"Shirka ma aha mid maamul loogu dhisayo gobolka Banaadir ee waa mid lagu dhisayo maamulada labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraa mana jirto sabab loogu wareejiyo shirka magaalada Muqdisho.”ayuu yiri Daa’uud Xaaji Cirro afhayeenka gobolka Sh/dhexe.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in qaar kamid ah ergooyinka shirka ka qeybgalaya ay ku sugan yihiin magaalada Jowhar muddo dheerna ay joogeen maamulka gobolka Sh/dhexena uu tixelinayo wareegtadii ka soo baxday madaxweynaha bishii December 2015.
"Gogosha shirka ee labada gobol ee magaalada Jowhar waxa ay ku soo baxday wareegto Madaxweyne oo magaalo madaxda labada gobol loogaga dhigay Buuloburte halka goobta shirkana looga dhigay magaalada Jowhar madaxweynahana uu si rasmi ah u furay bishii Janaayo 2016.”ayuu sii raaciyay afhayeenka gobolka Sh/dhexe Daa’uud Xaaji.
Warkan ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa yimid kadib markii ay heshay shabakada warbaahinta jowhar.com qorshaja shirka loogu wareejinayo magaalada Muqdisho.
Sidoo kale ilo wareedyada ayaa sheegay in soo wareejinta gogasha shirka ay tahay mid lagu doonayo in lagu qanciyo qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan oo diiday inay ka qeybgalaan shirka labada maamul ee gogoshiisu ay tiil magaalada Jowhar.
Qorshahan cusub ee shirka ayaa yimid kadib markii dhowaan kulankii ay ku yeesheen magaalada Muqdisho madaxda dowlada federalka iyo madaxda maamul goboleedyada kuwaasoo ku baaqay in la soo dhiso maamul goboleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Shirka laga yaabo in magaalada Muqdisho uu ka dhaco ayaa ka duwan kuwii hore ee maamulada loogu sameynayay dalka iyadoo lagu doonayo in la si deg-deg ah lagu soo dhiso maamulka labada gobol si doorashooyinka dadban ay uga dhacaan maamulka cusub.
Maamulka Sh/dhexe oo beeniyay in shirka maamul u sameynta laga rarayo Jowhar
Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa beeniyay warar sheegaya in shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan laga rarayo magaalada Jowhar loona wareejiyay magaalada Muqdisho.