WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 29-KA OKTOOBER 2015-KA

0
Thursday October 29, 2015 - 09:24:52 in Wararka by
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 29-KA OKTOOBER 2015-KA

    MADAXWEYNAHA :"FURSADAHA IDIN FURAN KUMA KOOBNA IN AAD KALA DOORATAAN NOOCYADA ARGAGIXISADA. WAXAA JIRTA WADDO KALE OO TAA KA WANAAGSAN" Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay soo saare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA :"FURSADAHA IDIN FURAN KUMA KOOBNA IN AAD KALA DOORATAAN NOOCYADA ARGAGIXISADA. WAXAA JIRTA WADDO KALE OO TAA KA WANAAGSAN" Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay soo saarey farriin ku socota xubnaha ururka Al Shabaab. "Waxaan si dhow ula soconaa khilaafka aan qarsooneyn ee soo kala dhex galey xubnaha ururka Al Shab aab ee ku saabsan in ay daacad u noqdaan Al Qaacida ama Daacish (ISIL) oo aan dhihi karo magacooda ra smiga waa ‘’kuwii wax burburinayey’’.

"Xaqiiqdii, labadan kooxood ee Daacish iyo Al Qaacida waxay u taagan yihiin hawshooduna ay tahay in ay wax burburiyaan. Waxay labaduba diiradda saaraan gumaadka iyo dhimashada, mana kala soocaan dad ka ay dhibaateynayaan, amaba wax u geysanayaan: Waxay dilaan dadka Muslimiinta ah ee ka soo horjeeda nidaamkooda khaldan, waxay sidoo kale dilaan dad aan waxba galabsan oo ka soo jeeda diimaha kale.

Waxay labaduba cabburiyaan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, sida xuquuq da waxbarashada ee wiilasha iyo gabdhaha, iyo weliba xuquuqda dumarka. Waxaa dhammaantood ka go’ an wax burburinta, sida dadka, qoysaska iyo weliba waddankeena. Waxa keliya ee ka go’an waa wax bur burin, sidaa darted magaca Daacish waa mid si gaar ah ugu habboon falalka gurracan ee ay ku jiraan’’, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si kulul u naqdiyey sida khaldan ee argagixisadu ay u adeegsanayaan magaca diinta Islaamka.

"Fikirka argagixisadu waa mid mar walba laba lagu saleeyo sida sax iyo khalad, waxa san iyo waxa xun, innaga iyo iyaga iwm. Waxay sheegtaan in ay ku jiraan dagaal ay doonayaan in ay ku soo dhisaan xukuumad barakeysan oo Islaami ah oo khaliifyo ay ka taliyaan, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in aaney jirin wax barakey san oo meesha ay ku hayaan oo la xiriira hab dhaqankooda iyo ujeedka ay sheeganayaan’’.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah farriin ugu direy ururka argagixisada Al Shabaab ee Soomaaliya.

"Ha u maleynina in fursadaha idin bannaan ay ku kooban yihiin oo keliya in aad daacad u noqotaan Al Qaacida ama Daacish si ay idinku noqdaan madax maqaar saar ah. Waxaa jirta fursad kale oo taas ka wana agsan, taas oo ah mid sax ah oo barakeysan: waa waddada nabadda’’.

"Khilaafkan ka dhex aloosan Al Shabaab waxaa uu astaan u yahay koox mar hore ay jihadu ka luntey, isla markaana weli ku dheggan fikir khaldan iyo xulasho aan sax ahayn oo mustaqbalkooda la xiriirta. Ma done yno nooc cusub oo cabsi iyo cabburin lagu beerayo Soomaaliya. Soomaaliya wey ku soo daashay khasaar aha ka soo gaaray noocyada argagixisada ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

"Sidii aan horey u sheegnay, isla markaana aan mar walba ku celcelin doono inta aad weli jirtaan, waxaan mar kale idiin sheegayaa haddii aad dareemeysaan in aad lahaysteyaal u tihiin argagixisada, isla markaana aad ka fikireysaan fursad taa ka duwan, waxaa idin furan in aad dowladda u soo gacan haatisaan. Meel ka sta, goob kasta iyo sida ugu macquulsan ee suuragalka ah ayaad nagula soo xiriiri kartaan. Waxaa diyaar idi in ah oo idiin furan dhegaheenna iyo gacan wax idiin qaban doonta. Dowladdu waxay si buuxda u damaanad qaadeysaa nabadgelyadiinna iyo bedqabkiina. Shuruudda keliya ee aan dooneyno in aad fulisaan waxay tahay in aad diiddaan ama aad dhinac iska dhigtaan Al Shabaab iyo fikirka ay ku dhaqmaan ee ku saleysan dagaalka iyo colaadda. Keli ma noqon doontaan. Boqollaal ayaa doortay waddadan. Boqollaal ayaa doortey nabad iyo mustaqbal: waxay bartaan xirfado cusub, waxay soo saartaan nolol maalmeed xalaal ah, qeybna waxay ka yihiin dib u dhiska Soomaaliya’’.

"Aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxan idinku boorrinayaa in aad door ataan waddada nabadda’’.

FAAH FAAHIN KA SOO BAXAYA DIYAARADII KU DHACDAY DULEEDKA AFGOOYE

Faah faahin horu dhac ah ayaa ka soo baxaya diyaarad yar oo kuwa rakaabka ah, taasoo shalay duhurkii ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaarada ayaa la sheegay inay ka soo kicitintay magaalada Nairobi, iyadoo ku sii jeeday garoonka diyaa radaha Ballidoogle, halkaasoo saldhig milateri u ah Ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga diyaarada ay dhaceysay ay roobab xoogan ka da’ayeen deegaanka, lama na oga inay cimilada oo xun awgeed inay u dhacday diyaarada iyo in kale.

Deegaanka ay diyaarada ku dhacday oo lagu magacaabo Cusmaan Durre ayaa ah deegaan u dhaxeeya Afgooye iyo TooraToorow oo ay ku sugan yihiin AlShabaab.

Wararka ayaa sheegaya in AlShabaab ay ku dhow yihiin deegaanka ay diyaarada ku dhacday, taasoo adkeyn karta wararka laga heli karo diyaarada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa xaqiijiyay in halka ay diyaarada ku dhacday ay ka agdhow yihiin AlShabaab, hase ahaatee ciidamo xoogan oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dow ladda ay deegaanka diyaarada ku dhacday ku baxeen.

Lama oga khasaaraha diyaarada dhacday ay geystay, sidoo kale lama oga cida saaran iyo waxa ay siday, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose uu sheegay inay baaritaan ku hayaan cida laheyd diyaarada, dadka saarnaa iyo dalka laga lahaa.

Xigasho: Jowhar.com

QM OO XAL U RAADINAYSA HAWEENAY SOOMAALIYEED OO LAGU KUFSADAY JASIIRADDA NAURU

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dalka Australia iyo jasiiradda Nauru inay xal u helaan kiiska hawe eneyda Soomaalida ee xaammilada ah ee lagu kufsaday jasiiradda Nauru.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qabilsan Xuquuqda Aaadanaha (OHCHR) oo sheegay inuu xiriir toos ah la leeyahay haweeneyda dhibbanaha ahi ayaa sheegay in Abyan ay muraara dillaacsan tahay, ayna xanuunsan tahay maskax iyo jir ahaanba.

Afhayeenka OHCHR Rupert Colville ayaa sheegay in Abyan ay ku sugan tahay marxalad adag, isagoo sheegay inay ka argagaxsan tahay dhibaatada ay martay tan iyo maalintii la kufsaday.

Daniel Webb oo ah Sarkaal ka tirsan Xarunta Sharciga Xuquuqda Aaadanaha ayaa ugu baaqay dowladda Australia inay magangalyo siiso Abyan oo 23 ji ah, waxayna sheegtay in 18kii July lagu kufsaday jasiiradda Nauru kaddibna ay uur ka qaadday, waxay codsatay in laga soo rido uurka aysan rabin tan iyo horraantii Sebteembar.

Australia ayaa sheegtay in Abyan ay baddashay go’aankeeda, ayna ku gacan seyrtay in ilmaha laga soo rido, hase yeeshee Abyan way beenisay eedeyntan loo soo jeediyay.

YAXAASYO IYO DAD KU DAGAALAMAY DEEGAANKA SHINIILE.

Labo Yaxaas ayaa weerary n goob wabiga jiinkiisa ah oo ku taalo tuulada Shiineele ee gobolka Hiiraan, ka dib markii halkaasi uu ka fatahay wabiga Shabelle ee mara gobolkaasi Hiiraan, waxayna waxyeelo u geys teen xoolo isugu jira Ari iyo Lo, kuwaas oo naq u doontay wabiga jiinkiisa.

Dadka deegaanka oo ku soo baxay dhawaaqa xoolahooda ayaa waxay iyaga iyo Yaxaasaska halkaasi ku dhex maray dagaal sababay in mid ka mid ah Yaxaasyada uu geeriiyoodo halka mid ka mid ah uu baxasday.

Waqtiyadaan oo kale markuu buux dhaafiyo wabiga Shabelle waxaa banaanka u soo baxa inta badan Yaxa asyada, iyadoo taasi ay keento in uu dhibaateeyo dadka iyo xoolaha ku sugan wabiga jiinkiisa.

CIIDAMADA GALMUDUG OO DOONAYA INAY ALSHABAAB KA SAARAAN DEGMADA XARARDHEERE

Wararka naga soo gaaraya Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Maa mulka Galmudug ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan inay gacanta ku dhiga an Degmooyin iyo Degaano ka tirsan Mudug oo ay AlShabaab ku sugan yihiin.

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Degmada Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug ay ka saarayaan AlShabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Galmudug oo ku sugan deegaanka Camara ayaa sheegay inay goordhow Qorsh eynayaan Qabashada Degmada Xarardheere.

Dhanka kale C/kariin Maxamed Maxamuud oo ah Sargaalk ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay inay u diyaar Garoobeen Gacan ku dhigida Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

XILDHIBAANADA PUNTLAND OO KULAN DEG DEG AH KA YEESHAY ISCASILAADA UU ISCASILAY GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PUNTLAND (SAWIRRO)

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa kulan deg deg isugu yimid Xaruntooda Maga alada Garoowe, waxaana shirka furay oo shir Guddoominaayay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland.

Markii la furay kulanka Baarlamaanka, ayaa Xildhibaanada waxa ay guda galeen cod u qaadista Mooshin kii laga keenay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee iscasilay, waxaana cod u qaadis kadib ogolaatay Mooshinka 47 Xildhibaanoo HAA ku cadeysay, labo waa ay diideen halna wuu ka aamusay.

Intii kulanka Baarlamaanka Xildhibaanada Puntland uu socday, ayaa sidoo kale waxa ay cod u qaadeen Iscasilaada Guddoomiyihii Baarlamaanka.

Xildhibaanadu waxay cod u qaadeen Iscasilaada Gudoomiye Saciid Xasan Shire iyo xubintiisa Xildhibaan imada oo uu iska casilay waxaana Ogolaaday iscasilaada 45 Xildhibaan halka ay diideen 5 xildhibaan.

Baarlamanka Puntland, ayaa looga fadhiyaa in uu soo doorto Guddoomiye cusub oo uu yeesho Baarlam aanka Puntland, maadaama Guddoomiyihii hore shalay uu iscasilay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) weli kama uusan hadlin iscasilaadaGuddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire uu shalay ku dhawaaqay.

Mooshinka codka ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ku qornaa qodobo eedeymo ah oo loo jeediyay Guddoomiyihii Iscasilay.

SHABAAB OO GACANTA KU DHIGAY DIYAARADDII KU SOO DHACDAY DEEGAANKA CUMAR BEERE EE DULEEDKA DEGMADA AFGOOYE

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay gaareen Deegaanka Cumar Beere, oo 10km u jirta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo duhurnimadii shalay ay ku soo dhacday diyaaradan.

Diyaaradan, ayaa waxaa nooceeda lagu sheegay kuwa yar yar ee qaadka looga keeno dalka Kenya, lamana garanayo halkii ay ku timid iyo weliba meeshii ay ku sii jeeday.

Xoogaga Al Shabaab oo isu gadaamay diyaaradaasi, ayaa waxay dadka u diideen inay u soo dhawaa daan, iyagoona la wareegay wixii diyaaradaasi saarnaa.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya waxa ay diyaaradaasi siday, wararka qaar waxay sheegayan in aga byo ay siday, halka warar kalana ay sheegayaan inay qaad waday.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA NEW DELHI EE DALKA HINDIYA

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka midyahay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cu mar ayaa gaaray dalka India, iyadoo garoonka New Delhi ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta Dowladda Hindia iyo danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada New Delhi.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shir u dhaxeeya India iyo wadamada Afrika kasoo looga hadlayo iskaashiga ay India la leedahay dalalka Qaaradda Afrika.

Shirkan oo ay tahay markii saddexaad ee la qabto heerkiisa ayaa ayaa waxa uu furmi doonaa 29ka Oct ober oo berito ah, Soomaaliyana waxa ay u tahay fursad weyn iyadoo dowladda Soomaaliya iyo wadanka India ay si gaar ah uga hadli doonaan sidii kheyraadka iyo korontada la isaga kaashan lahaa sida uu sheegay Was iirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Sidoo kale Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadan doona Ra’isul wasaaraha dalka India iyo madaxda wadamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya.

MADAXWEYNAHA DALKA SWITZERLAND OO DOWLADDA ITOOBIYA KU TAAGEERTAY HOWLGALADA AY KA WADO SOOMAALIYA.

Simonetta Sommaruga Madaxweynaha dalka Switzerland oo booqasho ku joogtay maalmahaan caasi madda dalka Ethiopia ayaa daraad la kulantay dhigeeda dalkaasi Mulati Teshome iyo Ra’isulwasaare Hailem ariam Desalegn.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay Xiriirka Labada Waddan, Ammaanka Somalia, South Sudan, Ka hort agga Tahriibayaasha iyo Qaxootiga ku nool Xeryaha ku yaalla dalka Ethiopia.

Madaxweynaha dalka Switzerland Simonetta Sommaruga ayaa sheegtay inay kordhin doonaan Taag eeradda Dhaqaale ee ay siiyaan dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Dowladda Ethiopia oo ay dhibaatooyin ka haystaan Qaxootiga ku soo jabay, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 720,000 oo Qaxooti.

Simonetta SommarugaWaxay kaloo ka hadashay Ammaanka Somalia, waxayna sheegtay in Istaraatijya dda Switzerland ee Geeska Afrika tahay inuu Gobalku noqdo mid ammaan ah, waxayna taageertay Kaalinta Ethiopia ee soocelinta Ammaanka Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Switzerland, Simonetta Sommaruga waxay booqatay Xeradda Qax ootiga ee Sheed Dheer oo ku taalla magaalladda Jigjiga, oo ay Dowladda Switzerland bixiyaan Kharajka Qax ootiga ku jira Xeradaasi oo dhan 12,300 Qaxooti, badankooda ah Somali ka carartay dagaalladda ka socda Soomaaliya.

DOWLADDA FINLAND OO QAADAYSA TALAABO AY WAX UGA BADALAYSO SOOMAALIDA DALKAASI ISKA DHIIBYA.

Waaxda Socdaalka Dowlada Finland ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso xaaladaha ammaanka ee dalka Soomaaliya, waxayna warbixinteeda ku cadaysay in ammaanka dalka Soomaaliya uu ka wanaagsan yahay sidii hore.

Waaxda Socdaalka Finland ayaa sheegtay iney wax badan ka badaleyso qaabilaada qaxootiga Soomaaliy eed ee tagaya dalka Finland, kuwaasi oo inta badan ku gali jiray dalkaasi in amni daro ay ka jirto koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta waaxda Socdaalka Finland ayaa sheegay in xaaladaha ammaanka Soomaaliya wax badan iska badaleen gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya,waxaana laga yaabaa in arint aasi ay saameyso qaabilaada qaxootiga Soomaaliyeed ee tagaya dalkaasi.

FIinland ayaa sheegtay in meelo ka mid ah Soomaaliya ay wali xaalad amni daro ka jirto ayna ka warqabaan, balse horumar amni ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ku yaala koofurta dalka.

Qiimeyntii hore loo sameeyay marka lala barbar dhigo qiimeynta cusub ee waaxda socdaalka Finland ayaa la ogaaday inuu jiro isbadal weyn oo dhanka amaanka ah, waxayna taasi ay la micno tahay dadka ka tagaya Muqdisho iyo gobolada kale iney amni daro ku marmarsiyoon karin.

Dhanka kale ciidamada ammaanka ee dowlada iyo AMISOM ayaa lagu amaanay isbedelka dhanka ama anka ee ka jira magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

TODDOBO NIN OO SOOMAALI AH OO LOO HAYSTO MAQALASNIMO OO LA SOO TAAGEY MAXKAMAD KU TAALA DALKA MASAR

Waxaa Talaadadii Maxkamad ku taala Magaalada Qaahira Ee Xarunta Wadanka Masar la horkeenay sag aal nin, oo toddobo ka mid ah ay Soomaali tahay, kuwaa oo loo haysto inay yihiin dadka muhaajiriinta ka tahr iibiya xeebaha dalkaasi.Toddobada nin ee Soomaalida ah, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigay Ciidanka Booliska Masar, waxaana qaarkood lagala degay gawaaridii ay la socdeen, halka qaarka kalana laga soo qab qabtay guryihii ay ku sugnaayen.

Xeer Ilaalinta Masar, ayaa waxay sagaalkaasi nin ku soo eedeysay inay ku wada shaqaysan jireen tahr iibinta dadka, ayna jiraan cadeymo muujinayo inay ku shaqaystaan muqalasnimo.

Warbaahinta Masar, ayaa sheegtay in Maxkamaddu ay dhigeysatay eedeymaha loo haysto raggaasi, ayna go’aamisay in cadeymo dheeraad ihi la horkeeno Maxkamadda.

Maxkamadda, ayaa maalmo dib u dhigtay dacwadda loo haysto muwaadiniinta u kala dhashay Soom aaliya iyo Masar, si baaritaano baaritaano dheeraad ihi ay u sameeyan laamaha ammaanka.

Maalmo ka hor, ayaa waxaa xabsiyada Masar lagu xiray toboneeyo Soomaali ah, ka gadaal markii ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Booliska, xilli ay doonayen in xeebaha dalkaasi ka tahriibaan.

Wadanka Masar waxaa si aad ah ugu soo badanaaya dadka doonaaya inay ka tahriibaan, si ay mar uun cagta u dhigaan dalka Talyaaniga, kagana sii tallaabaan dalalka kale ee Qaaradda Yurub.

Xukuumadda Qaahira, ayaa waxay wadaa dadaalo ay ku dooneyso inay ku sameyso Maxkamad gaar ah, oo lagu qaado kiisaska dadka tahriibayaasha iyo kuwa kale ee dadka tahriibiya.

GUDDOOMIYIHII BAARLAMAANKA PUNTLAND OO ISCASILAY

Guddoomiyihii baarlamaanka maamulka Puntland, Siciid Xasan Shire ayaashalay iscasilay, iyadoo iscas ilaaddiisan ay ku timid kaddib markii ay mooshin ka keeneen ku dhawaad 40xildhibaan oo ka tirsan baa rlamaanka Puntland.

Afhayeenka oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay ahayd mar kii lagu sameeyay wax inqilaab oo kale ah, ciidammo fara badanna la geeyay xarunta baarlamaanka Punt land.

"Sababta aan isku casilay waa mooshin la iga keenay, ciidammo la wareegay xarunta baarlamaanka sha lay iyo in warar la isla dhexmarayay oo ahaa in la qorsheynayo in kursiga laga eryo, kuwaasoo iila ekaaday si dii inqilaab,” ayuu yiri guddoomiyihii baarlamaanka Puntland.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in mooshinka isaga aan loosoo gudbin, sidoo kalena shalayy la qabsaday xar unta baarlamaanka, si aan sharci ahaynna loogu gudbiyay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, taasoo uu xusay inay qayb tahay sababa uu isku casilay.

XASAN ABSHIR FAARAX OO ISCASILAY XILDHIBAANADII BAARLAMAANKANA KU WAREEJIYAY WIIL UU DHALAY

Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka federaalka Somalia ayaa shalay she egay inuu isaga casilay xildhibaanimadii baarlamaanka Somalia sababo caafimaad awgeed.

Sidoo kale, wuxuu xilkiisii ku wareejiyay wiil uu dhalay oo lagu magaaabo Abshir Xasan Abshir Faarax, ka asoo isla shalay lagu dhaariyay xarunta baarlamaanka Somalia, isagoo bedelay aabbihiis.

Xasan Abshir ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii KMG ahaa ee waddanka soo maray, wuxuuna ra’Iisul wasaare ka noqday dowladdii madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee Jabuuti.

Abshir Xasan Abshir Faarax ayaa wuxuu ahaa danjirihii Soomaaliya ee dalka Burundi ka hor intii aysan dalkaas ka qarxin colaadaha salka ku haya awoodda xukunka waddankaas oo mar saddexaad loo doortay inuu sii hoggaamiyo Nkurunziza.

Ugu dambeyn, Xasan Abishir ayaan noqonayn mas’uulkii ugu horreeyay oo ku wareejiya xilka xildhibaan nimo ee baarlamaanka Somalia, iyadoo horay uu xilka ugu wareejiyay wiilkiisa Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho

WARARKA CAALAMKA

DHACDO LAYAAB LEH OO KA DHACDAY DALKA MAREYKANKA: EEY XABAD KU DHUFTAY HAWEENEYDII ISKA LAHEYD

Erygan oo lagu magacaabo Trigger oo macnahiisu uu noqonayo keebka (Riishadda qoriga), ayaa waxa uu haweeneydaasi ku dhaawacay Gobolka Indiana, ka dib markii uu ku istaagey qori ay ku ugaarsaneysay.

Jonathon Boyd oo ka tirsan shaqaalaha xanaanada duurjoogta Gobolka Indiana, ayaa sheegay in Allie Carter oo 25 sano jir ah, ay dhulka dhigtay qorigaasi, islamarkaana uu keebka riixay eeygeedii.

"Abaarihii 10kii subaxnimo ee maalintii Sabtida waxay Allie Carter ku guda jirtay ugaarsiga shimbaraha isugu yimaada meelaha biyaha leh. Qori ay wadatay ayay dhulka dhigtay, waxaana keebka riixay oo ku joogsaday eeygeeda Trigger, sidaas ayayna ku dhacday xabadii ay ku dhaawacantay Allie.” Ayuu yiri Jonathon Boyd.

"Allie waxay ahayd qof nasiib badan, xabadda ayaa kaga dhacday lugta bidixda, dib ayaana looga soo saaray isbitaalka.” Ayuu yiri Jonathon Boyd oo u waramay Warbaahinta Mareykanka.

Haweeneydan oo dhaawaceeda ugu buuran uu suulka bidixda ka soo gaaray, ayaa waxay hadda ku sugan tahay hoygeeda, inkastoo aanay weli Warbaahinta kala hadal dhacdadaasi layaabka leh.

Dhacdadan, ayaa waxay noqotay mid si aad ah looga hadalkaayo Gobolkaasi Indiana, maadaama ay noqoneysay markeedii ugu horeysay oo Gobolkaasi ay ka dhacdo.

Wadanka Mareykanka, ayaa qir iyo qar ka jooggo shacabka hubka ku haysta dalkaasi. Mareykanka waxa uu ka mid yahay dalalka ugu badan caalamka ee dadkoodu adeegsadaan hubka wax dila.

COLOMBIA OO CIIDAN QALABEYSAN U DIRTAY WADANKA YEMEN, IYAGOO KU BIIRAAYA DAGAALKA LAGULA JIRO XUUTHIYIINTA

800 oo askari oo ka socda dalka Colombia, ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Shiicada Yemen, ee dagaalka kula jirta Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Abd Rabbo Mansour Hadi. Ugu yaraan 100 askari, ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen magaalada dekeda leh ee Cadan, si ay qayb uga noqdaan dadaalada nabadeed ee la doonayo in dalkaasi looga dhaliyo.

Warbaahinta Colombia, ayaa baahisay in askari kastaa uu toddobaadkiiba qaadan doono lacag dhan kun dollar oo lacagta Mareykanka ah ($1,000).

Wargeyska El Tiempo oo ka soo baxa Magaalada Bogotá, ayaa shaaca ka qaaday in durbaba 100 askari oo ka mid ah Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Colombia, ay gaareen Magaalada Cadan.

Isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo, ayaa Xukuumadda Bogotá la gaaray heshiis, ay Ciidankoodu kaga qayb qaadanayan dagaalka lagula jiro Shiicada taageerada ka hesho dalka Iran.

Sacuudiga, ayaa wuxuu u muuqdaa mid dhisaaya isbahaysi caalami ah oo dagaal adag ku wajahaXuuthiyiinta, oo billo ka hor iska diiday in tallada dalkaasi, ay ku soo celiyan Dowladda uu caalamka aqoon san yahay.

Dagaalada ka soconaya dalka Yemen, ayaa waxaa lagu dilay in ku dhow lix kun oo ruux, halka lagu dhaa wacay tiro ka badan 26,250 oo kale.

Wadamada isbahaysiga oo Sacuudiga uu hogaanka u haayo, ayaa waxay Dowladda Yemen ka caawinayan, sidii ay tallada dalkaasi dib ugu soo celin lahaayen gacanta Madaxweyne Hadi.

WARARKA QAARADA AFRIKA

WIIL UU DHALAY MUAMMAR GADDAFI OO SHEEGAY IN SI XUN LAGULA DHAQMAY XABSI KU YAALA MAGAALADA TRIPOLI

Saadi Gaddafi oo ah wiilka saddexaad ee uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Libya, Colonel Muam mar Gaddafi, ayaa waxa uu soo duubay muuqaal video ah, oo uu kaga cabanayo ilaalada xabsiga AlHadba ee magaalada Tripoli.

Ninkan, ayaa waxaa lagu haystaa in uu horkacaayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Libya, xilligii uu socday kacaankii looga soo horjeeday aabihii, islamarkaana uu kaalin ku lahaa dagaaladii sokeeye ee dalk aasi ka qarxay sanadkii 2011ka.

Saadi Gaddafi, ayaa sheegay in si xun ay ula dhaqmayan ilaalada, isagoo intaa ku daray in jirdil ay u gay staan xilliyada qaarkood. Waxa sidoo kale uu sheegay qaar ka mid ihi eheladiisa oo xabsigaasi kula xiran, in iyana jirdil lagu haayo.

Waxa uu ku cabanayaa in lagula kacaayo waxyaabo ka baxsan nidaamka ilaalinta xuquuqda aadanaha, islamarkaana loogu yeero in argagaxiso uu yahay.

Billo ka hor, ayaa waxaa barta Youtube la soo geliyay muuqaal uu ka soo muuqday Mr. Saadi, isagoo indha ha laga xiray, cagahana ay ka garaacayan qaar ka mid ah ilaalada xabsiga uu ku xiran yahay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa waxay Saraakiisha Libya ugu yeertay in baaritaano lagu sameeyo ilaalada xabsigaasi, ee jirdilka kula kacday Saadi iyo dhawr ka mid ah maxaabiista.

Madaxa Human Rights Watch Ee Bariga Dhexe & Waqooyiga Afrika, haweeneyda lagu magacaabo Sarah Leah Whitson, ayaa waxay codsatay in lala xisaabtamo ilaaladaasi.

Saadi Gaddafi waxa uu horey u soo noqday kabtankii xulka kubadda cagta ee Qaranka Libya, sidoo kala na waxa uu ka soo ciyaaray heerka 1aad ee horyaalka Talyaaniga ee Seria A, isagoona u soo kala ciyaaray kooxaha Udinese iyo Perugia fc.

Bishii March ee sanadkii 2014ka, ayaa waxaa Saadi lagu soo wareejiyay Dowladda Libya, markii ay Niger weydiisatay inay ku soo wareejiso. Niger waxay in muddo ahba ay ka war wareeganeysay in ninkaasi ku wareejiso Xukuumadda Tripoli, isagoo baqdin ka muujinaayay in dil lagu xukumi doono. Illaa iyo hadda ma jirto wax xukun Maxkamadeed oo ku dhacay, mudada uu ku xiran yahay Caasimadda Libya.

Libya, ayaa waxay wajaheysaa marxalad cakiran, tan iyo markii Wadamada Reer Galbeedka ay xukunka ka tuureen, Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Muammar Gaddafi.

Dadka reer Libya, ayaa isla dhex maraaya in xaalad adag ay la kulmayan, ka dib markii meesha laga sa aray Maamulkii Korneyl Gaddafi, oo wax tar ballaaran ay ku qabeen, inkastoo lagu dhaliilo in dhibaato uu ku haayay dadkiisa.

DIYAARADAHA ISBAHAYSIGA OO DUQEEYAY ISBITAAL MSF KU LEE DAHAY DALKA YEMEN

Duqeynta oo sida la sheegay dhawr goor soo noq noqotay, ayaa waxaa lala beegsaday isbitaalka MSF ku lee dahay Degmada Hayden Ee Gobolka Saada, waxayna ku soo beegmaysaa, xilli horaantii bishan ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka, ay garaaceen isbitaal kale oo MSF ku lee dahay Magaalada Kunduz Ee Wadaka Afghanistan.

Gobolka Saada waxaa ku xoogan Maleeshiyada Shiicada Yemen oo taageero ka helaaya dalka Iran, dagaal adagna kula jira Dowladda Yemen iyo dalalka isbahaysiga ee xagga cirka ka garaacaaya.

Hay’adda MSF, ayaa waxay wadamada uu Sacuudigu horkacaayo, ay Talaadadii ku eedeysay kuwo masuul ka ah duqeynta loo gaystay isbitaalkeeda, iyadoo dhinaca kalana cambaareysay falkaasi.

Afhayeen u hadlay MSF oo lagu magacaabo Hassan Boucenine, ayaa wuxuu sheegay in aanay jirin sab ab ay diyaaradaha isbahaysigu u garaaci karayan goobahooda caafimaad, sababo ku aadan iyagoo bil kasta siiya raadeero muujinaya, halka ay ku yaallaan isbitaaladooda, si duqeymaha looga fogaado.

Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, Ban Kimoon oo si kulul u cambaareeyay duqeynta, ayaa wxuuu dalbaday in baaris deg deg ihi lagu sameeyo.

Afhayeen u hadlay dalalka isbahaysiga, ayaa wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay, in diyaaradaha isbahaysigu ay ka masuul yihiin duqeyntaasi. Duqeyntan ayaan sababay khasaaro nafeed, balse waxa uu burbur weyn ka soo gaaray dhismaha isbitaalka.

Dagaalada ka soconaya dalka Yemen, ayaa waxaa lagu dilay in ku dhow lix kun oo ruux, halka lagu dhaawacay tiro ka badan 26,250 oo kale.

Wadamada isbahaysiga oo Sacuudiga uu hogaanka u haayo, ayaa waxay Dowladda Yemen ka caawinayan, sidii ay tallada dalkaasi dib ugu soo celin lahaayen gacanta Madaxweyne AbdRabbo Mansour Hadi.

MIDOWGA AFRIKA OO DHINACYADA SOUTH SUDAN KU DAGAALLAMAYA KU EEDEYAY INAY GALEEN DAMBIYO

Muddo dheer ka dib ayuu ururka Midowga Afrika wuxuu markii ugu horreysay shaaciyay warbixin ka hadl aysa xadguduyada kala duwan ee ka dhashay colaadaha ka socda dalka Koonfurta Suudaan.

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Koonfurta Suudaan ee xukuumadda iyo kooxaha uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar ay gale en dambiyo dagaal iyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in xadgudubyada ay ka mid yihiin; kufsi, dilal aan naxariis lahayn, jirdil, falal ka baxsan bani’aadamnimada, afduub joogto ah iyo xadgudubyo kale.

Sidoo kale, guddiga warbixintan soo saaray ee Midowga Afrika ayaa sheegay in aysan weli helin wax ca ddeynaya in dalkaas ay ka dhaceen xaquuq baahsan, intii uu socday dagaalka sokeeye, balse waxay xuseen in xadgudubyada la diiwaangeliyay ay mas’uuliyaddooda qaadayaan labada dhinac.

Xukuumadda Koonfurta Suudaan ayaan weli ka hadlin warbixinta Midowga Afrika ee ku saabsan inay galeen xadgudubyo ka dhan ah bani’aadamnimada, iyadoo mucaaradka ay si kooban uga hadlay warbixintan.

Ezekiel Lol Gatkuoth oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee ururka SPLA ayaa sheegay in mucaaradku ay san wax walwal ah ku hayn dambiyada warbixinta lagu sheegay, wuxuuna u sababeeyay in loo baahan yahay in falalka aan la iskula xisaabtamin la baabi’iyo.

"Dabcan, sida lala socdo waxaa lasoo saaray warsaxaafadeedyo dhowr ah tan iyo sanadkii 2014kii, waxaana dhowr jeer oo hore uu hoggaaminaya kooxda SPLA, Riek Machar Teny uu dalbaday in lasoo saaro warxbixinta ku saabsan dadka ku kacay falalka xadgudubyada ah ee ka dhacay dalkan intii ay colaadu socotay; laakiinse ugu dambeyn hadda ayaa lasoo saaray,” ayuu yiri danjire Gatkuoth.

Guddiga Midowga Afrika ayaa si isku mid ah ugu eedeeyay kooxda SPLA ee mucaaraadka ah iyo weliba xukuumadda South Sudan inay ku kaceen falal dambiyeedyo dilal ah.

"Dilal wadareedyadan waxay loo geystay, 134 qof oo kasoo jeeda Nuer oo si bareer ah loo dilay. 90qof oo rayid ah oo iyagana kasoo jeeda Nuer oo lagu dilay magaalada Juba, 107qof oo iyagana lagu dilay deeg aannada Khor William iyo Munuki. Dad rayid ah oo ka soo jeeda iyaguna beelaha Nuer iyo Dinka ayaa lagu dilay Bor iyo Malakal,” ayay guddigu ku sheegeen warbixintooda.

Gatkuoth oo ka hadlayay arrintan ayaa sheegay inaysan SPLA iyo Machar wax lug ah ku lahayn eede ymahan oo aan lagula xisaabtami karin, waayo buu yiri waa dambi ay ka dambeeyeen siyaasiyiinta xukuum adda Koonfurta Suudaan. Isagoo intaas ku daray in haddii ay jiraan xubno labada dhinacba ka tirsan oo si iskood ah dambiyo u galay ay tahay in lagula xisaabtamo.

GUUL NOO DHOW MISNA AAN GAARI LA'NAHAY ! {Maqaal}

Mararka qaar ayaa waxaan is weydiiyaa xaggee nalaga haystaa?

Ma Xagga Caqliga (Mentalityga) ayaan ka yara hooseynaa Umma daha Caalamka?

Ma Tarbiyadaa naga soo qaldant ay waagii aan yareyn?

Ma Tacliin xumaa na haysatoo, Jaahilnimaa wax walba u samay naynaa?

Ma dadkeennaa sidii ay dhibaato daba dheeraatay ugu jireen Diir nixii iyo Naxariistiiba ka guurtay?

Ma Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda ee na hoggaamiya ayaysan Daacad ka ahayn u adeegidda Dalkooda iyo Dadk oodaba?

Ma Muwaadiniintii ayaa dalka ka dhammaaday?

Ma Habaar fac ka fac ah ayaa nalo oga tegay?

Ma Xaasidnimadii lagu sheegay (Suurat AlFalaq) oo kale ayay Shacabkeennu isku hayaan oo ay horumar ku gaari waayeen?

Ma Qabyaaladdii ayaa na Qalbi martay oo dhiniciisa daraad naga weecisay?

Ma Fitnadii Nebigeenna CSW uu u mmaddiisa uga sii digay ayaan xill igeedii tag annahay? Ma Dadkeen naa si qa ldan u fahmay Diinta ay nu haysan no ee Islaamka?

Ma dalalka aan deriska nahay ay aan damacsanayn inay arkaan So omaaliya oo Qarannimadeedii dib u soo ceshatay? mise Amar kale oo aan garanayn ayaa na haysta?

Su'aalahaas oo dhan jawaabahooda lagu wareer, ninba si u fasir, anigase waxaan ku soo koobay (Qaddar iyo xukun noo qornaa oo inaan marno lagama maarmaan tahay).

Mararka qaar waan amakaagaa su'aallo aan Karaanka yga ahaynna waxaan si is daba joog ah ugu diraa Maskax dayda markii aan arko Ummaddo dalalkoodii quruxsaday oo maalin walba ku bara tamaya sidii ay tallaabooyin hour mar leh ugu biirin lahaayeen Waddammadooda halka annaguna aan ku dhaqanno taa Caksigeeda.

Mararka qaar waan isku yax yaxaa oo waxaan is iraah ka alay dadkaan iyo adinka miyaan isku 9 bilood ku wada dhalan? waa markaan arko Buuro Waaweyn oo la duleeli yay oo dhexdooda Gaadiid iyo Tariinno ka dhex dusayaan?

Mararka qaybtood waan qiraa in Cilmi nala dheer yahay markaan is barbar dhigo halka aynu taagannahay daraad iyo halka ay Ummadaha horumaray ee Dunidu marayaan markay hindiseen Tariinno Badda hoosteeda ku socda, sidoo kale Dayax Gacmeedyo Cirka loo dirayna ay maclu umaad u soo gudbiyeen dhulka isla markaana Kaamirooyin kii lagu rakibay lagala socdo dhulka aynu guudkiisa sarann ahay. Mararka qaarkood waxaan is iraahdaa armaaba tihiin qoladii la yiri "Dhulka waxaan culeys ahayn kuma hayaan" haddana waxaan iraahdaa hadalkasaa ha u dhigin, rajad una yaysan kaa xumaan.

Nin Walaalkeey ah ayaa mar walba oo waxyaabaha dun ida ka dhacaya aan la barbar dhigno dalkeenna Soomaaliya waxa uu igu oran jiray "Haddii Khariidadda Ca alamka loo hagaajiyo sida Neef Lo' ah oo kale Soomaaliya waxay kaga oolli lahayd Saynta u dambeysa ee Saalladu ku soo dareerto!".

Mararka qaar waxaan is weydiiyaa "Toloow Adduunyada Marqaati miyaad ka tihiin?" markaan arko Tariinnada dheer eeya ee ku dul cararaya Buundooyinka dhaadheer, oo qaar kood saacaddii jaraya 574km/h, kaaga darane dunidu ay Tariin ku guur ahayd 1804tii oo ah muddo haatan laga joogo 211 sano.

Mararka qaybtood waxaan la yaabaa sida dunidu uga faa 'Iideysatay wax kale iska daaye Qorraxda ILAAHAY siiyay oo ay uga dhaliyeen Koronto iyagoo abuuray wax ay u bixi yeen (Solar Farms /Beerihii Solarka) oo labada ugu weyn Caalamka ay ku yaallaan Mareykanka kuwaasoo gaaraya 8 Milyan oo Solar oo la is garab dhigay waxaana ay Koronto siiyaan 340,000 guri, halka dadka ku nool Soomaaliya in badan oo ka mid ah aysan haysan koronto joogto ah.

Waxaa la sheegaa Barafasoorada Soomaaliyeed ee wax ka dhiga Jaamacadaha kala duwan ee Caalamka in ay xal u waayeen su'aal kaga timaadda ardaydooda oo ku saa bsan dalkooda taasoo ah "Macallin annagoo ku faraxsan inaad cilmiga aad baratay noogu dhigto dalkan waxaan ra bnaa inaan ku weydiinno dalkiinna miyuusan qabin Barafa soorro sidaada oo kale ah oo ummaddaan kala dhex gala, waa maxay sababta 24 sano ka badan aad dhibaato ugu jirtaan?".

Qof walba oo Soomaali ah waxa uu la mid yahay Shucu ubta ku nool dunida, waxaana uu xaq u leeyahay in uu helo 4 Waxyaabood ee Tiirka u ah Nolosha Bani'aadamka ee da dyowgaasi ay haystaan (1. Biyo & Baad, 2. Hooy, 3. Caaf imaad, 4. Waxbarasho) balse nasiib darro badi dadkeen nu taa ma haystaan.

Isku soo wada duuboo yuusan hadalku waxba ila tegin, (Guul noo dhow misna aan gaari la'nahay!) waxaan ula je edaa inta yar ee ay guusha iyo horumarku noo jiraan iyo sida aan u gaari la'nahay haddaan nahay Soomaali oo aan agteeda ugu meereysanayno, waxaana keliya guushaasi xaqiijin karnaa markii ILAAHAY na waafajiyo isla markaana la helo Nabad iyo Sinnaan.

Soomaalidu kama garaad yara Shucuubta Adduunka, ba lse wax kasta oo horumar iyo mashaariic maalgashi ee laga samayn lahaa dalkeenna, taasoo ummaddoo dhanna dan u ahaan lahaa waxay badidoodu u xayiran yihiin (Nabad la'a an), iyadoo nabaddana lagu sifeeyay Nolol.

Haddii ummad isku tiirsan oo mid ah la helo waxaa bada naya wax soo saarkeenna, haddii wax soo saarkeenna uu batana waxaa dhergaya oo baahida ka baxaya dadkeenna, marka wax yar oo reer hebelnimo lagu helay ha ku qancine walaal wax weyn baad xaq u leedahay ee ogoow.

Waxaan aaminsanahay in sanadaha soo socda ay wax ba dan is beddeli doonaan Haddii ILAAHAY idmo, dadka Soo maaliyeedna ay khibrad ka kororsan doonaan waqtigii adk aa ee ay soo mareen.     W/D: Yaxye Yuusuf Khasaaro EMail: yaxyekhasaaro@hotmail.com Facebook@Yaxye Yuusuf

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip