Saameeyntii Dagaalkii Lafoole (Qeybta 2aad)

0
Saturday August 06, 2016 - 10:13:34 in Wararka by
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameeyntii Dagaalkii Lafoole (Qeybta 2aad)

    Talyaanigu waxa uu waday qorshahiisii ahaa aar gudsiga, Jeneral: Baldissera wuxuu soo jeediyay in wacdaanka iyo Biyamaalka xoog lagu maquuniyo laakin Sir. Tittoni wuxuu qabay in farsama aan dagaal aheyn lagu dayo lana kala fur furo qabiilada is bahee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talyaanigu waxa uu waday qorshahiisii ahaa aar gudsiga, Jeneral: Baldissera wuxuu soo jeediyay in wacdaanka iyo Biyamaalka xoog lagu maquuniyo laakin Sir. Tittoni wuxuu qabay in farsama aan dagaal aheyn lagu dayo lana kala fur furo qabiilada is baheeysiga ah.
Waxa kale oo uu soo jeediyay in ciidanka ku duulaya wacdaan oo markaa ahaa 2,442 ayna hogaaminayeen 30 sarkaal oo Talyaani ahaa lagaarsiiyo tiradooda 3,400 asgari ayna hogaamiyaan 46 sarkaal oo Talyaani ah.

Waxaa Talyaanigu aaminsanaa in dagaalka wacdaan ay ku dhiiri galinayeen amxaarada isku wareejisay magaalada Luuq oo dooneysay in ay Xamar ku soo duushu, laakiin markii Sir. Sorrentino Xamar yimid 26/10/1897 waxa uu bilaabay baaritaan 10 cisho gudahood waxa uu ogaaday in ayna jirin cid ka baxsan deegaanka Lafoole oo taakuleeyneeysay, kadibna waxa uu bilaabay dagaalkii sharaf soo celinta Talyaaniga, waxaa soo baxay in la kala qeybiyo qabiiladii Soomaalida ,ugu horeyn wasaarada arrimaha dibada talyaaniga ayaa go’aamisay in Wacdaan iyo Galadi la saaro dambigii dagaalka lana ciqaabo Fiiri: The NY Times report.



Si kastaba Sorrentino iyo Dulio oo isna ahaa madaxii shirkada Banadir ee ganacsiga Talyaanigu waa ku adkeed in ay degdeg u dhaqaaqaan ama cid Soomaaliya ay aaminaan iyagoo leh Soomaalidu waa beenloowyaal, tuugo, dilaayaal fiiri: ((expedition as he thought of the Somalis as: ‘liars, thieves, and murderers’ A clear grudge from the ‘Lafole massacre’ He wrote in his book Ricordi del Benadir: ‘We’ve got a nasty cat to skin! May God protect us’ (Robert L. Hess, 1966, p.66).

Waxaa yimid ciidankii xoojinta ee la sugayay 20kii Abrill , 5 bilood dagaalkii lafoole kadib waxaa bilaawday dagaalkii aar gudsiga, ugu horeyn waxaa la gubay tuuladii lafoole, kadibna tuulooyinkii kale ee Galadiga iyo Murusadaha, kadibna xaruntii sh. Axmed Xaaji ee Nimow ayaa dhinaca badda laga duqeeyay, Fiiri:( Lee V. Cassanelli, 1982, p.208).iyo’ (Robert L. Hess, 1966, p.66).

Ciqaabtaasi saameyn kuma yeelan Wacdaankii, Galadigii, iyo Biyamaalkii, weliba Talyaanigii hore waa u sii socan waayay oo dib ayuu u soo noqday 20kii sanno ee xigtayna wuxuu dhaafi waayay magaaloyinkii xeebaha ee Warshiikh, Mogadishu, Marka iyo Baraawe. 'Italian colonialism in Somalia''' (Robert L. Hess, 1966, p.76) .

Laakin Talyaanigu waxa ay bilaabeen qofkii u dhashay qabiiladaa ee lagu arko magaalooyinka in la xiro. Wacdaankiina waxa uu bilaabay in uu go’doomiyo magaalooyinkaa oo safarada galayo ama ka baxayo uu xayiro, taa waxaa isna bilaabay Biyamaalka oo yiri: anna waan go’doominayaa magaalooyinka inta wacdaanka laga qaadayo cuna qabateeynta looga ugaarsanayo magaalooyinka.

Intaa kuma ekaan eeTalyaanigu waxa uu bilaabay in uu dib isku abaabulo. Fiiri: warqada uu qoray Governatorihii Talyaaniga Sir: Carletti, bishii June 1908 una diray wasaaradda arrimaha dibadda ,wuxuu ku yiri: suura gal nooma ahan in aan hore u sii socono si aan webiyada ku gaarno, waxa uu yiri: qabaa’ilkii kacdoonka waday laba bilka hor ayeey ciidan u direen dhinaca Sayidka , waqtigaanna waa soo dhawyihiin ayagoo weliba hubeeysan culeeysna noo keeni doona, wuxuu yiri: Biymaal dhan 4000 nin ayaa baxay, dhulkoodii waxaa ku haray waayeel, haween iyo caruur bis, Hintirana in yar maahee intii kale waa baxeen, waqti ma heeysano haddii aadan naga soo gaarin. waana wada baxeen qabiiladii Hintire, Biyamaal, Wacdaan, Jambelul, Daa’ud, iyo Mobilen, kuwaa oo guud ahaan tiradoodu weliba ka badantahay 100,000 dagaal yahan soona noqon doono ayagoo hubeeysan, waa sida ku qoran warqada uu u diray wasaarada arrimaha dibadda ee Talyaaniga, gurmad ayaa lala soo gaaray Talyaanigii bishii Agoosto 1908, hore ayeyna u dhaqaaqeen iyagoo ugu horeyn calankii Talyaaniga ka taagay tuulada Bariirey sidoo kale dagaala badan ayaa ku qabsaday Mareereey: fiiri:bogga 250 ee buuga Lee Cassanelli’s The shaping of Somali society: reconstructing the history of a pastoral people, 1600-1900.The Wacdaan tribe between 1896-1908..Cf. Carletti, Attraverso il Benadir, pp. 164-77, passim.

Sawirada:Jabkii gumeeystaha, xayeeysiintii talyaaniga iyo barbaarta dagaalka.

FG: wixii ka qaldan qoraalkan waad sixi kartaa, naqdin kartaa, dhaliili kartaa,wixii aqoon yarideydu ii geeysay ka raali noqo, aragtidaada xor ayaad u tahay.

Yahya Amir's photo.
Yahya Amir's photo.
Yahya Amir's photo.
Yahya Amir's photo.
Yahya Amir's photo.
Qore: Yahya Amir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip