WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH KHAMIIS 11-KA AGIISTO 2016-KA

0
Thursday August 11, 2016 - 10:05:52 in Wararka by
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH KHAMIIS 11-KA AGIISTO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY TAAGEERADA DAWLADA IMAARAADKU AY SIISO SOMALIYA Madaxweynaha somaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu la kulmay Mohammed Ahmed Al Othman, oo ah safiirka dawlada Imaaradka ee Somalia. Lab a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO SOO DHOWEEYAY TAAGEERADA DAWLADA IMAARAADKU AY SIISO SOMALIYA Madaxweynaha somaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu la kulmay Mohammed Ahmed Al Othman, oo ah safiirka dawlada Imaaradka ee Somalia. Lab ada masuul ayaa intii uu socday kulan ay ku qaateen magaalada Muqdisho waxaa ay kawada hadleen xiriirka dawladaha Somaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo hormaradii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami iyo sidoo kale danaha labageesoodka ah ee ka dhexeeya dowladaha Somaliya Imaraadka.

 

Madaxweyne Hassan Sheikh Mahmoud ayaa muujiyay sida uu ugu mahadcelinayo dawlada UAE iyo taageeradii ugu dambaysay oo dhinacyo kala duwan ah oo ay siiso Somaliya.

Safiirka Imaaraadka ayaa ugu dambayntii dhiniciisa u mahadceliyay madaxweynaha Somaliya dadaalka uu ugu jiro sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

QARAX CIIDAMO KA TIRSAN DOWLADDA FEDERAALKA LAGULA EEGTAY DEGMADA AFGOOYE

Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warra maya in Bam Gacmeed khasaaro geystay shalay lagu weeraray Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmadaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay in inta badan xaafadaha degmada Afgooye si weyn looga maqlay iyadoona masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Afgooye oo Shabelle la hadlay ay beeniyeen in uu jiro khasaaro ka dhashay Qaraxaasi.

Waxaana maamulka degmada Afgooye meesha ka saareen in Qaraxaasi ay ka dambeeyaan xarakada Al Shabaab balse waxa ay ku eedeeyeen in ay geysteen kooxo maamulku ku sheegay bur cad oo qal qal gelinaya Nabad Gelyada degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo Shabelle iyana qadka Taleefanka kula hadashay ayaa sheegya in Qaraxa 2 qof oo mid Askari yahay kan kala shacab yahay ay ku dhaawacmeen Qara xaasi.

Mana jirto cid sheegatay Masuuliyadda Bam Gacmeedkaasi shalay lagu weeraray Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala degmada Afgooye

ILHAAN CUMAR OO KU GUULAYSATAY KURSIGA BAARLAMAANKA MINNESOTA EE DEGMADA 60B

Ilhaan Cumar oo ah gabar Somaliyeed ayaa si hordhac ah loogu sii caleema saaray in ay noqoto xildhibaanka Barlamaanka Minissota u matali doona degmada 60B ka dib tartan adag oo ay lagashay mushariixiin kala duwan.

Gabadhan ayaa ka guulayasatay haweeynayda mudada dheer kursigan ku soo fadhiday ee Phyllis Kahn iyo waliba Maxamuud Nuur oo ah wiil Soomaaliyeed ,kaasi oo isna loolan adag u soo galay sidii uu ugu guulaysan lahaa kursigan.

Mar ay la hadlaysay taageerayasheeda oo ay ku jiraan bulshada Somalida ah ee Maraykanka degan ayaa waxa ay u mahadcelisay cid walba oo ka qaybqaadatay guushan oo ay ku sheegtay in ay tahay taariikh cusub.

"Taageeradiina ayaa keentay waxaan oo guul ah ,waxaan marar kala duwan ka soo qaybga lay ololayaal caynkan oo kale ah ,balse wali ma arkin koox ka wanaagsan kooxda ololaha doora shadayda " ayey tiri Ilhaan Cumar.

"Waxaan rabaa in dhamaantiin aan idin xasuusiyo in aysan jirin cid niyadda ku haysay in guu shan oo kale aan gaari karno,waxaana jiray bilowga ololahayga kuwa igu yiri ma guulaysan kartid, mararka qaarkood sababo aan ku aamini karay ayaa jiray " ayey mar kale tiri Ilhaan oo ay ka muuqatay shucuurta guusha.

"Dhamaanteen waxaan halkan isugu nimid in aan aaminno samaynta taariikh macquul ahayd oo ah in qof Somali ah ku guulaysato kursigan ,waxaan rabaa in halkan aan uga sheego in aan ma talayo bulsho aaminsan isbadalka " ayaa kamid ah hadalada xildhibaanadda oo ay garab tagnaaye en qaar kamid ah qoyskeeda.

"Waxaan u baahannahay hogaamiyayaal badali kara bulshadeena ,waxaa jira dhalinyaro tiro badan oo shaqo la’aani ay hayso " ayuu yiri Xasan Cabdi oo kamid ah Soomaalida Minneapollis ,ka asi oo markii ugu horeysay codkiisa dhibtay daraad.

"Marka la joogo wadankaygi hooyo ,Ragga ayaa ku awood badan dhinac kasta ,tani waa fur sadda kaliya ee aan ku muujin karno in haweenka ay samayn karaan wax walba oo ay raggu awood aan " ayuu mar kale yiri ka dib markii uu codkiisa ka soo dhiibtay Brian Coyle.

Ayuub Shariif oo isna codkiisa ka soo dhiibtay halka lagu magacaabo CedarRiverside ayaa sheegay in uu usoo codeey Ilhaan ,isaga oo xusay in hadda ka hor ay ka caawisay in qoyskiisa uu ka soo dhoofsado dalka Kenya . Maxamed Jaamac oo la taliye dhinaca ololaha u ah Ilhaan ayaa sheegay in ay dhici karto in dadka codaynaya aan la siinin tilmaamihii saxda ahaa ee doorashada isaga oo cabasho arinta la xiriirta u gudibiyay garyaqaanka jooga Brian Coyle Center oo ah halka ay dadbadani codadkooda ka dhibanayeen.

Ugu danbayn ,Soomaali badan ayaa siyaabo kala duwan u soo dhaweeyay guusha Ilhaan Cumar ee xisbiga dimuqraadiga,waxaana lagu wadaa in doorashooyinka guud oo dhici doona bisha Novembar ay si rasmi ah u noqoto xildhibaanadda barlamaanka Minisota u matali doonta degmada 60B.

INGIIRSKA OO RAADINAYA ISBAHAYSI CUSUB KADIB KA BIXITAANKII MIDOWGA YURUB

Dawlada Ingiriiska ayaa Ruushka kala hadlaysa sidii loo hagaajinlahaa xiriirka labada dal oo mudooyinkii u dambeeyay aan ahayn sidii loobaahnaa.

Raisul wasaaraha dalka Britain Theresa May ayaa xiriir dhinaca Telefonka ah lasamaysay madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin markii ugu horaysay tan iyo markii ay noqotay Raisulwasaaraha.

Labada hogaamiye ayaa isla qiray in xiriirka labada wadan uu ahaa mid aan wanaagsanayn waxaana ay balan qaadeen in ay hormarinayaan xiriirkooda.

Hogaamiyaashaan ayaa ku balamay in ay ku kulmaan bisha soo socota dalka China halkaas oo uu ka dhicidoono shirka wadamada G20

C/KARIIN GUULEED OO KA SOO HORJEESTAY IN PUNTLAND LABO XUBNOOD LOOGU DARO AQALKA SARE

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah qodobadii daraad laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

C/kariin Guuleed oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhoweynayay oo ka dhacday magaa lada Gaalkacyo, halkaasoo uu shalay gaaray, ayaa sheegay inuusan ku waafaqsaneyn Madaxda Madasha labada xubnood ee Puntland loogu kordhiyay xubnaha Aqalka sare.

"Waxaa rabaa inaan ka hadlo arrimaha siyaasada, dalka waxaa ku soo fool leh doorashooyin iyo is bedel dhinaca siyaasada, Galmudug xubno fir fircoon ayay ka tahay arrimahaas, dhamaan shir arkii madasha si dhameystiran ayaa uga qeyb galnay, laakiin go’aanadii shirkii Madasha ee ugu dambeeyay qodobka ku saabsan in labo xubnood oo dheeri ah loogu kordhiyo Puntland, arrintaas hadaa nahay reer Galmudug ma waafaqsani”ayuu yiri C/kariin Guuleed.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in aanu ka qeyb gelin shirkii Madasha ee daraad Muqd isho lagu soo gaba gabeeyay, arrimo caafimaad awgeed, balse wafdi uu hoggaaminayay Mada xweyne kuxigeenka Galmudug ayaa matalayay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aan Ciidamada Milateriga Kumaa ndooska ee dhowaan gaaray magaalada Gaalkacyo aan wax wada tashi lagala soo sameyn, isagoo xusay in muhiim tahay in laamaha amniga maamulkiisa iskaashi lagala sameeyo marka lala dagaa lamayo argagixisada sida uu yiri. War murtiyeedkii laga soo saaray madasha Wadatashiga qaran ayaa qodob ka mid ah dhigayay in xubnihii la siiyay Somaliland in saddex xubnood laga jaro, labo ka mid ah la siiyo beelaha dega Sool, Sanaag Bari hal xubin la siiyo Buuhoodle, taasoo macnaheedu yahay in Puntland labo xubnood dheeraad loogu daray.

Hase ahaatee Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa ka soo horjeestay in xubnaha laga jaray Somaliland ee ahaa 11 xubnood laga jaray 3xubnood, inkastoo markii dambe la sheegay in labo xubnood loogu daray.

Aqalka sare Baarlamaanka ayaa hada tiradiisu tahay 58 kursi, halka markii hore uu ka ahaa 54 kursi, Gobolka Banaadir ayaa labo xubnood laga siiyay beelaha banaadiriga, iyadoo daraad labo lagu kordhiyay Somaliland, oo markii hore 3 laga jaray.

MADAXWEYNAHA OO AQBALEY MAGACAABISTA WASIIRU DOWLAHA CADAALADDA JENERAAL MUUNGAAB

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa oggolaadey soo jeedinta magic aabista Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu aqbalay soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha ee aheyd magacaabista Jeneraal Muung aab.

Madaxweynaha oo tixraacaya soo jeedintaasi ayaa rasmi ahaan u oggolaadey una saxiixay soo jeedintaasi oo dhaqan gashey daraad oo taariikhdu ahayd 09, August, 2016.

S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015.

Sidoo kale waxaa uu horay u soo noqday Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir u maacaabay Wasiiru dowlaha Cadaaladda, waxaana magacaabidan ku soo aaday, iyadoo dowladda waqtigeeda gabaabsi yahay, lana filayo in dhamaadka sanadkan ay doorashooyin ka dhacaan dalka.

SHIRKADA TOSHIBA OO HESHIIS LAGU SOO SAARAYO TAMARTA GEOTHERMAL LA SAXIIXATAY JABUUTI

Dr. Qayaad Muuse oo katirsan xafiiska ODDEG iyo Mr. Toyoaki Fujita oo ka tirsan Toshiba ka dib wada saxiixashadii heshiiska

Shirkada Toshiba oo sidoo kale caan ku ah soo saarida tamarta Geothermal ayaa heshiis la sixiixatay dalka Jabuuti kaasoo lagu soo saarayo tamartaa.

Shirkadaa iyo dawlada Jabuuti ayaa daraad kala saxiixday heshiiskaas oo lagu horumarinaa yo tamarta noocaa ah gudaha Jabuuti. Shirkadaa Toshiba ayaa fadhigeedu yahay dalka Jap an.Waxaa heshiiska dawlada Jabuuti u saxiixay xafiiska Horumarina Tamarta Geothermalka ee Jab uuti ee marka magaciisa lasoo gaabsho loo yaqaano ODDEG.

Toshiba ayaa kasokow hawlo kale mashruucaa u tababari doonto shaqaale si wanaagsan uga soo bixi kara hawlaha mashruuca.

Xafiiska ODDEG ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 2014 wuxuuna si toos ah uhoos tagaa xafiiska madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele.

AHLUSUNNA OO MAS’UULIYIIN MAAMULKOODA KA TIRSAN KUX IRTAY MAGAALADA DHUUSAMAREEB

Guddoomiyihii hore ee Degmada Dhuusamareeb Axmed Macalin C/llaahi iyo Xubno kale, ay aa lagu soo waramayaa in Ciidamada Maamulka Ahlusunna ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xaru nta Gobolka Galgaduud, ay xabsiga u taxaabeen, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa.

Sidoo kale masuuliyiinta xabsiga loo taxaabay, ayaa waxaa ay wararku sheegayaa in ay ka mid yihiin kuwo hadda ka tirsan maamulka.

Xubanaha, ayaa waxaa la sheegayaa in lagu wargaliyay in ay xabsi yihiin, iyadoona aan loo sheegin sababta loo xirayo, sida ilo wareedyo ay u xaqiijiyeen Radio Dalsan, xafiiska Magaaladda Cadaado.

Ma jirto war kasoao baxay masuuliyiinta Ahlusunna ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarun ta Gobolka Galgaduud.

MADAXWEYNAHA JABUUTI ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO LA KULMAY GANACSATO SOOMAALIYEED ..

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qasriga Madaxtooyada ee Jamhuuriya da Jabuuti ku qaabilay Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Nuur Jimcaale oo ah Guddoomiyaha Golaha.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku dhaafsaday fikrado kala duwan iyo talooyin, iyadoo Madax weynaha Jabuuti uu ka mahad celiyay horumarka ganacsi ee ay ku tallaabsadeen.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa kula dar daartay Ganacsatada sidii ay isugu xirmi lahaayeen, isla markaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo kulanka markii uu soo dhamaaday saxaafada uga warbixiyay ayaa sheegay in Madax weynaha Jabuuti ay uga mahad celiyeen waxqabadkiisa, iyo baaqiisa ku aadan in Ganacsatada Soomaaliyeed ay Jabuuti ganacsiyo ka furtaan.

Sheekh Axmed Nuur Jimcaale ayaa sidoo kale uga mahad celiyay madaxweynaha Jabuuti garab istaaga iyo taageerada uu u muujiyay Ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo xusay in markii Gol aha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed xafiiska ka furteen Jabuuti sanadkii 2007 ay Ganacs atadu ku tallaabsadeen horumar kala duwan.

Ugu dambeyn shirweynaha Golaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliyeed ee ka dhacay dalka Jabuuti ayaa waxaa mar kale Guddoomiye loogu doortay Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo bishii hore laga saaray liiska waxa loogu yeero argagixisada.

CIIDANKA DOWLADDA OO GACANTA KU DHIGAY SARKAAL AJANABI AH OO AL SHABAB KA TIRSAN.

Amaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka S/Guuto Cali Baashir Xaji Maxame, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubanaha Al Shaabab ka tirsan lagu xiray magaaladda Gaalkacyo.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa uu sheegay in uu ka mid yahay Siciid Cabdullaahi Abuukar Al Suudaan oo AlShabaab u qaabilsan Qaraxyada.

Sarkaalka ay sheegeen dowladda in ay gacanta ku dhigeen ayaan la ogeyn wadanka uu u dhashay, balse dowladda waxaa ay xaqiijisay in uu yahay Ajanabi

Dhinaca kale waxaa uu sheegay Amaanduulahu in howgallo gaar ah ay ciidamada kumaan dooska soomaaliya ay ka wadaan magaaladda Gaalkacyo labadeeda dhinac, ayna ku beegsanayaa Al Shabab.

Dhawaan ayeey aheed markii ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, la sheegay in ay ka bila abeen Magaaladda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, howgallo aad u balaaran

KU DHAWAAD 180,000 DHALINYARADA DUGSIYADA DALKA KENYA OO QABA CUDURKA HIV

War uu soo saaray Kaaliyaha Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada dalka Kenya Marg aret Mwirigi ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 180,000 dhalinyarada dugsiyada ay qabaan cudurka HIV halka 75.600 ka mid ah aysan helin daawada ka hortaga cudurka ee ARV.

Sarkaal ka Tirsan Guddiga illalada qaran ee ka hortaga Aids (NACC) ee dalka Kenya ayaa sheegay in 14 kamid ah dhalinyrada qabta cudurka ay maalin walba u dhintaan dhibaatooyinka cudurka HIV halka 98 la qaadsiiyo cudurka.

Kuwani waa ardaydeena dhamaadka shirkan ku dhawaad 500 ayaa u dhiman karaan cudur ka, "ayay tidhi, waxay intaa ku dartay kaliya in inyar oo ka mid ah dhallinyarada laga baaro HIV iyadoo waalidiinta u qabaan in carruurtooda aan ku hawlaneen galmada hore oo aynaan qabin HIV.

CIIDAMADA KUMAANDOOSKA SOMALIYA OO HOWLGAL KA SAMEEYAY MAGAALADA GAALKACYO EE GOBOLKA MUDUG

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Somaliya ee Danab, ayaa shalay Howlgal ka sameeyay xafadaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyagoo kusoo qabtay 5nin oo mid kamid ah uu yahay ajanabi.

Dhammaan raggaan, ayaa waxaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, sida uu Wakaaladda Wararka SONNA uu u xaqiijiyay Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Abaan Duulaha, ayaa sheegay in ninka ajnabiga ee la qabtay lagu magacaabo Saciid Cabdalla Abuu Bakar Al Sudani, isagoo intaa ku daray inuu u dha shay dalka Suudaan, looguna shakisan yahay Alshabaab.

ISRA’IIL OO XABSIGA DHIGTAY SARKAAL FALASTIIN AH OO U SHAQEEYA UNDP

Maamulka Yahuuda ayaa xa bsiga dhigay Sarkaal u shaqeeya UNDP, kaasi oo ay ku eed eeyeen inuu xiriir la lahaa Ururka Xamaas ee Falastiin.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Waxiid Borsh ayey sirdoonka Yuhuuda ku eedeeyeen inuu si hoose ulla shaqeynaayey ururka Xamaas ee ka taliya Marinka Gaza.

Isra’iil ayaa sheegtay in sarkaalkan iyo xubno kale oo Falastiiniyiin ah oo u shaqeeya UNka ay mashaariicda hay’adaha ay ka shaqeeyaan si gaar ah ugu taakuleyn jireen xubno ka mid ah Xisb iga Xamaas ee ka arrimiya dhulka Gaza oo ay hay’ada UNDP ka waday mashaariic dib u dhis ah.

Arrimaha ay ku eedeeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa inuu dib u dhis u sameeyey guryo ay leeyihiin saraakiil ka tirsan Xamaas.

Balse Ururka Xamaas ayaa beeniyey eedeynta Isra’iil kuna tilmaamay shirqool ay Isra’iil doon eyso inay ku horjoogsato mashaariicda horumarinta ee UNDP ka wado deegaanka Gaza oo ku jira go’adoon ay saartay dowlada Yuhuuda.

Hay’ada UNDP ayaa walaac ka muujiyey xariga sarkaalkaasi u shaqeeya iyadoo sidoo kale sheegtay inay baareyso eedeynta Isra’iil.

BAN KIMOON: WAAN SOO DHAWEYNAYAA JADWALKA LOO DHIGAY DOORASHOOYINKA SOMALIA EE 2016

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban KiMoon ayaa soo dhaweeyay jadwalka door ashooyinka Soomaaliya ee dhawaan lasoo bandhigay, isagoo ku tilmaamay guul weyn doorashada lagu wado inay sannadkan ka dhacdo Somalia.

Kimoon ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku xusay inay guul aad u weyn tahay in Mada xweynaha soo socda ee Somalia la doorto 30ka bisha Oktoobar ee Sanadkan. Wuxuuna intaas ku daray inay tani muujinayso in Somalia ay ku socoto waddadii dimuqraadiyadda.

"Waxaan aaminsanahay in jadwalka doorasho ee la isku waafaqay la wada ilaalin doono, waxaana dhinacyada oo dhan uga digaynaa in xilliga jadwalka uu tilmaamayo ay ka dib dhacdo doo rashada," ayuu yiri Ban KiMoon.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee QM ayaa xusay inuu soo dhaweynayo qorshaha hiigsiga nidaamka doorasho ee Somalia ee sannadka 2020ka, isagoo xusay in uu Aamisan yahay in Somalia ay horay u socoto.

"Waxaan doonayaa in xoogga la saaro doorashooyinka sannadkan 2016ka, waxaana ku baaq ayaa in wax walba la ilaaliyo Xuquuqda Aadanaha iyo weliba xorriyadda hadalka," ayuu KiMoon ku yri Warsaxaafadeedkiisa.

Ugu dambeyn, Ban KiMoon ayaa sheegay in taallaabadan ay tahay mid aad muhiim u ah oo ku wajahan Horumarrada laga sameeyay Siyaasadda Dalka Soomaaliya, isagoo

CIIDAMADA KUMAANDOOSKA OO HOWL GAL QORSHEYSAN KA FULIYAY GAALKACYO

Ciidamada Kumaandooska ee ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa howl gal qorsheysan ka fuliyay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo howl galkan la sheegay in lagu soo qabtay shan ruux oo uu ku jiro Sarkaal.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. Cali Baashi ayaa u sheegay wakaalada warar ka ee SONNA in howl galkan qorsheysan lagu qabtay nin magaciisa lagu sheegay Saciid C/llaahi Ab uukar oo loo yaqaano AlSuudaan

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galka ay sameeyeen Ciidamada Kumaandooska uu ka kala dhacay labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ee ay ka kala taliyaan Puntland iyo Galmudug.

"Howl galkan wuxuu ku soo dhamaaday sidii loogu tala galay, wuxuuna ka dhacay labada dhi nac ee magaalada Gaalkacyo”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka.

Lama sheegin in ciidamada Kumaandooska ay howl galkan ku wehliyeen Ciidamo ajnabi ah iyo in kale

Ciidamada Kumaandooska oo ay tababareen Ciidamo Mareykan ayaa dhowaan la geeyay magaalada Gaalkacyo, iyagoo la dejiyay meel duleed ka ah Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, wax aana ciidamadan la socda Ciidamo Mareykan ah oo aan tiradooda la sheegin.

UNHCR OO CODSATAY IN LA TAAGEERO QAXOOTIGA SOOMAALIYEED

Ha’yadda UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Kenya iyo Yemen in ay wali u baahan yihiin in ay helaan tageero dheeri ah si loo gaabo noolashooda.

UNCHR ayaa sheegtay in wali jirto xaalad nolol xumo ee heysta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Dibadiisa iyo sidoo kale kuwa ku barakacay gudaha dalka Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay in ay haboon tahay in dalalka caalamka ay bixiyaan jawaab ku aadan taa geerada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka iyo dibadiisa.

UNHCR ayaa sheegtay in tiro ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Al-kha ras ee dalka Yemen ay kunool yihiin xaalad adag oo saameyn weyn ku yeelatay noolashooda , sid aas darteedna deeqbixiyaasha caalamka looga baahan yahay in ay taageeraan qaxootiga Soomaa liyeed ee ku sugan dalka Yemen.

Sidoo kale UNHCR ayaa sidoo kale codsatay taageero dheeri oo loogu talagalay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya gaar ahaan xeryaha Dhadhaab.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO DIB UGU SOO LAABTEY KISMAAYO, SHEEGAYNA IN UUSAN AHAYN MURASHA MAXWAYNAHA DALKA

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ee Mudane Axmed Maxa med Islaam iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Shalay Arbaco 10August2016 dib ugu soo laabtay Mag aalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii Madasha Wadatashiga hogaam iyayaasha Qaran oo uu Kaga qayb galay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa kuwehelinayeen madaxweyne kuxigeenkii hore mudane C/laahi sheikh ismaaciil fartaag , Gudoomiyaha Baarlmaanka iyo xubno kakala tirsan labada gole ee xukuumadda ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Madaxweynaha kusoo dhaweeyay xubno katirsan golayaasha Dowladda waxaana uu mid mid u gacan qaaday dadkii garoonka kusoo dhaweeyay.

Shirjaraa,id oo uu Saxaafadda u qabtay ayuu Madaxweynahu kaga hadlay Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho oo uu xusay in uu ahaa mid muhiim u ah Umada Soomaal iyeed.

"Waxaan is leeyahay wixii shirkaas kasoo baxay cid uu u dan ahaa oo si gaar ah loogu dane eyay ma jirto waxaana uu ahaa wax masiirka ummadda oo dhan ka talinaya hadii aan dhahno qolo hebal hala qanciyana wax la dhamaystiri karo ama soo dhamanaya maha balse wuxuu shirkaas ahaa mid aan ku gaarnay waxaan xalka u arkaynay” ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca kooban ee ku yimid doorashada ayuu xusay in maalmaha kooban ay yihiin kuwo ku idlaanaya inta ay shaqadu socoto balse ay diideen oo aysan dalkan dan u ahayn in mudo kororsi la sameeyo.

"Wax mudo kororsi ah majiro mana aaminsani in ay ka badanayso maalmaha kooban ee shaqadu ay soconayso” ayuu yiri Madaxweynahu.

WARBIXIN: KOOXAHA PREMIER LEAQUEGA OO SUUQA UGU JIRI SI AAN ABID LOO ARKIN IYO LIISKA CIYAARTOYDA ILAA HADDA AY LA SOO SAXIIXDEEN KOOXAHA PREMIER LEAQUEGA OO DHAMAYSTIRAN

suuqa kala iibisaga ciyaartoyda xagaagu waxayna kooxuhu ku mashquulsan yihiin si ay koox ahooda xoojin ugu samayn lahaayeen. Kooxaha waa wayn ee Premier Leaquega ayaa isku diyaarin aya xili ciyaareed badhig u noqon doona tababarayaasha aduunka ugu fiican, waxayna samaynaya an saxiixyo muhiim ah.

Premier Leaque coaches1

Sidoo kale waxaa soo dhawaanaya waqtiga ay si rasmi ah dib ugu bilaami doonaan horyaala da waa wayn ee Yurub, waxayna kooxaha qaar doonayaan in ka hor ay sameeeyaan saxiixyo muhii m ah.Shabakada Laacib.net ayaana halkan idiinku soo gudbinaysa liiska rasmiga ah ee ciyaartoyda xagaagan ku soo biirtay 20 ka kooxood ee xili ciyaareedka cusub ku tartami doona Premier Leaq uega. Man United ayaa ilaa hadda ah kooxda lacagta ugu badan xagaagan suuqa ku bixisay iyada oo lacag rekoodh aduun ah kula soo wareegtay Pogba. Wali suuqa kala iibisaga ayaa furan waxaana jiri doona ciyaartoy badan oo la filayo in ay kooxaha Premier Leaquega ku soo biiri doona an, laakiin waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa dhamaan liisaska ciyaartoyda 20 ka kooxood ee Premier Leaquega ilaa hadda ku soo biiray iyo qiimaha ay koox kastaaba kula soo wareegtay xidigaha ay la soo wareegtay.Coaches

Halkan kaga bogo dhamaan ciyaartoyda xagaagan ku soo biirtay kooxaha Premier Leaquega oo dhamaystiray iyo qiimihii lagula soo wareegtay:

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY ARSENAL

Granit Xhaka (Borussia Monchengladbach, £35m)

Rob Holding (Bolton, £2.5m)

Takuma Asano (Sanfrecce Hiroshima, Lama shaacinin lacagta)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY BURNLEY

Jamie Thomas (Bolton, 2.5 m)

Robbie Leitch (Motherwell, 1.5m)

Johann Berg Gudmundsson (Charlton, Lacagta lama shaacin)

Nick Pope (Charlton, £1.1m)

Jon Flanagan (Liverpool, amaah)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY BOURNEMOUTH

Brad Smith (Liverpool, £6m)

Lys Mousset (Le Havre, £5.4m)

Emerson Hyndman –(Fulham, magdhaw)

Nathan Ake ( Chelsea, Amaah)

Jordon Ibe (Liverpool, £15m)

Lewis Cook ( Leeds, £10m)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY CHELSEA

Michy Batshuayi (Marseille, £33m)

N’Golo Kante (Leicester, £32m)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY CRYSTAL PALACE

Andros Townsend – Newcastle United, £13m

Steve Mandanda – Marseille, Lacagta lama shaacinin

James Tomkins – West Ham, £10m

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY EVERTON

Ashley Williams (Swansea City, £12m)

Idrissa Gana Gueye (Aston Villa, £7.1m)

Maarten Stekelenburg (Fulham, Lama shaacinin lacagta)

Bassala Sambou –(Coventry, Lama shaacinin lacagta)

Chris Renshaw (Oldham, Lama shaacinin lacagta)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY HULL CITY

Jonathan Edwards (Peterborough, bilaash)

Will Mannion (AFC Wimbledon, magdhow)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY LEICESTER CITY

Ahmed Musa (CSKA Moscow, £18m)

Nampalys Mendy (Nice, £13m)

RonRobert Zieler (Hannover 69, Lacagta lama shaacinin)

Luis Hernandez (Sporting Gijon, Lacagta lama shaacinin)

Raul Uche Rubio (Rayo Vallecano, Lacagta lama shaacinin)

Bartosz Kapustka (Cracovia, £7.5m)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY LIVERPOOL

Sadio Mane2

Sadio Mane (Southampton, £30m)

Georginio Wijnaldum (Newcastle United, £25m)

Ragnar Klavan (Augsburg, £5m)

Loris Karius (Mainz, £4.7m)

Joel Matip (Schalke, bilaash)

Alex Manninger (Augsburg, bilaash)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY MANCHESTER CITY:

John Stones (Everton, £47.5m)

Marlos Moreno(Atletico Nacional, £4.75m)

Leroy Sane (Schalke, £42m)

Gabriel Jesus (Palmeiras, £27m)

Ilkay Gundogan (Borussia Dortmund, £21m)

Nolito (Celta Vigo £14m)

Oleksandr Zinchenko (Ufa, lama shaacin lacagta)

Aaron Mooy (Melbourne City, heshiis is dhaafsi)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY MANCHESTER UNITED:

Paul Pogba(Juventus, £89m)

Eric Bailly (Villarreal, £30m)

Henrikh Mkhitaryan (Borussia Dortmund, £26m)

Zlatan Ibrahimovic (Paris SaintGermain, bilaash)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY MIDDLESBROUGH

Marten De Roon (Atalanta, £12m)

Viktor Fischer (Ajax, £3.8m)

Antonio Barragan (Valencia, £3m)

Victor Valdes (Manchester United, bilaash)

Brad Guzan (Aston Villa, xor)

Bernardo Espinosa (Sporting Gijon, bilaash)

Jordan McGhee (Hearts, amaah)

Alvaro Negredo (Valencia, amaah)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY SOUTHAMPTON

PierreEmile Hojbjerg (Bayern Munich, £12m)

Nathan Redmond (Norwich City, £11m)

Kieran Freeman (Dundee Utd, magdhaw)

Alex McCarthy (Crystal Palace, lacagta lama shaacin)

Jeremy Pied (Nice, bilaash)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY STOKE CITY

Ryan Sweeney (Wimbledon, amaah)

Joe Allen (Liverpool, £13.5m)

Ramadan Sobhi (Al Ahly, £5m)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY SUNDERLAND

Papy Djilobodji (Chelsea, £8m)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY SWANSEA CITY

Leroy Fer (QPR, £3.5m)

Mike van der Hoorn (Ajax, £2m)

Tyler Reid (Manchester United, lacagta lama shaacin)

George Byers (Watford, bilaash)

Mark Birighitti (Newcastle Jets, bilaash)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY TOTTENHAM HOTSPUR

Vincent Janssen

Vincent Janssen (AZ Alkmaar, £18.5m)

Victor Wanyama (Southampton, £11m)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY WATFORD

Isaac Success (Granada, £12m)

Christian Kabasele (Racing Genk, £5.8m)

Jerome Sinclair (Liverpool, £4m)

Brice Dja Djedje (Marseille, £4m)

Juan Zuniga (Napoli, amaah)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY WEST BROMWICH ALBION

Matt Phillips (QPR, £5.5m)

CIYAARTOYDA KU SOO BIIRTAY WEST HAM UNITED

Andre Ayew(Swansea, £20.5m)

Arthur Masuaku ( Olympiakos, £6m)

Toni Martinez (Valencia, £2.4m)

Ashley Fletcher (Manchester United, £700,000)

Sofiane Feghouli (Valencia, bilaash)

Havard Nordtveit (Borussia Monchengladbach, bilaash)

Gokhan Tore (Besiktas, amaah)

Manuel Lanzini (Al Jazira Club, Lama shaacinin lacagta)

Domingos Quina (Chelsea, bilaash)

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip