
Mareykanka oo sheegay in dawlada Itoobiya awood badan u adeegsatay mudaaharaadeyaasha
Samantha Power ayaa shalay kula hadashay wariyeyaal New York. Maanta ayaa waxaa lagu wadaa inay wada hadal ku saabsan xaalada Itoobiya la qaadato saraakiil ka socda Ururka Midowga Afrika.
Samantha Power ayaa ugu yeedhay ama kutilmaantay carqalada kajidha Itoobiya mid xad dhaaf ah waxayna ku baaqday in la sameeyo baaritaan caddaalad ah oo hufan.
Waxay sheegtay in dawlada Mareykanku ugu baaqday dawlada Itoobiya inay deyso dadka si nabdoon si ay ugu bannaan baxaan.
Dalka Itoobiya ayaa waxaa bilo kasocday dibadbaxyo lagu hoobtay ayadoo ururada xaquuqul insaanku ku baaqeen in dawlada dalkaasi xaquuqul insaanka ay dhowrto kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya dilal ay geysatay, dad la dhaawacay, jirdil iyo dad la xiray.
Ayadoo xarunta ugu weyn ee ururka Midowga Afrika ay ku taalo Itoobiya ayaa asbuucii lasoo dhaafay ay ahayd markii ugu horeysay ee ururka Midowga Afrika uu ka hadlaywalaacna ka muujiyay qulqulatooyinka dalkaa ka jira
Mareykanka oo sheegay in dawlada Itoobiya awood badan u adeegsatay mudaaharaadeyaasha
Haweeneyda Mareykanka u fadhida QM, Samantha Power ayaa sheegtay in dawlada Itoobiya ay dibadbaxeyaasha u adeegsatay awood xad dhaaf ah.