Eng. Baana oo wareysi xiiso badan ku sagootiyey Bahda K.Koleyga Soomaaliya+Cod iyo sawiro

0
Sunday November 01, 2015 - 12:41:00 in Sports News by
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng. Baana oo wareysi xiiso badan ku sagootiyey Bahda K.Koleyga Soomaaliya+Cod iyo sawiro

    Kubadda koleyga dalka Soomaaliya iyo mida Qaaradda Africa FIBA Africa Zone V, waxay weeyn doontaa Mas'uul si weeyn loo tebi doono kaalintiisii horumarineed ee kubadda koleyga waana Injineer Baanna Cabdalla Cali oo dhowaan ku dhawaaqey inuu soo g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kubadda koleyga dalka Soomaaliya iyo mida Qaaradda Africa FIBA Africa Zone V, waxay weeyn doontaa Mas'uul si weeyn loo tebi doono kaalintiisii horumarineed ee kubadda koleyga waana Injineer Baanna Cabdalla Cali oo dhowaan ku dhawaaqey inuu soo gabagabeeyey masuuliyadii uu ka hayey qeybahaasi uuna noqonayo Odey Sporti.
Eng. Baana Cali oo haatan ahaa Madaxii Warfaafinta iyo Suuq-geynta Guddiga Cayaaraha Kubada Koleyga ee Caasimada Magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa waxaa uu suurta geliyey in Magaalooyinka dalka Soomaaliya ay ka qeybgalaan Ciyaarihii caasimadaha oo la xusuusto in Magaalooyin dalka ay labadii sano ugu danbeeysay soo gaareen kaalinta kama danbeysta ee Finalka taasoo ah Horumar lagu xusuusan doono Injineerka kaalintii wanaagsaneyd ee uu kulahaa.
Injineer Baana Cali oo ay ka muuqatey Soomaalinimo & sida uu u jecelyahay kor u qaadista Calanka dalkeena Soomaaliya fagaarayaasha caalamka ayaa si weeyn ugu mahadceliyey Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Sportiga Kubadda koleyga,hadii ay noqon lahaayeen Gudoomiyayaal,Tababarayaal caan ah,masuuliyiin Kubadda koleyga, iyo ciyaartoy isagoo balan qaaday inuu had iyo jeer siin doono talooyinka looga baahdo sida aad ku dhegeysan karto wareysigiisa hoose oo aad u xiiso badan:

baan1 baana 2 baana baana-ali-14

baan1 baana 2 baana baana-ali-14

Audio Player
00:00
 
00:00
W/Wareystay: C/xafiid C/samad Zaciimka

xigasho:- somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip