WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA SABTEMBAR 2016-KA

0
Tuesday September 20, 2016 - 09:39:42 in Wararka by
  • Visits: 1201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA SABTEMBAR 2016-KA

    MADAXWEYNAHA SOMALIYA "HAL MITIR OO KA MID AH BIYAHA BADEENA KAMA TANAASULEYNO" Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Max amuud, ayaa wuxuu ka hadlay dacwada Badda ee u dhaxeysa dalalka Somaliya iyo Kenya oo shalay oo Isniin aheyd si rasmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOMALIYA "HAL MITIR OO KA MID AH BIYAHA BADEENA KAMA TANAASULEYNO" Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Max amuud, ayaa wuxuu ka hadlay dacwada Badda ee u dhaxeysa dalalka Somaliya iyo Kenya oo shalay oo Isniin aheyd si rasmi ah uga bilaabanaysa ma xkamada caalamiga ah ee Hague.Md.Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in Hal mitir oo ka mid ah Biyaha Badda Somaliya, Do wladda aysan ka tanaasuleyn, isaga oo sheegay in Difa acayaasha Badda Somaliya ee sharciyaqaa nada ah ay arintaasi u doodi doonaan. "Maanta waxaa bilaabanaya Dacwadii Kenya iyo Somaliya u dhaxeysay ee Badda, Dacwadaas Koo xda Sharciyaqaanada Soma lida ah Maxkamada ayeey tagayaan kuwa Kenyana da bcan wey imaan doonaan, muhiimada Dacw ada ba da waxa ay tah ay dhulka Biyaha Somaliya hal mit ir oo ka mid ah inaan laga tanaasul in.”Ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha Somaliya, ayaa sidoo kale she egay markii Dowladda Somaliya iyo Dowladda Ken ya ay isku fahmi waayeen wada hadalka ku aadan Muranka Badda inay keentay Dacwada in loo gu dbiyo Maxkamada Hague "Marka anaga iyo walaa laheen Kenya aan wada hadalnay oo aan wada ha dalkii isla keeni weynay, Mushkilada in lagu xaliyo si qaanuuni ah oo ilbaxni mo ah oo qawaaniinta ca alamka la dugsanaayo aad ayaan kalsooni badan ugu qabnaa inaan sax anahay oo waxa aan ku do odayno ay tahay xaqa aan leenahay cid kale inaan dulminayno ma aamin sani, xaqaasi aan leenahay anaga go’aan Dowlada Somaliya anagoo mataley na shacabka Somaliyed, hal mitir oo Biyaheena ka mid ah inaan ka tana asulno ma rabno.”

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sheegay inu usan jirin carqalad kale oo ka dhex taagan dalalka Somaliya iyo Kenya, marka laga soo tago dacwada taagan ."Sideena kale Kenya iyo anaga waxaa na hay labo dal oo Cilaaqaad wanaagsan ka dhaxee yo oo aysan jirin wax kale oo xumaan ah, dabcan iyagana waa ay aaminsan yihiin sidaasi.”

R.W CUMAR "GEN GOOBAALE WUXUU AH AA SHAQSI U ADEEGAYAY QARANKA, KUNA BA XAY GACANTA...

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weearkii bahalni mo ee shalay lagu dilay Taliyihii Guutada 3aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale. Wu xuna Tacsi u direy qoyskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.

RW Cumar waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey Illaahay na waxa uu uga baryayaa inuu na xariistii Janno ka waraabiyo,Ciidamada Xoogga,Qoyskii, Ehel adii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu Samir iyo Imaan ka siiyo.

In Naa Lillaahi Wa InNaa Ilayhi Raajicuun.”

DOWLADDA SUUDAN OO SHEEGTAY IN LA XIRAYO XUDUUDKA AY LA WADAAGAAN KOONFURTA SUUDAN.

Wasiirdowlaha Warbaahinta ee dalka Sudan,Ka

maal Ismaaciil ayaa sheegay inay muddo maa lmo

gudaheeda ku xiri doonaan Xuduudka ay la wad aagaan dalka Koonfurta Sudan, Dowladda Koo nfu rta Sudan horey uga wada hadleen inay dalkoo da ka masaafuriyaan Kooxaha hubeysan ee ka dagaa lanta qeybo ka mid ah dalka Sudan.

Wasiirka ayaa sheegay inuu bishii hore booq day dalka Koonfurta Sudan, iyadoo ay Maamulaya asha dalkaasi ballanqaadeen inay muddo 21 maa lmood gudaheeda ka masaafurin doono Maleesh iyooyinka ka dagaalanta gudaha dalka Sudan.

Dowladda Koonfurta Sudan ayaa lagu eedee yaa inay taageero siiyaan Kooxaha ka dagaalama Goballadda Daarfuur, Blue Nile iyo Gobalka Koon furta Kordofaan. Xuduudka ay wadaagaan 2daasi dal waxaa la xiray bishii Janaayo ee sannadkan, ka dib, markii uu in muddo ah xirnaa.

AL-SHABAAB OO WEERARAY KOLONYO CIIDA MADA ITOOBIYA LA SOCDEEN OO MARAYAY GALGADUUD

Dagaalyahano ka tirsan AlShabaab ayaa waddada u galay Kolonyo ciidamada Itoobiya la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Maxaas oo ka kala tirsan G/Hiiraan iyo Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in kolonyada uu dagaal ku qabsaday deegaan lagu magacaabo DabUga as oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, sida ay xaqiij iyeen dadka deegaanka.

Dagaal socday saacado ayaa sababay in kolo nyada ciidamada Itoobiya ay ku hakadaan halkii la gu weeraray, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray. Ciidamo gurmad u ah Kolonyada ciidan ee jidka loo galay ayaa ka baxay degmada Ceelbuur, waxaana saraakiil ka tirsan maamulka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya ay beeniyeen wararka sheegaya in khasaare uu soo gaaray ciidanka Itoobiya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AlShaba ab iyo ciidamada AMISOM oo ku aadan dagaalka ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Maxaas.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowa an Ciidamada Itoobiya faarujiyeen deegaano ka tir san Galgaduud iyo Hiiraan oo ay saldhigyo ku lah aayeen.

BOG FACEBOOK OO LALA XIRIIRSHAY WEERAR DHAWAAN SALDHIG BOOLIS LAGU QAADAY MOMBASA

Baaritaano lagu sameeyay weerarkii dhawaan la gu qaaday saldhigga booliska ee dhexe ee Momb asa ayaa muujiyay bog Facebook ah kaasoo laga yaabo inuu xag jir ka dhigay 3dii gabdhood ee weerarkaa qaaday.

Tasnim Yacquub, Maymuuna C/Raxmaan iyo Ramla C/Raxmaan ayaa waxaa toogasho ku dilay biliiska ka dib markii ay weerareen saldhiggaa oo askari boolis ah ay mindi ku dhaawaceen. Waxaa sidoo kale la sheegay in ay walxo qarxa wateen.

Weerarkaa ayaa dhacay 11kii bishaan oo ku beegnayd Axadii aanu soo dhaafnay tii ka horeys ay iyo weerarkii 9/11.

Boggaa ayaa waxaa la sheegay in uu wixii dad aan Muslim ahayn weerara inay janno galayaan u ballan qaado! Boggaa Facebook ayaa waxaa lagu magacaabaaSisters Jannah – oo macnahu ya hay Gabdhaha Walaala ha ah ee Janada.Sidaa ayaa waxaa boolisku shee gay in gabdho badan oo da' yar kooxaha hubeysa ni inay ku duufs adaan.

TALIYAHA BOOLISKA OO MUQDISHO KULA KULMAY SARAAKIIL MIDOWGA YURUB KA SOCOTAY

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed Jen.Ma xamed Sh.Xasan Xaamud, ayaa M/Muqdisho ku la kulmay Saraakiil ka socotay M/Yurub.Kulanka ay aa looga hadlay sidii Saraakiisha M/Yurub ay u kor dhin lahaaye en taageerada ay siiyaan ciidamada Booliska Somaliyed. Saraakiisha M/Yurub ka soco tay waxaa horkac ayay Haweenayda Midowga Yur ub u qaabi lsan ho wlgalka dhisidda awoodda ciid amada Badaha ee Gobolka Geeska Afrika, Eucap Nestor Ms Maria CristinaStepan es cu. EUCAP Nestor oo ka shaqeysa in la xoojiyo ka rtida Ciidamada Somaliya si wax ku ool ah ay u ma amulaan biyaha badda taasi oo ka caawinaysa in ay burcad badeeda ula dagaalamaan si wax ku ool ah oo dheeraad ah, qorshaha waxaa ku jira la talin iyo tababar ilaalada xeebaha, nidaamka cadaalad da dambiyada badda iyo Booliska xeebaha.

Haweenaydaan iyo Saraakiishii la socotay ayaa markii uu soo dhamaaday kulankii ay la qaateen Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed, ka dib wa xa ay kormeereen xarumaha Dugsiga Tababarka ee Jeneral Kaahiye. Booliska Somaliya oo hela taageerada ugu bad an ee ciidamada Qalabka sida Somaliya ayaa had ana Askarta oo la soo baro shuruucda kala duwan ee ciidanka

GENERAL INDHACADE OO DOWLADDA SOMALIYA KU EEDEEYAY INAY DAYACDAY GEN. GOOBAALE

Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii abaabulnaa, ee dor aad lagu dilay Allaha u naxariistee General Maxa med Rooble Jimcaale (Goobaale). Yuusuf Maxa med Siyaad, ayaa marka hore sheegay in Sarkaalk aasi iyo rag kalaba, ay hormuud u ahaayeen guluf kii Ururka Al Shabaab looga saaray gobolo badan, oo ay ku sugnaayeen.

"Gen. Goobaale iyo rag kale, waa raggii Xamar iyo gobolo kale Al Shabaab in laga sifeeyo sababt eedu lahaa. Isaga, ninkii dhintay ee Dhegabadan iyo rag kaloo hadda nool, waa dad in badan bartil maameyd u ahaa nimankaa.” Ayuu yiri isagoo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, waxna laga weydiiyay sida ay Al Shabaab ugu suurtagashaday inay qaarajiso Gen.Goobaale, ayaa sheegay inay ku timid dayac dhinaca Dowladda Somaliya ah.

"Al Shabaab awood badan maleh, dadkii la daga alami lahaa, hadana ay cadow u yihiin lugihii iyo ga cmihii inta silsilad looga xiray baa suuqa la dhex dhigay. Marka dadkaas buu ka mid ahaa, aan ilaa lada fiican heysan.” Ayuu yiri Gen. Indhacade.

Gen. Indhacade, ayaa yiri "Gaari Cabdi Bille ah ay uu watay, waad garan gartaa xeradii baa lagu jiray, markii uu ka soo baxayna gaari cabeysan oo qarax aa lagu dhuftay. Lix askari iyo asaguba waa ku dhinteen.” Waxa uu intaa ku daray "Marka waxaa keenay inaanay dowladda u ilaalin dadka ay barti lmaameydka u yihiin cadowga, iyadoo dad aan bar tilmaameyd ahaynba la ilaaliyo, oo la siiyay baabu urta aysan rasaastu karin, dee arrintaasaa keentaa

qabaa runtii.”

Xigashodhacdo.com

MADAXWEYNAHA: "MARXUUM GOOBAALE WAXAA UU AHAA GEESI NAFTIISA U HURAY LA DAGAALANKA CADOWGA’’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka qeybgaley tukashada salaadda jan naasada ee marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo dorraad ku shahiiday ma gaalada Muqdisho, isagoo gudanaya waajibaadkii sa qaran.

Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay tuka shada salaadda kadib ayaa sheegay in marxuum ka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soo maaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.

"Allah u naxariisto marxuumka. Waxaan mar ka le tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, Ciidanka Xoo gga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka. Waxaa uu ka soo baxay kaalin tii kaga aaddaneyd ciribtirka cadowga Al Shabaab oo haatan gabbalkooda uu sii dhacayo’’.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa mar xuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka dhintey iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan. Tukashada salaadda jannaasada ee mar xuum S/Guuto Goobaale, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdira shiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, mad axda maamullada Galmudug iyo Koonfuur Galbeed, saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, iyo xubno ka tirsan qoyska marxuumka.

Marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale ayaa ku shahiiday magaalada Muqdi sho, kadib markii al shabaab ay la beegsadeen ga ari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. DHAMMAAD

AQALKA MADAXTOOYADA EE KENYA OO SI CARO LEH UGU EEDEEYAY GOBER NATOORAHA MERU XAYIRAADII DHAWAAN JAADKA KENYA SOO WAJAHDAY

Afhayeenka aqalka madaxtooyada ee Kenya, Manoah Esipisu ayaa maalintii dorraad ahayd u aqriyay qodob dastuurka Kenya kujira gobernatoo raha degmada qaadku ka soo go'o ee Meru ee Kenya Mr. Peter Munya.

Mr. Peter Munya ayaa lagu eedeeyay in uu sab ab u ahaa dhawaan wixii ka careysiiyay dawlada Soomaaliya ee Muqdisho ee ay xayiraada ugu soo rogtay diyaaradaha qaadka ee Kenya ee taga Soomaaliya isla markaana geeya qaadka.

Xiyiraadaa ayaa saarneyd diyaaradahaa muddo toban maalmood ku dhow. Wuxuu ku eedeeyay Munya dhibkii dhawaan ku yimid jaadka wuxuuna ka digay in dhammaan gobernatooreyaasha aysan maamulin dawlado madax bannaan.

Esipisu ayaa sheegay in Munya uu safar ku ta gay Soomaaliya uuna isku dayay inuu heshiis la ga lo maamulo halkaa ka jira kaasoo ku saabsanaa dhoofinta jaadka ama in jaadka Kenya loo dhoo fsho gaar ahaan jamhuuriyada goonida isu taagt ay ee la magac baxday Somaliland.

"Wax kastoo ujeedooyinkiisu ahaayeen hadey wanaagsanaayeen iyo hadii kaleba, Munyawuu ta gay oo wuxuu wada hadalo la qaatay maamul gob oleed ayada ooysan ogeyn Dawlada Federaaliga ah ee Soomaaliya ama xaqiiqdii asagoon wax wa da tashi ah la samayn ama talo ka qaadan Wasaa rada Arimaha Dibada ee Kenya taasoo masuul looga dhigay inay dalalka kale la gasho xiriirad eena,” sidaa ayuu yiri. Esipisu ayaa sheegay in dawlada Soomaaliya ay u fahamtay in Kenya ay aqoonsatay madaxbanaanida Somaliland.

Esipisuayaa ka digay in gobernatooreyaashu wada hadal iyo xiriiro la galaan dawladu madax bannaan. "Wada hadal la galidda da wlado waxay lee dhay anshax iyo borotakool. Da wl ad deegaana du waa dawlad gobol eedyo kuya ala Ja mhuuriy ada Ken ya. Ma lahan awo od madax bannaan,” Esipisu ayaa sidaa yiri.

Esipisu wuxuu intaa raaciyay in Munya cashar kii uu qaatay uu muujinaayo in go'aanada la qaato wada tashi iyo waano la'aan ay sababaan dhibaato iyo jah wareer aan loo baahneyn ama aanan muna asab ahayn.

Xayiraadaa ayaa waxaa la qaaday asbuucii tag ay kadib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta ay wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya, Muda ne Xassan Sheekh Maxamuud.

TARSAN OO GO’AAN SIYAASADEYSAN KU TIL MAAMAY BANAANBAXYADA MUQDISHO LA GA MAMNUUCAY

Iyadoo Dowladda hoose ee Muqdisho ay soo sa artay amar ku aadan Banaanbax aysan iyada og eyn inaan lagu qaban karin Magaalada Muqdisho, ayaa hadalkaasi wuxuu caro geliyay Siyaasiyiinta xil doonka ah ee loolanka siyaasadeed ka wada Magaalada Muqdisho. Xilligan oo dalka doora sho ay ka dhici rabto islamarkaana la filaayo dalka inay ka dhacaan Banaanbaxyo isugu jira kuwa ta ageero iyo kuwa mucaarad intaba, ayaa Maamulka Gobolka Banaadir si aanan ka fiirsi laheyn u sheeg ay Banaanbax Maamulka uusan fasaxin inaan la qaban karin.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah Xubnaha Xil doonka ah ee Muqdisho ku sugan ay aa ku tilmaamay go’aanka Maamulka Gobolka uu ku mamnuucay Banaanbaxyada inay tahay arin qalad ah. Waxa uu sheegay inaan la aqbaleyn wax ka baxsan Dastuurka KMG ee dalka, islamarkaana dadka ay dhigan karaan banaanbaxyada ay xaqa u leeyihiin.

"Go’aan sharci ku dhisan ma ahan, waa wax siy aasadi ka dambeyso, waqti loolan doorasho ah baa lagu jiraa, shirarna waa la qabsanayaa, haddii uu qalad yimaadana bannaanbax waa la sameyna yaa, wax dastuurka ka baxsanna qof yeelayaa ma jirto.” ayuu yiri Tarsan.

Dowladda Somaliya ayaa wada caburin badan oo ay ku hayso dadka Siyaasiyiinta ah ee loolanka ka wada Magaalada Muqdisho, xilli Madaxweyne Xasan uu ka gilgilanaayo Olalaha ay wadaan Mush araxiinta dalka ku sugan. Sanadkii 2012kii xilligan oo kale markii Madaxweyne Xasan uu waday olo laha Musharxnimadiisa, wuxuu fursado badan u helaayay inuu qabso wax kasta oo sare u qaadaa yay loolankiisa, balse hada uu talada dalka haya waxa uu Musharaxiinta ku hayaa Caburin joogto ah.Xigasho:dhacdo.com

SAAMAALIYA KAALINTEE AYAY UGU JIRTAA WADAMADA UGU QAXOOTIGA BADAN CAALAMKA?

Golaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa shir shalayka Furmayay Magaaladd New York ee Dalka Mareeykanka ayaa la filayaa in Diiradda La gu saaro Mushkiladaha Qoxoortiga ee dunidda Ka taagan, Waxaana la filayaa in Madaxdu ay laba jib aaraan Dadaaladda ay kula Tacaalayaan Qox ootiga Aduunka.

kooxda la socodka Xasaraaha Aduunka ayaa Madaxda Caalamaka ku Boorisay inay ugu yaraan 10% Sanad kasta Dib u Dejin u sameeyeen Qoxo otiga ku kala Sugan Qaaradaha Aduunka, islamaa rkaana ay si siman u wadaagaan Masuuliyadooda.

Qoraalka kooxda Xasaradaha Aduunka ayaa Diiradda Lagu saaray Tobanka Wadan ee ay ka ka la yimaadeen Qoxootiga Aduunka ayaa Kaalinta sedexaad waxaa Galay Dalka Soomaliya.

Qoxooti Gaaraya 1.12 million oo Soomaali ah ay aa ku Qaxay Dalka Dibadiisa Halka Qaar kal ena ay Dalka Gudihiisa ku Barakeen.

Kooxda Xasaradaha Aduunka waxay sidoo kale shaaca ka qaadeen in weeraradda AlShabaab ay Dad badan oo Soomalia ah ka hortaagan yihiin inay Dib ugu soo laabtaan Dalkooda Hooyo.

MUSHARIXIINTA MADAXTINIMADA MARAY KANKA OO SI KALA GAAR AH ULA KULMAY MADAXWEYNAHA MASAR.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalkaasi, Donald Trump waxa uu shalay Madaxweyn aha dal ka Masar, C/f ataax Alsisi kulamay Kulan ka Gola ha Gu ud ee QM oo shalay ka furmay magaalladda New York.

presidentofegyptSidoo kale, Musharaxa Xisb iga Dimuqraadiga Maraykanka, Hillary Clinton ay aa waxa iyadana la kulantay Madaxweynaha dal ka Masar. Labada Musharax ayaa danaynaya in ay Kulan kaasi uga faa’ideystaan Doorka ay Masar ku leed ahay Arrimaha Bariga Dhexe iyo Ladagaalan ka Kooxaha Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagix isadda.

 

LAANTA BANKIGA DHEXE EE DEKEDA MUQDISHO OO LAGA XADAY LACAG DHAN $204,000

Laanta Bankiga Dhexe uu ku lahaa Dekeda Muqd isho ayaa laga xaday lacag dhan 204,000 (Labo Boqol iyo afar kun oo dollar ah), iyadoo durbaba arrintan ay ku lug yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Dhexe, isla markaana khilaaf ka dhex dhalisay Garsoorayaasha Maxkamadaha. Dr.Mukht aar Nuur Abuukar oo ah Garso oraha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ay aa ku eede eyay Agaasimaha Laanta Bankiga Dhexe ee Dekeda Muqdisho uu lunsaday lacag dhan $204,000, isagoo cadeeyay in Maxkamadda ay amartay in Cadaa lada la horkeeno, si wax looga weydiiyo.

"Nin la yiraahdo Cabdi Maxamed Abuukar Dhiiley ay aa 204kun ka qaatay Laanta Bankiga Dhexe ee Dekeda Muqdisho, ninkaas waxaa laanta Bankiga Dhexe ke entay Guddoomiye kuxigeenka Ban kiga Dhexe Maryan Macalin, Hanta dhowrka guud wuxuu amray in la soo xi ro ninkaas oo ay ku maqan tahay lacagtaas, waxaa mar kii dambe la soo qabtay nin aan shaqo ku laheyn oo la gu mag acaabo Amiin C/qadar Amiin”ayuu yiri Garsoore Dr Mukhtaar Nuur oo intaa ku daray in Liiskan ay ku lug leeyihiin Xeer Ilaalinta.

Waxaa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare inuu xil ka qaadis ku sameeyay Garsoo rayaal, isla markaana arrintan ay qaab sharci darro ah u soo fara geliyeen, isagoo intaa ku daray in arrinta loo rogay mid qabiil, waxaana uu tilmaamay in halka Soomaaliya laga heysto ay tah ay Garsoorka iyo Cadaaladda.

Arrintan ayaa waxay sare u qaadeysa cabsida laga qabo in la lunsado hantida qaranka, iyadoo la guda gal ayo marxalad kala guur ah, isla markaana dhowaan dal ka ka dhaceyso doorasho. Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii G/ Bankiga Dhexe uu shaaciyay in lacag ka badan nus milyan dollar laga xaday Bankiga Dhexe, isla marka ana uu lacagtaas qaatay mid ka mid ah Qasnajiyada uu lahaa Bankiga Xigasho:jowhar.com

GENERAL INDHACADDE: SHABAAB WAXA KELIYA EE LOOGA GUULEYSAN KARO WAA DAGAAL

Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), ayaa wax aa uu sheegay in Ururka Al Shabaab looga ad kaan karo oo keliya in lala dagaalamo, maadaama ay colaado hurinayaan. Gen Yuusuf Maxamed Siyaad, ayaa sheeg ay inuu aqoon durugsan u leeyahay Ururka Al Shabaab, islamarkaana looga adkaan karo dagaal oo qura, haddii la doonaayo in la soo afjaro mintidiinta.

"Al Shabaab aqoon badan baan u leeyahay, tabtood aan aqaanaa, fadhigoodaan aqaanaa, istaago odaan aq aanaa,dhaqankoodaan aqaanaa, waxa ay ku taamayaa naa aqaanaa. Al Shabaab waxa keliya ee looga guuleys an karo waa dagaal.”Ayuu yiri General Yuusuf Maxam ed Siyaad.

Waxaa uu tibaaxay inaanan Al Shabaab looga adka an karin in la soo dhaweysto, cafis loo fidiyo iyo in dha qaalo la siiyo, bacdamaa waxa ay ku taamayaan uu yah ay dagaal oo keliya. "Cafis dowlad ay u fidinayso, dhaq aalo la siiyo, in leesku jabiyo, soo dhaweysasho, wada hadal, ayaysan ahayn waxa looga guuleysan karo.” Ayu u yiri General Indhacade.

Gen. Indhacade, ayaa hoosta ka xariiqay in Shabaab ku uusan u muuqan wax aan dagaal ahayn, loona baa han yahay in lagu wajaho dagaalka ay u caaboon yihiin.

"Al Shabaab waxa keliya ay rabaan waa inay xoog wax ku maquuniyaan, waxyaabaha kale oo dhan uma jeeda an. Qofkuna waxa uu rabo inuu wax ku sameeyo waa in wax lamida loogu jawaabo.” Ayuu yiri General Indhacade.

Indhacade, ayaa Axadii Dowladda Somaliya ku eed eeyay inay ka gaa binayso la dagaalanka Al Qaacidada Somaliya, oo ah awoodda keliya ee dagaalka kula jirta Dowl adda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo weliba Xo ogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika. Jananka, ay aa ka carooday weerarkii ismiidaaminta ee General Maxa med Rooble Jimcaale (Goob aale) lagu dilay doraad.

AKHRISO: SIDA BEELAHA LOOGU QEYBIYAY XILDHIBAA NADA MAAMULKA HIIRAAN IYO SH/DHEXE

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay u qeybi say Beelaha G/Hiiraan iyo Sh/Dhexe Xildhiba anada Ba arlamaanka uu yeelanayo 2da Maamul, ka dib markii maalmihii la soo dhaafay Odayaasha dhaqanka iyo ergo yinka ka socota 2da gobol kulamo ku lahaayeen M/ Jow har. Xoghayaha Joogtada ee W/Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in heshiis laga gaaray qeybsiga xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ugu baaqay Beelaha labada gobol in maalinta arbacada ay ku soo xareeyaan Ergooyi nkii uga qeyb geli laheyd shirka maamul u sameynta.

Mr Yaxye ayaa sheegay in beel walba tirada ka soo gaartay Xildhibaankiiba ku dhufsaneyso 3 oo ah ergada beel walba uga qeyb geli doono shirka. Sidoo kale wax aa uu sheegay in 3da bisha October la dooran doono Madaxweynaha Maamulka, isla markaana 28ka bishan la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul ka Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana uu ugu baaqay bee laha inay soo dedejiyaan soo xulista Xildhibaanada uu yeelanayo Baarlamaanka.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in tir ada Xildhibaanada Baarlamaanka ee maamulka labada Gobol la gaarsiiyay 91 Xildhibaan, cabasho ka timid bee laha qaar oo markii hore sheegay in 71 xildhibaan ee horay loo soo bandhigay ay tahay mid ku yar beel aha labada gobol. Hadaba Jowhar.com ayaa heshay sida beelaha qaar u kala heleen Kuraasta Xildhibaanada:

1} Abgaal 15

2} Xawaadle 13–

{3} Gaaljecel 12

4} Jar/ weyne 11

{5} Gugundhabe11

{6} H/gidir 5

7} Moobleen 3

8} Ciise Muddulood 3

9} Hiilibi 2

10} Shiiqaal 1

11} Reer Aw xasan 1

FG: Beelaha waxaa dib ka soo saxeynaa tirada rasmiga ah ee Xildhibaanada Baarlamaanka labada Gobol ee ay u kala heleen Beelaha, intaan aan soo bandhignay waa horu dhaca Liiska aan helnay, waxaa jira beelo qaar oo iyana helay min hal xubin, dib ayaa ka soo daabici doonaa.

DHAGEYSIGA DACWADA BADDA EE U DHEXEYSA KENYA IYO SOMALIA OO SHALAY KA BILLAABATAY THE HAGUE

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda QM oo uu fadhigeedu yahay M/Hague ee Waddanka Netherl ands, ayaa billowday dhageysiga Dacwad ku saabsan muranka Soohdinta Badweynta Hindiya ee Soomaaliya iyo Kenya. Dhagaysiga Dacwaddaan, ayaa khuseeya Diidmo ka timid Dhinaca Dowladda Kenya oo ku doodey sa in Maxkamaddan aysan awood u lahayn inay xaliso murankan. Balse Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadd an geysay Maxkmadda sanadkii 2014kii oo ah Waax Garsoor oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Waddamada Somalia iyo Kenya, waxay sheeganay aan lahaanshaha dhul badeed cabirkiisu yahay 142, 000km, Sidaas darteed Somalia, ayaa ka dalbatay max kamadu inay u xadeyso xaduudda badeedda labada waddan si waafaqsan xeerarka caalamiga ah. Laakiin se, Xukuumadda Kenya ayaa su'aal galisay awoodda ay maxkamadda caalamiga ah u leedahay inay qaado dac wada oo ay sheegtay inay ka baxsantahay Xeerxeyndaabkeeda. Sidoo kale, Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa sheegay in Maxkamadda caalamiga ah aysan u oolin xalinta khilaafkan maadama ay 2da dal ay Sannaddii 2009kii ku heshiiyeen in murankan ay ku xaliyaan wada xaajood. Sidoo kale, Maxkamada ayaa xustay in 7kaan ay dhageysan doonto doodda Kenya ay ku diidan tahay in maxkmaddu ay gasho dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay; iyadoo Xukuumadda Somalia fursad loo siin doono in ay Jawaabcelin ka bixiso dood da Kenya. Waxaana Dhageysiga dacwaddan oo ah laba Toddobaad lasoo gabagabeyn doonaa Jimcaha soo socdo.

Xeerilaaliyaha Guud ee Dowladda Somalia, Dr. Axm ed Cali Daahir oo la hadlay BBCda ayaa sheegay in So malia ay ka go'an tahay in Doodda muranka Soohdinta lagu soo Afjaro maxkamadda caalamiga ah ee cadaa ladda. Dhanka kale, Maxkamadda ayaa markay dhage ysato Doodda labada dhinac, waxay go'aan kasoo saari doontaa Dalabka Kenya ee ah in Maxkmaddu aysan Qaadi karin dacwaddan u dhexeysa labada waddan iyo in kale. Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Somalia, Dr. Axmed Daahir ayaa xusay in garsoorayaasha Maxkam adda ay go'aan ku Gaari doonaan muddo Seddax Bi lood Gudahood ah, Haddii ay garsoorayaasha maxkam adda u arkaan in dacwaddan ay tahay mid maxkamada xeer ahaan u taalla waxay ku amri doonaan Dowladda Kenya in ay kasoo jawaabto dacwadda laga soo gudb iyay oo sidaasi ay ku billaabato dhageysiga Dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay.

Go'aannada ay gaarto Maxkamaddan Caalamiga ah ayaan Racfaan lagama Qaadan karin, waxayna dhin acyada ku khasbanyihiin inay fuliyaan. Waxaana la Rum meysan yahay in Badda ay ku muransan yihiin Dalalka Kenya iyo Somalia uu hoos ceegaago keydad shidaal.

Xukuumadda Kenya ayaa Dacwadda ka hor heshiis kula gashay shirkado caalami ah inay aagbadeedka la gu muransan yahay ay shidaal ka baaraan. Laakiin mar kii ay Soomaaliya Dacwaddaan Gudbisay laba sano ka hor qaar ka mid ah Shirkadahaas ayaa billaabay inay ha kiyaan hawlihii ay halkaa ka wadeen halka kuwa kalana ay wali sii wadaan. Ugu dambeyntii, Wasaaradda Arrim aha Dibadda ee Kenya waxay hadda ka hor ka digtay in haddii ay So malia ku guuleysato dacwada socota ay suurogal tahay in Kenya ay ku dhacdo bad la'aan.

BEEL KU TILMAANTAY CADAALAD DARRO QEYBINTA XILDHIBAANADA SH/DHEXE IYO HIIRAN

Mid ka mid ah beelaha ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Sh dhexe iyo Hiiraan ee jowhar ka furan ay aa cadaalad darro ku tilmaamay qaabkii loo qeybiyay xi ldhibaanada baarlamanka maamulka Hiraan iyo Sh dhexe oo maanta ay ku dhawaaqday Wasarada arrima ha gudaha dowlada Somaliya hab qeybsigiisa.

Odayaasha Beesha Faqay Cumar ee ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta sh dhexe iyo hiiraan ayaa ku lan ay isugu yimaadeen waxa ay ku qaadeceen shirka iyagoo sheegay in cadaalad daro lagu sameyay. Wakii lka ugaaska beesha faqay cumar sheikh faarax Maxam uud Cusman,Suldaan aadan suldaan maxamad, Sulda an Muuse iyo nabadoon C.wali Maxamad Ibrahim oo dhamaantood ka hadlay kulanka ayaa sheegay in urur goboleedka Igad iyo xubnaha Wasaarada Arimaha Gud aha dowlada Somaliya aysan waxba kala socon beela ha daga gobolada Sh dhexe iyo Hiiraan iyagoo dhamaa ntood ka codsaday dowlada somaliya urur goboleedka igad iyo beesha caalamka in wax laga qabto tabashado oda.

"Beesha faqay cumar waxa ay dagtaa deegaano bad an oo ka tirsan G/hiiraan gaar ahaan deegaano hoos taga waxaana beesha Faqay cumar ay kala kulantay W/ arimaha gudaha iyo IGAD wax aynaan u qalmin” ayuu yiri wakiilka Ugaaska beesha faqay cumardowladan .uguna ugu baaqay in ay wax ka qabato.arrinkaas.

 

JIBRIIL IBRAAHIM CABDULLE OO SHALAY SI RASMI AH UGU DHAWAAQAY


INUU YAHAY MUSHARRAX MADAXWEYNE (SAWIRRO)

http://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2016/09/DSC_0810.jpgdsc_0691dsc_0927dsc_1053dsc_1092dsc_0965dsc_0503


 

Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa Shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib munaasa bad ballaaran oo shalay ka dhacday Hotelka City Palace ee M/ Muqdisho.

dsc_0907dsc_1012Munaasaba dan oo aheyd tii u horeysay ee nooc eeda ah ayaa wax aa ka soo qeyb gal ay kumm anaan ru ux oo isugu jiray qe ybaha kala duwan ee bulshada, iya doo doorka ugu mu uqda ka qaadanay een Dhallinyarada, waxaana Munaasabadda lagu soo bandhigay hal ku dhi ga Hal Qaran Hoolka Hoteelka oo aad u buux dhaafay ayaa barxadda la dhigto baabuurta oo la suray teendhooyin ayay dadka u suura geliyay inay in hoolka galaan waxay shaashad weyn kala socdeen khudbada uu jeedinayay Musharraxa Dhalinyarada ah,Jibriil Ibraahim, Cabdulle. Dadkii kala duwanaa ee Munaasa bada ka hadlay ayaa muujiyay howl karnimada Jibriil iyo waaya aragnimadiisa, iyagoo sheegay in 20kii sano ee la soo dhaafay uu dalka ku sugnaa, isla markaana xog ogaal u yahay xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray.Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka hadlayay sida dalka ugu baahan yahay halyey daacad ah oo dadka Soomaaliyeed ku dhaqa caddaalad iyo jiritaan dhab ah. Jibriil Ibraahim Cabdulle oo gaba gabadii khudbad ka jeediyay Munaasab ada ayaa caddeeyay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soo maaliya, isagoo ugu mahad celiyay dadka kumanaanka ah ee ka soo qeyb ga lay munaasabada, waxaana uu ka raalli geliyay duruufaha ka jira magaala da "Soomaaliya waxay galeysaa xaalad kala guur ah oo qiimeyn gaar ah leh, taariikh culus baa soo marnay, 1960 halkii ay joogtay ayay maanta oo ah 2016 Soomaaliya joogtaa, in ka badan 20sano ayuu dalka dowlad la’aan ah aa iyo bur bur ku yimid qaranka, afarta sano ee soo socota waxay ka qiimo badan tahay 50kii sano ee Soomaaliya soo maray, sababta waxay tahay xilligan lagu jiro haddii afarta sano ee soo socoto Khasaaro noqoto sida afartii sano ee la soo dhaafay, waxaa shaki ku jirin in dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joo gaan in la galayo dib u dhac”ayuu yiri Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Mr Jibriil ayaa sheegay in afarta sano ee soo socota looga bixi karo caqli saliim ah, dareen dadnimo, isagoo xusay in xilligan lagu jiro ay shacabka Soo maaliyeed ay u jajaban yihiin dowladn imada, isla markaana uu ka muuqdo bi seyl badan, maadaama horay dhibaato fara badan loo soo maray.

dsc_0017 Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay inuu aqbalay codsiga u ga yimid Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah ah talo ay u soo jeediyeen inuu is sharraxo, waxaana uu xusay in todobaadyada soo socda shirar ka dhici doona magaalooyinka dalka iyo deegaanada uu tagi doono ku soo bandhi gayo qorshaha uu damacsan yahay in afarta sano ee soo socota uu dalka ku hogga amiyo. "20 sano ayaa dalkaan dhex taagnaa maanta waxay ii muujiye en dare enko oda, waxaa ku faraxsa nahay sida ay i soo dhoweeyeen oo ay co dsigoo da igu soo gudbiyeen, anigana waa ka aqbalay, waxaa idin cadeynayaa inaan maanta ahay Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada sanad kan 2016″ayuu yiri Mr Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Waxaa uu sheegay in 20kii sano ee uu dalka ka waday howlaha nabadeyn ta iyo xalinta khilaaf aadka aanu xataa noqon Agaasime dowladeed, waxaa uu xusay in Soomaaliya horumar badan sameysay, isagoo xusay inuu u soo jog ay xilli garoonka diyaaradaha Muqdisho xirnaa, dadkana ay meel ka baxsan magaalada oo saacado loo sii soconayo diyaarad laga raaci jiray.

"Waddanka is beddel ayuu u baahan yahay, caddaalad ayuu u baahan yah ay is beddelka soo socda kama harin bilo ee maalmo qura ayaa ka haray”ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Musha rrax Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu tirinayaa inuu yahay Musharraxiinta ugu miisaanka culus, iya doo dhoolatuskiisa u horeeyay ee ololihiisa doorashada uu durbaba noqday mid taariikh sameeya, marka loo eego kumanaanka ruux

ee ka soo qeyb galay xaflada, safaf dhaadheerna ugu jiray goobjoognimada.

MAQAAMKA MAGAALADA  MUQDISHO (QAYBTII 1AAD) (19602016)

MAAXI

Maqaamka M/Muqdisho (Qaybtii 1aad) (1960–1969)–(19691991) (19912016) Muqdi sho waa caasimadda DFS, waa na Magaa lada ugu weyn dalka waxaa ku nool dad la gu qiyas ay in ka ba dan 3ilyan, waxay xarun dhexe u ta hay siyaasadda iyo ganacsiga dalka,

waxaa ku sugan hey’adaha siyasadda sida Baara la ma anka, Fulinta, Maxkamadda Sare, Bankiga dhe xe, xaf iisyada hay’ adaha madaxa banana iyo xafii syada dibl omaasiyinta dowladaha safa aradaha ku leh dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo gobolada ka kala yi mid. Caasimaddu wa xa ay ka mid tahay arrimaha sida badan si gu ud loogu xeerinayo dast uurada federaalka ah, wixii sharci ah oo la sa meynaayana waa in la waafajiyaa dastuurka federaalka taas oo ay ka la mid noqonayso dow ladgobaleedyada wadanka intiisa kale ka dhala naysa. ugandaloser

Taariikh ahaan maqaamka magaalada Muqdisho marwalba wuxuu xiriir la lahaa hadba nidaamkii dowladeed ee dalka ka jiray waxaan ha lkaan ku soo bandhigi doonaa qabaabkii ama nidaamyadii aay soo mar tay laga soo bilaabo goortii aan xornimada qaadanay ilaa maalin ka maanta aaynu joogno 2016 iyo sidoo kale fikrkayga ku aadan Gobo lka Banadir.(Magalada Muqdisho) xaquuqda aay leedahay iyo Hiilada aay inooga baahan tahay maanta iyo muqstaqbalkaba.

NIDAAMKII RAYADKA (1ST JULY 1960 21 OCT 1969)

Xilligaan waxaa dalka lagu dhaqayay nidaam diimoqraadi dastuuri ahna barlamaani oo ku dhisanaa qaab tartan axsaab Xisbiyo badan oo doorasho ugu tartamaaya xukunka dalka.

M/Muqdisho waxaa lagu dhaqaayay sharci maamul lambarkiisuna ahaa 21 oo soo baxay 1950. Magaalada waxay lahayd maamul dowl ad hoose oo madax banaan oo ka kooban Goledeegaan oo uu madax u yahay Duqmagaalo. Golaha deegaanka wuxuu ka koobnaa 25 xub nood oo laga soo dooranaayay dadka deegaanka (natives) kuwaas oo ka soo tartami jiray axsaabtii markaas dalka ka jirtay.

Golahan ayaa iska dhex dooran jiray Duqa magaalada, waxayna ka caawini jireen go aan qaadashada iyo fulinta howlaha maamulka. Dowladda Hoose ee Muqdisho waxay lahayd qaabdhismeed maam ula sida: Duqa Magaalada, Agaasimka; Maaliyadda, Canshuuraha, Dhulbixinta, Nadaafada iyo Fayodhowrka, Daddhigida iyo Warqad aha Dhalashada.

Magaalada waxay maamul ahaan u qaybsaneyd xaafado sida: Xa mar weyne, Shingaani, Weliyow Cade/howlwadag, Xamar JabJab, Ca mpo Amxaro, Campo Lodgio, Shibis, Anzilotti, Bondhere, Wardhigley iyo Hodan. Xilligan Muqdisho waxay soo martay seddax xilli doorasho iyo hal xilli magacaabis ah. Seddaxda jeer ee doorashada waxaa ku guleeystay Mudane Axmed Muude (2 jeer) iyo Cumar Sterlin (1 mar). Magacaabis waxaa ku kala yimid Sheikh Jamaal (maamulkii ku meel gaarka ee kontonkii ilaa lixdankii Sharif Caydaruus iyo keenidid., 1969 ayaa sidoo kale doorasho ku yimid Mohamed Sharif Caydaruus oo ku dhacay afgambi asagoo kurisga haayey 6 bilood.

Nidaamkii Millateriga iyo Hantiwadaagga (Oct 1969 25 Jan 1991)

Xilligaan maamulka kacaanku Muqdisho wuxuu ka dhigay magaalo gobol ah, waxaana loo bixiyay Gobolka Benaadir. Magaalada xilligan waxaa kordhay tirada dadka ku nool sababtuna waxa ay aheed ayadoo adeegyadii dalka intooda muhimka ah la isugu keenay Caasim addda, waxana laga hirgeliyay mashaariic aad u fara badan oo hour marin ah sida: dugsiyo waxbarasho, isbitaalo, waddooyin, warshado iwm, Maamulka wuxuu si toos ah u hoos imaanayay Madaxtooyada, waxuuna ahaay magacaabis, dhamaan xilalka sare ee Dowladda Ho ose sida Duqa Magaalada iyo Agaasimayaasha oo kale, waxaa si toos ah looga soo magacaabaayay Madaxtooyada, wax tixgelin ahna lagama siin dadka deegaanka u badan. Maamul ahaan magaalada waxay u qaybsaneed 16 degmo oo kala ahaa:

Xamarweyne, Shingaani, Boondheere, Shibis, Wardhiigleey, Cabdulcasiis, Kaaraan, Yaaqshiid, Xamar JabJab, Waaberi, Hodan, Howlwadaag, Dharkeenlay, Hiliwaa, Wadajir iyo Dayniile. Qaybaha maamul ee Gobolka Benaadir, waxay adeegga asaasiga ah siinayeen dadweynaha ku dhaqan degmo kasta, waxayna arrintan fududyneeys ay gaarsiinta adeegyada deegaanda, isla markaasna, waxay kaloo fududeyneeysay soo uruurinta dakhliga iyo ka warhaynta daruufaha amniga ee degmooyinka. Xilligan magaaladda Muqdisho maqaamke eda sharci wuxuu ahaa kii lexdankii oo madax banaanidii iyo dora shadii la baabi iyay, laguna beddelay magacaabis. Sharciyada maam ul ee lagu dhaqaayana waxaa dejin jirtay dowladda dhexe. Maamulku wuxuu soo saari jiray xeer maamul (Administrative Regulation) oo la xiriira howlaha sharci ahaan maamulka Gobolka Benaadir loo xilsaaray sida soo ururinta cashuurha, bixinta dhul, dhisidda suuqyo cusub, bilic ada magaalada, nidaaminta gaadiidka dadweynaha iwm.

Xilligii ay burburtay dowladdii dhexe ee Somaliya (25 Jan 19912011)

Xilligaan intiisa badan dalku wuxuu ku jiray fowdo ka dhalatay dagaalada sokeeye ee u dhaxeyay hoggaamiye kooxeedyada ku loo lamaayay hanashada xukunka dalka. Xilligaan Muqdisho waxaa ku dhacay burbur kii ugu weynaa oo taariikhdeeda soo mara. Waxaa la burburiyay dhamaan dhismayaashii guud ee hay’adaha dalka, xaruma hii dowladda, dugsiyadii, cisbitaaladii, hoteladii, hay’adii korontada, bi yaha iyo wadooyinkii oo dhan. la barakiciyay qayba ka mid ah dadkii degaanka asal u ahaa iyo kuwa kaleba. Magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay dagaal xagga awoodda iyo gacan ku haynta oo dhexma ray qabaa’ilka USCda ee isugu soo haray magaalada.

Xukuumaddii TFGda ee lagu dhisay Kenya waxay ballan qaaday in ay soo saarto sharcigaar ah oo lagu dhaqaayo caasimadda (qodobka 5.Faqrada 2 ee Axdiga ku meelgaarka ah sanadka 2004), (waxaa si la mid ah loogu sheegay axdigii ku meelgaarka ahaa ee DKM ee lagu soo dhisay Jabuuti 2000 kii )waxayna u saartay guddi arintaas ka soo shaqeeya.

Guddiga waxay ahayd hawshiisu isagoo raacaya Axdiga KMG ee TFGda in uu soo diyaariyo hindise sharci maamul ee caasimadda, ka ddibna soo bandhigo si la tashiyo loola sameeyo dadka deegaanka iyo Soomaalida deggan caasimadda iyo xukuumadaba.

Nasiib darro arrintaas waa shaqeyn weysay sababo farsamo awgeed, qalaaqal siyaasadeed oo xiligaa taagnaa, iyo sidoo kale iya doo nidaamka dowladeed ee lagu wado in Soomaaliya lagu dhaqo oo ah federaal, wixii saldhigga u noqon lahaa oo ah dastuur federal ah aan weli lagu heshiin.

9 Sept 2012 ila xiligaan – Dhalashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Xiligaan waxaa maamulka iyo maaraynta Gobalkaan Banadir faraha ku haaya Dowladda Federaalka, taas oo fursad siineeysa inuu shacabka ee degaan gobol walbo kasoo jeedo dhisto gobolkiisa Gobolkaana yahay tirsigiisa 18 Gobol.

Waxaa Horay u dhisnaa dawlada Goboleedka Puntland. Wax aa ka gadaal la dhisay Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed sideey doonaan ha ku dhismeene hada waxaa dhismihiisa la hadal ha yaa Hiiraan/Jowhar Sanadkii 2016 bishii Febrayo ayaa waxa Gobolka Banadir iyo Maqaamka Muqdisho ayaa Baarlamaanka dawlada Feder alka ee Soo maaliya ayaa Dastuurka dalka dib u eegis ku sameeyay, gaar ahaan maqaamka caasimada Muqdisho sida lagu xusay Article 9, Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxay yeelaneysaa Ma qaam u gaar ah waxaana laga soo saaray 6 qodob oo kala ah:

1) Mogadishu waa caasimada JF.Soomaa liya;

(2) Caasimadu waxey noqoneysaa Regional State (Dowlad Goboleed).

(3) Caasimadu lama midoobi karto gobol kale, mana noqonkarto qeyb ka mid ah Dowlad Goboleedyada kale si ay dhulkeeda u ballaars ato.(4) Maamulka caasimada Federaalka iyo Dowladda Federaalka waa inay ku dhaqmaan mabaadiida wadashaqeynta sida uu qorayo Dastuu rka.(5) Si gaarah Dowlada Federaalka iyo maamulka caasimada waa inay ka wada xaajoodaan arrimaha canshuuraha iyo shuruucda dhulka iyo daaraha ay leeyihiin ama ay deganyihiin Dowladda Federaalka ee ku yaala caasimada.

(6) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shuruuc u gaar ah ka soo saari doona xaalada Muqdisho. Maanta halkaas ayey mareeysaa la soco Qaybta 2aad *Maadaama aan ka soo hadalnay taariikh siya asadeedka,Gobolka Banadir iyo Maqaamka Muqdisho ayaan waxaan hadana eegaynaa madaama la qaatay qaab federal ah (Maaxaa loola jeedaa Maqaamka Magaalada Muqdisho aay yeelaneeyso) maxaaysa tahay aragtideeyda ku aadan Maqaamka Muqdisho. Lasoco qaybta 2aad Allaa wax og!

W/QORAY:YAASIIN MAAXI MACALIN

maaxi@hotmail.com

www.ssup.so

www.somaliweyn.com

www.yassinmahimallin.com

http://yassinmahi.blogspot.se



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip