
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 5TA OKTOOOBAR 2016KA
Wasiirka ku xigeenka ayaa sidoo kale Wakaalada ku hadasha Afka dowladda u sheegay in xubnaha la dilay ay doonaayeen in ay weeraro ka geystaan deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeel aha Hoose.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay howgalka lagu dilay xubnaha ka tirsan AlShabaab ay infuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya.
SACUUDI CARABIYA OO DIL KU FULISAY HAWEENEY ITOOBIYAAN DISHAY GABAR YAR..
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dil ku fulisay Haweeney Itoobiyaan ah, taasoo lagu helay dambi ah inay dishay gabar yar Sacuudiyaan ah, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga.
Zamzam Abudllah Boric ayaa dil lagula fuliyay magaalada Riyadh, kaddib markii gabar yar ay qoorta ka goysay, ugana tagtay meydkeeda Suuliga.
Sacuudiga ayaa ah dalka saddexaad ee fuliyay xukunada dilka, waxaana dilkan uu noqonay aa kii 124aad oo Ajnabi iyo Sacuudiyaan isugu jira oo sanadkan la fuliyo.
Dadka Itoobiyaanka ayaa ah kuwo inta badan shaqooyin u doonta dalka qaniga ku ah Saliida ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana badankood ay yihii Jaariyo ama booyaaso.
Hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2015 Sacuudiga ay dil ku fulisay 158 ruux, taasoo ka dhigaysa dalka saddexaad ee fuliya xukunada dilka, marka lagu daro dalalka Iiraan iyo Pakistan.
Sacuudiga ayaa inta badan dilalka ku fuliya seef qoorta looga gooyay dadka lagu helo dambi yada dilka, ka ganacsiga daroogada, xatooyada hubeysan, kufsiga iyo dadka ka baxa Diinta Islaam ka.
Bishii Janaayo ayay aheyd markii Sacuudiga 47 ruux oo lagu helay dambi Argagixiso maalin kaliya lagu fuliyay dil, waxaa ku jiray dadka la dilay wadaad caan ahaa oo Shiico ah.
MAXAY WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA KA TIRI IN CAASIMADDA HIIRAAN & SH/DHEXE LAGA DHIGAY JOWHAR?
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, Yaxye Cali Ibraahim, ayaa qir ay in ergada Magaalada Jowhar u fadhisa Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabel a ha Dhexe, ay shalay dood adag ka yeesheen qoddobo laga tilmaamo karo halka ay noqonayso Ca asimadda Maamulkaasi.
Xoghayaha, ayaa sheegay si koox koox ah in ergadu ay ugu codeynaysay qoddobadii ay sha lay ka wada doodeen, iyagoona dood adag ka yeeshay halkii Caasimadda laga dhigi lahaa Jowhar iyo Buulaburde midkood.
Xoghayaha oo wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay inaysan iyagu weli haynin xog/macluumaad sax ah oo Warbaahinta la wadaagi karaan, goobtii ay ergadu isu raacday in Caasimadda laga dhigo, illaa iyo inta ay ergada ka soo bandhigayso go’aanka ay gaareen.
Yaxye Cali Ibraahim, ayaa ku waramaya dooddii shalay in dadka qaarkii u fasiran karaan in ergadu u codeysay in Caasimadda laga dhigo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa sanadkii hore digreeto ku magacaabay in Caasimadda Maamulka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, ay ta hay Magaalada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan, Magaalada Jowharna ay shirka martigeliso.
Haddii qaraarka ergadu uu isugu soo biyo shubato in Caasimadda ay noqoto Jowhar, ayaa waxay sii adkayn doontaa diidmadii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, ay ku diidayen in ay tagg aan Jowhar.
XOGHAYAHA GUUD EE QM OO ERGAY CUSUB U MAGACAABAY XAFIISKA TAAGEERADA QM EE SOMALIA UNSOS
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban KiMoon, ayaa u magacaabay Col. Hubert Pri ce Madaxa Xafiiska Taageerada QM ee Somalia oo loosoo gaabiyo [UNSOS].
Sarkaalka loo magacaabay xafiiska UNSOS, ayaa wuxuu hora uga mid ahaa ciidanka dalka Mareykanka, isagoo horay uga soo shaqeeyay Xafiiska Hawlgalka Taageerada Qaramada Midoobey ee dalka Liberia mudadii u dhexeysay 2010kii illaa 2015kii. Sidoo kale, Col. Price oo ah khabiir mu ddo 20sannadood ah ka shaqeynayay hawlgallada Qaramada Midoobay ee Caalamka, ayaa haatan ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee dhinacyada horumarinta iyo Taageerada.
Col. Hubert Price, ayaa dhanka kale, wuxuu ahaa madax ka ahaa hawlgalka taageerada QM ee East Timor UNMISET, Wuxuu kaloo kasoo shaqeeyay hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Ivory Coast ee loo soo gaabiyo [UNOCI].
Ugu dambeyn, Magacaabista ergaygaan cusub ee xafiiska UNSOS ee Somalia ayaa waxay qayb ka tahay dadaallada QM ay ugu jirto taageerida Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya oo haatan kasoo kabanaysa colaado soo jiitamayay muddo Rubucqarni ka badan.
MADAXWEYNAHA OO KULAMO LA QAATEY QEYBAHA BULSHADA EE MAGAALADA BAYDHABO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koon fuur Galbeed Soomaaliya ayaa weli ku guda jira kulamadii u la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada degaannadaasi.
Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardargelinta hawlaha doorashada, xaqiijin ta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxaa uu la qaatey madaxda jaamacadaha, aqoonyannada, ardayda jaamacadaha, Ciidanka Qalabka Sida, ururrada haweenka, dhalinyarada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, madaxda maamulka Koonfuur Galbeed iyo culumada diinta.
Madaxweynaha ayaa qeybahaasi u la kulmay uga warbixiyey hannaanka dhismaha Soomaali yada cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo horumar dalku uu ku tallaabsado.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu qeybahani kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ugu baaqey inay gacan weyn ka geystaan dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo sal u ah dhismaha qaran Soomaaliyeed oo isku tashan kara.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashada Dowlada Goboleedka Koonfuur Galbeed oo uu ku ammaanay waxqabadkooda, dhanka kalena ka codsadey inay daahfurnaan ku shaqeeyaan.
AMNESTY INTERNATIONAL OO SHEEGTAY IN CAAWINTA QAXOOTIGA CAALAMKA AY NOQOTAY HAWL AAN SI SIMAN LOO QEYBSAN
Culeyska dhibaatada qaxootiga ayaan si siman loo qeybsan. Warkaa ayaa waxaa uu ka soo baxay hayada xaquuqul insaanka ee Amnesty International.
Amnesty ayaa intaa raacisay in 10 dal oo qura ay hayaan culeyska qaxootiga intiisa ugu badan.
Dalalkaa ayaa ah Urdun, Lebanon, Turkey, Pakistan, Iran, Chad, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Congo Kinshasa.
Maadaama badi dalalkaa qaxootiyada badan ay sabool yihiin ayaa qaxooti badan door bidaa inay safaro khatar badan u soo galaan Yurub iyo Australia.
"Carruurtu ma helayaan wax barasho ku filan dadkuna ma helayaan raashin ku filan," sidaa waxaa tiri Audrey Gaughran, oo ah haweeneyda ah Agaasimaha Amnesty u qaabilsan amuuraha caalamka.
Amnesty ayaa ugu baaqday ummadaha horumaray inay qaataan caawiyaana qaxooti badan si culeyska loo dhimo.
CIIDAMO GAARI XAMUUL AH KU RASAASEEYAY DULEEDKA MAGAALADA MUQDISHO
1 qof waa uu dhintay 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib rasaas Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan ay ku fureen Gaari Xamuul ah oo Khudaar u soo siday Magaalada Muqdisho.
Gaariga ayaa xilliga la rasaaseynayay soo marayay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
2da qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay yihiin Darawalka iyo Daba Kafuulkii gaariga la rasaaseeyay.
Lama oga sababta loo rasaaseeyay gaariga , oo marayay deegaanka Siinka Dheer ee duleed ka Magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowladda ayaa mararka qaar geysta falalka nuucaani iyadoo aanu jirin cid kula xisaabtanta.
QARAX KHASAARE GEYSTAY OO KA DHACAY AGAGAARKA DHISMAHA SEY BIYAANO EE MAGAALADA MUQDISHO
Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, Afar ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ga ari oo shalay ka dhacay Agagaarka dhismaha Sey Biyaano oo ku dhaw Isbitaalka Banaadir ee Mag aalada Muqdsho.
Gaarigan qarxay, ayaa la sheegay inuu watay Macallin Jaamacadeed, kaasoo uu soo gaaray dhaawac culus, uuna ka go'ay labada lugood, Waxaana halka uu Qarax Gaari ka dhacay ku sugnaa shacab badan oo ku ganacsanayay suuqyo ku yaalla halkaas.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Ammaanka ee Degmada Wadajir, Abuukar Axmed Cadd oow oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu Qaraxan ka dhacay ayaa ka dhawaajiyay in Qaraxaan ay filayaan inuu ahaa mid Gaariga lagu soo xiray. Dhanka kalena Baabuurkan Qarxay ayaa dhammant iis gubtay.
Dhaawacyadii ka dhacay Qaraxan ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina, iyadoo la sheegay in dhaawacyadan ay ku jiraan kuwo culus, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay Qaraxaan.
Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo 2maalin ka hor Qarax gaari oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Alshabaab lagu weeraray mid ka mid ah maqayadaha laga cunteeyo ee Muqdisho, kaasoo khasaare badan sababay.
SOMALILAND: SIYAASIYIINTA KU BAHOOBAY MADASHA WADATASHIGA OO DHALIILO U JEEDIYAY XUKUUMADDA
Siyaasiyiinta ku Bahoobay Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Somaliland, ayaa dhaliil u jeediyay Xukuumadda Somaliland, isla markaana sheegay inay ka gaabiyeen ictiraaf raadintii dalku ka sugayay.
Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland, Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay in labaddii xukuumadeed ee ka horeeyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dadaal ugu jireen sidii ictiraaf ugu heli lahaayeen Somaliland, haseyeeshee, waxa uu xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay ictiraaf raadintii kaga mashquushay arrimo kale.
"Labadii xukumadood ee ka horeeyey marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin labaduba aad iyo aad bay uga badheedheen Somaliland goon iisu tageeda, sharciga horena Cigaal buu ahaa ninkii qaaday in aan wada hadal ah lala yeelanayn Soomaaliya. Daahir Riyaale wuxu gaadhay in ila shirkeedii common wealthka (dalalka barwaaqo sooraanka ah) ka qayb galo, berigi dowladdi Cigaal ayaan ku jirey 93kii markii dagaalo sookeeye ka socdeen dalka Yemen oo ay isdilayeen koonfurta Caddan oo ay u dagaalamaysey Caddan in ay gooni isugu istaagto. Dowladdii wakhtiga aan ka midka ahaa (Somaliland) waanu ictiraafnay inkasto laga adkaaday, siyaasada ayey ku jirta in ay ka maaranto mararka qarkood. Riyaale (madaxweynihi hore Daahir Riyaale kaahin) wuxu ka qayb galay shirkii commonwealthka ah oo ahaa in gooni isuta aga Somaliland dalka Ingiriiska uu aqoonsado dalalka isbahaysiga ah uu Ingiriiska madaxda ka yahay ee Afrika.”ayuu yidhi Xasan Guure.
Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah guddidan madasha wadatashiga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Somaliland waxa weeyaan waa dal jira oo dunida ka mid ah, imika hadayna dowladaha dunidu ina aqoonsanayn in shaa Allah waa tacaala kamana noqon mayno jiritaankiisa uu jiro u yahay dal madax banaan oo siyaadad leh. Sidaasa dadkiisu goostay sidaasna ayaanu ku ilaalin ayna walibana hormoodku ka noqonaysaan hadaad dhalinyarada tihiin, %75 wadankiisu dadkiisa la gu ilaaliyo idinku meel kale aqoon iyadoo Hargeysa oo qasrigii madaxtooyada inta idiin jiro ayeydaan hadana ka hadlayn sidii shaqo la idinka siin lahaa iyo sidii loo dareeri lahaa dalkan dhalinyarada loo daryeeli lahaa oo dalkan loo dhisii lahaa”
Sidoo kale, wasiirkiii hore ee Maaliyadda Eng:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna hay’adaha caalamka ka dalbaday inay dalka ka baxaan, haddii aanay ku shaqaynayn magaca Somaliland.
MUWAADIN SOOMAALI OO KU HAFTAY XEEBAHA IMAARAADKA CARABTA.
Iyadoo lagu jiro Xilliga Xaggaaga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa soo badanayo dad ka dhibaatadda kala kulmay Mowjadaha Kacsan ee Badda dalkaasi.
Boliska magaalladda Sharjah iyo Ciiddanka Difaaca Madaniga ee Cajmaan ayaa uga digay Kalluumeysataya iyo dadka ku dabaasha Badda uga inay taxadir dheeraad muujiyaan, kana digtoona adaan Mowjadaha Baddaha ee aadka u kacsan.
Tan iyo Jimcihii la soo dhafaay, Shilal dhimasho oo ilaa 5 qof ayaa la soo weriyey inay ka dhaceen meelaha ka baxsan Xeebaha magaallooyinka Dubai iyo Sharjah.
Shabakadda Wararka ee filipinotimes.ae ayaa shalay qortay in Maydka Muwaadin Somali oo 24jir ah laga helay meel ka baxsan Xeebta Alkhaan. Sidoo kale, maydadka rag u kala dhashay dalal ka India, Sri Lanka iyo Syria ayaa laga helay meel ka baxsan Xeebaha Um Suqeym ee u dhow Dhis maha Burj Alaran, Sharjah iyo Alxamriya.Dhinaca kale, Boliska magaalladda Dubai ayaa sheegay inay kordhiyaan Boliska ilaaladda ka haya Badda iyo Kooxaha wax badbaadiya.
SHEEKH SHAAKIR: DOWLADDA IYO SHABAAB LAMA KALA YAQAAN
Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in aanan la kala aqoonin Ururka Al Shabaab iyo Dowladda Federalka Somaliya oo ay noqdeen, kuwa isku dhex milmay.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa wuxuu sheegay Dowladda Federalka Somaliya inay shaqaaleysiisay xubno Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo ka howlgala sida uu yiri Garoomada Diy aaradaha dalka, Dekadaha iyo qaar ka tirsan Hotelada ku yaal Muqdisho.
"Dowladda Federalka Somaliya in la kala aqoon waayay Shabaab iyo Dowladii oo ay isku milmeen, Al Shabaabkii waxa ay ka shaqeysiiyeen Airport, Dekadihii, maqaayadihii iyo Hotelaadii meel kasta Shabaab ayaa jooga, markaasey leeyihiin Shabaabka Hotelkii xalay adka soo dega Hot elka waxaa ay leeyihiin Aley lahee Xalay dheef ayaa soo seexatay, habeenimaa lagu dhaqaaqaa Xag eey soo mareen? Waa Shaqaalihii oo labiska meesha uga tagay, Maqaayadihii waa sidoo kale Airport waa sidoo kale, waxaa intaas ka sii daran Umadii ayeey Al Shabaabkii Dhaqtar uga dhigeen, markaasey kee rabaan madaxa ku dhufanayaan Shabaabka , qorigii Sharciyeysan ayuu wataa, Tuutihii ayuu wataa.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.
Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay Maamul Goboleedyada dalka laga dhisay inay yihiin kuwa la mid ah Dowladda Federal ka Somaliya oo qudhooda aaney ka marneyn Xubnaha Shabaabka.
"Maadaama la kala garan waayay Shabaab iyo Dowladda, wixii ay sameeyeen Dowladda ee Maamul Goboled ah iyaga iyo Shabaab waa la kala garan waayay, waayo waxaa la yiri Ilmo waa Aabahood.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Shaakir.
Dowladda Federalka Somaliya ayaa waxaa u degsan Siyaasad ku aadan xubnaha Shabaabka ka soo goosta ee Dowladda ku soo biira, kuwaasi oo loo sameeyo dhaqan celin.
DABAGEED OO LAGU EEDEEYAY IN UU HORSEEDAY BURBURKA MAAMULKA G.HIIRAAN ..
Ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Dhinaca Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ka hadlay Tallaabooyinka Siyaasadeed ee dhawaan uu qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa shaaca ka qaaday in maamul ka Gobolka Hiiraan uu dhex jibaaxayo wax uu ku tilmaamay Fashil Siyaasadeed. Guddoomiye ku xig eenka ayaa Fashilka Siyaasadeed ee uu sheegay in uu la daalaa dhacayo maamulka Gobolka Hiir aan ku eedeeyay in Masuuliyadeeda uu leeyahay Guddoomiye Dabageed.
Sidoo kale Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in Guddoomiye Yuusuf Dabageed uu si toos ah ula saftay Heybtiisa isagoo Masuul Qaran ah sida uu yiri. Hadaba Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada ee eedaasi ku lul dusha uga tuuray Mr Dabageed ayaa qeyb haatan ka ah shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe Ergooyinka ka qeyb galaya halka Guddoomiyaha Gobolkaas Hiira an isna uu la duuban yahay qaar ka mid ah Ergooyinka reer Hiiraan oo ka soo gadooday Shirkaasi Jowhar kuwaas oo ku sugan haatan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
BOGGA CAYAARAHA
KHABIIRKA KUBBADA CAGTA SKY SPORTS EE CHARLIE NICHOLAS OO SAADAALIYAY AFARTA KOOXOOD EE KAALMAHA AFRAAD KAGA DHAMAYSAN DOONTA PREMIER LEAQUEGA
Khabiirka kubbada cagta Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa intii aanu xili ciyaareedka 2016/17 bilaamin sii daayay saadaalin uu kaga hadlay qaabka ay kooxaha Premier Leaquegu u kala sarayn doonaan, wuxuuna markaas si gaar ah u soo qaatay kooxda uu u arko in ay koobka Premier Leaquega ku guulaysan doonto iyo kooxaha kaalmaha afraad ku dhamaysan doona.
Laakiin markii todoba kulan la ciyaaray Charlie Nicholas ayaa qaab ciyaareedka kooxaha waa wayn wax kala soo dhex baxay wuxuuna badalay qaabkii uu markii hore u habeeyay kaalimaha sare ee Premier Leaquega. Charlie Nicholas ayaan waxba ka badalin kooxda uu aaminsan yahay in ay koobka Premier Leaquega ku guulaysanayso wuxuuna markale ku celiyay kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ay koobka hanan doonto.
A dejected Guardiola tries to motivate his players after the Premier League clash
Sidoo kale Charlie Nicholas ayaan waxba ka badalin kaalintii uu ka hor bilawgii xili ciyaareedka u saadaaliyay kooxda Arsenal wuxuuna sheegay in marka qaab ciyaareedka hadda ee Gunners lagu xisaabtamo in ay kaalinta labaad ku dhamaysan doonaan.
The Arsenal players congratulate Koscielny (left) and OxladeChamberlain (far right) after their late winner
Laakiin khabiirka kubbada cagta Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa Manchester United ka saaray kaalintii uu u saadaaliyay ka hor intii aanu xili ciyaareedku bilaamin wuxuuna markii hore u saadaaliyay in ay kaalinta saddexaad ku dhamaysan doonaan balse markan waxa uu kaalinta saddexaad siiyay Liverpool oo uu sheegay in aanu filayn in ay xili ciyaareedkan koobka ku guulaysan karaan isaga oo sababta ku sheegay difaacooda aan fiicnayn.
Liverpool forward Roberto Firmino celebrates pulling his side level with his fourth goal of the season at the Liberty Stadium
Charlie Nicholas ayaa kaalinta afraad u sadaaliyay kooxda Tottenham halka Manchester United u riday kaalinta shanaad kadib markii ay kooxda Mourinho soo badhigtay qaab ciyaareed aan laysku halayn karin. Waxa uu sheegay in Mourinho uu lacag badan ku bixiyay suuqa sida Paul Poba balse uu wali isku dayayo in uu kooxda la qabsado.
The Spanish manager admitted that his team were second best at White Hart Lane
De Gea is left to reflect on his decision as Manchester United failed to score a winner
Ugu danbayn Charlie Nicholas ayaa kooxaha Chelsea iyo Leicester City u saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonaan inta u dhaxaysa kaalinta lixaad ilaa 10 aad wuxuuna sheegay in ay aad uga qaab ciyaareed liitaan kooxaha kale ee uu kaalmaha hore u saadaaliyay. Halkan ka bogo kaalmaha afarta ah ee saadaashii hore ee Charlie Nicholas iyo sadaashiisa hadda.
The Spain striker has scored six goals in seven appearances for the Blues this season
Saadaashii Hore Ee Charlie Saadaasha Cusub Ee Charlie
1. Man City 1. Man City
2. Arsenal 2. Arsenal
3. Man Utd 3. Liverpool
4.Liverpool 4. Tottenham
WARBIXIN: TAAKALADII UGU BADNAA, XIDIGAHA GOOLASHA UGU BADAN CAAWIYAY, FURSAD ABUURISTII UGU BADNAYD IYO XOG MUHIIM AH OO AAD UGA BAAHAN TAHAY IN AAD KA OGAATO KULAMADII PREMIER LEAQUEGA EE LA CIYAARAY
Waxaa la soo gaadhay waqtigii loo firaaqayn jiray kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka, balse ka hor inta ayna kulmada caalamiga ahi bilaamin waxaa markasta la sameeyaa xog ururinta kuma la soo ciyaaray iyada oo si gaar ah loo soo qaato goolasha la dhaliyay, gool caawinta la sameeyay, fursadaha la abuuray, taakalada ay ciyaartoydu sameeyeen iyo waxyaabo badan oo muhiim ah oo tay hahay in kooxaha iyo ciyaartoyda labadaba lagu qiimeeyo.
Haddaba iyada kulamada Premier Leaquega hakad la galin doono waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waxyaabo muhiim ah oo laga ururiyay kulamadii ilaa hadda laga soo ciyaaray Premier Leaquega. Hakan ayaanad kaga bogan kartaa xogta oo qaybqayb u habaysan.
Xidiga Premier Leaquega Gool Caawinta Ugu Badan Ilaa Hadda Ka Sameeyay :
Kevin De Bruyne made nine assists last season he already has four in seven matches this term
Xidiga Manchester City ee Keven De Bruyne ayaa ilaa haddda ah xidiga premier Leaquega gool caawinta ugu badan ka sameeyay wuxuuna sameeyay gool caawinteed, waxaana ku soo xiga Adam Lallana, Kelechi Iheeanacho, Dimitri Payet, Stven Defour iyo Alex Iwobo oo min saddex gool caawineed sameeyay. Liiskan halkan kaga bogo.
Xidiga Premier Leaquega Goolsha Ugu Badan Ilaa Hadda Ka Sameeyay :
Chelsea's Diego Costa has the most goals of any Premier League player so far this season
Gool dhaliyaha kooxda Chelsea ee Diego Costa ayaa ilaa hadda ah xidiga goolasha ugu badan ka dhalyay Premier Leaquega isaga oo todoba kulan ku dhalyay lix gool waxaana min shan gool leh Michail Antonio oo West Ham ka tirsan, Sergio Aguero oo Manchester City ah iyo Lukaku oo Everton u ciyaara. Halkan kaga bogo liiska ciyaartoyda gool dhalinta ilaa hadda ugu saraysa.
Xidiga Premier Leaquega Fursadah Ugu Badan Ilaa Hadda Ka Sameeyay :
Crystal Palace's underrated midfielder Jason Puncheon has created the most chances so far
Xidiga kooxda Crystal Palaceee Jason Puncheon ayaa ilaa hadda ah xidiga fursadaha ugu badan ka abuuray kulamadii premier Leaquega ee la soo ciyaaray wuxuuna abuuray 24 fursadood oo goolal lagu dhalin karayay ama lagu dhaliyay, waxaana ku soo xiga xidiga kooxda Chelsea ee Willian oo sameeyay 23 fursadood halka Dusan Tadic oo Southampton ka ciyaaraa uu sameeyay 22 fursadood waxaana 20 fursadood abuuray De Bruyen. Liiska hakan kaga bogo.
AQALKA SARE IYO PUNTLAND
"WARYAA HARAGEEDA MAR NOOGA CELIYA"
Hada ka hor ayaa nin ceesaan Riyood soo iib geeyey, markaas ayaa laga gadan waayey, kadib markii uu soo cel celiyey sagaal maalmood ayaa nin oday ah kula taliyey inuu qalo Rida oo hilibkeeda iibiyo, subaxii danbe ayuu qalay,
markii galabtii la gaaray oo cadna laga gadan waayey ayuu yir "war yaa harageeda nooga celiya" Sababtoo ah galabtii ayuu kaxaysan jiray, lakiin hada waa hilbo oo ma qaadi karo. Dhibaatada ka taagan soo xulista Aqalka Sare ayaa gaartay in la yiraahdo "yaa Aqalka Sare nooga celiya shirarkii Madasha dib ha looga doodee si wax looga badalo qaabka loo soo xulayo ama looba laalo” Sababtoo ah waxaa magaalada Garoowe buux dhaafiyey siyaasiyiin, qurba joog, ganacsato, haween iyo aqoon yahano ka kala yimid daafaha aduunka, oo xusl duub ugu jira ka mid noqoshada aqalka sare oo tartankiisu ka fudud yahay kan xidhibaanka. Waxaa magaalada ka jira martiqaadyo joogta ah, gawaari la kiraystay, hoteeladii oo buux dhaafay noloshii oo cirka isku shareertay, guriyihii oo qaaliyoobay iyo Riyihii ay Garoowe caanka ku ahayd ayaa maqaayadaha dadka martida ah kula daaranaya cuntada.
Eeg sawirkaan hoose waxa nakala haysta aniga iyo Ridaan baar qabka ah oo aaminsan in Dastuurka Puntland qorayo in ay dadka cuntada la wadaagto.
Waxaa raga u ordaya Aqalka Sare ka mid Siyaasiyiin si aad ah looga yaqaano dalka, sanado badan ku soo jiray siyaasadda, waxaana ka xusi karnaa:
Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii Hore ee Puntland
Maxamed Siciid Xirsi Morgan, Wasiirkii hore ee Gashandhiga
Cali Jaamac jangali Wasiir Duulista XFS
Xasan Abshir Faarax, Xildhibaan, Wasiir, RW hore
Cali Xaaji warsame, W.Hore ee waxbrashada Puntland
Maxamed Cabdi Yusuf, Xildhibaan iyo Halgaamaa SYL
Cawil Hassan Sulaiman Wasiirkii Hore ee Maaliyadda
Cabdirsaq Jurille Xildhibaan iyo wasiir hore
Cabdi Ismaciil Giir, Wasiir hore xilgii KMG
Maxamed Cabdi Xaabsade Wasiir Hore Puntland, Somaliland,
Sureer Abshir Haamaan Ururada Haweenka
Canaba Cilmi Ku xigeenka Ururka H. Qaranka
Maryan Curubo, Xubin sare ee jaaliyadda Puntland
Tirada wax doonaysa waa boqolaal, waxa la doonayana waa 11 kursi, oo sharciyan uu soo qorayo Madaxweynaha Puntland Dr; Cabdiwali Cali Gaas, lagana ansixinayo Baarlamaanka Puntl and, badankooda dadka Aqalka Sare u ordaya waxaa kala dhaxeeya madaxweyne Gaas, xiriir saxiib tinimo, mid siyaasadeed, mid wada shaqayn iyo mid qaraabanimo, ninkii qalinka madaxweynuhu qoro mooyee kan kale waa dagaal xiiro xiiro ah, waliba waxaa suurta gal ah inuu dagaalkaas yeesho saamayn siyaasadeed ama mid beeleed, beeshii liiska iska weyda waxay u arkaysaa in sad bursi lagu sameeyey, beeshii la siiyana waxay u arkaysaa inu madaxweynuhu ku tala xumaystay nin uu jeebkiisa kala soo baxay, xaalku wuxuu marayaa "nin guran hal uu dheelmay, dhana uma fiyooba”
Talo isuma kaa sheegto, waxaa arintu ku qurux badnayd in Aqalka sare sida Baarlamaanka ay soo magacaabaan Odayaasha dhaqanka ee ka midka ah 135 oday ee la aqoonsan yahay, loona sa meeyo tiro cayiman oo soo doorata sida xildhibaanada Barlamaanka, waxaan qabaa in eeda iyo is qabqabsiga hada taagan uu ka yaraan lahaa, hadiise xaalku sidaan ku sii socda waxaa suurta gal ah in rag saxiib ahaa ay kala dhintaan, isbahaysiyo siyaasadeed oo cusubna ay bilowdaan, kala shakina soo gala qaba’iiilka oo qaarkood ay tirsanayeen dulmi dhanka awood qaybsiga ah.
Dhibaatada ka taagan Aqalka sare maahan mid ku kooban Puntland kaliya, waxay ka dhex jir taa dhamaan maamulada dalka iyo qaba’ilka Soomaaliyeed, lakiin Puntland waxay dheertahay in ay aad ugu ololaynaysay samaynta Aqalka Sare, dood kasta oo ku aadan in meesha laga saaro aqalka sare Puntland waxay ka taagnayd meel aad u adag, balse shalay waxaa muuqata daruuro shaki iyo mugdi xambaarsan oo dul hoganaya samaynta aqalka sare oo la filayo in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda. Inkasta oo Madaxweyne Gaas dadaalkiisu uu ku qotomo in Puntland loo xulo dad matali kara, iyo ka dhabaynta himilooyinka reer Puntland ee ah in la helo Aqal Sare madaama aqalka hoose lagu qaybiyey 4.5, hadana dadka wax doonaya waxay u arkayanaa hadii ay ka mid noqon waayaan aqalka sare in Madaxweynuhu ku tala xumaystay magacaabida aqalka sare.
Dhanka kale samaynta aqalka sare waxaa sheeda kore kala socda musharixiinta xilka Madaxweynanimo u ordaya, oo dhamaantood quudaraynaya in ay ku soo baxaan rag ay iyagu wataa n oo qaarkood laga yaabo in lagu taageeray dhaqaalo faro badan si ay ugu ololeyaan xubintaan oo tartankeedu uu ka horeeyo bixinta 10,000 $ oo fee ah.
"Qayladii yeertaba qoon ayeeysan uga darin” Dagaalka iyo hardanka Aqalka sare si kasta oo ku dhamaado waxaa dabayl caafimaad maraysaa xubnaha u tartamaya aqalka hoose oo awoodiisa badankeeda ay yeelanayaan Odayaasha dhaqanka, maxaa yeelay waxaa yaraanaysa saamaynta siyaasadeed ee uu ku yeelanayo maamulka Puntland oo daal iyo dagaal qaraar ka soo maraya maga caabida Aqalka sare.
Isku soo duubo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayaa sugayaa Hooyada Federaalka Soo maaliya in ay ku dhawaaqdo Aqalka Sare iyo saamaynta ka dhalan karta ku dhawaaqida ka dib, Reer Puntland waa dad lagu yaqaano isu tanaasul dhanka siyaasada ah, waxaan ku boorinayaa hadii uu soo baxo liiska 11 xubnood in lagu taageero madaxweynaha madaama aad u wakiilateen inuu soo xu lo xubnaha ka mid noqonaya, waxaana tusaale u noqonaysaan maamulada iyo qaba’ilada Soomaa liyeed.
Wabilaahi Towfiiq
Diraac Salaad Fagaase
Lataliyaha Wasiirka Maaliyadda ee dhanka Saxaafada ahaana Agaasimihii hore ee Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Email: dhoodi222@gmail.com


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 5TA OKTOOOBAR 2016KA
DOWLADDA OO SHEEGTAY IN AY DISHAY XUBNO KA TIRSAN SHABAAB Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay xubno sar sare oo ka tirsan AlShabaab ku waa soo ku sugnaa deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.