
SAAMEYNTA DAGAALKII LAFOOLE: (Gaalo madow iyo cadaan u haajirtay Sh/hoose)
In kastoo talyaaniga cabsiyi ku jirtay hadda rag uu Cecchi ka mid ahaa ayaa ku dhiiri galinayay kuna cadaadinayay dowlada talyaanigu in ay ka faa’iideeysato khayraadka oo mustacmirad run ah ay ka dhigato. Fiiri: ‘’rich commercial resources’’ of Somalia (Cecchi, Pesaro, to foreign Minister C.F Nicolis di Robilant, August 27, 1886).
Lafoole kadib waxaa bilaawday kacdoon guud oo ka dhacay gobalkii hore ee banaadir ee afarta dekedood loo yaqiin (warshiiq illa baraawe) oo ganacsigoodu u furnaa ilaa Harar, (( FG. Mar dhaw ayeey aheed markii baska u socda Itobiya laga raaci jiray daarta Biixaani loo yaqaan horteed iyadoo la naadinayo magaalooyinka uu sii marayo, laga yaabee in qaarkiin ku safray.)).
Qoraaladu waxa ay leeyihiin maalmihii xigay dagaalkii lafoole waxaa bilaawday kacdoon, magaalada Mogadishana waxaa lagu dilay laguna dhaawacay talyaani tiradiisu aheyd 100 ruux markii uu kacay Abgaalkii magaalada deganaa.
Dhinaca Marka ayaa mar kale talyaani lagu dilay, nin dhalinyaraa oo magaciisa la yiraa: Cumar Yuusuf Xassan ayaa dilay nin talyaani ahaa oo lagu magacaabi jiray Giacomo Trevis. qoraagu waxa uu lee yahay cumar oo ku soo tukaday musaajidka Shaykh Osman ‘Marka-yaalle’ ayaa middi ku dilay Trevis oo marayay xeebta Marka, qoraaga ayaa leh Trevis Marka waa laga necbaa ma aha kaliya in uu isticaar ahaa ee waxa uu dadka ku qasbi jiray shaqa adag oo lacag la’aan aheyd ( dhowr jeer oo aan Marka tagay kuma arag goob lagu magacaabay labadaa geesi ee Marka ku dilay gumeystayaal ayaga oo aan cidna u kaashan, mana arag cid reer Marka ah oo iiga sheekeeysa).
Dhinaca kale magaalada warshiikh waxaa la weeraray askar Talyaani aheyd oo xerada ka soo baxayay. Magaalada Baraawana Sheikh caan ahaa oo loo yaqiin Haji Sheekh Cabaas ayaa dadkii ku kiciyay Talyaaniga, joojiyayna dhaqdhaqaaqii Talyaaniga.
Sawiradii:Filonardi, xasuuqii Gumeeystaha iyo lafoole.
FG: wixii ka qaldan qoraalkan waad sixi kartaa, naqdin kartaa, dhaliili kartaa,wixii aqoon yarideydu ii geeysay ka raali noqo, aragtidaada xor ayaad u tahay.
La soco Qaybta, B.
Qore: Yahya Amir.
xigasho:-somaliweyn.com
SAAMEYNTA DAGAALKII LAFOOLE: (Gaalo madow iyo cadaan u haajirtay Sh/hoose)
(Qeybta 1aad) Talyaanigu dagaalkii lafoole kadin waa xadiday faragalinta arrimaha Soomaalida, lamana dhihi Karin mustacmarad, dhowr ciidan ah oo carab u badnaa ayaa ku ilaalin jiray xeryaha shirkadiisii ganacsi ee Filonardi Company, ayana dhaqdhaqaaq