
CALI YAHYE: "Guusha Elian waxeey tusaale fiican u tahay sida Soomaalidu u tahay mushtamac isu hiiliya [SAWIRRO]
"Elian keligii ma guuleysan waxaa guuleystay dhammaan Jaaliyada Soomaalida, aniga dareen farxadeed oo gaar ah ayeey ii aheyd maadaama guushaasi ay ku timid karti & dedaal dheeri ah oo uu muujiyey wiilkeyga, wuxuuna middeeyey dhammaan quluubta Jaaliyada Soomaalida dalkan, waxaanna u mahadcelineynayaa dhammaan walaalihii na taageeray” Ayuu yiri Cali yaxye, wuxuuna intaasi ku daray in wiilkiisu ku faraxsan yahay Soomaalinimadiisa iyo sida ay dadkiisu isu garab taageen markii uu codadkooda u baahday.
"Guusha Elian waxeey tusaale fiican u tahay sida Soomaalidu u tahay mushtamac isu hiiliya, waxaan ku kalsoonahay in tillaabada ay qaadeen Jaaliyadda Holland ay cashar u noqon doono Jaaliyadaha kale ee Soomaalida qurbaha ku dhaqan” Ayuu yiri Cali Yaxye.
C/raxmaan Guurre oo ka mid ah suxufiyiintii kulankaasi ka qeybgashay, wuxuu sheegay in Elian Yahye yahay tusaale [Rol model] ay ku daydaan da’yarta Soomaalida ee ku nool dalka Holland, wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadaha Soomaaliyeed in ay kulamo joogta ah u abaabulaan da’yarta Soomaalida si ay dhexdooda u kala faa’ideystaan.
CALI YAHYE: "Guusha Elian waxeey tusaale fiican u tahay sida Soomaalidu u tahay mushtamac isu hiiliya [SAWIRRO]
Elian Yahye oo asalkiisu Soomaali yahay ayaa guul taariikhi ah ka soo hoyey tartan loo qabtay da'yarta mutacalimiinta ah ee dalka Nederlands, tartankaas oo loogu talogalay in qofka ugu codad bata uu noqdo wakiilka dhalinyarada dalka Nederlands u