WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA SABTEMBAR 2016-KA

0
Thursday September 08, 2016 - 08:51:26 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA SABTEMBAR 2016-KA

    SHIRARKII WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO TAN DOWLAD GOBOLEEDYADA OO LASOO GABAGABEEYAY… Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa shalay kulan muqdisho ay ku qabatay kadib waxa ay sheegtay in ay soo gabagabeysay Shirarkii Wasaaradaha Arrimah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHIRARKII WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO TAN DOWLAD GOBOLEEDYADA OO LASOO GABAGABEEYAY… Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa shalay kulan muqdisho ay ku qabatay kadib waxa ay sheegtay in ay soo gabagabeysay Shirarkii Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Gobol eedyada iyo tan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

C/Rashiid Max’ed Xidig oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo shirka kadib wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Simba ayaa sheegay in shirarkaani ay soo mareen marxalado kala duwan,

Wasiiru dowlaha ayaa intaasi kusii daray in shirarkaani lagu soo kala qabtay magaalooyinka ay ku shaqeeyaan Dowlad goboleedyada dalka ka jira sida: Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo Mgaalada muqdisho oo ah C/ Soomaaliya.

C/Rashiid Max’ed Xidig Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soom aaliya ayaan hor dhignay su’aal ah sida ay ugu qeybta ahaayeen Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo aanan kamid aheyn dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku jawaabay in Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo aan wali la dhisan in ay qeyb ka ahaayeen shirka islamarkaana soo socda si rasmi ah loosoo gabagabeyn doono dhismaha Maamulkaas.

Shirarkii u dhaxeeyey Wasaaradaha Arimaha Gudaha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka oo ay socod siineysay Wasaaradda ArimahaG iyo federaalka Soomaaliya kuwaasi oo maalinba Gobol lagu qabanaye ayaa looga hadlay arrimo fara badan,waxaana lagu heshiiyay in 26degmo oo ka tirsan Dowlad Goboleedyada dalka in ay yeeshaan Dowlado Hoose oo ay ku mide ysan yihiin,

Waxaa la sugayaa sidii ay u hirgali laheyd natiijada kasoo baxday qodobadii ay ku heshiiyeen Wasaaradaha arimaha Gudaha ee dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo tan Dowladda Soomaliya.

SHIRKA MADASHA WADATASHIGA QARAN OO WALI KA SOCDA MUQDISHO

Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa maalintii Sadexaad si habsami leh uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Ja-mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddo-omiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Max-amed Cumar Carteh iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay war ka soo saaraan waxyaabaha looga hadlay Madasha Wadatashiga Qaran.

MAGACYADA LABADA NABADOONO EE LAGU DILAY MAGAALADA CAABUDWAAQ..

Waxaa faah faahin laga helayaa Nabadoonadii gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, xilli ay fadhiyeen maqaaxi lagu shaaho.

Dabley hubeysan oo la socotay gaari nooca raaxada ah, ayaa rasaas xoogan huwisay Nabadoonada kala ah Aadan Jaamac Axmed (Aadan Dhooley) iyo Maxamed Barre Diini, waxaana la xaqiijiyay in labaduba ay geeriyoodeen.

Rasaastaasi, ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacantay toban ruux oo kale. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira laba Nabadoono iyo saddex hablood.

Raggii weerarka gaystay, ayaa waxay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen, mana jirin cid la sheegay in ay isku hawshay, sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa.

Raggan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ka careysan yihiin dil billo ka hor Magaaladaasi loogu gaystay Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolada Dhexe, Faarax Warsame Cilmi (Dalandoole).



MARAYKANKA OO SHAACIYEY INAY DUQEYN KU DILEEN DAGAALYAHANNO KA TIRSAN ALSHABAAB.

Afhayeenad u hadashay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika (U.S. Afri ca Command), Captain Jennifer Dyrcz ayaa sheegtay inay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay duqeyn ka geysteen Deegaanka Torotorow ee Gobalka Sh/hoose, kuna dileen 4 Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab.

"Intii uu socday Hawlgal ay Ciiddamo Somali garwadeen ka ahaayeen ayey Koox ballaaran oo Dagaalaamayaal Alshabaab oo hubeysan waxay soo weerareen Ciiddanka, iyagoo cabsi geliyeen Ammaanka Ciiddankii joogay Deegaankaasi” ayey tiri Afhayenada.

Captain Jennifer Dyrcz, waxay intaasi ku dartay inay Milliteriga Maraykanka qaadeenn labo duq eyn oo Isdifaa ah (two self defence strikes) oo lagu dilay 4 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab waa sida ay hadalka u tiri.

Milliteriga Maraykanka waxay xilliyadii hore Diyaaradaha Droneska la beegsan jireen Saraa kiisha Sarsare ee Alshabaab.

Waaxda Difaaca Maraykanka waxay sheegtay inay bishii May ee la soo dhaafay duqeyn diyaar adeed ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Xaaji Daa’uud ka asi oo ay Maraykanka ku sheegeen inuu dejiyey qorshayaal weerar oo ka dhacay gudaha dalalka Somaliya, Kenya iyo Uganda.

XUKUUMADDA SOMALIA OO MARKII UGU HORREYSAY KA HADASHAY SABABTA LOO JOOJIYAY JAADKII DALKA KENYA

Dowladda Somalia, ayaa markii ugu Horreysay ka hadashay sababta ay u hakisay Qaadkii ka iman jiray Dalka Kenya, iyadoo Arrintaas sabab uga dhigtay booqashii Guddoomiyaha Gobolka uu Qaadku ka baxo ee Meru, Peter Munya uu dhawaan ku tagay Magaalada Hargeysa.

Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan oo Wargeyska Daily Naition sii yay wareysi, ayaa sheegay in booqashadii Peter Munya uu Hargeysa ku tahay bishii July ee sannad kan ay sababtay u tahay in dowladda Somalia ay hakiso ganacsigii Qaadka ee uga iman jiray Kenya.

"Waxaa jira inay faragelin ku sameeyeen jiritaanka soohdimaha Somalia, Waxay faragelin ku sameeyaan sidoo kale Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya,” ayuu Danjire Jamaal u sheegay wargeys ka.

Sidoo kale, Danjiraha oo sii Hadlayay ayaa yiri. "Tani waxay Abuurtay in Dowladda FS ay Haki so Qaadkii uga imaan jiray waddanka Kenya, iyadoo cadaadis iyo ganaax uga dhigaysa ganacsatada Qaadka ee Gobolka Meru.”

Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa ku dhawaaqday Isniintii lasoo dhaafay inay joojisay Qa adkii ka imaan jiray Kenya, iyadoo Somalia ay tahay suuqa ugu weyn ee Qaadka Kenya loo iibgeeyo.

Dhanka kale, Muqdisho oo ah magaalada uu Qaadka ugu badan uga yimaado Dalka Kenya ay aa waxaan imaan jaad daraad iyo shalay, waxaase suuqyada jaadka Muqdisho qaarkood lagu arkay ay Qaad ka yimid Dalka Itoobiya ee loo yaqaanno Hareeriga.Ugu dambeyn, Bishi July ee Sannadkan 2016-ka, ayuu Peter Munya safray Hargeysa, si uu u Qalqaaliyo xeerarka ganacsiga ee dhoofinta Jaa dka Dalka Kenya, iyadoo dalka Kenya ay bixinayso beddelkeeda nooc ka mid ah Aqoonsiga Somaliland.

GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO KASOO HORJEYSTAY SHIRKA LA DOONAYO IN LAGA FURO MAGAALADA JOWHAR

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane yuusuf Axmed Hagar {Dabageed } ayaa goordhaw sha aciyay inuu kasoo horjeedo shirka maalmaha soo socda laga furayo Magaalada Jowhar ee maamul ka loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Mudane yuusuf Axmed Hagar {Dabageed } ayaa tilmaamay in dadka reer Hiiraan madax iyo od oyaal ay si cad ugu soo horjeedaan shirka la doonayo in laga Furmo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe si maamul loogu sameeyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan {Dabageed } ayaa kamid ah Mas’uuliyiintii u olaleynayay in odo yaasha reer Hiiraan ay ka qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha balse war ar soo baxaya ayaa sheegay in qilaaf siyaasadeed uu soo kala dhaxgalay Maamulka Gobolka iyo Dowladda Dhexe.

GO’AANKII DOWLADDA SOMALIA AY KU JOOJISAY JAADKA OO KA DHAQANGALAY DEEGAANNADA PUNTLAND

Qaadkii kasoo dagi jiray Garoommada Diyaaradaha Gaalkacyo iyo Qardho ee Puntland ayaa imaan Shalay kadib markii labo maalmood ka hor ay DF Soomaaliya ay joojisay.

Kabarada qaadka lagu iibiyo ayaa shalay marna maadama uusan jirn qaad ka so dagay Garoo mada Puntland,inkastoo meelaha qaarkood la arkayay iyadoo lagu gadyo qaad dhinaca lugta ah loga so galiyay Magaalada Laascanood ee Gobalka Sool.

Puntland ayaa horay uga so horjeedsadtay go,aanka DFS ku dhawaaqdey inay ku joojisay Qaadkii Dalka kenya uga imaan jiray Soomaaliya,taaso ay ku sheegtay in aanan lagala tashan

Sidoo kale, Go;aanka Qaadka ay ku joojisay Dowladda Somalia waxaa horay uga so horjeeds aday Soomaaliland oo iyadu shalay qaadku uu si rasmi ah uga dagay.

Dhinaca kale,Guud ahaan soomaaliya Shalay lagama so dajin wax qaad ah marka laga reebo degmada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool oo ay gacanta ku hayso Soomaaliland.

Ugu dambeyn, Go’aanka qaadka loga joojiyay Somlia oo kasoo baxay DF Somalia ayaa lo Sababeeyay booqashadii Peter Munya uu Hargeysa ku tagay bishii July ee sannadkan,taaso lagu mecneeyay in faragalin u ku sameeyay jirtaanka iyo soohdimaha so jireenka ah ee Soomaaliya.

GUDDOOMIYAHA GOBALKA MERU EE KENYA OO LAGU EEDEEYEY INUU ISKU XIRAY MIDNIMADDA XUDUUDAHA DALKA IYO GANACSIGA QAADKA LOO IIBGEEYO SOMALILAND.

Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamaal Xasan ayaa sheegay inay sababaha ay Dowladda Soalia u joojisay Qaadka laga keenyo Kenya u sabab yahay Guddoomiyaha Gobalka Meru ee Kenya, Peter Munya.

Ambassador Jamaal Maxamed Xasan oo Wareysi siiyey Wargeyska The Nation ee ka soo ba xa Nairobiu ayaa tilmaamay inuu Peter Munya isticmaalay Ganacsiga inuu u ololeeyo sidii uu Maa mulka Somaliland u go’I lahaayeen dalka Somalia.

Ambassador Jamaal Mohaed Hassan ayaa Waxa uu xusay in socdaalkii uu Peter Munya bi shii July ku tegay magaalladda Hargeysa sababtay Cadaadis Siyaasadeed ka abuurtay gudaha Som aliya, taasi oo keentay in la joojiyo Ganacsiga Qaadka Kenya ee loo iib geysan jirey dalka Somalia.

"Waxa uu isku xiray Midnimadda Xuduudaha Dalka iyo Ganasiga Qaadka wuxuuna farageliyey Arrimaha Gudaha ee dalka” ayuu yiri Danjiraha Somalia u jooga Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inay arrintaasi ku keentay Dowladda Somalia cadaadis aan loo dul qa adan Karin, taasi oo keentay inay Dowladda Somalia joojiso Qaadka laga keeni jirey Kenya.

Dhinaac kale, Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamaal Maxamed Xasan waxa uu Wareysiga uu siiyey The Nation ku sheegay inay Dowladda Federalka arrinkaasi kala aajoonayso Dowladda Kenya si loogu helo Xal Saaxiibtinimo.

Guddoomiyaha Gobalka Meru ee ay ku yaallaan Beeraha Qaadka ee Kenya, Peter Munya waxa uu bishii July booqasho ku tegay magaalladda Hargeysa, wuxuuna la kulmay Madaweyne kuxi geenka Maamulka Somaliland, C/raxaan Ismaaciil Zeylici iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Maal iyadda ee Maamulkaasi.

Peter Munya waxa uu Madaxda Somaliland u sheegay inay u fasaxaan in Qaadka Kenya loo iib keeno Somaliland, si uu isaga ugu ololeeyo sidii ay Dowladda Kenyaa u aqoonsan lahayd Ictiraafka Dowladnimo ee Somaliland.

Maamulka Somaliland ee ka taliya Goballadda W/Galbeed ee Jahuuriyadda Somalia waxay sannadkii 1991kii ku dhawaaqeen inay ka go’een Dalka Jamhuuriyadda Somalia, balse ilaa haatan ma jirto Dowlad aqoonsatay Gooniiskutaagga Somaliland.

CIIDAMADA XARAKADA ALSHABAAB OO LA WAREEGAY DEEGAANKA BUDBUD EE GOBOLKA GALGADUUD

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Alshabaab oo wata Gadiidka dagaalka ay la waregeen gacanta ku heynta Deegaanka Budbud oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Ciidamada Ethopia.

Shalay Barqadii ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Shabaab waxa ay Gudaha u galeen Dee gaanka Budbud oo ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya, si doo kale Dadka deegaanka ayaa sheegay ciidamada Itoobiya inay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Warbaahinta ku hadasha afka Xarakada alShabaab ee Andaus ayaa sheegtay in deegaanka Budbud ay hadda gacanta ku hayaan Shabaab, Waxaana ay sheegteen in ay ciidamo badan ka dileen kuwa Itoobiya iyo weliba kuwa Soomaalida ee la socdey.

BOQOLAAL TAHRIIBAYAAL OO LA BADBAADIYEY IYO MAYDAD LA HELAY.

In ka badan 350 Tahriibayaal ayaa shalay gaaray Jesiiradda Sishilis ee dalka Talyaaniga,

Tahriibayaasha la soo badbaadiyey ayaa la sheegay inay la sodeen 3 dooni oo maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ka soo shiraacday Xeebaha dalka Libya.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Talyaaniga waxay inay maydadka 5 Haween iyo 2 nin ka dhex heleen doonyaha ay la socdeen Tahriibayaashaasi oo safar dhibaato bad an u soo galay si ay u soo gaaraan Xeebaha Talyaaniga.

Sidoo kale, Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga waxay Isniintii la soo dhaafay soo badbaadiyeen 2,700 Tahriibayaal la socday dooni ka soo shiraacday Xeebaha Libya, iyadoo 15 mayd laga helay meel ka baxsan Xeebaha Libya,

WASIIRKA WAXBARASHADA OO BOOQDAY JAAMACADA NEELIYN ..

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiqaadir Cabdi Xaashi oo maalinkii labaad ku sugan dalka Suudaan ayaa waxa uu booqasho ku tagay Jaa macada Neeliyn oo ay dhigtaan ku dhawaad 80kun oo arday iyo Axfaad oo kamida jaamacadaha Su udaan sidoo kalena Ka qayb galay Mashruuc lagu hirgalinayay Cilmi baarista ay suudaan samaysay 2016.

Wasiirka ayaa booqashadiisa Jaamacadda Niileyn waxa uu kulan kula qaatay maamulaha Jaa macadda Prof Maxamed Alamiin, iyagoo ka wada hadlay sidii ay Jaamacadan xiriir u wada samayn la haayeen Jaamacadaha Soomaaliya, islamarkaana ay qayb kaga noqon lahayd sare u qaadida tayada tacliinta sare ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jaamacadda Niilayn Prof Maxamed Alamiin ayaa Wasiirka kaga mahadceliyay booqshadiisa, isagoo sheegay inay sharaf u tahay in uu Wasiirku yimaado Jaamacadan, waxa sidoo kale balan qaaday in doorkooda ay ka qaadan doonaan sidii loo horumarin lahaa, korna loogu qaadi lahaa Tayada jaamacadaha dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqasho ku tegay Jaamacada Axfaad ee gaarka hablaha ayna dhigtaan gabdho badan oo Soomaali ah, isagoo kala hadlay maamulaha Jaamacadaasi Prof Gaasim Albadri sidii loo horumarin lahaa waxbarashada gabdhaha Soomaaliyeed loona siin lahaa fursado ka badan inta ay haatan helaan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Soomaaliya Cabdiqaadir Cabdi Xaashi oo uu wehli nayay u qaybsanaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Cabdiqaadir Guulane ay aa ka qayb galay Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka Suudaan, ayna kasoo qayb galeen qaar ka mida maamulayaasha Jaamacadaha Suudaan laguna hirgelinayay cilmi barista sanadkan 2016 ka.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ku sugan in ku dhow 6,000 kun oo arday kuwaa oo wax kabarta Jaamacadaha kala duwan ee wadankan , booqashada wasiirka ayaana noqonaysa mid sii xoojisa xiirika labada dal ee dhanka waxbarasho.

SHIR LOOGA HADLAYO QORSHAHA HORUMARINTA QARANKA OO SHALAY KA FURMAYA MUQDISHO..

Shir looga hadlayo sidii loo qabyo tiri lahaa qorshaha horumarinta Qaranka ayna soo qabanqaabisay Wasiirka Qorsheynta ayaa shalay ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shir kan oo ah wajigii labaad ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka socota maamul goboleed yada, iyo qeybaha bulshada rayidka ah, waxana shirkan kii ka horeeyay lagu qabtay magaalada Bay dhabo.

Wasiirka iskaashiga caalamiga Cabdiraxmaan Sheehk Yuusuf Cali Caynte iyo wasiirradda dow ladda gobaleedyada, ururada bulshadda rayidka. qeybaheeda kala duwan.

Iyadoo shirka lagu wado in saacada soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayaa sidii loo qeybo tiri lahaa qorshaha horumarinta Qaranka Somaaliyeed , waxaana wadatashi lala yeelandioonaa shacabka Soomaaliyeed dhamantooda si loo hagaajiyo istiraatiijiyadda horum arinta dalka ee dhinca wax soo saarka dhaqaalaha iyoa arimo kale.

Shirkan ayaa wajigiisii hore lagu qabtay magaalada Badhabo bishii aynu soo dhaafnay iyado ay ka qeybgaleen mas’uulayiinta dowladda iyo kuwa dowlad gobaleedyada iyagii isku raacay waxy aabaha turxaan baxinta u baahan qorshaha in laga saaro waxii talo ahna lagu biiryo.

DUQA MUQDISHO OO KA QEYBGALAY KULAN LOOGA HADLAYAY AMMAANKA DEGMOOYINKA GOBOLKA

Kulankan oo looga hadlaayay Sugida Amniga Degmooyinka Waabari Hodan Howl Wadaag iyo xamar Jajab ee Waliyoocadde waxaa kulankaani kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Gobalka Ba naadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho , Taliyaha Qeybta Guud Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boli iska iyo Maamulada Degmooyinka Gobalka,

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ayaa Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu xaaladaaha Amaan ka Degmooyinka Gobalka Banadir ka wareystay qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka,

Taliyaha Qeybta guud ee Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaliyed G/Sare Bishaar Abshir Geeddi oo kulanka ka hadlay waxa uu sheegay in Amniga Caasimada ay mas’uuliyad Ka saa ran tahay qofkaste oo Mas’uul ah.

"Dadka gaaraya labada kun ee qof ee isugu jira gobalka degmada iyo saraakil amni haddii ay si sax ah u shaqeeyan amniga magaalada waxa uu noqon lahaay mid lagu filan yahay waana laga guu lesan lahaay kuwa shar wadayaasha ah”ayuu yiri takiyaha qeybta booliiska ee g/Banaadir

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Mad aale ayaa kulanka ka sheegay in uu bilawday la xisaabtanka Amniga la xariira.

"Qofkaste oo ma shaqeysta ah waan iska reebeyna qofkaste oo aan nala jaan qaadi Karin wu unaga haraa amniga dagmada adigaa mas’uul ka ah taliyaha saldhigaa masuul ka ah kan nabad sugi dda masuul ka” ayuu yiri duqa Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho waxa uu sidoo kale kulanka ka sheegay in Cidkaste oo ku nool Caasimada looga baahan yahay in ay laamaha amniga farta ugu fiiqan Argagaxisada kasoo horjee dda Hormarka iyo xasiloonida Soomaliyed.

"Dhamaanteyna hadii aan mas’uul nahay iyo hadii aan shacab nahay waxaan nalagooga ba ahan yahay in aan u shaqeyno sidii askarti oo kale haddii waxkaste oo halis ku ah dadka iyo dalka aan fatra ku fiiqno maalma gudahed ayaan ku dareymeyna isbadal wanaagsan oo dhan kaste ah” ayuu yiri duqa Muqdisho

Gudoomiyaha Gobalka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo Saraakisha laamaha am niga ayaa dhawaan sheegay in amaanka magaalada Muqdisho lagula xisaabtami doono maamulla da degmooyinka iyo Taliyayaasha degmooyinka Gobalka Banaadir,

COD BIXINTA SIXIROOLAYAASHA IYO SOMALIA.!!!!

Xamar aaaaa!!!. Haddana sixir aaa!!!. ka subxaana laah, Jinni aaaa!!!!!. Jiirteena xaraar. A—Waxaa beryahan ku soo batay magaalada Mugadishu iyo gobalada qaar, erayga (Diaspora Magicians) ama sixiroolayaasha qurbaha, inkstoo aynan dad Somaliya aheeyn oo ajaanib ay yihiin oo aan diaspora la dhihi Karin, oo ay habooneed in loogu yeero ( foreigners),{ Shisheeyaha} haddana dadku waxa ay u yaqaaniin sixiroolayaashii diaspora. Waxa ay u yimaadeen in ay ka qayb qaataan qaybaha kala duwan ee doorashooyinka la sugayo.

Badankoodu waxa ay ka yimaadeen wadamada Nageeriya iyo Hindiya, iyo qaar kale oo laga keenay waddamada deriska ah.

Dhibaatada ugu horeysa, waxaa jira khilaaf u dhaxeeya sixiroolayaashaa ajnabiga ah iyo kuwii gudaha, oo shakii ku abuuray musharaxiinta, Kadib markii ay isku khilaafeen shuruudaha laga rabo musharaxa , iyo natiijada doorashada .Untitled

Qaarkood ayaa ku yiri: musharixiinta Iska seexda booskiino waa banaanka,waa la hubaa, kuwa kale ayaa yiri: khatar aan kursigaaga ku ekeeyn ayaa ii muuqata oo gurigaaga iyo qooyskaaga u gudbi karta. Qaar ayaa leh jinni ayaa nala socda VISA la’aan soo galay. Qaar ayaa leh: sixirkeeygu haweenka ayuu qaban og yahay, codkooda 30% waa kuu hayaa. Qaar ayaa lel: cod bixiyayaasha ayaan indha sarcaadinayaa… (( tallo: odayaasha dhaqanka ee wax soo xulaya quraan ha lagu xijaabo)).

Waxa ay ku dhawdahay in la kala afbduubto sixiroolayaasha, war ajaanibtaa yaan nalagu ceebeeyn haraan badmareeno iyo hay’ada sama fal dad uga afduubanaye, walba dila waa sixiroolayaale, jinigana baabuurka qarax ma loogu xiri karaa?.

B— Aqalka sare iyo kan hoose. Musharax kasta kan sare ayuu rabaa, magaca ayaa SARE ah, waa sida golahii sare ee kacaanka ayuu aaminsanyahay ogaal kale ma jiro.

Musharixiinta oo badata waan soo dhaweeyneeynaa, sababta oo ah: lacag badan oo ummaddan laga dhacay ama si khaldan lagu kasbaday ayaa dib ugu soo noqonee kuwii laga dhacay. Tusaale: 51 oday ayaa u cdeeyneeysa halkii xildhibaan oo ka mid ah 275 xildhibaan, waxa ay helaan laga yaabee in wax laga sii shaxaado,

14000 ergo waxa ay helaan lagu qadimaa, lacagta odayaashaa la siinayo shaqa nadiifa laguma tacbin , masaakiintii laga dhacay ayeey dib ugu noqonee, ama xariif kale ayaa ka xaabsanaa, kii soo xadayna Aakhirana waa sugee aduunkana waa ku xantiiraa.

Qiimaha iyo tirada xildoonka ayaa badanayo. (Sicir barar ayaa jiri jiray ,hadda xil barar ayaa yimid). Xilalaka sare ayaa iyana sii bararaya.

Tallo: sii looga badbaado sixiroole, jinni, lacag baxda iyo qabiila is dila. Halkii sanduuqa warqad duuduuban lagu ridi lahaa, ha lagala soo baxo mid duuduuban, Musharaxiinta inta shuruudaha buuxisa ha loo sameeyo Baqtiyaa nasiib. Beel waliba musharaxiinteeda baqtiyaa nasiib ama qorra tuur haku kala saarto si ayna dhaxdeeda isku nicin ama u dagaalamin, madaxda sarena xildhibanada hortooda ,midba gacanta ha gashado sanduuqa kii ay u soo baxdo afhayeen baarlamaan ama madaxweeyne hala dhaariyo,,, qorra tuurku xalaal ma yahya/xal ma yahya? Ma ogi.

Hadiise lacag iyo sixir suuqa soo galeen, aqoon yahan, wadani, miskiin, kii dar Alla u socdo looma baahna miyaa?. ogoow in aad sixir aamintaa waa dambi weeyn. Xaalku ilama qumana, towfiiqda Allah hana waafajiyo.

Iga raali ahaaw haddii aan kugu wareeriyay wax aadan ogeeyn, anaa kaa hor in aan ogaado ku wareeraye.

Qore: Yahya Amir XIGASHO: SOMALIWEYN.ORG

BOGGA CAYAARAHA

SADIO MANE OO KU GUULAYSTAY ABAAL MARINTA XIDIGII KOOXDIISA LIVERPOOL UGU FIICNAA BISHII AUGUST IYO MANE OO DAREENKIISA KA HADLAY

Sadio Mane ayaan wax waqti ah u baahn si uu Liverpool ula qabsado wuxuuna markiiba noq day xidigaha ugu muhiimsan ee uu Jurgen Klopp ku xisaabtamo, waxaana shalay xidiga ree Senegal la gudoonsiiyay abaal marinta xidigii Liverpool ugu fiicnaa bishii aynu soo dhaafnay ee August.

Ugu danbayn Sadio Mane ayaa soo gabagabeeyay awoodii Philippe Coutinho ee abaal mari ntan kaas oo si joogto ah ugu soo guulaysan jiray xidiga bisha Liverpool ugu fiicnaa. Mane ayaa boqo lkiiba 77% ka helay codkii jamaahiirta kooxdiisa wuxuuna cod aqlabiyad ah uu ku garaacay Philippe Coutinho oo helay boqolkiiba 11%.

Sadio Mane ayaa qaab ciyaareed layaableh soo badhigay kulankii Arsenal ee furitaanka Pre mier Leaquega halka uu sidoo kale bandhig fiican sameeyay kulamadii Tottenham iyo Burton Albion, wuxuuna bishiisii ugu horaysay ee uu kulamo rasmi ah u ciyaaray Liverpool uu markiiba helay codka jamaahiirta kooxdiisa Reds.

Mane took the fight to Tottenham as his team returned to form on their most recent outing

Kadib markii shalay Sadio Mane abaal marinta xidiga bisha Liverpool ugu fiican lagu gudoons iiyay xarunta tababarka Melwood ayaa dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: "Minco badan ayay sam aynaysaa, anigu maalin kasta waxaan ka shaqaynayay tababarka iyo kulamada si aan kooxda u siiyo waxa ugu fiican”.

Sadio Mane oo kooxdiisa Liverpool ka hadlaya ayaa yidhi: "Waxaanu haysanaa koox fiican oo leh tayo badan, hadda waxaa waajib nagu ah in aanu farxad u abuurno jamaahiirta, waxaanu doona ynaa in aanu u qaadano kulanba kulanka ka danbeeya iyo in aanu isku dayno in aanu guulaysano inta ugu badan ee aanu awoodno”.

Sadio Mane ayaa u mahad celiyay jamaahiirta kooxdiisa ee u soo codeeyay si uu abaal marin tan ugu guulaysto wuxuuna yidhi: "Waxaan doonayaa in aan u mahad celiyo qof kasta, gaar ahaan ja maahiirtii aniga ii codaysay, waxaanan ku faraxsanahay in aan ku guulaystay abaal marintan, laakiin waxay u qalantaa in ay kooxda oo dhan u tagto, sababtoo ah iyaga la’aantood waxba ma ihi, sidaa daraadeed waxaan doonayaa in aan kooxda u mahad celiyo”.

And Mane's talents even extend to an ability to draw a smile from striker Daniel Sturridge

Sadio Mane ayaa diyaar u ah in uu shaxda Klopp ku soo bilawdo kulanka premier leaquega ee ay Liverpool Anfield ku soo dhawayn doonto kooxda Leicester City kadib markii uu si rasmi ah u xaqii jiyay in uu boqolkiiba boqol uu taam yahay kadib jug ku soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa Senegal.

ALVARO MORATA OO DIYAAR U AH INUU TARTAN LAGALO WEERARKA REAL MADRID EE BBC..

Weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Alvaro Morata ayaa daaha ka qaaday inuu diyaar u yahay tartan uu lagalo weerarka kooxdiisa ee lagu magacaabo BBC.

Alvaro Morata oo ka soo laabtay suuqii xaggaaga kooxda Juventus oo uu ku biiray laba xiliciya areed ka hor ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu tartan lagalo Bale, Benzema iyo Cristiano.

Morata ayaa ka codsaday tababare Zidane inuu sameeyo isbadal badan oo ku aadan shaxda kooxda si isaga iyo ciyaartoyda kaleba ay u helaan fursad ay ku ciyaaraan.

"Tartanku waa uu yaala akoox walba laakiin Real Madrid tartanku waa mid wayn, riyadaydu waa guul aan la gaaro Real, haddii aanan hubin intaas ay dhici karto, waxaan iska aadi lahaa kooxna ka helayo boos joogto ah” ayuu u sheegay AS.

"BBC? seddexduba waa kuwo ka mid ah weerarka ugu fiican aduunka, laakiin marwalba wax aan u dagaalami doonaa inaan ciyaaro, arinkana aan ku adkeeyo tababaraha”.

"Waxaan ka rajaynayaa tababare Zidane inuu adeegsado isdaba marin waayo taasi waa wax muhiim u ah dhamaan ciyaartoyda, qaarkood waxay helayaan nasiino halka qaarka kale ay helayaan daqiiqado ay ku ciyaaraan”.

KAASHKA SHIINAHA: AC MILAN OO DURBA LAACIBIIN MUHIM AH RAADINAYSA BISHA JANNAAYO!

Kooxda AC oo suuq jiilaalka bisha Jannaayo u haysata lacag gaaraysa 100 milyan oo euro ayaa du rba bartilmaameedsanaysa dhowr laacib oo ay safkeeda ku xoojinayso.

Kooxda Milan ayaa lala xiriirinayaa daafaca Rodrigo Caio, Cesc Fabregas iyo dhiggiisa Lucas Biglia, iyadoo sida uu werinayo Tuttosport, ay Milan diiradda saari doonto daafac dhexe oo lagu lamaamiyo Romagn

oli iyo laacib maareeye ka noqda khadka dhexe waxa Talyaaniga looga yaqaanno regista oo ka dhe ela daafaca hortiisa.Laacibka haatan booskaas ka dheela ayaa ah kabtanka Riccardo Montolivo bal se uma muuqdo nin kaafin kara baahida kooxda, iyadoo booskaas haatan lagu tijaabinayo Jose Sosa, halka Alessio Romagnoli uusan lahayn jaal joogto ah.

Sidaa darteed Rossoneri oo adeegsanaysa cududda dhaqaale ee ay ka heshay dalkaasi Shiinaha ayaa dookha 1aad ka dhiganaysa dambeedka Sao Paulo ee Caio iyo kabtanka Lazio ee Bi glia iyo laacibiin kale oo uu ka mid yahay Fabregas, waloow ay Caio ku haysato Napoli.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip