
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 9-KA OKTOOBAR 2016-KA
"Somalia waxay maalinba maalinta ka dambeysa kusii tallaa nsaneysaa horumarro dhinaca siyaasadda iyo Ammaanka ah oo Mustaqbal wanaagsan waddanka loogu dhisayo. Waxaan meel marinay barnaamijyo dhawr ah oo la xiriira amniga & siyaasada oo aan ku ansixinay nidaam wada ogol ah. Waxaana hubaal ah inaanu si tartiibtartiib ah uga miradhalin doono Barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliyada cusub oo leh Kaabeyaasha Siyaasadda ee Qaran walba u baahan yahay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Somalia, ayaa sidoo kale kulankaan kaga dhawaaqay inuu shirka Madasha Ho ggaanka Qaranka 10ka bishan Oktoobar ka Furmi doono Muqdisho, loogana Arrrinsan doono Dard argelinta Doorashada, Amniga iyo Siyaasadda Waddanka.
"Waxaa ka go’an hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed inay horay u dhaqaaqaan. Waxaanan ka Mahadcelinaynaa taageerada QM ay Arrimaha Soomaaliya ka geysanayso,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan.
Dhanka kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Amniga, Peter Thomas Drennan oo isagana kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu laba sanno ka hor Muqdisho yimid, iska markaana uu qirayo inuu jiro horumar lagu tallaabsaday oo u baahan in la sii adkeeyo. Wuxuuna xusay inay Qaramada Midoobay ka go’an tahay inay sii waddo, isla makraana xoojiso wadashaqeynta iyo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay.
Ugu dambeyn, Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating & mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soom aaliya iyo Qaramada Midoobay.
MADASHA WADATASHIGA QARANKA OO KULAN DEGDEG AH KA YEELANAYO COLAADAHA KA ALOOSAN GAALKACYO.
Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa ugu baaqday dowlad goboleedyada Puntland iyo Galm udug inay degdeg uga wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa dagaalada soo noqnoqday ee ka dhac aya magaalada Gaalkacyo.
Xiriir khadka telefonka ay ku yeesheen dhammaan madaxda Madasha Hoggaanka Qaranka ay aa waxay ku muujiyeen walaacooda ku saabsan qatarta ka imaan karta colaadda ka taagan Gaal kacyo oo ay ku tilmaameen mid ka hor imaaneysa dadaalka dib u heshiisiinta iyo guud ahaan geeddi socodka doorashooyinka 2016.
"Ma aqbali karno in si micno darro ah loo daadiyo dhiigga shacabka, waxaana colaadda ka soc ota Gaalkacyo ay wax u dhimeysa mas’uuliyadda aan qaranka u hayno oo ah inaan ka shaqeyno horumarkooda iyo bedqabkooda. Sidaa darteed waa in degdeg maamullada ay colaaddan khuseyso ay la yimaadaan xal lagu soo afjarayo dagaalka socda’’, ayay si wadajir ah u yiraahdeen madaxda Madasha.
Madasha ayaa sidoo kale xustay in shirka uga furmaya magaalada Muqdisho maalinta Talaad ada oo ku beegan 10ka October, ajandaha ay ka hadli doonaan uu ka mid noqon doono dagaalka Gaalkacyo.
Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa tacsi u diraysa qoysaskii iyo eheladii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku waxyeeloobay dagaalka Gaalkacyo, iyadoo sidoo kalena ubu baaqdey madaxda maam ullada Galmudug iyo Puntland inay qaadaan tallaabooyin lagu joojinayo colaadda, kana waanto obaan falalka iyo hadalada xanafta leh ee keeni kara in colaadda halkaa ka taagan ay sii fogaato.
DUQA MAGAALAD MUQDISHO OO ISBITAALKA KU BOOQDAY ABWAAN SANGUB
Iyadoo Isbitaalka Erdogan Ee Magaalada Muqdisho uu ku Xanuunsanayo Guddoomiyaha Gol aha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise "Sangub"ayaa shalay waxaa Isbi taalka Erdogan Ee Exdigfer ku booqday Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale,waxaana weheliyay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/rashiid Xidig,Kuxigeenada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Afhayeenka Golaha Abwaanada Abwaan Cismaan C.llaahi Guure.
Afhayeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in Abwaan Sangub oo nool la yiraado wuu dhintay,waxaana uu Ummadda Soomaaliyeed ka Codsaday in ay u duceeyaan Abwaanada kala ah Sangub iyo Hadraawi iyo Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame,kuwaas oo Xanuunsanaya,Maadaama ay yihiin Qaamuuskii Ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya C/rashiid Xidig ayaa sheegay in Dowladdu ay ku dadaaleyso sidii ay wax uga qaban laheyd Xaaladda Caafimaad ee Abwaan Sangub.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inuu rajeynayo in Alle uu Caafimaad Deg Deg ah siiyo Abwaan Sangub,iyadoo Mas’uuliyiinta Shalay Isbi taalka ku Booqday Abwaan Sangub ay gaarsiiyeen Lacag ay ugu talo galeen Abwaanka Xanuunsan.
Isbitaalka The Xushou City Central Hospital ee Gobalka Jiangsu ee Bariga dalka Shiinaha ayaa lagu xiray Nin la socday xaaskiisa oo 12 jirXaamilo ahayd.
Gabadha xaamilada oo aan magaceeda la sheegin ayaa waxaa Isbitaalka loo keenay si baaritaan loogu sameeyo xaalladeeda, iyadoo lahayd uur 3 bilood ah.
Dhakhaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay inay gabadha aad u yar tahay, isla markaana u muuqaal eg tahay Ciyaal Iskuul.
Dhakhaatiirta waxay isku hawleen inay gabadha wax weydiiyaan, balse, gabadhu wey awoodi kari weyday inay ku hadasho Luqadda looga hadlo Shiinaha.
Mid ka mid ah shaqaalaha ayaa sheegay inay gabadhu 12 jir tahay oo aysan u dhaweyn haweeney 20jir ah.
Ninkii ay xaaska u ahayd ayaa ka carooday hadalada Dhakhaatiirta, wuxuuna si kulul u yiri: "Waxaan halkan u keenay in lagu sameeyo Baaritaan, shaqadiina qabsada, joojiya hadalka badan”.
Shaqaalaha Isbitaalka waxay ka caroodeen hadalkiisa, waxayna si hoose ugu yeereen Boliska, waxayna Boliska weydiiyeen gabadha yar ee xaamilada ahayd haddii ay leedahay Waraaqaha Aqoonsiga iyo inay ku hadli karto Luqadaha Rasmiga looga hadlo dalka Shiinaha.
Gabadhaasi ayaa la sheegay inay tahay Shisheeye ka timid dalalka K/Bari ee Qaaradda Asia, inkastoo aan si rasmi ahaan loo xaqiijinin dalka ay u dhalatay.
Baarayaasha waxay ka shaki qabaan in la soo qafaashay Gabaddhaasi ama loo soo iibsaday sidii Caruusad Ajnabi ah "as a foreign bride”.
Inta badan raga Shiinaha waxay Taariikh ahaan caadi ka dhigteen inay xaasas ka soo wataan dalka Vietname, oo ay ka soo gudbiyaan Xuduudka Koonfureed ee Shiinaha.
BOGGA CAYAARAHA
WARBIXIN: WAA KUWEE CIYAARTOYDA TAARIIKHDA HORYAALKA SPAIN ABID UGU FIICNAA? HALKAY MESSI IYO RONALDO KAGA JIRAAN?
Xarunta baadhitaanka taariikhda iyo istatikada kubbada cagta Spain ee CIHEFE ayaa soo saartay daraasad ay ka samaysay ciyaartoyda taariikhda horyaalka Spain abid ugu fiican iyada oo lagu salaynayo bandhigii ay kala soo muuqdeen horyaalka Spain tan iyo markii la aas aasay 85 sanadood ka hor.
Daraasaday ay samaysay CIHEFE ayaa si dhab ah loogu qiimeeyay ciyaartoydii taariikhda kubbada cagta Spain ugu fiicnayd waxaana la shaaciyay natiijada daraasadan iyada oo la soo badhigay xidighii abid ugu fiicnaa taariikhda kubbada cagta Spain.
Daraasadan oo lagu qiimaynayay 9,117 ciyaartoy oo heerka ugu sareeya kaga soo ciyaaray horyaalka Spain tan iyo xili ciyaareedkii 1928/29 aadkii ayaa lagu joojiyay xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay ee 2016/17 iyada oo kulamadii xili ciyaareedkan aan xogta lagu darin.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee ciyaartoydan lagu qiimaynayay waxaa ka mid ahaa goolasha la dhaliyay, gool caawinta la sameeyay, fursadaha goolka laga daboolay iyo dhacdooyinka kubbada cagta muhiimka u ah oo idil, waxaana qiimaynta lagu daray wax kasta oo faa’iido u keeni kara koox ama ciyaartoy kubbada cagta ah.
Daraasadan ayaa daaha ka rogtay in halyaygii Real Madrid ee Raúl Gonzálezuu ahaa xidiga ugu fiican taariikhda kubbada cagta horyaalka Spain wuxuuna Raul helay 528 dhibcood oo uu kaalinta kowaad ku galay halka kaalinta labaad uu galay. Raul ayaa Real Madrid ku soo qaatay intii u dhexaysay 1994 ilaa 2010kii.
Waxaana daraasadan kaalinta labaad ka galay halyaygii kooxda Barcelona eeCésar Rodriguez kaas oo Barcelona ka soo ciyaaray muddadii u dhexaysay 1942 1955 kii wuxuuna helay 524 dhibcood isaga oo afar dhibcood oo kaliya ka danbeeya Raul oo kaalinta kowaad ku jira.
Waxaa kaalinta saddexaad ku jira xidigii goolasha ugu badan La Ligaha ka soo dhaliyay ka hor intii aanu Messi rekoodhkiisa jabin ee Telmo Zarra kaas oo kooxda Athletic Bilbao ka soo ciyaaray muddadii u dhexaysay 1940 – 1957, wuxuuna Zara helay 493 dhibcood.
Waxaa qiimaynta daraasadan kaalinta afraad ka galay Lionel Messi oo Barcelona ka soo ciyaarayay tan iyo sanadkii 2004 kii isla markaana wali ka sii tirsan kooxda Camp Nou ka dhisan. Messi ayaa helay 490 dhibcood, waana ciyaartoyga ugu qiimaynta sareeya ciyaartoyda hadda La Ligaha ka ciyaarta.
Waxaana shanta kaalmood ee ugu sareeya buuxiyay Enrique Castro ‘Quini’ oo mudadadii u dhexaysay 19681987 kii ka soo ciyaaray kooxaha Sporting Gijon iyo Barcelona wuxuuna helay 488 dhibcood, laakiin haddii qiimaynta lagu dari lahaa kulamada heerka labaad ee horyaalka Spain Guini ayaa kaalinta kowaad qiimayntan ka gali lahaa.
Waxaa tobanka kaalmood ee ugu horeeya buuxiyay oo shanta xidig ee aan soo sharaxnay ku sii xiga Juan Arza, Alfredo di Stéfano, Francisco Gento, Carlos Alonso ‘Santillana’ iyo Guillermo Gorostiza. Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa qiimayntan kaga jira kaalinta 23 aad halka David Villa uu ku jiro kaalinta 32 aad. Xavi Hernandez ayaa kaalinta 49 aad ka soo muuqday halka Iker Casillas uu ku jiro kaalinta 62 aad.
NOLITO"WAXAAN KU DHAWAA INAAN DIB UGU LAABTO…”
Nolito: Barcelona return was close before I chose Man City
(Manchester) 08 Okt 2016 Weerar yahanka kooxda Man City ee Nolito ayaa xaqiijiyay inuu ku dhawaa inuu dib ugu laabto koxdiisii hore ee Barcelona suuqii xaggaaga.
Nolito ayaa 5 sano ka hor ka tagay kooxda Barcelona isaga oo ku biiray kooxda Celta Vigo laakiin kooxda Barca ayaa isku dayday inay dib u soo celiso.
Man City ayaase uga hormartay kooxda Barcelona saxiixa laacibkoodii hore kadib markii ay miiska saareen lacagtii lagu burburin karay heshiiskiisa taas oo ahayd 18 milyan oo euro.
"Waxaan ku dhawaa Barcelona” ayuu u sheegay Nolito wargayska Mundo Deportivo, "Laakiin ugu danbayntii waxaan go’aansaday inaan aado Man City” ayuu sii raaciyay.
"Waxaan rumaysanahay inuu ii ahaa go’aan sax ah iyo sidoo kale qoyskayga, waana ku faraxsanahay u ciyaarida Man City”
XILIGA HOGAANKA UU BILOOWAY KLOPP LIVERPOO MALA SOCOTAA IN 23CAYAARYAHAN GOOL DHALIYEEN ..
Tababare Jurgen Klopp hogaanka Liverpool mudo sanad ah ayuu hayaa waxayna kooxdan ka faa’iiday asigoo isbadal xoogan ku sameeyay wada guushana kooxdan cagta la heshay.
Hadaba waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay mudada sanadka ah ee Klopp kooxda Reds hogaaminaayo in 23cayaaryahan oo kala duwan kooxdan goolal u dhaliyeen.
Tani waxay ka dhigan tahay in macalin Klopp kooxdiisa in badan ka wanaagsan tahay kooxihii horey Liverpool uso mareen kuwaas oo dhaliska ku dhibanaayeen.
|
GOALS Cayaaryahan
15 Philippe Coutinho
15 Roberto Firmino
13 Daniel Sturridge
12 Divock Origi
10 James Milner
8 Adam Lallana
8 Christian Benteke
4 Jordon Ibe
3 Joe Allen
3 Jordan Henderson
3 Sadio Mane
2 Dejan Lovren
DAWLADDA KENYA OO CIIDAMO ..
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in illaa iyo 20 askari oo katirsan ciidamada Booliska ay geyn doonto xaafad kasta oo ka mid ah degmada Lamu halkaas oo uu ka socdo hawgalka loogu magacdaray Operation Linda Boni kaas oo ay ka qayb qaadanayaan Ciidamada Boolisku
Hawgalkaas ayay sheegtay Kenya in ay doonayso in ay kaga hor tagto weerarada kaga imaanaya dhaqdhaqaaqa Xarakada Al shabaab.
Linda Boni Operation ayaa waxaa agaasime ka ah James Serian waxaana uu sheegay in xaafadaha dadka badan ay degenyihiin la geyn doono illaa iyo 4 askari.
Serian ayaa tilmaamay in u jeedadu ay tahay in laxaqiijiyo ammaanka islamarkaana ay dadka deegaanku ku noolaankaraan cabsi la’aan
Waxaana uu intaas ku daray in qorshuhu uu yahay in xaafadkasta oo ku taala dagaanada uu kasocdo hawgalku si wanaagsan loo xaqiijiyo amnigooda,waxa uu yiri "inkastoo ay hadda ciidamadeenu hawlgalo kawadaan halkaas waxaa loo baahanyahay ciidamo kale in halkaas la geeyo silooga wada shaqeeyo sugida ammaanka”.
Wararka qaar oo kasoo baxaya degmada Lamu iyo deganada ka agdhow ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay dhaq dhaqaaqyo ka wadanaan Xarakada Al shabaab.
SAGAAL KAMID AH SHAQAALAHA GARGAARKA OO LAGU DILAY GUDAHA SOOMAALIYA SAGAAL BILOOD GUDAHOOD
Sagaal kamid ah shaqaalaha caawinaada ka howlgala ayaa lagu dilay weerarada dhacasoomaaliya intii u dhaxeesay bilihii January iyo September sanadkaan 2016ka, sidaasi waxaa warbixin ku soo saaray Xafiiska Qaramada midoobay ee kashaqeeya arrimaha beni’aadannimada( OCHA).
OCHA ayaa sheegtay in 100 dhacdo oo rabshado ah in ay ka dhasheen dilal loo geestay,11 kamid ah shaqaalaha caawinaada ka howlgala ayaa la dhaawacay halka saddex kale la afduubtay intii lagu gudajiray sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay.
Hay’adda ayaa intaas ku dareysa in amni la’aanta soomaaliya jirta saameyn ku yeelatay nolosha dadka shacabka ah iyo in ay abuurmayaan carqaladaha deegaanka oo hay’addaha arimaha bini’aadannimada adagtahay in shacabka ay caawiyaan.
Soomaaliya ayaa ka soo kabaneysa labo qarni oo dagaalo sokeeye ay kajireen laakiin wali Xarakada Alshabaab waxa ay gacanta ku hayaan goobaha dhaca koofurta soomaaliya iyo bartamaha dhulka Soomaliya . Waxaana ay weerar ku hayaan shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay’adaha gargaarka biniaadinimada ee ka howlgala soomaaliya, mararka qaarnawaxa ay dalbadaan lacago madax furasho ah.
Hay’adda OCHA ayaa tibaaxeysa in arimaha amniga lasii xoojiyo isla markaana ay tahay in lasiijoogteeyo si loo wajaho xaalad amni oo dagan.
GALMUDUG OO SOO GUDBISAY LIISKA XUBNAHA USHARAXAN AQALKA SARE
Gudiga doorashooyinka dadban ee Galmudug ayaa Goordhow shaaciyay Liiska uu ku qoranyahay Magacyada dadka utartamaya Xubnaha Aqalka Sare ee uu dalka yeelanayo.
Shir Jaraa’id oo Cadaado ay ku qabteen xubnaha gudiga doorasho waxa ay ku shaaciyeen liiskan oo ay kujiraan Masuuliyiin horay xilal usoo qabtey.
Dadka liiska ka soo muuqday Waxaa Kamid ah, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Madaxweynihii hore ee Galmudug,Kamaal Daahir Xasan Guutaale Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya xiligii shariif sheekh Axmed, xildhibaan Cabdi Samad Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Jawaahir.
sidoo kale liiska waxaa ku jira Milkiilaha Idaacadda Goobjoog ee Magaalada Muqdisho Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari).
Waa Maamulkii labaad oo soo gudbiya liiska xubnaha Aqalka Sare oo dhameystiran, waxaa ka horeeyay Maamulka Puntland oo dadka liiska kujiro uu kamid yahay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake.
waxaa jirtay baqdin laga qabay suurta galnimada in mar kale dib udhac uu ku yimaado soo gudbinta liiska Aqalka sare oo qorshuhu ahaa in la soo gudbiyo todobaadkii tagay.
LIISKA XUBNAHA USHARAXAN AQALKA SARE EE
GALMUDUG:
Shaxda Musharaxiinta Aqalka Sare |
|
Beesha |
MURUSADE 2.X |
Cabdi Axmed Dhuxulow |
Luul Maxamed Sheekh Cismaan |
Beesha |
WACEYSLE2X |
C/Qaadir Macalin Nuur Siyaad |
Samsam Daahir Maxamuud |
Beesha |
DUDUBLE 2.X |
Yuusuf Geelle Ugaas |
Cabdulle Xasan Nuur |
Beesha |
CEYR 3.Xubin |
C/samad m. Maxamuud Sh. Xasan |
jawaahir Axmed Cilmi |
Eng Xasan Maxamud Maxamed |
????????? ???????xxxxx |
Beesha |
SALEEBAAN 3.X |
Axmed cabdi kaahiye |
Abshir Maxamed Axmed |
Kamaal Daahir Xasan |
????????? ???????xxxxx |
Beesha |
MAREEXAAN.3.X |
C/Waaxid Cilmi Goonjeex |
Aamina Cali Maxamed
|
Maxamed Maxamuud Samatar |
????????? ???????xxxxx |
Beesha |
DIR2.Xubin |
Macalin Cumar Sh. Ciise |
Abuukar Axmed Xaashi |
Beesha |
SACAD 2.Xubin |
Gen.Cabdi Xasan Cawaale |
Maxamed Xusen Tahliil Cali |
|
|
FAAH FAAHIN: MADAAFIIC XOOGAN OO LAGU GARAACAY MAGAALADA MUQDISHO
Tiro madaafiic ah ayaa lagu soo waramayaa in Xalay lagu garaacay qeybo ka mid Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Ku dhawaad 5 Qarax oo lagu sheegay madaafiic ayaa la sheegayaa in ay ku hoobteen Masjid iyo Guri ku yaalla Xaafada Buuloxuubeey ee Degmada Wadajir.
Ilaa iyo 5 Ruux oo Shacab ah ayaa siyaabo kala duwan ugu dhaawacmay Duqeyntaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah hoobiyeyaashaasi ay ku dhaceen nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
MAAMULKA GALMUDUG OO BEENIYAY INUU JIRO XIRIIR IYO ISKAASHI KALA DHEXEEYA XARAKADA ALSHABAAB
Warsaxaafadeedka maamulgoboleedka Galmudug uu shalay soo saaray ayaa wuxuu jawaabeen kaga bixiyay hadal daraad kasoo baxay Puntland oo ahaa in xiriir uu ka dhexeeyo maamulka Galmudug iyo Alshabaab.
Haddaba; AKHRISO Warsaxaafadeedka Galmudug kasoo baxay oo sidan u qornaa;
Waxaa daraad ka dhacay magaalada Gaalkacyo Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland kaddib markii ay dhismo ka bilaabeen dhul aan dhismo loogu talogelin oo murano ka jireen iyagoo hawlgalkooda ku billaabay rasaas ay soo fureen Ciidamadii ku sugnaa goobtaas ee Galmudug, iyadoo Ciidamada Galmudug ay billaabeen Difaac iyo iskacabin.
Sidoo kale, waxaa wax lala yaabo ah in Puntland ay warsaxaafadeed ku sheegtay in ciidan Galmudug iyo Alshabaab oo iskaashanaya ay soo Weerareen, taas oo ah Faham Hooseeya, waayo wax Isgarabsi iyo Cilaaqaad ah oo ka dhexeeya Galmudug iyo Alshabaab ma jiro, Balse Galmudug iyo Alshabaab waxaa ka dhaxeeya dagaal, waxaana Galmudug ka go’an inay ka sifeyso Alshabaab deegaannadeeda.
Waxaa kaloo nasiibdarro ah in Puntland ku sheegtay Warsaxaafadeedka ay soo saartay in dagaalkii daraad uu ahaa mid aargoosi ah oo Jawaab u ahaa duqeyntii deegaanka jeexdin ka dhacday, taas oo aan u aragno in Puntland ay ku Saantirayso Weerarka ay soo qaaday; waxayna caddeyn u tahay colaada ay waddo Puntland. Halka Galmudug ay ka go’an tahay ku shaqaynta nabadkuwada noolaasho dhexe marata laba shacab iyo labada maamul; sidii aan marar bdan ugu baaqnay.
Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug wuxuu u bandhigayaa Dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka Sida; EU, AU iyo IGAD; inay hoos u eegaan Hadallada Deelqaafka ah ee mar walba kasoo baxaya Puntland, isla markaana xal loo helo hadallada ku aaddan in uu jiro xiriirka ay sheegtay inuu ka dhexeeyo Galmudug iyo Alshabaab, taasoo Gef ku ah Maamulkeenna.
MUSHARAXA MADAXTINIMADA MARYKANKA EE TRUMP OO DUMARKA KA RAALLIGELIYAY AFLAGAADDO UU U GEYSTEY 11 SANO KA HOR
Musharaxa madaxtinimada ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa raalligelin ka bixiyay hadal anshax xumo ah oo uu ka sheegay dumarka, kaddib markii ay soo baxday cajalad muuqaal ah oo la duubay 11 sano ka hor.
Muqaalkaasi ayaa laga dhex maqlayay Trump oo ku faanaya raadinta iyo isku dayga in uu la galmooda dumarka, waxa uuna intaa ku daray in qofka caanka ah uu wax kastaa samayn karo.
Siyaasiin caan ah oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga ayaa hadalkaasi aad u cambaareeyay, waxaana siyaasiintaasi ka mid ah afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan, oo hadalkaasi ku tilmaamay mid laga caroodo.
Tifaaftiraha BBCda ee woqooyiga Ameerika ayaa sheegaya in arrintan ay jahawareer ku tahay musharaxnimada Trump.
Trump oo raalligelin bixinayay ayaa ballan qaaday in uu noqon doono nin wanaagsan, balse waxa uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee mareykanka Bill Clinton oo ah seyga Hillary Clinton oo uu hadda loolan kala dhexeeyo in uu aflagaadeeyay dumarka, iyo in Hillary ay ceebeysay haweenkii uu dhibaateeyay ninkeeda.
PUNTLAND: SHURUUDAHA LOOGA BAAHAN YAHAY XUBNAHA U TARTAMAYA AQALLADA BAARLAMAANKA QARAN ..
Guddiga Doorashooyinka dadban ee Puntland ayaa soo saaray Shalay Warsaxaafadeed ay sharuudadaha laga doonayo xubnaha u tartamaya labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ku sharraxan yihiin.
Shuruudaha looga baahan yahay Codsadaha Musharaxnimada, waxay kala yihiiin;
1. Yahay muwaadin Soomaali ah
2. jiraa ugu yaraan da,da 25 sano maalinta doorashada
3. uu haystaah shahaado dugsi sare ama khibrad u dhigantah
4. kamid ahayn GDGHDD ama ergada doorashooyika
5. Uu kamid yahay beesha kursiga iska leh
6. in heer maxkamadeed lagu xukumin danbi uu galay 5tii sano ee la soo dhaafay
7. heer maxkamadeed lagu xukumin danbi uu galay 5tii sano ee la soo dhaafay
8. Dhigida koontada GDGHDD lacag dhan $ 10,000 Raga,( $ 5000)dumarka musharaxiinta aqalka sare.
9. Dhigida koontada GDGHDD lacag dhan $ 5000 Ragga,(2500) Dumarka musharaxiinta golaha shacabka.
Soo Gudbinta Codsiga Musharraxnimada ayaa ah;
Xubin walba oo doonaya inuu codsado musharaxnimo waa inuu buuxiyaa arjiga codsadaha ee GDGHDD Ujeedkaan u Ansixiyey, uuna soo gudbiyo dukumiintiyada hoos ku xusan ee taageeraya musharaxnimada.
1. Arjiga codsiga oo la buuxiyey,GDGHDD ay an sixisay
2. Koobiga aqoonsi,warqada dhalashada ama baasaboor.
3. Shahaado dugsi sare ama warqad rasmi ah oo ka socota hay,ad horay u shaqaalaysiisay
4. Rasiid bangiga oo cadaynay bixinta lacagta musharaxnimada oo aan dib loogu soo celin doonin musharaxa ee dhan $10,000 Ragga,($ 5000) dumarka aqalka sare,$ 5000 Ragga,($ 2500)dumarka aqalka hoose,lagu shubay koontada ay samaysatay GDGHDD uu musharaxu iska diiwaan galinaayo.
5. Saxiixa xeerka anshaxa.
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
Ogeysiis Muhiim Ah Xarunta Rajo oo Qabanysa Seminaar ku Saabsan Community Development and Good Governance.
Xarunta Horumarinta Iyo Shaqo Abuurka Ee Rajo, waxay dhamaan ardayda & Cidkasta oo daneeynaysa Wax ka Ogaanshaha Macluumaadka la xiriira hormarinta arimaha bulshada & Dowlad wanaaga, ogeysiinayaa in Xarunta Rajo ay Qabanayso Seminaar ku saabsan, Community development and good governance. Barnaamijkaan Seminaarka ah waxaa Soo qaban qaabiyay Maamulka Rajo iyagana ayaa qabanaya.
Seminaarkan waxaa lagu qabanayaa Howlka Seminaarada Ee AlImra International university oo Ku yaalla wadada Wadada Aayrboorka KM 4 Muqdisho. Seminaakan waxa lagu bixinayaa Shahaaddo Casri ah, iyadoo casharadana ay ku bixinayaan macalimiin waayo arag u leh arimaha bulshada & Dowlad Wanaaga.
Hadaba Yaanan lagaa buuxin isdiiwan gelinta haatan waxa ay ka socotaa Xafiska dhexe ee Xarunta Rajo oo ku yaalla KM4, Sarta Tahliil Warsame.
Wixii Faahfaahin Ah Kalaxiriir Xafiiska Xarunta Rajo Km4 0616 308911/ 0615 241544 0695981000
Ka Faa’ideysi Wacan Asad Abukar Ali Professional strengths Journalism skills
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 9-KA OKTOOBAR 2016-KA
MADAXWEYNE XASAN OO MUQDISHO KULA KULMAY SHALAY WAKIILKA QM EE AMMAANKA … Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay xarunta madaxtooyada Somalia ku an kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrim