K/AFRIKA : Boob Ka Dhashay Dil Bareer ah Oo Ka Dhacay Cape Town (SAWIRO)

0
Monday August 15, 2016 - 21:31:37 in Wararka by
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    K/AFRIKA : Boob Ka Dhashay Dil Bareer ah Oo Ka Dhacay Cape Town (SAWIRO)

    CAPE TOWN, South Africa : – Rabshado Lagu Boobay goobaha Ganacsiga Soomaalida ee ku yaalay xaafada Strand ee hoos timaado Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Africa ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ay ka dhaceen xaafadaasi iyada oo sido kale dad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CAPE TOWN, South Africa : – Rabshado Lagu Boobay goobaha Ganacsiga Soomaalida ee ku yaalay xaafada Strand ee hoos timaado Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Africa ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ay ka dhaceen xaafadaasi iyada oo sido kale dadka deegaanka ay gubeen gaari yar oo uu watay mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida.
Dadka Deegaanka Xaafada Strand ee boobka geystay ayaa ka Carooday Kadib markii ganacsade Soomaali ah uu nafta dhaafiyay mid ka mid ah dadka deegaankaasi oo uu muran dhax maray waxaana taasi ay keentay in shacabka ay bilaabaan banaan bax ay uga soo horjeedaan ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ganacsiga ku heysta.

Ku dhawaad 8 Dukaan ayey boobeen shacabka waxaana laga soo raray goobo kale oo ganacsi kuwaa oo la keenay xaafadaha u dhow dhow deegaanka uu dhibka ka dhacay sida uu warbaahinta u sheegay Cabdulle xuseen cadaan ka mid ahaa Ganacsatada Hantidooda la Boobay.

"Waxaan Tagay Xalay Markii dilka uu dhacay kadib oo aan dukaan ninka soomaaliga ee dhibka geeystay ayaa waxaa yimid dadkii degaanka gaar ahaan ehelkii laga dilay iyo shacabkii kale waxa nagu bilwoday dhagxaan iyo dagaal kadib gaarigeyga oo banaana yaalay ayey gubeen waxaana ay bilaabeen boobka dukaanka kadib nafteena ayaan halkaasi kala so baxsanay”

Sahra C/laahi Jimcaale waxaa ay ka mid tahay Ganacsatada Soomaalida ee deegaankaasi ku noola in ka badan 10 Sano waxay warbaahinta u sheegtay in qasaare culus uu soo gaaray ganacsatada Soomaalida.

"Waxaad Dareemi kartaa dukaan dhan oo hal milyan ku qiimeysnaa oo isaga dhan la boobay iyo kuwo kale oo la mid ah wali nama soo marin ayaan filaa mudooyinkaan qasaarahaas oo kale ayey tiri Sahra C/laahi Jimcaale

Si kastaba xaalada deegaankaasi ayaa iminka dagan waxaana jira kulamo u socdo gudi ka tirsan ganacsatada Soomaalida, odoyaal dadka deegaanka ka socda iyo maamulka deegaankaasi ee dowlada koonfur afrika waxaana la filaya in xal laga gaaro arintaani.

Dhanka kale muwaadin soomaali ah ayaa lagu dhawacay degaanka Orangfam ee duleedka magalada johannesburg kadib burcad hubeeysan oo weerar ku qaaday dukaan uu ku sugnaa waxaana wararka qaar ay shegayaan in xaalad kacsanaan ah ay degaankaasi ka jirto iyado dukaama ajaanibta leedahay la xiray cabdi laga qabo boob loo geysto

Wariye Abdullahi Qorshe

Cape Town, South Africa

1

2

34

SAWIR-QAADE : Maxamed Axmed Siyaad (Geelle)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip