WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH axad 1-da Novembar 2015-KA

0
Sunday November 01, 2015 - 07:38:49 in Wararka by
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH axad 1-da Novembar 2015-KA

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH axad 1-da Novembar 2015-KA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH axad 1-da Novembar 2015-KA

BAYAAN: TILMAAMAHA HAB RAACA DOORASHADA LOO MARAYO EE SANADKA 2016


Q/2aad

Wuxuu warbixin joogta ah oo waqtiyaysan ka keenayaa geeddi socodka una soo gudbina yaa Madasha. Wuxuu Madasha u soo diyaa rinayaa sidii lagu ansaxin lahaa

Tilmaamaha Habraaca Fududeynta (Facilitation Guide).

Wuxuu raadinayaa dhaqaalihii/kharashkii lagu hirgelin lahaa Qorshe Hawleedka. Wuxuu wa datashi toos ah la yeelanayaa dhamman dad ka ay arrintu khuseyso ee jooga gobol walba, si loo hormariyo la xiriirka dadweynaha iyo sharcinimada Madasha Wadatashiga Qaran ka. ?

Guddiga Taageerada Farsamo (TST)? Guddi ga Taageerada Farsamo (Technichal Support Team) oo ay garwadeen ka tahay Wasaarad da Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay mas’uuliyad ka saarantahay laba arrimood oo kala ah; a) taageeridda Madasha Wadatash iga Qaranka (MWQ) iyo Guddi Hawleedka (Ta sk Force), b) wuxuuna xaqiijinayaa arrimaha farsamo ee la xiriira Madasha Wadatashiga Qaranka iyo sidii lagu hirgelin lahaa arrimaha as. Guddigan wuxuu ahaanayaa midka ugu weyn ee talo ? farsamo siiya Guddi Hawleed ka Madasha Wadatashiga Qaranka, wuxuuna hagid farsamo iyo talo siyaasadeed u fidina yaa Guddi Hawleedka, haddii uu soo codsado, wuxuu soo saarayaa warbixino, qoraallo hor dhac ah, wuxuuna bixinayaa taageero la xir iirta sidii loo habayn lahaa Tilmaamaha Habr aaca Fududeynta. Guddiga Taageerada Fars amo (GTF) wuxuu ka qaybqaadanayaa dood aha siyaasadeed iyo wadahadalka guud ee dadweynaha ee la xiriira geeddi socodka door ashada sannadka 2016.

Guddiga Taageerada Farsamo (GTF) wu xuu kaloo Madasha u fududeynaya xiriirka ay la yeelanayso Dowlad Goboleedyada. Wuxuu diyaarinayaa barnaamijyada lagu la xiriiro da dweynaha iyo istiraatijiyadda isgaarsiinta. Gud diga Taageerada Farsamo (GTF) wuxuu ka ko oban yahay hawlwadeenno ka socda Wasaa radda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xaf iiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisal Wasaar aha, labo xildhibaan oo ka socda Barlama anka iyo wakiillo ka socda Dowlad Goboleed yada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (hal wakiil midkiiba) iyo koox xeeldheerayaal ah oo ka kooban la taliyeyaal farsamo iyo la taliyaal kale oo ka imanaya Qaramada Mid oobay kuwaas oo ahna khubaro iyo fudud eeyeyaal.

Doorka iyo mas’uuliyadda Guddiga (TST)

Wuxuu xaqiijinayaa habsami u socodka hog aanka guud ee farsamo iyo maareynta dhanka farsamo iyo sidii lagu hirgelin lahaa hawlaha geeddi socodka wadatashiga.Wuxuu la ta shanayaa dhammaan daneeyeyaasha ay arr intu khuseyso si loo ogaado danahooda, rabi taankooda/kartidooda ku aaddan ka qaybgal kooda, si uu talo u siiyo Guddi Hawleedka (GH) iyo Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ).

Wuxuu maareynayaa guddiyada farsamo, xirfadlayaasha, iyo hawlwadeenada maam ulka. Wuxuu diyaarinayaa barnaamijyo iyo qorshe hawleedyo, wuxuu go’aaminayaa hawl aha loo baahan yahay, wuxuu sheegayaa arr imaha mudnaanta leh, wuxuuna xaqiijinayaa hirgelinta barnaamijka.

Wuxuu la yeelanayaa xiriir shaqo oo joogta ah xogtana la wadaagayaa Guddi Hawleedka Madasha Watashiga Qaran.

Wuxuu xaqiijinayaa sidii taageero siyaasade ed iyo mid maaliyadeedba loogu heli lahaa in geeddi socdka wadatashiga laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka, wuxuuna xaqiiji nayaa in ka qaybgalka geeddi socodka uu ah aado mid loo dhan yahay oo habboon.

Wuxuu shir u diyaarinayaa xubnaha Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka si ay ugu heshiiyaan mowduucyada/arrimaha la ga doodayo iyo ajendaha geeddi socodka wad atashiga, wuxuuna fududeynayaa doodaha shirka.

Wuxuu faahfaahinayaa Qorshe Hawleed ka,wuxuuna guddiyada shaqeynaya ku kaal meynayaa sidii ay xog uga heli lahaayeen mowduucyada qaarkood (waxay raadinayaan taageerada deeq bixiyeyaasha iyo dowladda si loo helo kaalmo farsamo marka loo baah do).

Wuxuu xaqiijinayaa in geeddi socodka wadatashiga uu u socdo sidii loo qorsheeyay, wuxuuna xogta u gudbinayaa wixii fikrado ah oo uu soo ururiyo Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka.

Wuxuu diyaarinayaa warbixino ku saabsan ho rmarka la gaaray toddobaad walba, wuxuuna u gudbinayaa Guddi Hawleedka Madasha Wa datashiga Qaranka iyo daneeyeyaasha kale ee ay arrintu khuseyso (sida

Deeqbixiyeyaasha iyo saaxiibada dhiggooda ah), iyo wixii kale oo warbixin

ah ee loo baahdo sida warbixinta la siiyo warb aahinta.

Wuxuu qorayaa maqaallo iyo hadallo la je ediyo iyo khudbado, wuxuuna u ?qorayaa Gu ddi Hawleedka iyo Madasha Wadatashiga Qa ranka si dadweynaha loogu wargeliyo wixii ho rumar ah ee laga gaaray geeddi socodka wad tashiga. Wuxuu xaqiijinayaa sidii dhaqaale lo ogu heli lahaa xoghaynta iyo guud ahaan geeddi socodka wadatashiga.

Wuxuu diyaarinayaa qorshe ku aaddan sidii kaalmo saad iyo farsamo loo heli lahaa.

Wuxuu maamulayaa dhaqaalaha/kharashka ku baxaya, wuxuuna mas’uul ka yahay sidii lagu heli lahaa isla xisaabtan, daahfurnaan iyo wax qabadka shaqaalaha maamulka iyo barn aamijkaba ?CUTUBKA SADDEXAAD:? Geed di socodka wadatashiga iyo hababka kala ge ddisan ee doorashada: ?Tilmaamahan Habra aca Fududeynta (Facilitation Guide) ma aha mid soo wada koobaya ama qeexaya wixii ha bab doorasho iyo fikrado ah ee ilaa hadda la soo gudbiyay. Laakiinse, waxuu soo ban dhig ayaa afar nooc oo kala duwan oo lagu yagleeli karo Ergada Doorasha (Electoral College) (magacaabid ama soo xulid), ergadaas oo iyaduna dooran doonta Barlamaanka Federa alka.

Hababka doorasho ee kala geddisan ayaa looga doodi doonaa Madasha Wadatashiga Qaranka iyo wadatashiyada gobollada. ? Iya da oo la raacayo natiijada ka soo baxda wada tashiyada iyo doodaha aan soo sheegnay, ay aa waxaa la soo diyaarin doonaa tusaalooyin doorasho oo qeexan, si loogu go’aamiyo Ma dasha Wadatashiga Qaranka iyo sidii lagu hirgelin lahaa, iyada oo lagu saleynayo dooda ha billowga ah iyo wadatashida gobollada.

Afarta siyaabo:

Waxaa la sameyn karaa Ergo Doorasho Qa ran (National Electoral College) oo kala leh afar heer: heer qaran, heer dowlad goboleed (oo ka mid ah Dowladda Federaalka ha ahaa daan kuwa hadda jira ama kuwa sameysmi do ona), ama heer degmo (92 degmo ee jiray 1991) ama hab beeleed, kuwaas oo kala ah sida soo socota:

o Ergo doorasho oo ka kooban dalka oo dhan:

o Waxaa la sameynayaa Ergada Doorasha (Electoral College) oo ka kooban dalka oo dhan si ay u doortaan 275 xildhibaan. Nidaam ka caynkan oo kale ah wuxuu keeni karaa in la dhiso axsaab siyaasadeed oo heer qaran ah iyada oo la raacayo nidaamka matelaadda u dhiganta ee uu xisbi kasta barlamaanka ku yeesho tiro xildhibaano ah oo u dhiganta coda dka uu doorashada ka helo. Ergo doorasho oo heer dowlad goboleed ah:

Dowlad goboleed kasta oo xubin ka ah Do wladda Federaalka, ha ahaadeen kuwa hadda jira ama kuwa sameysmi doona, waxay sam eyn doontaa ergo doorasho oo dooran doona xildhibaanada baarlamaanka oo metelaya dowlad gobeleedkooda.

o Ergo doorasho oo heer degmo ah:?Degmo walba oo ka mid ah 92dii degmo ee jirtay sa nnadkii 1991 ayaa sameynaysa

ergo doorasho oo dooranaysa xildhibaana da baarlamaanka u metelaya degmadooda (tusaale ahaan, degmo walba waxay dooran aysaa 3 Xildhibaan, taas oo wadarta xildhiba anada baarlamaanka ka dhigaysa 276).

o Ergo doorasho oo beel ku saleysan:

Waxaa la sameynayaa ergo doorasho oo beel ku dhisan (tani waxay la mid tahay sidii wax lagu soo xulay sannadkii 2012 oo 135 od ey dhaqameed ay soo xuleen xildhibaanada) laakiin tiro intaas ka ballaaran oo beelaha me telaya ayaa soo xulaya xildhibaanada metelay a beelahooda.

LIFAAQ:

Qaabka ay u dhacayaan Wadatashiyadda Heerka Dawlad Goboleed.

Wadatashiyadda Heerka Dawlad Goboleed

Shirarka Wadashiyada heerka Dawlad Gobo leedyada jira iyo Maamuladda ku meel gaarka ah wuxuu u dhacayaa xili isku mid ah, wuxuu na soconayaa mudo labo maalmood ah, wax ayna ka dhacayaan Puntland, Jubbaland, Ko onfur Galbeed, Galmudug, iyo Mogadishu.

Gudiga Hawlfulinta (Task Force) ayaa qabana ya wadatashiyadda Dawlad Goboleedyadda, taasoo ay ka qaybqaadanayaa Baaralamaan ka Dawlad/ Maamul Goboleedka, Odayaasha Dhaqanka, Bulshadda Rayadka ah, Hogaam iyayaasha Dhaqanka, Ganacsatadda, Hawe enka iyo Dhalinyaradda.

Shirarka waxaa furaya Madaxweynayaa sha Dawlad/Maamul Goboleedyadda, waxay na ka koobnaan doonaan sedex fadhi oo labo maalin qaadanaya.

Kulanka Koowaad (90 daqiiqo)

Hadalka Madaxweynaha (10 daqiiqo)?–Had alka Afhayeenka Baarlamaanka Dawlad/ Maa mul Goboleedka (5 daqiiqo) –Hadalka Hogga amiyaha Dhaqanka Dawlad/Maamu Goboleed ka (5daqiiqo) –Hadalka Wakiilka Ganacstadda (5 daqiiqo)?–Hadalka Wakiilka Bulshadda Ray adka ah (5 daqiiqo)?–Hadalka Wakiilka Hawe enka (5 daqiiqo)?–Hadalka Wakiilka Dhalinya radda (5 daqiiqo)

— Horudhac kooban oo uu Ra’iisuwasaaraha ama Wasiirka wakiilka ka ah uga ah Gudiga Hawlfulinta (Task Force) soo jeediyo taasoo la xariirta qaababka (Models) doorasho ee la kal a dooranayo iyo hab raaca dooda (30 daqiiqo)

Kulanka Labaad (soo koobid wixii dhacay maalintii hore) (180 Daqiiqo)

Dood Kooxeed: kasoo qaybgalayaasha wa xaa loo qaybin doonaa kooxo (groups) si ay mid mid uga doodaan qaababka (models) iya goo taxaya faa’iidooyinka iyo ciladaha uu qa ab (model) kasta leeyahay.

Waa in la iskugu dhafaa xubnaha Dood Ko oxeedka qayabaha kala duwan oo ay kasoo qaybgalayaashu ka kooban yihiin.

Koox kasta waa in uu horkacaa ruux fudud

Ee Bogga 5aad



MAXAA LAGU XUSUUSTAA GUDDOMIYIHII HORE EE GOBOLKA BANAADIR

MR. MUUNGAAB ?


S/Guuto. Xasan Maxamed Xuseen (Muu ngaab) waxaa uu Madaxweynaha JFS u mag acaabay xilka guddomiyaha G/Banaadir ahan Duqa Caasimadda Muqdisho 27 dii bishii Fe baraayo, 2014. Xilkaasi siyaasadeed ka hor waxaa dadka soomaaliyeed ku xasuustaan in uu guddomiye ka soo noqoday Maxkamadda Ciimanka Qalabka Sida ee Soomaaliya labade eda Darajo ee (Koowaad iyo Labaad) halkaa soo soomaalida ku xasuusato isbadlakii uu ka sameeyay dhanka asluubta ciidanka Qalabka sida iyo cadaalad marsiinta dinbiilayaasha ku xadgudba nafta iyo maalka shacabka soomaal iyeed ee ka mid ahaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Magacaabistiisii xilka Guddomiyaha G/Bana dir Ahna Duqa Muqdisho waxaa si aad ah u soo dhaweeyay qeeybaha kala duwan ee Bu lshada ku dhaqan wadanka gudahiisa iyo dba diisa iyo sidoo kale siyaasiyiin caan ka ah wad anka soomaaliya iyadoo Munaasabado waa wayn ay ka dhaceen wadanka gudahiisa iyo dibadiisa kuwaasoo lagu soo dhaweeynayay magacaabistiisa waxa ayna dadka soomaali yeed aaminsanaayeen kartidiisa shaqsiyade ed iyo go’aanadiisi ku saleesnaa sharicga ee aan lahayn xigto iyo nin jeclaysi.

Dadka taxliiliya siyaasadda ayaa sheegayay xiligaasi in Guddomiye Muungaab ay horyaale en caqabado dhoowr ah kuwaasoo u baahan qorshe iyo taageero xoogan uu ka helo Dowl adda Dhaxe ee Soomaaliya. Caqabadahaan ayaa lagu soo koobay afar qodob oo kala ah aa:

Dib u hagaajinta Maamulka G/Banaadir gaar ahaan maamulada Degmooyinka xiligaas oo ay ka talinayeen maamulo u abaabulnaa hanaan ku salaysan Qabiil iyo awood hubeed oo u muuqatay hogaamiye kooxeednimo ama qabqable dagaal

Wax ka qabashada amaanka magaalada Muqdisho oo ka mid ahayd sababaha uu ma daxweyne Xasan sheikh u magacaabay Gud domiye Muungaab

Suuragalinimada in si toos ah loo hees keeno Ciidanka Booliska iyo Nabad sugiidda heer G/Banaadir kuwaasoo toos uga amarqaato isaga.

Ku garabsiinta maamulkiisa wax walbo ee fudeedeeya ah sida maaliyada iyo siyaasad oo ka timaada Dowladda Dhaxe ee Soom aaliya

Qodobaadaasi ayaa ahaa arrimihii la saad aaliyay ee ahaa wax yaabaha xiligaasi horta agnaa kuwaasoo xadidi kara qorshayaashiisa siyaasadeed ee maamulkiisa cusub. Wax ya abihii kaga suuragalay ka gudbista caqabada haasi la saadaalshay waxaan ku xusi doonaa qeeybaha danbe ee qoraalkayga marka aan ka hadlaayo wax yaabahii u qabsoomay iyo ca abadihii ka hor yimid mudadii uuxilka haa yay. Dadka magaaalada Muqdisho siyaasad ah aan waa bulsho qibrado badan u leh isbadal maamuleed oo aan mudo dheer u dhaxayn ku waasoo kolba lagu soo xusho rabitaano siy aasadeed iyo danooyin kale oo gaar ah. Balse bulshada xamar wali ma aysan yeelan xuqu uqda siyaasadeed ee ah in ay iyagu soo doort aan oo ayna xushaan shaqsiga ay u arkaan in uu horumar dhan walba ah gaarsiin karo taas oo ah xuquuq siyaasadeed oo ka maqan bu lsho weynta caasimadda Muqdisho.

mungaab G.hore ee G Banaadir Muungaab Arrimaha hoos ku qoran waxa ay ka tarujumayaan si ko oban wax qabadkii Guddomiye Muungaab inta aan anigu ka war qabo ee aan baaray kuwa asoo noqonaya ciwaanka warbixintaayada ee ah maxaa lagu xasuustaa Guddomiye Muung aab. Si faahfaahsan iima saamaxaayo qoraa lkaan in aan ku soo bandhigo dhammaan wax qaabadkii uu ka guul gaaray Guddomiye Mu ungaab balse waxaan isku dayi doonaa in aan wax yaabahii ugu muhiimsanaa aan soo qaa to.Isabadalkii maamuleed ee heer Gobol iyo heer Dagmo: Waxa la wada ogsoonyahay in uu guddomiye Muungaab ku guuleestay in uu isbadal maamuleed ku sameeyo dhamma an maamuladii ka jiray dagmooyinka G/Banaa dir kuwaasoo u dhisnaa amaba u shaqanayay si aan ahayn hanaanka dowladeed balse ahaa maamulo ku dhaqmayay hab dhaqankii hoga amiye kooxeednimo kaasoo ahaaQORIGA QAAD: QALNKA DHIG. Go’aansashada isbad al lagu sameeyo maamuladaasi waxa ay asa as u eheyd hirgalinta siyaasadda cusub ee uu lahaa Guddomiye Muungaab taaso ahayd in la helo guddomiyaal dagmo eel eh Aqoon, ta yo, wadaniyad iyo in aysan ku lug lhaanin dhib aatooyinkii ka dhacay dalka mudadii 24 sano ee bur burka. Waxa uu sodoo kale isbadallo ku sameeyay Maamulkii Dowladda hoose ee heer Gobol isagoo dhamaan waaxaha dowlad da hoose u magacaabay agaasimayaal u bad an dhalinyaro leh aqoon xanbaarsanaana fik irka ah aqoon iyo tayo taasoo la sheegay in ay badashay muuqaalkii iyo fikirikii laga qabay Maamulka G/Banaadir markii hore. Dadka wax taxliiliya ayaa sheegay in arrinkaani ah in fursado la siiyo dhlinyarada waxbartay ay ehyeyd arin uu bilaabay Muungaab kuna dhi iraday taasoo loo arkay in ay albaab cusub ay u furayso Mustaqbalka Dowladnimo ee Soo maaliya.

Dib udhiskii Xarunti la oran jiray OffcioGoverno: Xaruntaani ayaa ehyd halkii looga qidmayn jiray umada ku dhaqan caasimada iyadoo mar ahayd xarunta madaxtooyada soo maaliya dowladii rayidka. Dagaaladii dhacay mudadii burburka ayaa gabi ahaanba baab ’iyay xaruntaasi waxaana la sheegaa in Maa muladii soo maray G/Banaadir ee ka horeeyay Muungaab aysan ku dhiiran amaba qorshayn in dib loo dhiso xaruntaasi si uu u hagaago sal na u yeesho maamulka. Mashruuca dib loogu dhsiay xaruntaani ayuu Muuungaab ugu mag acdaray DALKAAGA DHISO kaasoo uu ula jeeday in Soomaalidu ay iyadu wax qabsato. Sanad ka dib waxa uu ku guuleestay in uu dib u furo xarutaasi taasoo ay ku baxday aduun lacageed oo ku dhaw 2 Miliyuun oo Doolar taasoo ay bixiyeen Ganacsatada soomaaliye ed iyo Maamulkiisa G/Banaadir. Arinkaani ay aa lagu tilmaamay in ay eheyd dabeecad cus ub ee ah waxqabsi ay soomaali isku tashan ayso uu isagu bilaabay burburkii ka dib.

Kala celinta hantidii maguurtada ah: Dad ka soomaaliyeed waxa kala geeyay colaado taasina waxaa laga dhaxlay in si sharci darro ah lagu kala qaato hantidii gaar ahaan tan ma guurtada ah sida Guryaha. Muungaab waxa uu dib u habay ku sameeyay guddiga Dacwoo yinka dhulka ee Maamulka G/Banaadir wax aana mudadii uu xilka haayay la xasuustaa in dhulal farabadan oo ay lahaayeen dad sooma aliyeed uu u celiyay dakii heystana uga qa aday cadaalada horteeda. Tani waxa ay ke entay in dad badan oo soomaaliyeed ay ku soo dhiiradaan in ay raadsadaan guryahoodi maadaam ay arkayeen in ay fulayso cadaa lada.

Adeegyada nadaafadda Caasimadda iyo nalaynta: Markii u horeysay taariikhda ayaa la sheegaa in wadooyinka caasimadda Muqd isho lagu arko shaqaale ay leedahay Dowl adda Hoose ee Xamar kuwaasoo nadiifanaya waddada dheer ee Maka Almukaramah. Wa xa la sheegaa in dib u habayn lagu sameeyay waaxda nadaafadda iyadoo loo qoray shaqa alo dheeri ah kuwaasoo guto waajibka ah nad iifinta magaalada. Dadka muqdisho qaar ayaa sheega in ay tani ku filnayn nadiifinta magaal ada ee loo baahanyahay shaqaalo dheeri ah. Wadooyin farabadan oo caasimadda ayaa la rakayay iyagoo la galinayo nalalka cad ceeda ku shaqeeyo iyo waliba xaafadaha qaar oo gu daha la gaynayay. Wadooyinka halboolaha ca asimadda sida Sodonka iyo warshadaha waa meelaha la naleeyay xiliigii uu Muungaab xilka haayay.

Isku xirka iyo abaabulka Bulshada: Mud adii uu xilka haayay guddomiye Muungaab wa xaa magaalada muqdisho ka dhacayay muna asabado iyo kulamo ujeedkooda ahaa abaa bulka bulshada gaar ahaan sidii ay ula shaq anyn lahaayeen laamaha iyo hey’adaha maan ka. Tani waxaa la sheegaa in ay kor u qaaday isfahamka iyo wada shaqaynta bulshada iyo Dowladda taasoo noqotay wax yaabo si gaar ah loogu maanay maamulkiisii. Waxaa muqdi sho markii ugu horeeysay si toos ah looga bil aabay barnaamijka Darisaynta kaasoo isku xir ayo bulshada min Dagmo ilaa tabeele waxa uuna barnaamikaaan ka caawiinaayaa hey’a daha amniga helista xogahah la xiriira ama anka sida uu Guddomiye Muungaab ka sheeg ay munaasabadii ugu danabeysay ee barna amijkaas ee ka dhaxday Degamda Howladaag iyadoo uu ka qeebgalaya Madaxweynaha JFS.

Dib uu dhiska: waxaa dib loo dhisay dhowr xarumo ee maamulada dagmooyinka iyo waaxyahay. Sidoo kale waxaa la dhisay suuqyo iyo xarumo waxbarasho kuwaasoo hadda si habsami leh u shaqeeyo. Waxaan meesha ka marnayn wadooyin dhowr ah oo iyaguna la dayactiray amaba dib loo dhisay.

Tayeeynta Shaqaalaha Maamulka:– Mudadii uu xilka haayay Guddomiye Muungaab, wa xaa shaqaalaha kala duwan ee maamulka he er Gobol iyo heer Dagmo la siiyay tababaro nu ucyo badan leh kuwaasoo sare loogu qaaday ay awooda aqooneed ee shaqaalaha. Waxaa jirtay in tababarada qaar ay ahaayeen kuwo maamulkiisu uu hishiisyo heer caalami ah kula galaayay sida dowladda Turkiga oo dalkeeda tababar ku soo siisay qaar ka mid ah shaq aalaha G/bolka.la soco Berrito Insha Allaah

Waxaa Qoray: Ahmed Hussein Wasuge, MuqdishoSomalia.Email: badal55@hotmail.com



BAYAAN: TILMAAMAHA HAB RAACA DOORASHADA LOO MARAYO EE SANADKA 2016


Ka yimdi Bogga 4aad

eeya ah oo dooda ku haga si natiijo wax ku ool ah lagu gaaro, xoogana saara in aysan wadada ka weecan oo aysan u noqon aragtiyo Isku jawaabaya. Koox kasta waa in ay lee dahay ruux wardhaca u qaada oo madasha do oda u soo gudbiya wixii ay ka doodeen oo ko oban.

Kulanka Sedexaad (Maalinta Labaad)(60 Daqiiqo)

Furitaanka Madasha (30 daqiiqo)?Koox kasta waa in warbixinteeda soo gudbisaa (10 daqiiqo koox kasta) Soo gabagabaynta dooda Ra’iisuwasaaraha ama Wasirka ka wakiilka ah (30 daqiiqo). Xiritaanka Shirka Madaxweyna ha Dawlad/Maamul Goboleedka (10 daqiiqo). 14 Wadatashiga Qurbojoogta, Waxay ku xirn aan doontaa imkaaniyaadka dhaqaale iyo wa qti, labo kulan oo London ama Minneapolis la gu kala qabto ama kulan weyne Nairobi la isku keeno wakiilada Qurbojoogta.

Waxay raacayaan qaabka wadashi ee Daw lad/Maamul Goboleed (Kulan labo maalin so conaya, oo lagu soo bandhigayo Qaababka (models) afarta ah taasoo ay soo bandhigay aan Gudiga Hawlfulinta (Task Force), waxaa na xigi doona dood laga yeelanayo faa’iidooyi nka iyo ciladaha qaab (model) kasta leeyahay. Ka diban kooxo la isku qaybiyo oo ay ku soo dhamaato warbixin koox kasta madal waynta u soo gudbiso laguna soo ururiyo aragtida ka soo qaybgalayaasha warbixin qoraal ah.? Kul anwaynaha Labaad ee Madasha Wadatshiga Qaran (December 2015)

Waxaa la qaban doonaa usbuuca labaad ee bisha Diseembar 2015ka Madaxweyna ha ayaa furi doona.? Waxaa gudoominaya Ra’ii suwasaaraha?Waxay ka koobaan doontaa la bo kulan (session) oo maalin socda?Kulanka Koowaad?–Hadalka Madaxweynaha (10 daqiiqo)?— Hadalka Afhayeenka Baarlamaa nka (10 daqiiqo)?— Madaxweynayaasha Dawl ad/Maamul Goboleedyadda (10d midkiiba)?— Wakiilka Bulshadda Rayadka ah (10d)?–Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku hadlaya magaca beesha caalamka (10 daqiiqo)?–Soo jeedinta natiijadii ka soo baxday wadatashiy adii heerka Dawlad/ Maamul Goboleed , ta asoo uu soo jeediyo Ra’iisuwasaaraha (30 daqiiqo)

Kulanka Labaad:–Madasha waxaa loo furayaa dhamaan xu bnaha Madasha Wadashiga Qaran kuwaasoo aragtidooda ka dhiibanaya warbixinta talooy inka la soo ururiyey.?— Hadalka soo gunaan adka Madaxweynayaasha Daw lad/Maamul Go boleedyadda (5d kiiba)?—Hadalka soo gunaa nadka shirka Ra’iisuwasaaraha (10d)?—Ha dalka soo gunaanadka shirka UN SRSG (5d) ? Hadalka soo gunaanadka shi rka Madaxwe ynaha (15d)Gunaanadka: Marka la soo ga bagabee yo Wadatashiga Heer Gobol iyo Heer Federal, waxaa hannaan ka doo rasho ee la is ku raaco sharci ku meel marin doona hay’adaha f/raalka ee ay khusayso. Dhammaad

Siciid Xasan Shire: "is Casilaadeyda waxaa keenay Mu’aamarado laga Abaabulay Xamar iyo Puntland”

G/G/B/Puntland ee dhowaan xilka Iska casilay Siciid Xasan Shire ay aa daaha ka rogay arrimo fara badan oo keenay inuu qaato go’aanka shaqo ka tegista ah, isagoona cadd eeyay arrimo fara badan inay ugu wacneyd tallaabadiisa inay ku kaliftay, wuxuuna sheegay inay jiraan mu’aamarado degdeg ah loo abaabul ay isla markaana xilka looga qaa dayo, wuxuuna tilmaamay si uu arrimahaasi uga hortago ay keentay is casilaadiisa.

Ex. G/Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ololaha isaga ka dha nka ah ay ku baxday lacag dhan 100Kun Dollar oo laga qaaday xamar xilligii uu Madaxweyne C/Weli Gaas uu Muqdisho u yim id shirkii wada tashiga 2016ka. "Aniga waxaan diiday oo aan ka hor imid wax ka bed elka Dastuurka, waxaa kale oo aan diiday in arrimo kale oo aan wax dan ah ugu jirin shacabka Puntland” ayuu yiri Siciid Xasan Shire oo u waramayay idaa cadda Goobjoog ee M/Muqdisho, wuxuuna sheegay dhinaca kale in dhinacyada kahorjeeda oo taageero ka heysta Md Ga as ay damceen kursigeyga.

Siciid Xasan ayaa sheegay in laga hor istaagay xarunta Baarlamaan ka Puntland oo uu sheegay in la soo dhoobay ciidamo fara badan, wux uuna tilmaamay in isaga ay soo waceen ciidamo fara badan oo Puntla nd ka tirsan fasaxna u weydiistay inay meesha ka saaraan ciidamada isku gadaamay gurigiisa iyo Baarlamaanka Puntland."Aniga ayaa fudud intii madaxeyga dagaal looga ridi lahaa Puntland” ayuu yiri Guddoomiy ihii hore oo sheegay inay jiraan arrimo kale oo fara badan

. DHAMMAAD DHAMMAAD DHAMMAAD


XILDHIBAANADA JUBBALAND OO 2 BILOOD UGU KORDHIYAY AXMED MADOOBE, XILLIGA WASIIRADA UU SOO MAGACAABAYO


Ka dib kulan ay M/Kismaayo ku yeesheen Xildhibaa nada Baarlamaanka M/Jubbaland, ayaa waxa ay ka shireen dalab ka yimid Ma daxweynaha M/Jubbaland Axmed Madoobe, k aasi oo ku aadan in waqti kordhin loogu same eyo xilliga uu soo magacaabayo Golaha Wasi irada M/mulkaasi. Xildhibaanada Jubbaland oo shalay arin ta asi ka shiray ayaa cod u qa aday codsiga ka yimid Madaxweynaha Jubbal and, waxaana ugu dambeyn la meelmariyay codsigii ka yimid Axmed Madoobe

Kulankaas waxaa soo xaad iray 59 Xildhib aan, 54 Xildhibaan wa xaay u code yeen in 2 bilood loogu daro Axmed Madoobe waqtiga uu soo magacaabayo Wasiirada M/Jubbaland, halka 2 ay diideen 3 ay ka aamuseen.

Aadan Khaliif oo ah G/ku xigeenka 3aad ee B/Jubbaland, ayaa ku dhawaaqay Go’aan ka ay isku raace en Xildhibaanada ee ku aad dan in waqtiga loo kordhiyo Axmed Madoobe si uu u soo magaca abo Wasiirada Maamulk aasi. Iyado axmed madoobe uu ku maqan yah ay dalka Kenya

Ciidamada Puntland oo Habeen hore gurigiisa kala baxay Siyaasiga Daahir Ciiro

Wararka naga soo gaaraya M/Garo owe ee xarunta M/ulka Puntl and, ayaa sheegaya ciid amada ammaanka Mgaroowe inay xabsiga dhigeen Siyaasiga Daahir C/qaadir Muuse (Da ahir Ciiro) oo horay Xildhibaan ka tirsan Baa rlamaankii KMG u soo noqday.

Daahir Ciiro, ayaa muddooyinkii dambe wu xuu ku noolaa M/Ga roowe, halkaasi oo dee gaan ahaan uu ka soo jeeda, waxaana la she egay habeen hore ciidamo ka tir san Booliska Puntland inay aqalkiisa kala baxeen. Wara rka waxa ay sheegayaan Daahir Cii ro in lagu xiray Saldhiga M/Garoowe, iyadoo Booliska weli aysan fa ahfaahin rasmi ah ka bixin saba bta ka dambeysay xariga Daahir Ciiro.

Siyaasigan ayaa la sheegay dhowr maalin ka hor inuu Warbaah inta ka jeediyay eedey mo uu u jeediyay Madaxweynaha M/ Puntla nd C/wali Max amed Cali Gaas, taasina ay soo dedejisay xarigiisa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaliya iyo.

Wafdi uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Ca rte, ayaa shalay waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay Garoon ka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee M/ Bay dhabo, waxaa xubnaha wafdiga ku soo dhawe eyay masuuliyiinta Maamulka Degmada Bay dhabo iyo masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.Ujeedada wafdigan ay u tageen M/Baydha bo, ayaa waxa ay tahay sidii ay u ogaan laha ayeen xaalada M/Baydhabo iyo tan Gobolka Baay, xilli roobabkii ka da’ay Go bolka Baay ay geysteen Khasaaro dhimasho iyo mid xoolo intaba. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ay aa wuxuu Guddoomiye u yahay Guddiga loo magacaabay Fataahadaha ka dhasha roobab ka la filaayo inay Somaliya ka da’aan.

HOTEL SAXAAFI QARAX LALA BEEGSADAY Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra’iisul Wa saare ku xigeenka Somaliya iyo Wafdigiisa ayaa dhawaan waxa ay ka soo noqdeen M/ Beladweyne ee xarunta G/Hiiraan, halkaasi oo maamulka iyo Bulshada deegaanka ay kula soo kulmeen.

Inta ay M/Baydhabo joogaan masuuliyiinta an ayaa waxa ay warbixino xaaladaha nolo sha la xiriirta ka dhageysan doonaan Masuuli yiinta Maamulka Koonfur Galbeed.Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay dhibaatooyin kala dhalan kara Roobabka Elnilo oo la filaayo inay Somaliya ka da’aan

Rasaas xoogan oo ka dhaceysa Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho

Dagaal toos ah ayaa ka socda gudaha Hot eelka Saxafi ee M/Muqdisho oo si aad ah loo ga maqlaayo ras aasta ay isweydaarsanayaan raghubaysan oo Hoteelka galay iyo ciidamada ammaanka Somaliya. Wariye ku sugan naw aaxiga Isgoys ka KM4 ee Hoteelka uu ku yaallo, ayaa soo sheegaya rasaas xoogan inay dhaceyso oo raggii hubaysnaa ay gudaha Hoteelka ku jiraan.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa degan Hoteelka, waxaana adag ogaanshaha Khasa araha dhabta ah iyo xaalada Hoteelka gudih iisa ka jirta.

Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Feder alka Somaliya ayaa ku sugan Banaanka hore ee Hoteelka. Ragga hubaysan ee Hoteelka galay ayaanan la ogeyn tiradooda inta ay la eeg tahay, hayeeshe waxaa la soo warinayaa inay ka dhex dagaalamayaan Hoteelka Gudih iisa.

Weerarkaan oo ku biloowday mid qarax ah ayaa dhacay, saacada markii ay aheyd 5:45 subaxnimo. Saraakiisha ammaanka ilaa hada kama aysan hadlin dagaalkaan ka socda Hot eelka Saxafi ee Magaalada.

Shabaab ayaa Baraha Internetka ay wara rka ku qoraan waxa ay ku baahiyeen inay gud aha u galeen ciidankooda Hoteelka oo ay ka dagaalamayaan


WARARKA CAALAMKA


Ardayda Jaamacada MOI ee dalka Kenya oo Jaamacada isaga cararay, cabsi ay ka qabaan Shabaab

Ka dib markii 4 ka mid ah Ardaydii dhigan jirtay Jaamacada la waay ay, maamulka Jaamacadana ay sheegeen in Ardaydaasi loo badinaa yo inay ku biireen Ururka Al Shabaab ee Somaliya, ayaa Ardaydii dhig anaysa Jaamacada MOI ee dalka Kenya, waxa ay bilaabeen inay wax barashadii aadi waayaan. Sababta ugu weyn ee Ardayda Jaamacada ay u tagi waayeen ayaa ah cabsi ay ka qabaan Ururka Shabaab inay soo weeraraan Jaamacada, maadaama Afar Arday oo Jaamacada dhi gan jirtay la sheegay inay Shabaabka ku biireen.

Alex Mbugua waamadaxa Ardeyda Jaamacadda Moi ee Dalka Kenya , waxaana uu sheegay in Ardeyda seexan jiray Jaamacadda ay ka bax een oo ay degan yihiin guryo ku yaalla M/Eldoret e Galbeedka Dalka Kenya.G/u xigeenka Jaamacadda Moi Richard M ibey ay aa sheegay in wararka xanta ah ee 4ta Ardey ee maqan ay ku biireen Alshabaab ay cabsi badan ku abuurtay maamulka iyo Ardeyda taas oo keentay in Ardeydu ay ka baxaan Fasallada.

"Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ayaan xusuusannaa,Dowladduna wali waxba kama qaban,ma awoodna inaan sii wadanno waxbarasho annaga oo wajaheyna Qatar amni.”Sidaas waxaa yiri Jane Tomno ard ey Sanadka 3aad ka maraya Kulliyadda Injineerinka e Jaamacadda Moi. Walaaca iyo cabsida soo food saartay Ardayda Jaamacada MOI ee dalka Kenya ayaa noqotay mid Warbaahinta dalka Kenya ay ka she eke yso, iyadoo Kenyanka ay xusuustaan wixii ka dhacay Jaamacada M/Gaarisa. Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa inay qo rshey nayso ciidamo in ay geyso Xarunta Jaamacada si halkaasi am maanka loo su go, arday dana loogu qanciyo inay waxbarashadooda sii wataan.

Ruushka oo ka digay qorshaha uu Mareykanka ciidamo ugu dira yo W/Suuriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ka digay qor shaha Mareykanka uu ku doonayo in maalmaha soo socda uu ciidamo gaar ah ugu diro waqooyiga Suuriya.Mr Lavrov ayaa sheegay in xaalada Suuriya ay uga sii dari karto, hadii Mareykanka ciidamo geeyo, isla markaana colaada halkaas ka jira ay sii huriso.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa she egay in Madaxweyne Obama uu amray in ciidamo lugta ah loo diro Wa qooyiga Suuriya, si ay u caawiyaan kooxaha mucaaradka.Ciidamadan lugta ah ayaa tababari doona xoogaga mucaaradka, iyagoo ka caawin doona istiraatiijiyada dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Wada hadalada ka socda Vienna ee looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa colaada Suuriya ayaa muuqata in dowladaha ka qeyb qaad anaya ay isku ra’yi ka aheyn in Madaxweyne Bashar AlAsad wax door ah ku laheyn mus taqbalka Suuriya. Dalalka reer galbeedka ayaa doo naya inuu meesha ka baxo Mr Asad, halka Ruushka uu diidan yahay, isla markaana ku adkeysanayo in cida ay arrintaas u taal ay tahay da dka Suuriya.

Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka oo ku bur burtay dalka Masar, xilli ay saarnaayeen rakaab gaaraya 200 ruux

Diyaaradan oo laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa waxa ay ka duushay M/ Sharm Sheikh ee Dalka Masar shalay subaxdii waxayna ku sii jeeday M/ St. Petersborg ee Dalka Ruushka, waxaa saarnaa 224 Qof oo ay ku jiraan 17 Caruur ah iyo 7 shaqaalaha Diyaarada ahaa.

Diyaaradan ayaa waxa ay ku bur burtay Jasiiradda Sinay ee waqooyi bari dalka Masar, gaar ahaan waxa ay ku bur burtay dhul buuro ah.

Markii Diyaarada ay ka duushay Garoonka, waxyar kadib ayaa wax aa la waayay qadkii Diyaarada, iyadoo wax yar kadib la ogaaday diyaarada inay dhacday.

Sida laga soo xigtay Saraakiil Masaari ah Diyaarada si xun ayay u burburtay mana jiraan cid ka badbaadey.Bayaan ka soo baxay Wasa aradda Duulimaadka dalka Masar ayaa lagu sheegay Diyaarada nooc eeda in uu yahay Airbus A321, ayna ka duushay Sharm elSheikh kuna sii jeeday St Petersburg laakiin ay ku dul dhacday Sinay, Masar. Xildhibaan Ducaale "Wasiirka Arrimaha Gudaha intuu qol isku soo xiray ayuu wuxuu rabo iska soo qoray”

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Bee sha Muddulood ayaa ka soo horjeestay warqadii ka soo baxday Wasi irka Arrimaha Gudaha, kaasoo lagu magacaabay xubnaha Guddiga farsamada maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Kulan ballaaran oo ay ka qeyb galeen illaa afar boqol xubnood oo ahaa waxgarad, culumaa’udiin, siyaasiyiin, haween, aqoonyahano iyo dhalinyaro ayaa waxay ku qaadaceen habkii wax loo qeybiyay Guddiga farsamada, kuna tilmaamay mid aan la aqbaleyn. Muxiyadiin Xasan Afr ax oo ka mid ah waxgaradka beesha Muddullood ayaa sheegay in wax lala yaabo ay aheyd qaabkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax u qe ybisay, taasoo uu xusay in aanay jirin cid lagala tashay, isla markaana dadka deegaanka aan wax talo ah laga siin "Anaga qaabka wax loo qeybiyay oo ah hal qof oo beesha degta Shabeellaha Dhexe ah ee aqlabiyada degta ay tahay Abgaal, waa qaa dacnay, waana diiday, saasna cid wax kuma darsaneyno, waxaa la soc onaa goboladii la soo dhisay iyo nidaamka la maray iyo sida wax loo qeybsaday, qofba waxay mudneyd la siiyo, laakiin raadkii in la qaado aheyd, ma naqaano sababta loo diiday oo loo hareer maray”ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax.

Waxaa uu sheegay in sida wax loo qeybiyay aysan ku waafaqsan eyn, isla markaana aanay aheyn wax ay istaahilaan, waxaana uu tibaa xay in warqada wasaaradda arrimaha Gudaha ka soo baxday ay ku dii dan yihiin cod buuxa sida uu yiri sidoo kale Xildhibaan Qaasim Cali Nu ur ayaa ugu baaqay W/Arrimaha Gudaha inay raalli gelin ka bixiso qal adkii ay sameysay, waxaana uu xusay in dadka deegaanka wax aysan ogeyn ay soo saartay, isla markaana aanay ka tala gelin sida uu yiri.

"Warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha waa warqad dadka la isku dirayo, colaad mar hore laga soo daalay, arrinta go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha raali gelin haka bix iso”ayuu yiri Xildhibaan Qaasim Nuur Cali.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in war qada uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha aanay jirin cid uu kala tashaday, isagoo ka dalbaday Wasiirka inuu cadeeyay qaabka uu ku saleeyay."Warqada Wasiirka ka soo baxday waa warqad intuu qol isku xiray ayuu wuxuu rabay iska soo qoray, warqadaas aanay Xildhibaana da dadka deegaanka iyo Guddoomiyihii Gobolka waxba kala socon, Wasiirka wuxuu warqada ku qoray inuu la tashaday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo saxiixayaasha, waxayna inoo sheegeen inaan lagala tashan, waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka cods aneynaa inay noo cadeeyaan hadii ay wax ka og yihiin”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Ducaale.

Xildhibaanka ayaa tusaale u soo qaatay nidaamkii lagu Maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed, isagoo xusay in xildhibaanadii la xulay ay hal beel qaadatay 17 xubnood, taasna lagu saleeyay sida deegaan ada loo kala badan yahay, balse waxaa uu layaab ku tilmaamay in tan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe hab aan aheyn midka saxda ahaa lagu saleeyay. "Warqadii wasiirka 14 xubnood ayuu labo gobol ku saleeyay, tusaale ahaan labada maamul ee la soo dhisay Koofur Galbeed iyo Gal mudug dadka see u kala badnaa ayaa loo siiyay, beel ka mid ah ayaa qaadatay ergada 17, inta kale 12 qaateen, waxbaa lagu saleeyay, wal iba deegaan ahaa, aaway maxaa lagu saleeyay Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, Wasiirka ha inoo cadeeyo”

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in sharaxaad ka rabaan in Wa siirka ka bixiyo 14kii xubnood ee guddiga farsamo labada gobol, isa goo xusay in afar xubnood laga siiyay Sh/Dhexe, halka 10 kalena Hiira an la siiyay, taasoo iyana uu ku tilmaamay cadaalad daro kale sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraya qeyladhaanta ka soo yeereysa beelaha dega 2G ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana si cad waxgaradka, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada u ga soo horjeesteen qaabkii loo xulay Guddiga farsamada maamul u sameynta labada Gobol.

Ururka IS oo sheegtay in uu soo ridey diy aaradii Ruushku lahaa ee ku burburtay dalka Masar

Koox Islaami ah oo bahwadaag la ah ururka Daacish ama IS ee ku su gan dalka Masar ayaa sheegatay mas’uuliyada soo dhicista diyaarad rakaabka qaada oo laga lahaa dalka Ruushka taasoo ku soo dhacday gacanka Sinaay.

Kooxdan ayaa ku sheegtay bogga Twiterka ah inay soo rideen diyaa rada, hase yeeshee ma jiro warar madax banaan oo xaqiijiniya soo ridi sta diyaarada rakaabka saarnaa. Mas’uuliyiin Masaari ah ayaa hore loo gaga soo xigtey in baaritaanada ugu horeeyay ee burburka diyaarada ay muujinayaan cilad farsamo.

Sidoo kale mas’uuliyada soo dhicista diyaaradan ayaa waxaa lagu soo daabacay shabakada Aamaq oo la mid wakaalada wararka u faafisa ur urka IS. "Dagaalyahanada IS waxa ay awoodeen inay soo ridaan diyaa rad Ruushku leeyahay gobolka Siinaay taasoo ay saarnaayeen 220 ru ux oo gaalo ah, dhammaantood waa dhinteen Alle ayaa Mahadaa leh, ”ayaa lagu shegay war lagu soo daabacay Twitterka IS.

Wasiirka Gaadiidka Ruushka Maksim Sokolov ayaa u sheegay wak aalada wararka ee Interfax in wararkaas aysan ahayn kuwo run ah, ma adaama aysan jirin wax daliil ah oo ah in diyaarada la bartilmaa meeds aday.Hase ahaatee diyaarada Jarmalka ee Lufthansa ayaa sheegtay inays an dul mari doonin gobolka Sinay illaa laga cadeeyo sababta keentay burburka diyaarada. Sidoo kale Air France ayaa go’aan kaa lamid ah qaadatay. British Airways iyo easyJet ayaa iyaguna sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inay wax ka bedelaan duulimaadyadii ay ku tegi jireen Sharm elSheikh

MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER


Shir ay ka qaybgalayaan Wasiirada Maaliyadaha Maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

madale-11 Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliya, Md/Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), ay aa shalay M/Muqdisho ka furay shir ballaaran oo Wasiirada Maaliyadaha ee Maamul Gobol eedyada Wadanka lagu martiqaaday, kaas loo ga arrinsanayey sidii loo wada shaqayn lahaa, leeskuna dhaafsan lahaa xogaha ku aadan arrimaha maaliyadda dalka.

Wasiirka oo furitaankii shirka khudbad dhe er ka jeediyay, ayaa sheegay in kulankaan kii ka horeeyey uu ka dhacay M/Nayroobi, shirka shalayna uu yahay mid is xog wareysi ah.

"Waxaan aad ugu mahad celinayaa wasiirada M/Goboleedyada oo soo ajiibay martiqaadka Dowladda, ujeedaduna ay tahay inaan muuji no waajibka inaga wada saaran shacabka So omaaliyeed meel walba oo ay joogaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale Wasiirka, ayaa sheegay inta uu soconayo shirkan in laga doodi doono qaabka ugu haboon ee loo wanaajin karo hannaanka maaliyadda dalka, iyadoo dhinaca kalana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in qodobo ka soo baxaan shirkan. "Maanta/shalay waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay, una soo dhaweyn yaa kulankan, oo aan fillayo waxbadan inaan uga doodi doono, ayna ka soo baxaan go’aa nno wax ku ool ah. Ka Dowlad ahaan waxaa mar walba naga go’an inaan gacan ka gaysa no horumarka bulshada Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirada ka socday Maamul Goboleedya da, ayaa dhammaantood soo dhaweeyay shir kan, kuna tilmaamay inuu wax weyn ka tari do ono sidii leeskaga kaashan lahaa dajinta mii saaniyadaha, isku xirka canshuuraha dalka iyo ka fa’iideysiga mashruuca Maamulka Maa raynta Maaliyadda (PFM), oo hadda ka hirg alay gobolada qaar iyo sidii loo gaarsiin lahaa gobolada kale ee harsan.

.Wararkii ugu dambeeyay Shabaab iyo Ciid amada Dowladda oo dagaal culus Bakool ku dhexmaray

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa shalay sunaxdii waxa ay weerar ku qaadeen Tuulooyinka Garasweyne iyo Mooragaabey oo ka tirsan Gobolka Bakool.Dagaalkaan oo ahaa mid qorsheysan oo Shabaabka ay soo qaad een, ayaa la sheegayaa ciidamada Shabaab inay kula wareegeen tuulooyinkii ay weerarka ku soo qaadeen.

Garasweyne iyo Mooragaabey, waxa ay ku yaallaan duleedka Degmada Xudur ee Xaru nta Gobolka Bakool, waxaana qiyaastii ay u jiraan 30 ilaa 35 KM. Dagaalka oo ahaa mid culus oo 2da dhinac halkaasi ay isku fara sa aren, waxaa ka dhashay Khasaaro kala duw an oo labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo aanan la ogaan karin Khasaaraha dhabta ah ee dhinacyada soo kala gaaray.

Gud/ Degmada Xudur Maxamed Macalin, ay aa Warbaahinta u sheegay dagaalkaasi inay guulo ka gaareen oo Shabaab ay ka dileen si da uu yiri 50 Askari, balse ma jirto ilo madaxb anaan oo xaqiijinaysa sheegashadaasi.

Waxa uu qiray Guddoomiyaha dhankooda in laga dilay saddex Askari oo ka mid ahaa ciid amadii dagaalka ku jiray.

2dan tuulo ee Shabaabka ay soo weerar een, ayaa la sheegayaa inay la wareegeen cii damada Shabaab oo hada maamulaya halk aasi.Ururka Al Shabaab weli kama aysan ha dlin dagaalkaan, marka laga soo tago Warba ahintooda oo ay ku qoreen in labadan tuulo ay dagaal kula wareegeen.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaa dir oo lagu wareejiyay xafiisyada dowladda Hoose

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shalay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Ban aadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ku soo wareejiyay Xafi isyada maamulka.

Guddoomiyaha cusub ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Aqalka dowladda Hoose, halk aasoo mid mid uu Guddoomiyihii hore ugu soo wareejiyay Xafiisyada dowladda Hoose iyo sida ay u shaqeeyaan.

Waxaa sidoo kale Guddoomiyaha cusub la geeyay xarunta dab damiska dowladda Hoose oo lagu wareejiyay gaadiidka dab damiska, Du gsiga Dr. Kadare iyo xaruntii KMG aheyd ee Maamulka Gobolka Banaadir ku lahaa degm ada Huriwaa, halkaasoo Guddoomiyihii hore uu muddo ku shaqeynayay, ka hor inta aan la dayactirin Aqalka dowladda Hoose.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaa dir ayaa bogaadiyay sida ay u socdaan how laha xafiisyada dowladda Hoose, waxaan uu u ga mahad celiyay Guddoomiyihii hore Mr Muu ngaab howlihii uu qabtay iyo waxqabadkiisa lama ilaabaanka ah ee uu ku tallaabsaday mudadii uu xilka hayay.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore Muungaab ayaa uga warbixiyay Guddoomiyaha cusub, si da ay u socdaan howl maalmeedka dowladda Hoose, waxaana uu u cadeeyay inuu la sha qeyn doono inta karaankiisa, isla markaana uu garab joogo. Maalinta isniinta ee taariikhda tahay 2da bisha November ayaa lagu wadaa in Guddoomiyaha cusub uu si rasmi ah xilka ula wareego, waxaana socota qaban qaabada xil wareejinta uu sameynayo Guddoomiyihii hore Muungaab oo horay u soo dhoweeyay xil ka qaadistii lagu sameeyay, kuna tilmaamay inuu xilku yahay meerto.

Soomaalida Minnesota oo dhigay dibadbax ay ku dalbanayeen in lasoo qabto kooxo dil geystay

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minn esota ayaa sameeyay dibadbax ay ku dalban ayaan in sharciga la horkeeno kooxihii ka da mb eeyay dilka ruux Soomaali ah oo magcaa bi jiray, C/kariin Xaaji Maxam ed oo toddoba adkii hore lagu dilay Minneapolis.Dibadba xayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in cidda haysa macluu maadyada la xiriirka dilkaas ay u gudbiyaan hay'adaha ammaanka magaala da Minnesopolis, si ay u suurogasho in lasoo qabto kooxihii dilk aas geystya.

Sidoo kale, waxaa dibadbaxan ka qaybg alay qaar ka mida mas’uul iyiinta hay'adaha amniga iyo kuwa maamulka ee magaalada Minneapolis. Waxaana dadkii dibadbaxa ka ha dlay ay dhamaan ku baaqayeen in lasoo qab to kooxihii dilka C/xakiin geystay. Jabriil Afha re oo ka mid ah madaxda urur ay Soomaalida gobolka Minnesota ku nool ay leey ihiin oo la hadlay VOAda ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay in la ma qlo codkooda, cid walba oo dhi baato geystana gacanta lagu soo dhigo, aanan muujinno haddaan Somaali nahay aan xaqeenna u doodi karno.Mar la weydiiyay ka soo qaybgala ay dibadbaxa kasoo qaybgaleen ma s’uuliyiinta gobolka Minnesota qaarkood, ayuu Jabriil ku jawaabay. "Inn aga ayaa u ta gnay oo ka dalbanay inay naga soo qaybgala an dibad baxa. Waxayna noo sheegeen in ay dadaalka badin doonaan, ciidam mo badan oo booliis ah ayaana baaritaanka dilkan loo saaray.”

Waxaa kaloo Jabriil la weydiiyay cid lagu tuhmayaan dilka C/xakiin Xaaji, wuxuuna ku jawaabay. "Ma jirto cid aan ku tuhmayno, laakiinse waxaanu dalbanaynaa haddaanu na hay Soomaalida ku nool gobolkan in lasoo qa bto kooxihii dilkaas geystay; isla markaana sharciga la hork eeno.” Dhanka kale, Canab Cabsiiye oo ka mid ahayd dadkii dibadb axa ka qaybgalay oo iyaduna VOAda u warran tay, waxayna sheegtay in C/xakiin Xaaji uu a haa nin bulshadeena caawin jiray, waxaana boo liiska ka codsanaynaa inay ku soo dhiga an gacanta kooxihii dilay.

Ugu dambeyn, Maama Xalwa oo ka mid ah Soomaalida Minneosta oo u warramaysay isla idaacadda VOAda ayaa ku baaqday in la joo jiyo dilalka loo geysanayo shacabka, waa na in bay tiri lasoo sheego oo aan la qarin dadka dilalka geysta.

Si kastaba ha haatee, ma ahan markii ugu horreysya oo muwaadin Soomaali ah lagu dilo gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, iy adoo sannadkan oo keliya lagu dilay dhowr qof oo Soomaali ah, iyadoo gobolkanna uu ya hay kan ay degen yihiin Soomaalida ugu bad an ee ku sugan Mareykanka

Taliyaha Ciidamadda X.D.S "Tababarada Ci idamadu wa astaan muujinaysa Dibu..

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soom aaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed, ayaa shalay kormeer howlleed ku tagey Xerada Jaz eera ee duleedka M/Muqdisho, halkaas oo tab abarro ay uga socdaan cutubyo ka tirsan Ciid anka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxana uu taliyuhu kormeeray dhammaan qeybaha kala duwan ee xerada ay ciidamaddu tababarka ku qaataan, isagoo warbixino ka dhageystay Sa raakiisha tababarka bixinaysay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.

S/G Maxamed Aaden ayaa uga mahad cel iyey saraakiisha tababarka bixinaysa sida ay uga go’an tahay in ay soo saaraan ciidan leh tayo iyo tababar sare. Isagoona u sheegay Cii damaddii uu tababarku u socday in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan difaaca dalko oda Hooyo, dhinaca kalana ugu baaqay bulsh ada Soomaaliyeed in gacan ay ka geystaan dhismaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliy eed.

"Tababarada aad qaadanaysaan waa qayb muhiim ah oo kamid ah dibuhabaynta iyo ta yayn qorshaysan ee dib loogu dhisayo Ciidan ka Qaranka Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo intaas raaciyey in Taliska C.X.D. uumuhiimadda koowaad sii nayso sidii dalku u heli lahaa ciidamo aqoon iyo khibrad ku shaqeeya kana madax banaan eex iyo cid gooni ah.

"Tababarada ciidamadu wa astaan muuj inaysa Dibudhiska Ciidamada Qalabka sida, waxaana naga go’an inaan ballaarino taba barada iyo qalabaynta ciidamadeena si ay u gutaan waajibaadka qaran ee ay u igman yih iin” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Tali yaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliye edS/G Maxamed Aaden Axmed DHAMMAAD

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip