WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA AGOOSTO 2016-KA

0
Monday August 15, 2016 - 09:34:51 in Wararka by
  • Visits: 728
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 15-KA AGOOSTO 2016-KA

    ADAXWEYNAHA OO SAXIIXAY SHARCIGA DHISMAHA GUDDIGA MADAXA BANNAAN EE XUQUUQUL INSAANKA‏ .. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ADAXWEYNAHA OO SAXIIXAY SHARCIGA DHISMAHA GUDDIGA MADAXA BANNAAN EE XUQUUQUL INSAANKA‏ .. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insa anka.

 

 

 

 

Madaxweynaha oo munaasabaddan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay qeyb ka tahay dhismaha dowlad wanaagga iyo in nabad iyo caddaalada lagu wada nool aado.

"Saxiixa sharcigan waxaa uu si cad uga tarjumayaa muhimadda aan siineyno dhowrista xuquuq aha aasaasiga ah iyo xorriyadaha qof walba oo ku nool Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay tahay inuu helo. Guddigan Madaxa Banaan ee Xuquuqda Aadanaha waxaa uu noqonayaa xafiis ka ugu sarreeya dalka ee u xilsaaran inuu sugo in xaqa muwaadiniinta sida ay tahay loo ilaaliyo, cid walbana lagula xisaabtamo iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda kale ee inoo degsan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka ee Soomaal iya ay ballanqaadeyso inay iskaashi iyo wadashaqeyn buuxda u fidin doonto Guddigan Madaxa Bann aan ee Xuquuqda aadanaha iyo sidii uu waajibaadkiisa u gudan lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadley arrimaha siyaasadda dalka, isagoo ka waramey muhimadda in xisbiyo siyaasadeed la sameysto, khatarta siyaasadaha qabiilka ku dhisan, qoondada haweenka ay ku leeyihiin goleyaasha siyaasadeed ee la soo dhisayo doora shada 2016 iyo in la dhiirigeliyo midnimada iyo dib u dhiska dalka.

BOOLISKA DALKA KENYA OO SHEEGAY IN AY DILEEN XUBIN KA TIRSAN XARAKADA AL SHABAAB

Booliska degmada Kwale ayaa sheegay in ay dileen nin Al shabaab ka Tirsanaa xili uu ku sug naa xaafada Vingirika oo ka tirsan degmadaas islamarkaana ay gacanta ku dhigeen bamba gacmee dyo uu watay sida ay hadalka u dhigeen.

Mohamed Bakari oo ah muwaadin Kenyaati ah ayaa waxa la tilmaamay in ay toogten Ciidama da ka hortaga waxa Argagixisada loogu yeero kuwaas oo sidoo kale gacanta kusoo dhigay laba bam gacmeed oo uu watay sida saraakiil ka Tirsan Ciidamada Booliska Kenya ay u sheegeen Wargeys ka the star ee kasoo baxa dalka Kenya.

Booliska ayaa xusay in ninkaan horay uga tirsanaa Xarakada Al shabaab balse uu sheegay in uu kasoo laabtay dhawaan.

Taliyaha booliska degaankaas Benjamin Rotich ayaa sheegay in bulshadu ay kala qayb qaa teen sidii ninkaas loo dili lahaa.

SARKAAL KA TIRSANAA CIIDAMADA DARAAWISHTA MAAMULKA PUNTLAND OO SHALAY DIL TOOGASHO LAGU FULIYAY

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland ayaa shalay Xukun dil ah ku Fuli say sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Daraawishta Maamulkaas oo dhawaan Xukun dil ah lagu Xuku may.

Saraalka Shalay Dilka Lagu Fuliyay Ayaa Magaciisa Lagu sheegay Gaashaanle Dhexe Ceydu ruus Daahir Awaare oo Horey dil u Geystay Xlabo xiddigle Cabdiweli Faarax Ismaaciil oo isna katirsa naan jiray ciidamada.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Cabdikariin Xasan Firdhiye oo dilka kadib la hadlay war baahinta ayaa sheegay marxuumka dilka lagu fuliyay inuu dhawaan dil bareer ah u geystay Xlabo xi ddigle Cabdiweli Faarax Ismaaciil oo isna katirsanaan jiray ciidamada, kadib muran ka dhashay dhul ay isku qabsadeen.

WASAARADA ARIMAHA GUDAHA OO SOO BANDHIGTAY RAASHIN HALAABAY OO MASAR SOMALIYA U SOO DIRTAY

Iyadoo Dowladda Masar Somaliya ay u soo dirtay Markab sida shixnad gar gaar ah oo dalkaasi ka yimid, ayaa shalay Wasaarada Arimaha gudaha waxa ay soo bandhigtay qayb ka mid ah raashin kii Masar ay Somaliya u soo dhiibtay.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya C/rashiid Xiddig, ayaa Saxaafadda u sheegay shalay in raashinkaan uu yahay mid halaabay oo shacabka Somaliyed aanan la siin karin. Waxa uu sheegay Deeqda ay soo dhiibtay Dowladda Masar oo ka koobnaa waxyaabo fara badan 7Kunteenar oo ka mid ah inay noqdeen raashinkii saarnaa kuwa xumaaday oo halaabay.

"Waxan rabaa inaan cadeeyo raashinkii ay soo direen Dowladda Masar, oo idinka aad indhihi ina ku arkeysaan inuu yahay mid aanan la isticmaali karin, lana siin Karin shacabka Somaliyed, sa babtuna ay tahay baaritaan Hay’adihii ku lug lahaa iyo dhamaan aan isla eegnay, soo qaadista cida soo qaaday iyo Kuntineerada la soo saaray iyo cida soo qaaday ee Kuntineerada soo saartay, wax aan rabaa inaan si cad u sheegay Dowladda Masar iyo Safaarada Masar ee Somaliya inaan uga ma had celiyo deeqdaan, laakiin Masuuliyada waxaa iska leh cida Kuntineerada ku soo shubtay ee si wa naagsan aanan u soo xafidin inay leeyihiin qaladka dhacay, Khubarada markii aan wareysanay ay aa waxa ay inoo sheegeen inay yihiin wax ka dhashay Kuntineerada oo aanan aheyn kuwii loogu talo ga lay.” Ayuu yiri Wasiir Xidig.

Somaliya ayaanan laheyn Sheybaar rasmi ah oo baara tayada raashinka dhacay iyo sidoo kale tayada kale ee agabka kala duwan ee dalka la keeno.

BOKO HARAM OO BAAHISAY VIDEOGA GABDHO AY AFDUUBTEEN ..

Kooxdaha islaamiyiinta dalka Nigeria ee Boko Haram ayaa baahiyay videoga gabdho iskuuley ah oo ay horay u afduubteen.

Kooxda ayaa tusay gabdho ilaa 50 gaaraya, iyagoo ka codsaday xukuumadda in lagu badasho gabdhahan maxaabiis ay dowladda ka heysato kooxda Boko Haram.

Boko Haram ayaa ku afduubtay ilaa 276 gabdhood magaalada Chibok ee waqooyiga Nigeria

Waa markii 3aad oo video noocaas ah ay soo daayaan.

Waa markii 3aad oo video noocaas ah ay soo daayaan, waxaana la rumeysan yahay ilaa 219 ay weli hestaan.

CIIDAMADA AMISOM OO QARAX MIINO LAGULA BEEGSADAY DEEGAANKA LEEGO EE GOBOKA SHABEELAHA HOOSE

Wararka ka imaanaya Deegaanka Leego oo ka tirsan Goboka Shabeelaha Hoose ayaa ku war amaya in Qarax Khasaare geystay lagula beegsaday halkaas Kolonyo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu qabsaday gaari ka mid ahaa Kolonyada Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee xilligaasi maraayay wadada,

Kolonyada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka Ambabaxeen Deegaanka Balidoogle oo ay sahay ka qaadeen islamarkaana ay kusii jeedeen Deegaano ka tirsan Gobolka Baay.

Warar lagu baahiyay Baraha Alshabaab ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay qarax miino la eeg teen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom islamarkaana ay Gubeen Mid kamid Gaadiidka Ciid amada Amisom.

KOLONYO GAADIIDKA AMISOM OO QARAX LAGULA BEEGSADAY GOBOLKA SHABELLAHA HOOSE

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, Kolonyo gaadiid ka Amisom ayaa qarax Khasaare geystay waxaa lagula beegsaday Gobolka Shabellaha hoose.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa la sheegay in gaadiidkaan lagula beeg saday inta u dhaxeysa Deeganada Leego iyo Balidoogle oo Shabellaha hoose ka tirsan.

Dad deegaanka ah ayaa xaqiijiyay mid ka mid ah gaadiidka ciidamada Amisom inay qabsatay Miinada, halkaasina uu Khasaare ka soo gaaray ciidamada Amisom.

Wararka waxa ay sheegayaan gaadiidkaan oo ka soo ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Balid oogle inay ku sii jeedeen deegaano ka tirsan Gobolka Baay, balse wadada ay ku qabsatay Miinad aasi.

Maamulka Deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha hoose oo aan la xiriirnay ayaa ka gabs aday inay faahfaahin ka bixiyaan Qaraxan lala beegsaday ciidamada Amisom.

Waxaanan si dhab ah u cadeyn Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ciidamada Amisom ka soo gaaray qaraxaasi shalay barqadii lagula beegsaday Wadada xiriirisa Leego iyo Buur hakabo.

Inta badan ciidamada Al Shabaab ayaa qaraxyada noocaan oo kale ah u dhiga kolonyada gaad iidka Amisom ee wadadaasi ku safra.

FAAHFAAHIN:DUQEYN DIYAARADEED OO LAGU DILAY HOGAAMIYAYAAL SAR SARE OO KA TIRSAN XARAKADA ALSHABAAB

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ciid amada Danab oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah in ay weerar ku qaadeen Fariisin ay Alsh abaab ku lahaayeen degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe ee Koonfurta Dalka Soomaliya.

Duqeyn dhacday ayaa la sheegay in lala beegsaday saldhig ay Xarakada Alshabaab ku leeyih iin degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.

Duqeynta ayaa la sheegay in qasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay warar madax Banaan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay Hogaamiyihii Alshabaab ee Abu Ubeidah aka Diriye oo ka qeyb galayay kulanka Golaha Shuurada Alshabaab,

Weerarka duqeynta ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dilay 3kamid kuxigeenada Hogaamiya ha Xarakada Alshabaab Abu Ubeidah aka Diriye uuna kamid yahay afhayeenka dhanka Howlgalada Alshabaab sheikh C/casiis abuu Muscab.

Hogaamiyaha kale ee duqeynta lagu dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Abu Omar iyo labo aja anib ah oo nolosha lagu qabtay oo ku sugnaa kulan weyn ay isugu yimaadeen Hogaamiyayaasha sar sare ee Xarakada alshaabaab oo ka dhacay degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo gaaraya 30askari oo ka Tirsan Xarakada al-shabaab in lagu dilay duqeynta ka dhacday degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.

Ilaa hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowlada soomaliya iyo alshabaab oo lo ogu hadlaayo duqeynta ka dhacday degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe, iyo wararka sheeg aya in la dilay Hogaamiyihii Xarakada Alshabaab Axmed Diiriye oo dhanka alshabaab loogu yaqaano Abu Ubeidah .

CIIDAMO DOWLADDA SOOMAALIYA KA WADA TIRSAN OO KU DAGAALAMAY CADAADO

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado oo xarun KMG ah u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor’imaad Khasaare sababay ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Milateriga Somalia.

Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyoodeen 4 ruux halka war arka qaarna ay sheegayaan in ay ku dhinteen 2 ruux oo ah dhinacyadii dirirta halkaasi ku dhexmar tay.

Sidoo kale ayaa waxaa dhaawac uu soo gaaray 6 ruux kuwaasoo la geeyay Isbitaalka Magaa lada Cadaado.

Sababta keentay Dagaalka ayaa lagu sheegay muran ka dhashay Mushaarka Ciidamada oo qa arkood ay ka cabanayaan in aysan mudo dheer Mushaar qaadan iyo kuwa Mushaar la siiyey.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in hada ay xaaladda degantahay oo uu jogsa day iska hor’imaadkii halkaasi ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Milatariga Somalia.

Waa markii labaad oo Magaalada Cadaado uu dagaal ku dhex maro ciidamada dowladda Soomaaliya

UGAASKA BEELAHA DIREED OO JIBRIIL IBRAAHIM CABDULLE KA CODSADAY IN UU ISKU SOO TAAGO DOORASHADA SOOMAALIYA

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Adan Ugaas Xuseen oo ah Ugaaska Beelaha Direed ayaa xilli uu u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu baaq u jeediyay Jibriil Ibra ahim Cabdulle.

Waxaana uu Ugaasku ka dalbaday Mr Jibriil Ibraahim Cabdulle in uu isku soo taa go doorasha da Madaxtinimo ee Soomaaliya.

" Soomaaliya waxa ay horay hoggaankeeda u dooratay shaqsiyaad aan la hubin wax qabadkoo da balse Jibriil uu yahay qof ay ka war hayaan bulshadu wax qabadkiisa” ayuu yiri Ugaas Cabdullaahi Ugaas Adan.

Ugu dambeyn Ugaaska ayaa cadeeyay in Jibriil Ibraahim Cabdulle uu horay uga qeyb qaatay xallinta dagaal beeleedyo ka aloosnaa qaar ka mid ah Gobollada dalka.

IMAAM IYO KAALIYAHIISA OO LAGU DILAY MAREYKANKA

Waxaa magaalada Newyork lagu dilay Imaam masjid iyo kaaliyahiisa kadib markii weerar lagu qaaday, arrintaas oo ka careysiisay jaaliyadda Muslimiinta ah gaar ahaa dadka ka soo jeeda Bangal dish.

Imaamka iyo ninka kale ayaa lagu dilay sabtidii Ozone Park oo ka tirsan Queens, Imaamka oo 55 jir ah waxa lagu magacaabaa Maulana Akonjee halka nin kale oo 64 jir ah lagu magacaabo Thara Uddin.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen qof hubeysan oo goobta ka baxsaday, labadooda dagaal ayaa laga toogtay, intaa ayaa la raaciyay.

ALSHABAAB OO ISKU KHILAAFAY SARKAAL MAALIN KA HOR LOOGA DILAY DULEEDKA DEGEMADA BELEDWEYNE

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ka dhax oogan Tahay Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ku kala sugan Deegaannada LuuqJeeloow iyo Buqaqable ee Galbeedka Gobolka Hiir aan, kaddib markii Malleeshiyaad Taamacsan Dowladda federaalka Somalia ay dileen sarkaal ka tir sanaa.Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab deegaanka Luuqjee loow ka kaxeysteen Tiro xoolo ah oo shacabkii lahaa ay ku eedeeyeen in ay isku hayb yihiin ama Taageero u fidiyeen maleeshiyaadkii dilay sarkaalkooda oo lagu magacaabi jiray Cabdi Aadan.

Xoolahan. ayaa la sheegay in ay u kaxeysteen dhinaca deegaanka Buqaqable, hasse ahaatee waxaa arintaa ka biyodiiday isla xoogag kale oo ka tirsan Alshabaab, taasoo keentay in labada dhi nac uu soo kala dhaxgalo kala shaki iyo wax u eg xiisad dagaal, sidda ay warbaahinta u sheegeen dad rayid ah oo ku sugan deegaannada ay maamulaan Alshabab. Sarkaalka iyo xubo kale oo lala di lay ayaa lagu eedeeyay in ay ka dalbeeyeen gowraca nabadoon lagu magacaabi jira Cali Santuur, waana tan keentay in maleeshiyaadka Nabaddoonka ku haybta ahaa ay si gaar ah u beegsadaan xubnahan tirsanaa Alshabaab ee la dilay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhinacyada Alshabaab ee deegaanadaas isaga soo hor jeeda u abaabulan yihiin hab qabiil.

Maamulka gobolka Hiiraan, ayaa sheegay dhinacooda in maleeshiyaadka weerarka ka geystay deegaanka Luuqjeeloow iyo ciidammada dowladda iska war hayeen, isla markaana gacan ku siiyeen inay ku guuleystaan Hawlgalkooda.

Ugu danbeyntii, inkastoo ciidammada dowladda ay maamulaan inta badan degmooyinka iyo de egaannada gobolka Hiiraan, haddana Alshabaab waxaa ay wali gacanta ku hayaan koontaroolka deegaano cayiman ballse la oran karo waa kuwo muhiim u ah isku socodka gobolka.

DADWEYNAHA MAGAALADA BURCO OO BIYO YARAAN KA CABANAYA

Dadweyne ku dhaqan magaalada Burco ayaa ka cabanaya biyo yaraan soo waajhaday magaa lada 6dii bilood ee ugu dambeysay noloshoodana saamayn xoog leh ku yeelatay.

Dadweynahan oo labo jeer oo kala duwan la hadlay warbaahinta, ayaa waxay sheegeen in lix dii bilood ee ugu dambeysay ay ka cabanayeen biyaha ay booyaduhu keenaan magaalada oo qiim ohoodu aad u sarreeyo marka loo fiiriyo hayntooda dhaqaale.

Cabdi Warsame oo ka tirsan odayaasha Burco ayaa sheegay in qoyskiisa ay nolol ahaan taabatay biyo yaraanta ka jirta Burco, " Waxaan ka cabanaynaa biyo yaraan oo maba helno gaar aha an Lixdii bilood ee ugu dambeysay, waxa dhacda In booyadda dalabka ah nagala daahdo inay biyo noo keento qaali haba ahaatee way la daahaysaa oo meel durugsan ayay ka soo dhaaminayaan” ay uu Sheegay Cabdi Warsame .

Cabashadan biyaha ayaa todobaadkii hore mar odayaal la kulmeen maareeyaha wakaaladda biyaha Burco oo ay weydiiyeen biyo yaraanta waxa sababay uu ku sheegay in labo ka mid ah afar ceel oo magaaladu biyo ka helaysay muddo dheer ay hadda ciladoobeen, balse waxa uu ballan qaa day in si degdeg ah loo dayactiri doono. Laakiin waxay odayaashani warbaahinta u sheegeen inaa nu waxba ka qabanin maareeyuhu ballanqaadkii uu sameeyay.

10 CARUUR AH OO KU GEERIYOOTAY DUQEYN LALA BEEGSADAY ISKUUL AY DHIGANAYEEN

Takhaatiirta aan Xuduudda laheyn ayaa sheegtay in Duqeyn ka dhacday Iskuul ku yaal magaa lada Sacda ee Waqooyiga Yeman, ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 caruur ,Laakiin dhinaca Dawl adda Yeman weli wax bayaan ah kama ay soo saarin weerarkaa lagu laayay caruurta.

Afhayeenad ku hadashay magaca Ururka Takhaatiirta aan Xuduudda laheyn, ayaa sheegtay In ay Indhaheeda ku aragtay meydadka 10 Caruur ah iyo 28 kale oo dhaawac qaba oo horyaal Iskuulkii ay dhiganayeen.

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa lagu soo bandhigay meydadka caruurtaasi iyo kuwa dhaawac gaaray,waxaana falkan lagu tilmaamay jariimad aad u fool xun oo lagu maatada.

Warbxin ay soo saartay Qaragamada Midobay ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu bilawday daga alka Yeman ay ku dhinteen 6400 qof oo u badanaa dad rayid ah.

sharrrrddoooShabelleRelief and Development

Organization (SHARDO)

OGEYSIIS OGEYSIISOGEYSIIS

KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:

sharrrrddoooShabelleRelief and Development

Organization (SHARDO)

OGEYSIISOGEYSIISOGEYSIIS

KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:

SHARDOwaaururSoomaaliyeedoofaa'iidodoonahayn, kanashaqeynaayaywadankamudokabadan20sano.MashaariicdaururkaSHARDOuuuqabtowaxaaka mid ah:Tababaradaxifradahashaqoabuurka,Caafimaadka,Nafaqeynta,Waxbarsashada,iyomashaariickaladuwan.

UrurukaSHARDOwuxuuhaddahayaafursadocusubookaladuwansida:-

1. Tailoring and tie and dye (harqaaniyonaqshadeentadharka)

2. Electricinstallation (Korontaxirid)

3. Fish Vender (KalluunDubis)

SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:

Hadabahaddiiaaddooneysidinaadbaratidxirfadahaasamabartid(BaramaBaro)

Ardaygiirabobarashadaanmid ka mid ah3-daxirfadoodwaxaalagarabaa

· Waa inuuyahaySoomaali

· Waa inuuda'diisuudhaxeysa18ilaaa35jir

· Waaninuusoocodsadaaxirfadahaaansoosheegnaymidood

· Waa in ay kago'antahaybarashadaiyodhameysashadaxirfadauusoocodsaday

· Waa inuujiriyomaskaxbacaafimaadqabo

· Waa inuusanwaxdambiah kagalinbulshada

· Waa inuulayimadaaqofdamiinah

· Waaninuukushaqeeystaaxirfadalabaraykadibmarkuubarto

· WaainuuyaqaanoaqriskaiyoqoristaafkaSoomaligaiyoxisaabtaasaasigaah

· Waa inuudeganyahaygobolkaBanaadir

FIIRO GAAR AH:

· BarashadaharqaankaiyonaqshadeentadharkaiyoKallundubistawaxaakaliyasoocodsankaraDUMARKAookaliya

· BarashadaxirfadakorontadawaxaasoocodsankaraRaggaookeliya

QofkiidhameystabarashadaxifradahaaansoosheegnaymidoodururkaSHARDOwuxuusiindoonaaAGABKIIuukushaqeysanlahaaiyoSHAHAADO.

Qofkiidaneynaayofursadahaaswaainuulayimaado4xabosawirtesstaroahiyogalamafayl.

 

SHURUUDAHA BARAHA LOOGA BAAHAN YAHAY:

WaxaansidookaledaneynaaMacalinamabareoobixiyadaruustaKallundubista(Fish vender)

MACALINKA XIRFADAKALLUN DUBISTAAYNU SOO SHEEGNAY WAXAA LAGA DOONAYAA:

· Waa inuuheestaaqoonsigaCadeynayaaqoontauuxirfadaanuleyahay(SHAHAADO)

· Waainuuqibraddheeruleeyahaymacalinimadamuddoaankayareen2sano

· Waa inuulayimaadoCV,Warqadcodsi,Galiyo4sawirootestaroah

AraaajidawaxaalagusoohagaajinkaraxafiiskaSHARDO aykutaalodegmadaSHIBISgaarahaanxaafadaBEYXAANE.

Qabashadaaraajidawaxaaysocondoontaaintaudhaxeysa15-kailaa27-kaAugust2016.Dadkalaqabanaayoweyxadidanyihiineehorayugaar.

 

 

Wixiifaahfaahindheeraadahwaxaadkalaxiriirikartaantalefanadaanhooskuqoran

0617020887/0615546938/0615598993

amaE-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:

Ogeysiis muhiim ah ay kuu heeyso 

hey’adda DAI

Somali Business Catalytic Fund: Business Matching Grants Program - Round 1

Request for Concept Papers

WOLD BANK GROP.png DAI NAASIR.png

SCORE

Somali Core Economic Institutions and Opportunities Program

 

 

 

Somali Business Catalytic Fund: Business Matching Grants Program - Round 1

Request for Concept Papers

Development Alternatives Inc. (DAI) is managing the World Bank funded Somali Business Catalytic Fund program across the Somali peninsula. Theobjective of the fund is to catalyze Somaliland entrepreneurship into businesses which provide long-term benefits to the economies of Somalilandand boost economic growth by establishing and expanding profitable businesses, strengthening business productivity through funding the development of business and technical services, as well as stimulating financial sectors to provide financial services for businesses.

DAI invites local companies from Somaliland

Title

Somali Business Catalytic Fund Program (SBCF)

Issuing Office

DAI/Somali Business Catalytic Fund Program

Head Office: Behind the Ministry of Labor and Social Affairs, Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland

To download application form

visit www.SomaliBCF.com

Any questions please email

Somaliland: Somaliland.sbcf@gmail.com

Submit Concept Papers to

Respond via e-mail to: CatalyticFund@dai.com.

Date of Issue

July 24, 2016

Date questions due (optional)

Time: By 5:00 PM local time. Date: August 25, 2016

Date Concept Paper Due

Time: By 5:00 PM local time. Date: August 25, 2016

Type of Award

Both small grants ($10,000 - $50,000) and large grants ($50,001 - $150,000) will be awarded to Somali businesses from any productive sector of the economy (such as crop agriculture and agro-processing, livestock, fisheries, manufacturing, business services etc.) that have innovative and sound business ideas to generate local employment. Grants will be available to fund asset and/or working capital investments.

 

Selection and Eligibility Criteria

Concept notes will be reviewed by the selection committee to select a short list of firms who will be invited to submit a full business proposal. Minimum eligibility requirements for concept note applicants include:

1. A business or financial institution registered in Somaliland

2. Proven track record in operation;

3. Concept note demonstrates outcomes and results linked to program’s objectives

 

Basis of Award

Final grant award will be made on the basis of a competitive analysis of each project’s economic growth and development impact, job creation, technical feasibility, financial viability and cost effectiveness, market analysis, business management and technical experience, and amount of cost-share contribution.

 

Small grant requests require a minimum grantee contribution of 50% of total project cost, and large grant requests require a minimum grantee contribution of 100% of total project cost.

to apply for the World Bank/Somali Business Catalytic Fund. Successful Concept Papers will be invited to submit full grant applications in August. DAI expects to fund up to 45 grants (depending on funding availability).

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip