
Waratada oo qashin badan ku daadsha Islii
Waxaa sidoo kale xaafada kuyaala hoteelo la seexdo iyo maqaayado laga cunteeyo. Dukaanleyda ayaa ka cawday asbuucii lasoo dhaafay in waratadu ka halleynayaan ganacsiga ayagoo sidoo kale xira meelihii dukaamadooda loo soo mari lahaa.
Waxay sheegeen sidoo kale in waratadu qiime jaban alaabada ku sii iibshaan maadaama aysan canshuur bixin.
Suuqa ayaa waxaa uu noqday cariiri dadku aysan mari karin maadaama warato meel walba alaabo dhigteen.
Kadib markii ay waratada u caal waayeen ayaa dukaanleydu asbuucii tagay maalmo shaqada joojiyeen.
Arintaa kadib booliska ayaa xaaqay ilaa 20 kun oo miisas iyo cooshado ahaa taasoo dhalisay xiisad u dhexeysay booliska iyo waratada iyo waratada iyo dukaanleyda.
Dadaalo ay horay isugu dayeen maqaaxileyda iyo mulkiileyaasha hoteelada oo ay waddooyinka u dhow geedo iyo ubaxyo ugu tallaaleen ayaan mira dhal noqon maadaama waratadu deegaanka wasaqeeyeen, waa sida hadalka loo dhigaye.
Meelihii ubaxyada lagu tallaalay weeyey meelaha qashinka lagu shubay. Si kastaba ha ahaatee waratada ayaa iska fogeeyay eeda loo soo jeediyay ee ah in ayagu ay qashinka ku shubaan waddooyinka.
"Waratada kaligood malahan eeda. Qashin badan waxaa laga keenaa meelaha dadku kunool yihiin. Dad waxaa jira habeynkii qashinka soo daadsha taana anaga ayaa hadhow nalaku eedeeyaa," sidaa waxaa tiri Betty Kimoli, oo qudaar ku iibisa meel u dhow nawaaxiga Califonia oo Islii ka tirsan.
Waxay kaloo sheegtay in dawlad deegaanku uruurin jirtay qashinka laakiin marmar sidaa markii shaqaalaheedu u dhaqaaqaan hadana lasoo dhoobi jiray.
Laakiin xataa markii cooshadihii la dumiyay, qaar waratada ka tirsan ayaa wali ku ganacsada jidadka u dhexeeya Islii iyo Biafra oo ah xaafad daris la ah Islii iyo min Biafra ilaa wadada weyn ee Joogoo Rd.
"Waxaan rajeyneynaa in dawlada degmada cagafyadeedu aysan imaan ilaa halkaan. Wax dhibaatooyin ah kama wadno halkaan. Qaarkeen waxaan un imaanaa galab gaabadkii markii dukaanleydu xiraan dukaamada," sidaana waxaa yiri Martin Mutisya oo gada huudheey.
Qaar ka tirsan waratada meelahaa oo ka yara durugsan suuqa Islii ayaa alaabo badan sii iibshay maalmihii shaqo joojintu ka jidhay Islii.
Gobernatooraha Nairobi, Evans Kidero ayaa wacad ku maray inuu waddooyinka ka nadiifin doono waratada shaqo joojintii dukaanleyda ee asbuucii tagay kadib.
"Waxaa 100%naga go'an inaan soo celino sharciga iyo kala dambeynta caasimadaan weyn," Kidero ayaa sidaa yiri Sabtidii.
Khamiistii, waratada waxaa kala eryay askarta minishiibiyada [kanjo]kadib markii ay damceen inay dibad bax lug ah ku tagaan ilaa hoolka caasimada ee City Hall.
Guddoomiyaha ururka waratada Islii Jeff Oteba ayaa sheegay in waddooyinka ay soo galeen kadib markii dhulkoodii laga qaatay.
Wuxuu kaloo diiday inuu aqbalo hadalka sheegaya in waratadu xireen meelaha loo soo maro dukaamada.
Dhanka kale guddoomiyada ururka ganacsiga ee Islii Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in20 kun oo warato ah oo islii soo buux dhaafshay, 200 kaliya ay reer Islii yihiin.
Waratada oo qashin badan ku daadsha Islii
Waa qormo saaka lagu qoray barta wararka ee wargeyska The Standard ee kasoo baxa Nairobi Kenya. Meelaha qaar waxaa waddooyinka loo rogay qashin qub. Arinkaa ayaa waxaa loo aaneeyaa waratada oo qashinka isaga quba xaafada dhexdeeda si dareen la