Sheeko iyo Shaahid !{Faallo}

0
Saturday September 10, 2016 - 21:05:06 in Maqaallo by
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko iyo Shaahid !{Faallo}

    Aduunyada Warkeedu waa Sheeko iyo Shaahid, waxaa laga yabaa in aanay dad badani fahmin gaar ahaan da'yarta Soomaalida, hadaan sii faaqido yacni hadal oo dhan ama sheeko oo dhan waa waxaad goobjoog u tahay (Shaahid) iyo wax laguu sheegay oo (Shee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunyada Warkeedu waa Sheeko iyo Shaahid, waxaa laga yabaa in aanay dad badani fahmin gaar ahaan da'yarta Soomaalida, hadaan sii faaqido yacni hadal oo dhan ama sheeko oo dhan waa waxaad goobjoog u tahay (Shaahid) iyo wax laguu sheegay oo (Sheeko) ah.
Waxaa Maalintii labaad xiran lana filayaa iney maaalmaha soo socda xirnaadaan Wadooyinka Halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gadiidka Muqdisho, dadku waa ay cabanayaan iyagoo u dul qaadan la’ sida loola dhaqmay haday tahay Xukuumadda hada Shaqaysa oo go’aamo aan dadka u cuntami Karin soo saarta iyo haday Ciidamada tahay, iyagoo hoosta ka guuxaya oo qof walba uu ku hadlayo wixii afkiisu qabto. ma jiro Gaadiid dadwane oo la raacayo, Gaawarida yar-yar ayaa qarda jeexaya waxayna sheekadoodu dhamaanaysaa oo ay Joogso ka hor imaanaysaa markay laamiga u soo dhowaadaan.

Su’aasha ugu badan ee ay dadku is waydiinayaan waa sababta Wadooyinka loo xiray oo jawaabo kala duwan laga bixinayo, Dadku waa ay lugaynayaan iyadoo habqan ah sidii ciidan jabay oo kale, Nin baa yiri. "La yaab ma lahan in wadooyinku la xiro laakiin waxaan maqlay in Ajendaha kulanku yahay xiisadda koofurta Suudaan” waxa uu intaa ku daray "Waxa wanagsanyd in ugu yaraan laga hadlo dib u dhiska Ciidamada Soomaaliya”.

Mid kalaa hadlay oo yiri. "Wadooyinka Xukuumadda xirtay kama aaney fekerin farxadda Ciidda iyo sidii au u damaashaadi lahayeen dadka reer Muqdisho”.

Nin kale ayaa hadlay waxa uuna yiri. "Waxaad ka hadlaysaan wado xiran oo loo xiray kulanka IGAAD oo markii ugu horeysey tan iyo burburkii ka dib, lagu qabanayo Muqdisho” waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. "Maanta waaba loo qaateen oo waxaan hore u soo aragnay Mayd loo xiray wadooyinka Muqdisho”.

Intaa ka dib, waxaan soo qadimayaa intii aan cagtayda maalayey waxyaabihii aan arkay iyo waxyaabaha la ii sheegay. Dhacdadii iigu yaabka badnayd ee igu qasabtay inaan qoraalkan sameeyo ayaan ku bilaabayaa Maqaalkayga. Bartamaha isgoyska KM5 ama Zope waxaan ku arkay laba nin oo midkood wado cunug yar oo qiyaaastii Afar jir ah, waxaa ku duuduban maro cunuga oo dhan, waxaan u qaatay in uu xanuunsan yahay oo loola cararayo Cusbatalka Banaadir, waxaan isku deyey in aan la hadlo oo aan iraahdo cunuga madaxa u fayda si uu dabayl u helo, gees gees inta la ii soo fiiriyey ayaa hadlkii la iigu soo koobay "Waa ilmo saqiiray”. Anigoo yaaban oo sii eegaya labadii nine e cunuga maydka ah sidey ayaaa waxaa ila soo istaagey wiil dhalinyaro ah markaasuu yiri nimankaas maydka wada waxaa baabuurkii ay wateen looga dejiyey laami yaraha Zoobe. Waxaan waydiiyey halka ay hada u wadaan madaama ay babuur la’aan yihiin waxa uuna yiri waxay doonayaan iney baabuur ka sii saaraan isgoyska Banaadir si ay ugu soo aasaan meelahaas.

Isgoyska Zope iyo inta u dhexaysa Hoteelka Ramaada waxaan kaloo ku soo arkay saaka barqadii Baabuur Cabdi bile ah oo Qoriga saaran liifkiisa lagu garaacayo Gaadiidka Wadada maraya ee aan kala ogayn in wadadu xiran tahay iyo in kale, waxaan arkay dad badan oo argagaxsan markii Baabuurkii ay saaraayeen si arxan la’aan ah looga daadiyey, mid ka mid ah ayaa ii sheegey iney xitaa lacagtii aanay dhiibin.

Waxaan kaloo arkay laba nin oo wadi la’ Arigii ay ku Udxiyeysan lahaayeen oo khadyaan ka taagan sidii ay u wadi lahaayeen markii baabuurkii ay wateen loo diidey inuu wadada gooyo, waxay goosteen iney Arigooda kaxaystaan baabuurkana Garaash Lacg ah u raadiyan.

Waxaa la ii sheegay in Haweeney Soomaaliyeed oo wadata Ilmo xanuunsan oo Mooto Bajaaj wadata loo diidey iney wadada goyso si u gaarto rug Caafimaad oo ku taala Via Laybeeriya, ninka ii sheegay waxa uu yiri. "Waxay calooshu I xanuuntay markii ay Haweenayda cunugu wadatey soo degtay oo ay si hoose ula hadshay Askarigii ay is lahayd isagaa ugu sareeya, oo uu ku gacan sayray”.

wado3wadooyinkawadooyinka-waaweyn-ee-magaalada-muqdisho-oo-maanta-haawanaya-3xiran

Cabdinasir Xersi Iidle.

Tell. Naasirx1@gmail.com

00252-615503978




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip