Mas’uulkaasi waxa uu daaha ka rogay in Wareegtooyin lagu calaamadeeyay Kumeelgaar ay ka soo kala baxeen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, xilli sharciyaddu tahay in golaha wasiirrada ka doodaan arrimaha noocaas ah kadib soo jeedin ka timaada Wasaaradaha, Madaxweynuhuna ku soo saaro digreeto.
Xilalka sida degdega ah lagu magacaabay waxaa ka mid ah Xoghayeyaasha Kumeel-gaarka ah ee Wasaaradaha Arrimaha dibadda, Maaliyada, Shaqada iyo Shaqaallaha, Diinta iyo Awqaafta iyo soo jeeddin magacaabid illaa iyo seddex safiir oo cusub oo uu ku jiro Safaarad Soomaaliya ay ku yeelato dalka Sweden, taasi oo aanan la isla ogolaan .
Xoghayaha Joogtada KMG ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Madaxweynuhu ku qanciyay darajada "Danjire” inuu uga dhex shaqeeyo Wasaaradaasi, taas badalkeeda ka tanaasulo damaciisa xilka Xoghaye joogto , balse Ra’iisul wasaaraha ayaa si KMG ah ugu magacaabay xilkaasi , si la mid ah waxa uu u magacaabay Xoghaye joogta KMG ah Wasaaraddaha, Maaliyada Shaqadda iyo Shaqaallaha , taasi oo horseeday ismaandhaaf habka shaqada ah oo soo kala dhex galay mudanaha cusub iyo Agaasimaha guud ee KMG ah ee Wasaaradaasi .
Muranka ugu weyn, waxa uu xilligan ka taagan yahay qaabka lagu maareyn lahaa dakhliga dowladda, iyadoo dadka siyaasadda ka faallooda ay muujiyeen niyad jab baahsan oo ah inuu dhaco hanti boob iyo ku takrifal awoodeed oo lagu fara gelinayo lacagaha yaalla bankiga dhexe, kaalmooyinka dibadda, mushaaraadka iyo gunnooyinka shaqaallaha iyo ciidanka qaranka oo ka maqan mushaar ku mudeysan lix (6) bilood .
Madaxweynaha ayaa xalay soo saaray wareegto loogu magac daray "habraaca hawlaha dowladda ee waqtiyada doorashada”, iyadoo qodobo badan ay huwaneyd oo ka qeyb ahaa in aan xil magacaabid/ ka qaadid ,dalacsiin, hanti la bixid, saxiixid heshiisyo iyo qandaraasyo lagu mamnuucay.
Kala shakiga soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotonta xaga awooda dalka, maadaama uu waqtigooda gabaabsi yahay, isla markaana ay yihiin Musharaxiin, waxaana mid walba uu doonayaa in mudada uu kursiga ku sii fadhiyaan ay uga faa’ideystaan danahooda gaarka ah.
Dad badan ayaa aamisan in wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ay muujineyso loolan u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee kursiga Madaxtinimo.
Siyaasiyiin dhowr ah ayaa ugu xog waramay Jowhar.com inaan si rasmi ah loo ogeyn habka loo maamulay dhaqaalle toos ah iyo mid dadban oo dowladdu ka kala heshay sanadkan 2016 seddex dal oo carbeed, shirkado kalluunka ka gurta badda iyo ilo dhaqaalle kale oo qarsoon.
Waxaa kaloo la rumeysan yahay in Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wax ka ogolaadeen saxiixa shirkadda DP World kula wareegtay dekadda Berbera ee waqooyi galbeed Soomaaliya oo ay maamusho Somaliland , taasi oo badalkeeda ay jirto dakhli gaar ah dadka qaar lagu aamusiyay.
Sanadkii 2012 ayay aheyd markii Madaxweynihii dowladdii KMG iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Sheekh Shariif iyo C/wali Gaas oo labaduba ahaa Musharax ay isku qabteen arrimo la xiriiray magacaabista xilal, waqti dowladdu xilkeeda sii dhamaanayay, waxaana la xusuustaa murankii ka dhashay magacaabistii Maareeyaha Dekeda Muqdisho oo uu C/wali Gaas u magacaabay Maareeye cusub, kadib markii uu xilka ka qaaday Maareeyihii u janjeeray dhinaca Sheekh Shariif.
XIGASHO:-JOWHAR.COM
Kala shakiga Madaxda sare ee dowladda iyo xilliga kala guurka (Warbixin)
Xilli, waqtiga sharciga ah ee loo igmaday dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka harsan tahay tira kooban oo maalmo ah , ayaa khilaaf ka soo dhex banbaxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma