WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 24-KA AGOOSTO 2016-KA

0
Wednesday August 24, 2016 - 09:40:15 in Wararka by
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ARBACO 24-KA AGOOSTO 2016-KA

    DOWLADDA OO SHEEGTAY INAY U DIYAARGAROWDAY MARTIGELINTA SHIRKA IGAD EE MUQDISHO LAGU QABANAAYO Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Dowladda Federalka Somaliya ay u diyaargarowday Marti gelinta Shirka Madaxda Uru

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DOWLADDA OO SHEEGTAY INAY U DIYAARGAROWDAY MARTIGELINTA SHIRKA IGAD EE MUQDISHO LAGU QABANAAYO Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in Dowladda Federalka Somaliya ay u diyaargarowday Marti gelinta Shirka Madaxda Urur Goboledka IGAD oo sanadkaan lagu qabanaayo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weydiistay Urur Goboledka IGAD in Muqdisho lagu qabto Shirka Madaxda Ururkaasi, taasi oo keentay inay aqbalaan Ururka IGAD.

Wasiir Hadliye ayaa sheegay Martigelinta Shirka IGAD ee Muqdisho inay ka dhigan tahay in Som aliya ay tahay meel nabad ah oo la isku haleyn karo, wuxuuna sheegay in taasi fariin ay u tahay Beesha caalamka.

"Qaban qaabada waan ku dhex jirnaa inay Muqdisho yimaadaan Magaalada dhexdeeda in shirka la gu qabto, taasi waxa ay la mid tahay in la tuso aduunka inay tahay in Muqdisho meel la tagi karo ay tahay taasi wax weyn bay u tahay Somalida, inagoo doorashooyinkeena qabsana iyo in IGAD madaxdooda ay ku shiraan Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Bishan soo socota horaanteeda ayuu qorshaha yahay in Madaxda Urur Goboledka IGAD shirkoodii caadiga ah sanadkaan ay ku qabsadaan Magaalada Muqdisho, hadii uusan qorshahaasi isbedel ku imaanin.

Ammaanka Magaalada Muqdisho oo ah mid wanaagsan, ayaa xilliyada shirarka qaaska ah ay ka dhacayaan Al Shabaab waxa ay isku dayaan inay carqaladeeyaan ammaanka goobaha shirka uu ka dhac aayo.

WAFDI KA KOOBAN XILDHIBAANO KA SOO JEEDA GOBOLKA SH/DHEXE OO SHALAY GAARAY JOWHAR ..

Wafdi ka kooban xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka oo uu hogaaminayo Xildhibaan Ca bdulqaadir Cosoble Cali ayaa shalay soo gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xubnaha wafdigan ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Jowhar waxayna kula hadleen qeybaha kala duwan ee bulshada xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulahi Xuseen ayaa ka warbixiyay xaalada gobolka Sh/dhexe isagoo sheegay in shacabka gobolka oo garabsanaya ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay amni iyo degenaan ku noolaadaan.

Xildhibaan Qaasin Maxamed Nuur Furdug oo ka mid ah xubnaha wafdigan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin amniga ka jira gobolka ayna gobolkooda u yimaadeen inay si dhab ah u ogaadaan xaalada ka jirta.

"Waxaan ka mahadcelinayna ammaanka ka jira gobolka waxaan ugaga soo ambabaxnay magaala da Muqdisho baabuur waxaana aan ku faraxsanahay in aan la qeybsano ammaanka gobolka ka jira maa mulka gobolka iyo shacabka gobolkaba.”ayuu yiri xildhibaan Qaasin Maxamed Nuur Furdug.

Sidoo kale xildhibaan C/dir Cosoble oo hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin fatahaadaha soo noqnoqonaya ee dhibaataa ku ah gobolka.

"Waxaan ka dhagaysan doonaa shacabka fikirkooda ku aadan shirka maamul u sameynta labada gobol iyadoo shacabka ay u dulqaateen muddo siddeed bilood ah oo gogol ay gobolka tiil,balse waxaan rajaynaynaa in si degdeg ah wax walba loo dhameeyo,”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay kulamo kala gaar gaar ah la leh qeybaha bulshada go bolka Sh/dhexe,waxayna booqashadooda ku soo beegantay iyadoo la filayo in dhowaan shirka maamul u sameynta labada gobol uu dib ugaga furmo magaalada Jowhar,

SH. CALI DHEERE: WEERARRADA PUNTLAND WAY SII SOCON DOONAAN WEERARRADII U DAMBEEYAYNA...

Alshabaab ayaa ku Gooddisay inay sii wadayaan Weerarrada ka dhanka ah Maamulka Puntland, ka dib markii magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka geysteen Qaraxyo sababay dhimashada in ku dhaw 30qof, ayna dhaawacmeen afartameeyo kale.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weeraradii Axaddi ka dhacay Gaalka cyo ay la beegsadeen meeshii ay doonayeen oo uu sheegay inay isku urursanayeen cadaw, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay Warbaahinta Alshabaab ayaa wuxuu intaas ku daray in khasa are xoog leh ay gaarsiiyeen Puntland, isagoo xusay inay sidoo kalena ku burburiyeen weerarradaas dhisa mayaal badan.

"Weerarradii Gaalkacyo ka dhacay waxay sababeen khasaare badan, waxaanan la beegsannay hal kii loogu talogalay iyo oo ahayd meel ay isku urursanayeen cadow. Dhismahadu waxay u dhexeysaa 30-illaa 40 qof, waxaa burburay daartii shirqoolada lagu maleegayay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Alshabaab ayaa intaas ku daray in Puntland ay yihiin caodow u taagan inay dadka mus limiinta ah gacanta u geliyaan gaalada, isla markaana amarrada ka qaata Itoobiya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn, Sh. Cali Dheere ayaa sheegay in weerarro kale oo noocaan oo kale ah ay ka geysan doonaan Puntland, isagoo sheegay in Weerarrdoodu aysan marna joogsan doonin.

HARGEYSA OO LAGU SOO BANDHIGAY SAXIIXA IN KA BADAN HAL MILYAN OO RUUX OO DALBANAYA MADAX BANAANIDA SOMALILAND

Munaasabad ka dhacday Hoteelka Mansoor ee Magaalada Haregaysa ayaa Lagu soo bandhigay qoraal cabasho (Petition Letter) dadka reer Somaliland oo ahaa saxiixa in ka badan hal milyan oo ruux, kaasoo lagu dalbanayo Aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa soo qaban qaabisay Munaasabada lagu soo ban dhigayay saxiixa in ka badan hal milyan oo ruux, kaasoo lagu dalbanayo Aqoonsiga iyo madax banaanida Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Maamulak Somaliland Dr Sacad Cali shire oo munaasabad ka Hadlay ay aa sheegay Bandhigan saxiixa codsiga loo gudbin doono Hey’adaha Caalamiga sida Qaramada Midoob ey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dalalka Beesha Caalamka, si loogu muujiyo dareenka dad ka reer Somaliland ee ku aadan inay noqdaan dal iskiis u taagan oo ka madax banaan Soomaaliya intee da kale.

Maamulka Somaliland oo sanadkii 1991 ku dhawaaqday inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa wali ku guuleysan inuu helo aqoonsi caalami ah, inkastoo Caalamka ay ku bogaadiyaan deegaana da Somaliland inay ka jiraan nabad, xasilooni iyo dimoqraadiyad.

TIRADA QAXOOTIGA SOOMAALIDA ISKOODA UGA SOO LAABTAY XERADDA DHADHAAB OO LA SHAACIYEY

Ugu yaraan 24,000 oo Qaxooti Soomaali ah ayaa iskooda uga soo laabtay Xeradda Dhadhaab tan iyo markii ay Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR kala saxiixdeen Heshiiskii Saddex geeso odka ahaa sanadkii 2014kii, sidaas waxaa sheegay Kuxigeenka Wakiilka UNHCR u joogta Kenya, Wella Kouyou.

Isagoo ka hadlayey Munaasabad lagu furay Saldhigga Korantadda ee Xerada Dhadhaab, waxa uu carrabka ku dhuftay in sannadkan oo keliya inay 18,000 oo Qaxooti Somali ah iskooda dib uguy laabteen dalkooda hooyo.

Waxa uu intaasi ku daray inay Hay’adda UNHCR kala sii shaqayn doonaan Dowladda Kenya inay Qaxootiga iskooda ugu laabtaan Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay hubin doonaan inay isfeer socdaan Barnaamijka Dibucelinta Qaxootiga iyo Horumarka laga gaaro Qaxootiga iskooda ugu laabanaya Somalia.

Bilowgii sannadkan, Dowladda Kenya waxay sheegtay inay bisha November xiri doonaan Xeradda Dhadhaab, oo ay ku tilmaamtay inay gabaad ka dhigtaan Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

RA'IISUL WASAARAHA KANADA OO DIFAACAY DHARKA HAWEENKA MUSLIMKA AH..

Ra'iisul wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa sheegay in uu difaacayo xuquuqda sha khsiga iyo xoriyadiisa mar wax laga weydiiyay in Kanada sida France oo kala ay mamnuucayso dharka ay xirtaan dumarka muslimka ah. Xilli uu muujinayay kala duwanaanshaha xagga dhaqanka iyo dulqaadka Kanada ay leedahaya.

Xubin ka tirsan baarlamaanka dalka Kanada oo ka soo jeeda gobolka Quebec ayaa waxaa ay soo jeedisay in la mamnuuco dharka ay qaataan dumarka muslimiinta ah si ay ugu deydaan 15 magaalo oo dalka France ku yaala oo dhowaan haweenka muslimka ah mamnuucay dharkaas.

"Waxaan leenahay dulqaad muddo dheer ka soo jirey Kanada,” sidaa waxaa war fidiyeenka u sheegay Mr. Trudeau.

Ra’iisul wasaaraha oo kulan golahiisa wasiirada ay kaga hadlayeen ajendiyaal ku saabsan sharciya da ayaa waxaa uu sheegay in arimahan oo kala ay ka dhalan karaan caro bulsho isla markaana ay isku dayayaan in ay taa ka fogaadaan maadaama dhacdooyinka dalka France ka dhacaya ay loo aaneynayo mamnuucida arimahaas.

Justin Trudeau ra’iisul wasaaraha dalka Kanada ayaa waxaa uu ku baaqay in la xoshmeeyo xoriyad da shakhsiga iyo dooqiisa. Isagoona meesha ka saaray in Kanada laga mamnuuco dharka haweenka muslimka ah ay qaataan, waxaana uu sheegay in dadka reer Kanada ay ka sareeyaan waxyaabaha ke ena is maanshaafka.

"Dalka Kanada, waxaa ka jira is ogolaansho, is xormeyn iyo isfaham. Halkan aan u socono iyo wa xaa aan ku socono ayaa ah kala duwanaanshaha ay qaniga ku tahay bulshadan,” ayuu hadalkiisa ku dar ay.

MID KA MID AH HAWEENKA U DHAQ DHAQAAQA ARRIMAHA BULSHADA OO KU DHAWAAQDAY MUSHARAX XILDHIBAAN

Madiina Caamir Maxamed oo ka mid ah Haweenka u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka ayaa magaalada Nairobi kaga dhawaaqday inay tahay musharax u taagan kursiga Xildhibaanimo ee Baarlama anka Federaalka ah ee doorashada soo socoda.

Munaasabad daraad ka dhacday Hotelka Grand Royal ee magaalada Nairobi oo ay ka soo qeyb gal een waxgarad, dhalinyaro, haween, aqoonyahano iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan ayaa waxay taageereen musharaxnimada Madiina Caamir.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay munaasabada ayaa waxaa qireen in Madiina Caamir ay tahay qof waayo arag ah, xilal kala duwan horay uga soo qabatay dowladihii hore.

Xabiiba Maxamed Cubeyd oo ka mid aheyd haweenkii ka hadlay munaasabada ayaa sheegtay inay tageersan tahay musharaxnimada Madiina Caamir.Waxaa kaloo munaasabada ka hadlay Mahdi Xuseen, Shukri Maxamed Afrax, Aweys Xaaji, Macalin Ciise iyo Dr. Cadaay, kuwaasoo dhamaantood qiray howl karnimada iyo waayo aragnimada Madiina Caamir.

Waxaa ay aad ugu ammaaneen in arimaha qoditaanka ceelasha, biyaha iyo u gargaarida dadka tabaaleysan ay Marwo Madiina Caamir Maxamed ay aad uga qeybqaadatay ayadoo hawlaha masaajida aad ugu qumtay si dhiiranaan leh oo habboona xil isaga saartay miyi iyo magaalaba.

Marwo Madiina ayaa xilal ka soo qabatay banggiyo kala duwan oo Soomaaliya ka jiray ka hor bur burkii dowladdii dhexe iyo Laanta Waaxda Duulimaadka, iyadoo soo noqotay Agaasimaha Waaxda Duulimaadka.

Sidoo kale waxy horay uga soo shaqeysay arrimaha bani’aadanimada iyo gargaarka kadib bur bur kii dowladdii dhexe ee 1991.

Ugu dambeyn Madiina Caamir oo ka hadashay munaasabada ayaa sheegtay in hadii loo doorto Xil dhibaan ay u shaqeyn doonto dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna ugu adeegi doonto si daacadnimo oo danta iyo diinta ku jirto.

Waxay ka codsatay Umadda Soomaaliyeed inay ku taageeraan musharaxnimadoo, waxaana ay sheegtay inay u ololeyn doonto hadii ay ku guuleysato arrimaha bulshada, sida kaabayaasha dhaqaalaha, sida korontada, caafimaadka, biyaha iyo jidadka.

UHURU KENYATTA"CIIDAMADA AMISOM WAXAY BILAABI DOONA INAY CIIDANKOODA KA BAXAAN SOOMAALIYA SANADKA 2018 MAADAAMA.."

Dowladda Kenya iyo dowladaha kale ee bariga Afrika ayaa bilaabi doona inay ciidankooda kala ba xaan Soomaaliya sanadka 2018 maadaama xaaladda amni ee Soomaaliya ay soo hagaagtay, sidaa wax aa xoghayaha arimaha dibadda dalka Mareykanka u sheegay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Qoraal laga soo saaray xarunta madaxtooyada dalka Kenya ayaa madaxweyne Kenyatta waxaa uu ku sheegay in Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ayaa waxay horumar balaar an ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan kooxda nabad diidka ah ee Alshabaab, isla markaana loo baah an yahay in si tartiib tartiib ah ay loo bilaabo soo afjarida howlgalka AMISOM lana xoojiyo dhismaha hey’ adaha dowliga ah gaar ahaan ciidamada qaranka Soomaaliya.

Howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa uu ka kooban yahay wadamada Burundi, Uga nda, Kenya, Ethiopia, iyo kuwo kale oo gudaha dalka kula dagaalamaya kooxda Alshabaab kuwaas oo doonaya in ay wadanka ku qabsadaan qori aaradii ayagoo magac diin isticmaalaya isla markaana baabi’inaya dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka John Kerry ayaa daraad magaalada Nairobi ku la kulmay madaxweynaha dalka Kenya iyo wasiirada arimaha dalalka bariga Afrika isagoo kala hadlay xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta koofureed.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la kulmay dhigiisa dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in arimaha ugu waa weynaa oo ay ka wada hadleen ay ka mid aheyd xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo arimaha doorashooyinka ee Soomaa liya ka dhici doona bisha soo socota ee October.

NIGERIA: HOGGAAMIYAHA KOOXDA BOKO HARAM OO LA SHEEGAY IN LA DHAAWACAY.

Ciiddanka Cirka ee dalka Nigeria ayaa la sheegay inay duqeyn ku dileen Saraakiil sarsare oo ka tir san Boko Haram, isla markaana ay suurtogal tahay in duqeyntaasi si xun loogu dhaawacay Hoggaamiya ha Kooxdaasi, Abubakar Shekau.

Afhayeenka Milliteriga Nigeria, Sani Kukasheka Osman ayaa sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka habeenkii Jimcihii duqeeyeen Tuulladda Taye oo ku taalla Dhulka Kaymaha Sambiisa ee Gobalka Borno ee W/bari dalkaasi.

Waxa uu tilmaamay in la rumeysan yahay in Hoggaamiyaha Boko Haram, Abubakar Shekau dhaw aacyo dhinaca Garbaha ka soo gaareen duqeyntaasi. Ma jiraan warar madaxbannaan oo xaqiijinaya in la dhaawacay Hoggaamiyaha Boko Haram oo ay Milliteriga Nigeria dhowr jeer horey u sheegteen in la dil ay.

Maleeshiyadda Boko Haram waxay dagaal 7 sanno jirsaday kula jiraan Dowladda Nigeria, kaasi oo lagu dilay kudhawaad 15,000 oo qof, kuna barakaceen in ka badan 2 million oo qof

GOLAHA WASIIRADA MAAMULKA GALMUDUG OO SHALAY KULAN KU YEESHAY MAGAALADA CADAADO..

Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa shalay waxa ay kulan ku yeesheen Magaalada Cada ado ee Caasimada kmg u ah Maamulka, Kulankan ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada Dowlada Gobo leedka Galmudug waxaana shir gudoominayay madaxweyne ku xigeenka Galmudug maxamed Xaashi Cabdi Carabey .

Wasiir kuxigeenka Wasaarada maaliyada maxamed farax axmed ayaa golaha wasiirada warbixin ku aadan maaliyada Maamulka u sharaxay golaha wasiirada miisaaniyada 2017ka ee Galmudug Abuu rida ilo dhaqaale cusub, fursado shaqo ee banaan ayadona suaalo laga weydiyay miisaaniyadi sanadkii ta gay bilihii ugu danbeeyay. Waxaan miisaniyadii sanadkii tagay ka muuqatay in 23.2% la helay, taas oo ah mid aad u hooseysa.

Sidoo kale intuu kulanka Socday ayaa warbixino laga dhageystay Guddi dhawaan loo xilsaaray qey binta gargaarka dowlada turkiga keentay Soomaaliya kuwaasi oo Golaha u sharxay sida ay u qeybiyeen Raashinka.

GUDDIGA QABANQAABADA AASKA QARAN EE MARXUUM S/GUUD MAXAMED CALI SAMANTAR OO SHIR KU YEESHAY MAGAALADA MUQDISHO

Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusm aan Jawaari,

Ah na Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay kulan la yeeshay Guddiga qa banqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in hawlaha qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo General Samantar ay si wanaagsan u socdaan, isla markaana calanka Soomaaliya hoos loo dhigayo muddo sad dex cisho ah oo xalay ka bilaabanaysa, iyadoo lagu maamusayo, laguna sharfayo marxuumka.

S/Guud Maxamed Cali Samantar oo Madaxweyne KuXigeen, Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Difaaca ka soo noqdey xukuumaddii militariga Soomaaliya ayaa dhowaan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dal ka Mareykanka, waxaana la filayaa in dhowaan aas qaran loogu sameeyo dalkiisa hooyo.

DOWLADDA IMAARAATKA OO SII KORDHINEYSA TAAGEERADEEDA SOMALIA

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal Sugaha Boqorka Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan oo dhawaan kulan ku yeeshay Magaalada Abu Dubai ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Xiriirka Labada dal.

Labada Masuul ayaa kulankooda si weyn Diiradda ugu saaray sare u qaadida Mashaariicda Horum arineed ee Isutaga Imaaraadka Carabta ay ka wado Somali iyo sidii ay ugu qayb qaadan lahayd dib u dhis ka Somalia oo muddo dheer ku jirtay Burbur iyo Colaado.

Dhaxal Sugaha ayaa Balanqaaday in dalkiisa uu Somalia si weyn ugu taageeri doono la dagaalan ka Xarakada Al Shabaab oo si xoogan ugu soo horjeedo Dowladda Somalia si dalka mar kale uu xasiloon idiisi ugu soo laabto.

Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntii si weyn uga Mahad Celiyey dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo uu xusay in mashaariic kale duwan oo isagu jirta kuwa dhismo iyo kaalmo Beni’aadanimo ay ka sameysay Somalia.

Dowladda Imaaraatka ayaa horay u balan qaaday in ay sii wadi doonto howlaha dib u dhiska ay ka wado Somalia iyo waliba taageerada ay siiso Dowladda Federaalka ah ee Somalia.

KHABIIR KA DIGAY DHIBAATO DHAQAALE OO SAAMEYNAYSA GUUD AHAAN DALKA MAREYKANKA

Khabiirka dhaqaale iyo Milyan dheerka caanka ah ee reer Mareyakan Carl Icahn, ayaa oddorosay in mustaqbal mugdi ah uu ku sucdo suuqa saamiyada ee dalka Mareykanka, waxaanu tilmaamay in maa lgashiga suuqa saamigu uu la mid yahay qof khatar u bareeraya.

Carl Icahn ayaa caan ku ah inuu bil kasta u diro shaqaalihiisa warqada furan oo ka hadlaysa aragti diisa dhaqaalaha dunida. Icahn ayaa ah milkiilaha shirkadda "Icahn Enterprises”, waxaana aad u xiiseeya warbaahinta Mareykanka oo wararkiisa aad u tabiya.

Wareysi Icahn ay la yeelatay wakaaladda Bloomberg ee ka hadasha arrimaha dhaqaalaha ayuu u sheegay; ” Wali waan ka digtoonnahay si aad ah dhanka suuqa saamiyada Mareykanka, waxaan filayaa in maalin madow ku soo fool leedahay, haddii aan suuqa la soo gelin lacago ay dowladdu ku dhiirrigel inayso dhaqaalah, waxaa hubaal ah iney jiraan shirkado wanaagsan, laakiin anigu waan ka feejiganahay, suuqa qiimihiisu waa mid si weyn loo buun buuniyay”.

Maalgashadayaasha Mareykanka ayuu tilmaamay iney waajahayaan xaalad adag marka laga fiiriyo sicirka faa’idada Bankiyada oo aad u hooseeya, deymaha jaban ee suuqa yaallaana ay keenayaan qiimo beel ku dhaca hantidii shirkadaha, taas oo iyaduna keeni karta, ayuu yiri; in ay dhacdo dhibaato maa liyeed oo saameysa guud ahaan dalka Mareykanka .

Waxa uu Icahn hadalkiisa sii raaciyay: ” Ma oranayo arrinkani waxa uu dhacayaa barri ama isbuuca dambe ama bisha soo aaddan ama sanadkan soo socda. Laakiin waa xaalad dhacaysa shaki la’aan, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la bedelo wadiiqada dhaqaaleheena uu ku socdo”.

Waxa uu khabiirkani tilmamaay in qiimaha adag ee dollarka uu saameyn taban ku yeeshay howlaha shirkadaha Mareykanka ee dunida daafaheeda ka howlgala, iyagoo ku khasaara marka ay lacagaha dal alka ay joogaan u bedelayaan lacagta dollarka oo halkaa waxbadan uu kaga lumo.

Wakhti sii horreysay ee sanadkan hadda aan ku jirno ayaa Carl Icahn iibiyay sharekii uu ku lahaa shirkadda dhinaca Electronicska ee "Apple”, kaas oo gaarayay 45.8 milyan oo Saami, kadib markii shirk addu ay ku dhawaaqday inuu hoos u dhac dakhligii shirkadda ku yimid 3 bilood ee ugu horreysay ee sanadkan 2016, waana markii ugu horreysay muddo 13 sano ah.

WASIIRU DOWLAHA GAASHAANDHIGGA OO XALAY BAMBO GACMEED LAGU WEERARAY

Wararka inaga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegay an in xalay Bambo gacmeed lagu weeraray Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Maxamed Cali Guri uu ka degan yahay degmada Xamar Weyne.

Ilaalada Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ayaa iska caabin ku sameeyay kooxihii Bambo gacm eedka soo tuuray, waxaana ay ku rideen Rasaas fara badan.

Bambo gacmeedka lagu weeraray Guriga Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali ayaa waxaa ku dhaawacantay 2 Askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Xaalada goobtii Bambo gacmeedka lagu tuuray ayaa waxaa soo gaaray Maamulka degmada Xa mar Weyne iyo ciidanka amaanka waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka xalay lagu qaaday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali.

FAAH FAAHIN ISKA HOR IMAAD KA DHACAY DEGMADA DHARKEYNLEY

Wararka ka imaanaya degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in is ka hor imaad uu ka dhacay xerada Badbaado ee degmadaasi.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kooxo ku labisan Dareeska ciidanka Militariga Soomaaliya.

Inta la ogyahay is rasaaseyntan ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliyaha Booliska saldhiga Degmada Dharkeynley Jimcaale Cabdow Maxamed iyo Labo Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM, sida Risaala ay u xaqiijiyeen Maamulka Degmada Dharekynley.

Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in kooxo burcad ah xilliyadii habeenkii ay dhac ka geystaan Degmada Dharkeynley taasina ay keentay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgal ka dhan ah kooxdaasi ay bilaabaan.

Taliyaha Booliska saldhiga Degmada Dharkeynley Jimcaale Cabdow Maxamed iyo Labada Askari ee ka tirsan ciidanka AMISOM aya dhaawacooda loo qaaday xero Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xar untii hore ee Jaamacadda Umadda.

GABAR SOOMAALIYEED KU DHIMATAY CEEL AY KU DHACDAY DALKA MASAR

Wararka laga helayo Dalka Masar ayaa sheegaya in Ardayad Soomaaliyeed oo ku guda jirtay sanad daraaseedkeedii labaad ee kulliyadda Caafimaadka jaamacadda Garbi Kurdufaan ay Dhimatay kadib markii sida la sheegay ay ku dhacday Ceel ku dhexyaala Jaamacadda ay dhiganeysay..

Ardayadda Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Caasho Bashiir oo daganeyd mid kamid ah Guryaha jamaacadda ay dhiganaysay oo sidatay Ashuun si ay u dhaansato Biyo ay ku weysa qaadato ayaa ku dhacday ceelka oo Af banaanaa.

Sida uu warku dhigayo Marxuumadda ayaa ceelka ku jirtay hal saac iyo ugu danbeyntiina ay ka soo saareen shaqaalaha ilaalada guduha iyadoo ay nattïf ku jirto .

Ila wareedku waxaa uu caddeynayaa in ay soo raagtay hal saac iyo bar kale gaadiidka anmabsku si ay uqaado ardayadda, sidaasina ay ku naf baxday.

Safaaradda Soomaalida ee Dalka Masar weli kama hadlin Dhacadaan ka dhacday dalka Masar,

BOGGA CAYAARAHA

WARARKII UGU DAMBEEYAY SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOYDA & WAXYAABAHII AY QOREEN WARGEYSYADA SHALAY OO TALAADO AH.

Tababaraha England Sam Allardyce ayaan meesha ka saarin in daafaca Chelsea oo 35 sanno jir ah inuu ku soo laaban doono ciyaaraha caalamiga ah. (The Guardian)

Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford oo 18 sanno jir ah ayaan lagu soo dari doonin xulka England ee uu magacaabayo tababare Allardyce waxaana loo ridin doonaa xulka da’dooda ka hoos eyso 21 jirada ka dib markii uusan ciyaarin labadii kulan ee ugu horeysay ee Premier League. (Daily Express0

Everton ayaa ka dabacday xiisaheeda goolhayaha Manchester City Joe Hart madaama aysan bixin karin lacagta amaahdiisa iyo mushaharkiisa oo wadar ahaan 7 milyan ginni. (Daily Mail)

Chelsea ayaa u sheegtay Napoli inaysan kordhin karin dalabkooda daafaca reer Senegal Kalidou Koulibaly oo 25 sanno jir ah iyadoo dalabkoodii ugu danbeeyay uu gaarayo 40 milyan ginni. (Daily Teleg raph)

Chelsea ayaa laga soo diiday 30 milyan ginni oo ay ku dalbadeen daafaca AC Milan Alessio Romag noli oo 21 sanno jir ah. (Sky Sports)

Daafaca Torino Nikola Maksimovic oo 24 sanno jir ah ayaa sidoo kale ah xiddig kale oo diirada u sa aran Chelsea laakiin Napoli ayaa xiiseneysa xiddiga reer Serbia. (Football Italia)

Goolhayaha Barcelona Claudio Bravo oo 33 sanno jir ah ayaa la filayaa inuu dhameystiro ku biirit aan kiisa Manchester City maalinta khamiista taasoo keeni doonta in Joe Hart uu kooxda ka tago. (Sky Sports)

Barcelona ayaa la soo wareegi doona goolhayaha kooxda Ajax Jasper Cillessen oo 27 sanno jir ah iyagoo ku bedelaya Bravo. (Marca)

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa u ogolaan doona 26 jirka daafaca dhexe Mamadou Sakho inuu kooxda amaah kaga baxo si uu dib ugu helo qaab ciyaareedkiisii hore. (The Guardian)

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya inuu la wareego daafaca dhexe Jose Fonte iyagoo ku doonaya 12 milyan ginni laakiin waxaa loo sheegay inuu iska diro marka hore ciyaartoyda mushaharka badan qaadata. (The Sun)

West Brom ayaan dooneynin inay Arsenal ka iibiso daafaca 28 sanno jirka Jonny Evnas haddii ay soo gudbiyaan dalab ka yar 25 milyan ginni. (Daily Telegraph)

Kooxda West Brom ayaa sidoo kale diirada saareysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Sporting Lisbon 28 sanno jirka Islam Slimani. (Daily Star)

Kooxda Inter Milan ayaa wadahadalo la furatay kooxda Newcastle United oo ku aadan xiddiga khad ka dhexe Moussa Sissoko oo 27 sanno jir ah. (TalkSport)

Arsenal ayaa wax ka weydiisay kooxda Monaco daafaca reer Congo Marcel Tisserand iyadoo Esp anyol ay sidoo kale rajo ka qabto 23 jirkaan. (Daily Mirror)

Kooxda West Ham ayaa la soo wareegeysa weeraryahanka Manchester City Wilfried Bony iyagoo soo gabagabeynaya xiisahooda xididga Juventus Simone Zaza. (Gazzetta World)

JAMAAHIIRTA CELTIC OO 100 KUN GINNI U URUURIYAY DADKA REER FALASTIIN IYAGOO JAWAAB AAN CAADI AHEYN KA BIXIYAY DACWADII AY KALA KULMEEN UEFA.

Jamaahiirta kooxda Celtic ayaa u uruuriyay in ka badan 100 kun ginni dadka reer Falastiin iyagoo jawaab ka bixinayay dacwadii ay kala kulmeen UEFA ee la xiriirtay calanka reer Falastiin ee ay soo bandhigeen.

Boqolaal taageerayaal ah ayaa ka qeyb qaatay mudaharaad ka dhacay banaanka garoonka Celtic Park ka hor kulanka kala baxa Champions League ee ay arbacadii hore la ciyaarayeen kooxda yahuuda ee Hapoel Be’er Sheva ka hor inta aysan calanka Falastiin ku soo bandhigin garoonka dhexdiisa.

Ka dib kulankaas, UEFA ayaa ku soo oogtay dacwad kooxda Celtic iyagoo ku eedeeyay inay isboortiga dhex keeneen arin siyaasadeed.

Iyagoo jawaab ka bixinaya dacwada ay UEFA ku soo oogtay jamaahiirta Celtic ayaa abuuray bog lacag loogu uruurinayo hay’adaha Falastiin oo ay ku jirto hay’ada daweynta Falastiin taasoo gargaar caa fimaad u fidisa dadka ay waxyeelada ka soo gaareen dagaalka, barakicinta iyo dadka dhulkooda la qabsa day.

Taageerayaasha ayaana ololahooda ugu magacdaray inay ka qeyb barbareeyaan lacag kasta oo kooxdooda ay UEFA ku ganaaxdo.

"KAMA CABSANAYNO SAXIIXYADA JUVENTUS” – KEVIN STROOTMAN

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Roma Kevin Strootman ayaa sheegay in kooxdiisu aysan ka cabsanayn saxiixyada ay samaysay Juventus suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Kevin Strootman ayaa intaa ku daray in Juventus ay lamidtahay kooxaha ugu awooda badan qaar ada yurub isla markaana ay la saxiixato xirfadlayaasha ugu fiican horyaalka talyaaniga.

26 jirka reer Holland oo la hadlay Corriere dello Sport ayaa yiri:

"Juventus waa sida Bayern Munich ay katahay Jarmalka, ma jiro xirfadle ilaa waa ay la soo saxiixda an, laakiin taasi nama cabsi galinayso, nagamana hor istaagayso hamigeena ah inaan guul ka gaarno”.

"Waxaan isku dayayaa waqti xaadirkaan inaan ciyaaro 90ka daqiiqo kadib markii dhaawac uu iga fogeeyay garoomada mudo dheer, waxaan aad ugu faraxsanahay bandhigayga haatan inkasta oo wali aanan gaarin heerkayga caadiga ah”

CHAMPIONS LEAGUE QUALIFICATION

Hapoel Beer Sheva 2 0 Celtic

Legia Warszawa 1 1 Dundalk

Monaco 1 0 Villarreal

Roma 0 3 FC Porto

Viktoria Plzen 2 2 Ludogorets Razgrad




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip