WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA AGOOSTO 2016-KA

0
Saturday August 20, 2016 - 09:27:26 in Wararka by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA AGOOSTO 2016-KA

    JENERAAL MAXAMED CALI SAMATAR OO GEERIYOODAY Waddanka Maraykanka waxaa ku geeriyooday jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ahaa mada xweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya. Allaha u naxariistee jeneraalka oo da'diisu ay ahayd 85 jir ayaa ku ge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JENERAAL MAXAMED CALI SAMATAR OO GEERIYOODAY Waddanka Maraykanka waxaa ku geeriyooday jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ahaa mada xweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya. Allaha u naxariistee jeneraalka oo da'diisu ay ahayd 85 jir ayaa ku geeryooday isbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sida uu BBCda u xaqiijiyey mid kamid ah qaraabada marxu umka.

Waxuu ka mid ahaa saraakiisha sida wayn ugu lug lahayd dhismaha milatariga Sooma aliya.Jeneraal Maxamed Cali Samatar ayaa noqday mas'uulkii ugu sarreeyay ee dawladdii kacaanka oo dacwad ka dhan ah la horkeeno maxkamad shisheeye.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sanaddii 2010kii go'aamisay in dacwad lagu soo oogi karo jenaraal Samatar. Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo in uu siddeetamaadkii ka geystay Soom aaliya, gaar ahaanna gobolladii woqooyi oo la sheegay inay ka dagaallameen ciidanka dowladdu. Wux uu beeniyey eedaymahaasi oo uu ku sheegay kuwa siyaasadaysan.

M/WEYNAHA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDII MARXUUM S/GUUD M/ CALI SAMATAR

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xukuumaddii Milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare.Marxuum Samatar oo dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen 1-aad, Ra’iisul Wasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa Xalay ku geeriyooday Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa Marxuumka ku tilmaamey inuu ahaa shakhsi waddankiisa wax badan oo waxtar leh u soo qabtey.

"Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo sha cabka Soo maaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samatar. Waxaa uu ahaa waddani kaa lin weyn ka qaatey dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqdey kuwa ugu firf ircoon u guna tayo wanaagsan Afrika’’.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN

MADAXWEYNAHA IYO XOGHAYAHA GUUD EE IGAD OO KA WADAHADLEY ISKAASHIGA SOOMAALIYA IYO IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya, Md.Xasan Sheekh Ma xamuud, ayaa Xar unta Madaxtooyada kul an kula yeeshay wafdi uu horkacayo Xog hayaha Guud ee Urur Gobol eedka IGAD Eng. Maxbuub Macallin.

Kulankan ayaa waxaa looga hadley qabanqaabada Shir Madaxeedka wadam madda IGAD ee bi sha soo socota lagu qa ban doono Magaalada Muqdisho, arrima ha amniga,siyaasadda,dhismaha ma amul ka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiir aan, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaal aha ee ha y 'adaha caalamiga iyo IGAD ka fulinayaan Soomaaliya iyo iskaashiga arri maha horumarinta ee laba da dhinac.

Madaxweynaha ayaa wafdiga uga war bixiyey xaaladda dalka, diyaargarowga Shir Madaxeedka IGAD, horumarka dhina ca siyaasadda iyo amniga ee lagu tallaa bsadeyiyo qabanqaabada dooras hada 2016

Dhinaca kale 2da dhinac ayaa isku af gartey dhammaan qodobadii ay ka wadah adleen, iyadoo Xo ghayaha Guud ee IG AD Eng. Maxbuub uu sheegay inay IGAD si buuxda u taageereyso Soomaaliya, ga ar ahaan barnaamijyada muhiimka u ah xilliga kala guurka.DHAMMAAD

MO FARAH OO LA FILAYO IN LAGU SHARFO ABAALMARINTA GEESINIMADA EE KNIGHTHOOD

Orodyahanka asalkiisu yahay Soomaali una orda dalka Britain ayaa la filayaa in la guddoonsiiyo aba almarinta geesinimada ee Knighthood kadib markii uu ku guuleys tey orodka 10,000 ee tartanka olo mbika da Rio 2016.

Inkastoo uu Mo Farah difaacday billadi isa dahabka ah ee 10,000m toddobaadkii hore ayaa la fila yaa in Axada soo socota uu u tartamo orodka 5,000m.Si kasta ha ahaatee, 33 sano jirkan ayaa la filay aa in magaciisa la hordhigo guddiga ciyaaraha ee abaalmarintan haddii ay oggolaadan ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo abaalma rintan.

Guddigan ayaa leh go’aanka ugu damb eeya ee ah in la siiyo abaalmarintan ugu sareysa wadanka Britain balse waxaa ay u dhowdahay in lagu sharfo magaca gee inimada kaasoo marwalba magaciisa la ga hormarin doono Sir Mo Farah.

MO.FAARAX TAARIIQ KOOBAN EE ORODYAHANKA MO FARAH:

Mo.Faarax Waxa uu ku dhashay Caasi madda dalka Soomaaliya ee Mogadishu sannadkii 1983kii, Magaciisa dhabta ah waa Maxamed Mukhtaar Jamac Farax, waxa uu noqday Orodyahanka ugu weyn dalka Britain ee Masaafadda Dheer (UK’s greatest distance runner).

Orodyahanka waxa uu haystaa Horya alnimadda dalalka Europe ee Orodka 1,500 meter, 10,000 meter Orodka Mara thonka badhkiisa iyo kan laba mayl. Waxa kale oo uu haystaa Diiwaangelinta Orod ka Britain ee 5,000 oo meter iyo 3,000 meter.

Mo Farah waxa uu Billado Dahab ah ka helay Orodkii 5,000m iyo 10,000m ee Tartankii Olombika dda ee sannadkii 20 12ka iyo Horyaalka Orodka Caalamka ee sannadkan 2015ka. Halyeey Mo Farah waxa kale oo uu ku guuleystay 5 Billad aha Dahabka ee Horyaalnimadda Orodka ee Qaaradda Eur ope. Waxa kale oo uu noqday Orodyahanka Europe ee sannadi hii 2011kii iyo 2012kii. Mo Farah waxa uu ku guuleystey billada dahabka ah ee tartanka Olombikada Rio 2016.

UGAASKA BEESHA CAYR OO MAGAALADA DHUUSAMAREEB KA FURAY SHIRWEYNE AY LEEDAHAY BEESHAASI

Ugaaska Beesha Cayr, Habargidir, ay aa wuxuu Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud uu ka furay shirwey ne ay leedahay beeshaasi, si ay kaga arri nsato arrimaheeda gaarka ah.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur,ayaa Khamiistii sheegay in shirweyn ahaasi uu u qabtay sidii loogu xalin lahaa mad madow ku dhex beesha uu Ugaasku u yahay. Ugaas Xasan Ugaas Maxa med Ugaas Nuur, ayaa dadka ku nasabsheeg ta beeshaasi ee dal iyo dibadba ku kala sugan ugu yee ray inay isugu yimaadaan shirka uu gogoshiisu dhigay Xarunta Gob olka Galgaduud.

Ugaas Xasan, ayaa waxaa uu rajo ka qabaa marba haddii ay dadkiisu isugu yi maadaan gogo shaan uu dhigay, si ay aay ahoodu kaga arrinsadaan uu soo afjarmi doono mad madowga ku kala dhex jira. "Sidaadba ogtihiin waxaa la yiri Soomaal idu ku maah maahdaa wixii dhulka lagu gunto gar abkaa la saartaa. Cayr markuu isu yimaado oo korkeyga isugu yimaado oo gurigeyga yimaado wax alla wixii dhib ku jira iyo xumaan ku jiroo dhan, waa ka bixi doonaan. Mar haddii ay wada tashad aan oo isu yimaadaan Insha’Allaahu. Wax aan rajeynayaa inaan meeshaa anigu jec elahay ayaguna ay jecelyihiin Ilaahay in uu marin doonaan ka rajeynaa.” Ayuu yiri Ugaaska Cayr.

Ugaaska, ayaa markale ku celiyay in dadka Cayr ee dal iyo dibadba ka soo qa ybgalaan shirweyn aha uu Khamiistii daa ha kaga rogay Magaalada Dhuusamar eeb. "Waxaan ka codsanaa inta ila joo gto waa ila joogtaa, inta aan baaqa u diraa co dsigana ugu diraa. Mar waa codsi, mar waa baaq, mar waa baryo, mar waa cann aan. Cayr meel uu joogaba haddii uu qur bo jiro iyo haddii meel ka sokeeya jooga ba inuu isugu yimaado meesha anigu aan jooggo, kuna tashadaan. Intaas ayaan u gudbinayaa.” Sidaasi waxaa yiri Ugaas Xasan Ugaas Maxamed.

ODAWAA "WALAALAHEENA AHLUSUNA ANA GAA DF KU MATALNA, WADA HADAL HA OGG OLAADEEN”

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo DFS. Md.C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa u gu baaqay Culuma a’udiinka Ahlusuna in ay qaatana wada hadal, si meesha looga saaro khilaafyada jira iyo waxyaabaha ay tabanayaan. Mr Odawaa oo ka hadlayay deegaanka Godinlabe ee G/Galgaduud ayaa sheegay in loo baahan yahay in dad ka deegaanada ee isla dhasho la isku soo dumo, isla markaana lagu midoo bo ma amulka Galmudug oo ka dhaxeeya dha mmaan dadka ku dhaqan G/lada Dhexe.

"Waxaan halkan baaq uga jeedineyn aa walaalaheena jooga Dhuusa Mareeb, anagaa Dowladda Federaalka ku matal na, mida Galmudug madaxda u matasha joogta, wax alla wixii khilaaf oo noo dhax eeya wada hadal in lagu dhameeyo diy aar u nahay, dadka iyo dalka waa isla dha shay in la kala reebo oo la isku soo daro ayaa rabnaa”ayuu yiri Wasiir Odawaa oo la hadlayay dadweynaha Godin labe.

Waxaa uu sheegay in wax kasta oo ay tabanayaan Ahlusuna ay doonayaan inay ka shaafiyaan, isagoo xusay in horay ba aqyo dhowr ah ugu jeediyeen inay naba da qaataan oo wada hadal la isugu yimaa do. "10 jeer ayaa hada ka hor sheegnay wada hadal baa ugu baaqnay hada waa kucelineynaa, hadii ay wax tabanayaan ha ahaato xag federaal ama xag dowlad goboleed mar walba diyaar ayaa loo ya hay in laga xaliyo”ayuu yiri Wasiirka Arri maha Gudaha.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay inay dha mmaatay waqtigii koox ay qori wax ku ma amuleysay, isagoo tilmaamay inaan la jo ogin, oo aan la isku daalin wax aan sharci noqoneyn sida uu yiri. Hadal kan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ahlusuna ay diid ay inay wada hadal ay garwadeen ka tah

ay DFS la gasho Maamulka Galmudug.

G/WASIIRADDA OO BOGAADIYAY SHIRKII GOLAHA QURBAJOOGTA SOOOMAALIYEED.

G/Wasiirada XS oo khamiistii yeeshay kulankoodii ahaa ayaa ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin, xaalada siyaasadda dal ka iyo dabagalka hantida qaranka, wax aana kulankaas shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha XS Md.Cumar Cabdirashiid.

Md. Cumar Cabdirashiid oo warbixinta xaalada siyaasadda ee dalka u soo gudb iyay golaha Wasi irada ayaa sheegay in maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ay meel wanaagsan marayso, sidoo kalena barrnaamijka doorashooyin ka si wanaagsan looga shaqeynayo islam arkaana tababar loo soo xiray gudiyada maamul goboleedyada ee doora shooyinka.

Wasiirka W/Caddaaladda ahna gudo omiyaha guddiga badbaadinta hantida qa ranka ayaa golaha Wasiirada ka hor shee gay inay jiraan Wasaarado soo gudbiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay hantidii ay lahayd dowladii dhexe ee Soo maaliya ka hor burburkii 1990 kii Wasa aradaha dhim anna ay si dhaqso ah u soo gudbiyaan.

R/Wasaare Cumar ayaa golaha ku hor ammaanay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isb oortiga dadaalad da uu wado ee ku aaddan dhiiragelinta dhalinyarada Soo maaliyeed islamrkaana sheegay in Was aaradiisa ay la timid waxqabad cad oo ay kamid yihiin ciyaarihi gobolada oo dalke ena u horseeday inuu yeesho muuqaal wanaagsan.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka Md.Cumar Ca bdirashiid ayaa wax ey soo dhaweeyeen shirkii Golaha Qurba joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay M/Muqdisho islamarkaana bogaadiyeen Carwada Buugaagta Muqdisho oo dhaw aan laga furay Muqdisho kuna tilmaame en iney tahay bog cusub oo u furmay sha cabka Soomaaliyeed oo u jih eeynaya wa dada aqoonta iyo nabadda. DHAMAAD

SHAN JIR SUURIYAAN AH OO SOO JIITAY DAR EENKA BULSHADA CAALAMKA

Shan jir u dhashay Wadanka Suuriya, ayaa soo jiitay dareenka bulshada caalam ka, ka dib markii baraha bulshada lagu ba ahiyay muuqaalo muujinaayo dhaawac ha beenkii Arbacada ka soo gaaray duqay maha dhinaca cirka ee ku foorara M/Alep po. Muuqaaladan, ayaa muujinaayay Om ran Daqne esh oo ku fadhiya kursi jaalo / h ruud ah, ee mid ka mid ah gaadiidka gu rmadka deg degga ee ka hawlgala M/Aleppo.

Kooxaha mucaaradka Suuriya, ayaa Warbaahinta la wadaagay muuqaalada Omran Daqneesh, xilli ay ka muuqatay naxdin iyo daal, sidoo kalana uu wejigiisu daboolay dhiig xargagay iyo boor. Mid ka mid ah shaqaalaha gaadiidka ambulanceka, ayaa Warbaahinta u sheegay in shan jirkan ay ka soo sa areen mid ka mid ah ti ro dhismooyin ihi oo ku burburay duqayn tii hal habeen ka hor.

Shaqaalaha adeegga caafimaadka ee isbitaalada Aleppo, ayaa sheegaaya in Omran Daqneesh ay ka dabiibeen dhaaw acii ka soo gaaray duqayntaasi, ka hor In tii aysan qoyskiisu la wareegin. Duqayn tan, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhim atay 8 ruux oo 5 ka mida ay carruur tah ay, sida ay xaqiij iyeen shaqaalaha caafi maadka.

Staffan de Mistura, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Suuriya, ayaa dhinacyada ku hardamaaya Suuriya ku eedeeyay in duqaymo arxandaro ah ku hayaan Magaalada Aleppo. Wakiilka ayaa xusay inay dhinacyadaasi diideen gurmad bani’aadanimo, oo loo fidiyo dadka ku no ol goobaha ay mucaaradku kaga sugan yihiin Magaaladaasi.

Dowladda Ruushka, ayaa gelinkii dam be ee Khamiistii aqbashay inay 48 saac jo ojinayso hawlgal adii ay ka waday Alep po, si gurmadka bani’aadanimo loo gaar siiyo dadka u baahan.

HOGAAMIYAHA MUCAARADKA KOOFURTA SUDAN RIEK MACHAR OO LAGU ARKAY DALKA DRC

Hogaamiyaha mucaaradka dowlada K/ta Sudan Riek Machar ayaa lagu arkay toddobaadyo ka dib dalka JD.Congo ka dib dagaal ka dhacay caasimada dalkaas ee Juba. Q/Midoobay ayaa sheegtay in ogaadeen ciidamadeeda nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Congo in uu Machar ku sugan yahay dal kaas ayna ku wargeli yeen dowlada Congo inay ogaato sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay QM.oo ku sugan M/ New York Farhan Haq.

"Riek Machar waxaa lagu wareejiyay dowlada Congo,mana sheegi karno halka saxda ah ee uu ku sugan yahay,”ayuu Haq sii raaciyay. Hase yeeshee afhayeen u hadlay dowlada DRC Lambert Mende ayaa beeniyay in ay wax xiriir ah kala sa meeyeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koofurta Sudan balse Haq ayaa she egay in Machar laga soo kaxeeyay meel ku dhow xadka dalka Koofurta Sudan. "Waxaan idiin xaqiijinaynaa in howlgal ay sameeyeen ciidamada QM.ee dalka DRC MONUSCO (U.N. mission) ay si ban i’aadanimo ah ay uga soo kaxeeyeen Ri ek Machar,xaaskiisa iyo toban ruux oo ka le iyagoo kaalmo ka helaya dowlada DRC,”ayuu Haq yiri. War ka soo baxay ur urka uu hogaamiyo Ma char ee (SPLAIO) ayaa lagu sheegay in Arbacadii in uu ku sugan yahay hogaamiyahooda dal amma an ah oo deris la ah wadanka Koofurta Sudan.

Afhayeenka mucaaradka James Gatd ek Dak ayaa ku soo qoray bogiisa Facebo ok inuu lug ka dhaawacan yahay hogaami yaha mucaaradka dhaawacaasna yahay mid fudud kaasoo ka dhashay so cod uu maalmo lugeynayay. Ka dib dagaal ka dhex qarxay taageerayaasha Madaxwey naha dalka K/Sudan iyo mucaaradkiisa ay aa waxa uu ku dhowaaqay madaxweyne Kiir inuu shaqadii ka eryay Machar uuna u dhaariyay xilka ku xigeenka Madaxweyna ha Taban Deng Gai, oo hore ugaga mid a haa ururka mucaaradka ee uu hogaami yo Machar

WAFDI KA SOCDAY SAF OO KORMEERAY MCHKA IYO ISKUULKA GARAS BINTOW EE DEGMADA BALCAD

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Ururka Somali Asal Foundation Eng. Moh ed Shariif Mohamed ayaa kormeer ku ta gey Iskuulka iyo MCH ka Garasbintow ee degmada Balcad, isla mark aana ay xog wareesteen qaar ka mid ah bukaanada oo meelo fog fog ka yimid, sida Ceel Ad de iyo Kafaayo, iyadoo adeegaas ay hirge lisay ARC International ka dib markii ay SAF ay u bandhigtay baahiyaha caafima ad ee ka jira deegaanada Balcad iyo War sheikh ee G/Sh/ Dhexe.

Sidoo Kale waxa ay booqdeen Mas’uu liyiintii kala duwanayd Dugsiga Hoose/ Dhexe ee Gara sbintow iyagoo la kulmay Maamulka iyo Macalimiinta si wanaagsan u bogaadiyey in sanad dugs iyeedka 2016 / 2017 in ay sii laba laaban dadaalkooda waxbarasho, si bulshada deegaanka ay u hel aan waxbarasho tayo leh.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wafdigan deegaankooda yimid ay aa ka codsaday in ardayda ay u helaan gaadiid iskuulka lagu gaarsiiyo, maadaa ma ardayda qaar ay ka yimaadaan me elo aad u fog.

Wafdiga ayaa si nabad ah ayuu dib ugu soo laabtay M/Muqdisho, iyadoo ay guul ah ku soo dhama atay booqashadii ay ku tageen deegaanka Garas Bintow iyo Dam alley.ee Deg.Balacda ee G.Sh.Dhexe

MADAXWEYNAHA OO BAAQ KU AADDAN DOORASHOO YINKA U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha JFS,Md.Xasan Sh. Maxamuud, ayaa baaq ku aaddan doorashooyinka 2016ka dhacaya u diray qeybaha kala duwan ee bulshada iyo beesha caalamka. Madaxweynaha ayaa sheeg ay in waddanku uu ku jiro marxalad kala guur ah, loona baahan yahay shaqaalaha laamaha kala du wan ee dowladda inay dardargeliyaan fulinta waaj ibaadkooda.

"Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan shaqaa laha dowladda oo iyagoo ku shaqeynaya duruufo ad ag, haddana aan marnaba ka daalin inay qaran kooda si daacad ah ugu adeegaan. Waddanku do ora shooyin ayuu dhowaan gelayaa, guddiyo iyo ha y’ado mucayin ah ayaana hawsha qaban doona.

Sidaa darted waxaan shaqaalaha ka codsan ayaa inaaney siyaasadda iyo arrimahan doorashoo yinka ku mashquulin, balse ay waqtigooda geliy aan dhismaha dalka iyo u adeegidda shacabka’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda farey inay ilaaliyaan hantida qaranka.

Md.Xasan Sh. ayaa dhanka kale waxaa uu ugu baaqey hay’adaha amniga inay si buuxda kaalintoo da uga qaataan sugidda amniga ee marxaladda ka la guurka iyo amniga doorashooyinka ee goobaha kala duwan ee dalka. ‘’Marka laga soo tago waajib aadka laamaha amniga, waxaa kale oo hirgelinta doorashadan kaalin ku leh odayaasha dhaqanka. Waxaa odayaasha dhaqanka laga doonayaa inay maskaxda ku hayaan in sannadkan doorashada dhacaysa ay ka yara sareyso tii hore, maadaama wax la kala dooranyo, tiro mucayin ah oo shacabka ka mid ahna ay codkooda dhiiban doonaan. Oday aasha waxaan ugu baaqayaa inay hannaankan fu dudeeyaan, guddiyada kala duwan la shaqeeyaan, isla markaana ay si caddaalad ah waajibaadkooda u gutaan’’.

Waxaa uu Madaxweynaha dhanka kale dardaar an u diray guddiyada doorashada ee heer federaal, heel maamul goboleed iyo dhammaan maamulada dalka ka jira."Guddiyada doorashada dadban ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed waa inay la shaqeeyaan odayaasha dhaqanka, madaxda do wlad goboleedyada iyo shacabka iyagoo caddaal ad iyo sinnaan kula dhaqmaya mushaxiriinta. Soo maaliya waajibaad ayay idin saartey, waxayna idin ka sugeysaa inaad waajibaadkaasi sida ay tahay aad u gudataan. Madaxda dowlad goboleedyada, iyaguna waxan farayaa inay amniga iyo tashiilaad ka kale ee suuragelinaya qabsoomidda doorasha da gacan buuxda ka geystaan’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku ammaan ey beesha caalamka doorkeeda ay ku taageerayso doorashooyinka, isagoo ka codsadey inay waqtiga ugu habboon ku soo dhameystiraan tashiilaadka ay horay u ballanqaadeen ee doorashooyinka taa riikhiga ah ee Soomaaliya.DHAMMAAD

MADAXWEYNE KIM JONG "SHACABKAYGA WAXAAN KU AMRAAYAA INEY EEYAHA AY QASHAAN SI CUNI YARI LOOGA BAXO…”

Madaxweynaha dowlada woqooyiga Kuuriya Kim Jongun ayaa shacabkiisa amar ku siiyey iney qa shaan eeyaha oo ay raashiin ka dhigtaan. Had al ka Kim Jongun ayaa yi mid ka dib markii cunto yari iyo gaajo adag aysoo wajahday shacabka wad an kaas.

Kim Jongun oo 27 jir ah ayaa noqday keligii tal iye awaamiirtiisu adag yihiin oo aan laga daba hadl in, isagoo xitaa ka daran aabihii iyo awowgii oo xuk unta uga horeeyey. Shacabka wadanka ayaa bila abay iney fuliyaan amarkiisa iyadoo warbahinta wa dankaas ay dadka ku boorinayaan iney cunaan hil ibka eeyaha oo ay ku tilmaamayaan iney leeyihiin borotiin iyo fitamiimo. Kawaanada wadanka ayaa bilaabay iney maalin kasta qalaan kumanaan eeyo ah si ay dadka uga iibiyaan iyadoo maqaayadaha na laga heli karo hilibka eeyga. Wadanka koonfur Kuuriya oo ay ka ji rto dowlad shuuci ah ayaa go ’do on ka ah caalam ka intiisa kale, waxaana xayi raado caalami ah oo ay ku soo rogtay QM ka dib markii dowlada wadan kaas ay diiday in la baaro hub nuclear ah oo lagu tuh unsan yahay iney sam eystay, waxaana colaad adag ay kala dhexeysa maraykanka iyo dowladaha deriska qaarkood sida Koonfur Kuuriya.

DEGMO KA MID AH G/ BANAADIR OO LA ABAAL MARIYAY

Munaasabad kooban oo lagu qabtay dagmada xamar jajab isla markaana ay ka soo qeyb galeen gu doomiye ku xigeen ka 1aad ee maamulka G/Ban aadir ayaa waxaa lacag 50 malyan oo shilinka soo maaliga ah lagu abaal mariyay maamulka dagma da xamar jajab. Ka dib markii ay kaalinta 1aad ka galeen barnaamijka qaadista canshuurata gury aha.Gudoomiyaha dag mada xamar jajab Axm ad Cis maan Doore ay aa sharaxay u jeedka munaa saba daan Wa xaa uu yiri: in wixii gud oomiyaha G/Bana adir ee qarashaad ahaa ee 50 Milyan ahaa oo dagmada xamar jajab ka soo qaadnay isla marka ana aan bulshada dagmada ku celineyno taas oo an ula jeedo dhiira galin waan wax wanaag san ay uu yiri in shaqada leysku abaal mariyo. marka 50 malyan wexey ku laabaneysaa gacanta dadkii ka soo shaqeyay ee aanan mushaarka qaadan jirin;”

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ahna ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee maamulka gobolka ba naadir md. Ismaaciil Macalin Cabdi Guure oo mun aasabada ka hadlay waxa uu ku amaanay shacab ka dagmada xamar jajab sida ay ugu xeran yihiin maamulka dagmada Waxa uuna yiri: " ”Lacagtaan haatan gobolka idinkugu deeqay oo leydunku ab aal mariyay waa tusaale . lacag weyn maaha laak iin waa mahad celin aan idinkuugu mahad celiney no shaqada wanaagsan ee aad qabateen Oo wali ba abaal marin leydin ku siyano degmooyinka kale ee aad kaga hormarteen canshuur aruurinta.

Waxey muujiney saa midaa inay dadka daggan dagmada xamar jajab in ay dowladnimada kaga ho reyaan dagmooyinka kale. Muwaadinka waxa uu ku muujiyaan in uu dowladnimada jecelyahay inuu canshuurta lagu leyahay iska bixiyo.” "

18 bisha April ee sanad kaan ayey eheed markii uu maamulka dagmada xamar jajab kaalinta kooba ad kagalay lacagta qaadista canshuurta guryaha oo uu maamulka gobolka banaadir uqor sheyay in la cagtaasi lagu dhisi doono wadada wadnaha oo haatan dhismaheed gabagabo ku dhaw yahay.

MAXAAD KA TAQAAN CIYAARTOYDA ORODADA SOOM AALIYA U DHASHAY IYO DALALKA AY U TARTAMAYAAN?

Ciyaartoyda Soomaaliya u dhashay ee ka qeyb gelaya tartanka Olombikada Adduunka ee ka soc da dalka Brazil ayaa waxaa ka qeyb gelaya ilaa lix ciyaartoy oo midi haween tahay.

Afarta kale ee ciyaartoyda asalkoodu Soo maalida yahay ayaa u kala ciyaaraya ilaa afar dal, waxayna kala yihiin sida soo socota:

1. Maxamed Daauud (Soomaaliya)

2.Maxamed Faarax (Britian)

3. Xasan Miicaad (Mareykanka)

4.Bashiir Cabdi (Biljem)

5. Maxamed Axmed (Canada)

Shanta ciyaartoy ayaa dhammaantood u tartamaya orodka 5000 mitir, iyagoona dhammaa nt ood maanta mar kaliya u ciyaaraya dalalka ay ka socdaan.

Laacibka Maxamed Faarax oo asalkiisa u dhashay dalka Soomaaliya ayaa isagu u tartamaya dalka Ingiriiska ayaa horay ugu guuleystay orodka 10,000m, isagoo la filayo in tartanka maanta guulo kale ka soo hooyo.

Maryan Nuh Muse oo ah gabadha ka soc ota Soomaaliya oo horay ugu tartantay orodka 400 m ayaa gashay kaalinta 8aad, iyadoona tallaabad aasi ay noqotay mid guul ah marka loo eego duru ufaha adag ee ay ku sugan yihiin ciyaartoyda Soomaaliyeed.

DOWLADDA RWANDA OO SHEEGTAY IN AY DISHAY XUBO KA TIRSAN ALSHABAAB

Dowladda Rwanda ayaa faahfaahin ka bixisay dagaalyahano lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yih iin AlShabaab oo shalay lagu dilay dalka Rwanda.

Booliska dalka Rwanda ayaa sheegay in ay dileen saddex xubnood ka tirsan AlShabaab , ku waa soo la sheegay in ay qorshaynaayeen in ay weeraro ka geystaan magaalada Kigali ee caasima da dalka Rwanda.

Dowladda Rwanda ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigtay xubno kale oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Alshabaab.Degmada Rusizi oo ay dhacdaan ka dhacday ayaa ciidanka Booliska waxa ay sheegeen in ay ka war heleen xubno lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo goobta isku aruursanaaya ka dibna iska hor imaad kooban oo dhex maray ciidanka Booliska iyo sidoo kale kooxaha la dilay in ay suurta gashay in ay toogtaan ciidanka Booliska. Sano Nkeramugaba oo ah taliyaha qeybta booliska degmada Rusizi ayaa sheegay in kooxaha dilka loo geystay ay weerar damacsanaayeen , laakiin ay ka hortageen.

” Baaritaano horu dhaca ah ayaa tilmaamaya in ay raggaasi qorshaynaayeen in ay sameeyeen urur argagixiso ,waxaana aaminsanahay in raggaan ay gacan saar la lahaayeen ururka AlShabaab oo ka dagaalama dalka aan dariska nahay ee Kenya iyo sidoo kale dalka Soomaaliya , laakiin ciidanka ammaanka Rwandan marwalba waxa ay ku jiraan heegan buuxa” ayaa lagu yiri war ay soo saareen ciidanka Booliska dowladda Rwanda.

Dowladda waxay sheegtay in magaalooyinka kala duwan ee dalka Rwanda ciidanka ammaan ka heegan buuxa la geliyay si ay uga hortagaan weeraro ay geystaan AlShabaab.

Bishii January ciidanka Booliska dalka Rwanda ayaa toogtay nin muslim ah oo lagu tuhmay in uu shabaab gacan saar la leeyahay.

SADDAXDII DAGAAL EE LAFOOLE

Qeybta 3aad:

Inkastoo dadka badankiisu ay xasuustaan dagaalkii Lafoole ee Antonio Cecchi lagu dilay,hadda na qoraalada badankoodu waxa ay qorayaan in lafoole ay ka dhaceen saddax dagaal oo wacdaanku ku gu uleystay iyo kuwa kale oo looga gu ule ystay. Lafoole 1kii ugu horee yay waxa uu dhaxmaray Wac daan iyo "Gaala madoow” u soo haajirtay gobalka shabeel aha hoose qarnigii 18aad, ((The place has been

called Lafoole because apparently the Wacdaan defeated the Gaalo Madoow when they migrated to the Lower Shabelle aro und the 18th century, hence the translation of Lafoole which is: Bones Lee V. Cassanelli)).

laakiin qoraalka Virginia Luling waxa uu leeyahay wacdaanka waxaa gac an ka siiyay dagaa lkaa qabaa’il kale sida: Galad iga iyo Murusadaha, kaa ayuu na ahaa dagaalkii 1aad ee Lafo ole.

Lafoole 2 Dagaalka 2aad ayaa qoraalada Virginia Luling ku she egeen in ay dhaceen 14 sanno ka hor kii Cecchi laguna qaa day koo xdii uu hor socday sahamiyihii istic maarka ee ahaa Mr. Revoil, ka dib na waxaa dhacay kii ku caan baxay Lafoole. Fiiri (Virginia Lulling, 2002, p.30)

Lafoole 3 Dagaalka oo Talya anigu u yaqiin xasuuqii Lafoole wux uu dhacay 2526 Novemb er 1896dii, waxaana lagu dilay Cecchi. Hadd aba Cecchi ku muu ahaa?. waxa uu ku dha shay Pesaro 19.1.1849 waxa uuna ku dhintay Lafoole 26. 11.1896 sida ay u qoran tah ay…(Antonio Cecchi (nato a Pesaro il 29.1.1849 e morto a Lafolé il 26.11.1896).

mar wuxuu noqday wakiil Talyaani ee Magaalada Cadan iyo Zenzibar, Wuxuu ahaa Isticmaar u sahamiye, hore wuxuu u sa hmiyay min Zeylac ilaa Kaffa oo ah koofurta Itoobiya, ka dibna xeebaha Somalia (Robert L Hess, 1966, p.15). waxa uu heshiis la galay suldaankii Zanzibar si Banaadir loogu wareejiyo (Robert L. Hess, 1966, p.2425). Ka dibna wuxuu sahami stay Wabiga Jubba ee deeg aanka jubbooyinka, fiiri: Ita lian Colonialism in Somalia (1966). Ka dibna Cecchi waxa uu u yeeray nin ay ilma adeer ah aayeen oo la dhihi jiray Giorgio Mylius 1895 kaa oo ka mid ahaa warshadleeyda reer Milano, si uu ugu dhiiri galiyo in uu ka faa’I ideysto deegaanka dihin (dhul cosob ah) ee Som alida. waxaana isla markiiba bilaawday qorshe suufka loogu bee rayo sh/Hoose ,taasi uma cuntamin wacdaanka. waxaa xigay in 25 Nov,in uu dhaqaaqay Cecchi asaga oo wata ciidan huwan ah oo ay hor ka cayeen 17 sarkaal oo Talyaani ahaa oo ay ka mid ahaayeen Tal iyihii Markabka Staffetta, Sir. Ferdinando Maffei iyo kii markabka Volturno, sir. Franscesco Mongiardini, iyo inta badan ciidankii la socday labadaa markab oo u badnaa Ereteriy aan iyo Ajaanib kale oo ku soo xirtay dekeda Xamar ka dibna u soo dhaqaaqay dhinaca Berriga ayagoo lugeeynaya.

waxaa dagaalka lagu qaaday 2:30PM mar kale ayaa dagaal ku dib u bilaawday 26/Nov, ciidankii Talyaaniga waxaa ka bad baa day 3 badmaax oo kaliya intii kale dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray..” (Robert. L Hess, 1966, p.63) iyo (Virginia Lulling, 2002, p.30)” dagaalkaa oo ku beegnaa sannad Axadaad sida so malidu u tiriso sannadaha, waxaa ka qayb galay qabiilada: wac daan, Geledi, Biyamaal, wadalaan, Moblen, Murusade iyo Mattaan.

Sanadkaa 189697 waxa lagu xasuustaa Axad Shekki (the ‘Sunday year of Cecchi’). (Lee V. Cassanneli, 1982, p.207). gab ayada suugaaneed ee lagu xasuusto waxaa ka mid ahaa shirib sida qoraagu u tarjumay ayaa aheed (say ing): Shiin digow Sheikh Ax med Xaaji; Shiiki sheydaan mooho? Translation: Wri ter of (the Koranic verse) shiin, Sheikh Ahmed Haji ;Is not Cec chi a devil?.

Warkaa dagaalku markii uu gaaray Rome, caasimaddi Talya aniga ayaa wasiirkii arrimaha dibadda ee Talyaanigu si deg deg ah u magacaabay Taliye Commander: Giorgio Sorrentino in uu noqdo wakiilka Boqortooyada Talyaaniga ee Banadir, waxaana la siiyay awood dheeri ah oo uu go’aano ku qaadan karo.

Talyaanigu kama welwelsaneyn guul daradaa oo kaliya ee wa xaa hoos u dhacay dowrkii uu ku lahaa kala qaybsiga afrika ee uu kula tartamayay Ingriiska, faransiiska iyo jarmalka, ayada oo mudda sannad ka yar dhaxdeed uu ku jabay dagaalkii Adoowe ee uu amxaarada la galay, waxaa u raacay kii Lafoole oo ka sa ameyn badnaa, sida ay u qoran tahay.”First Adowa, then Lafole; the future of Italian colonialism in the Horn of Africa looked very unpromising at the end of 1896”[1]..

Talyaanigana si uuna ceeb kale ugu keenin wadamadii wax gumeeysanay ayaa qaybtiisii lagu soo koobay Somalia, Liibiya iyo Eriteriya , halka wadamadii kale ee uu Tartanka kula jiray la siiyay dhulal badan.

Talyaanigu waxa uu aaminay in wacdaanku uu sabab u noq day in Talyaaniga lagu aamini waayo wadama kale oo uu gume ysto, waxa uuna goostay inuu wacdaanka ka aar gudsado . wac daan maxaa ku dhacay iyo saameynta dagaalku ku yeeshay?

Fiiri:”Obituary: Antonio Cecchi: The Geographical Journal, Vol. 9, No. 2. (Feb. , 1897), p. 230. iyo For the Murder of Italians at Magadisho, Africa. The New York Times Published: Decem ber 4, 1986.

Sawiradii Cecchi, Xasuuqii Talyaaniga iyo Barqash.

FG. Waxaa Cecchi lagu xasuustaa meela badan oo Talyaanigu ku magacaabay iyo taala yar oo uu uga dhisay Lafoole duurka u dhaw, laguna qariyay….wixii iga qaldan dhamaan waad sixi kar taa, waad beeni kartaa,dhameystiri kartaa, aragtidaada xor ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir.

BOGGA CAYAARAHA

FALANQEYN: BURNLEY V LIVERPOOL: KLOPP IYO CIIDANKIISA OO MAR KALE MARTI AH & WAX WALBA OO KU SAABSAN KULANKA GALABTA DHICI DOONA

BURNLEY VS LIVERPOOL

Burnley ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Liverpool oo ay dhibaato baahsan ku qabto iney wajahdo xilli kooxda kaso dalacday sanadkaan heerka labaad ay rajeyneyso iney gaarto guusheedii ugu horeysay Premier Leaguega xili ciyaareedka cusub halka Reds ay raadineyso iney hogaanka la wadaagto Manchester United.

WARBIXINTA KULANKAAN:

Kulanka: Burnley vs Liverpool

Tartanka: Premier League (Week 2)

Garoonka: Turf Moor

Saacadda: 5:00 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Lee Mason (England)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood:

Defour ayaa ka badali kara David Jones safka hore kadib markii uu xidigaan kaga soo biiray Burnley dhanka Sheffield Wednesday.

Da’yarka Reds ay leedahay ee Jon Flanagan ayaan sinaba uga hor imaan karin kooxdiisa, balse si walba wuxuu wali la tacaalayaa xanuun, dhanka kale Ashley Barnes ayaa ku seegi doona ciyaartaan dhaawac muruqa ah.

Daniel Sturridge iyo James Milner ayaa safan kara ciyaartaan kuwaas oo seegay kulankii Arsenal, balse Mane ayaan ciyaari karin kulankaan madama uu dhaawac dhanka garabka kasoo gaaray, sidoo kale Matip Iyo Allen ayaa ka maqnaan doona Reds, halka Coutinho uu diyaar u yahay ciyaartaan.

Xaqiiqooyinka Kulankaan:

Burnley waligeed gool kama dhalin kulamada Horyaalka Premier Leaguega kooxda Liverpool, iyadoo guuldarooyin la kulantay dhamaan afartii kulan ee ay la ciayartay.

Reds ayaana ka mid noqotay laba kooxood oo kooxda Burnley ka hor istaagay iney gool ka dhaliso waxaana soo labeeya Swansea City.

Kulamadii ugu dambeeyay oo ay isku wajahaan EPLka waxey aheyd xili ciyaareedkii 2014/2015, markaas oo ay Reds guul 10 ah ku gaartay Turf Moor December 2014, balse sadex bilood kadib kulankii ka dhacay Anfield 20 ayaa lagu suldaaray Burnley.

Simon Mignolet ayaa safan kara galabta kulankiisii 200aad ee Premier Leaguega, wuxuuna noqonayaa ciyaariyahankii sadexaad ee Belgium ah kaas oo kulamo intaas la eg safta, waxaana kaga horeeyay Marouane Fellaini (203) iyo Vincent Kompany (220).

Shaxda Macquulka ah:

Burnley:Heaton; Lowton, Keane, Mee, Ward; Arfield, Defour, Marney, Boyd; Gray, Vokes

Liverpool:Mignolet; Clyne, Lovren, Klavan, Milner; Lallana, Henderson, Wijnaldum; Firmino, Sturridge, Coutinho

ENGLAND PREMIER LEAGUE

Manchester United 2 0 Southampton

14:30Stoke City ? ? Manchester City

17:00Burnley ? ? Liverpool

17:00Swansea City ? ? Hull City

17:00Tottenham Hotspur ? ? Crystal Palace

17:00Watford ? ? Chelsea

17:00West Bromwich Albion ? ? Everton

19:30Leicester City ? ? Arsenal

Spain Liga BBVA 19:15Barcelona ? ? Real Betis

21:15Granada ? ? Villarreal

23:15Sevilla ? ? Espanyol

Italy Serie A 19:00 Roma ? ? Udinese

21:45Juventus ? ? Fiorentina

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip