17-KA SABTEMBAR 2016-KA WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE SHALAY A OO AH SABTI 17-KA SABTEMBAR 20126-KA

0
Sunday September 18, 2016 - 14:47:29 in Wararka by
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17-KA SABTEMBAR 2016-KA WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE SHALAY A OO AH SABTI 17-KA SABTEMBAR 20126-KA

    MAREYKANKA OO DUQEYN KU DILAY MID KA MID AH SARAAKIISHA SARE EE IS Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah lagu dilay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Kooxda IS. Hoggaamiyahan oo lagu magacaabi jiray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAREYKANKA OO DUQEYN KU DILAY MID KA MID AH SARAAKIISHA SARE EE IS Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah lagu dilay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Kooxda IS. Hoggaamiyahan oo lagu magacaabi jiray Wa'il Adil Hasan Salman al-Fayad ayaa lagu dilay 7-dii bishan meel ku dhow magaalada Raqqa ee dalka Suuriya. Ninkan ayaa sidoo kale loo yaqaanay Dr. Wa’il, waxaana uu ahaa Wasiirka Warfaafinta IS, waxaa kaloo uu isku duba ridi jiray muuqaalada ay ku soo bandhigi jireen dilalka.

Waxaa kaloo ninkan la sheegay inuu xiriir dhow uu la lahaa Abuu Mohamed Al-Adnani oo bishii la soo dhaafay isna lagu dilay duqeyn cirka ah.

Mareykanka ayaa sheegay in dilalkan loo geystay hoggaamiyeyaasha sare ee IS ay sii wiiqi doonto howl galada ay kooxdan ka wadaan Ciraaq iyo Suuriya.

MIDOWGA AFRIKA OO BIXINAYSA MUSHAARAADKA CIIDAMADA AMISOM

Ka dib kulan ay yeesheen

Madax ka tirsan Midowga Afrika ayay ku balan qaadeen in ay bixin doonaan

Mushaarka ciidan Midowga Afrika

ee AMISOM.

Waxaa ay sheegeen in ayciidanka Amisom ay la kulmayaan dhib

aatooyin kala duwan oo ay ka mid

dhanka mushaarka.

Dhawaan warbixin cusub oo

Kusaambsaneyd ciidanka Midowga Afr

ika ee AMISOMayaa lagu shaaciyey in

aysan Mushaar qaadan ciidanka AMISOM muddo dhowr bilood ah.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika ay

aa sidoo kale sheegay in ay laba jib-

aari doonaan dalalka Caalamka taa geerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika ay

Aa sheegay in ay ka go’an tahay in ay ciidanka AMISOM ay ka taageeraan

dhinacyo badan si ay u xaqiijiyaan amniga doorashooyinkalagu wado in

ay ka dhacaan Soomaaliya bilaha fooda nagu soo haya.

Guddigaan ayaa sidoo kale she

egay in ay rajeynayaan in ciidanka AMISOM aysi weyn uga qeyb qaa

taan sugitaanka amniga goobaha ay

ka dhacaayaan doorashooyinka Soo maaliya.

Soomaaliya waxaa jooga cii-

damo aad u fara badan oo ka kala socda Qaar ka mid ah dalalka Afrika

,kuwaa soo dagaal xooggan kula jira ururka Al-Shabaab.

YUUSUF JIMCAALE "HADDAAN XILDHIBAAN AHAAN LAHAA WAXAA CODKEYGA SIIN LAHAA XASAN SHEEKH”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa muujiyay taageerada uu u haayo Madaxweyne Xasan Sheekh inuu mar kale xukunka sii haayo, isagoo maamulkiisa bilaabay ololaha doorashada ee Madaxweynaha.

Yuusuf Jimcaale oo xalay ka hadlayay Munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Madaxweynaha ee afartii sano iyo daah furka ololaha doorasho ee Musharax Xasan Sheekh ayaa isagoo xamaasadeysan mar kale ku baaqay in la doorto Madaxweynaha, si howlihii uu bilaabay u dhameystiro.

"Haddaan caawa ahaan lahaa Xildhibaan Codkeyga waxaa siin lahaa Xasan Sheekh, afar sano ka hor waxaa jiray shirib aan tiriyay, oo ahaa Xildhibaana waa yahay Xilkas ah oo xilka xajin kara”ayuu yiri Guddoomiye Madaale oo aan taageeradiisa qarsan.

Waxaa uu sheegay in waxqabadkii Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay mid muuqata, isagoo tilmaamay guulihii siyaasadeed oo uu soo hoyay, taasoo ka mid ah Shir madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maamulka Gobolka Banaadir uu lahaa qaban qaabinta iyo maal gelinta Munaasabadii habeen hore ka dhacday Hotelka City Palace

Dadka odorasa siyaasada iyo ololaha doorashooyinka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu haatan bilaabay in hantidii qaranka uu u adeegsanayo ololihiisa doorashada, waxaana ay aheyd in Musharaxiinta kale ee la tartamaya inay u sinnaadaan warbaahinta dowladda.

MADAXWEYNAHA OO KA HADLAY WAXQABADKI DOWLADDA AFARTI SANO EE LA SOO DHAAFAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay horumarkii ay Dowladdu ku tallaabsatay Afartii sano ee uu hayay xilka Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane,Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay wax qabadkii ay ku dhaqaaqday Dowladda uu hormuudka ka yahay intii ay shaqaynaysay, ayaa ka sheekeeyay in badan oo ka mid ah waddamadii ay Dowladda soo nooleysay cilaaqaadkii ay la lahayd kal hore iyo saaxiibbo cusub oo intooda safaarado ka furtay gudaha Dalka.

Aqoonsigii uu Maraykanka iyo Beesha Caalamka mar kale aqoonsadeen inay Soomaaliya tahay Dal madax bannaan oo ay u dhammaytiran yihiin haykalkii looga baahnaa Dowlad horay u tallaabsanaysa.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday madaxweynuhu warbixinnada dhiirri gelinta ah ee ay abuurtay Dowladdiisu,kuwaasoo sababaty iney mar walba beesha caalamka ku tilmaanto Soomaaliya Dal aan fashilmin balse kasoo kabanaya burbur dhan walba ah kuna furan yihiin dagaallo Argagixiso iyo kuwo dhaqaale, kuwaasoo ay in badan ku guuleysatay ka miran dhalin tooda.

Xasan sheekh Maxamuud, madaxweynaha Dalka ayaa shacabka xusuusiyay masuuliyiintii kusoo dhiirraday iney soo booqdaan Dalka iyo shirarkii heerka Caalami ahaa ee ka dhacay kuwaasoo uu ugu dambeeyay kulankii ay IGAD ku yeelatay Caasumadda Muqdisho.

Isagoo ka dhawaajiyay inay Dowladdu u abuurtay jewi ay ku maalgashadaan Dalka kuna samaystaan Ganacsiyo kala duwan,taasoo ka mid ahayd ballan qaadyadii uu sameeyay xilligii la dooranayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynaha Dalka, ayaa ugu dambayn ka marqaati kacay hoostana ka xarriiqay iney Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyeedba isku raacsan yihiin iney Soomaaliya u dhaqaaqday dhanka Horumarka, wixii dhimmanna la dhammaytiri doono.

DONALD TRUMP OO UGU DAMBEYN AQBALAY IN OBAMA UU KU DHASHAY MAREYKANKA

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ugu dambeyn aqbalay in Madaxweyne Barack Obama uu ku dhashay dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa horay shaki geliyay in Obama uu ku dhashay Mareykanka iyo sida uu ugu xaq yeeshay inuu Madaxweyne noqdo.

Mr Trump ayaa intii uu ku guda jiray tartanka ololihiisa waxaa uu su’aalo kala duwan ka keenay dhalashada Obama oo aabihii uu ka soo jeedo dalka Kenya, waxaana dadka qaar ku tilmaameen hadal cunsurnimo ah.

Mr Trump ayaa ka sheegay munaasabad doorashada Madaxtinimada ee lagu qabtay magaa lada Washington : "Madaxweyne Barack Obama waxaa uu ku dhashay Maraykanka.

"Hillary Clinton iyo kooxdii olololaha 2008 ayaa bilaabay khilaafka dhalashada Obama,anigana waan sii dhamaystirey waad ogtahay waxa aan ula jeedo?”ayuu is weydiiyay. Hase yeeshee lama hayo daliilo ku xiriirinaya Mrs Clinton arrimaha dhalashada Obama.

La taliye sare ee Trump Jason Miller ayaa sheegay in Mr Trump uu soo gabagabeeyay arrin aad u fool xumeyd taasoo ku qasabty in Mr Obama uu 2011 soo bandhigo cadeynta inuu ku dhashay dalka Maraykanka.

Hase yeeshee Mr Trump ayaa sanadkii 2012 waxa uu ku sheegay in uu hayo ilo muhiim ah oo sheegaya in shahaadada dhalashada Obama ay tahay mid macmal ama been abuur ah.

Donald Trump ayaa isku dayaya inuu dib u saxo qaladaadkii uu galay intii uu ku guda jiray ololihiisa doorasho, waxaana uu dhowaan is bedel ku sameeyay Kooxdiisa u qaabilsan Ololaha.

Bisha November ee soo socota ayaa lagu wadaa in dalka Mareykanka uu ka dhaco doorashada Madaxweynaha, waxaana markii u horeysay musharax u taagan xilkaas ah Haweeneyda horay u soo noqotay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton ayaa ku hogaaminaysa musharaxa Jamhuuriga Donald Trump boqolkiiba 40 iyadoo xanuunkii dhowaan ku dhacay uusan wax saameyn ah ku yeelan taageerayaasheeda sida ay sheegeyso fikir ururin ay soo bandhigeen Reuters iyo Ipsos.

Cod ururin la sameeyay intii u dhexeysay 9-15 Sep 2016 ayaa waxaa lagu ogaaday in boqolkiiba 42 ay yihiin dadka macquulka ah ee u codeynaya Clinton halka boqolkiiba 38 uu ka haysto ganacsadaha Trump.

Inta badan waxa ay haweeneyda Clinton ay taageerada ka heleysaa dadka laga tirada badan yahay,dadka aysan soo gelin sanadkii lacag dhan $75,000.

Hase yeesheea Trump ayaa waxa uu taageerada ka haystaa dadka cadaanka ah,kuwa kaniisadaha u badan iyo weliba dadka ay da’adoodu ku dhow dahay howlgabka.

MAXKAMADDA CAALAMIGA AH EE ICC AYAA LOO DHISAY IN AY QAADDO DEN BIYADA XAALUFINTA DEEGAANKA IYO….

Maxklamadda Caalamiga ah ayaa sheegtay in dinbiyada la xiriiro iyo xa alufinta deegaanka iyo dhulbeereedka dabiiciga ah inay kaga hortagaan

Hey’adda QM ayaa sheegtay in loo dhisay maxkamadda ICC -da ayaa ah maxkamad qaaddadacwadaha caal amiga ah sida denbiyada dagaalka , musuq-maasuqa waxaayn sheegeen in loo dhisay in isha ay ku heyso shaq siyaad in ay galeen dhinaca denbiya da deegaanka ama dhulka iyadoo ku soo koobay in ay galeen denbiyo dag aal taasina ay tahay midda loo dhisay oo ah in ay qaadaan dacwadahaas wa xna ka qabtaan kuwa dhibaatooyinkaa galo

MADAXWEYNAHA DALKA FARANSIISKA MR. FRANCE HOLND AYAA WUXUU U SHEEGAY HOGGAAMIYAYAASHA MIDO WGA YURUB IN AY KALA DOORTAAN YURUB INAY BURBUTO IYO IN AY…

Madaxweynaha dalka faransiiska Mr.France holnd ayaa wuxuu u shee gay hoggaamiyay aasha midowga Yu rub in ay kala doo rtaan yurub inay burbuto iyo in ay ka wada shaqeeyaan tallaabooyinka cu sub ee la doonayo in tartan lagu gel iyo dalalka ku yaalamidowga yurub.

Waxaa uu ka hadlay shir isagoo sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo kalsoonidii midowga Yurub ka dib markii dalka pritain uu go’aansaday inuu ka baxo.

Hoggaamiyayaashu waxaa ay isku dayayaan inay qaadaan tallaabooyin lagu dhammeynaayo qeybqeybta jirta ee ku leh dhinaca qaxootiga iyo dhaq aalaha .

Ra’iisulwasaaraha waddanka garii gga adan kasabra ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay yurib in ay ka kacdo hurdo socodka oo ayna u dhaqaaqin dhabbo qaladka .

wararka imaanaya duleedka magaala da dimishiiq ee dalka suuriya oo sheg aya in muddo 4 maalmood ay ka jirtay rasaas joojin inay ku hesiiyeen la sheegayaa in xoogaa dagaal ahi uu ka jiro .

Wararku waxaay ka hadlayaanin la sheegay dagaalo dhex marayaan dowladda dalka suuriya iyo mucaarad ka waddankaasi .

dhinaca kale waxaay dagaaladaasi qolo kastaaba ay qolada kale ku eedeyneysaa inay jibiyeen he shiiskii xa bbad joojinta.

GAADIID SIDA GARGAAR AYAA KU GO’ DOONSAN XADKA SUURIYA MAGAALADA ALEPHO

baabuur sida gargaar ayaa ku go’ doonsan xadka suuriya ,saraakiil ay aa sheegeen in ciidamada suuriya ee mcaaradka ahi inay ku sugan yihiin xadka iyadoo ay socoto xabbad joojin ilaa dodobaadkii la soo dhaafay .

gaadiidkaasi aya ku sugan xadka siiriya iyo turkiga u dhexeeya waxay nasugayaan ilaa ay ka heli karaya an damaanad ay ku geli karayaan is ka hor imaad u dhaxeeya dowladda siiriya iyo xooggaga mucaaradka ee ku sugan alepho xabbad joojinta heyd da xuquuqda aadanaha ayaa sheege en in ay rumeysan yihiin in dagaalada asi ay geysteen qasaarooyib badan.

HEY’ADDA GARGAARKA QM AYAA SHEE GEYSA IN 5 MALYUUN IYO 600 OO REER K/SUUDAAN AH OO …

Hey’adda gargaarka QM. ayaa she egeysa in halmalyuun iyo lix boqol oo qof oo reer koofurta suudaan ah ee ku barakacay dagaalka sokeeye ee 2013-kii ilaa iyo haddana soconaya ay aa waxaa la sheegayaa in uu is taagi waayey iyadoo heshiis la gaaro san adkii la soo dhaafay.

Af-hayeen u hadlay laanta QM u qaab ilsan dhinaca qaxootiga ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadkaa laga qaado tallaabooyin nab adgalyo lagu raadiyo.

Shan sano xornimadii ka dib waxaa inay dhacayaan waa masiibo waxaa na mar 2aad ugu baaqayaa dhamma an dhinacyada ku lugta leh in ay laban laabaan dadaalkahorey loo gaaray si dadka ay noloshooda ay dib ugu dhis taan oo ay guryahooda dib ugu soo noqdaan .

arrinyaan jirta waxaay s/sudan kala mid tahay suuriya , afganistaan iyo so maliya oo ah dalal malyuun qof ay ka soo baxeen .

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO SHEEG TAY IN AY MUDDA 5SANO EE SOO SOCO TO AY KA SHAQEYNEYSO SHACAB KA REER JABUUTI IN AY HORUMAR GARSIISO.

Waxaan gaa rsiin donna shac ka re er jabuuti horumar waxaa na muwaad in kasta oo jabuuti u dhashay heli doo naa guri uu ku noolado iyo shaqo wax aana howla haasi loo sameynayaa qof kasta oo aan heysan guri ee muwaad iniinta reer jabuuti ah.

Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowladiisu u sameneyso mudda shanta sano ah ee soo socoto qorshahaasi isagoo sheegay in ay la kaashan doonaan Ba nkiyo iyo Dalalka ay saaxiibka yihiin hadalkaan oo uu madaxweyne geelle ka sheegay idaacadaha ayuu ku yiri Waxaan u sameyneynaa bulshada reer jabuuti dhinacyada horumar gaa rsiinta waxaana u abuuri doonnaa shaqooyin waxaana u sameyn doon naa guryo lama arki dono muwaadin jabuuti ah oo aan guri heysan .

Waxaa la weydiiyey madxweyne ci smaan ciil cumar geelle lacagta ay ku bixinayaan cidda bixineyso ayuu yiir " waxaan bixineynaa qeybo ka mid ah kharashka waxaana naga saacidi doono dalkaka aan saaxiibada nahay iyo Bnakiyo caalami ah ayuu yiri mu dane geelle waxaana uu sheegay in mudada soo socoto ee shanta sano ah haddii alle idmo dowladda Jabuuti dadkeeda ay gaari doonaan horumar .

Dhinaca kale qaar ka mid ah bul shada reer jabuuti ayaa sheegeen in aanay weliaysan arkin hadal la mid ah hadalkan madaxweyne geele she egayo ee ah hurmuarinta shabka ayna tanina la mid noqoneysoaisa ay qabaan

KORNEYL WARFAA OO FAAH FAAHIN KA BIXIYAY DAGAALKII DEGMADA CEELWAAQ

17th September 2016 by Laacib

Korneyl Warfaa Sheekh Aadan, Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay in xilligan xaalad kacsanaan ihi ay ka jirto Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ka dib weerarkii ballaarnaa ay Shabaabku kula wareegeen gelinkii dambe ee Jimcihii.

Afhayeenka, ayaa ku waramaya in laba goor dagaalka lagu jebiyay Xoogaga Ururka Al Shabaab, ka hor intii aanay si buuxdo ula wareegin gacan ku haynta Degmadaasi.

Waxa keenay inay Shabaabku qabsadaan Degmada Ceelwaaq, ayuu ku macneeyay dhawr arrimood, iyadoo dagaalku uu ku soo beegmay maalin Jimca ah, isgaarsiintii Degmada oo ay jareen iyo Shabaab oo isu soo ekeysiiyay Ciidanka Militariga Kenya ee qaybta ka ah Amisom.

Korneyl Warfaa Sheekh Aadan, ayaa xaqiijiyay in Xoogaga Shabaabku ay soo galeen gudaha Ceelwaaq, iyagoo wata baabuurta ku buufsan magaca Amisom.

Warfaa Sheekh Aadan, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dagaalku uu gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah. Dhinaca Ciidamada Dowladdu waxaa uu sheegay in afar askari looga dilay, halka mid kalana looga dhaawacmay. Faah faahin kama aanu bixin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka soo gaaray mintidiinta.

Sarkaalkan oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xusay in dhibaatada ugu wayn ee soo gaartay Ciidamada Dowladda ay tahay, iyadoo aanay helin gurmadkii ay u baahnaayeen, taasina ay ku timid Madaxtooyada Somaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhiga oo aan xiriir la lahayn Ciidamada ku sugan aagga Ceelwaaq.

Korneyl Warfaa, ayaa wuxuu qeexay inaysan Ciidamada Degmada Ceelwaaq helin xuquuqdii ay xaqa u lahaayeen shantii sano ee la soo dhaafay, sida mushaar, guno iyo saadba.

Ibraahim Guuleed Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa saakay sheegay in mintidiintu ay isaga baxday Degmada Ceelwaaq.

Ibraahim Guuleed oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa tilmaamay in uu socdo diyaargarow ay ku doonayaan inay dib ugu laabtaan Degmadaasi, haddii si iskood ay Shabaabku uga baxeen.

Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dagaalkan lagu dilay Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelwaaq, Korneyl Aadan Maxamed Waceys (Aadan Koronto), Ku Xigeenkiisii Korneyl C/rashiid Barre iyo Madaxii Arrimaha Bulshada, Maxamed Xersi Dheere.

Dagaalkan oo dareen baqdin badan ku dhaliyay dadka deegaanka, ayaa wuxuu qaarkood ku khasbay inay guryahoodu isaga cararaan. Inkastoo saakay ay degan tahay xaaladda Degmada Ceelwaaq, ayaa hadana waxaa weli laga dareemayaa dhiilo colaadeed.

Nuux Salaad oo ka mid ah dadkii ka barakacay Degmadaasi, ayaa Dhacdo.com u sheegay in weli ay isgaarsiintu ka go’an tahay Ceelwaaq.

IGAD OO KA HADASHAY DOORASHADA SOOMAALIYA

Wakiilka Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in muhiim ay tahay Doorashada Soomaaliya in ay waqtigeeda ku dhacdo.

Wuxuu sheegay Danjire Afey in xilligan aysan suuragal noqon karin in markale dib u dhac uu soo wajaho Doorashada Soomaaliya oo lagu madalsan yahay in ay dhacdo Bisha October.

Danjire Maxamed Cabdi Afey Wakiilka Gaarkla ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Urur Goboleedka IGAD ay isku afgarteen in waqtigii loogu tala galay aysan dhaafin Doorashada.

Dhamaadka sanadkan ayuu Dalka u diyaar garoobayaa in ay ka dhacdo Doorasho dhameystiran, waxaana hada muuqata qaban qaabo ku aadan Doorashad

GUDDOOMIYIHII AL-SHABAAB U QAABILSANAA AW-DHEEGLE OO LA DILAY

Taliska AMISOM ayaa sheegay in howl gal ay si wada jir u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen Guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeel laha Hoose.

Afhayeenka AMISOM Jeo Kibet ayaa sheegay in howl gal qorsheysan oo ay iska kaashadeen cii danka AMISOM iyo Milateriga Soomaaliya ay ku dileen Maxamed Xasan oo ahaa Madaxii Al-Shabaab ee Aw-dheegle.

Waxaa uu sheegay in howl galka lagu soo furtay hub ay lahaayeen Al-Shabaab oo u taalay go ob saldhig u aheyd.

Col Kibet oo la hadlayay wakaalada wararka ee SONNA ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo faahfa ahin intaas kabadan, balse hoosta ka xarriiqay in howlgalkaasi uu dhamaaday sidii loogu talagay.

Howl gallo wada jir ahaa oo horay iska kaashadeen ciidamada milateriga ee kumaandooska iyo ciidamo Mareykan ah ayaa ka dhacay Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu dilay Saraakiil dhowr ah.

MAAMULKA PUNTLAND OO 20 SANO KU XUKUMAY NIN HUB KALA SOO DEGAY DEKADA BOOSAASO

Ka dib markii ciidamada ammaanka Puntland ay ku qabteen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari hub la sheegay inuu ahaa mid sharcidaro ah oo lagu soo dhex qariyay dooni ganacsi oo ka timid dalka Yemen, ayaa Puntland waxa ay xukun ku riday ninkii watay hubkaasi.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ciidamada ammaanka markii ay qabteen ninkaan iyo hubkii uu watay durba ay u gud biyeen maxkamada ciidamada.

Waxa uu sheegay Taliyaha ninkaan in maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Puntland durba ay ku xukuntay 20-sano, maadaama hubka uu ahaa mid sharcidaro ah.

"Hubkaa iyo shaqsigii lagu soo qabtay waxaan u gudbinay maxkamadda ciidanka qalabka sida, iyadoo maxkamaddu ay isla markiiba u fariistay gal dacwadeedka kiiskan dood dheer kadib ay xakunka riday” ayuu yiri Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.

Ninka la qabtay ayaa magaciisa lagu soo koobay Saalax, waxaana uu hubkaan ka keensaday dalka Yemen oo doontii uu la socday oo aheyd mid ganacsi.

MAREYKANKA 38 MILYAN OO DOOLAR UGU DEEQAY ISRA’IIL SI AY HUB UGU IIBSATO

Dowlada Mareykanka ayaa saxiixday heshiis cusub oo dhanka difaaca ah oo lagu taageerayo xukuumada Isra’iil kaasi oo qiimahiisa yahay $38 bilyan oo dollar oo lasiin doono Tel Aviv 10ka sano ee soo socda.

Mareykanka ayaa u qoondeeyey lacag gaareysa 3.8 bilayn oo sanad walba lasiinayo Isra’iil si ay ugu horumariso hubkeeda, lacagtan oo socon doonta muddo 10 sano ah ayaa isu geyn ah 38 bilyan oo dollar.

Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa horey uga codsday Maraykanka in sanad walba ay siiyaan 4.5 Bilyan oo dollar, balse lacagta hada loo balan qaaday ayaa ka yar tii ay codsade en.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa la sheegay inuusan ku qanacsaneyn in he shiiskan Maraykanka saxiixo balse waxaa cadaadis xoogleh uga yimid Xildhibaanada Maraykanka iyo shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka oo mashruucan si weyn uga faa’iidaya.

Isra’iil ayaa taageerada ugu badan ee dhanka hubka ah ka hesha dalka Maraykanka, waxaana hubka cusub ee Maraykanka ku taakuleyn doono Isra’iil kamid ah gantaalada difaaca oo ay soo saar aan shirkadaha Maraykanka.

Shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka oo awood balaaran kuleh dalka Maraykanka gaar ahaan dhanka shaqo abuurista ayaa xarumo ka sameystay dhamaan gobalada dalka Maraykanka, iyagoona xildhibaanada gobaladaasi laga soo doorto ku cadaadiya inay mar walba taageeraan heshiisyada ay danta ugu jirto shirkadahaasi.

NIN ISKU QARXIYEY MASAAJID WAQO OYI GALBEED DALKA AF-QANISTAAN..

Nin ayaa isku qarxiyey shalay oo jimco aheyd masjid ku yaal dalka af-qanistaan kaasoo salaadda ji mcaha ku tukunayey waxaana wararku shee gayaan in ay ku dhinteen 23 qof halka ay tiro 10 ruux ka badan ahina ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale saraakiisha nabad ga lyada dalka af-qanistaan ayaa sheeg een in dadkaasi ay ku guda jireen tuka shada salaadda jimcaha uu gudaha masjidka ka dhex dhacay qarax iya doo uu geystay nin allaahu akbar leh uu isku qarxiyey .

werarkaasi ayaa waxaa uu ka dha cay tuulo ku taala dalka af-qani staan oo lagu magcaabo mama an kuna dhow waddanka af-qanistaan .

warka ayaa intaa raacinaya in qaraxa masjidka ka dhex dhacay ay qe yb masjidka ahi ay soo dun tay dadkii halkaasi ku dukanayeyna dowr qof dha awac ah ayaa lagu soo warama yaa inuu dhaawa co odu halis yahay il aa iyo iminka cidi ma sheegan qarax aasi in ay ka danbeeyeen

MAXKAMADEYNTA XAASKII ROGO OO DIB LOO DHIGAY

Maxkmad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxa ay amartay in muddoo todobo maalmood ah xabsiga lagu sii hayo Xaaskii Sheekh Aboud Rogo oo ahaa sheekh aan afkaartiisa la gabanin oo sanaddii 2012-kii la dilay.

Hania Saga Rogo ayaa lagu eedeeyay in ay qaaraan u aruurisay dadyow ku lug lahaa hawlo argagixiso.

Booliiska ayaa haweenaydan la xiriiriyey mid ka mid ah gabdhihii lagu dilay Mombasa kaddib we erarkii ay booliisku sheegeen in ay fashiliyeen ee lagu qaaday saldhiga booliska ee Mombasa.

Waxaa la sheegay in ay xiriir la samenaysay gabadhaasi, iyada oo adeegsanaysa telefoonkee da gacanta oo ay hadda la wareegeen booliisku iyaga oo baaritaan ku haya.

Dacwad oogaha ayaa waxa uu waydiistay in la siiyo mudo laba todobaad ah si uu u soo kaamil yeelo baaritaannada, balse garsooraha maxkamadda ayaa codsigaasi ku gacan seyrtay waxa uuna sheegay in booliiska ay baaritaanadooda ku soo gabagabeen karaan muddo 7 maalmood ah.

Garsoorahu wuxuu sidoo kale amray in la ixtiraamo xuquuqda asaasiga ah ee ay leedahay haweenaydaasi.

Qareennada u doodayey ayaa ka cawaday in hawenaydaasi laga hor istaagay dadkii soo booqan lahaa.

Waxay sidoo kale u sheegeen maxkamadda in Hania ay qabto xanuun una baahantahay in ay hesho dawo.

Dacwadda ayaa dib loo dhagaysan doonaa 23-ka bisha septembar.

BOGGA CIYAARAHA

WARBIXIN: SHAN WAXYAABOOD OO LAGA BARTAY KULANKII XALAYTO AY LIVERPOOL KU DUBATAY CHELSEA OO MARTI LOOGU AHAA STAMFORD BRIDGE.

Liverpool ayaa guul aad u fiican ku soo gaartay Stamford Bridge waxaana ay uga mahadcelinayaan gool cajiib ah uu dhaliyay Jordan Henderson.

Dejan Lovren ayaa hogaanka u dhiibay Reds ka hor inta uusan kabtanka Liverpool ciyaarta ka dhigin 2-0 isagoo dhaliyay kubad gantaal ah uu meel dheer ka soo qaaday taasoo isha u rooneyd.

Diego Costa ayaa Chelsea rajo geliyay isagoo gool u soo celiyay, laakiin Liverpool ayaa seddexda dhibcood ilaashatay iyagoo soo galay kaalinta 4aad.

Laacib.net ayaana idiin soo gudbineysa shan waxyaabood oo laga bartay kulankii xalayto.

1. Reds Oo Isku Bedeshay Koox Weerar Ah.

Liverpool waxa ay haatan goolal ka dhalin karaan dhan walba.

Daafacyo iyo khadka dhexe – Lovren iyo Henderson oo xalayto goolal dhaliyay ayaa ah qeyb ka ah awoodooda weerar.

Waxa ay la soo baxeen shax ciyaareed weerar ah, waxa ay min afar gool ka dhaliyeen labo ka mid ah seddexdii kooxood ee ugu sareysay Premier League xilli ciyaareedkii hore Leicester iyo Arsenal, waxa ay jabiyeen darbiga adag ee kooxdii ugu difaacashada fiicneyd xilli ciyaareedkii hore ee Tottenham, waxaana ay meel cidlo ah uga tageen Chelsea oo heysata daafaca 34 milyan ginni ku fadhiya.

Liverpool ayaa noqoneysa koox ay baqdin ka qaadaan kooxaha kale xilli ciyaareedkan.

Liverpool's Jordan Henderson scores their second goal

Liverpool's Jordan Henderson celebrates scoring their second goal

2. Reds waxa ay fiican tahay markii uu Firmino ciyaarayo marka loo eego Sturridge.

Malaha dadka qaar waa ay ka soo horjeesan doonaan fekerkaan, waxaana ay u muuqataa feker aan micno badan laheyn ka dib qaab ciyaareed wacan oo Liverpool xalayto soo bandhigtay laakiin Sturridge uma muuqan mid ku heer ah asxaabtiisa kale oo u muuqday sida mashiin ooliyada laga soo bedelay.

3. Kante kaligiis waxba ma qaban karo.

Malaha isaga kaliya howsha oo dhan ma qaban karo.

Coutinho waxa uu helay waqti iyo boos banaan uu karooska macaan ee uu Lovren dhaliyay ku soo dhigo daqiiqadii 17aad.

Jordon Henderson waxa uu sidoo kale xoriyad ku helay Stamford Bridge isagoo dhaliyay gool gantaal ah oo aad u qurux badan.

Taageerayaasha Chelsea waa ay sacbiyeen markii xilli danbe la soo geliyay Cesc Fabregas laakiin miyuu xiddiga reer Spain qaban karaa shaqada adag ee difaacasho ee Conte uu doonayo?

Kante waa burburiye khad dhexe oo booskiisa lagu aamini karo laakiin marka ay howshu ka tiro badato waxa ay keentaa natiijadii xalayto oo kale.

Liverpool's Dejan Lovren celebrates scoring their first goal with team mates

4. Mignolet weli waa halka ay ka liidato Liverpool.

Intii ay ciyaarta socotay oo dhan goolhayaha reer Belgium uma muuqan mid kalsooni lagu qabi karo.

Waxa uu mar si xun u koontaroolay kubad loo soo celiyay, waxaana isku daygiisii uu kubada uu ku bixin lahaa ay isku bedeshay taabasho.

Ma ahan mid kalsooni qaba marka kubado karoos ah la soo dhigo, mana noqon doonto lama filaan marka goolhayaha dhaawacan Loris Karius uu booskiisa la wareego.

5. Costa oo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican ku soo laabtay.

Haatan waxa uu dhaliyay shan gool shan kulan oo la ciyaaray xilli ciyaareedka Premier League, waana weeraryahan ay jihada ka luntay xilli ciyaareedkii hore markii uu ka hoos ciyaarayay Jose Mourinho.

Waxa ay ku qaadatay ilaa iyo dhamaadkii December inuu afar gool ka dhaliyo Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Sida cad waxa uu u muuqdaa mar kale mid dhiirogashan iyadoo tababare Antonio Conte uu ka soo saarayo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.

Haddii kaliya uu tababaraha Chelsea u sameyn lahaa shax ciyaareed isaga loogu adeegayo, haddii uu kala maareyn lahaa khadkiisa dhexe islamarkaana uu xal u heli lahaa daaficiisa.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE SEPTEMBER 16

FTChelsea 1 - 2 Liverpool

September 17

17:00Hull City ? - ? Arsenal

17:00Leicester City ? - ? Burnley

17:00Manchester City ? - ? AFC Bournemouth

17:00West Bromwich Albion ? - ? West Ham United

19:30Everton ? - ? Middlesbrough

September 18

14:00Watford ? - ? Manchester United

16:15Crystal Palace ? - ? Stoke City

16:15Southampton ? - ? Swansea City

18:30Tottenham Hotspur ? - ? Sunderland

England - Championship




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip