Xukuumadda Soomaaliya iyo IGAD ayaa todobaadkii hore sheegay in shirka Jowhar uu furmi doono 3-da bisha September oo maanta ku beegan.
Wariyeyaal ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in hoolka shirka aanay wali ergooyinka labada gobol soo fariisan, walina aanay magaalada imaan wax wafuud ah.
Sidoo kaleGuddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada Jowhar ka maqan, isagoo ku sugan magaalada Muqdisho
Ciidamo gaar ah oo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid oo gaaray magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa inay ka qeyb qaadanayaan sugida amniga xarunta shirka uu ka dhacayo, waxaana xiran waddooyinka soo gala xarunta iyo meelaha qaar.
Ilo lagu kasoonaan karo ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in wafuuda ugu badan ay maalinta berri tagi doonaan magaalada Jowhar, si shirka loo furo.
Waxaasoo baxaya khilaaf cusub oo ku aadan habka awood qeybsiga maamulka, iyadoo la sheegayo in IGAD ay dooneyso inay wax ka bedesho qaabka awood qeybsiga maamulka ee horay loo dejiyay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Maamulka la siin doono Gobolka Hiiraan, halka Caasimadana la siinayo Shabeellaha Dhexe.
Arrintan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in beel ka mid ah beelaha degta Hiiraan lagu qanciyo, isla markaana la siiyo Madaxweynaha, waxaana diidan siyaasiyiin kala duwan oo ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe, iyagoo ka digaya in shirka uu horseedo khilaaf hor leh.
Digreetadii Madaxweynaha horay uga soo baxday dhamaadkii sanadkii hore oo aheyd in Hiiraan ay qaataan Caasimada, Sh/Dhexe-na gogosha Shirka ayaa u muuqata mid la baabi’inayo, halkii xilka Madaxweynaha tartan loo geli lahaana ay hal beel kaliya Madaxweynaha loo dhaafi doonin, gaar ahaan Beesha Xawaadle.
Qorshahan ayaa la sheegay in madaxweynaha uu ogolaaday iyo madaxda kale, waxaana socda wada tashiyo kale oo looga dhaadhicinayo beelaha kale sidii ay u aqbali lahaayeen.
Lama oga arrintan soo if baxday caqabada uu ku yeelan doono dadaalka la doonayo in dib loogu furo shirkii Jowhar oo muddo 8 bilood hakad ugu jiray diidmada odayaasha qaar ee uu hoggaaminayay Ugaas Xasan.
Shirka Jowhar oo aan wali furmin iyo caqabad kale oo ku soo fool leh
Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maanta lagu wado inuu furmayo ayaa la sheegayaa inuu baaqday, iyadoo uu soo baxayo khilaaf cusub oo ku aadan habka maamul u sameynta labada Gobol.