Maamulka gobolka Sh/dhexe oo bilaabay xirida buqda Bayaxow ee degmada Jowhar(Sawiro)

0
Tuesday August 23, 2016 - 07:19:41 in Wararka by
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka gobolka Sh/dhexe oo bilaabay xirida buqda Bayaxow ee degmada Jowhar(Sawiro)

    Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe ayaa bilaabay dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu xiraayo buqda Bayaxow oo muddo afar bilood ah uu wabiga Shabelle ka fatahayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe ayaa bilaabay dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu xiraayo buqda Bayaxow oo muddo afar bilood ah uu wabiga Shabelle ka fatahayo.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulahi Xuseen iyo guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Maxamed Cabdulle Buurfuule ayaa maanta booqday buqda Bayaxow oo fatahaad uu ka wado wabiga Shabelle muddo afar bilood ah.

Maamulka gobolka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay gacan ka geysato sidii loo xiri lahaa buqdan si aysan u sii baabi’in dhul beereed iyo deegaano ay dad degen yihiin.

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/dir Buurfuule oo ka hadlayay buqda dusheeda ayaa ugu baaqay caalamka iyo dowladaba inay gacan ka geysato sidii loo xiri lahaa buqdan.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe oo hadlayay ayaa sheegay in biyahan ay gooyeen dhul gaaraya labaatan kun oo hekter loona baahan yahay in wax laga qabto.

"Waxaa bilowday howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu xiri lahaa buqdan,maamulka gobolka iyo kan degmadana waxa uu rajeynayaa in la xiri doono muddo gaaban.”ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe.

Dadaalka maanta uu bilaabay maanta maamulka degmada iyo kan gobolka ee xirida buqda Bayaxow ayaa ku soo beegmayaa iyadoo deegaano horleh uu wabiga Shabelle ku fatahay.

Xalay saqdii dhexe ayaa wabiga Shabelle waxa uu ku fatahay xaafado ka mid ah degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe. Farahaadan ayaa sababay in ay barakiciyaan boqolaal ruux oo ku noolaa xaafada Kacaanka ee degmada Jowhar.

Sanad walba ayaa wabiga Shabelle waxa uu ku fatahaa deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyadoo fatahaadaana ay saameyn ku yeeshaan dhul beereed ay dalagyo kala duwan lagu beero.

wabiga shabele (2)

wabiga shabele (4)

 

wabiga shabele (5)

wabiga shabele (6)

wabiga shabele (7)

wabiga shabele (8)

wabiga shabele (9)

5

99

 

jj




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip