
Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Hotel Saxafi ay ka yiraahdeen masuuliyiinta dowladda+ Daawo Sawirada weerarka
Abaan Duulaha Ciidanka Xooga Dalka, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar, General Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule) oo ka tirsan Saraakiisha Militariga Somaliya, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Xaamuud Cali Xasan Iyo Wariye Faysal Cumar, ayaa ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi.
Ciidanka Booliska, Nabad Suggida, Alpha Group iyo Militariga Somaliya, ayaa waxay soo badbaadiyeen 40 ka mid ah macaamiishii deganaa Hotelka.
Wuxuu khilaaf ka taagan yahay tirada rasmiga ah ee raggii weeraray Hotelka Saxafi, inkastoo gacanta lagu haayo mid ka mid ah raggii weerarkaasi ka dambeeyay, oo la soo qabtay isagoo dhaawac qaba.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay ninkaasi in uu ka mid yahay muhaajiriinta ka barbar dagaalamaysa Ururka Al Shabaab, waxaana loo maleynayaa in dalka Kenya uu u dhashay.
Wasaaradda Amniga Somaliya, ayaa waxay sheegtay raggii weerarkaasi soo qaaday in lix nin ay ahaayeen, ha yeeshee waxaa aad u adag kalsoonida lagu qabi karo warkaasi, maadaama ay jiraan warar intaa ka badinaaya tirada raggii weerarka soo qaaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa cambaareeyay weerarka ay masuuliyadiisa la sheegatay Al Shabaab.
"Waan cambaareyneynaa weerarkan, marnaba kama daali doonno dagaalka, ilaamaa aan gebi ahaanba ka baabi’inayno Al Shabaab.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Somaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay weerarkaasi, ayaa wuxuu si xoogan uu u cambaareeyay daadinta Shabaabka ee dhiigga shacabka Muslimiinta.
"Waa ficil bahalnimo ah oo aan Diinta Islaamka waafaqsanayn, oo ah mid Diinta qilaafsan. Dadka Muslimiinta ee tukunaya Alle hortiisa ayay taagan yihiin, in qof Alle hortiis taagan oo la dilo waxa ay tahay mid lagu xadgudbayo Diinta Islaamka, marka nimankaasi waxa ay samaynayaan waa mid ka baxsan Shareecada Islaamka.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.


0 






















Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Hotel Saxafi ay ka yiraahdeen masuuliyiinta dowladda+ Daawo Sawirada weerarka
Waxay faah faahin ka soo baxaysaa tirada guud ee ku dhimatay weerarkii bahalnimo ee shalay lagu qaaday Dhismaha Xarunta Hotel Saxafi, oo ku yaala agagaaraha Isgoyska KM4 Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho. Illaa iyo hadda waxaa la'ogyahay dhimas