WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 31-KA OKTOOBAR 2015-KA

0
Saturday October 31, 2015 - 10:32:55 in Wararka by
  • Visits: 1747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 31-KA OKTOOBAR 2015-KA

    MADAXWEYNE XASAN SH.IYO RA'IISUL WASAARE NARENDRA MODI OO KA WADAHADLEY DIB U SOO NO OLEYNTA XIRIIRKII TAARIIKHIGA AHAA EE KA DHEXEE YAY SOOMAALIYA IYO INDIA,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SH.IYO RA'IISUL WASAARE NARENDRA MODI OO KA WADAHADLEY DIB U SOO NO OLEYNTA XIRIIRKII TAARIIKHIGA AHAA EE KA DHEXEE YAY SOOMAALIYA IYO INDIA, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka So omaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada New Delhi kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda India Narendra Modi. Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u soo no oleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexee yay Soomaaliya iyo India, iyo in la bilaabo iskaashi dhinacyo badan oo labada dhinac ay ka faa’ideysan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay aa Mr Modi u sheegay in Soomaaliya ay ka ba xdey xilligii colaadda , diyaarna ay u tahay soo dhoweynta maalgashiga shisheeye, sida In dia, isagoo intaa ku raaciyey in tallaabadaasi ay gacan ka geysan karto dib u soo kabasha da dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Modi ayaa isna ballanq aadey inay Soomaaliya ka taageeri doonaan arrimaha waxbarashada, iskaashi dhinaca am niga, la dagaalanka argagixisada iyo adeegya da kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda Afrika ee ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka 3aad ee waddamada Afrika iyo India, waxaana uu shalayshirkaasi ka jeediyay khudbad. DHAMMAAD—

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA IYO R/WASAARA HA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORRI DALKA TURKIGA..

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta xorriyadda dalka Turkiga oo ku asteysan 29ka Octobar ayaa shalaylagu qa btay magaalada Muqdisho.

Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiya ha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaaqri” R/wasaaraha dalka Cumar Cabdi rashiid. wasiirro xildhibaanno iyo xubno ka so cday ururada bulshada ayaa ka qeybgalay Xafladda xuska 92 guuradii ka soo wareegtay madaxbanaanida dalka Turkiga taasoo lagu qabtay xarunta dhismaha safaaradda cusub ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaa liya oo munaasabadda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta dowladda ee ka qey bgashay munaasabadda, isagoo xusay in dow ladda Turkigu ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya.

Ku simaha madaxweynaha ahna afhayeen ka Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari”oo hadlay ayaa dowladda iyo sha cabka Turkiga ugu hambalyeeyay munaasab adda xuska 92 guuradii ka soo wareegtay ma daxbanaanida dalkaasi.

Munaasabadda xuska maalinta madaxban aanida Turkiga ee shalaylagu qabtay safaarad da dalkaasi uu leeyahay Muqdisho ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan .

WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA OO KU DHOWAAQDAY XUBNAHA GUDDIGA FARSA MADA EE MAAMUL U SAMEYNTA GOBOLADA SH/DHEXE IYO HIIRAAN

areegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arri maha Gudaha iyo Federaalka ay aa lagu shaa ciyay magac yada guddiga farsamada maamul u sameynta labada gobo lee Sh/dhexe iyo Hiir aan, Wareegtadan ayaa lagu shaaciyay magacyada 14 xubnood oo labo ka mid ah ay dumar yihiin, lamana oga sababta keentay in guddiga farsamada oo lagu waday inuu noqdo 31 xubnood la soo yareeyo.Halkan ka aqriso magacyada guddiga farsamada maamul u sa meynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan,

Caasho Cabdulle Xasan (Raagto).

Maxamed Cali Nuur.Cusmaan Barre Muxu mad Caa’isho Abuukar Cismaan.

Cabdikariin Shire Cabdi.

Bashiir Sh.Ibraahin Xaaji Cismaan.

Cusmaan Ibraahin Cali.

Maxamed Axmed Xasan (Ayax)

Cabdraxmaan Maxamed Diiriye.

Cabdraxmaan Faarax Xirsi.

Axmed Cabdraxmaan Abuukar.

Sh,Maxamuud Shiikh Yuusuf.

Cabdraxmaan Cabdi Cilmi.

Cabdraxiin Xaaji Fiqi.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO MUDDO FOG KA DIB DANJIRE CUSUB U MAGACOWDAY DALKA RUUSHKA

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa da njire cusub u magacowday dalka Ruushka, safiirkan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya u magacowdo Moscow ka dib muddo ka badan 20sano. Safiirka Somaliya ee Ruushka ayaa loo magacaabay, C/llaahi Maxamed Warsame (Cadde Duqow), wux uu ho ray u ahaan ma da xii machad kii farsa mada iyo ganacsi ga ee Somaliya tan iyo sa nnadkii 1991kii, markaas oo xuku nka laga tuuray dowladdii hore ee Soomaaliya.

Xukuumaddii millateriga ahayd ee Soom aaliya ayaa waxay xiriir dhow la lahayd Midow gii Sofiyeeti, waxayna ciidanka Somalia ka tag eeri jirtay tababarada iyo qal abeynta, inkastoo xiriirkoodu xumaaday markii ay dowladda Ruu shku taageertay Itoobiya da gaalkii Somalia iyo Itoobiya dhexmaray sann adihii todobaatame eyadii.

Danjire Warsame ayaa wax ku bartay dal ka Ruushka. Sidoo kalena soo noqday agaas imihii hay’adda UNDP ee Soomaaliya. Waxaa na loo arkaa danjiraha cusub mas’uul leh wa ayoaragnimo buuxda oo uu uga qaybqaadan karo xiriirka labada waddan ee horay xulufada u ahaa. Sidoo kale, danjiraha cusub ee Soom aaliya ay u magacowday Ruushka ayaa wux uu bedeli doona wakiilkii hore ee Soomaaliya u joogay Ruushka, Maxamed Maxamuud Xan dulle oo shaqeynayay tan iyo sannadkii 2007dii.

Waxay Somalia kasoo kabanaysaa colaadi hii 25ka sano socday, iyadoo isku dayaysa in ay soo celiso xiriirkii ay dalalka caalamka la la hayd, iyadoo labadii sano ee u dambeeyay soo ceshatay xiriirkii ay la lahayd dalal badan oo caalamka ah. Intii ay Somaliya ka socdeen colaadaha sokeeye, wuxuu Ruushku deeqwaxbarasho siiyay boqollaal arday Soomaaliy eed ah, kuwaasoo markii dambe u tahriibay waddamada Yurub qaarkood.

Xukuumadda Moscow ayaa waxay door wa naagsan ka ciyaartay dhismaha iyo qalabey nta millateriga Somalia sannadihii toddobaat ameeyadii, waxayna ku soo tababarteen sar aakiil badan oo Soomaaliyeed waddanka Ruu shka. Dalal ay ka mid tahay Mareykanka ay aa xiriirkii siyaasadeed u jaray Soomaaliya ma rkii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 19 91kii, markaasoo dalka ay isku hardinayeen dagaaloogayaal ku loolamayay xukunkadalka

Ugu dambeyn, markii Somaliya ay ka baxd ay xilligii KMG ahaa isla markaana laga saar ay deegaanno badan oo caasimadda Somali ya ee Muqdisho ku dhow xoogaggii Islaamiyiin ta ahaa ayaa waddamo badan oo caalamka waxay billaabeen inay dib u soo celiyaan xiri irkii siyaasadeed ee ay la lahaayeen Sooma aliya.

GEN MUUNGAAB OO KA HADLAY XIL KA QAADI STII LAGU SAMEEYAY

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Generaal Xasan Max'ed Xuseen Muungaab oo shalay shir jiraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay Xil ka qaad istii dhawaan lagu sameeyay,isagoo soo dha weeyay talabadaasi xilka looga qaaday.

Gen. Muungaab oo ka hadlayay Xilka qaad istiisa ayaa sheegay in Mas’uul kasta oo Soomaaliyeed la badalayo isla markaana uus an Xilku la dhalan,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu aqbalay,isla markaana ay tahay dabeeca da siyaasada.

Sidoo kale,gudoomiyihii hore ee gobolka Ba naadir ayaa la dardaarmay shaqaalaha Dowla da Hoose,isagoo ku booriyay in howsha sidii hore ay u socoto,lana dareemin habacsanaan dhanka shaqada ah. Wuxuuna Muungaab carr abka ku adkeeyay in shaqada ay sii soconey so intuu si rasmi ah Xilka ugu wareejinayo gud oomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir Mr Sh. Yuu suf Xuseen Jimcaale oo ka tirsanaa Xisbiga PDP uu madaxweynaha Siyaasada ku soo gal ay. "Maamulka Gobolka Banaadir waa uu Sha qeynayaa,Waaxda Canshuurta,Waaxda Dad dhigista,Ciidamada Canshuurta qaada dhama an wey shaqeynayaan oo wax Hakad galaya Majiraan”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee G/ B/dir Muungaab.

Gen Muungaab ayaa in ka badan hal sano joogay Xafiiska maamulka gobolka,isagoo bad alay gudoomiyihii hore iyo duqii Muqdisho Ma x’ed Axmed Nuur Tarsan.

SHABAAB OO JIITAY DIYAARADDII KU SOO DHACDAY DULEEDKA DEGMADA AFGOOYE

Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaaya diyaaraddii ku dhacday duleedka Degmada Af gooye Ee G/Sh/Hoose, maalintii Arbacada, ta asoona u gacan gashay Ururka Al Shabaab.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii geedo la jar jaray dusha kaga da boolay diyaaradaasi, xilli ay kala daggeen dha mmaan dadkii saarnaa oo tiradoodu lagu shee gay 10 illaa 12 qof.

Gudoomiyaha Maamulka G/Sh/Hoose, ay aa wuxuu xaqiijiyay in Ururka Al Shabaab ay diyaaradaasi ka jiiteen Deegaanka Cumar Be ere, oo qiyaastii 10km dhinaca galbeed kaga toosan Degmada Afgooye. Waxa kaloo uu she egay in diyaaradaasi ay Shabaabku ku jiideen makiinad buu yiri gaari jiideysay, isagoo intaa ku daray inay diyaaradda u qaateen dhinaca Deegaanka Toora Toorow.

G/G/Sh/Hoose, ayaa sababta ay markii ho re diyaaradaasi geedo la jar jaray ugu qariye en uu ku sheegay, si aanay macluumaad kaga helin diyaaradaha wax basaasa. C/qaadir Max amed Nuur oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa waxa uu sheegay dadka deega anka oo ay la xiriireen inay u sheegeen in shid aal uu ka daadanaayay diyaaradaasi, shidaalk aasina lagu arkay geedihii ay dulmartay diyaa raddu, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deg an halkii ay diyaaraddu ku dhacday ay u shee geen in Shabaabku ay indhaha ka xir xireen dadkii diyaaradda la socday, oo qaarkood ku dhaawacmay shilkaasi, sida uu sheegay, islamarkaana ay u kaxeysteen jiho aan la garan ayn. C/qaadir Siidii, ayaa ku waramaya inaan ay macluumaad dhameystiran weli ka hayn halkii ay diyaaradda ku timid, waxa saarnaa iyo weliba goobtii kale ay ku wajahneyd, hase yeeshee ay dib ka soo sheegi doonaan, iya goo weli baaritaano wada, sida uu yiri.

Xigasho: dhacdo.com

TAARIIKH NOLOLEEDKA G/ G/BANAADIR AHNA DU QA M/MUQDISHO MD. YUUSUF XUSEEN JIMCAALE (MADAALE)

Iyadoo 25kii bishan Wareegto ka soo baxd ay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xas an Sh.Maxamuud xilka Gud. G/ B/dir ahna Duqa Muqdisho loogu magacaabay Yuusuf Xus een Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa halkan id inkugu soo gudbeyneynaa taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee G/Bdir ahna Duqa Muqdisho. Yuusuf Xuseen Jimcaale, wuxuu dhashay 1965, wuxuuna ku dhashay M/Muqdi sho.

Waxabarashadiisii Hoose iyo Dhexe wuxuu ku soo qaatay Madrasadii Allaahida 198019 85, Dugsiga Sare wuxuu ku qaatay wadanka Masar asagoo ka baxay Machadka Albictha Alazhar al sharif , Cairo, Masar. Isla wadanka Masar ayuu ka bilaabay heerka aqooneed ee jaamacadda, wuxuuna ka qalinjabiyay Jama cadda American Open Univertity, Cairo, Ma sar sanad daraasadeedkii 20042008, asagoo ka bartay Daraasaadka Islaamiyah WalCara biyah, Sidookale wuxuu ka qaatay isla Alazhar Alshariif hal sano oo Cilmiga Bulshada.

Khibradiisa Shaqo

19861991, wuxuu ka shaqaynayay Waka aladda Dhismaha Soomaaliyeed ee Wasaarad da Howlaha Guud iyo Guryaynta asagoo ka soo qabtay jagooyinka Madaxa Xafiisyada Log isticska iyo Wax soo saarka.

19921993, wuxuu soo noqday Agaasimaha Waaxda Batroolka ee Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta. 19931994, wuxuu noqday Aga asimaha Xafiiska Dagmada Wadajir ee Hy’ atuAl Culyaa.

19941996, Wuxuu ahaa Agaasimaha Xafiis ka Gargaarka ee Hay’adda Muslim World Lea gue Laanta Dagmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. 19951997, wuxuu ahaa Xoghaya ha Hay’adda Slamic Relief Association, Xafiis ka Mudisho.

19961998, wuxuu Aas aasay Maamulena ka noqday Xarunta Agoonta ee Albirri, Muqd isho. 20042010, wuxuu wakiil u noqday Shirk ada Daawada Almustaqbal, laanteeda Cairo, Masar. 20052008, wuxuu noqday Wakiilka Shirkadda Dahabshiil qeybta Ajaanibtaee Cairo, Wadanka Masar. 20082013, wuxuu qa btay xilka Gudoomiyahay Xarunta Nabadda iyo Horumarinta Bulshada ee Cairo, Wadanka Masar.

20102011wuxuu noqday Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadanka Masar.

20092011, wuxuu xubin ka ahaa Ururka Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Masar. Yuu suf Xuseen Jimcaale (Madaale), intii uu arday ga ka ahaa Dalka Masar, wuxuu caan ku ahaa ka shaqaynta iyo u adeegidda Jaaliyadda Soo maaliyeed gaar ahaan ardayda, xoojinta xiri irka Jaaliyadda iyo kan dadka reer Masar, si doo kale xoojinta xiriirka Safaaradda Soomaal iyeed iyo Jaaliyadda. Wuxuu aad uga digi jiray dhaqamada aan wanagsanayn oo ay qabyaal addu ka mid tahay. 20112015, Wuxuu qabt ay xilka Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisb ga Nabadda Horumarka (PDP).

NICHOLAS KAY OO AMMAANAY WADASHEQEYTII GEN MUUNGAAB

Warqad qoraal ah uu Ergayga gaarka ah ee Q.M. Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay uu u soo Diray Gu/yihii Hore ee G/ B/dir ahna Du qa Muqdisho ayuu ku amaanay wadashaqey nii iyo Xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhexeyay Q.midobay iyo Maamulkii Gobalka banaadir ee uu Hormuudka u ahaa Mudane Xasan Max amed Xuseen Gen Muungaab

Nicholas Kay ayaa yiri ‘’Waxan uga faa’ide ysanayaa fursadan in aan kaaga mahad celiyo shaqadii adkeyd ee aad ka qabatay Magaala da muqdisho, farxad ayey ii aheyd Wadasha qeyntii aan kula yeeshay ayuu ku yiri warqad da uu Nicholas Kay u diray Duqii hor ee Maga alada Muqdisho”

Mr.Key Wuxuu kaloo si gaar ah uga mahad celiyay dadaalkii uu ka geystay hubinta in si nabadgalya ah Q.midoobay uga shaqeyso M/Muqdisho. Ergayga gaarka ah ee Q.mido obay Arimaha Soomaaliya Nicholas Key ayaa Xiriir dhaw la lahaa Maamulka Gobalka bana adir ee uu horkacay Md Xasan Maxamed Xus een Muungaab, isagoo oo meela kala duwan oo magaalada muqdisho ah Xiliyo kala duwan kula caweeyay Dadweyanaha magaalada muqdisho.

GOLAHA WASIIRRADA OO MEEL MARIYAY MIISAANIYAD SANADEEDKA 2016KA

G/Wasiirada ee XFS ayaa Dorraadyeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyada oo looga hadl ay qodobo ay ka mid yihiin soo gudbin Miisa aniyad sanadeedka 2016, iyo xog uruurin ay soo sameeyeen xubno ka tirsan guddigii loo xil saaray gurmadka Fatahaadaha laga cabsi qabo iyo roobabka El Niño.

Kulankan ayaa waxaa si qota dheer looga dooday Miisaaniyad sanadeedka sanadka 2016, oo ah kharash dhan 216, taasoo 64% (Boqolkiiba lixdan iyo afar), loo qoondeeyey inay ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, waxaana Miisaaniyaddan gol aha u faah faahiyay Wasiirka Maaliyadda Max amed Aadan Fargeeti.

Golaha Wasiirada, ayaa dood dheer ka dib, meel mariyay Miisaaniyad sanadeedkan, wax ayna Wasaaradda Maaliyadda ballan qaaday in haddii dakhliga gudaha dalka uu kordho dib u eegis lagu sameyn doono, si loo kordhiyo qoondada wasaaraddaha. Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa warbixin xog uruurin ah ka dhegeystay Wasiirka Caafimaadka Marwo Xa awo Xasan Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C.raxmaan Maxamed Xuseen Odo waa, waxayna ka warbixiyeen socdaalo ay u gu kuurgalayeen xubno ka tirsan guddiga gur madka Fatahaadaha iyo Roobabka El Niño, gaar ahaana Hiiraan iyo J/hoose.

Guddiga ayaa tagi doona dhamamaam gob olada ay maraan webiyada Shabelle iyo Jub ba, si loogu sii tabaabusheysto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ku dhaqan gobol adaasi, oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Fatahaado waaweyn iyo Roobab wata dabeylo.

WASIIRKA WARFAAFINTA OO FAAH FAAHIN KA BIXIYAY KULAN UU LA QAATAY DHIGGIISA DALKA SACUUDIGA

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxii ska ee xukuumadda Soomaaliya Md.Maxam ed Cabdi Xayir Maareeye oo safar shaqo ku tagay dalka Sacuudi Carabiya ayaa kulan muh iim ah la qaatay dhigiisa Boqortooyada Sacu udiga, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale du wan oo la xiriira labada Wasaaradood.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Sacuudiga ay kaalin uga qaadan laheyd horumarinta warbaahinta Soomaaliye ed, tayeynta iyo tababarada Suxufiyiinta Soom aaliyeed iyo dar dargelinta iskaashi dhexmara wasaaradaha warfaafinta Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Md Maareeye Wasiirka oo dalka dib ugu soo laabtay shalay ayaa warbaahinta Qaranka sharaxaad ka siiyay kulankii uu dhigiisa boqor tooyada Sacuudi Carabiya kula soo qaaday iyo ahmiyada uu u leeyahay Warbaahinta Soo maaliyeed. Wasiir maareeye oo ka mid ahaa wafdigii uu hogaminayay madaxweynaha Jam huuriyadda Soomaaliya ee kulanka la yeeshay boqorka dalka sacuudiga ayaa tilmaamay in dadka Sooomaaliyeed ee doonaya in ay ka shaqaystaan dalkaasi ay heli donaan sharuuc ay ku shaqeysan karaan. Dalalka Soomaaliya iyo sacuudiga ayaa waxaa ka dhexeeya xariir soo jiren ah, oo ku saleysan dhaqan iyo diin,

URUR AY LEEYIHIIN ISKAASHATOOYINKA GOBOLKA SH/DHEXE OO LOOGA DHAWAAQAY JOWHAR

Kulan boorka loogaga jafayay ururka dha qdhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee gobolka Sh/dhexe ayaa shalaylagu qabtay M/ Jowhar ee xarunta G/Sh/dhexe. Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo soo noolayn la haa Ururkii dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka G/sh/dhexeee UDHIS ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka shabeelaha dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Ugu horeyn waxaa halkaa kahadlay Guddo omiyaha KMG ah ee ururka iskaashatooyinka degmada Jowhar Axmad Tifoow Gacal oo soo dhoweyn iyo amaan ujeediyay dadaalka iyo horumarka uu hiigsanaayo ururkan heerka go bol ee shalayboorka laga jafaayo waxaana uu si weyn u amaanay dadaalkaiyo hiigsiga uru rka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka uu ku tallaabsanaayo waxaana uu shaaca ka qaad ay in uu si buuxda u garab taagan yahay ka degmo ahaan .

Wakiil ku xigeenka ururka Iskaashatooyin ka degmada Cabdullaahi Macallin Xuseen Biis oo isna ka hadlay ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsaday dadaalka iyo heerarka kala gedi san ee uu soo maray ururkan iyo mudadii ay u soo halgamayeen sidii uu ku hana qaadi lahaa ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyin ka Gobolka shabeelaha dhexe . Xoghayaha Guud ee ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooy inka Gobolka shabeelaha dhexe Cabdulqani Sh.Maxamad oo ka jeediyay warbixin ka hadl aysa Ururka dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka G/sh/dhexe isagoo si weyn ugu amaanay qa ar ka mid ah Hay’adaha ka howlgala gobolka ay u badbaadiyeen xafiisyadii UDHIS ee Gob olka waxaana si weyn uu u amaanay Hay’ad da Intersos oo gacanta ku haysa Xafiisyadii ururka dhaqdhaqaaqa iskaashatooyinka Gob olka shabeelaha dhexe maantana loogu dan eeyo Shacabka Gobolka ee la liita Cudurka Qaaxada .

Xoghayahaayaa waxaa uu si gaar ah uga faaloodaymarxaladihii kala gedisnaa ee ur urka soo maray waxaana uu hadalkiisa si ga ar ah ugu guubaabiyay "Keyd iyo dhigaal iyo qofaan koombo meel dhigan kadeed Gaajo iyo Ceyrnimo Cimrigood kama baxaan” .

Sidoo kale gudoomiyaha degmada jowhar C/q aadir C/lle Buurfuule ayaa ugu mahadceliyay dadkii isku dayay in ay dib u soo nooleeyaan iskaashatada udhis ee G/SH/dhexe wuxuuna ugu baaqay in ay ku dadaalaan cadaalada iyo horumarinta wax soo saarka.

Kulanka ayaa waxaa soo xiray kusimaha gudoomiyaha gobolka Shabelaha Dhexe ahna gudoomiye ku xigeenka gobolka dhanka siyaa sada iyo amniga Axmed Meyre Makaraan ay aa sheegay in iskaashatooyinka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan beeraleeyda ayna kala shaqeeyaan wax soo saarka gobolka Sha belaha dhexe.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO MAGACAABAY WASIIRRO CUSUB WASIIRRADII HORENA ISKU SHAANDHEEYAY

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaan yo ayaa habeen hore xilli dambe magacaabay raxan wasiirro, wasiirro ku xigeen iyo taliyey aal cusub, isla markaana buuxiyay inta badan masuuliyiintii baneeyey xilalkooddii.

Wasiirrada cusub ee la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Cabdilaahi Ibraahim Habb ane oo muddo dheer ahaa xogyaha guud ee golaha guurtida, isl amarkaana ka mid ahaa murasharaxiintii madaxweyne ku xigeenka xis biga kulmiye u tartamayey oo shalay u tanaa sulay madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxma an Saylici, waxaana loo magacaabay wasaar adda waxbarashadda iyo Tacliinta sare.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/ M/XERM/2493641/102015 ku magacabay wa siiro, wasiirudawlayaal, Wasiiro ku xigee no, Agaasimeyaal guud iyo Lataliyeyaal Mada xweyne”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed xa llay goor dambe ka soo baxay xafiiska madax weynaha oo uu ku saxeexan yahay afhaye enka cusub ee madaxweynaha Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr).

Wasiirada loo magacabay xilalka cusub ee ay baneeyeen masuuliyiintii xilalka iska casi lay waxa ka mid ah.

1. Mudane, C/llaahi Faarax Maydhane, oo loo magacaabay wasiirka wasaarada ciyaara ha, dhalinyarada iyo dhaqanka ee Somaliland.

2.Mudane, Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Ca bdilaahi Dheere) oo shalaylaga bilaabo noqon doona Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

3. Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bila abo shalaywaxa uu noqon doonnaa Wasiir Ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. Mudane, Cabdi Daahir Camuud, wuxuu noq on doonnaa Wasiirudawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland.

5. Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bila abo shalaywuxuu noqon doonaa wasiir kuxi geenka wasaarada ciyaaraha, dhalinyarada iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6.Mudane, C/rashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda shalayuu ahaado Wa siirudawlaha Gobollada Bari Somaliland.

7. Mudane, C/salaan Maxamed Xasan, laga bi laabo taariikhda shalayuu ahaado Wasiiruda wlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarin ta Reer Miyiga ee Somaliland.

8. Dr. Maxamed Faarax Ducaale, laga billaabo taariikhda shalayuu ahaado wasiirudawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland.

9. Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, la ga bilaabo taariikhda shalayuu ahaado Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo M aalgashiga Caalamiga ah Somaliland.

10. Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bila abo taariikhda shalayuu ahaado Wasiir Kuxig eenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacli inta Sare ee Somaliland.

11.Mudane, Cismaan Axmed Jaamac, laga bilaabo taariikhda shalayuu ahaado Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrim aha Garsoorka ee Somaliland.

12. Eng. Cabdi Maxamed Hiirad, laga billaabo taariikhda shalayuu ahaado wasiir kuxigeen ka wasaarada hawlaha guud, guriyeyn ta iyo gaadiidka ee Somaliland.13.Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Bu uri), laga bilaabo taariikhda shalayuu ahaado Wasiirudawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somal iland.14. Mudane, Cab diraxmaan Axmed Is maaciil, laga bilaabo taa riikhda shalayuu aha ado Wasiirudawlaha Wa saaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuur iyadda Somaliland.

15. Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali, laga bil aabo taariikhda shalayuu ahaado Wasiirudaw laha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Ja mhuuriyadda Somaliland.

16. Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bila abo taariikhda shalayuu ahaado Wasiir Kuxi geenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ja mhuuriyadda Somaliland.

17. Mudane, Jaamac Cabdiilahi Biin, laga bil aabo shalayuu ahaado Wasiir Kuxigeenka Go bollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Ar rimaha Gudaha 18. Mudane, Cabdifataax Sic iid Axmed Guul eed, laga bilaabo taariikhda shalayuu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasa aradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

19. Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bila abo taariikhda shalayuu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Soma liland.20. Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda shalayuu ahaado LaTaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’ad aha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.

21. Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, laga bilaabo taariikhda shalayuu ahaado LaTaliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobol lada Bariga Somaliland.

BANKIGA ADDUUNKA OO QAADAY TALLAABO XAYIRAADA LOOGA QAADAYO XAWAALADAHA SOOMAALIYA

Bankiga Adduunka ayaa qaaday tallaabo xa yiraada looga qaadayo Xawaaladaha Sooma aliya, isla markaana taageerayo dhaq dhaqaa qa xawaaladaha, si loo xaqiijiyo isha kaliya ee dhaqaalaha ka soo galaan Soomaalida oo ah Xawaaladaha ku yaala Ameerika iyo Yurub.

Agaasimaha Bariga Afrika ee Bankiga Adduu nka Haweeneyda la yiraahdo Bella Bird ayaa sheegtay in xawaalaha Soomaalida ay shaqo adag u hayaan shacabka Soomaaliya an, iyad oo xustay in tuhunka la xiriira inay xawaalad aha ay adeegsadaan argagixisada ay yimid markii uu meesha ka baxay awooda Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

"Waxaa muhiim ah inaan qaadno tilaabo lagu hubinayo lacagta Soomaaliya loo xawilo iyo xataa ganacsiga”ayay tiri Balle Bird oo wa riyeyaasha kula hadleysay magaalada Nai robi. Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay wada an qorshayaal ay ku xoojinayaan Bankiga Dhe xe ee Soomaaliya, si meesha uga baxdo shak Iga la gelinayo Xawaaladaha Soomaaliya.

Bella Bird ayaa tilmaamtay in qorshaha kale ee ay wadaan uu yahay sidii loo sameyn la haa wakaalad hubin doonta lacagaha Sooma aliya dibada looga soo diro, si kalsooni loo abuuro, maadaama ay xustay in sanadkiiba la cagaha dibaddaha laga soo diro ay gaareyso ilaa Hal Bilyan oo dollar. Soomaali fara badan ayaa ku tiirsan lacagaha dibadaha laga soo di ro ee la soo marsiiyo xawaalaha, waxaana xa waaladaha ka howl gala dalalka reer galbeed ka ay bilihii la soo dhaafay la kulmayeen cule ys uga ima anayay Bankigada ay la shaqee yaan ee ay xisaabaadka ku leeyihiin.

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE FATAHAADA WABIGA SHABEELLE EE DEEGAANO KA TIRSAN SH/DHEXE

Cabsi weyn ayaa soo foodsaartay dadka degan deegaanada u dhaxeeya Balcad iyo Jo whar ee ku teedsan Wabiga Shabelle, kadib markii uu wabiga jabsaday, waxaana laga cabsi qabaa in fatahaada wabiga uu sababo in deegaano badan ay go’doomaan.Biyihii ka ba xay Tuulada Magaay oo ka tirsan G/Sh/Dhexe ayaa saameeyay Tuulooyinka Ku lmis Yarow, Maqdis, Jameeco Misra, Busle, FarBaraki, Ya aqle iyo Xaaji Cali oo ah dham aan tuulooyin ku dhow magaalada Jowhar. Saciid Buuna oo ka mid ah Howl wadeen ada Hey’adda Gift of the Givers oo ku sugan tuulooyinkaas ayaa u sheegay Jowhar.com in dalagyadii beeraha ay noqdeen kuwo baaba’ ay, isla markaana dadkii deegaanka ay haatan soo wajahday qatar xoogan.

Howl wadeenada Hey’adda Gift of the Giv ers ayaa ka qeyb qaadanaya samata bixinta dadka ku dhaqan tuulooyinka, waxaana ay do omo ku tageen tuulooyinka, iyagoo shacabka kala qeyb qaadanayay sidii qeybta uu wabiga ka jabsaday loo xiri lahaa. Sidoo kale Maamu lka G/Sh/Dhexe ayaa wada dadaalo la doona yo in lagu xiro meelaha ay suurta galka tahay in wabiga ka fataho, maadaama wabigu uu aad u biyo keenay.

Maamulka ayaa deegaanada qaar geeyay kumanaan jawaano looga qeyb qaato carotuu rka iyo in lagu celiyo jawaanada carada meela ha uu wabiga afka saaran yahay. Waxaa jirta cabsi laga qabo in daadadka ka dhashay fat ahaada wabiga ay saameeyaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo maalmahan noq otay mid aad u sii xumaaday, markii roobabkii da’ay ay saameeyeen.

SOUTH AFRICA: SOOMAALIYA OO KA QAYB-GALAYSA SHIRKA 22-AAD EE AFRICA OIL WEEK

Shirka 22aad ee Africa Oil Week oo ka so cda Capetown, Koonfur Afrika, iyadoo shirkan ay ka qaybgalayaan ku dhawaad 2,000 oo wafdi oo ka kala socda caalamka k uwaas oo ay Soomaaliya ku jirto. Wasiirka macdanta iyo batroolka Somalia, Maxamed Mukhtaar oo ho ggaaminaya wafdiga ka so cda dowladda fed eraalka Somalia ayaa ka qaybgalaya shirkan, iyadoo waxyaabaha shi rka looga hadlayo ay mid yihiin; sidii wa ddamada Afrika ay ugu faa ’iideysan lah aayeen khey raadka dhulka iyo badda, wax aana sidoo kale shirkaan ka qaybgalaya shirkadaha ka shaqeeya shidaalka.

Sidoo kale, wasiirka macdanta iyo batro olka Somalia oo khudbad ka jeediyay shirka Africa Oil Week ayaa ka warbixiyay xaalad da Soomaaliya ee dhinaca shidaalka iyo hal ka ay wax marayaan iyo sidii ay Somalia u gu faa’iideysan lahayd shidaalka ka buuxa wa ddankeeda, wuxuuna xusay in haatan wa dda mada dariska la ah Somalia sida Kenya iyo It oobiya ay haatan billaabeen inay shid aal soo saaraan, tan badalkeedana ay Soo maaliya dooneyso in dhulkeeda kasoo saa rato shidaal ku filan si looga maarmo kaalm ada ugu tima adda dalalka caalamka, xilli So omaaliya ay haatan kasoo baxday colaado muddodheer ay kusoo jirtay.

"Arrinka shidaal soo saarista Somalia iyo ma areynta shidaalka iyo sidii looga fa a’ii’deysan lahaaba waxaa si wadajir ah u ga wadahadli doona dadka Soomaaliyeed, dowladda dhexe iyo maamulgoboleedya da,” ayuu yiri wasiirka macdanta iyo batrool ka Somaliya, Maxamed Mukhtaar.Ugu dam beyn, gabagabada shirk an sannadlaha ah ayaa waxaa la filayaa in la ga soo saaro qo dobbo dhowr ah oo ku aad dan in waddan waliba oo ka tirsan Afrika uu ka faa’iideysto kheyraadka dhulkiisa, si Qaaraddu ay ugu maaranto mucaawinada ugu timaadda Caalamka, isla markaana Afrika ay noqoto

Qaarad dhianc walba isaga filan.

WARARKA CAALAMKA

DAGAAL KA SOO CUSBOONAADAY MAGLAADA TICIS EE DALKA YEMEN

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu dorraad Iyo shalay ka socday magaalada Ticis oo ay ku dagaa lam ayeen kooxda Xuuthiyiinta iyo ciidamada taageersan dowlada ee gac anta ka helayey xoogaga Isbaheysiga dalalka Khaliijka.

Dagaalka sii xoogeystay ee ka socda Ticis ayaa kusoo beegamaya 2maalin ka dib markii dowlada Sucuudiga ay sheegtay in dagaalka ha da socdo uu marayo heer gabo gabo ah.

Isbaheysiga Sucuudiga uu hogaamiyo ayaan weli ku guuleysan in ay la wareegaan dhulka u dhaxeeya magaalada Ticis iyo caasimada Sanca oo ahaa Yoolka ugu muhiimsan ee Dowlada Yemen dooneysay inay kala wareegto kooxda Xuuthiyiinta oo iyagu difaac adag ku jira.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in bisha soo socota ee November la gu wado in shirweyne caalami ah oo lagu joojinayo dagaalka uu ka fur mo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

JOHN MAGUFULI OO KU GUULEYSTAY DOORASHADA DALKA TANZANIA

Musharixii xisbiga talada dalka Tanzania haya ee John Pombe Ma gufuli ayaa ku guulyestey doorashadii madaxtinimada isagoo helay co dad gaaraya boqolkiiba 58.46. Guddiga doorashada qara nka dalka Tan zania ayaa gelinkii dambe ee khamiistii ku dhowaaqay in Magufuli uu helay codad gaaraya boqolkiiba 58.46, halka uu musharixii xisbiga mu caaradka Chadema ee la tartamayay Edward Lowassa uu helay codad gaaraya boqolkiiba with 39 hase ye eshee Mr Lowassa ayaa diiday in uu saxiixo dukumintiga muujinaya in laga guuleystey,

Diidmada ayaa imanaysa iyadoo hore xisbiga mucaaradka ay ku ee deeyeen guddiga doorashada musuqmaasuq iyo in lagu shubtay doora shada.Dr Magufuli, oo ah 56 sano jir, ayaa dowlada hadda sii baxaysa waxa uu ka ahaa wasiir waxaa u codeeyay dad gaaraya 8.8 million hal ka hogaamiyaha mucaaradka dadka u codeeyay ay gaaray aan 6 mil lion. Dr John Magufuli ayaa hogaaminay ay Xisbiga CCM Guushan ay aa waxa ay u tahay xisbiga Chama cha Mapinduzi in uu talada dalka Tanzania sii haysanayo tan iyo sanadkii 1961 oo uu wadanka Tanzania xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska.

MUSHARAXA XISBIGA NLD EE DALKA BUR MA OO LAGU DHAAWACAY MINDIYO IYO SEF

Musharaxa xisbiga Mucaaradka ee dalka Burma ama Mayanmar ay aa la weeraray, xilli uu Xisb igiisa qabanayay isu soo bax ballaaran oo ay ugu diyaar garoobayeen doorashada todobaadka soo socda ka dh ici doonta dalkaas.Xisbiga NLD ee uu hogaamiyo Musharaxa Naing Ng an Lin ay aa waxaa dhaawacay kooxo ku hubeysan mindiyo iyo seef, Caasimada Yangon. Musharaxa Naing Ngan Lin ayaa loola cararay Isbitaalka, halkaasoo xaaladiisa lagu baxna aninayo.

Tiro dad ah ayaa loo xiray falka lagu dhaawacay musharaxa, sidoo kale waxaa horay u jiray ha njabaado xisbiga loogu jeediyay qabasha da isu soo baxyo. Goob joogayaal ayaa u sheegay BBC in nimanka hu beysan ay khamiistii dorraad weerareen goob ay isu soo bax ku dhiga yeen Xisbiga NLD oo la filayo in doorashada 8da bisha November ay ku guuleystaan kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka Mayanmar.

Doorashadan ayaa la filayaa inay noqoto tii u horeysay muddo 25 sano ah oo si furan doorasho guud dalka Mayanmar uga dhacdo.

SHIINAHA OO JOOJINAYA SIYAASADIISA HAL CUNUG QOYSKIIBA

Dowlada China ayaa go’aansatay inay soo afjarto qorshaha qoys walba loogu oggolaa in uu hal ilmo oo kaliya yeesho.

Lammaanaayaasha oo idil ayaa waxaa loo oggolaan doonaa in ay dhalaan min labo carruur ah sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dowlada Shiinaha iyadoo soo xiganaysa xisbiga shu uciga.

Siyaasada muranka badan dhalisay ayaa waxa ay soo bilaabatay sanadkii 1979kii si loo yare eyo heerka kororka tirade dadka oo si xowli ah ku socotay. Si kasta ha ahaatee da’ada dadka Shi inaha oo sii duqo obaya ayaa sababtay in cadaadis la saaro xisbiga ka arrimiya dalka Shiinaha.

Qorshaha halka cunug ayaa joojiyay qiyaastii in 400 oo malyan oo carruur ah ay dhashaan tan iyo markii la bilaabay. Lammaanihii ku xad guba sharcigan ayaa waxa uu wajahayay ciqaab isugu jirta ganaax in u u shaqadiisa waayo iyadoo laguna qasbi jirey in ilmaha la soo rido.

Meelaha qaar ayaa laga qafiifiyay sharcigan kadib markii ay soo baxd ay qiimaha sare u kacaya ee arrimaha bulshada iyo in la waayay dhali nyaro shaqeysa. Xisbiga Shuuciga ah ayaa bilaabay in si rasmi ah uu u dabciyo sharciyadan labo sano ka hor iyadoo loo oggolaanayay lamaa nihii hal ilmo kaliya dhala oo aysan ilmihisu mataan ahayn in ilmo labaad loo fasaxo. Warkan ayaa soo baxay maalintii ugu dambeysay ee shirweyne uu xisbiga Shuuciga yeeshay iya doo shirkaana guddiga dhexe ee xisbiga ay go’aanadan gaareen. Sidoo kale shirweynaha ayaa la filayaa in uu ku dhowaaqo qorshaha kororka ee la doonayo shanta sano ee socota.

TACSI TIIRAANYO LEH

Dhammaan Reer Axmed Jimcaale Cigalle, Reer Xasan Jimcaale Cigalle,Reer Muxumud Jimcaale Cigalle, Reer Xuseen Jimcaale Cigalle, Reer Maxamuud Jimcaale Cigalle, Ilmo Madiino Jimcaale Cigalle, Ilmo Nuurto Jimcaale Cigalle,igalle, Reer Xaaji Geeddooy Cigalle,Ilma Muumino Jimcaale Cigalle, Ilmo Aamino Jimcaale Cigalle

,ilmo Madiino Jimcaale Cigalle, Reer Maxamed C ReerMaxamuud Cigalle, Reer Rooble Cigalle , guud ahaan Reer Ciggalle Gadiid waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Cali Maxamed Jimcaale {Cali Maraq} oo Xaaskiisa Xaajiyo Faadumo Muxumud Cismaan ku Geeriyootay 28-ka Oktoobar 2015-ka Xaafadda Godeey ee Degmada Karaan ee Magaalada Muqdisho waxaana sidoo kale loo tacsiyadeynayaa Marxuumadda Carruurteeda iyo Waalidka, Walaalaheedba waxayna dadkaasi leeyihiin Alle ha Idinka Samir siiyo Marxuumadda iyadana Jannadii Fardowso Alle ha ka Waraabiyo Aamiin Aamiin.INNAAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN

TACSI TIIRAANY LEH

Dhammaamn maamulka iyo shaqaalaha Wargeyskan MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER IYO WABKA WWW.MOGTIMES.COM waxaay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Cali Maxamed Jimcaale {Cali-Maraq} iyo Carruursiisa iyagoo kaga tacsiyadeynaya Geeridii Naxdinta la heyd ee ku timid Marxuumad Xaajiya Faadumo Muxumud Cismaan . Maamulka iyo howladeenna da Wargeyska Mogadishu Times iyo Wabka WWW.mogtimes.com waxaay leeyihiin Marxuumadda Jannada Alle Haka waraabiyo ehelka iyoAaxsaabta ay ka Geeriyootayna Samir iyo Iimaan Saadaaq ah Alle ha ka Siiyo Aamiin Aamiin.

INNAAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN

BAYAAN: TILMAAMAHA HAB RAACA DOORASHADA LOO MARAYO EE SANADKA 2016

Madasha Wadatashiga Qaran ee ay ku mid eysan yihiin DFS,Maamul G/yada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Shalay soo sa aray bayaan looga hadlayo hab raaca loo mar ayo doorashada sanadka 2016.

Bayaankan oo nuqul ka mid ah na soo gaa ray ayaa lagu faah faahinayay qaabka ay u dhici karaan wada tashiyada ku aadan habka loo marayo doorashada sanadka 2016

Hadaba Bayaankan Ayaa Sidan U Qornaa:

Iyada oo la eegayo xaaladda ka jirta Soomaaliya, ayaa DFS.iyo Baar lamaanka Feraalkab a si wadajir ah ugu dhawaaqeen, 28kii bishii Luulyo 2015 in doorasho qof iyo codkiisa ah aysan ka dhici karin, sida ku cad Dastuurka FKM ah.

Madaxweynaha, Xukuumadda, Barl amaanka iyo madaxda Dawlad Gob oleedyada, Maaam ul Gobollada kumeelgaarka ah iyo bulshada rayi dka ayaa isku raacay Mabaadi’ Til maame ed ee lagu ansaxiyay shirkii Madasha Iskaash ga ee Heerka Sare ee ka dhacay magaalada Mu qdisho 2830 bishii Luulyo 2015. Ma baadI’ da Tilmaadeedkaas oo ujeed addeedu tahay in geeddi socodka doorashada sannadka 2016 uu soo bandhigo hab sharcinimadiisu sarr eyso iyada oo loo marayo hab salballaaran, oo ku saleysan geedisocod loo dhanyahay, kaas oo wada metelaya bulshada Soomaaliyeed.

Habka wadatashiga ah wuxuu u ogolaana yaa dadka Soomaaliyeed fursad ay si wadajir ah ugu fekeraan uguna gaaraan go’aan ay u wada dhan yihiin oo khuseeya sidii loo qaban lahaa doorashada 2016ka. Geeddisocodkan waxaa loo qaabeeyay in uu ahaado mid loo dhan yahay oo isu keenaya aragtiyo kala geddisan oo ka imanaya dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo la eegayo Hiigsiga Cusub iyo Aragtiga 2016 oo dhiiri gelinaya ka wada qaybgalka, waxaa muhiim ah in ay geeddisocodka ka qa ybgalaan haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay. Talooyinka ka soo baxa waxay ka tarjumayaan danta iyo dareen ka dadka Soomaaliyeed. Taas oo ku saleysan sidii lagu heli lahaa ka qaybgal siyaasadeed ee loo wada dhan yahay, ka dibna lagu dhiso bulsho nabad ah.

CUTUBKA KOOWAAD:

Mabaadi’da Wax Hagta Geedisocodka Doorashada Sannadka 2016ka…

Waa inuu muujiyo"sharciyad sarreysa” oo loo maray hannaan ballaaran oo loo wada dha nyahay oo ay isla ogolaadeen Dawlad Gobale edyada Xubnaha ah ee hadda jiro iyo kuwa sa maysmaya, waana in uu xaqiijiyo natiijo ay is ka dhex aragto bulshada Soomaaliyeed ee ma anta (dadka iyo deegaanka intaba) ayada oo xubnaha bulshaduna ay ku heshiiyeen habra ac cad oo ay isla meel dhigeen. ?

Waa in uu la jaanqaado dardar gelinta Da stuurka FK. ?

Waa in uu kor u qaado oo uu xaqiijiyo kaqayb qaadashada haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay. ?

Waa in uu dhiirigeliyaa kaqayb qaadasha da axsaabta siyaasadeed hadba heerka uu u ogolanayo nidaamka Axsaabta Siyaasadeed?

Waa in uu kor u qaadaa midnimo qaran, ilaa iy o intii suurto gal ?ahna, uu hannaan midaysan (ka hirgeliyaa) dhamaan gobolada. ?

Waa in uu noqdaa mid xaqiiqada ku qotoma marka loo eego ?dhaqaalaha la heli karo, tay ada farsamo, iyo amniga. ?

Waa in uu noqdaa mid daah furan, isla xisaabt an leh oo kor u qaada kalsoonida dadweyn aha. ?Waa in uu xambaarsanyahay hannaan ku haboon oo loo mari karo cabashooyinka iyo dacwadaha. ?Waa in uu si buuxdo u tixgeliyaa sida loo doonayo in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed uu u noqdo mid ka turjumaya oo u taagan midnimada dhulka Soomaaliya. ?

Waa in aysan wax yeello ka imaanin, sida dhi rigelinta dhaqdhaqaayo ay ka dhalan karaan hurinta colaado ama wiiqid la wiiqayo horumar ada ilaa iyo hadda laga gaaray geedisocodka dimoqoraadiyaynta iyo dhismaha dowladda.

CUTUBKA LABAAD: Waajibaadka Shaqo

Habdhismeedka Madasha Wadatashiga

HORDHAC

In la qabto doorasho sannadka 2016 waxay si cad ugu qeexantahay DFKMG ah ee Soo maaliya. Aragtida DFS ee ku saleysan Hiigsi ga 2016 ayaa si cad u qeexaysa baahida loo qabo in la helo hab lagu kalsoonaan/aamini ka ro oo awoodda xukunka lagu wareejiyo sann adka 2016, waana arrin mudnaan sare leh. Muddadii afarta sanno ahayd ee uu Dastuurku siiyay DFS waxay ku eg tahay bisha Agoosto 2016. Iyada oo laga ambaqaadayo wadatashi gii loo wada dhammaa ee lala yeeshay Baarla maanka FS.D/Goboleedyada, Bulshada Rayi dka ah ayay Dowladdu ku dhawaaqday in doo rasho ku saleysan qof iyo codkiisa ayna suur tagal ahayn sannadka 2016.

DFS. waxa ka go’an inay u hawlgasho sidii lagu gaari lahaa hannaan dimuqraadi ah ee loo wada dhan yahay iyo sidii si daahfuran aw oodda laysugu wareejin lahaa sannadka 2016. Sidaas darteed, DFS oo ay weheliyaan hay’ad aha kale ee Dastuurku waajibaadka siiyay ay aa soo bandhigay Mabaadi’ Hagaysa habraa ca doorashada 2016 kuwaas oo lagu ansaxiy ay Madashii Iskaashiga ee Heerka Sare ee ka dhacday Muqdisho 2930 Luulyo 2015. Qor she Hawleedkan oo ku saleysan Mabaadi’ Til maameed ku saabsan sidii lagu qaban lahaa hannaan wadatashi qaran oo si is afgarad go’ aan loogu gaarayo habka ugu habboon ee do orasho loo qaban lahaa sannadka 2016. Siy aasadda Dowladdu waxay sidoo kale ku qoton taa heshiiskii dhexmaray DFS iyo Baarlamaa nka Federaalka 28kii bishii Luulyo 2015 iyo wa datashiyadii ay la yeelatay Dawlad Goboleedy ada oo markii dambena lala wadaagay bee sha caalamka.

Si loo gaaro hab is afgarad qaran ee shaq eyn kara, geeddisocodka wadatashiga qaran waxaa loogu talagay in uu ahaado mid leh ma rxalado badan, lehna ka qaybgal loo wada dhan yahay oo ka kooban shirar wadatashi oo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed oo marka u dambey sana lagu gaarayo heshiis ku saleysan wadah adal siyaasadeed iyo is afgarad. Natiijada ka soo baxda wadatashiyadan iyo habraaca lagu heshiiyo ee ku saabsan hannaanka doorasha da sannadka 2016 waxaa lagu soo saari do onaa xeerarka lagama maarmaanka ah oo ay soo saari doonaan hay’adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso.

Qaab Dhismeedka Kormeerka Iyo Hirgelinta

Si loo hirgeliyo habka wadatashiga, waxaa la qaadi doonaa tallaabooyinka soo socda ee dhanka siyaasadda, habraaca, iyo maamulka si ay uga soo baxaan kaalin iskaabta ee kor meerka iyo hirgelintaba.

Madasha Wadatashiga Qaranka

Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ) wa xay ahaan doonaa hay’ad go’aan qaadasho oo loo wada dhanyahay waxayna ka koobn aan doonaa laamaha Fulinta iyo Sharci Dejin ta ee DFS (DFS), D/Goboleedyada, iyo Bulsh ada Rayidka ah. Madasha (MWQ) waxay go’ aan ka gaari doontaa habka ugu habboon ee loo qabanayo doorashada sannadka 2016, waxayna guddoomin doontaa geeddi socodka la raacayo ilaa iyo doorasho laga gaarayo oo ay xukun wareejin sannadka 2016 dhacayso. Taas oo ku saleysan mabda’a is afgaradka (concensus). Arrimaha lagu xallin waayo Mad asha (MWQ) waxaa loo gudbin doonaa Mada sha Hoggaanka Qaranka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha, si lo oga yeesho dood dheeraad ah.

Si loo xaqiijiyo in loo wada dhammaado sharcina uu u noqdo geeddi socodka iyo natii jada ka soo baxaysaba, madashu waxay ka koobnaan doontaa: Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo Xildhibaanno heer Federal iyo Da wlad Goboleed ah iyo Bulshada Rayidka. Wax aa muhimad gaar ah leh sidii lagu heli lahaa wakiillo metela haweenka, beelaha Somalil and, iyo dadka laga tirada badan yahay oo tir adoodu u dhiganto inta ay bulshada ka yihiin.

Koox ka tirsan Bulshada Caalamka ayna garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay, ay aa kulanka goobjoog ka ahaanaya si ay u la socdaan, waxayna taageeraayaan Madasha Wadatashiga Qaranka, haddii loo baahdana waxay gelayaan dhexdhexaadin toos ah.

Guddi Hawleedka (Task Force) Mad Asha Wadatashiga Qaranka

Si loo taageero hawsha Madasha Wadata shiga Qaranka, waxaa la sameeyey Guddi Ha wleed (Task Force) ku saleysan mabda’a ah inuu ka tarjumo una hawlgalo fulinta go’aana da loo wada dhan yahay Madasha Hoggaanka Qaranka. Hawsha guddigani u xil saaranyah ay waxay isugu jirtaa inuu taageero, talana siiyo Madasha Wadatashiga Qaranka, xaqiiji nayana sidii lagu hirgelin lahaa geedi socodka wadatashiga.

Guddigan wuxuu hoos imanayaa Ra’iisal Wasaaraha, waxaanna garwadeen ka ah Was iirka Arrimaha Gudaha iyo DF. Guddigu wux uu ka kooban yahay Wasiiradda Cadaaladda ee heer federal, Arrimaha Dastuurka, Warfaaf inta, Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Ins aanka iyo labo wasiir oo ka socda mid kasta oo ka mid ah Dowlad Goboleedyada Federa alka, iyo hal wakiil oo ka socda Xafiiska Mad axweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo 3 xildhiba an oo ka socda Baarlamaanka.

Doorka iyo mas’uuliyadda Guddiga (Task Force)

Wuxuu hannanayaa hirgelinta dhabta ah ee go’aanada lagu gaaro Madasha Wadatashiga Qaranka, wuxuu kormeerayaa habsami u soc odka wadatashiyada habaysan ee ku cad Qo rshe Hawleedka Madasha .

Wuxuu xaqiijinayaa sidii geeddi socodka wa datashiga uga hirgeli lahaa gobollada oo dhan si isku mid ah oo loo wada dhan yahay.

Wuxuu fududeynayaa iskudubaridka xiriir ka siyaasadeed ee ka dhexeeya xubnaha Ma das ha Wadatashiga Qaranka.

Wuxuu bixinayaa talo istiraatijiyadeed, hagid siyaasadeed, sidoo kalena wuxuu taageeray aa Guddiga Taageerada Farsamo (TST) si loo xaqiijiyo in geeddi socodka wadatashigu uu ah aado mid loo wada dhan yahay, oo daahfuran.

Wuxuu xaqiijinayaa in geeddi socodka wadat ashiga uu ahaado mid is waafaqsan laguna fu liyo waqtigii loogu tala galay.

Wuxuu warbixin joogta ah oo waqtiyaysan ka keenayaa geeddi socodka una soo gudbina yaa Madasha. Wuxuu Madasha u soo diyaa rinayaa sidii lagu ansaxin lahaa

LA SOCO BERR Q/2aad Insha Allaah

PUNTLAND OO DEEGANADEEDA KA MAMNUUCDAY IDAACADA VOA LAANTEEDA AFKA SOOMAALIGA

War dorraad ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Ma amulka Pun tland, ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba deeganada Maamulkaasi uu ka taliyo laga mamnuucay dhageysiga iyo ka howlgalida Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga. Idaacadaha baahiya Idaacada VOA laanteeda afka Somaliga ayaa lagu amray inaysan baahin karin, sidoo kalena waxaa lagu wargeliyay arintaan dhaman Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Puntland.

Puntland ayaa Idaacada VOA ku eedeysay baahinta warar been abu ur ah oo lidi ku ah qarannimada Puntland sida ay sheegeen maamulk aasi.

WARQAD MAMULKA UU KA SOO SAARAY XAYIRAADDA IDAACADDA HOOS KA AKHRISO:



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip