
Sheeko: Gaso, Ganuun, Gasiin W/Q Cali Jimcaale Axmed
Waxaa iyana goobta fadhiyay koox fara ku-tirsi ah oo dhowaan u soo hiloobay kob ama buqcad ay beri hore ka hil-hesheen. Maya, ma aha kuwii ka qaxay maan-wareerki miir-laawayaashi mudcaha la wareegayey. Ha, waa kuwaas, miirlaawayaasha aan ka hadlaayo. Waa kuwi sheekadooda awowgaa kugu sheegay Geed Shimbiraale hoostiisa. Mar dambe ayaan ku xasuusindoona, haddese, aan dib ugu noqdo sheekadeyda. Abkow Aawow sheekadiisi maqashay, maxaa anna ii diiday in aan teyda sheegto? Carrab dalableh. Buuladi shalay buula kale boobtaay, maxaa adna dibir kuu dambeysaa! Dilaaygii dilaay dilow, …
Barqadaasu kama duwaneyn kuwa kaloo badan oo soo maray deegaanka Dhiif Ciin Tanaad. Waxay dhashay maalin aan yaab gooniya lahayn, marka aad ka tagto inkaarta la xooray, iyada oon weli suqaarki quraacda la dhameysan. Sida maalmihi kaloo badnaa oo soo maray degaankaa isaga ah, waxay qorraxdu soo jiitantaaba soo gaartay bartama cirka.
Waxaa markaa dhashay boqoolki labaad ee astaantiisu duhurka ahayd. Milay loo bartay in waddooyinka la faaruqiyo. Ma rabo in aan ku celceliyo sheeko taxana ah, maalmo aan is dhaamin, beryo aan is-doorin, sanad la wadaaga dhigiisa dhismo iyo daroor, tawaad iyo faajofaajo, hoygoodu yahay dhiil aan la cugin ama la culin tan iyo Maqaar-saarki Koobaad, boqollaal sano ka hor.
Hashiina waa tii garatay inay tahay igar, oo diiday in ay ku godlato xoodaamis cubcub aan dhameys aheyn. Garashadaa ka horse, waa tii sasabku shaqeeyay. Mar I dage… Maya, xumaha uun layma tusine, waxaan weli isu key dhaamin hertida iyo haraatida xanuunka badan ee xilliyadii i soo maray.
Welina aan la noolahay. Haddaadan ahayn goroyo madaxa ciidda kula jirta, adiguba waa kuu muuqataa tawinta aan daboolneyn.
Ha, cudur kastaa waxaa wehliya astaamihiisa u gaarka ah. Maya, marmar waxaa loo baahanyahay in qalab kale loo adeegsado sidi loo arki lahaa kobta iyo mugga ooddinta aad la il-darantahay.
Oof kasta iinteeda ayay sii shaacisaa, waase qof iyo garashadii. Kor waayeel waa wada indho. Hadal waa merge.
Waa tahay. Waxaan arkaa in aad indhaha marmareyso. Halkaan aan ku hakinno sheekada.
W/Q Cali Jimcaale Axmed
xigasho:-somaliweyn.com
Sheeko: Gaso, Ganuun, Gasiin W/Q Cali Jimcaale Axmed
Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir! "Gacan aan la aqoon kula tagtay! Maya, mid aan loo jeedin kula boodday. Maya, tuf iyo dabeyla xagaa ku bax!" Dadki hadalka maqlaayay kuwa ka midihi ayaan wax weyn u qaadan waxa u ekaa in ay aheyd inkaar aan gu