Kooxo Hubeysan oo Nabadoon ku dilay Muqdisho

0
Sunday September 18, 2016 - 17:22:26 in Wararka by
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo Hubeysan oo Nabadoon ku dilay Muqdisho

    Kooxo ku hubeysanaa bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in Nabdoon ay ku Dileen Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo ku hubeysanaa bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in Nabdoon ay ku Dileen Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoonkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Faarax ayaa lagu Dilay Xaafada Towfiiq isagoo ku sii jeeday Hooygiisa.

Xaliimo Canshuur Dooxane ka mid ah ehelada marxuumka oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa xaqiijisay Dilka Allaha U Naxariistee Nabadoon Maxamed Maxamuud Faarax.

Kooxaha Dilka geystay ayaa la soo sheegayaa in ay isaga baxsadeen goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan la soo sheegin hadii ay dad u soo qab qabteen Dilkaasi.

Weli lama shaacin sababta dhabta ah ee ka dambeysa Dilka Nabadoonka

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilka Nabadoon Maxamed Maxamuud Faarax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip