
Antonio Gutaress oo ku guuleystay inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
Antonio Gutares oo ahaa madaxii hay'adda UNHCR ayaa ku guuleystay tartan ka dhacay Golaha ammaanka ee xarunta Qaramada Midoobay magaalada Newyork dalka Mareykanka. Tartanka musharaxiinta jagada Xoghayaha guud oo isugu soo hartay 7-musharax ayaa maanta loo qaadayaa cod bixintii ugu dambeysay.
Ilaa lix haween ah oo la tartamaya Antonio Gtares ayay laga soo xigtay wakiilada shanta dal ee awooda ku leh Golaha Amaanka Qaramada Midoobay inuu ku horeeyo mas’uulkaan.
Antonio Gutares oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii dowladda Bortugal ayaa Qaramada Midoobay ka soo qabtay howlo kala duwan, isagoona booqday xeryaha qaxootiga dalka Kenya ee ay ku jiraan Soomaali muddo ka badan 20-sano.
Dhinaca kale Antonio Gutares ayaa bedelaya Bankimoon oo isagu ka mid ahaa madaxda Q/Midoobay ee Soomaaliya tegay gaar ahaan magaalada Muqdisho isla markaana door muuqda ka qaatay taageerada arrimaha gargaarka, ammaanka iyo dib u dhiska xarumaha Dowladda Federaalka.
Antonio Gutaress oo ku guuleystay inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay
Antonio Gutares oo ahaa madaxii hay'adda UNHCR ayaa ku guuleystay tartan ka dhacay Golaha ammaanka ee xarunta Qaramada Midoobay magaalada Newyork dalka Mareykanka.