
Jeneraal Dhega-badan oo aan lagu aasi doonin Magaalada Muqdisho
Qorshaha ayaa ah in Degmada Xeraale oo Marxuumka uu ka soo jeedo lagu aaso, waxaana horay u sii raaci doono Saraakiisha ciidamada ay isla soo shaqeeyeen si ay qayb uga noqdaan aaska loo sameynaayo Marxuum Jeneraal Dhega-badan.
Allaha u naxariistee Marxuum Jeneraal Dhega-badan ayaa shalay wuxuu ku geeriyooday weerarkii Ururka Al Shabaab ay ku soo qaadeen Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, xilli uu si adag u dagaalamaayay Marxuumka.
Shabaab ayaa ku faanay dilka Dhega-badan, maadaama uu si adag ula dagaalamay Shabaabka, hormuudna uu ka ahaa Marxuumka dagaaladii Shabaab looga saaray Magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu xasuustaa Marxuumka, howl karnimo, Geesinimo iyo Daacadnimo, wuxuuna ahaa nin ay ka go’neyd dagaalka Shabaabka lagula jiro.


0 



Jeneraal Dhega-badan oo aan lagu aasi doonin Magaalada Muqdisho
Meydka Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya Jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan, ayaa lagu wadaa in goor dhaw loo duuliyo Degmada Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud Bartamaha dalka Somaliya. Marxuumka ayaa goor dhaw lagu w