Muqdisho Marwo Qamar Cali Cumar oo xariga ka jartay xarun loogu talo galay Hobollada Qaranka "SAWIRRADA XAFLADDA"

0
Sunday October 30, 2016 - 21:17:59 in Wararka by
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Marwo Qamar Cali Cumar oo xariga ka jartay xarun loogu talo galay Hobollada Qaranka "SAWIRRADA XAFLADDA"

    Munaasabadan xariga ay uga jareysay marwada madaxweynaha dalka Qamar Ali Cumar xarunti borobagaanka hobolada qaranka ee ay ku diyaarin jireen barnaamijyada wacyi galinta bulshada oo mudo bur bursaneyd ayaa waxa goob joog ahaa wasiirka wasaarada warfa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadan xariga ay uga jareysay marwada madaxweynaha dalka Qamar Ali Cumar xarunti borobagaanka hobolada qaranka ee ay ku diyaarin jireen barnaamijyada wacyi galinta bulshada oo mudo bur bursaneyd ayaa waxa goob joog ahaa wasiirka wasaarada warfaafinta, xildhibaano ka tirsan barlamaanka soomaalia, qeybaha bulshada, fanaaninta qaranka oo munaasabada kuso bandhigey heeso wadani iyo amaan iskugu jirey Marwada madaxweynaha Soomaalia Qamar Cali Cumar oo uu wehliyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa kor meertay qeybaha xaruntaan ka koobantahey iyadoo Injineerkii dhismahaan fuliyey ka dhageysatay qaabka dhismaha xarunta saldhiga u noqon doonta hobolada qaranka Waabari.

Abwaan Cabdi dhuux yuusuf xasan oo ah mareeyaha tiyaatarka Qaranka oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sharaxey ahmiyada xaruntani hobalada qaranka iyo bulshada soomaaliyeed u leedahey.

Xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa ayaguna si wada jir ah marwada koobaad ee dalka ugu bogaadiyey dadaalada ay ku dayactirtay xarunta bulshada lagu wacyi galin doono.

wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shegey mudo dheer kadib hobolada waabari iney maanta heleen goob ay isugu yimadaan.

ugu danbeyn marwada  koobaad ee madaxweynaha dalka Qamar Cali Cumar ayaa tilmaamtay in arintaan ay dhiira galin u tahay fanaaniinta Soomaaliyeed oo door weyn ku leh wacyi galinta Bulshada.

img_0040 img_0045 img_0066 img_0079 img_0086-1 img_0086-2 img_0088 img_0088-1 img_0092-1 img_0098-1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip