Gabadhaan oo lagu kaxeeyo kuraasta curyaamiinta, ayaa waxay Jazeerada Zanzibar ku barataa sida shaashadaha wax loogu qoro.
Waxay ardayda kale kaga duwan tahay iyadoo ah gabar fir fircoon, isla-markaana si dhakhsi ah carabkeeda ugu qorto ereyada ku qoran teleefankeeda gacanta, iyadoo aan wax khalad ihi samaynayn.
Tani waxay ka caawisay inay soo jiidato indhaha bulshada reer Tanzania. Dadka reer Tanzania waxay hadalhayaan sida uu u wanaagsan yahay mooralka gabadha 25 jirka ah.
Iyadoo la hadleysay BBC, ayaa waxay sharaxaad ka bixisay sida ay ku baratay in ay carabka wax ku qorto, waxay tilmaamtay in bilowgii hore ay ku adkeyd in carabka ay wax ku qorto.
"Maalin ayaa waxaa soo dhacay teleefan dhabta ii saarnaa, hase ahaatee maanan qaban karin, waxaan ka fekeray qaabkii aan wejigeyga u adeegsan lahaa, waxaana ku taabtay dhabankayga, iyadoo uu bilaabay inuu ii shaqeeyo. Marka waxaan ka codsaday qoyskayga in ay dhabta ii saaraan barkin iyo dhar, si teleefanka uu ugu dhawaado wejigayga, waxaa xigtay inaan carabka u adeegsado. Markii hore waxaa igu adkaa inaan carabka wax ku qoro, laakiin ku celcelis iyo taataabasho badan ka dib waan la qabsaday.” Ayay tiri gabadhaan.
Wakonta Kapunda, ayaa waxay haminaysaa in mar uun ay noqoto qof filimada aflaamta sameeya, waxayna xustay in aflaamta ay ahaayeen madadaalada qura, ee ay haysatay, ka dib markii ay dhibaatadaan la soo deristay.
"Markii aan curyaamay aflaamta ayaa ii ahaa madadaalada keliya ee aan haystay, iyadoo aan daawan jiray xilli kasta, waxaana xilligaa i galay rajada ah inaan wax badan ka qaban karo aflaamta, si ay noloshayda u bedelaan. Waxaan rabaa inaan aflaamta qoro, kuwaa oo dadka dhiira-geliya, dibna u soo celiya rajadooda.” Ayay tiri Wakonta Kapunda.
Gabar dhalinyaro ah oo carabka wax ku qorta (Daawo Sawirada)
Wakonta Kapunda oo ku naafowday shil gaari, ayaa wax ku qorta carabka, iyadoo awood u leh inay carabkeeda u adeegsato isticmaalka teleefanka gacanta, sida wicitaanka teleefanada, derista fariimaha iyo inay ku qorto sheekooyinka aflaamta.