Badada Buluuga ah oo Guduudan doonta!!!

0
Tuesday September 20, 2016 - 11:47:06 in Wararka by
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badada Buluuga ah oo Guduudan doonta!!!

    Prof. Yaxye Shiikh Caamir oo ka mid ah Aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa mar uu u waramayey Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in Dowladda Norway uu kala Hadley arrimaha Badda Soomaaliya oo ku aadan Muran Dowladii tan ka Horeyse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Yaxye Shiikh Caamir oo ka mid ah Aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa mar uu u waramayey Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in Dowladda Norway uu kala Hadley arrimaha Badda Soomaaliya oo ku aadan Muran Dowladii tan ka Horeysey gelisey ka dib markii heshiis Isfaham la gashay Kenya, kaas oo markii dambe uu ka hor yimid Baarlamaankii ku meel Gaarka.

"Haddii baddeena muran ay gasho, xitaa shanta dawladood ee waaweyn hadday isku raacaan, baddaas yar ee buluugga ah waxay noqonaysaa gaduud .. Wax kasta annagu aan isku hayno, marna ma ogolaan doono in la qaato baddeena, haddii cid isku daydo in ay qaadato taako ka mid ah, baddu dhiig dartiis ayey la gaduudanaysaa…”.

Prof Yaxye Shiikh Caamir ayaa sheegay in Dalka Norway uu kula kulmey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda Norway, waxuuna sheegey in Dowladda Norway ay aad isaga fogeysey Arimaha la xiriira Badda Soomaaliya.


Halkan ka Dhagayso Waraysiga Yaxye ee Radio Kulmiye. (May 26, 2013)
"Waxaan la kulmey Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo nin la taliye ka ah Wasaaradaas waxaan weydiiyey Guuxa ku aadan in Norway ay ku lug leedahay arrimaha Badda Soomaaliya, waxayan ii sheegeen in aysan wax Lug ah ku lahayn arrimahaas” ayuu yiri Prof Yaxye Shiikh caamir oo intaa raaciyey:
"intii uu kulanka socdey waxay i tusiyeen Dukumenti aad uga hadlaya, waxayna i yiraahdeen waxaa loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan,” Waxana uu yiri isagoo hadalkii sii wata "waxaa la yaab leh in Norway ay noo sheegtey in Badda Soomaaliya ay ku Muransan yihiin Dowladaha Kenya , Yaman iyo Tansaaniya , waxaan weydiiyey? Waaba garan in Kenya iyo Yaman ay Xuduud la leedahay Soomaaliya hase yeeshe Tansaaniya halkee naga soo gashey, waxay yiraahdeen: Tansaaniya waxay sheegeysaa baddiina dhankkeda kore in ay dadka ka dhaxayso oo laga kalluumaysan karo.”.

Ugu Dambeyntii Prof Yaxye Shiikh Caamir waxaa uu sheegey in Badda Soomaaliya haddii lagu soo Xad gudbo ay Dhici doonto in Badda Buluuga ah ay isku Badeli Doonto Bad Gaduudan Xitaa haddi ay isku raacaan Shanta dalka ee waaweyn , Khilaaf kasta ha noo Dhaxeeyo, marnaba ma ogaalaaneyno in Badeenna Taako ka mid ah Baddeena in lagu soo xadgudbo. "Badda Soomaaliya ee Buluugga ah waxay noqon doontaa Gaduud dhiig dartiis haddii la isku dayo in la qaato Taako ka mid ah.)))).

  1. Qoraalkaa iyo wareeysigaa kadib.May ,2013. Waxaa I soo wacay rag Somali oo igu yiri: waxad sheegtay been,mana aadan tagin wasaarada arrimaha dibadda ee Norway ,mana la kulmin ileeyn cid ku qaabilee ma jirrin , waxaana nala soo xiriiray wasaarada arrimaha dibadda ee Norway. Si fudud ayaan ku iri: ii soo dira E-mailadiina, waxaana u diray sawiradii iyo Magacyadii ragii aan la kulmay iyo anaga oo dhaxjoogna wasaarada ,iyo phone video aan duubay,waxaan u sheegay sababta aan u tagay markii hore in ay aheed arrin wax barasho laakin bacdamaa aan soomali ahay ay arrintan igu soo qaadeen madaxda Norway qaarkeed… waxa aan la yaabay waxa soomaalidanu ay uga caroodeen wadahadalkan iyo wax ka khuseeya.

Guul ayaan u rajeeynaa inta ku howlan difaaca badda.

14322359_1230734316968299_93988663432145441_n

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip