WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA SABTEMBAR 2016-KA

0
Saturday September 03, 2016 - 09:24:10 in Wararka by
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA SABTEMBAR 2016-KA

    MADAXWEYE XASAN SH MAXAMUUD OO KA HADLEY AMNIGA DOORASHADA 2016 Madaxweynaha JFS,Md. Xasan Sh. Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doora shada. &

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYE XASAN SH MAXAMUUD OO KA HADLEY AMNIGA DOORASHADA 2016 Madaxweynaha JFS,Md. Xasan Sh. Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doora shada. "Cadowga naf la caariga ah waxaa uu xaqiiqsadey in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdey, shacab kuna ay cagta saareen waddadii nabadda, horumarka iyo barwaaqada. Haddaba cadowga isagoo ka xun guulahaasi la gaarey waxaa isku dayi doonaa inuu carqaladeeyo doorashada iyo wax walba oo dan u ah ummadda. Sidaa darteed waa in loo midoobaa sidii looga hortegi lahaa'', ayuu yiri Md. Xasan sh..

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey laamaha amniga ee DF/Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobole edyada iyo AMISOM in ay si buuxda u dardargeliyaan fulinta ha wlahii lagu dhammeystiri lahaa guud ah aan sugidda nabadgelyada dalka, gaar ahaan amniga codbixiyeyaasha, musharixiin ta, maamul eyaasha iyo kormeerayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha doorashooyinka.

"Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka go’an inay cadowga ka suuliyaan qeyb kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo ay taasi jirto,ayaa haddana waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin gaar ah oo na badda lagu sugayo waqtiga doorashada. Ciidammada Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxi bada aan leenahay ayaana haw shaasi adag u diyaar ah inay qabtaan’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey qeybaha bulshada rayidka, warfaafinta, culu mada iyo aqoonyahanada inay shacabka iyo dowladda kala qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa am niga goob aha doorashooyinka.DHAMMAAD

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG OO KA WARBIXIYAY DAGAAL BEELEED KA DHACAY DEGMADA CEELAFWEYN

Guddoomiyaha G/Sanaag Axmed Cabdi Falay, ayaa sheegay in 8 ruux ay ku Geeriyoodeen, 15 ruux oo kalena ay ku Dhawaacmeen dagaal 2 beelood oo wada degga degmadda Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in gurmad kii loogu jiray joojinta dagaalkaasi uu ku dhintay sarkaal ka tirsan ciidanka Mlitariga iyo askari boolis ah oo ku dhaawacmay. Waxa kale oo iyaguna rasaas ku dhacday gaadhigii Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay waxaanay saniftay mid ka mid ah ilaaladiisa oo dhaawac fudud ka soo gaadhay.

Guddoomiyaha gobolka oo khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "wa xaaan joogaa Dararweyne oo ah goobta dagaalku ka dhacay, waxaa nu ka dhacay laba goobood oo degmad da Ceel af weyn hoos tagta, waxaana dagaalkiii u horeeyey ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay 3 nin iyo haweenay umal ahayd, goobta kale waxa ku geeriyooday 7 qof, waxayna is ku noqonaysa 8 qof inay ku dhinteen dagaaladasi, intii aanu hawshaasi ku jiraynay xagga ciidan ka Militariga waxa nagaga dhintay hal Askari”.

"Way jiraan in rasaas ku dhacday gaadhigayga, waxba ilaahay naguma yeelin mid ka mid ah ila aladayda ayey yara saniftay marka dhaawac lagu sheegi karo way fudud tahay”ayuu yidhi Badhasa abka gobolka Sanaag oo sheegay inay dhex ga leen labaddii beelood ee dirirayey. Badha saabka gobolka Sanaag ayaa sheegay in ciddii nabadda ka hor timaadda awood da wladeed u adeegsan doono, isla markaana hadda ay ku dhex jiraan labaddii beelood ee dirirtu ku dhex martay.

Dhinaca kale, Wasiiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Farotoon ayaa sheegay in ciidanka Somaliland usoo gurmadeen labadda beelood ee ku dagaalamaya koonfurta Sanaag.

Wasiir Farotoon oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaasi labadda beelood ee wala alaha ah ku dhexmaray ay sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac, wallow aanu carrab dhabin tir adda rasmiga ah ee waxyeeladdu ka soo gaadhay dagaalkaasi.

Hase yeeshee, wuxuu sheegay in laba askari oo ciidanka qaranka iyo Booliska is kugu jiray ku geeriyoodeen gurmadii ay ugu jireen joojinta dagaalkaasi. Wasiiir Farotoon oo ka warbixinaya dag aalkaasi wa xa uu yidhi " Dagaalkaasi wuu dhacay dad badanna way ku dhaawac may, dad b adana way ku dhinteen, dawlada oo dhana way ka qaybqaadatay joojinta dagaalkaasi,ciidamaddii dawlad da oo dhan waa la dhaqaajiyey haday noqon lahayd ciidanka Booliska iyo Militarigaba, meelihii daga aladdu ka dhaceen gacanta lagu hayaa, meelo kale oo woxogaa xiisad kale ka jirta oo la leeyahay wax way ka dhici karaan way jirtaa, ciidanka qaranka khasaare ayaa ka soo gaadhay oo nin sarkaal ah wuu ku dhintay, nin boolis ahina wuu ku dhaawacmay”.

BANAANBAX LOOGA HORJEEDO DF IYO IGAD OO KA DHACAY BELEDWEYNE

Dibadbaxan oo ay ka Qaybqaateen Dadweyne isaga yimid xaafadaha M/Beledweyne, ayaa wa xaa kaloo ka Qaybgalay Siyaasiyiin, Mas'uuliyiin horey Xilal u ga soo qabtay G/iyo Odayaaldhaqame ed. Waxayna Dibadbaxayaashu socod ku mareen bartamaha magaalada.

Dhammaan xubnihii ka hadlay dibadbaxaan, ayaa eedeyn kulul ballaaran u jeediy ay DF/Somaliya, gaar ahaan ururgobolleedka IGAD oo ay ku eedeeyeen sida hadalka ay u dhigeen faragalin ka dhan ah rabitaanka shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Siyaasiyiintii ka hadashay isku soo baxan, ayaa sheegay in qorshaha DFS iyo Ururka IGAD ee dhismaha maamulka 2da Gobol horseedi karo iska horkeen bulsho, iyaga oo dhinaca kalana uga di gay beesha caalamka in ay taageero dhaqaalle ku bixiyaan arrintaa.

Ka qeybgalayaasha dibadbaxa ayaa sit ay boorar ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan go' aanka duubabka dhaqan ka Gobolka Hiiraan, iyagoo dhinaca kalana adeegsanayay erayo ka dhan ah dowladda federaalka iyo urur goboledka IGAD

Ugu dambeyntii, isku soo baxaan dadweyne ayaa u muuqday mid lagu xoojina yo kulankii ee Du ubabkadhaqanka Gobolka Hiiraan ay shalay ku qabteen M/Beledweyne, iyaga oo mar kale ku celiy ay mowqifkooda dhismaha maamulka labada gobol

MAAMULKA AFGOOYE OO KA WARBIXIYAY WEERAR AL SHABAAB AY KU QAADEEN CIIDAMADA DOWLADDA

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar Xar akada Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Xoogaga Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Duleedka Degm ada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhinca amniga iyo siyaasasada ee Maamulka Degmada Afgooye, Mahdi Axmed Xasan ayaa waxuu sheegay in Al Shabaab ay 3 Ruux oo Shacab ahaa ku Dileen Degaanka Cadoow dible Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee M/Muqdisho, ayaa Mr. Mahdi Axmed Xa san waxuu xusay in Weerarkaasi uusan wax khasaaro ah ka soo gaarin Ciidamada Dowladda.

Mr. Mahdi ayaa Al Shabaab ku eedeeyay in 6 Ruux oo Shacab ah ay ka qafaasheen Tuulooyin dhaca Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxuu tilmaamay inay ka go’an tahay sii wadida howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab Muddooyinkii dambe waxaa qeybo ka mid ah G/Sh.Hoose gaar ah aan fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM lagu begsanayay Weeraro gaadmo ah oo ay soo qaden Alshabab.

GALMUDUG OO DIGNIIN KA SOO SAARTAY XANIBAADA PUNTLAND SAARTAY GAADIIDKA

Shir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir gudoom inayay Madaxwe yne ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha, laguna gorfe eyay arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, isla markaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha cakiran ee kataagan maga alada Gaalkacyo, ayaa xu kuumaddu waxa ay ka soo saartay:

1-Sidii aan horay u sheegnayba waxaan aaminsanahay in iskusocodka shacabka iyo madaxban aanida ganacsigu ay lafdhabar u yihiin nolosha shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudu g iyo Puntland.

2- Mar labaad waxaan ka digaynaa in xanibaad iyo kala qoqob kasta oo lagu sameyo isku socod ka shacabka walaalaha ah iyo madaxbanaanida ganacsigooda uu horseedi karo burbur dhaqaale iyo amni darro baahda.

3-Waxaan tuhunsanahay in go’aamadaas ay yihiin kuwo dad yar oo ku jira xuku umadda Puntil and ay dano qarsoon oo gaar ah ka leeyihiin, ayagoo mar marsiiyo ka dhiganaya arrimo amni, isla markaana aysan ka tarjumaynin danta, rabitaanka iyo maslaxadda shacabka iyo ganacsatada Punt land.

4- Waxaan ka xunnahay qasaaraha ka dhashay go’aamada aan laga fiirsan ee ay gaartay Puntl and kuwaas oo keenay in 48 saacadood la xanibo gawaari sidda xoolo nool, qudaar, raashin iyo bad eecoo yin kale, sababayna in xoolihii baqtiyaan, qudaartiina baaba’do, ayna ka dhasheen burbur dha qaale oo xoog leh, kuwaas oo kasoo horjeeda qaanuunka ganacsiga, horumarka, soomaalinimada iyo garashada wanaagsan ee bani’aadamka.

5-Waxaan ku wargelinaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka ay si dha w ula socdaan il gaar ah na ku hayaan ficilada ay Puntlaand samaynayso oo ah kuwo xadgudub ku ah heshiiskii ay Galmudug iyo Puntland gaareen 2-dii bishii December 2015ki ayna goobjoog ka aha ayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

6-Waxaan ka xunnahay dhibaatada ku dhacday ganacsatada iyo shacabka soomaaliyeed, waxa anna muujinaynaa wal walka aan ka qabno arrinkaas, wixii cawaaqibxumo dhaqaale, amni iyo bul sho ah ee ka dhasha go’aamadaasna ay Puntl and dushauridandoonto.

7-Waxaan u soo jeedinaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan falalka xambaarsan daa ndaansiga iyo colaad abuurka ee ay ku kacayaan, ayagoo marmarsiiyo ka dhiganaya arrimo amni.

8-Waxaan soo dhawaynaynaa kuna dadaalaynaa wax kasta oo soomaalinimada, midnimada um madda soomaaliyeed, walaaltinimada iyo derisnimada xoojinaya.

MILKIILAA FACEBOOK ZUCKERBERG OO QASAARE KALA KULMAY BOOQASHADIISA DALKA KENYA

Aas-aasaha Booga caanka ah ee Fac ebook Mark Zuckerberg ayaa booqasho kedis ah ku tegey dalka Kenya hase yeeshee waxa ay ku soo beegantay iyadoo shalay uu ku burburay dayaxgacmeed uu doonay ay in ay dalal ka Afrika ay ku helaan internet lacag la’ aan ah.

Dayaxgacmeedkan ayaa waxaa baabi’iyay shalay markii uu qarxay dayax gac meed hawada loo ganayay SpaceX Fal con 9 oo la gu tijaabinayay xarunta Cape Canaverl ee Florida,

"Anigoo jooga Afrika ayaan si aad ah uga xumahay in Space X uu burburiyay da yaxgacmeed keygii kaasoo u sahli lahaa dad badan oo ku nool caalamka inay wada xiriiraan,”ayuu aasaasaha Facebook ku qoray boggiisa. Hase yeeshee Mr Zuckerberg ayaa weli niyadiisu ay xoogan tahay wa xana uu sheegay in uu cilmiga cusub ee Aquila uu dabooli doono qorshi hiisa.

"Nasiib wanaag waxaan sameeynay farsamo cusub oo aan ugu magac darnay Aquila kaasoo isku xiri doono dadka. Waxaa naga go’an in aan shaqeyno illaa aan qof walba uu u helayo fursad uu dad ka ka le kula xiriiro.”ayuu sii raaciyay. Aquila waa diyaarad ku shaqeynaysa iftiinka qo raxda ama cadceeda waxana la qorsheynayaa in internet lacag la’aan ah ay siiso dalalka meelaha fogfog ku ya al caalamka oo ay Afrika ka mid tahay.

32-sano jirkan Bilyaneerka ah ayaa la sheegay in uu kula kulmayo dalka Kenya aqoonyahano reer Kenya ah, waxana uu sheegay inuu doonayo inuu ka barto aqoonta lacagaha mobaylka la isugu diro.

DAD BANAANBAXAYA OO KU GUBAY BEERO UBAX AH DALKA ITOOBIYA

Shirkad laga leeyahay dalka Netherland ayaa sheegtay in dad banaanbaxaya oo ka soo horjeeda dowlada Itoobiya ay gubeen beero ubaxa lagu beero iyadoo dadka banaanbaxaya ay beegsanayaan ilaha dhaqaalaha dalka Itoobiya

Ubaxa oo ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee laga dhoofiyo dalka Itoobiya ayaa la sheegay in beero ubax ah oo lagu maalgeliyay lacag gaareysa 10 Malyan oo Yuro kuna yaal Bahar Daar ay ku bas beeleen dabkan. Warkan ka soo baxay Esmeralda ayaa imanaya iyadoo banana baxyo loogaga soo horjeedo dowlada Itoobiya ay ka dhacayeen gobolada Oromia iyo Amhara toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in boqolaal ruux ay ku dhinteen. rurada xuq uuqda aadanaha ay aa sheegay in ciidamada ammaanka ay u isticmaalayaan awood dheeraad ah dadka banaanbaxaya.

Dowlada Itoobiya ayaa is bahaysi la leh wadamada reer galbeedka iyadoo wadamada reer galbe edkana ay ku eedeeyaan dowlada Itoobiya inay aamusiso dadka mucaaradka ku ah iy adoo mararka qaarna ay xayirto isticmaal ka internetka

MADAXWEYNAHA JFS OO BAAQ KA SOO SAAREY GEDI SOCODKA DORASHOYINKA 2016

Madaxweynaha JF/Soomaaliya, Md. Xasan Sh.Maxamuud, ayaa shacab ka Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buu xda isugu diyaariyaan, kana qeyb qaataan doorashooyinka la filayo inay dhow aan dalka ka dhacaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay in doorashada labada aqal (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) iyo tan Madaxweyna ha ku dhacdo waqtigii loogu talagaley, sida ku cad soo jeedinta Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadban, lagu naayidey Baaqii Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo dowlad gobo leedyada ee 9 Agoosto 2016.

"Guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed waa inay si cadaalad ah oo hufan u maamulaan doorashada, shacabka iyo madaxda Soo maaliyeedna waxaa looga fadhiyaa inay la garab istaagaan taageerada ay uga baahan yihiin’’.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah u xusay muhimadda ay leedahay in fursaddan taariikhiga ah laga faa’ideysto.

"Waddankeena waxaa uu gelayaa marxalad taariikhi ah, sidaa darteed waxaan farayaa guud aha an shacabka Soomaali yeed, DF, iyo Dowlad Goboleedyada in la ga wada shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinka ay si habsami leh u dhacaan iyadoo la raacayo nidaamka iyo habraaca ay dejiyeen guddiyada doorashooyinka’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in si waddanka uu u xajisto guulaha uu gaarey ay lagama maarmaan tahay in mu himad la siiyo maslaxadda iyo danta qaranka, lagana dhowrsanaado eex, goboleysi iyo nin jecleysi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale beesha caalamka u gu baaqey inay do orkooda ka cayaaraan xaqiijinta in doorashada 2016-ka ee Soomaaliya ay noqoto mid si cadaalad iyo kalsooni ku dhacda.

"Waxaan beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay, dowladaha aan saaxiibka nahay, ururrada caalamiga iyo kuwa goboleedyada ugu baaqeynaa inay ummadda Soomaaliyeed si buuxda ugala shaqeeyaan dardargelinta geedi socodka doorashooyinka, ayna soo dedejiyaan taageerada dhanka maalgelinta iyagoo tixgelin siinaya jadwalka doorashooyin ka’’.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey QM inay doorkeeda caalamiga ah ee kaga be egan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo taakuleynta looga ba ahan yahay ka qaadato doorashooyinkan, iyo inay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyso sidii ay door ashooy inka u najixi lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo ku saleysan cadaalad iyo saami qeybsi loo dhan yahay.DHAMMAAD

JABRIIL: SUGIDDA AMMAANKA DALKA WAXAA ISKA DHEGOTIRAY HOGGAANKA SARE EE DALKA)

Madaxa Hay’adda CRD, ahna Murashax ka mid ah murshaxiinta isku soo tagay xilka madaxnimo ee Somalia doorashada dhacaysa sannadkan, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee Somaliya ka jirta xilligaan.

Jabriil Cabdulle oo Wareysi siinayay Radio SBS ee Australia laatiisa Afka Soomaaliga ayaa xusay inay ahayd in afar sano ka dib ammaanka dalka oo dhan ay la wareegaan ciidamada Somaliya, ba sle ay muuqato in sababta loo sameyn waay ay ay tahay mas’uuliyad darro.

"Maanta haddaad fiiriso xarumaha ay hay’adaha Dowladda Federaalka ah ee Somaliya ay ku Sha qeeyaan oo ay ka mid tahay Madaxtooyada oo ahayd Astaantii Qaranka, Waxaa ilaaliya Ciidanka AMISOM, taasna ma ahayn mid loo baahan yahay afar sano ka dib inay sii jirto,” ayuu Jabriil Cabd ulle ku yiri wareysiga.

GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA OO KU BAA QAY IN GULUF DAGAAL LAGU QAADO MALLE ESHIYADA ALSHABAAB.

Golaha Wasiirra da XFS ayaa si wada jira u go’aamiyay in la sii laba jibbaaro dagaal ka lagula jiro kooxda la shabaab Kulanka golaha wasiirrada oo uu shir guddoomi nayay R/wasaare ku xi geenka dalka Maxamed Cumar Carte,ayaa si weyn loogu gorfeeyay adkaynta ammaanka dalka,dardar gel inta iyo baacs iga kooxda AlShabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sh/ Cali (Diini) ay aa sheegay inay ciidamada xoogga dalka ay goobahooda ugu tegi doonaan AlShabaab, waxaanay gol u hu isku raaceen in doorashada ka hor guluf xooggan lagu qaado al shabaab.

Golaha ayaa isku raacay in daryeel loo fidiyo carruurtii ay Aabbayaashood ku geeriyoodeen difaa ca dalka,waxayna ballan qaadeen iney xagga wax barashada iyo dhanka noloshaba ka saacidi doonaan.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirada ayaa go’aamiyay in Albaabka hore ee madaxtooyada dalka loo gu magac daro Laba Xiddigle Bashiir Abshir,oo ka mid ahaa mujaahidiintii naftooda u hurtay difaaca qaranka ee ay kooxda AlShabaab ku dileen halkaasi.

ODAYAASHA DHAQANKA HIIRAAN OO U DIGAY IGAD SHEEGAYNA IN MADAXDA SARE EE DFS KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY

Magaalada Baladweyne ee xarunta go bolka Hiiraan waxaa ka dhacay kulan ay yeesheen waxg aradka, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, kaasi oo looga hadlay go’aanka dowladda iyo IGAD ku doonayaan maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe. Kulanka waxaa ka ha dlay xubno uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo sheegay in Danjiraha IGAD ee Soomaa liya uu kala garan waayo Soomaaliya iyo Kenya, isagoona uga digay inuu isagu ma s’uul ka yahay cawaaqibka ka dhasha dhi smaha maamul aanay bulshadiisu raalli ka ahayn.

Ugaaska ayaa daboolka ka qaaday khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Was aaraha, taasi oo sababtay in Cumar C/rashiid u dhoofo magaalada Nayrobi ee xarunta wadanka Ke nya, isa goo sheegay in halkaasi uu ka wado dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.

Dhinaca kale Ugaas Khaliif ayaa digniin u jeediyay Ra’iisal Wasaare K/Xigeen ka Maxamed Cu mar Carte oo uu sheegay in loo adeegsanaayo hurinta colaado sokeeye oo ka dhaca gobolka Hiir aan, wux uuna hoosta ka xariiqay haddii uu arrimahaasi faraha kala bixi waayo inuu qaadayo wixii dhibaato ah ee ka yimaada.

Kulanka waxaa kale oo ka hadlay af-hayeenka odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo isna she egay in shirar dhowr ah oo dhex maray madaxda Dowladda, urur goboleedka IGAD iyo beesha caa lam ka lagu qaatay go’aanka odayaasha, balse beesha caalamka oo kaliya ogolaatay, halka Dowl ada iyo IGAD ay diideen.

MADAXWEYNIHII HORE SHARIIF SH. AXMED OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHOWEEY AY M/N

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay fiidkii ka soo degay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nayrobi dalka Kenya, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay boqolaal Soomaali ah, madax ka tirsan Dowladda Kenya Ayaa Soo dhoweyn ta Madaxweyne Shariif ku sheegeen in ay oo ahayd mid horay loo sii diyaariyay ayaa waxaa uu la kulmay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Kenya, mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowladihii soo maray Soomaaliya iyo dadweynihii ka qeyb qaatay soo dhoweyntiisa.

Isagoo ka warbixinayay socdaalkiisa magaalada Nayrobi waxa uu sheegay Shariif Sheekh Axm ed inuu maalmahaan sii joogayo Nayrobi, isagoona ka gaabsaday ujeedada socdaalkiisa, balse wa xa uu sheegay inuu maalmaha soo socda ka hadlayo imaatinkiisa dalka Kenya.

Soo dhoweynta Madaxweynihii Dowla ddii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed oo ay la socotay marwadiisa ayaa ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimo doorashada dadban ee ka dha ceysa dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ay aa xilka si sharaf leh ugu wareejiyay mar kii looga guuleys tay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday sanadkii 2012-ka, iyadoo Madaxweynaha she ikh shariif ayaa tuslaae u noqday madaweynahayaasha afrika oo looga bartay inay talada ku dheg aan hase yeeshee albaab cusub u furay ka dib markii uu si saraaxad leh madashii doorashada ka dhaceysay uu si niyad samai leh ugu wareejiyey isla habeenkiiba xilkii iyo waajibaadkii uu dalka iyo dadka soomaaliyeed u hayey madaxweynaha cusub ee soomaaliya oo codeynta kaga guuleystay taasoo faraxad gelisay dhamman shacabka soomaaliyeed iyo goobjoogayaasha caalamiga ahaa ee goobta doorasha Ku sugnaaba

WARSAXAAFADEED DHIBAATADA PUNTLAND KU HAYSO GAALKACYO

Shir degdeg ah oo ay isugu yimaade en Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shi rgudoominayay Madaxweyne ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha, laguna gorfeeyay arrimaha amniga, siy aasadda iyo dhaqaalaha, islamarkaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha cakiran ee kataag an magaalada Gaalkacyo, ayaa xukuumaddu waxa ay ka soo saartay:

1 Sidii aan horay u sheegnayba waxa an aaminsanahay in iskusocodka shacab ka iyo madaxba naanida ganacsigu ay lafdhabar u yihiin nolosha shacabka soo maaliyeed, gaar ahaan shacabka Gal mudug iyo Puntland.

2 Mar labaad waxaan ka digaynaa in xanibaad iyo kala qoqob kasta oo lagu sameeyo isku socod ka shacabka walaal aha ah iyo madaxbanaanida ganacsigo oda uu horseedi karo burbur dhaqaale iyo amni darro baahda.

3-Waxaan tuhunsanahay in go’aamad aas ay yihiin kuwo dad yar oo ku jira xuku umadda Puntil and ay dano qarsoon oo ga ar ah ka leeyihiin, ayagoo mar marsiiyo ka dhiganaya arrimo amni, isla markaana aysan ka tarjumaynin danta, rabitaanka iyo maslaxadda shacabka iyo ganacsata da Punt land.

4-Waxaan ka xunnahay qasaaraha ka dhashay go’aamada aan laga fiirsan ee ay gaartay Puntla nd kuwaas oo keen ay in 48 saacadood la xanibo gawaari si dda xoolo nool, qudaar, raashin iyo bad e cooyin kale, sababayna in xoolihii baqtiy aan, qudaartiina baaba’do, ayna ka dha sheen burbur dha qaale oo xoogleh, kuw aas oo kasoo horjeeda qaanuunka gana csiga, horumarka, soomaalinimada iyo garashada wanaagsan ee bani’aadamka.

5 -Waxaan ku wargelinaynaa DF/Sooma aliya iyo bulshada caalamka ay si dhaw ula socdaan il gaar ahna ku hayaan ficil ada ay Puntlaand samaynayso oo ah ku wo xadgudub ku ah heshiiskii ay Gal mudug iyo Puntland gaareen 2dii bishii December 2015ki ayna goobjoog ka ah aayeen Dowladda Federaalka Soomaa liya iyo bulshada caalamka.

6-Waxaan ka xunnahay dhibaatada ku dhacday ganacsatada iyo shacabka soom aaliyeed, waxaa nna muujinaynaa walwal ka aan ka qabno arrinkaas, wixii cawaaqi bxumo dhaqaale, amni iyo bulsho ah ee ka dhasha go’aamadaasna ay Puntland dushauridandoonto.

7- Waxaan u soo jeedinaynaa maam ulka Puntland in ay ka waantoobaan falal ka xambaarsan daandaansiga iyo colaadabuurka ee ay ku kacayaan, ayagoo ma rmarsiiyo ka dhiganaya arrimo am ni.

8-Waxaan soo dhawaynaynaa kuna dadaalaynaa wax kasta oo soomaalin imada, midnimada um madda soomaaliye ed, walaaltinimada iyo derisnimada xooji naya.Dhammaad

WASIIRUDOWLAHA WASAARADDA CADAALA DA OO SOO XIRAY TABABAR U SOCDAY SHAQ AALAHA WASAARADAASI

Xaflad lagu maamuusayay xeritaanka tababar muddo seddex {3} cisho ah u soc dey qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaar adda Caddaalada iyo Garsoorka Dawlad da Federaalka Soomaaliya ayaa la gu qab tey Magaalada Muqdishu.

Tababarkaasi oo socdey intiii u dhaxe ysay 2931 Augost 2016ka ayaa waxaa ka faa’iideystey sar aakiil iyo hawlwade eno ka kala socday Maxkamadaha Dalka, Xeer ilaalinta Qaranka iyo Wasaarad da Caddaaladda, waxaana munaasabadii la gu soo gabagabeynayay tababarkaasi ka soo qeyb gal ey Madax ka socotey Dawla dda dhexe ee Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Md, Xas an Jimcaale iyo Dr Ax med Cali Daahir oo ka hadlay munaasab adaasi ayaa sheegey inay soo dha weyn ayaan qabashada tababarkaasi, waxaana ay ku guubaabiyeen shaqaalaha Wasaa radaasi in ay la yimaadaan dardar sare lo ogu qaadayo caddaaladda Wadanka.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Cadd aala da Soomaaliya Gen. Xasan Maxam ed Xuseen {Muun gaab} oo gunaanadkii ta babarkaasi ka soo jeediyay khudbad dhin acyo badan ka hadlaysay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida quruxda ba dan ee loo soo agaasimey tababarkaasi, wuxuuna tibaaxey in Wasaaradiisu ay ka go’an tahay sidii ay mar walba kor ugu sii qaadi laheyd aqoonta iyo xirfadda hawl wadeenadeeda.

Mar uu Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caddaalada ka hadlayay dhinaca garsoo rka ayaa u soo je ediyay xubnahii uu tab abarkaasi u idlaadey inay kaalin mug leh ka qaataan horumarinta garsoorka Wad anka, wuxuuna ku celceliyay in garsoor ku uu saldhig u yahay adeeg kasta oo da wladeed sid aasi daraadeed ruux walba lo oga baahan yahay sidii u dhankiisa uga xoojin lahaa garsoorka iyo cadaaladda Soomaaliya.

Gen Xasan Maxamed Xuseen {Muun gaab} Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Ca ddaalada oo had alkiisa sii wata ayaa car abka ku dhuftey in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed laga sugayo sidii uu kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaa dib u dhi ska Dalkiisa, wuxuuna kula dardaarmey xubnihii uu tababarkaasi u dhamaaadey in tacliintii la siiyay ay dib ugula laabteen xafiisyada iyo xarumahooda shaqada.

Tababarkaan oo lagu bartey casharo u badnaa sida loo ilaalin karo Cadaalada ayaa nasiib waxaa u heley inay ka qeyb galaan hawl wadeeno kor u dhaafayay 30xubnood oo matalayay Wasaaradda Cadaalada iyo Hay’adaha hoos yimaa da.

MADAXWEYNAHA "UGAAS XASAN, WAA UG AASKEYGA, TIXIGELIN AYAA U HEYNAA, WAANA AQOONSANAHAY”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore ka qeyb galay Barnaam ijka Dood Wadaag oo si toos ah uga baxayay Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen dadkii ka qeyb galayay oo isugu jir ay Culumaa’udiin, Haween, siyaasiyiin, aqoonyah ano iyo xubno ka tirsan Baarl amaanka.

Madaxweynaha ayaa su’aalaha la wey diiyay ay isugu jireen arrimaha Amniga, marxalada siyaa sadeed ee kala guurka uu dalka galay iyo arrimo kale. Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya oo wax laga weydiiyay arrinta Amniga ayaa waxaa uu ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan cii damada ammaanka, si loo ga hortago weerarada ay geysanayaan AlShabaab. "Shacabka waxaa ka codsan eynaa inay ciidamada amniga la shaqeey ana oo ay tilmaamaan cadawga marka uu soo soc do, cadawga marka uu dhib geys anayo cirka kama soo dhicin, dhulkana ka ma soo dhalan, guri ay uu ka soo baxaa, maalin dhoweyd gaarigii qarxayay ee dhulka aad aragtaan dumiyay iyo guryo bad an dumiyay,waxaa ogtihiin inuu mag aalada gudaheed ka yimid, ciidamada amniga marka ay 10 baabuur sideed ka mid ah ay fashiliyaan labada fakata wa aye wax dhibka noo geysanayo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo su’aal laga weydi iyay xaalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalka marayo iyo in dowladdiisa ay qor sheyneyso sidii xubnaha la soo xulayo ay lug ugu yeelan laheyd ayuu wax ba kama jiraan ku tilmaamay arrintaas.

"Dowladda wax door ah kuma lahan ni daamka doorashada dalka ka dhaceyso, Madaxweynaha fara gelin kuma lahan do orashada ka dhaceysa Kismaayo, Baydh abo, Cadaado, Garowe iyo Muqd isho, wix ii nidaam lagu heshiiyay ayaa meelahaas ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar la weydiiyay inay doonayaan mud do kororsi ayuu sheegay in aanay done yn in hal maalin waqtiga loogu daro wixii ka dambeeya 30ka October, isagoo tilma amay in horay ay u diideen mud do kororsi 2 sano ah oo loo soo jeediyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qiray inay qaladaad ka jiraan Odayaasha dhaq anka ee 135ta oday, isagoo xusay inay mar isku dayeen inay saxaan, hase ahaa tee ay sixi waayeen sida uu yiri.

"Arrinta 135ta oday inaan saxna isku daynay oo aan bedelno, waa sixi weynay, wixii qaladaad ka bixi markaan dhahno wax walba qalad ayay noqdeen, 50 iyo dhowr ayay noqotay in la bedelo, wa xaa diideynay in tusbax go’ay oo kale noqd aan, maadaama dowladdan hada jirta loo gu soo caana maalay, si aanay waqti kale u qaadanay ayaa qaadanay labo daran mid dooro, mida dambe ayaa do ora nay”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa wax laga weydi iyay arrinta Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo sababta loogu dari waayay odayaasha 135ta oday, isagoo xusay in Ugaaska uu aqoonsan yahay, tixgelin u haayo.

"Ugaas Xasan waa ugaaskeyga, tixge lin ayaa u heynaa, waana aqoonsanahay, inta aan Ugaas ka loo caleema saarin ay aa dhowr jeer kulanay wixii tabasho waa ka hadalnay, arrinta odayaasha isaga inta uu ii yimid ha leygu daro ima dhihin qof hebel oo booskeyga ku jirana ha laga sa aro, mida odayaasha 135ta oday horay u sheegnay inaan saxno oo aan wax ka bedelno rabnay, waxaa is tusn ay in hadii wax laga bedelo ay waqti qaadaneyso iyo dib u heshiisiin, labo sano oo soo socoto inay waqti nooga qaataa diideynay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale mar uu ka jawaabayay su’ aal la xiriirtay arrinta Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayuu sheegay in dhowaan la dhisi doono maamulka laba daas gobol, waxaa uu sheegay in in ta uu xilka Madaxweynenimada hayay safarki isa ugu badan uu ugu tagay Gobolka Hiir aan, taasna ay aheyd in wixii tabasho ee jira la saxo.

"Arrinta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, aniga in ta aan Kursiga ku fadhiyay meesha ugu badan aan tago Hiiraan ayay aheyd, an iga kaligey ma tagin, dowladda oo dhan dhowr jeer ayay ku noqnoqotay, Ra ’iisul Wasaaraha iyo Wasiiro, tan maamulkana dhowaan ayaa la sameynayaa, si xildhi baanada la soo dooranayo marka la dhiso halkaas looga soo doorto, mida ah labada Gobol, dalkaan 18 gobol ayuu ahaa, waa dhamaatay waqtigii inta gobol lagu dar daro, hadii labada gobol maamul sameyst aan, inta ay donaan Gobol ha sameysta an, sida Puntland oo kale waa Labo Gob ol iyo Bar, maan tana sagaal gobol ayay le eyihiin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ka codsaday shacabka in aysan hal qof kal iya dowladda dh an u ijaafeyn oo aanay ku tilmaamin in dowladda dhan ay fashilan tay, balse ay jiraan shaqsiyaad fashilmay, loona baahan yahay in shaqsiyaadka dowladda ka jira keligood loo nisbeeyay wixii fashil arkaan dadweynaha, balse aanay dowladda oo dhan dusha u saarin.

ALSHABAAB OO 3 RUUX RAYID AH KU DILEY DEEGAANKA BIYO CADE EE GOBOLKA SH/DHEXE

Wararka ka imanaya deegaanka Biyocadde ee ka tirsan gobolka Sh/dhexe ay aa sheegaya in ha been hore lagu diley deegaankaas 3ruux oo rayid ah oo ka mid ah dadka ku nool deegaankaasi. Dadka la diley ayaa waxaa ka mid ahaa wiil iyo Aa bbihii halka qofka kalena uu ahaa nin ay qaraabo ahaayeen oo xalay u soo marti yay.

Wararka ayaa sheegaya in xilli saqdii dhexe ay kooxo hubeysan u soo dhaceen guriga ay degenaayeen qoyska ka dibna halkaa ku dileen Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka dadkan ra yidka ah ha se yeeshee qaar kamid ah dadka deega anka ayaa sheegaya in ka dambeeyeen di lka dadkan ururka Alshabaab.

Deegaanka Biyo Cadde ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka la wareegeen ururka Alshabaab.

Ciidamo isugu jira kuwa dowlada Soomaaliya iyo qaar kale oo ka mid ah AMISOM ayaa fariisi mo ku leh deegaan ka Biyo Cadde oo kamid ah deegaanada

Waaweyn ee gobolka Sh/dhexe.

MARWADA 1AAD DALKA OO CASHO U SAME YSAY QOYSKA GENERAL SAMATAR

Marwada 1-aad Dalka, Qamar Cali Cumar, ayaa kul an casho ah u sameysay qoyskii uu ka baxay Gen. Maxamed Cali Sa matar, oo 20kii bishii hore ee August ku geeriyooday wadanka Mareykan ka.

Marw Qamar ayaa markale kaga tacsi yadeysay geeridii naxdinta ee ku timid Ma daxweyne Ku Xigeenkii hore Somaliya ahaana Wasiirkii Gaashaandhiga Jen Sa matar, ayaa 25kii August Aas Qa ran loo gu sameeyay M/Muqdisho. Aaskiisa oo ka dhacay Xarunta W/Gaashaandhiga, ay aa waxaa ka qaybgalay Madaxda Qar anka, Maamul Goboleedyada qaarkood, qoyskiisa iyo xubno kale.

Qoyska Jen. Maxamed Cali Samatar, ayaa Marwada 1aad iyo Madaxda Qaran kaba kaga mahad celiyay abaabulka iyo doorkii muuqday ee Madaxtooyadu ku lah eyd Aaskiisa. Allaha u naxariistee General Samatar, ayaa darajada ciidanimo ka gaaray Sareeye Guud, waana ninka keli ya ee Soom aaliyeed oo darajadaasi ka ga aray ciidanimada.

MADAXWEYNIHII DALKA UZBEKISTAN ISLAM KARIMOV OO GEERIYOODAY

Madaxweynihii dalka ku yaal bartama ha qaarada Asia ee Uzbekistan Islam Kar imov oo ahaa 78 sano jir ayaa geeri yo oday kadib mar kii muddo toddoba ad ah uu xauunsa naa waxaa na la sheeg ay in uu xidid furan uu u geeriyoo day Karimov.

Karimov oo xukumayay dalka Uzbekis tan ayaa muddo 25 sano ah ayaa waxaa geeridiisa ku dho waaqday gabar uu dhal ay Lola Tilliyaeva iyadoo ku sheegtay bog geeda Instagram in uu geeriyood ay aaba heed.

Sidoo kale dowlada iyo Baarlamaanka dalka Uzbekistan ayaa xaqiijiyay geerida madaxweynaha waxaana ay she egeen in lagu aasi doono magaaladii uu ku dhashay ee Samarkand Sab tida.

Wadanka Uzbekistan ayaa ka qaatay ama ka go’ay jamhuuriyadii Midowga Soo fiyeeti sanadkii 1991-kii waxana uu dalkan xuduud la leeyahay wadanka Afhganis tan.

Lama oga cidda bedeli doonta Kar imov isagoo markii shanaad loo doortay sanadkii hore inuu ho gaamiyo dalkiisa il laa iyo sanadka 2020ka kadib markii uu helay inkabadan boqolkiiba sagaashan doorashada. Hase yeeshee waxaa loo sa adaalinayaa inay bedeli karaan ra’iisal wasaaraha dalk aas Shavkat Mirziyoyev iyo ku xigeenkiisa Rustam Azimov sidoo kale waxaa dadku ay faraha ku fiiq ayaan siyaasiga Kamoliddin Rabbimov oo ah siy aasi degen dalka Faransiiska.

Karimov ayaa yaraantisii ku soo barb aaray agoonimo waxana uu ku dhashay Magaalada qadii miga ah ee Samarkand waxana uu bartay cilmiga dhaqaalaha iyo farsamada injineeriyada. Waxana uu ku biiray xisbiga shuuciga isagoo ka soo noq day xilligii midowga Soofiyeeti madaxa Uzbekistan sanadkii 1989.

GUDDIGA DIB U DHIGISTA MAAMUL U SAME YNTA G/HIIRAAN IYO SH/DHEXE OO LAGU DHAWAAQAY (WARSAXAAFADEED)

M/Muqdisho waxaa looga dhawaaqay guddi qaabilsan dib u dhigista dhismaha maamul u same ynta G/Hiiraan iyo Sh/dhe xe, ka dib markii ay kulan ballaaran isugu yimaadeen madaxda asxaabta siyaasad da, musharaxiinta xilka Madaxweynaha iyo xubno ka socda 2da gobol oo ay ka maqan yihiin Guddoomiyeyaasha 2da go bol ee maamulada DF hoos taga.

Dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxaa la isku afgartay in dib loo dhigo dhismaha maamulkaasi, iyadoo Guddiga la magaca abay oo ka kooban 7xubnood ayaa lagu sheegay inuu ka shaqeynayo si dii dib loo dhigi lahaa ilaa iyo inta ay ka dhaceyso doorashada dadban.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen aqo onyahano, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobol ada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa magacaabay guddiga oo ay xubno ka yihiin:

1. C/raxmaan C/shakuur,

2. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan),

3. Danjire Maxamed Cali Ameeriko,

4. Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre,

5. Sayid Cali Macallim Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho,

6. G/ Xisbiga midnimada Qaranka Sooma aliyeed Yuusuf Cusmaan Maxamed

7. Guddoomiyaha xisbiga Kulan C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij).

Dhinaca kale guddigaan ay magacaab een asxaabta siyaasadeed ayaan la og eyn sida ay ka ye eleyso DF iyo IGAD oo dhowaan shaaciyay in Maanta oo sabti ah M/Jowhar ka furaya shirka maam ul u sam eynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

DOWLADA TURKIGA OO SHAQADA KA ERYAY SHAQAALE HOR LEH

Dowladda Turkiga ayaa shaqada ka eri day 8kun oo Boolis iyo ciidamo kale isu gu jirra. Tallabadani ay aa qayb ka ah qor she dowladda ay waday ka dib markii uu dha cay inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay.

Tan xilligaasina, dowlada Turkiga ayaa shaqada ka eri day dad isugu jirra, shaqaale dowladeed, xa akimada max kamadaha iyo askar dowladda u shaqaynayay.

Dowladda Erdogan ayaa inqilaabkii dhacay ku eedaysay wadaadka maraykanka dagan ee Fettulah Gulen.

Balse wadaadkan ayaa diiday inuu wax lug ah ku lahaa inqilaabkaasi ka dhacay Turk iga.

HORJOOGIHII KOOXDA DAACISH EE G/BAAY IYO MALEESHIYADKIISII OO LA QABTAY

Taliska Cii dan ka Nabadsug idda G/ Baay ayaa M/ Baydhabo ku soo bandhi gay Afar ru ux oo ay ku shee geen inay ka tirsan yihiin Kooxda Daa cish ee ka dagaa lanta Buuraha Galgala ee go balka Bari u qaabilsanaa G/Baay Maleeshiyaadka la qabqabtay ee uu soo bandhigay Taliska nabad sugidda K/Gal beed ayaa lagu kala magacaabaa Cali Maxamed Gaaboow Wakiilka Kooxda Daacish ee G/Baay, M ahad Nuux Siid oow,Sameyta iyo diyaarin ta Qaraxyada Macmalka, C.casiis Xasan Mursal Jabha daha, iyo Maxamed Sh Isa aq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

Cali Maxamed Gaaboow oo sheegtay in uu wakiil u ahaa Kooxda Daacish ayaa SONNA u sheegay in Afar Sano uu alsha baab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhi na ca dagaal galinta kana Sha qeynjiray Ceel asha illaa iyo Marko, Balse mar da mbe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay ka dibna uu ku biiray Kooxda Daacish.

"Amiir Xasiira ayaa Alshabaab la iiga dhex yaqaanay, shir ayaan Ceelasha biya ha ku qaadanay aniga waxaa la ii xilsaar ay wixii markaas ka dambeysay Amiirka Daacish ee G/Baay ka dib markii aan is fahmi weynay”.

Saraakiisha Ammaanka K/Galbeed ay aa SONNA u sheegay in Shabakaddaan la qabtay Afar Ma alin ka hor, islamarkaa na si qarsoodi ah uga dhex shaqeysanay ay M/Baydhabo, markii xogtooda la ga war helayna ay ciidamada Ammaanku gacan ta ku dhigeen. Qaar ka mid ah Maleeshi yaadka la qabtay ayaa sheegay in ku biirit aankooda alshabaab ay ku tashkiiliyeen kooxo ku sugan deegaanada G/Bari ku waas oo ay xuseen in taleefoon ay kusoo waceen.

D/Mareykanka ayaa Isbuucaan Horra antiisii liiska Argagixisada ku dartay Horj oogaha Kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin, kaas oo sheegtay inuu yahay Ho ggaamiyaha Daacishta Soomaal iya. Wa rbixinta uu ka Diyaariyay Siraaji Sh Isxaq

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip