Jose Mourinho v Jurgen Klopp – Waa Sidee Rikoorkooda Iska Horimaad, Ayaase Leh Gacanta Sarre?

0
Saturday October 31, 2015 - 12:18:52 in Sports News by
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho v Jurgen Klopp – Waa Sidee Rikoorkooda Iska Horimaad, Ayaase Leh Gacanta Sarre?

    Dab ayaa ku shidan Jose Mourinho iyadoo kooxdiisa Chelsea aysan u muuqanin kooxdii horyaalka sida cajiibka aheyd ku qaaday xilli ciyaareedkii hore. Maanta duhurtii, tababaraha reer Portugal ayaa Stamford Bridge ku soo dhaweyn doona Liverpool, iyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab ayaa ku shidan Jose Mourinho iyadoo kooxdiisa Chelsea aysan u muuqanin kooxdii horyaalka sida cajiibka aheyd ku qaaday xilli ciyaareedkii hore. Maanta duhurtii, tababaraha reer Portugal ayaa Stamford Bridge ku soo dhaweyn doona Liverpool, iyadoo Reds ay xilli ciyaareedkan durbaba tababare iska bedeshay.

"Waxa ay heystaan tababare fiican, waxay heystaan tababare cusub oo aad u fiican. Wax walba waa isku mid” ayuu yiri Mourinho shalayto.

Laakiin iyadoo aysan guuldarro ka soo gaarin Liverpool tan iyo ku soo laabashadiisii Chelsea, Mourinho ayaa jeclaan lahaa inuu wajaho koox uu Brendan Rodgers hogaaminayo halkii uu galabta ka wajihi lahaa koox uu wato Jurgen Klopp.

Iyadoo Chelsea ay ku jirto kaalinta 15aad islamarkaana ay si weyn ugu baahan tahay guul, waxa ay wajahayaan xiddigaha Klopp kuwaasoo u muuqda inay dhiirogelin dheeraad ah ka heleen tababarahooda cusub.

Klopp-and-Mourinho
Kooxda Reds lagama badinin afar kulan oo ay ciyaareen oo uu macalin u ahaa Klopp inkastoo seddex ka mid ah ay barbaro galeen, waxaana jira dareen wanaagsan oo ay taageerayaasha qabaan, kuwaasoo jeclaan lahaa inay mashaqada ku sii kordhiyaan Mourinho marka la fiiriyo taariikhdii dhexmartay labada dhinac.

Macalinka Blues iyo Klopp iyagaba taariikh ayay leeyihiin sidoo kale. Mana ahan mid uu Mourinho si farxad leh dib ugu eegayo.

Borussia-Dortmund-v-Real-Madrid-UEFA-Champions-League-Semi-Final-First-Leg

Kulankoodii ay iska horyimaadeen

October 24, 2012: Borussia Dortmund 2-1 Real Madrid

November 6, 2012: Real Madrid 2-2 Borussia Dortmund

April 24, 2013: Borussia Dortmund 4-1 Real Madrid

April 30, 2013: Real Madrid 2-0 Borussia Dortmund

Afar kulan oo Champions League ah ayay iska horyimaadeen Jose Mourinho iyo Jurgen Klopp markii ay macalimiin u kala ahaayeen Real Madrid iyo Borussia Dortmund, waxaana gacanta sarre yeeshay Klopp. Tababaraha Jarmalka ayaa badiyay labo kulan, halka Mourinho uu badiyay hal kulan, kulanka kalena waxa uu ku dhamaaday barbaro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip