WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 3-DA OKTOOBAR 2016-KA

0
Monday October 03, 2016 - 10:00:52 in Wararka by
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 3-DA OKTOOBAR 2016-KA

    MADAXWEYNE XASAN SH. OO MARKII U HO RYSAY SAMEYSTAY BOG TWITTER U GAAR AH Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ahna Musharax u taagan xilka Madaxweyna ha ayaa markii u horeysay sameystay Bog Twitter u gaar ah, wax aana ay ku soo aaday, iyado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SH. OO MARKII U HO RYSAY SAMEYSTAY BOG TWITTER U GAAR AH Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ahna Musharax u taagan xilka Madaxweyna ha ayaa markii u horeysay sameystay Bog Twitter u gaar ah, wax aana ay ku soo aaday, iyadoo dal ku gala yoolole doorasho.

 Bogga cusub ee Madaxweynaha ka sa meystay Twitterka ayaa la sameeyay bi shii hore, waxaa na cinwaankiisu yahay @HEhassansheikh.

Madaxtooyada Somalia ayaa horay u la heyd Bog Twitter, taasoo ka dhigan mid aan Mada xweyn uhu gaar u aheyn, maa daama magaca uu wato yahay ee Villa Somalia uu noqon karo mid ka dhaxe eya Madaxweyne kasta oo xafiiska yimaada, waxaana boggan Twitterka uu yahay mid dad ka badna 80 kun ay Follow ku yihiin.

Durbaba Madaxweynuhu waxaa uu boggiisa Twitterka ku xoojiyay ololihiisa doorasho iyo dad aalka uu ugu jiro in mar kale ku guuleysto Kursiga Madaxtiniada Soomaaliya.

Fariimo qoraaleedkii u dambeeyay ee la soo dhigay barta Twitterka Madaxwey naha ayaa u bad naa halku dhigyo ku aad anaa ololaha doorashada sida

"Qabyo nin keeda ayaa dhameystira #

Qabyotire Mad axweyne Xasan Sheekh.

Dad badan ayaa aaminsan in Madaxw eynaha uu doonayo in fariimahiisa gaars iiyo bulshada kala duwan ee isticmaala baraha bulshada, waxaana horay Madax weynuhu u lahaa Facebook gaar ah, ba lse muddo iska ahaa fadhiid, hase ahaa tee dhowaanahan juhdi badan la geliyay.

Inkastoo la ogsoon yahay in baraha bul shada aanay aheyn kuwo wax laga door an karo, balse xeel dheerayaasha ku taqa susay arrimaha Social Media ayaa aami nsan in loo adeegsan karo fariimaha sida deg degta dadka ku nool caalamka loo gaarsiin karo, waxayna xoojin u noneysaa ololaha doorashada ee Madaxweynaha, maadaama Musharaxiin badan ay lee yihiin Baro u gaar ah. twitterxasanxiga sho:jowhar.com

MADAXWEYNAHA DAWLAD G/PUNTLAND OO XAFIISKIISA KU QAABILAY WAKIILKA MY. QAABILSAN SOOMA LIYA

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay Qasriga Madaxtooya da maamul goboleedka Puntland ee Ga roowe ku qaabilay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambass ador Michel Carvone.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee maamul gobo leedka Putland Shire Xaaji Faarax iyo Ag aasmiha guud ee Madaxtooyada Put land Deeq Saleebaan Yuusuf waxaana looga hadlay sidii loo sii dardargelin lahaa ma shaariicda horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland oo ay ka mid ta hay barnaamijyada caafim aadka, dhisma ha iyo dib u dayactirka waddada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo iyo mashaariico kale oo tiro badan oo midowga Yurub uu ka fuliyo Puntland.

Wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador Michel Carvone ayaa maamulka Puntland ku am maanay sida ay uga faa’iidaysaneyso ma shaariicaha horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland, isla markaana waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan taag eeradooda ay la garab taagan yihiin Puntland.

Michel Carvone ayaa mar uu ka hadl ayey arrimaha Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka dadban ee dalka ka qab soomi doona dhawaan waxa uu ku bogaa diyey dawlad goboleedka Puntland sida ay uga go’antahay in dalka Soomaaliya uu hore u socda iyo in la helo dawladnimo Soomaaliyeed oo cageheeda isku taagta.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntl and Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahad celiyey midowga Yurub taageeradooda lixaadka leh ee ay la garab taaganyihiin Puntland, isla mar kaa na waxa uu intaa sii raaciyey in ay dawl adda Puntland ka faa’iideysanayso dham maan masha ariicahaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shee gay in ay ambassadorka kawada hadle en arrimaha Soo maaliya gaar ahaan arri maha la xiriira geeddi socodka doorasho oyinka dadba, iyadoona uu Madax weyn uhu xusay in dhammaan heshiisyadii ay dhawaan madasha wadatashiga qaranku wada saxi ixday ay Puntland sidii loogu he shiiyey uga wada hirgeleyaan xilligi loogu talo galay.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawlad da Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Mid owga Yurub ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan sidii ay Soomaaliya ula soo laaban lahayd dawla dnimadii iyo qarranimadeedii, iyadoona uu Madaxweynuhu meesha ka saaray in aanay Puntland aqbali doonin in wax dib u dhac ah oo dambe lagu sameeyo doo rashooyinka dadban. DHAMMAAD

HAY’ADA CULUMADA SOOMAALIYEED OO KA MUUJIYAY WALAAC KURAASTA 30% AH EE LA SIIYAY HAWEENKA

Hay'ada culumada Soomaaliyeed ay aa Shalay walaac ka muujisay qoondada 30% ah ee Hawe enka ay ku leeyihiin hay’ adaha dastuuriga ee DFS, gaara haan Saamiga kuraasta Baarlamaanka la dhisi doono dhawaan. Shir jaraa'id oo ay haya 'dda culummadu ku qabteen Muqdisho, ayay ku shee geen inay tahay in si siman Rag iyo Dumarba loogu Tartamo Kuraas ta Aqallada Sare iyo Hoose ee Baarlama anka Soomaaliya, intii cid gaar ah meel loogu xiri lahaa kuraas gaar ah. "Inagu ummad Islaam ah baanu nahay, wax walba oo la sameynayo waxaan doo naynaa inaan u fiirino arrintan ma xay diin ta Islaamku ka qabtaan. Diinta Islaamku Haweenku qorshe ayay ugu taloga shay… Waa wa rshad soo saarta bani’aad amka, waxay tarbiyeeyaan madaxda, Ha wl gaar ah ayayna leeyihiin, in siyaaadda meelaha sare ay ka galaanna looguma ta logelin,” sidaa waxaa yiri Afhayeenka ha y’adda Culummada Soomaaliyeed, Sh. Nuur Baaruud Gurxan.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa xusay in Qorshaha Haweenka loogu sameeyay qo ondada gaarka ah kuwo ay wataan kooxo dano gaar ahaaneed leh oo raba inay innaga na dumiyaan.

Mar la weydiiyay afhayeenka, inay xaq u leeyihiin haweenka inay kuraas ka hel aan baarlam aanka si ay u helaan cid ku metesha ayuu ku jawaabay. "Iyaga uma kala soocna; Baarlamaan, Mad axweyne iyo Wasiir. Haweenka waan aragnay wax ay sheegeen in ay rabaan illaa madaxwe yne waxaadna mooddaa inaysan sharci ga eegayn.”

Sheekh Nuur Baaruud ayaa intaas ku daray. "Marka la eego Arrinta la xiriirta Ba arlamaanka… Mid Annagu waan ka gaab san lahayn Haddii ay Sameeyaan. Haddii ay Baarlamaanka u soo galaan sida ay Raggu ugu Tartamayaan oo ay u soo gal aan, weliba iyagoo aqoon u leh, da’doodu na horay u badatay, ayna baarlamanaka gudihiisa anshaxa ku ilaaliyaan. Balse waxay leeyihiin innagu ragga ayaan la mid nahay.”

Afhayeenka, ayaa waxaa kaloo la wey diiyay su’aal ahayd; Dhaqanka Soomaali da inuusan u saa maxeyn inay Baarlaman ka Federaalka u soo Tartamaan ayaa la ga yaabaa, marka maxaad ku diid aysaan in 30% kuraasta baarlamananka loo ba nneeyo haweenka, wuxuuna ku jawaa bay. "Bul shada in la khasbo bulshada oo haddii dhaqankii diiday la yiraahdo waa la idinku qasbayaa, halkee ku qoran tahay, Dastuurkee ayayse ku qoran tah ay. wadamada gaalada iyagu dadkooda ma qasb naan oo qoondooyin gaar ah ma u sameeyeen haweenkooda. Marka wax aan Waddamadooda ka jir in in innagoo ah muslim ay nagu qasbaan waxay diid een, taasna waxaan u ragnaa xaqdarro iyo dulmi.”

Ugu dambeyn, Hay’adda Culummada Soomaaliyeed ayaa waxay Dhanka kale ka digeen in la Mu suqmaasuqo doorasho oyinka la filayo inay dhawaan dalka ka dhacaan, iyagoo ku baaqay in mas ’uul iyiin lasoo dooranayo lagu soo doorto aqo on iyo karti.

KUXIGEENKA TALIYAHA CIIDAMADA AMIS OM OO SOOMAALIYA QEYBO KA TIRSAN BOOQDAY

xigeenka taliyaha ciidamada AMISOM, Mohammedesha Zeyinu ayaa Soomaali ya qeybo ka tir san booqday. Wuxuu xil kaa Mohammedesha Zeyinu hayay mud do ka badan hal sano iyo bar. Hor ay wux uu u heyn jiray xilka hawlgalada iyo qorsh eynta ee AMISOM.

Xaflad muddo gaaban gudaheed lagu qabtay xarunta AMISOM ee Muqdisho ay aa waxaa kala soo qeyb galay Mohamm edesha Zeyinu taliyaha AMISOM Cusm aan Subagle iyo Jeneraal Nakibus Lakara oo AMISOM u qaabilsan Taageerada iyo Tasiilaadka iyo waliba saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan AMISOM.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan hawl galkaan ka qeyb qaatay. Waa hawl gal Af rikaan waxaana ka helay khibrad badan la shaqeynta walaalahayga Afrikaanka ah'. Sidaa ayuu yiri Mohammedesha Zey inu.

'Waxaanu kala baranay khibrado waxa ana og nahay awoodeena ka Afrikaan ah aan waxa loo ba ahan yahayna waa in aan samayno oo maareyno hawl galo noo caa oo kale ah'. Mohammedesha Zeyinu intaana waa uu raaciyay.

Sidoo kale taliyaha AMISOM Cusmaan Subagle ayaa ku ammaanay Mohamme desha Zeyinu gac antii uu ka geystay soo celinta ammaanka Soomaaliya.

BADHASAABKA TOGDHEER: TALLAABO AYA AN KA QAADI DOONAA DHALLINYARADA DAD KA BAARTA HABEENKII

M/Burco ee Xarunta G/Togdheer, ayaa la sheegay inay baryahan dambe ku soo badanayaan dhallinyaro habeenkii jidadka dadka ku baadha isla markaanka shacab ku ka cawdaan. Barasaabka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doonno kooxo dhalin yaro hubaysan oo khalkhal ku rid ay amaanka magaaladda Burco, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka reer Burco ee jidadka maraya. ayaa sheegay in haddii ay waalidku wax ka qaban waa yaan dhalinyartaas in loo gudbin doonno guddida nabadgalyadda iyo hay’adaha amaanka oo uu xu say inay talaabo adag ka qaadan doonaan.

Kooxahan dhalinyarada shuftadda ah oomudooyinkan danbe ku soo kordhay M/Burco ayaa la sheegay inay xaafadaha Magaaladaas ka gaystaan falal budhcadn imo ah, iyadoo baadhasho iyo dhibaatoo yin kaleba u gaystaan dadweynaha. Maxa med Ibraahim Qabo, ayaa kulan la yee shay hay’adaha ammaanka, isla markaa na sheegay in gudidda nabadgalyaddu xukumi doonto dhalinya radda rabshaddo ka gaysta Magaaladda. Waxaana kulanka asi ka soo qayb galay badhasaabka go bo lka, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Togdher,guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Togdheer, taliyey aasha saldhigyadda booliska ee magaaladda Burco.

"Waxaa laga rabaa waalidiinta inay ogaadaan meesha ay ka soo toosaan uba dkoodu,waxaan anu uga digaynaa waalid ka iyo caruurtoodaasi, tallaabo ayay daw ladu ka qaadi doontaa, gobol ah aan, ka gudi nabadgeliyo ahaan, iyo ka maamul ahaan”ayuu yidhi gudoomiye Qabo.

Maxamed Ibraahim Qabo, waxa uu sheegay inay qaadayaan tallaabooyin la gu xakamaynayo dhalinyaraddan shuftad da ah. "Waxaanu qaadi doonaa tallaabo, tallaabadaasina ka farxin mayso in ba dan oo waalidiin ah. Waxaanu halkan u marinaynaa waalidka ilmahiisa hayn waa ya, waa loo ha ynayaa, oo dawladda ayaa u haynaysa. Haddii aad waalidoow hay san waydeen ilmihiinii, annaga ayaa idiin haynayna. Waxaanu idiinku haynaynaa in aanu tarbiyadiisii hore dib ugu soo celino, in aanu naasnuujintiisii dib ugu soo ce lino. Waxaanu u haynaynaa in aanu dhib in dadka dariiqyadda maraya, oo aanu noqon qaadiculdariiq”

Sidoo kale, G/G/Togdheer, mar uu faah faahino dheeraad ah ka bixinayay kooxa han dhalin yaradda ah iyo falalka ay gayst aan, wuxuu yii. "Waxaa beryahan M/Bur co ka dhaca, oo aan hore uga dhici jirin, in dhalinyaro aad u yar yar oo 20 jirro ah, oo waxbarta oo arday ah, inta ay Goyaal dhigtaan dariiqyada magaaladda, in qof kastoo soo mara dariiqaasi ay ku yidhaa hadan 2000 Shil ling ku rid, oo ay dadka baad ka ururiyaan.Mid wadaad ah, mid waayeel ah, hooyooyinka iyo habl aheenii, inay yiraahdaan 2000 shilling ku rid had dii kale halkaas dhaafi maysid, iyadoo ay dhacdo in qof saacadda uu xiran yahay laga furto ama wixii la doonno lagu same eyo”.

Dhallinyaradan habeenkii dadka baa dhaysa oo sidoo kale ku soo badanaya ca asimadda Ha rgeysa ayaa haddii wax laga qaban doono halis amni daro ku abuuri karta, waxaanay keenta in dad weynuhu habeenkiii ka baqdaan dhalinyaradaasi.

ERGADA SHIRKA JOWHAR OO BILLAABAY AQRI NTA DASTUURKA MAAMULKA LABADA GOBOL

Qabya qoraalka Datuurkan Dowlad Go booledka Hiiraan iyo Shdhexe, oo ka koo ban 7 Cutub, ayay shalay guda galeen in ey aqriyaan Ergada shirka dhismaha maa mulka Labada Gobol. Qabya qoraalka, ay aa waxa ku jira Cutubyo muhiim ah oo ka hadlaya Astaanta maamulka, xuduu dihi isa iyo nidaamka uu ku shaqeynayo Dowl ad goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaara da arimaha gudaha iyo FS, Yaxye Cali Ibr aahim,ayaa shee gay in qorshuhu yahay in Ttodobaadkan lagu soo dhameeyo shir ka Ergada ay ku ansixinayaan qab ya qor aalka Dastuurka.

"haatan waxa si toos ah u bilowday aqr inta qabya qoraalka dastuurka D/Gobol eedka Hiiraan iyo Sh/dhexe waxaan rajay naynaa inay bilaabato barrito doodda qab ya qoraalka dastuurka ee erg ooyinka in sha allah waxaana na soo gaari doono wafdi qaran oo ka socdo hay’adaha mad axa bann ana ee dalka ,kuwaas oo la soc onaya Dastuurka doodiisa’’ ayuu yiri Dr; Yaxye.

Xoghayaha Joogtada ah ee W/Arrima ha gudaha ,ayaa dhanka kale tilmaamay in shirka Ergada ay barbar socoto xulista xildhibaannada DG/ Hiiraan iyo Sh/dhexe

W/Ar/Gudaha oo garwadeen ka ah habsa mi u socodka Shirkan ayaa sheegtay in Sabtida foodda nagu soo hayo uu qorsh uhu yahay dhaarinta Xildhibaannada Ma amul goboleedka, iyadoo dhisma hiisuna lasoo gabagabayn doono 15ka Bishan Oktoobar.

CALI KHALIIF OO SHEEGAY INAY ISAGA BAXAYAAN WADA HADALKA AY KULA JIRAAN SOMALILAND HADII…

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay isaga baxayaan wada hadalka ay kula jira an Maamulka Somaliland, haddii aysan joojin waxa uu ugu yeeray fara felin iyo ka la qeybin ay ku wadana dadka reer Khaa tumo. Dr. Cali Khaliif ayaa sheegay in uus an diyaar u aheyn inuu ku biiro maamulka Somaliland, waxaana uu beeniyay warar soo baxayay oo she egayay inuu ka mid noqonayo maamulkaas.

"War aniga meeshaas waxba kama ra bo, waxba kama noqonayo, nimankaas fa ra gelin bey na gu hayaan, siyaasiyiintee na,odayaasheena iyo dadkeena ayay ka la qeybinayaan”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu iska diiday inuu ka qeyb galo shirka ka socdo Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo beesha Dhulbahante ee degta G/ Sool, Sanaag iyo Cayn sida uu yiri.

Wada hadalo u dhaxeeyay M/ulka So maliland iyo Khaatumo ayaa dhowaan bi lowday, waxaana wada hadaladan looga golahaa, sidii meesha looga saari lahaa xi isadaha soo noqnoqday ee 2da dhinac u dhaxeeya iyo in dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay nabad ugu wada nool aan lahaayeen.

1500 SARGAAL OO KA TIRSAN NABAD SUGI DA OO LAGA DALBADAY IN AY BOOSASKOO DA BANNEEYAAN

Madaxa nabad sugida ayaa doonaya in uu xilka ka qaado 1,500 ka tirsan nabad sugida Soomaal iya maadaama falalka am ni darro ay kusoo badanayaan dalka. Wa xaa shalay warbaahintu heshay in Jen. C/Laahi Gaafow uu qorsheynaayo inuu xil ka ka qaado saraakiishaa. Waxaa warar ku intaa ku darayaan inuu shaaciyay mar hore in la doonayo in ay is casilaan.

 Jen.C/Laahi Gaafow ayaa ku eedeeyay xubnahaa ka tirsan laamaha ammaanka in ay gabeen waajibaadkoodii. Wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu dib u soo nooleeyo hoggaanka hayada amma anka sidaa darteedna uu damacsan yah ay inuu keeno saraakiil cusub oo hawl kar ah kuwaasoo sida uu sheegay ka adkaan doona jabhada AlShabaab.

C/Xakiim Farey, taliyihii hayada nabad sugida ee Muqdisho ayaa noqday sarga alkii ugu dambeeyay ee xilka laga qaad ay. Jen.C/Laahi Gaafow ayaa wacad ku maray in uu furi doono bog cusub marka laga hadlaayo shaqada hayada nabad su gida.

Si kastaba ha ahaatee waxaa wali sii socda qaraxyadii ayadoo dorraad xataa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buux shay lala eegtay maqaaxida Blue Sky, gu daha Muqdisho halkaa oo dhawr qof ku dhinteen.Xarakada alShabaab ayaa ku hanjabtay in weeraro badan ay qaadi do onto xilliga doorashoyinka ee sanadkaan. Xigasho:Hiiraan.com

SHURUUD CAYNKEE AH AYAA LOOGA BAAH AN YAHAY DADKA DOONAYA KA MID NOQO SHADA XUBNAHA AQALKA SARE EE GALM UDUG?

G/Doorashooyinka Heer D/Goboleed ee M/ulka Galmudug, ayaa soo bandhig ay Shuruudaha laga doonaayo ruuxa ka mid noqonaya Xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Deeganada Maamu lka Gal mudug. Xilligaan waxaa si dar dar leh ku socda loolanka loogu jiro ka mid noqosha da Xubn aha Aqalka Sare ee dalka iyo si doo kale Aqalka hoose, iyadoo M/Cada ado ay ka socdaan shirar kala duwan oo la xiriira arimahaasi, halka arimaha la xir iira Doorashooyinka iyo Ergooyinka ay mara yaan meel wanaagsan. Afhayee nka G/Doorashooyinka M/ulka Galmudug Yuusuf Maxamed oo Warbaahinta kula ha dlay M/Cadaado, ayaa wuxuu shaa ciyay Shuruudaha looga baahan ya hay inuu soo buuxiyo ruuxa doonaya ka mid no qoshada Xubnaha Aqalka Sare ee Ma amulka Galmudug.

1:Qof kasta oo haaya Xil Siyaasadeed ee doonaya Aqalka Sare, sida Xubin Baar lamaan, Wasiir heer Gobol ama Taliye cii dan waa inuu iska casilaa xilka uu haayo.

2: Inuu haysto Shahaado Dugsiga Sare ama wax u dhigma. 3: Inuu bixiyo lacag dhan $10,000 oo Doollarka Marey kanka ah taas oo laga rabo xubin kasta oo u tartameysa aqalka sare.

4:In Madaxweynaha Galmudug uu u soo gudbiyo Guddiga Doorashada ruuxa doonayaa inuu u tartamo Aqalka Sare ee dalka ugu dambeyn 5ta Bisha.

Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu sheegay u gu dambeyn Maalinta Arbacada in laga doonaayo dadka u tarta maya xilkaan inay u gudbiyaan War qad ahooda Madaxweynaha Galmudug C/k ariin Xuseen Guuleed.

DUQA MUQDISHO: WAA MUHIIM IN LA FURO WADDOOYINKA LAGU XIRXIRTAY DHA GAXAANTA IYO CIIDDA

Guddoomiyaha G/Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa amray in la furo waddooyinka lagu xirtay dhagaxaanta ee ku yaalla M/ Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa sheegay inays an ogolaan doonin xi rnaanshaha qaar ka mid ah waddooyin ka muhiimka ah ee Caas imadda, isagoo ugu baaqay cid kasta oo ay waddo u xiran ta hay inay furto.

"Runtii waa mid dhib aato weyn leh in cid walba ay dha gax ku xirato jidadka wa aweyn ee Muqd isho. Dhagax walba maceinayo Amni mas ugo, waxaana rabaa in la qaado dhamma an waddooyin ka dhag xaanta lagu xiray,” ayuu ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, Yuusuf Jimcaale ayaa she egay in caasimaddu ay ciriiri gashay, ka dib markii ay soo kordheen waddooyinka dagaxaanta iyo carrada lagu xiranayo, is la markaana gaadiidka qaar ay mari la’yi hiin. Shacabka ku nool Muqdisho ayaa dhawaanahan si weyn uga cabanayay wa ddooyin ka xiran, iyadoo dhawr jeer laga dalbady hay’adaha ay u xiran yihiin wad dooyinka qaar inay furaan waddooyinka, balse weli laguma guuleysan.

Ugu dambeyn, Duqii hore ee Muqdi sho, Gen.Muungaab ayaa horay isugu dayay inuu waddooyinka xiran furo, taas oo muran siyaasadeed xooggan dhalisay, lamana oga sida uu ku fuli doono amarka cusub ee guddoomiyaha gobolka Banaad ir ahan Duqa Muqdisho uu soo saaray.

KENYA OO CAFIS U FIDISAY DHALINYARADA KENYAAN AH OO AL SHABAAB KA TIRSANAA

Kenya ayaa sheegtay inay waqti kor dhin u samaysay cafiska ay u fidinayso muwaadiniinta Keny atiga ah ee kujira Xar akada Al shabaab. Dhalinyaradaan Ken yanka ah ee ku biiraya Al shabaab ayaa waxaa dowlada Kenya ay sheegtay in ay sabab u tahay dhaqaalo xumo haysta.

Nelson Marwa oo ah xiriiriyaha Gobol ka xeebta ayaa waxaa uu tilmaamay in dawladu ay siiwadi doonto dhaqan celinta ay u samaynayso muwaadiniinta kasoo la abanaya Xarakada Al shabaab.

Marwa oo la hadlaysay Capital FM ayaa waxaa uu sheegay in ay ugaraabaya an dhalinta doonaya in ay dib usoo laabta an,waxaana uu sheegay in aysan suur tagal ahayn in ay la dagaalamaan dawla da.Barnaamijkaan cafiska ah ee loogu ya boohay dhalinyarada ku biirtay alshabaab ayaa waxaa bilaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Minister Joseph Nkaissery sanad kii March 2015tii.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gu daha ee dalka Kenya illaa iyo bishii March sanadkii 2015, 1,000 ayaa iskusoo dhii bay dawlada Kenya kuwaas oo dhaqan celin loosameeyay.

AMAANKA MUQDISHO OO AAD LOO ADKEE YAY KA DIB XOG HALIS AH OO LA HELAY..

Gaari Xabadda aan Karin (Pullet Proof) , oo ay ka buuxaan walxaha qarxa ayaa la ogaaday inuu dhex wareegayo M/ Muq disho,kaasi oo qaraxyo lagu fulin rabo.

 Inkasto si dhab ah loo ogeyn halka lala damacsan yahay ayaa hadana,waxaana ji ra warar hordhac oo laamaha amaanka la ga helayo,kaasi oo sheegaya in lala dam acsan yahay goobaha dadka ay isugu yimaadaan.

Sarkaal Boolis oo magaciisa ka gaabsa day inaan isticmaalno ayaa sheeg ay inga bi ahaanba la xiray wadooyinka muhiim ka Muqdisho, isla markaana Ciidanka amaanka feej ignaan dheeri ah ay ku jiraan si ay kaga hortag aan gaarigaasi Qaraxyada ay ka buuxa an. dhamaan Gaadiid Dowladda gaar ahaan kuwa Xabada aan Karin ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan wad ada Ma ka Almukarana,waxaana lagu sa mey nayaa baaritaan xoogan.

Dorraad ayaa waxaa laga kala carar ay goobaha dadweynaha isugu yimaada an iyo qaar ka mid ah xarumaha Dowlad da ka dib markii laga war helay gaari qar axyo ay ka buuxaan oo Magaalada dhex wareeg aya.

Alshabaab ayaa isticmaalaya xeelad kasta oo ay isleeyihiin waad ku gumaadi kartaan Shacabka iyo madaxda Dowlad da,waxayna qaraxyo ka fuliyeen M/Gaar igaasi dadka ay ka baqayeen ayaa ku qar xay afaafka hore ee maqaayada Blue SKY oo 2qof ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Amaanka M/Muqdisho ayaa si weyn loo adkeey ay,waxaana xil ka laga qaaday taliyihii Ciidanka NISA G/B/dir mid cusubna lagu badalay.

AGOONTII UU KA GEERIYOODEY WARIYE AXMED FARDOOLE OO KU DHIBAATEYSAN MAGAALADA MUQDISHO.

Iyadoo la ogyahay xaaladda Soomaa liya sida ay tahay ayaa Dhibaatada ugu daran waxay ilaa iyo hadda haysataa Car uurta Ogoonta ah ee Aabayaashood ay Geeriyoodeen kuwaas oo ku nool Xaalad aad u adag oo qalafsan maadama aaney haysan damanadqaad la xiriir dhinca no loshooda. Maalin dhow ayaan booqdey Caruurtii uu ka geeriyoodey mid ka mid ah Weriyaashii M/Muqdisho, Maxamed Axmed Fardoole oo u shaqeynayey TVga Caalamiga ah ee Press TV waxaan ha lkaas ku soo arkey xaalad aad u daran oo ka muuqata caruurtaas Agoonta ah.

"Intii uu Aabahood u shaqeynayey car uutaan waxay ahaayeen kuwa ku noolaa Nolol wanaagsan”. sidaa waxaa tiri Caru urta Hooyadood Fartuun Cabdi Maxamu ud Waxayna intaas ku dartay. "markii uu Geeriyoodey kadib caruurtani Maalin wax bay helaan oo waa ay quutan maalina wa a ay waayan oo waa ay qadaan” Hooyo artuun oo sii hadashay ayaa sheegtey in markii uu Geeriyoodey Aabe Maxamed Axmed Fardoole ay Caruurtaasi waayeen Waxbarasho, Caafimaad iyo Adeegyada kale ee Bulshadda oo ay markii hore hay steen. Ugu dameyn Hooyo waxay u soo jeedisey shacabka Soomaliyeed gaar aha an bahda Warbaahinta, Ganacastada Ilaa hey wax Siiyey, Haweenka, Siyaasiyiinta iyo Hayadaha Samafalka inay Caawiyaan caruurta Agoonta ah oo haatan aad u liita, waxayna Hooyo Fartuun Cabdi Maxamu ud si gaar ah Codsi ugu dirtey Qaybaha ka duwan ee Warbaahinta Soomaalida ga ar ahaan kuwo Muqdisho oo uu fardoole ka mid ahaa. Hadaba Cidii Dooneysa in ay Caawinto Caruurtaas Agoonta ah

Ha kala Xiriireen Hooyo Fartuun Cabdi Maxa muud Tel: 00252615925224

C/KARIIN GUULEED OO MAGACAABAY GUD DI BAARA DUQEYNTII MAREYKANKA UU KU LAAYAY CIIDANKA GALMUDUG

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gu uleed ayaa magacaa bay Guddi Baaritaan ku sameeya Duq eyntii lagu laayay ciidamada ka tirsan Ma amulka Galm udug ee ka dhacday Deega anka Jeexdin ee Gobolka Mudug.

Warqad magacaabis Guddigaan ah oo ka soo baxday Xaf iiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu sheegay in Guddigaan ay ka kooban yihi in 8 xubnood.

Waxa ay isugu jiraan Guddigaan Wa siir, Guddoomiyeya al, iyo Saraakiil ciidan kuwaasi oo sida u gu dhaqsiyaha badan u guda geli doono Baaritaanka la xir iira Duq eymihii ka dhacay Duleedka Gaa lkacyo.

GAARI UU WATAY SARKAAL MILLATERI OO LA GU QARXIYAY DEGMADA DHARKIINLEY

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Dharkiinley ee G/Bana adir qarax gaari ayaa shalay wuxuu ka dhacay waddada ka baxda Isgoys ka ExControl ee aada dhanka Laamiga Xoosh. Gaarigaan oo uu watay Sarkaal ka tirsan Millateriga D/Somaliya ayaa la qarxiyay, xilli uu maraayay meel u dhaxeysa Xerooyinka Rajo iyo badbaado ee ku yaala Deg mada Dharkiinley.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Dabdamiska G/Banaadir oo lagu magacaabo C/naasir, ayaa Dhac do.com u sheegay in gaariga uu ka qarxay qaybta Darawalka uu fariisto. Wuxuu sheegay ninkii wat ay gaariga oo lugaha ka bur buray, islamarkaana dhaawaciisa uu culus yahay meesha laga qaaday, loona qaaday goobaha caafima adka. Sarkaalkaan ka tirsan Millateriga ee la qarxiyay aynaan helin magaciisa, balse waxa ay sheegeen dadkii meesha ka ag dhawaa gaariga inuu ka yimid dhanka Wa rshada Nacnaca, islamarkaana isaga oo socda mar un inuu qarxay. Majiro Khasaa re kale oo dhaa waca ah ama dhimasho ah oo ka dhashay Gaarigaasi, ma adaa ma ruuxa watay kaliya uu saarnaa gaari ga qarxay.

Kooxda Dabdamiska G/Banadir oo gaar tay goobta gaariga uu ku qarx ay ayaa ku guuleystay inay baqtiiyaan dabkii ka dha shay baabuurkaasi. Dorraad ayeey aheyd markii qarax gaari oo ka dhacay agag aarka Maqaayada Bl ue Sky ay ku dhinte en labo ruux oo sha cab ah.

RADIO KULMIYE OO KULMIYEY QOYS 10SANO KALA MAQNAA”SAWIRO +WARBIXIN”

Nasro Cismaan Cali waxa ay aheyd Gabar yar oo Qoyskeeda ka luntay mudo la ga joogo 10 Sano,waxaanaShabakad da Wararka Kulmiye ay Maanta ku Guule ysatay in ay isku keento Qoys kaasi kala maqnaa mudada dheer.

Shabakadda Wararka kulmiye ayaa baa hisay Warbixin ka hadleysa Nasro oo ba adi goob ugu jir ta in ay hesho reerkeeda oo ay la’aydMudada aadka u dheer , waxaana Nasro xiligaas ay qabtay dareen ah in mar uun ay heli doonto Ehelkeeda.

Qoyska Nasra ayaa nasiib wanaag waxaa usuurto gashay in ay dhageystaan warkii Duhur ee shalay ka baxay KNN isl amarkaana lagu bahiyey waraka ku saa bsan Nasro Cismaac Cali oo mark aas ba adi goob ugu jirtay sidi ay ku heli laheyd Reerkeeda oo ay magac ahaan ka xusas ato Mag aca Aabaheed oo ay ku soo ko obtay Cismaan, Maadama xilliga ay lun tay ay jirtay 4 sano oo ays an Xasuusan karin Magacyada kale ee Qoyska ay ka dhalatay. Aaba Cismaan Cali oo dhalay Nasro Cismaan oo ay weheliyaan qaar kamid ah Qosykiisa ayaa Xarunta Idaaca da kulmiye noogu yimid si ay noola Wad aagaan Xo gta warka Gabadhooda oo aan baahinay, Maadama Gabadhooda oo ay ka quuste en inay helaan Jaan iyo cirib meel ay dhigtay.

Aaba Cismaan Cali ayaa nala wadaag ay darenkiisa farxadeed ee ah inuu la mi doobay Gaba dhiisa isagoo ka sheekeey ey xiligi ugu danbeysay Nasro iyo waxa uu dareemay Marka uu Maqlay in Gaba dhiisa ay noo shahay. Nasro Cism aan oo ah Gabadha maanta dib ula mido wday qoyskeeda 10 sano oo ay ka maqn eyd ka dib islamarkaana dareen farxad eed uu ka muuqday ayaa sheegtay in ay ku Faraxsan tahay in Waalidkii dhalay iyo Walaalaheed ay la midowdo.

Sidoo kale Shugri oo ah Gabadhii ka dambeysay in ay is helaan qoyskaan ka dib markii ay lasoo Xariirtay KNN si Gaba dhaan qoyskeeda loogu raadiyo ayaa iya na sheegtay in ay ku Faraxsan ta hay Qoy ska kala Maqnaa Mudada dheer ee ay Ku lmisay Idaacadda Kulmiye.

Agaasime kuxigeenka Radio Kulmiye Burhaan Diini Faarax ayaa u maha celi yey Ehelada Nasro iyo Gabadha kale ee ka qeyb qaadatay in Nasro ay hesho Ree rkeeda. Shabakadda Wararka Kulmiye ayaa sidaan oo kale waxaa ay horey ugu Guuleysatay in ay isku keento Qoysas kal maqnaa mudo ka badan 20 sano kadib markii Idaacadda kulmiye ay baahisay Warbixino ka hadlayey Qoysaska kala Maqnaa uu Alle qadaray inay Midoobaan

DAD LAGU DILAY ITOOBIYA KA DIB ISBUURASHO KA DHALATAY BOOLISKA DAD ERYAY..

Tiro dad ah ayaa ku dhintay dalka Itoo biya, ka dib isbuura sho ka dhalatay bool is kala eriyayay dad mudaharaad ka dhigayay goob lagu cibaadeysanayay. D/Itoobiya ayaa qirtay in dad ay ku dhin teen rab shad ka dhacday magaalada Bishoftu ee gobolka Oromiya.

Weriyayaal ayaa arkay meydad badan oo lagu daadiyay meel god ah, waxaana ilo wareedyo mu caaradka taabacsan ay sheegeen in dadka dhintay ay gaarayaan 50 qof. Rabshadda ayaa la sheeg ay inay bilaabatay ka dib markii ay dad mudaha raad samaynayay ay horjoogsadeen khud bado ay odayaal ka jeedinayeen goob la gu cibaadeysto.

Dadka mudaharaadka samaynayay ay aa gacmaheeda oo isdhaafsan kor u taa gayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oroma da. Rabshadaha dhawaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay Dowladdu shaacisay Novembertii hore, kaasoo caa simadda Addis Ababa loogu ballaarinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya

.Beeraleydaqowmiyadda Orom ada ayaa ka cabsi qabay in tallaabadaasi ay ka bar akicin doonto be erahooda

MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO KU WAJAHAN MAGAALADA BAYDHABO

 Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Madaxtooyada Somaliya, Xasan Sheekh Maxa muud, ayaa wuxuu ku sii jeedaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Ilo wareedyo ku dhaw Xafiiska Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhacdo .com u sheegay in Madaxweyn aha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta taga ayo Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ku la mo uu kula soo qaadan doono madaxda Ma amulka Koonfur Galbeed.

Inkastoo aanan si cad loo ogeyn ujeedada rasmiga ah ee Madaxweynaha So maliya uu u tagaayo Magaalada Baydhabo, ayaa hadana wararka qaar ee soo baxaya waxa ay sheeg ayaan Safarka Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagaayo Baydhabo inay la xiriirto arimo ku aadan Doorashooyinka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Musharax u taagan qabashada hogaanka dal ka mar ka le, ayaa loolan adag ugu jira helida Xubnaha Baarlamaanka ka soo galaayo Dowlad Gobo ledyada dalka ka jira si codkooda hadhoow uu ugu tashto.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbe ed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah shaqsi siyaasi ah, ayaa galaangal xoogan wuxuu ku leeyahay Xubnaha doonaya inay ku biiraan Baarlamaanka cu sub ee dalka, si Shariif Xa san musharaxiinta uu gor gortan ugula galo codadka Xildhibaanada Ko onfur Galbeed ka imaanaya.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay, gaar ahaan Garoonka Diyaarada ha ee Sha ati Gaduud ee Magaaladaasi, halk aasi oo ciidamada Amisom iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku sug an yihiin.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sug an qaar ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya Madax tinimada Somaliya.

Xigasho dhacdo.com

AL-SHABAAB OO SHEEGAY INAY KA DAMBE EYEEN QARIXII BAARKA BLUE SKY

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin weerarkii qaraxa ee dorraad lagu qaa day Maqaaxidda Blue Star oo ku taa lla agagaarka Taalladda Xa awo Taako ee magaalladda Mu qdisho.

 

Afhayeenka Hawlgalladda Milliteri ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa u sheegay Wakaallad da Wa rarka REUTERS in weerarkaasi lala beegsa day xubno ka tirsan Ciid anka Ammaanka oo ka cunteynaysay Maqaa xida Blue Sky.

"Annaga ayaa ka dambaynay Weerarkii Blue Star Restaurant” ayuu yiri Sheekh C/ca siis Abu Mus cab oo intaasi ku daray in weera rkaasi lala doonayey Ciiddanka Ammaanka iyo Saraakiisha ka sha qeeya Xarunta dadka lagu xiro ee loo yaqaano Godka Jilicow.

Af-hayeenka Alshabaab ee dhi naca Hawlgalladda Milliteriga, Sheekh Abu Muscab waxa uu REUT ERS u shee gay inay weerarkaa si ku dileen ugu yara an 10qof.

Dhinaca kale, Afhayeenka Maamulka Gobal ka Banaadir, C/fataax Cumar Xala ne ayaa u sheegay Wakaalladda wararka REUTERS in ay ugu yaraan 3 qof ku gee riyootay qaraxaasi, halka ay 4 kal ena ku dhaawacme en. Guddoomiyaha Degm ad da Boondheere, Qaasim C/llaahi Xas an ayaa isag ana tilmaa may inay 2 qof ku geeriyootay qaraxaasi, kuna gubteen ilaa 3 gaari.

RA’IISUL WASAARE KU XIGEENKA DALKA IYO ODAY DHAQAMEEDYADA GOBOLKA HIIRAAN OO ISKU AFGARTAY QODOBO DHOWR AH

Wafdi uu hogaaminayay R/W.ku xige enka Xukuumadda Federaalka Soomaal iya md.Maxamed Cumar Carteh iyo duu babka, maamulka iyo siyaasiyiinta G/Hiir aan oo kul amo isdabajoog ah 2dii cisho ee lasoo dhaa fay ku yeeshay M/Bala dw eyne ayaa isku afgartay qodobo horudhac ah.

Kulan dheer ka dib oo dhexmaray Waf diga RW.ku xiigenka dalka, iyo qaar ka mid ah du ubabka dhaqanka ee G/Hiiraan oo uu hork acayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayey ku heshiiyeen qodobada soo socda; Waxaa la isu afgartay in si degdeg ah loo bilaabo Wa dahadal la isugu soo dhaweeynayo kala ara gti duwanaanta jirta.

Waxey kalsooni buuxda siiyeen wafd iga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xige enka si ay xal ugu raadiyaan caqaba dha siy aasadeed ee hortaagan geedi so codka dhis maha maamulka lab ada gobol.

Ugu dambeyn, Wafdigi uu hogaaminay ay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa so cod dheer ku soo maray M/Baladweyne ka dibna shalay galab dib ugu soo laabtay M/Muqd isho.DHAMAAD

DONALD TRUMP "OO AAN CAANSHUUR BIXIN 18 SANO”

 Donald Trump ayaan shaacin caanshuurta uu bixiyay Wargeys Maraykanka kasoo baxa ayaa sheegay in uu helay dukumi intiyo muujinaya, in musharrax Donald Trump uu sanadkii 1995 shaaciyay in uu khasaaray lacag ka badan 900 oo milyan oo dollar.

Wargeyska New York Times ayaa shee gay in khasaarahaasi uu aad u weynaa, taas oo sharci ahaan musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Jamhu uriga u ogalaan kartay, in aanu wax caanshuur ah bixin muddo 18 sano ah. Olol aha Mr Trump, oo diiday in uu shaac iyo caanshuurta uu celiyay musharr axaasi, ay aan beenin ama ogolaan inta ay dhan tahay lacagta uu khasaaray.

War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump, ayaa lagu sheegay in uu yahay ga nacsade xir fad sare u leh hannaanka caan shuurta Maraykanka, isla markaana uu dhan kaasi kaga wanaagsan yahay qof kasta oo weligii isu sharraxay jagada madaxtinnimada dalkaasi. Musharraxa xisbiga Dim uqraadiga, Hillary Clinton, ayaa in badan ku dhaliishay Donald Trump in aanu shaacin caanshuurta uu bixiyay.

ISKAASHATOOYINKA G/BANAADIR OO KA SHIRAY KA QEYB GALKA DHISMAHA IYO HORUMARINTA MUQDISHO

Kulankaan oo looga hadlayay sidii Iskaa shatooyinka G/Banaadir uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska caasimadda Muqdi sho iyo hormarinta ganacsiga iyo kaabayaa sha dhaqaalaha ayaa lagu qabtay magaalada Mqudisho, waxaana kasoo qeybgalay Iskaa shatooyinka kala duwan ee gob olkaBan aa dir iyo qeyb aha kala duwan ee bulsha da. Gudoomiyaha iskaa sha tooyinka G/ Banaa dir Daahir Maxamuud Dirir ayaa sheegay inay dayactir ku smaeeye en xaruntii iskaashatoo yinka isla markaana hada wixii ka dmabeeya ay si dar dar leh u bilaabayaan howlaha hory aal iska ahastooyin ka.

Sidookale qaar kamid ah xubnaha iskaash atooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir oo kul anka ka hadlay ayaa ka codsaday mam aulka gobolka Banaadir in la ilaaliyo xarumihii iyo goobihii muhiimka ahaa ee iskaahatooyin ka ku shaqeyn jireen ee magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qata aan hormarinta ganacsiga iyo balaarin wax soo saarka.

Drs Mina Shibis oo ku dhawaaqday in aay tahay Musharax Xildhibaan

DRS Mina Xasan Shibis oo Maanta M/Muqdisho kaga dhawaaqday inay tah ay musharax u taag an kur siga Xildhib aanimo ee Baarlamaan ka Federaal ka Soomaali ya.

Munaasabad Maanta ka dhacday Hotelka Glopal ee magaalada Muqdisho oo ay ka soo qeyb gale en waxgarad, dhalinyaro, haween, aqoonyah ano iyo Xildhibaano waxaa taageero loogu muujiyay musharaxnimada Drs Mina Xasan Shibis.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay munaa sabada ayaa waxaa aay qireen in Drs Mina Xasan Shibis aay tahay qof waayo arag ah, in badana ka soo shaqeeysay howlo samfal ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ahaay dadkii ka hadlay munaasabada ay aa shee gay in u taageersan yahay musharax nimada Drs Mina Xasan Shibis.

Ugu dambeyn Drs Mina Xasan Shibis oo ka hadashay munaasabada ayaa sheegtay in hadii loo doorto Xildhibaan ay u shaqeyn do onto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna ugu adeegi doonto si daacadnimo oo danta iyo diinta ku jirto.

May: Ka bixitaanka EU waxaan bilaabi doonnaa March 2017

Ra’iisul wasaare Theresa May iyo madaxa guddiga Yurub, Donald Tusk oo kulan ku yees hay Lon don Ra’iisul wasaaraha Britain, Ther esa May, ayaa sheegtay in dalkeeda uu bil laabi doonno hanna anka rasmiga ah ee uu uga baxayo Midowga Yurub, ugu dambeyn bisha March 2017.

Waxa ay sidaa u sheegtay BBC ka hor inta aanu billaaban shirka ugu horeeyay ee uu xis bigeeda Conservativeka yeeshay, tan iyo markii ay ra’iisul wasaaraha noqotay.

Mrs May ayaa shirka ka sheegtay in ay soo bandhigi doonto qorsheyaal ay ku laaleyso sharciyada ay Britain uga mid noqotay Mido wga Yurub muddo 43 sano hadda laga joogo.

Waxa ay intaa raacisay in sharciyada cusub ay awoodda iyo mas’uuliyadda dib ugu soo celin doonaan hay’adaha la doortay ee dal kaasi.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip