bayer Leverkusen

CHAMPIONS LEAGUE - GROUP F

November 2

22:45 Borussia Dortmund ? - ? Sporting CP

22:45 Legia Warszawa ? - ? Real Madrid

CHAMPIONS LEAGUE - GROUP G

November 2

22:45 FC Koebenhavn ? - ? Leicester City

22:45 FC Porto ? - ? Club Brugge

CHAMPIONS LEAGUE - GROUP H

November 2

22:45 Juventus ? - ? Lyon

22:45 Sevilla ? - ? Dinamo Zagreb


DAISCORE

Somali Core Economic Institutions and


Somali Core Economic Institutions and

Somali Business Catalytic Fund: Business Matching Grants Program-Round 1

Request for Concept Papers

Development Alternatives Inc. (DAI) is managing the World Bank funded Somali Business Catalytic Fund program across the Somali peninsula. The objective of the fund is to catalyze Somali entrepreneurship into businesses which provide long-term benefitsto the economies of Somalia and boost economic growth by establishing and expandi

ng profitable businesses, strengthening business productivity through funding the development of business and technical services, as well as stimulating financial sectors to provide financial services for businesses.

 

 

DAI invites local companies from Somalia to apply for the World Bank/Somali Business Catalytic Fund. Successful

Title

Somali Business Catalytic Fund Program (SBCF)

Issuing Office

DAI/Somali Business Catalytic Fund

Program

Head Office:

Behind the Ministry of Labor and Social Affairs, Sha’ab Area

, Hargeisa,

Somaliland

 

To download application form

visit www.SomaliBCF.com

Any questions

please email

 

Somalia .sbcf@gmail.com

 

Submit Concept Papers to

Respond via e-mailto: CatalyticFund@dai.com

 

Date of Issue

Thursday, October 20,2016

 

Date Concept Paper Due

 

Time: By 5:00 PM local time. Date: Sunday, November 20, 2016

 

 

 

Type of Award

Both small grants ($10,000 -$50,000) and large grants ($50,001 -$150,000) will be

awarded to Somali businesses from any productive sector of the economy (such as crop

agriculture and agro-processing, livestock, fisheries, manufacturing, business services

etc.) that have innovative and sound business ideas to generate local employment. Grants will be available to fund asset and/or working capital investments.

 

 

Selection and Eligibility

Criteria

 

Concept notes will be reviewed by the selection committee to select a short list of firms

who will be invited to submit a full business proposal. Minimum eligibility requirements

for concept note applicants include:

· A business or financial inst itutio n registered in Somalia

·Proven track record in operation;

·Concept note demonstrates outcomes and results linked to program’s objectives

 

Basis of Award

Final grant award will be made on the basis of a competitive analysis of each project’s

economic growth and development impact, job creation, technical feasibility, financial

viability and cost effectiveness, market analysis, business management and technical

experience, and amount of cost-share contribution.

 

Small grant requests require a minimum grantee contribution of 50 % of total grant amount, and large grant requests require a minimum grantee contribution of 10 0% of

total grant amount

 

Concept Papers will be invited to submit full grant applications in December


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip