Odayaasha reer Guriceel oo dhaliilay Maamulka Galmudug

0
Monday August 31, 2015 - 11:55:12 in Wararka by
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odayaasha reer Guriceel oo dhaliilay Maamulka Galmudug

    Ka dib kulan ay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay ku yeesheen Odayaasha kasoo jeeda Magaalada Guriceel, ayaa waxa ay ku dhaliileen Maamulka Galmudug ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Cadaado ee Gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib kulan ay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ay ku yeesheen Odayaasha kasoo jeeda Magaalada Guriceel, ayaa waxa ay ku dhaliileen Maamulka Galmudug ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Cadaado ee Gobolkaasi. Waxa ay sheegeen xubnahaan kulanka ku yeeshay Degmada Guriceel, in aysan la dhacsaneen hanaanka hadda uu u shaqeynaayo maamulkaasi iyo sidoo kale qaabka uu wada hadalka kula galayo dadka maamulkaasi kasoo horjeeda.

Nabadoon Maxamed Aadan Koodle, ayaa sheegay Dowladda Federaalka Somalia inay ka sugayaan inay faragelin deg deg ah ku sameyso howsha ka socota Magaalada Cadaado ee Galmudug ay wadaan.

Wuxuu sheegay qaabka loo soo magacaabay Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug inay tahay arin aan lagala tashan Odayaasha deegaanka, taasina wuxuu ku sheegay inay tahay arin deg deg ah oo aysan ku imaan karin xalka nabadda Gobolada Mudug iyo Galgaduud.


"Anaga maamulkaan qaabka uu u hano qaaday raali kama nihin sababtoo ah shaqo badan ayaan ka fileynay laakiinse la tashi la’aan iyo shaqo aan socon baa meesha ka muuqata, sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa dowladda Federaalka in arrinkaasi ay degdeg wax uga qabato” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Odayaasha waxa ay ku dhaliileen Maamulka Galmudug qaabka wada hadalka Ahlu Sunna loola galaayo oo aanan wado fiican loo marin, taasi oo ay ku tilmaameen mid aysan mudneyn Ahlu Sunna in loola dhaqmo, maadaama Gobolka Galgaduud Shabaab ay ku xureeyeen Ahlu Sunna.

Hogaamiyaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo aanan laheyn siyaasad hufan oo dadka uu ku qanci karo, ayaa durba wuxuu la kulmayaa dhaliilo ku aadan Maamulkiisa curdanka ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip