
Guushama riyaa lagu gaaraa?
Dowladaha ka qeybgalaya koobabka nuucaani oo kale ah waxay u diyaar-garoobaan dhowr sano ka hor inta aysan ciyaaraha bilaaban, anagana markii aan maqalno ayaan raaraadinaa ciyaartoydeena isla markaana tartamo yar yar loo qabtaa, meesha ay dhibaatadu ka taagan tahay ma aha Ciyaartoyda Soomaaliyeed, waa in ay Hay’adaha quseya Maamulka ciyaraha ay farsamada iyo Qorshaha wax ka badalaan, ayna diyaariyaan qorshe fog iyo mid sokeba.
Dad badan oo rajo kalahaa ciyaaraha way isaga tageen iyaga oo ka cabsi qaba inuu mustaqbal la’aan ku dhaco, waayo, waxay arkayaan dad iyaga kaga horeeyay ciyaaraha oo magaalada u shaxaad taga oo aan aayad heynin, ku darso, dadku waxay arkayaan raadadkii ugu dambeeyay ee ciyaaryahanadii hore ee ku tartamay Magaca Qaranka Soomaaliya halka ay ku dambeeyeen, Saamiya Yuusuf Cumar iyo Cabdinaasir siciid ibraahin (Cabdinaasir kaneeco) , Labaduba waxay ahaayeen labadii Oradyahan ee ka qeybgalay Tartankii Olympic 2008 ee magaalada Beijing ee caasimadda Dalka China, Saamiya, Allaha u naxariisto waxay ku dhimatay Badda Mediterranean, Cabdinaasirna wuxuu ku xanuunsan yahay Magaalada Muqdisho, wax daryeelna ma helo.
Ciyaartooyda wey dadaaleen iyagoo daruufo badan qabaan ayay kartidooda muujiyeen, mar haddii arrintu tartan tahay, waa inaad guul iyo guuldaraba ku qanacdaa, Dowlado awood leh oo ciyaaryahanadooda qarash badan soo geliya ayaa laga badiyaa, muhiimada waa in uu calankeena fagaaraha caalamka ka maqnaan, waxaa horey u jirtay xilli aan laga taagin calankeena sharafta leh fagaaraha caalamka, guul iyo gobanimo ayaan u rajeynayaa dhamaan Ciyaaryahanada Soomaaliyeed.
Laakiin, Aqristoow, marnaba ha sugin ama maankaaga kasaar in Ciyaartoydeena ay guul kuu keenaan, ilaa aan ka helno Dad caafimaad qaba. Dhanka kale, sida ay wax u socdaan waxay na tusineysaa iney jirto tabar yari, Ciyaartoydeena heerka ay taagan yihiin waxay ka tarjuneysaa Diwladeena heerka ay caalamka ka taagan tahay, weligeedba been baan isku sheegnaa, laab la kac ayaa na dilay iyo iska yeel yeel, tabarteena halkey taalana lama socono, Qarankii qabiil ayaan ka dooranay, Guusha waxay ku timaadaa wadajir, Dadaal iyo kalsooni ee Riyo laguma gaaro.
W/D: Omar Talha
Guushama riyaa lagu gaaraa?
Dad baa dhahaya maxay tahay sababta mar walba ay ula kulmaan guuldarada Ciyaaryahanada Soomaaliyeed, laakiin, Dadkaasi isma weydiiyaan in ciyaartoydeena ay ka hortagaan mar walba Ciyaaryahano dhan walba ka dhisan sida dhaqaalo ahaan iyo Niyad ahaanba