
Buug laga qoray Muqdisho oo lagu soo bandhigay London
Macnaha 'The Mayor of Mogadishu' waa 'Duqa Muqdisho' oo uu ula jeedoMaxamuud Axmednuur Tarsan dabcana waxaa buuggaa uu kusaabsan yahay xilligii Tarsan uu duqa magaalada Muqdisho ahaa.
Qeybo badan oo buuggaa ah ayaa kusaabsan xilligaa Tarsan uu ahaa duqa Muqdisho. Mar idaacada BBC wax ka weydiisay qoraaga buugga ayuu sheegay in Tarsan uu u dhabar adaygay in inta uu Soomaaliya kusoo noqdo uu u bareero qatar badan oo uga imaanaysay Al-Shabaab.
Wuxuu intaa ku daray inuu shaqsiyad leeyahay Tarsan balse si kastaba ha ahaatee uusan buuggu kusaabsanayn duq magaalo oo fiican ama xun hase ahaatee dhabar adaygiisa oo qura.
Wuxuu kaloo sheegay in sida caasimada Muqdisho muddo labaatan sano kabadan ugu adkeysatay dagaalka sokeeye isuguna dayayso inay kasoo kabato laga dheehan karo buugga tusaalena ay u noqon karto dalal badan oo dhibaatooyin la dageen sida Suuriya.
Buug laga qoray Muqdisho oo lagu soo bandhigay London
Andrew Harding oo muddo dheer Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Muqdisho Soomaaliya uga soo warramayay BBC ayaa buuggaa qoray. Buugga ayaa Andrew wuxuu ugu magac daray 'the Mayor of Mogadishu'.